General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Firxadkii kooxihii dagaalka kawaday Muqdisho oo saaka siwayn looga ilaalinayo koontaroolada, Airporada iyo dhinaca badda inay uga firxadaan Muqdisho. Waxaa saaka siwayn looga baadigoobayaa dhamaan bara laga bixikaro ee Muqdisho madaxdii iyo haraadigii maxkamadaha ee dagaalka kawaday Muqdisho todobaadkii la soo dhaafay iyadoo la hawl galiyay dhamaan laamaha dawlada oo ay ku jiraan kuwa sirdoonka iyo ciidamada Police ka, dhanka kale Dawlada Federaalka ayaa ka codsatay dadwaynaha inay ka caawiyaan wararka ku saabsan goobaha ay u baxsadeen firxadkii haraadiga maxkamadaha ee Muqdisho lagu jabiyay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ragii hogaaminayay dagaaladii muqdisho ay lugohooda maaleen iyagoo u baxsaday dhinaca baadiyaha si aan gacanta loogu dhigin halka warar kale ay sheegayaan inay wali ku dhuumaalaysanayaan magaalada muqdisho iyagoo si shaqsi shaqsi ah u kala dhexgalay dadwaynaha caadigaa kadib markii guud ahaan lala wareegay magaalada muqdisho. Ciidamada Dawlada ayaa saaka wada hawlgal lixaadle iyagoo saaka markii ay ku soo jarmaadeen goobo lagu malaynayay inay ku dhuumaalaysanayaan kooxihii dawlada ka soo horjeeday loo tagay iyagoo haawanaya qof dhaqaaqaana uusan joogin arintaas oo dadku ku macneeyeen inay gabi ahaanba iska huleeleen maleeshiyadii dagaalamaysay ayna noqdeen wax firxaday wax la qabtay iyo wax dadka caadi u dhexgalay. Wixii soo kordha haka dheeraan allmudug.org(by seeraar). (Please contact us) webmaster@allmudug.org,qalay2005@allmudug.org,qalay2005@hotmail.com.
  2. MUQDISHO: Ra'iisul Wasaare Geeddi: "Dowladdu waxay billowday dajinta qorshey lagu sugayo ammaanka Muqdisho" Posted to the Web Apr 27, 11:00 Muqdisho (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa daboolka ka qaaday inay waxaan qoryashaal ay ku doonayaan inay ku sugaan ammaanka Magaalada Muqdisho kaddib markii uu sheegay inay la wareegaan gacan ku haynteeda. Prof. Geeddi ayaa daboolka ka qaaday inay ciidammada Booliiska iyo kuwa kale ee nabadda wax ka sugaya ay bilaabayaan inay fariisimo ka sameystaan xaafadaha Muqdisho iyo gaar ahaan saldhigyada oo uu sheegay inay tagayaan booliiska. Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha Dowladda ee nabad sugidda Muqdisho ay tahay in saldhigyo looga sameeyo ciidammada booliiska isgoysyada Muqdisho si loo hago ammaanka Muqdisho oo uu sheegay inuusan sahal ahayn sugiddiisa. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka codsanayo shacabka Muqdisho inay gacan ku siiyaan ciidammada sugidda ammaanka Muqdisho sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimadda oo uu sheegay inay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed. "Dagaalkii Muqdisho waa uu dhammaaday waxaana dowladdu ay waddaa qorshayaal nabadeed, waana taas midda aan doonayno inaan kala shaqeynno shacabka nabad ku soo dabbaalidda Muqdisho" ayuu yiri Prof. Geeddi oo hadalkaan jeediyay saakay. Prof. Geeddi ayaa sheegay shalay shir jaraa'id oo uu ku qabtay gurigiisa in dowladdu ay la wareegtay gacan ku haynta Muqdisho ayna ka guulaysatay wax uu ugu yeeray inay ahaayeen kooxo Argagaxiso ah oo rabshado ka waday Muqdisho. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  3. War deg deg ah Ciidamada DFK Somalia oo saaka soo bandhigay cududooda Military iyagoo baaritaano lixaadle ka bilaabay Muqdisho. Ciidamada Federaalka ayaa saaka si aan caadi ahayn baaritaano uga wada dhamaan caasumada Somalia iyagoo saaka baaritano kawada guud ahaan goobihii ay horay uga talinayeen kooxihii dawlada ka soo horjeeday goobaha saaka baaritaanada xoogan ka soconayaan waxaa kamida xaafada Xamar Jadiid, Laba dhagax, Al-Baraka, Shiirkole, Baar Ubax, Black Sea, Soos, Hurwaa iyo Suuqa xoolaha. Iyadoo dhamaan goobahaasi ay ahaayeen caloosha kooxaha dawlada ka soo horjeeday. Ciidamada Dawlada ayaa saaka guri guri u baaraya dhamaan xaafadaha muqdisho iyadoo la arkayay gawaarida dagaalka oo si baaxadle u dhex soconaya dhamaan wadooyinka magaalada muqdisho kadib markii ay kala firxadeen kooxihii dawlada ka soo horjeeday oo iyagu hada kala firdhaday kadib markii shalay siwayn loogu jabiyay dagaal ay lagaleen ciidamada dawlada. Waxaa saaka si toosa gacanta loogu hayaa magaalada muqdisho iyadoo dhamaan caasumada ay dhex mushaaxayaan gaadiid dagaalka oo ay leedahay dawlada Somalia iyo sidoo kale ciidamada Ethiopia oo saaka la arkayo dabaabaadkooda oo si aan gabad lahayn u dhex soconaya magaalada iyadoo guri guri loo baarayo Muqdisho gaar ahaana goobihii ay horay difaaca uga jireen kooxihii rabsho wadayaasha ee dalka laga saaray. Wixii soo kordha haka dheeraan allmudug.org(by seeraar).
  4. Mag. Muqdisho Oo Dagan Iyo Baaritaano Laga Wado Xaafadaha Qaarkood -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho(Calanka.com) 27-April-2007 Xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho guud ahaan ayaa ah maanta mid dagan kadib markii ey sagaal maalmood oo isdaba joog ah ka socdeen halkaa dagaalo qaraar. Dagaaladan socday sagaalka maalmood ayaa lasoo afjaray maalintii shalay aheyd kadib markii mid ka mid ah kooxohii ku dagaalamayay halkaa laga awood roonaaday isagana cararay goobihii dagaalka. Guud ahaan caasimadda Somaliya ayaa iminka ah mid ey si buuxda ugu hayso gacanta dowladda federalka oo iyadu horaantii sanadkan ku soo gashay caasimadda qaab dagaal oo ey kala wareegeen midowgii Maxkamadaha Islaamka oo iyagu ka talinayay halkaa mudo lix bilood ah. Xaafadihii dagaalada ka socdeen sagaalka maalmood iyo xaafado kale ayaa waxaa iminka ka soconaya baaritaano guri-guri ah oo ey sameynayaan ciidamada dowladda federalka oo kaa shanaya kuwa Itobia. Baaritaanadan ey fulinayaan ciidamadan ayaa lagu doondoonayaa hub iyo maleeshiyaadkii ka dagaalamayay xaafadahan oo kasoo horjeeday dowladda, waxaana lagu soo qabqabtay howlgaladan ilaa tobaneyo qofood oo lagu tuhunsan yahay in ey yihiin ragii dagaalamayay walow qaar ka mid ah lasii daayay kadib su`aalo la weydiiyay qaarka kalena lagu kexeeyay gawaari. Waxaa sidoo kale iyana laga waday howlgallo ceynkan ah xaafadaha KPP, Cali Kamiin, jidka Sodonka iyo kuwo kaloo badan kuwaasoo iyana lagu goobayay hub iyo maleeshiyo taabacsanaa kooxihii kacdoonka waday.
  5. Dhammaadka Kooxdii nabad diidka ee magaalada Muqdisho Last Updated::2007-04-27 17:57:08 Muqdisho: Dawladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada kale ee gargaaraya ayaa soo afkaray kooxihii nabad diidka ahaa ee ka dagaallamayey magaalada caasimadda ah sagaalkii maalmood ee la soo dhaafay. Magaalada Muqdisho ayaa maanta deggan iyadoo ciidamada dawladdu ay isku fidiyeen baaritaannona ka bilaabeen deegaannadii ay dagaalladu ka socdeen, waxana ay ciidanku hubaal ka dhigeen guud gacan ku haynta magaalada caasimadda ah taas oo soo afkartay kooxo magacyo badan sheegan jirtey oo qalalaase ka waddey magaalada caasimadda ah. Xoogagga is garabsanaya ayaa baaritaanno house to house ah ka bilaabay goobaha lagu tuhunsan yahay in ay ku sii harsan yihiin kooxaha nabadda iyo nidaamka ka soo hor jeeda. Dawladda ayaa ugu baaqday in ay dadku soo laabtaan, isla markaasna ballan qaadda in ay gargaar u fidin doonto dadkii bara kacay, iyadoo qorshayaal ammaanka lagu giijinayo ay saraakiisha sarsare ka bilaabeen magaalada Muqdisho.
  6. Degganaanshaha Muqdisho oo xaqiijinaya gacan ku haynta dawladda Somalia Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo xoogagga kale ee garabka siinaya ayaa isku ballaariyey maanta deegaanno iyo isgoysyo muhiim ah iyadoo xaafadaha lagu tuhusan yahay kooxihii dagaalka ka wadey baaritaanno laga bilaabay. Goobaha sida weyn haatan hawlaha baaritaan uga socdaan waxaa ka mid ah xaafada Xamar Jadiid, Laba dhagax, Al-Baraka, Shiirkole, Baar Ubax, Black Sea, Soos, Hurwaa iyo Suuqa xoolaha. Kooxihii ciidamada Isbahaysanaya ka soo horjeeday ayaa firxad galey, waxaana ay ka baxeen dhamaan goobihii ay ku sugnaayeen lamana oga halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana tani ay ka dambeysay ka dib markii shaley lagu jabiyey dagaal xoogan oo ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho. Magaalada ayaa haatan deggan dawladduna waxay dadka u bilowday gargaar iyadoo loogu baaqay dadkii caasimadda ka bara kacay in ay dib u soo laabtaan. Axmed Aar SBC Muqdisho
  7. Breaking News: Ciidamada Dawlada & Itoobiya oo baaritaan xoogan ka wada... Iyadoo ciidamada Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo taageeraya ka helaya kuwa Itoobiya ay si buuxda gacanta ugu dhigeen guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan socda hawlo baaritan oo baaxad weyn oo laga wado qaybo ka mid ah Muqdisho gaar ahaan goobihii ay gacanta ku hayeen kooxihii ka soo horjeeday ciidamada Dawlada iyo kuwa Itoobiyaanka. Goobaha sida weyn haatan hawlaha baaritaan uga socdaan waxaa ka mid ah xaafada Xamar Jadiid, Laba dhagax, Al-Baraka, Shiirkole, Baar Ubax, Black Sea, Soos, Hurwaa iyo Suuqa xoolaha. Kooxihii ciidamada Isbahaysanaya ka soo horjeeday ayaa firxad galey, waxaana ay ka baxeen dhamaan goobihii ay ku sugnaayeen lamana oga halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana tani ay ka dambeysay ka dib markii shaley lagu jabiyey dagaal xoogan oo ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho. Warar dheeraad ah ka dheeran SBC SBC News Desk
  8. War deg deg ah:Ciidamada DFKMG ah & kuwa Itoobiya oo isku fidiyey Muqdisho Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee taageeraya ay saaka isku balaariyeen goobo muhiim ah iyo Isgoysyo hor leh oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasima wadanka Soomaaliya. Ciidamada oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee dabaabaadka ayaa saaka waxay isku balaariyeen Isgoyska Baar Ubax, Wadada Warshadaha, Xamar Bile, wadada Wadnaha, wadada 30-ka iyo meelo kale oo fara badan oo ay horey difaac iyo dhufeyso uga jireen kooxihii ka soo horjeeday ciidamada Iskaashanaya ee Muqdisho kula dagaalamayey. Ciidamada ayaa meelaha qaar waxay ka sameynayaan baaritaan, iyadoo la soo sheegayo in ay qabteen dad lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen dagaaladii ka socdey magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafey. Deeganadii shaley ay la wareegeen ciidamada isbahaysanaya ee waqooyiga Muqdisho ayaa warar SBC ay ka heshay dad xog ogaal ahi waxay sheegayaan inay kooxo ay bililioq ka geysteen, inkastoo la qabtey qaar ka mid ah kooxahaasi oo ku guda jirey falal bililiqo ah. Maamulka warshada sameysa caabitaanada ee Coka Cola ayaa sheegay in xarunta warshada bililiqo xoogan loo geystey, iyadoo laga qaatey baabuur iyo qalab kale oo ay warshadu ku hawlgali jirtey. Wasiir kuxigeenka gaashaandhiga DFKMG ah Salaad Cali Jeelle ayaa meesha ka saarey in ciidamada dawlada aysan wax lug ah ku laheyn falalka boobka ah ee ka dhacay qaybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho, waxaase uu sheegay in ay jiraan kooxo burcad ah oo ka faa'ideysta mar kasta oo isbadal dhaco, waxaana uu sheegay in ciidamadu ay kuguda jiraan sidii wax looga qaban lahaa falalka bililiqo ee la soo sheegayo. Dhamaan goobihii ay xirteen ee ay dhufeysyada ka qoteen kooxihii ka soo horjeeday ciidamada Dawlada Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayay xaley saqdii dhexe isaga baxeen kooxahaasi, waxaana meelaha ay ka gurteen oo ay baneeyeen ka mid ah Isgoyska Ifka Xalan, Isgoyska Shiirkoole, Isgoyks Warshada Caanaha, Al-Baraka, Taleex, Isgoyska Kaasa balbalaare, Cali Kamiin, Laba dhagax, Isgoyska Black Sea, Taribuunka, Xamar Bile, Xamar Jadiid, Jidka warshadaha iyo goobo kale oo ay horey gacanta ugu hayeen kooxahaasi. Guud ahaan jawiga magaalada Muqdisho ayaa haatan degan, iyadoo dadku ay si taxadar leh isha ugu hayaan isbadalkan, inkastoo ay u riyaaqsan yihiin in dagaalkii uu meesha ka baxo oo ay hal awood magaalada ku soo harto. Warar dheeraad ah ha ka dheeeraan SBC. SBC News Desk
  9. ^^^So Somaliland is not going to secure "the border"?
  10. Earlier, the UN humanitarian chief said insecurity, checkpoint harassment and new administrative directives have all obstructed humanitarian efforts. Thats a given, there is insecurity because we have armed groups fighting the governemnt, checkpoints tod eal with this insecurity, and new adminstartive directive because there is a governemnt in town. Nothing to suggest the TFG was hampering anything, but the Harassment part should be looked into.
  11. Government agenciesHumanitarian Assistance and Disaster ManagementAgency (HAMDA) (“Puntland”)Ministry of Interior (“Somaliland”)Ministry of Interior, Security and DisarmamentDemobilization and Reintegration (“Puntland”)Ministry of International Cooperation and Planning(“Puntland”, “Somaliland”, TFG)Ministry of Resettlement, Rehabilitation andReconstruction (“Somaliland”) National Refugee Commission (TFG) SOURCE
  12. ^^^lol. Its the TFG set up commitee handing out the food, but we all see what we want huh?
  13. ^^^You have made some great points. However we have along way to go to pacify Mogadishu properly. The next month is crucial.
  14. Thanks Camir, another example of the TFG success and the isolation of its enemies.
  15. ^^^I agree with you, its not fighting but institution building which will bring victory to all of us.
  16. Camir, the elders have taken a good position. However the Puntland diaspora need to come together and combat this threat.
  17. Dowlada federaalka oo aan haysan dhaqaale buuran ayaa hadana waxay dadweynaha Soomaaliyeed ugu deeqeen $200.000 laba boqol kun oo doolar oo raashin iyo daawo loogu soo gado iyadoo loo qeybin doono maalmaha soo socda waxaana loo xil saaray wasaarada arrimaha gudaha iyo hay'ada Qaxootiga Qaranka.
  18. http://www.radiofreesomalia.com/mucaamo_qaybin_muq_april26.html
  19. ME, the back of threse groups has been broken, in the south it was the four day battles and in the North it was this offensive, mop up job will continue for a month or so, but their fighting power and will has been decimated. Hence all the contradictory stories. As for the claims, there has been no fighting outside the 1/2 hour gunn battle and even that seems to be an exageration on the part of the defeated groups media.
  20. I think there is real change in Puntland towards the defence of the state.. Great thread Camir, many thanks
  21. ^^^ME, I guess you are making things up as you go along. Black Sea, Shiirkole ilaa afisiyone Kindly expand on these clahes, since there was no clahs in KM4, Hotel Ambassador, or anywhere else. There was 1/2 hour accoridng to Shabbele in which gun fire was exchanged. Please expand.
  22. ^^^This 1/2 hour gun fight I have noted to be a fact, however the one before is a fabrication.