General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Madaxweyne Yusuf oo shir jaraa'id ku qabtey Muqdisho 28 Apr 28, 2007 - 7:04:31 AM Cabdilaahi Yuusuf Axmed Madaxweyanha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaalada Muqdisho kadib dagaalo sideed cisho ka dhacay, waxuuna shaaca ka qaaday inay dhamaadeen dagaalada isla markaana ay xaalada iminka degan tahay. Cabdilaahi Yuusuf waxuu yiri "Dagaalka waxa uu u dhaxeeyay rag argagaxiso ah oo ammaaan laga waayay balse dowlada wey ka guleysatay xiligaan Muqdisho iyadaa gacanta ku heysta". Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxtooyada ay soo weerareen kooxo argagaxiso ah dhowr iyo tobban jeer, isagoo sheegay in qasaaro xoogan kooxahaas ay u geysteen shacabka Muqdisho. Yuusuf waxuu ugu baaqay shacabka Soomaliyeed inay heshiiyaan isla markaana ay soo xaadiraan shirka dib u heshiisiin oo Muqdisho lagu qabanayo bartamaha bisha June. Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ka barakacay Muqdisho ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, isagoo xusay in Dowlada Federaalka iyo ciidamada saaxiibka ah ee Ethiopia ay soo dhaweynayaan qof kasta oo ka shaqeynaya nabadda. Madaxweynaha ayaa dhanka beesha caalamka ugu baaqay inay gar gaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee dagaalada ay barakiciyeen oo dhibaateysan, isagoo hoosta ka xariiqay in DF ay qeyb ka qaadaneyso caawimaada dadkaasi. Hadalkan maanta kasoo yeeray Cabdilahi Yuusuf Axmed Madaxweyanha Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa kusoo beegmay kadib dagaalo culus oo Muqdisho ku dhex maray DF iyo kooxo kasoo horjeeday iyado haatan Muqdisho ay gacanta ku heyso DF. Cabdi Fatax Axmad,GO
  2. Madaxwaynaha Somalia oo shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia. Madaxwaynaha somalia ayaa shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada wadanka Somalia ee Villa Somalia kadib markii si buuxda ciidamada dawladu ay ula wareegeen caasumada somalia isagoo ka hadlay madaxwaynuhu arimo farabadan oo ay kamid yihiin dagaaladii muqdisho ka dhacay, dadkii ka barakacay iyo waxyaalo fabaran isagoo tacsina u diray eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii dagaaladaasi ku nafwaayay. Madaxwaynaha somalia Cabdullaahi Yuusuf axmed wuxuu ugu horay ka hadlay dagaaladii ka dhacay muqdisho isagoo sheegay inay dagaaladaasi u dhexeeyeen haraadigii maxkamadaha iyo kooxo dano gaara wata kuwaasoo maaliyad farabadan ku bixinayay sidii qalalaase uu wadanku ugu sii jiri lahaa isagoo madaxwaynuhu hoosta ka xariiqay in kooxdaas la soo afjaray ciidamada qalabka sidaana ay ku mahadsan yihiin sida geesi nimada leh ee ay cagta u mariyeen kooxihii ay dadka reer muqdisho ka harsan waayeen. Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu ka hadlay khasaaraha dagaalkaasi uu gaystay isagoo sheegay inuusan marna raali ka ahayn in dadka shacabkaa waxyeelo soo gaarto uuna u tacsiyaynayo dhamaaan dadkii aan waxba galabsan oo ay haleeshay madaafiicdii lays waydaarsanayay isagoo nasiib dano ku tilmaamay in ninam aan umada u naxayni ay gabaad ka dhigtaan dadka shacabkaa si ay wadanka qalalaase uga sii wadaan. Dhanka kale wuxuu madaxwaynuhu sheegay in dawlada somalia hada wixii ka dambeeya u soo jeensanayso dibu dhiska dalka iyo sidii dadka barakacay guryohooda ugu soo laaban lahaayeen isagoo intaasi ku daray in umada somaliyeed ee guryohooda ka cararay hada wixii ka dambeeya ay soo laaban karaan guryohoodana ay u fasaxan yihiin isagoo dhanka kalana ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada dawlada. Ugu dambayntii Madaxwaynaha somalia wuxuu beesha caalamka ka codsaday inay gargaar dag dag ah la soo gaarto dadka talaabaysan iyadoo laga caawinayo sidii ay guryohooda ugu soo laaban lahaayeen iyo in beesha caalamku ka shaqayso oo dhaqaale ku taageeto sidii umada qaxootiga noqotay guryohooda loogu soo celi lahaa sida ugu dhaqso badan. Isku soo wada duuboo dadwaynaha reer muqdisho waxay u muuqanayaan kuwo dhabihii nabada cagta saaray walow wali ayjirto aaminaad la'aan dadwaynuhu ka qabaan inaysan marnaba muqdisho noqon karin goob amaan ah ee qolo un soo bixi doonto. Cabdinuur mohamed seeraar
  3. Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo nabad-sugid ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la arkayay iyagoo howlgallo nabad sugid ah ka waday Magaalada Muqdisho, isla markaana baarayay gaadiidka isaga kala goosha waddooyinka Magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo aad u hubeysnaa ayaa saakay lagu daadiyay Isgoysyada Magaalada Muqdisho, waxayna dhigistooda Isgoysyada Muqdisho ay ku soo beegmeysaa iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho. Ciidamada maanta ka howlgelayay Isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxay muujinayaan in Dowladda Federaalka ay isku sii baahineyso Magaalada Muqdisho oo aysan ciidamadeeda horay uga howlgeli jirin, waxaana isgoysyada ay maanta ka howlgelayeen ka mid ah Tareebuunka, Kaasa-balbalaare, Bakaaraha, Howl-Wadaag, Aadan Cadde, Florenza iyo kuwo kale, wuxuuna howlgalkoodan ahaa mid ay ku baarayeen gaadiidka isaga kala goosha isgoysyadaas. Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa haatan degan, wax rasaas iyo madaafiic ahna kama dhacayaan, taasina waxay suurtagelisay in ay dadkii horay uga barakacay qaarkood dib ugu soo laabtaan, halka kuwo kalena ay weli qax ku maqan yihiin, iyagoo qiimeynaya xaaladda. Inkastoo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ay wadaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan, hadana waxaa meelaha qaarkood laga soo sheegayaa bililiqo loo geystay hanti ay dad gaar ah lahaayeen iyo kuwo ay shirkado lahaayeen, iyadoo ay sii dheer tahay in ay Ciidamada Dowladda qaarkood ay yihiin kuwo u baahan in anshaxa iyo dhaqanka suuban la baro, waayo waxaad arkeysaa askar qaba labiska ciidamada Dowladda Federaalka oo hadana u dhaqmaya sida maleeshiyooyinkii hoggaamiye kooxeedyada iyo iyagoo mararka qaarkood hubka la raacaya gaadiidka BL-ka ah. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mas'uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa qaabilsan Ciidamada ayaa looga fadhiyaa in ay Ciidamadooda xakameeyaan, isla markaana ay go'aanno adag ka soo saaraan askarta ku xadgudba shacabka iyo hantidooda. alsom17@hotmail.com Shabeeladahoose.com
  4. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa shirkan jaraa’id kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ugu horrayso dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxo is biirsaday oo ka haray Maxkamadihii ay dagaallo ka bilaabeen magaalada Muqdisho xarunta Villa Somalia-na la soo weeraray ilaa iyo dhawr iyo toban jeer. Waxaa uu sheegay in weeraradaasi ka imanayey kooxaha is biirsaday ay dawladdu u adkaysan weydey kadibna lagu khasbanaaday in laga hor tago. Waxaa uu tacsi u diray elehalada dadkii ku dhintay dagaalladii ugu dambeeyey waxana uu beesha caalamka ugu baaqay in gargaar lala soo gaaro dadka ku tabaalaysan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Axmed Aar SBC Muqdisho
  5. Madaxweyne Yuusuf oo shir Jara'id ku qabtey Muqdisho Last Updated::2007-04-28 16:02:18 Mogadischo:-Madaxweynaha DF Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta waxaa uu shir jaraa’id uu ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho ee Villa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa shirkiisaan jaraa’id waxaa uu kaga warbixinayey Arimo Door ah oo ay ka mid ahaayeen Xaalada Magaalada Muqdisho, Safarro uu dalka Dibada uu uga maqnaa, iyo Guud ahaan Xaalada Wadanka Soomaaliya. Madaxweynaha DF Yuusuf ayaa shirkaan jaraa’id waxaa uu kaga hadlay dagaaladii 9 maalmood ka socda Magaalada Muqdisho isagoo eeda dagaalka dusha ka saaray kooxihii Nabad Diidka ahaa ee diidanaa joogitaanka ciidanka Itoobiya oo uu ku tilmaamay kooxo isbiirsadey oo ka haray Maxkamadihii islaamiga. Madaxweynaha waxaa uu sheegey in Dawlada ay u adkeysan weydey in weeraro joogta ah ay kaga yimaadaan dhinaca kooxaha uu ku tilmaamey in ay ahaayeen Haraadigii Maxkamadihii Muqdisho ka talinayey. Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed waxaa uu ka warbixiyey, Safar uu ku tagey isaga oo ay wareysi Gaar ah uu la yeeshey wariyaha Horseednet, waxaa uu ku sheegey in Safarkii uu ku tagey wadanka Itoobiya Dhawaantaan ay iskula soo qaadeen isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Ato Meles in ay ka mid ahayd sidii ay u soo afjari lahaayeen kooxaha Nabad Diidka ah Kacdoonka ay ka sameeeyeen Caasimada Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa uu ugu danbeyntii Tacsi u direy Dadkii ku dhintey Muqdisho ehaladoodii waxaana uu sheegey in uu aad oga xunyahay waxa ka dhacay Caasimada Soomaaliya Sagaalkii Beri ee ugu danbeysey. Mohamed Ali (Dalmar) mohamedali11@gmail.com Horseednet.com
  6. Suldanka, grown men get over personal issues and deal with the mattersat hand. Dheere comments are in the past much like most things. The man, like him or not is tough, no nonsene and will not take NO for an answer from the business groups, media and so on. You can say whatever but you can see the change alraedy in the air. Go on Shabbele website today.
  7. Wariye ismaaciil Taxte oo ka tirsan shabelle oo sawiro ka qaadaya isgoyska Bakaaraha oo howl-gallo ay ka fulinayeen ciidamada dowladda Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay rasaasta hoobiyaha
  8. Mid ka mid ah ciidamada dowladda oo taagan agagaarka Isgoyska Bakaaraha
  9. Ciidamada Taraafikada oo kala hagaya gaadiidka wadooyinkii ku xirmay dagaalada
  10. Ciidamada dowladda KMG ah oo burburiyay dhismayaal sharci darro ah soona qabtey hub Click here to find shabelle news in english Daawo Sawirada Mogadishu 28, April.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ay taageerayaan gawaarida dagaalka ayaa maanta ka bilaabay howl-gallo lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada ah qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale ciidamada dowladda howlgallo baariaano ah ay sameeyeen ay ku soo qabteen rasaasta Hoobiyaha Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ayaa sidoo kale howl-galkooda ay ku jirtey kala hagidda gaadiidka sida qaldan u socda wadooyinka qaar sida Isgoysyada Aadan Cadde iyo H/wadaag, iyagoo sidoo kale burburinayay goobaha sida sharci darada ah uga dhisan wadooyinka. Ciidamada dowladda oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa si koox koox ah u marayay wadooyinka, waxaana ay dadka ku war galinayeen in gacmahooda ay ku burburiyaan dhismayaasha sharci darada ah. Axmed Xasan Dheere oo Sandaqad lagu iibiyo Cabitaan ku leh isgoyska Aadan Cadde ayaa shabelle u sheegay in loo keenay wareegto ka soo baxday xafiiska amniga gobolka Banadir in lagu amray in ay baneeyaan hareeraha wadooyinka. Waa markii labaad oo ciidamada dowladda KMG ah ay burburiyaan goobo si sharci darro ah looga dhistay hareeraha wadooyinka, iyadoo isgoyska KM4 sidaasi oo kale looga burburiyay goobo si sharci darro ah halkaasi uga dhisnaa. Dhinaca kale ciidamada dowladda waxa ay fuliyeen howl-gallo ay ku baarayen gaadiidka yaryar, iyadoo howl-galadaasi ay ku soo qabteen hub yiilay guryo ku yaala agagaarka Isgoyska Bakaaraha sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidamada howl-galka fulinayay oo la yiraahdo C/salaan Max'ed Rooble.
  11. ^^^LOL. Xamar is no Bagdhad and the Somali's are not Iraqi's and the Ethiopians are no super power. But keep hoping for the worst, I hope for the best. More on the current story.
  12. ^^^How expensive is a grave site?
  13. Xamar oo Xasiloon Maalintii Labaad iyo Ciidamada DF oo ku sugan Guud ahaan Isgoysyada Magaalada Muqdisho Last Updated::2007-04-28 11:22:21 Mogadischo:-Magaalada Muqdisho ayaa Maalintii Labaad Xasiloon iyada oo aysan ka dhicin wax Dirir ah maalintii Labaad . waxaa ay Xasiloonidaan ay timid ka gadaal markii uu dhabar jab ku yimid Kooxihii Nabad diidka ahaa ee ka soo horjeedey Ciidamada Dawlada Kumeel Gaarka ah iyo kuwa Itoobiya oo iska taageerayey hawlaha Nabad ku soo celinta Caasimada Soomaalioya ee Muqdisho. DF Soomaaliya ayaa waxaa ay Iclaamisey Kol hore in Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay Guud ahaan Nabad Gelyadeeda ay Degantahay iyada oo aysan ka jirin wax Dhaq Dhaqaaqyo ah oo ay wadaan kooxihii Nabad Diidka ahaa ee Muqdisho Dagaalada ka wadey Dhawr iyo TObankii casho ee la soo dhaafey. waxaa saakey lagu arki karaayey Isgoysyo dhawr ah oo magaalada Muqdisho ku yaala oo ay Nabad Gelyadeeda ay sugayeen Ciidamada DF Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya ee halkaas ku sugan. isgoysyada iyo Goobahii kale ee saaka lagu arki karaayey Ciidamada DF Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah isgoysyada Kaasa Bal Balaara, Hawlwadaag, Stadio Muqdisho, wadada Warshadaha iyo Dhamaan Goobihii kale ee ay ka socdeen Dirirta Dhawrkii ayaamod ee ay Dagaaldu ay socdeen. Ciidamada Dawlada iyo Kuwa Itoobiya ayaa waxaa ay Baaritaano ay ku sameenayaan Guud ahaan Gawaarida isaga kala gooshta Deegaanadaas, waxaana Jirta Cabsi laga Qabo Ismiidaamin iyo Weeraro Gaad ah oo lagu soo qaado Ciidamada. waxaa sidoo kale Jirta Dib ugu soo noqosho Baahsan oo ay dib markale Guryahoodii ay ugu soo noqonayaan Dadweynihii rayidika ahaa ee magaalada Muqdisho horey oga qaxay, waxaana ay tani Timid ka dib markii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed geedi uu ugu baaqey Dadkii ka qaxey Muqdisho in ay Guryahoodii dib ugu soo noqdaan. dhinaca kalena waxaa socota raashin qeybin loo sameynayo dad ka barakacey Guryahoodii, waxaana Barnaamijkaan ka taakuelynayaa Dawlada Kuemeel Gaarka ah, Gudiga Qaxootiga ee Norway. Guud ahaan isu socodka dadweynaha iyo Gawaariada ayaa dib markale u soo noqdey, waxaana ay Timid arintaan ka dib markii ay DF Soomaaliya ay ka guuleysatey kooxo ka soo horjeedey oo sida ay sheegtey DF soomaaliya ay ahaayeen kooxahaas, Haraadigii Midawgii Maxkamadaha. Mohamed ALi (Dalmar) mohamedali11@gmail.com Horseednet.com
  14. Saraakiisha Ciidanka qalabka sida oo maanta laga casuumay Suuqa wayn ee Bakaaraha kadib markii ay ciidamada dawladu la wareegeen amaanka suuqa. Saraakiisha ciidanka qalabka sida Ee Dawlada Federaalka Somali ayaa maanta lagu wadaa inay kulan balaaran la qaataan ganacsatada gobolka banaadir iyadoo laga wada hadlayo qodobo dhawr ah oo quseeya amaanka caasimada gaar ahaan suuqa bakaaraha iyo sidoo ciidamada dawladu u ilaalin lahaayeen amaanka suuqa bakaaraha oo isagu ah suuqa ugu wayn guud ahaan dalka somalia kadib markii ciidanka dawladu si buuxda ula wareegeen amaanka Muqdisho oo dhan.. Qodobada laga wada hadlayo waxaa ugu muhiimsan laba qodob oo kala ah qodobka koobaad in ganacsatadu hubka ay hayaan ku soo wareejiyaan ciidanka amaanka si ay hantidoodu u badbaado iyadoo taas badalkeeda dawladu kafaale qaadayso amaanka Suuqa bakaaraha qodobka labaad ayaa ah in ganacsatada suuqa bakaaraha ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay si loo abuuro ila dhaqaale oo ay dawladu yeelato. Arimahan lagu wado in laga wada hadlo ayay u badan tahay in laysku afgarto maadaama ay iska yartahay awooda ay wax ku diidi karaan ganacsatada gobolka banaadir xili laga takhalusay kooxihii dawlad diidka ahaa iyadoo arimahani ay ku soo aadayaan xili Gudoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabay Maxamed Cumar xabeeb Maxamed dheere oo isagu ah nin siwayn ay uga baqaan dadka ree Muqdisho ahna nin ad adag oo aan u jixin jixin dadka mucaarada hawlihiisa. Cabdinuur Mohamed Seeraar
  15. ^^^Camir, you hit the nail on the head, if not for the defat would they be so welcoming? As for this measure its only the beggining. These groups hate taxes, guess who's governor of Banadir one of the biggest Tax collectors of them all Mr Mohamed Dheere, a real nightmare for these groups who hated taxes and governance.
  16. ^^^Not to do anything would have been criminal yaa Xiin. So far so good.
  17. Ganacsatada iyo booliska DFS oo ka wada hadlay sidii loo badbaadin lahaa Suuqa Bakaaraha Click here to find shabelle news in english Mogadishu 28, April.07 ( Sh.M.Network) Hogaanka sare ee taliska ciidamada booliska Somaliyeed iyo ganacsatada gobolka Banadir ayaa kulan ay yeesheen shalay waxa ay ka wada hadleen sidii loo badbaadin lahaa hantida taala suuqa bakaaraha. Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen midowga ganacsatada gobolka Banadir, uuna ka soo qeybgalay taliyaha ciidamada booliska Somalia Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xoogga lagu saaray sidii suuqa Weyn ee Bakaaraha aanu wax rabshado ah uga dhici laheyn. Ganacsatada gobolka Banadir ayaa waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ciidamada amaanka dowladda ay ku soo dhaweeyeen suuqa weyn ee Bakaaraha, isla markaana ay la shaqeeyaan. Afahyeenka Midowga Ganacsatada gobolka Banadir Cabaas Max'ed Ducaale oo kulankaasi ka dib shabelle u waramay ayaa sheegay in ay diyaariyeen 200 oo ka mid ah ilaalada suuqa Weyn ee Bakaaraha oo loogu talo galay in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka dowladda KMG ah. Afhayeenka waxa uu intaas raaciyay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in Suuqa Bakaaraha uu ka badbaado qulqulatooyinka ka dhacaya caasimadda Somalia, ka dib 26 kii bishaan markii uu joogsaday dagaalo muddo 8 maalmood ah ka socday caasimadda Somalia ee Muqdisho. Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka dhaceen bililiqo baahsan, iyadoo boob loo geeystay shirkaddii Coca cola oo aheyd shirkadda kaliya ee soo saarta faantada, Sparite ka iyo kookada. Click here to find shabelle news in english Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  18. ^^^There is a method to this madness. Mohamed Dheere before he fell from grace achieved a great deal of security for Jowhar and the Middle Shabbele. I think security, security, security is the top priority.
  19. ^^^Mogadishu is secure, and its security will get better insha Allah. Mogadishu has had peace in the past for over 30 years from 1960-1991 it was one of the most peaceful cities in the world. Who is to say it wont be like Bairut a city to reclaim its beauty. As for the Somali people all I hear is those in Las Vagas complaining. I hope you had a safe journey old boy.
  20. Ciidamada dowladda fedaraalka oo baritaano ka bilaabay gudaha suuqa Bakaaraha Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 28/04/07 Waxaa saakay lagu arkayey gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha cutubyo ka tirsan ciidamada Boliska ee dowlada fadaraalaka Somaliyeed oo baritaano amaanka lagu sugayo ka wada gudaha suuqa. Ciidamadaan Boliska ayaa howshoda si cadi ah u wato ka dib markii uu wadahadal dhaxmarey gudiga ganacsatada gobolka Banadir sida uu sheegay afhayeenka gudiga midowga ganacsatada gobolka banadir enj: Cabaas Maxamed Ducaale . Dhinaca kale waxey ganacsatada iyo dowlada ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo wixii dhibaato ka iman karta iyaga oo isla ogolaaday in ciidamo gaaraya 200 oo ilaladii hore ah ay la howlgalaan kuwa dowladda. Waa markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowladu howlo baritaano iyo kuwo amniga lagu sugayo ka fuliyaan gudaha suuqa bakaraha,waxaana howlgalkaan la fulinaya ciidamada dowlada kuwa ilaalda ka ah suuqa bakaaraha oo ay horey u qorteen rag ganacsato ah. Somaliweyn Media Center/SMC
  21. Guddiga ganacsatada gobolka Banadir iyo Ciidamada Booliiska gobolka oo maanta kulmay Jimco, April 27 (HOL) - Guddiga gacasatada goblka Banaadir ayaa maanta kulan ballaaran la yeeshay saraakiisha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir. Taliyaha Booliska Soomaaliyeed - Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-Diid) Kulankaasi ayaa waxaa looga arrinsanayay sidii lagu dhowri lahaa amaanka Suuqa Weyn ee Bakaaraha isla markaana looga badbaadin lahaa dadka boobka u geysta hantida dadweynaha sida maantaba lagula kacay qaar ka tirsan goobo gacansi oo waaweyn. Guddiga gacansatada ayaa waxa ay sheegeen in ay ka codsadeen taliyaha ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-Diid in suuqa Bakaaraha oo ay ku sheegeen halbowlaha ganacsiga Soomaaliyeed la dhowro isla markaana laga badbaadiyo gacanta wax magaratada. Afhayeenka guddiga ganacsatada gobolka Banaadir Cabaas Max’ed Ducaale ayaa sheegay in ciidamada ilaalada ka ah Suuqa Bakaaraha oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 200 oo ruux ay diyaar u yihiin in ay Booliiska garab ku siiyaan sidii loo sugi lahaa amaanka suuqa Bakaaraha. Waxa uu sheegay in haddii ciidamada amaanku ay damcaan in ay baaraan Suuqa Baakaraha ay iyagu soo dhaweynayaan isla markaana ay si dhameys tiran ula shaqeynayaan. Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in cidamada Amaanka gobolka ay maalinta berri ah gudaha usoo gali doonaan suuqa Bakaaraha isla markaana ay baaritaan ku sameyn doonaan goobihii ay ku tuhmaan in ay hub ama rag hubeysani ku jiraan. Waxaa jirtay cabsi weyn oo laga qabay in boob iyo bililiqo loo geysto suuqa Bakaaraha iyadoo cabsidaasina ay haatan u muuqato mid sii dhamaaneysa sida uu HOL u sheegay Afhayeenka Hiiraan Online warar@hiiraan.com