General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Madaxda DF oo la kulmay odayaal 30 Apr 30, 2007 - 12:44:26 AM Waxaa shalay gelinkii danbe xarunta Madaxtooyada kulan isugu yimid Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo xubno ka tirsan qaar ka mid ah beelaha ****** ee ka soo horjeeday dowladda Soomaaliya. Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen odayaasha beelaha ****** qaarkood ayaa waxaa looga hadlayey arrimaha magaalada Muqdisho iyo sidii nabadgelyada looga shaqeyn lahaa iyo in mar danbe magaalada dagaalo ka dhicin. Maxamed Xasan Xaad oo sheegta inuu yahay afhayeenkii guddiga beelaha ****** ee xabad joojinta ayaa saxaafadda u sheegay in ay isku afgarteen odaayasha beelaha ****** qaarkood iyo Madaxweynaha waxyaabihii ay ka wada hadleen iyadoo isla gartay in mar danbe caasimada dalka ee Muqdisho iyo dalka oo dhan laga ilaaliyo dagaal iyo waxyaabaha keeni kara. Labada dhinac ayaa si weyn ugu dooday waxyaabihii la isku hayey iyadoo odayaasha beelaha ****** qaarkood ay soo dhoweeyeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay ay u sheegeen in aysan aqoonsaneyn. Kulankan ayaa waxaa ka maqnaa ninka sheegta afhayeenka beelaha ****** Axmed Diiriye, waxaana odayaashii ka qeybgalay ka mid ahaa Xaaji Cabdi Iimaan, Ugaas Cabdi Daahir oo ah ugaaska beesha **** iyo xubno kale. Cali Muxiyaddin Cali, GO
  2. Warar dheeraad ah oo ku saabsan kulan fool ka fool ah oo dhexmaray madaxweyne Yuusuf iyo odayaasha beelaha ****** By Cabdishakuur Cilmi Xasan Cabdishakuur48@hotmail.com April 30, 2007 Qaranimo Online Madadaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa gelinkii dambe ee shalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Villa Somalia qaar ka mid ah odayaashii beelaha ****** oo maleeshiyooyinkii ay hogaaminayeen laga adkaaday ka dib markii dagaal socday muddo todobaad ka badan uu qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada Itoobiya oo taageeraya dowladda federaalka, iyadoo kulankaasina ay soo qaban qaabiyeen saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho. Sida uu sheegay afhayeenka guddiga xabad joojinta beelaha ****** Maxamed Xasan Xaad kulankaasi oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxa layskula soo qaaday sidii loo adkeyn lahaa nabada ka jirta magaalada Muqdisho, isla markaana laga hor tago in xabad dambe ay ka dhacdo magaalada taasoo uu sheegay in labada dhinacba ay isla ogolaadeen, kuna balameen in maalinta Khamiista ah ay kulan kale isugu yimaadaan si ay u sii ambaqaadaan wadahadalada u bilowday oo afhayeenku sheegay in waxyaabo badan layskula soo qaadi doono,. "Dagaalku heshiis ayuu ku dhamaan karaa ee xoog kuma dhamaan karo, guushuna maalina wey joogtaa maalina wey maqan tahay, ujeedadeenuna waxay tahay caano daatay waa la daba qabtaaye, mar haddii wixii dhici lahaa dhaceen in hadda wixii harsan la badbaadiyo" ayuu yiri afhayeenka oo ka jawaabayey su’aal aheyd waxa laga wada hadlayo iyo nuxurka uu yeelan karo shirka ay hadda la fureen mas’uuliyiinta dowladda federaalka mar haddii dagaalkii dhacay looga adkaaday, isagoo dhinaca kalena meesha ka saaray iney yihiin dad isdhiibay oo u hogaansamay siyaasadii dowladda federaalka ee markii hore ay mucaaradka ku ahaayeen. Kulankan ayuu sheegay afhayeenka guddiga Xabad joojinta ee beelaha ****** Maxamed Xasan (Xaad) iney sidoo kale ka qeyb galeen ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi xubnhii iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, isagoo sidoo kalena xusay xubnaha beelaha ****** uga qeyb galay galay kulankaasi ay ka mid ahaayeen marka isaga laga yimaado Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, Ugaas Cabdi Daahir iyo xubno kale. Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u arkay kulankaasi dhexmaray labada dhinac, waxaana qaarkood ay ku amaaneen dowladda federaalka Soomaaliya wadahadalka ay ugu yeertay odayaasha beelaha ****** xili aysan jirin wax ay ku gorgortami karaan oo dagaalkiina looga adkaaday, waxayna sheegeen in taasi ay wax weyn ka tareyso dib u heshiisiinta iyo nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, halka kuwa kalena ay sheegeen in odayaasha beelaha ****** aysan aheyn kuwo markii horeba daacad ka ahaa dagaalka ay kula jireen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyagoo xusay iney ahaayeen kuwo dagaalkaasi dano gaar ah ka lahaa, waxayna ku tilmaameen talaabada ay hadda ku wada hadlayaan labada dhinac mid loo baahnaa hase ahaatee waqtigeedii ka soo dib dhacday. Qaranimo Online
  3. Odayaasha Beesha ****** ee kulanka la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadan jireen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, iyagoo inkiri jiray in ay Muqdisho joogto wax la yiraahdo Dowlad Soomaaliyeed, halka ay haatan qirayaan in ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  4. Dowladda Federaalka oo la kulantay Odayaashii Beesha ****** ee ka soo horjeeday Isniin, April 30 2007(HOL): Odayaashii Beesha ****** ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Jen. Gabre oo madax u ah Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga. Kulankaas oo la sheegay in ay labada dhinac uga wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdii labada dhinac dhexmartay, iyadoo labada dhinac ay isku af-garteen in wada hadal lagu soo af-jaro dhibaatadii iyo dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen. Afhayeenka Guddigii xabad-joojinta Beelaha ****** Maxamed Xasan Xaad oo kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay labada dhinac aad isugu soo dhawaadeen, isla markaana ay ka wada qoomameeyeen khasaaraha ka dhashay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen, hantida badanna ay ku burburtay. Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay labada dhinac ku ballameen kulamo kale oo ay uga sii hadlayaan sidii loo nabadeyn lahaa magaalada Muqdisho, isla markaana loo baajin lahaa in ay yimaadaan dhibaatooyin kale, wuxuuna meesha ka saaray in ay Dowladda Federaalka isu dhiibeen oo ay ku qasbanaadeen wada hadallada. Odayaasha Beesha ****** ee kulankaas ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, Maxamed Xasan Xaad iyo dhowr iyo toban Oday oo kale. Odayaasha Beesha ****** ee kulanka la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadan jireen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, iyagoo inkiri jiray in ay Muqdisho joogto wax la yiraahdo Dowlad Soomaaliyeed, halka ay haatan qirayaan in ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  5. MUQDISHO: Dowladda Federaalka oo sheegtay in xarumihii dowladda ay shacabku ka guuraan iyagoo noqon doona... Posted to the Web Apr 30, 08:38 Muqdisho (PP) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in aan dib loogu soo laabanayn xarumihii Dowladda, shacabkii deggenaa 16-ka sanana waxaa loogu baaqay inay alaabahooda ka gurtaan. Dowladda ayaa waxay sheegtay in wixii hadda ka dambeeya ay xarumaha dowladdu yihiin meelo ay dib u isticmaalayso dowladda isla markaana dayactirro lagu sameynayo, iyadoo cidna aan loo haybaysanayn in ku soo laabato. "Xarumaha Dowladda sida: Wasaaradihii, Wakaaladihii, Saldhigyadii Ciidammada, Isbitaalladii, Iskuulladii iyo meel walba oo ay dowlad lahayd waxay dib ugu laaban doonaan gacanta dowladda waxaana lagu sameyn doonaa dayactiro" ayuu Ra'iisul wasaare Geeddi oo intaas ku daray: "Xarummahaan waxaa dib ugu shaqeyn doona hay'adihii kala duwanaa ee Dowladda iyadoo aan la ogoleyn inay shacabku galaan". Hadalkaan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay Dowladdu sheegto tan iyo intii ay Muqdisho ku soo laabatay, waxaana lagu wadaa in dowladdu ay howlaheeda ku billowdo xarumahaas. Wasaaradihii, Isbitaalladii, Xarumihii CIiidammada iyo Iskuulladii ayaa waxay dhammaantood noqdeen goobo ay dad shacab ah deggen yihiin, iyadoo 16-kii sano ee la soo dhaafay oo ay dagaallada iyo fowdadu jirtay meelo ka mid ah xarumihii Dowladda iyo Jardiinooyinkii la dhistay lagan dhistay guryo waaweyn. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  6. Ra'iisul Wasaare Geedi oo sheegay in aan dib loo degi karin xarumaha Dowlada Last Updated::2007-04-30 14:12:58 Muqdisho:- Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay shacabka ka qaxay magaalada in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda. Raiisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka ku tabaaleysan banaanka magaalada in ay dib ugu soo noqdaan deegaankooda maadaama uu dhamaaday dagaalkii magaalada Muqdisho. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka digay in dadka shacabka ah ay dib danbe u degaan xarumaha Dowlada asagoo sheegay in dowladu ay la wareegtay dhamaan deegaanada Xukuumadu leedahay. Wuxuuna Prof.Geedi intaasi raaciyey in dowlada ay sidoo kale sii wadi doonto baaritaanada looga hortagayo dadka hubka sita. HorseedNet.com
  7. ^^^Calm down lad. Your acusations have been proven incorrect. Dr Azhari has had a long and hard experience within Somalia. More than 30 years of experince from the firts government to now. Yet you claimed he was only given the position of advisor due to his clan allegience to the President. Yet he has the education, experience to be an advisor. Give it up son.
  8. I dont think we need to dwell to much on this issue. Hargaysa is calm and its peace needs not to be violated. As for the usual suspects making humurous comments we do remmeber them making such statements when the President was in his way to Mogadishu.
  9. ^^^I agree the TFG gained the support of the US due to the ignorance of the Eritrean backed clan courts. The whole thing [Courts] was not well thought through, it was arsh reaction to Yusuf victory in 2004. As for the Ethiopian military it is there on the request of the legitimate governemnt to aid it in a time of need. You might want to hide that fact or like the "elders" who are the main topic of this thread play down the importance of this fact. The TFG requested support from any quarter and the Ethiopians came, due in part to their concern against the Eritrean led group backed by the Arabs. Thus their presence is not illegal, controversal yes but not without the backing. Thats why you do not get the UN security council demanding their imediate withdrawl. They ahve also made it clear they will leave when the AU troops arrive. The AU troops themselves have only a limited mandate before UN troops arrive. Its a short term answer to a short term problem, an occupation it is not. The main reason some get uptight about all this is because the Ethiopian armour gives an unfair advantage to the TFG But as you know life itself is not fair.
  10. ^^^Khalaf, you are an individual I have grown to respect here. Though we do disagree on some points. I have read that article and as with many westerners and "experts" I take their comments with a pinch of salt. So far so good, there is a great deal of movement of position, talks and meetings of mind. The real problem is the heavy arms, lack of discipline within the governmnet, incompetence, corruption. But we have always had these issues as well as a well organised selfish groups. In large part Somalia has overcome these groups and the governemnt is still weak and fractious. Yet I am hopeful, and no longer tired. But we must wait and insha Allah all will be well.
  11. My poetry heals My verses are scan I am a wise man Somali by clan I fought for many great years Without having any fears Back Than, Everyone had his own clan But today we’re one man, one clan Trully wonderful.
  12. The Ethiopians will not stay for a long period. They do not have the mandate by the international community nor the resources for a prelonged stay. They dealt with a real and present danger the Arab backed Eritrean led Clan courts movement was directed at them. Even the clan courts leadership made overblown threats against Ethiopia on a daily basis. What gave them such confidance ummmmmmm? Now the TFG has the room, mandate and money localy generated or from the donors to reconstitute a real national police and armed forces. A 60,000 figure has been circuled for a while. The heavy armour in the case of Tanks, and BM's now can be purchased by the TFG. What will last is a close relationship between, Yemen, Kenya and Ethiopia with the new Somali state as they have been the backbone to the international support. Thus the reality is the TFG has done its homework, it won long before the Ethiopain armour ever arrived. 1. Because it gained internationa support whichw as key to any military move. 2. It outplayed all its political rivals domesticly, by dividing them and taking them out one by one at a time of its choosing. Thus now the old mouth pieces of the anti-governemnt groups have now changed their tone. A developement I warmly welcome.
  13. Somalithinker, the only issue between us is SSC if Somaliland walks away from confrontation then there will be no problem. For Hargaysa, Burco and other areas there is no need for conflict. Dialogue is the key.
  14. Oo Sheegtay In Marka Ay Ku Guulaysato Somalia Ay U Keeni Doonto Cabdilaahi Yuusuf Hargeysa Wada Hadal Siyaasadeed Last Updated::2007-04-29 10:12:28 Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Ethiopia Ato Gebide Haile oo khamiistii todobaadkii hore weraysi dheer siiyey Telefishanka maraykanka ah ee FOXNEWS ayaa sheegay in-- Ciidamada Ethiopianka ee gacanta militery siinaya DFKMS Marka ay ka soo faraxashaan hawl-gallada militery ee magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ay markaasi bilaabi doonaan inay Cabdilaahi Yuusuf laftigiisa keenaan magaalada Hargeysa si u ula bilaabo Xukuumadda Somaliland wada hadalo siyaasadeed. Ato Gebide Haile wuxuu sheegay in Dalka Ethiopia uu beesha caalamka ka hellay taageero buuxda oo dhinac siyaasadeed ah in hawl galladdani oo u ku tilmaamay rajo soo celintii Soomaaliya 16 sannadood ka dib ay Ethiopia ka go'antahay in AY DFKMS ee Cabdilaahi Yuusuf ay ku fadhiisiso wuxuu ku tilmaamay kursi awood badan oo ka taliya dhammaanba gobolada Soomaaliya. Afhayeenka oo wax laga weydiiyey siduu u arko Somaliland oo sheegtay inaanay aqoonsanayn Maamulka Cabdilaahi Yuusuf maadama aanay iyaguba aqoonsanayn Somaliland wuxuu sheegay in dhibaato badan oo dhinaca diblomaasiyadda ah iyo dhinaca isfahamka ahi ay soomaalida ku dhex jirtay 16 sannadood ee ugu danbeeyey wuxuuna sheegay in ay Ethiopia hadda doonayso inay taasi meesha ka saarto, wuxuu yidhi "Somaliland waxaanu la leenahay xidhiidh wanaagsan oo salka ku haya iskaashi dhinaca ammaanka iyo weliba isku socodka xuduudka ah, waxaa naga dhexeeya ganacsi badan waxaanu isticmaala Dekedda Berbera, madaxdayada labada dhinacna waxay tagaan labada dhinac ee kale, imikana waxaa dantu ku jirta sidii mandaqadda looga ilaalin lahaa argagixisada iyo xasilooni darrada in wax weliba lagu dhameeyo miiska dushiisa" ayuu yidhi Ato Gebide Haile afhayeenkaasi. Mar wax laga weydiiyey sida ay iskugu keenayaan Madaxda Somaliland iyo Maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo halka la iskugu imanaayo ee wada hadaladaasi lagu qabanaayo wuxuu ku jawaabay "Ethiopia waa dal xuduudka ugu dheer afrikada beri la wadaagta Soomaaliya waxaa degen Ethiopia 2 malyuun oo soomaali ah, halkaasi Waxaa kaaga cad in dadka Ethiopia iyo soomaalida uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer, aniguna ku odhan maayo xalka soomaalidu gacantayada ayuu ku jira balse haddii loo baahdo waxaanu samayn doona inaanu Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf keeno Hargeysa si markaasi xal siyaasadeed oo waara loo gaadho" Mar wax laga weydiiyey in Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka madax banaantahay Soomaaliya inteeda kale taasi inay Ethiopia la qabto wuxuu sheegay inaanay Ethiopia Somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan balse ay u aqoonsanyahiin gobol degen oo gaadhay xasilooni uu kaga duwanyahay ayuu yidhi soomaaliya ineeda kale laakiin ayuu yidhi annagu waxba kama qabno haddi ay soomaalidu isku af garato madax bannaani ay somaliland hesho. Mar wax laga weydiiyey warbixin ay dhawaan soo saartay Haayadda Xuquuqda Aadamaha Ee Amnesty oo ku tilmaantay in Dawladda Ethiopia ay ka fulisay gudaha dalka Soomaaliya xad gudubyo ka dhan ah bini'aadminimada iyadoo dad rayid ah ku dishay isla markaana goobo rayidku degenyahay magaalada Muqdisho u adeegsatay hub culus wuxuu ku jawaabay "Ciidamada Ethiopia waxay la dagaalamayaan waa argagixiso caalami ah oo khatar ku ah mandaqadda waxaan qabaa waxay Adeegsanayaan haayadahaasi waa hadalada aan sal iyo aad toona lahayn ee ay ku sheekeyaan argagixisada laftigeedu, ciidamadayadu waa yaqaaniin cidday la dagaalamayaan, goobaha rayidku joogo ciidamadayadu waa ka fogyahiin markastana waxaanu qaadana tallaabo aanu ku dabar goynayno argagixisada annagoo ka fogaana goobaha dadka rayidka ah, hawl gallada aanu qaadnay waa kuwo loo fuliyey si taxadar leh iyadoo weliba weeraro habeen iyo maalinba ah ay argagixisagu nagu soo qaado" ayuu yidhi afhayeenku. Waa markii ugu horaysay ee Xukuumadda Ethiopia ay shaaca ka qaado inay doonayso wada hadal siyaasadeed oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Embigathi waxaana ay weliba shaaca ka qaadeen inay Cadilaahi Yuusuf keeni doonaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, balse weli wax arrintaasi ku saabsan kama ay soo bixin dhinaca Xukuumadda Somaliland waxaana dhawaan dhex maray Somaliland iyo Maamulka Embigathi kelmado la isku mariyey warbaahinta iyadoo ra'isal wasaaraha Embigathi Cali Geedi uu sheegay in gudaha somaliland lagu tababaro wuxuu ku tilmaamay argagixiso xidhiidh la leh kooxaha la dagaalamaya kuwaasi oo ay tababarka siiso ayuu yidhi Dawladda Eriteria, balse taasi waxaa si weyn u beeniyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo ku tilmaamay wax laga yaxyaxo oo laga yakh yakhsiyoodo wuxuuna sheegay in somaliland iyo argagixisadu ay isku yahiin jiir iyo bisad Xigasho Hadhwanaag HorseedNet.com
  15. ^^^This is not TFG policy and I might add this whole article might be baseless. If this interview was aired on FOX, then there must be an English transcript. PS: Those *** remaining outside Puntland state arm will be taken away. There is only one policy for everyone.
  16. Dear Khalaf, there was never a national uprising of any sort. The whole conflict was between the TFG and those who for what ever reason was against it. The theater of war was a very small area around south Mogadishu. Now it seems they got the message that this is serious and that no one is coming to their rescue. Though I would like to add that all security issues have not be addressed yet, there are vast ammount of arms still in the hands of the public. Lets hope for the best.
  17. ^^^ I welcome this new step and the change of heart from these men, one does not have to support the TFG at all, but one should not hide behidn the gun. Set up political parties and wait for your chance The Ethiopians will leave soon insha Allah. So lets get our act together, let every clan bring their finest and build up the national forces. Let us secure our borders, or ocean and sea. Our air space, our roads. Let us move forwward and give everyone an opportunity. Let those in exile come back to their country, to their Mogadishu, Kismayu, and what ever area they may choose. Let the talented in the diaspora return even if it is for a holiday to show their children how beautiful their land is.
  18. ps: thanks for the 411 Duka on duuqa Azhari.... waxu ku hadaleey wa qalad.....lakiin i had no idea he was amongst those early men.....many great men perished @ those chambers may Allah's mercy be on them and forgive Jalle Said Barre RIP..... A well balanced statement. May the dead find mercy.
  19. ^^^Now you are hiding behind the EU & US who yestreday were your enemies and were in your account using the AC130's to bomb the thugs in Mogadishu. Also dont pass little white lies around the reconciliation conference was only postponed once from 14th April to 16 June, and it was done so in order to secure Mogadishu. There is no condition on the TFG other than secure Mogadishu which alhamdulilah is being done. These old men refused to meet the TFG and instead met hailed meetings they supposidely held with Ethiopean officers. Now they meet with the TFG a few days after the defeat of these groups. Come on add things up, its quite an easy summ.
  20. ^^^No just highlighting the hypocracy. Elders are the backbnone of the governemnt for example Imaan Mohamoud Imaan Umar has been meeting the TFG from the begging. These men should have used common sense before now. If they opposed the governemnt ten days ago why meet them now? What has changed?
  21. Muqdisho: Madaxwaynaha Soomaaliya iyo odayaasha beesha...... oo kulan u socdo. 29. april 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Xarunta madaxtooyada dawladda Soomaaliya waxaa ka soconaya kulan ay leeyihiin odayaasha iyo waxgaradka Beesha **** iyo madaxwaynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dawladda.. Sida uu AllPuntland u sheegay masuul dawladda ka tirsan kulankan ayaa waxaa uu yahay mid looga wada hadlayo sidii dawladda hawleeda loo sii amba qaadi lahaa iyo sidii beesha waxyaabaha ay tirsanayso ay usoo bandhigto. Madaxwaynuhu dhowr goor oo hore ayuu arkay odayaasha beeshan , hase ahaatee wax lataaban karo kama soo bixin. Kulankan ayaa saxaafadda laga hor joogsaday, waxaana la filayaa in natiijooyinka kasoo baxa dawladdu ay ka waranto. Warar horudhac ah oo aan helayno ayaa sheegaya in la filayo in is afgaradyo ay kasoo baxaan . CCC Farayaamo AllPuntland
  22. If as some say, the TFG is irrelevent and the Ethiopians are running the show then why have the clan elders who used to support the "insurgents" chosen now to meet with the TFG leadership? Why have they done this after the defeat of the militias and the catastrophic battles which caused so much suffering to our people? These men and their speakers Ahmed Diriye, Abdullahi Shiekh Xasan & Qoorgab were central in the recent conflict. One of their known tactics was to give interviews highlighting deals they "supposidly" made with unknown Ethiopian officers. Their supporters used this as evidance that the Ethiopians were in charge and that the TFG was irrelevent. Many of us on the other side exposed on many occasion their naked lies to no avail. We clearly showed that there was never a statement, interview or a press release from the Ethiopians to back up these claims. In fact there was always a preperation for a final show down between the government and this group. Oh well another myth gets removed. So the question now is, why are they meeting the TFG now wehen they refused before?