
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
The armed thugs will be extinct in the new Somalia insha Allah
-
Charcoal traders, such Abukar Cadaan are big loosers
-
-
-
-
-
1. The Somali people everywhere. 2. The Somali national flag, institutions and the much abused land. 3. The weakest from our society, those unarmed clans, those who's property and land has been occupied. 4.The young who have an opportunity for the creation of a better nation. One that willa address their needs for health, education as well as employment.
-
Who's next?
-
-
-
-
Remember all the loud mouths, big shots who opposed peace? They came in many guises and from various backgrounds and professions. Some were armed faction leaders, others scrap merchants, former Qad traders. Even worse soem were our very own so called "experts". Some opposed peace on the names of clan, on nationalisam, for the clan and even for the faith. All were struck down by the TFG sowrd, some became quite, others switched sides. Who will be next?
-
Latest TFG takes over large areas, Hotels, factories, weapons etc...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaalk daran oo maalintii afraad ka socda Muqdisho 22 Apr 22, 2007 - 2:05:38 AM Dagaalada Muqdisho ka socda ayaa maanta galay maalintii afaraad, iyadoo dagaalka maanta socda uu yahay kii ugu darnaa ee Muqdisho waayadaan ka dhaca inta la ogyahay. Ciidamada Ethiopia iyo kooxaha kasoo horjeeda ee magaalada ku dagaalamaya ayaa adeegsanayaa madaafiic aan horey looga arag magaalada Muqdisho tan iyo markii ay ka dhaceen dagaalada sokeeye. Madaafiicdaan saakay dhacaya ayaa waxa ay burburiyeen goobo aad u far badan, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaarna ay ku dhinteen dadweynaha rayidka ah ee magaalada ku haray. Labada ciidan ayaa ku dagaalamaya deegaanada Baar Ayaan,Hotel Towfiiw, Jiiro Garoob iyo deegaano hoos yimaada degmada Yaaqshiid ee goabalka Banaadir. Xarunta Hay'adda DBG ee agagaarka isgoyska Towfiiq ayaa gabi ahaanba burburtey ka dib markii ay ku dhaceen madaafiic dhowr ah oo ay soo rideen ciidamada ethiopia oo beegsanayay kooxaha ka soo horjeeda. Ciiadamada dowlada ayaa horumar ka sameeyay goobaha qaarkood iyada wararka ay shegayaan in ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay gacanta ku dhigeen Hotel Ramadaan oo maalmahaan dagaal xoogan agagaarkiisa ka socdey. Warar kale oo dhowaan soo gaaray GO ayaa sheegaya in DFKMG ah ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo bandhigi doonto maanta hub ay ka qabsadeen kooxaha la dagaalamaya. Dhinaca kale goobaha dagaalka ka socda ayaa lagu arkayaa meydad daadsan waddooyinka kuwaas oo isugu jira kooxaha dagaalamaya iyo dadweyne guryahooda xabbadu uga tagtey. Waxii kusoo kordha dagaalka socda kala soco wararkeena dambe. Cabdi Fatax Axmad,GO -
Latest TFG takes over large areas, Hotels, factories, weapons etc...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hub iyo Miinooyin lagu qabtay Magaalada Muqdisho Oo Lagu Wareejioyay Ciidmada Midowgga Afrika ee “AMISOM” : Muqdisho DMC Axad 22 Apriil 2007. Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigey Hub iyo miinooyin laga soo qabtay guri ku yaal meel u dhexeysa Villa Baydhaba iyo Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho. Goobtiii lagu soo bandhigey miinooyinkan ayaa waxaa ka soo qayb-galey madax kala duwan oo ka kala socday AU iyo dowladda FKMG . Masuuliyiinta ka qayb gashey Bandhigga Miinooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamuud Maxamed Guuleed,Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle wakiilka AUda ee Somalia Mohamed Foum,Duqa magaalada Muqdisho Cadde Xasan Gaaboow, Taliyaha Ciidan Booliska Soomaaliyeed Col Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” iyo masuuliyiin kale. Bandhiggaas ayaa lagu sheegey in la heley Miinooyin gaaraya 700 xabbo,Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa sheegey inay miinooyinkaas yihiin kuwa loo aiqaanno lidka taangiga kuwaas oo ay rabeen in loo adeegsado Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM. Hubkan la soo bandhigey ayaan la sheegin in lala soo qabtey dadkii adeegsanaayey hase yeeshee,masuuliyiinta oo la weydiyey arrinkaas ayaa ka gaabsadey inay sheegaan inay jiraan wax dad ah oo lala soo qabtey hubkaas iyo in kale. Waa markii ugu horreeya oo la qabto tiro hub ah oo intaas la eg tan iyo intii ay magaalada dib uga billowdeen Dagaalada u dhaxeeya kooxaha Dowladda ku kacsan,Itoobiyaanka iyo kuwa Dowlladda kumeelgaarka ah. Hubkan ayaa la sheegay inay ku jireen baakooyin ku raseysnaa laba gaari oo ku jiray gurigaas waxaana kartoonada ku qornaa inay ku jiraan daawooyin hase yeeshee markii la furay kartoomada ayaa waxaa la arkay waxa meesha ku jira inaysan ahayn daawo balse ay yihiin Miinooyinka loogu tala galay in lagula dagaalo Taangiyada. Ilaalada Taliyaha Ciidan Booliska Soomaaliyeed Col Cabdi Qeybdiid ayaa la sheegay inay galeen gurigaas oo ay soo qabteen hubka. -
Latest TFG takes over large areas, Hotels, factories, weapons etc...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wararkii ugu Dambeeyay ee Dagaalada Muqdisho : Wararka naga soo gaaraya Goobaha Dagaalka ayaa tibaaxaya inuu isbeddel ku yimid dagaaladii kululaa ee ka socdey magaalada Muqdisho.warar ku dhowdhow goobaha dagaalka ayaa sheegaya inay Ciidmada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanku qabsadeen Hotel Toowfiiq,Hotel Ramalaan, waxaar cadde iyo Jiiro Goroob oo u dhow warshaddda Baastada. Warkan oo aan ka soo xiganey ilo aad ugu dhow halka Dagaaladu ka socdaan ayaa tilmaamaya inay xaley Ciidamada Itoobiyaanku galeen Jiiro Goroob iyo warshadda Baastada hase yeeshee halkaas qasaare badan uu ka soo gaarey awgeed ay islamarkiiba dib uga soo baxeen ka dibmarkii ay halkaas ay uga dhinteen ku dhowaad 35 askari kuwaasoo saarnaa baabuur lala helay gantaal, hase yeeshee ay isla saaka Ku soo laabteen goobtaas oo ay ka qabsadeen kooxihii ka soo horjeeday. Waxaa saacado yar ka hor istaagey madaafiicda xoogga badneyd oo ay isticmaalayaeen Ciidmada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanku ,iyadoo xabbad joojin ay ku dhawaaqeen afhayeenada Ciidamada Muqaawimada u hadlla sida C/llaahi sheekh Xasan Kaas oo sheegey inay Itoobiyaanku ka codsadeen in xabbadda la Joojiyo. Dagaalka ayaa wuxuu aad u kalulaa xaley iyo shaley oo dhan iyadoo Ciidmada Dowladda iyo Kuwa Itoobiyaanku culeyskooda oo dhan saareen islamarkaasna madaafiic waaweyn ka ridayeen meelaha ugu dheer joog ahaan magaalada Muqdisho Sida Digfeer,Jaamacadaha,Madaxtooyada,xero Marino,taliskii hore ee ciidamada nabadsugidda ee ku yaal agagaarka Baar FIAT iyo Dugsiga Sare ee Maxamuud Xarbi oo u dhow Deegaanka sanca,dhammaan hubkaas ayaa si daranddoorri ah loogu ridaayey Goobaha dagaalka iyo meelo kale oo aad uga fog. Gantaalaha lagu ridayey xaafadaha kala duwan ee Muqdisho iyo hadalka Ra’iisalwasaarha oo iskaashadey ayaa waxay keeneen qax aad u ballaaran oo ka dhacaya haatan Magaalada.Dadka qaxaya ayaa waxaa weli haysato Gaadiid la’aan maxaa yeeley waxaa xiran jidadka Muhiimka ee magaalada Muqdisho,waxaana shacabku iyagoo ilmahooda xambaarsan isticmaalayeen Lugtooda si ay uga badbaadaan madaafiicda dhaceysa. Si kastaba ha ahaatee waxaan weli kala caddeyn in Dagaalku sii socon doono iyo inuu istaagaayo,inkasta oo xabbadihii xoogga badanaa istaageen ayaa misana waxaa weli la maqlayaa madaafiic si goos goos ah ah u socota. Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayay arrinta ku saabsan xabbad joojinta ayaa sheegay ineysan jirin wax xabbad joojin ah oo lagu heshiiyay isla markaana dagaalku soconayo illaa iyo kooxaha dagaalka wada laga sifeynayo magaalada. Sidoo kale Raiisal Wasaare Geeddi ayaa wuxuu ugu baaqay in dadweynihii ka qaxay goobihii laga sifeeyay argagaxisadu waa sida uu hadalka u yiriye ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, isla markaan dadka ku noola goobaha ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxha kazoo horjeeda xukuumaddiisana wuxuu ugu baaqay inay isaga baxaan goobahaas, hadalkaas oo caddeyn u ah in dagaalka iyo duqeyntuba aysan istaagin ee ay sii socon doonaan. -
^^^Standstill. The TFG and allies have captured area after area, district after district. The so called resistance are hiding behind the people and assasinating civil servants. Around the country is quite, around Mogadishu is a weakening resolve a confused bunch of narcasists. The 16 year tragedy is coming to an end. We at last have a governemnt that is reclaiming government lands, property and taking the war to those who opposed peace, opposed the restoration of the state. Not much longer lads.
-
Latest TFG takes over large areas, Hotels, factories, weapons etc...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Magaalada Muqdisho oo caawa degan islamarkaana ay ka dhacayaan xabado goos goos ah Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 22/04/07 Magaalada Muqdisho ayaa caawa degan ka dib markii ay dagaalo qaraar ku dhex marayaan Ciidamada Dowlada oo kaashanaya ciidamda Ethiopia iyo kuwa kasoo horjeeda ee Muqaawimada diidan joogitaanka Ciidamada Ethiopia, dagaaladaan maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa beryahan la isu adeegsanayey qoryaha daran dooriga u dhaca iyo kuwa madaafiicda, hoobiyeyaasha iyo qoryaha fudud. Dagaalada Muqdisho ayaa ah kuwa aad u weyn oo keenay barakac, Dhaawac iyo dhimasho iyadoo Ra'iisul Wasaare Geedi shalay uu sheegay in la isaga huleelo meelaha ay joogaan waxa uu ugu yeeray Argagaxisada Caalamiga, waxaa caawa laga maqlayaa magaalada daafaheeda meelaha ay dagaalada ka socdaan sida agagaarka shineemo Puntland ee xaafada Huruwaay, xaafada Jamhuuriya iyadana ka tirsan degmada Kaaraan/Yaaqshiid/Huruwaa, iyo Isgooyska Florenza ee Degmada Wardhiigtleey, waxaad mararka qaarkood maqlaysaa xabado goos goos ah. Abaarihii shantii galabnimo ayaa hoobiye kusoo dhacay agagaarka Baar Fiat ee degmada Shibis wuxuuna ku dhacay dhismaha Wagad Ex. Fiat halkaasoo aysan cidna wax ku noqon ayaa hadana meesha uu ku dhacay ay ahayd meel burbursan oo ay burburiyeen dagaalada Sokeeye ee sanadihii hore lamana sheegin cid wax ku noqotay. Dagaalada Muqdisho ayaa ah mid aan la saadaalin karin inuu joogsanayo iyado madaxda Dowlada Federaalka ay ku dhawaaqeen inaan la joojin doonin inta ay gacanta ku dhigayaan guud ahaan magaalada Muqdisho iyagoo sheegay inay qabsadeen dhulal hor leh iyo deegaano horey ay u joogeen Muqaawimada. dhanka kale Dowlada Federaalka ayaa maanta waxay soo bandhigeen hub noocyo kala gadis ah oo laga soo qabtay xaafad u dhaw Villa Baydhabo hubkaasi ayaa isugu jiray waxyaalaha qarxa Miinooyin iyo waxyaalo lagu sheegay in loo adeegsado qaraxyada. Barakaca iyo qaxa ayaa saameyn ku yeeshay degmooyinka u dhaw magaalada Muqdisho iyadoo laga soo sheegayo Isbitaalka Jowhar in la dhigay dhaawacyo laga keenay dagaalada Muqdisho ka dhacaya, waxaana wali socda dad ku qulqulaya degmooyinka u dhaw dhaw Muqdisho sida Afgooye, Balcad, Marka, Qoryooleey, Jowhar, Jalalaqsi Baladweyne, Buulabarde, Buurhakaba iyo Baydhabo iyadoo maciishada ay sare u kacday dagaalada awgeed. -
^^^loool. Was he even there we all know Mr Dheere was in Mogadishu but that coward was last seen in and around Jedah Saudi.
-
^^Nicely put.
-
^^^A battalion of 6 people, that makes no sense. You mean a handful of fighters. A battalion is made up of hundreds. Anyhow Shabaab or Kebaab are done with.
-
Thanks to the TFG, Lower Shabbele is liberated..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Thanks to the TFG, Lower Shabbele is liberated..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Thanks to the TFG, Lower Shabbele is liberated..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MUQDISHO: Sheekh Shariif: "Ruux walba oo jago ka hayay gobolka wuxuu sii hayn doonaan jagadiisa" Posted to the Web Sep 30, 17:10 Muqdisho (PP) – Iyadoo maxkamadaha lagu wareejiyay maamulka Gobolka Shabeellada oo aan wax ciidammo iyo tikniko ah aanay wehlin ayaa waxaa haddana uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadaha Sheekh Shariif in nin walba oo ka tirsan maamulayaashii Gobolkaas uu jagadiisa sii hayn karo inta laga wareejinayo. Sheekh Shariif ayaa khudbad uu aqriyay wuxuu ku sheegay in Gobolka uu ahaa midkii gacanta ku siiyay Maxkamdaha inay la wareegaan goobaha ay hadda gacanta ku hayaan isla markaana ruux walba oo jago ka hayay uu meeshiisa joogayo inta laga wareejinayo. "Ruux walba oo jago ka hayay gobolka wuxuu sii hayn doonaan jagadiisa, inta laga badalayo, waxaana caddeynayaa in ruuxii jago laga badalo howl kale oo uu qaban karo loo dhiibayo" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha fulinta iyo Maxkamadaha Midoobay. Hadalkaan uu jeediyay Sheekha ayaa waxaa dadka intiisa badan ay ku tilmaameen inuu yahay mid caddaaladda ka fog, waxaana shacabka Reer Afgooye ay inta badan ku wareersanaayeen hadalka Sheekha, waxaase dadweynaha Degmada iyo kuwa gobolka ee xafladda yimid ay sheegeen in xaaladdu ay ahayd ISAGA KA QAAD ISAGANA U DHIIB. Dhanka kale, ma jirin wax gawaarida dagaalka ah sida caadadu ahaan jirtay oo laga wareejiyay maamulka Shabeellada Hoose, waxaana sidoo kale aan goobta la keenin wax Malleeshiyooyin ah oo iyagana ka tirsan kuwii gobolkaas uu horay u joogi jiray. ............ Puppet Sharif Ahmed.. -
Latest TFG takes over large areas, Hotels, factories, weapons etc...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio -
Latest TFG takes over large areas, Hotels, factories, weapons etc...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
DF oo soo bandhigtey hub ay qabatey 22 Apr 22, 2007 - 6:47:14 AM Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa maanta saxaafada u soo bandhigtay hub ay sheegtay in laga soo qabtay goobo kala duwan oo Muqdisho ku yaala, kuwaaso ay ku eedeysay inay adeegsan rabeen kooxo ay ugu yeertay Argagaxiso. Xarunta dugsiga tababarka Xalane oo maanta hubkaasi lagu soo bandhigay ayaa waxa kamid ahaa miinooyin aad u waa weyn oo la sheegay in loogu tala galay Taangiyada, iyadoo ay ku jireen hubka qoryo aad u waa weyn oo qarax sameeya iyo bambooyin kala duwan. Hubkaan ayaa la sheegay in laga soo kala qabtay xarunta Villa Baydhabo oo ay horey u degnaan jireen ciidamadii Maxkamadaha Islaamiga, iyo bakhaaro u dhow dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho. Goobta lagu soo bandhigay waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Dowlada KMG ah ee Somalia oo ay kamid ahaayeen Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada KMG ah ee Somalia Maxamed Max’ud Guuled Gacmo Dheere iyo Wasiir K/xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele, iyadoo dhinaca Midowga Afrika uu kasoo qeyb galay wakiilka u qaabilsan arrimaha Somalia Maxamed Cali Foum. Sidoo kale, Salaad Cali Jeele oo maanta goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Argagaxisa branch weyn ay ka furatay Muqdisho, balse waxuu sheegay in dowladiisa ay dhawaan cirib tiri doonto waxa uu ugu yeeray argagaxisada Muqdisho joogta. Salaad waxuu sheegay in hubkaan maanta lasoo bandhigay ay yihiin kuwii lagu geystay qaraxyadii lagu kala qaaday Madaxweyne Yuusuf iyo Marxuum Ibraahim Shaaweey. Soo bandhigista hubkaan ayaa kusoo beegmaya xili dagaalo qaraar maalintii afaraad ay ka socdaan gudaha magaalada Muqdisho.