
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Che, yes every clan must disarm, though its difficult to take all small arms from the nomads. No clan should hold heavy weapons. -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
more pics. hobyonet -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ganacsatada Muqdisho oo hub warejiyay 3 May 3, 2007 - 8:01:27 AM Qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga ee gobalka Banaadir ayaa maanta dowlada KMG ah ee Somalia ku wareejiyay hubkooda. Lix shirkadood oo kala ah Telecom Somalia, Hormuud Telecom, Dahabshiil Money Transfer iyo Amal Express ayaa maanta hubkooda si diiran ugu wareejiyay gudiga soo arurinta hubka ee dowlada KMG ah ee Somalia. Taliyaha booliska gobalka Banadir Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo munasabadii maanta hubkaasi lagu wareejinayay oo ka dhacday xarunta Commando Polizio ka hadlay ayaa sheegay in lixdaan shirkadood ay hormuud u yihiin kuwa kale ee dhawana iyagana uu sheegay inay hubkooda soo wareejin doonaan. Qeybdiid waxa uu sidoo kale shegay inay hubkoda soo diiwaan galiyeen 151 shirkadod oo ku yaala magaalada Muqdisho kuwaaso dhamaantood dowlada ku wareejin doona hubkooda. Hubkii ay maanta Ganacstada gobalka Banaadir qaarkood wareejiyeen ayaa iskugu jiray kuwa waa weyn iyo kuwo fud fudud intaba, iyadoo ay jireen gawaari Teknika ah. Munaasabadii maanta hubka ay ku wareejinayeen qaar kamid ah ganacsatada gobalka Banadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga, Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale "Qeybdiid", Gudoomiyaha gobalka Baanaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Max'ed Dheere, iyo Ganacstada gobalka Banaadir. Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo ganacstada gobalka Banaadir ay DF ku wareejiyan hubkoda kadib markii dhawaan dowlada ay ku amartay inay muddo 36 saacadood ah kusoo wareejiyaan. Cabdi Fatax Axmad,GO -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
151 traders have agreed to disarm and give over security responsability to the Somali governemnt. A landmark moment. -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ganacsatada gobolka Banaadir oo Maanta qeybtoodii ugu horaysay hubkooda ku wareejiyey saraakiil katirsan dowladda KMG ah iyo Ciidamada Amisom. May-03-2007-HornAfrik, Mogadishu Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa Maanta qeybtoodii ugu horaysay hubkooda ku wareejiyey saraakiil katirsan dowladda fadaraalka Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom xaflad Maanta ka dhacday xarunta kumaanda boliisiya ee Magaalada Muqdisho. Munaasabadaan hub wareejinta ah ayaa Maanta ka dhacday xarunta kumaanda boliisiya ee Magaalada Muqdisho. Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku wareejiyeen qeybtii koowaad ee hubkooda saraakiisha Ciidamada dowladda fadaraalka Soomaaliya iyo waliba kuwa Amisom. Hubkaasi ayaa waxa ay isagu jireen qoryaha nuucyada kala ah aakeega dabamiinshaaryo baasuukayaal zuugag dhashiikayaal iyo waliba rasaas iyo hub kale oo aad u fara badan. Gudoomiyaha gudiga ganacsatada gobolka Banaadir C/kariin Maxamuud Gabayre gudoomiyaha gudiga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa sheegay in hubkooda ay wareejiyeen islamarkaana muqdisho ay u rajaynayaan nabad iyo hormar weyn. Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaalle qeybdiid ayaa sheegay in ganacsatadu ay yihiin dad nabada jecel islamarkaana ay haatan la shaqaynayaan dowladda fadaraalka Soomaaliya. Isagoo sheegay sidoo kale in 151 shirkadood ay hubkooda Maanta ku wareejiyeen dowladda. Taliyaha Ciidamada Amisom korneyl bite inkwella oo isaguna hubkaasi kala wareegay afhayeenka gudiga ganacsatada Cabaas Maxamed ducaale ayaa sheegay islamarkaana u mahadceliyey dhamaan ganacsatada xuligaan sida xoogan hubkooda u wareejiyey. Korneylka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ganacsatada ay hubka ka qaadeen sugayaan amaankooda. -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ganacsatada Gobalka Banaadir Oo Maanta Hubkuuda Ku wareejiyey Dowladda kMG iyo Ciidamada Nabad-Ilaalinta U Jooga Muqdisho. Posted to the Web May 03, 09:13 MOGADISHU: Qaar ka mid ah Ganacsatada Gobolka Banaadir, ayaa maanta hubkooda ku wareejiyey Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka dib xaflad ka dhacday Xarunta Commando Polizio ee Magaalada Muqdisho. Ilaa 151 shirkado ganacsi ah ayaa la sheegayaa inay soo diiwaan galiyeen islamarkaana ay sheegeen in ay Hubkooda si rasmi ah ugu wareejinayaan Dowladda KMG. Ugu yaraan 6-Shirkadood ayaa hubkooda ku wareejiyiyay maanta Dowlada KMG iyo ciidamada AMISOM, kuwaasi oo kala ah : Telecom Soomaaliya , Hormuud Telecom, Dahabshiil Money Transfer, Al-Mustaqbal, Nation Link iyo Amal Express. Goobta Hub wareejinta ayaa waxaa xaadir ku ahaa Sarakiil ka tirsan ciidamada Nabad_ilaalinta Taliyaha Ciidamada Ethiopia Gabra, Taliyaha ciidamada Booliska Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Gudoomiyaha gobalka Baanaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere, iyo Ganacstada Gobalka Banaadir. Laba cisho ka *** ayaa Dowlada waxa ay ku amartay Ganacsatada Gobalka Banaadir inay muddo 36 saac gudahood ah hubkooda kusoo wareejiyaan. C/risaaq C/laahi Maxamed Puntlandonline.com Muqdisho -
Kismayo: Qarax kadhacay - Is this a Prematured assassination attempt
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
^^^Horn, you are trying to confince yourself saxib. Kismayu militia will be disarmed and you will have to live in that city as no more than citizens. No one needs your protection or fake clan ambition. It does no good for even the clan you hail from. No one massacred anyone except for those who kept the city hostage with all their guns. The average joe will be better of with the governemnt. But hey I know you find yourself ina tight spot hence all the wishfull thinking. -
Kismayo: Qarax kadhacay - Is this a Prematured assassination attempt
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Horn, you seem to be losing the plot, Mogadishu is calm and getting disarmed by the national and local admins. As for protection brother I never knew you was the protector of the clan, goon on ya mate. As for Kismayu it will be resolved its problems always came from Mogadishu and never from Gedo. Though I never advocate for the any clan dominating any city. Thats the difefrence between you and me. -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hub isugu jira rasaas iyo qoryo ku jira baagag lagu keenay -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Che, can you expand on waht you mean? Who in Puntland has heavy weapons outside the state governemnt and police? -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Taliyaha ciidamada booliska Somalia, Gen. Cabdi Qeybdiid Ciidamo Uganda ka socda oo goobta hub wareejinta ku sugan -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hubkii oo lagu qaadayo gaadiid Ciidamada Uganda ee Midowga Afrika oo hubkii ay la wareegtay dowladda la sii wareegay -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidmaada Midowga Africa iyo sarakiil ka tirsan dowladda oo la wareegay hub ay lahaayeen ganacsatada Hub u badan qoryo gacmeedyo oo lagala wareegay ganacsato iyo shirkado -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shirkadaha ganacsiga oo bilaabay in hubkooda ay ku wareejiyaan DKMG ah Mogadishu 03, May.07 ( Sh.M.Network) Shirkadaha ganacsiga qaar ee magaalada Muqdisho ayaa maanta hubkoodii ku wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia, ka dib munaasabad arinkaasi lagu muujinayo oo ka dhacday xarunta taliska booliska ee magaalada Muqdisho. Ciidamada Midowga Africa iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo la wareegay hub fara badan Ilaa 151 shirkadood ayaa isku diwaan galiyay in hubkooda ay ku wareejiyaan dowladda KMG ah ee Somalia gaar ahaan guddi ka kooban 4 xubnood oo ka kala socda saraakiisha sare sare ee ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa kale oo ka socda ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Muqdisho. Guddiga hubkaan lagu wareejiyay ayaa waxaa ka mid ah taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, Gen. C/laahi Cali Cumar, Taliyaha ciidamada nabad sugidda Max'ed Warsame Darwiish, Taliyaha ciidamada booliska Somalia Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Midowga Africa oo lagu magacaabo Col. vITA. Saraakiisha ayaa waxa ay ugu mahadceliyeen ganacsatada sida kalsoonida leh ee ay hubkooda ugu wareejiyeen dowladda KMG ah ee Somalia. Ilaa 4 ka mid ah shirkadaha ganacsiga gobolka Banadir ayaa hubkooda ku wareejiyay dowladda KMG ah, shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin shirkadaha Hormuud, Telcom, Dahabshiil iyo shirkadda Amal, iyadoo la filayo in shirkadaha kale ay hubkooda wareejiyaan. Hubka maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah ayaa waxa uu isugu jiraa hubka culus iyo mid fudud, iyadoo sidoo kale ay ku jiraan gaadiidka dagaalka iyoq oryo gacmeedyo fara badan. Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo saxaafadda kula hadlay xarunta taliska booliska oo xafladu ay ka dhacday ayaa waxa uu sheegay in talaabadani ay tahay mid horumar leh. Hubka ayaa waxaa la sheegayaa in marka ay la wareegto dowladda KMG ah ka dib ay ku sii wareejineyso Midowga Africa, iyadoo halkaasi laga saarayay gawaari ay ku buufsan tahay astaanta Midowga Africa oo ay ilaalinayeen ciidamo Uganda ka socday. Ganacsatada ayaa waxa ay horey ugu iibsadeen hubka in ay ku difaacdaan maalkooda iyo hantidooda 15 kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo haatana dowladda KMG ah ay ka heleen balan qaad ku aadan amaanka hantidooda. -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ganacsatada Muqdisho oo markii ugu horeysay Hubkoodii ku wareejiyey Dowlada Somaliya Last Updated::2007-05-03 14:43:34 Muqdisho:- Ganacsatada Muqdisho oo lagu tilmaami jiray kuwa ugu hubka badan Soomaaliya ayaa maanta hubkoodii bilaabay in ay ku wareejiyaan DFKMG. Munaasabad ka dhacday xarunta Booliiska ee Muqdisho (*komaando boliisiya) ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiin ka socota Ganacsatada iyo madax sar sare oo kamid ah Dowlada Federaalka oo uu hormuud u yahay guddiga Amaanka Qaranka. Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele, Taliyaha Booliiska Soomaaliya Col.Cabdi Qeybdiid, Taliyaha Xooga dalka Soomaaliya iyo Nabad sugida ayaa halkaasi ku sugnaa. Sidoo kale waxaa xafladan kasoo qeyb galay Saraakiisha ka socota Midowga Afrika. 151 kamid ah Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey hubkoodii ugu horeeyey dowlada Soomaaliya. Waxaa lagu wadaa in hubka loo kala saaro labo qeybood ayadoo hubkii ugu horeeyey oo isugu jira qoryaha daraan dooriga u dhaca iyo hubka waaweyn ee Tiknikada loo yaqaan lagu wareejiyey Ciidamada Ugandheeska. Shirkadaha ayaa loo sheegay in ay marka hore hubkooda oo dhan ay soo wareejiyaan ayadoo guddiga amniga uu u qoondeyn doonaan hub kooban oo ay shirkadaha codsadeen in ay amnigooda ku illaalshan doonaan. Sarakiisha Ugandha ayaa sheegay in ay hada hubka ku xareyn doonaan xarumo loogu talo galay ayagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin tilaabadan horey loo qaaday. Taliyaha Booliiska Col.Cabdi Qeybdiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale ugu mahadnaqay ganacsatada hada hubkooda wareejiyey asagoo sheegay in tilaabadan ay qeyb ka tahay in ay dowlada hanato dhamaan arrimaha sugida amniga. Maxamed Cabdi HorseedNet.com -
Ganacsatada Muqdisho oo maanta wareejinaya hubkii ugu faraha badnaa Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta ay ku wareejiyaan dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya hubka ay gacanta ku hayaan, taasi oo noqonaysa hubkii ugu faraha badnaa ee ay dawladu la wareegto tan iyo markii ay la wareegtey awooda gobolada wadanka. Taliyaha ciidanka Booliiska DFKMG ah ee Soomaaliya Col.Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo wareysi gaar ah siiyey barnaamijka xulka wararka 24-ka saac ayaa shaaca ka qaadey in 150 shirkadood oo ah kuwa ganacsiga ay horey dawalda ugu soo gudbiyeen document(qoraal) ku saabsan hubka ay gacanta ku hayaan, waxaana uu sheegay in saaka 10-ka subaxnimo hubkaasi ay dawladu kala wareegi doonto ganacsatada kaasi oo isugu jira hub iyo gaadiidka dagaalka. Cabdi Qaybdiid wuxuu sheegay in hubkaasi aanay jirin wax dawladu ugu badalayso ganacsatada, isagoo sheegay in taasi ka mid tahay hawlaha dawladu au ku sugayso amaanka, kuna ururinayso hubka gacanta ugu jira dadweynaha. Col.Cabdi Qaybdiid wuxuu xusey in aanay jirin sabab xiligan ay hub ku haystaan ganacsatadu maadama amaanka dawladu la wareegayso, iyadoo horey ganacsatadu hubka u haystaan inay ku ilaaliyaan hantidooda hadii ay dawladu amaanka la wareegaysa aanay meesha ku jirin inay hub haystaan ganacsatada, waxaase uu sheegay inay u ogolaan doonaan qaar ka mid ah shirkada inay tiro kooban oo hubka fudud ah hantidooda ku ilaalashadaan. Taliyaha ciidanka Booliiska DFKMG ah wuxuu farta ku fiiqey in dawladu ay fareyso in dadku si iskood ah hubka isaga soo wareejiyaan, waxaase uu sheegay in hadii ay keeni waayey hubka laga soo qaadi doono, oo lagala wareegi doono. SBC News
-
Kismayo: Qarax kadhacay - Is this a Prematured assassination attempt
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
That city is a ghost town, it has no functioning hospital. As for these militias they will be disarmed the troops have left Mogadishu already. -
^^^Come on saxib, read the above reply to Horn. Another point all those illegaly held properties will have to be returned because the law has come back.
-
Max'ed Dheere''4 Xaafadood ayaa Muqdisho u qeybineynaa waxa dhib keenana waa la leyn doonaa''. Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir Max'ed Cumar Xabeed Max'ed Dheere ayaa wacad ku maray in amaanka Muqdisho uu wax weyn ka badali doono isagoo la dagaalami doono kooxaha uu ku tilmaamay in ay kasoo horjeedaan dowladda FS. Max'ed Dheere oo warbaahinta la hadlayay ayaa tilmaamay in aysan qaadan doonin amaanka magaalada Muqdisho in uu faraha ka baxo isla markaana ay awooda ugu badan ku bixin doonaan sidii loo ugaarsan lahaa kooxaha dhibaatada ka wada Muqdisho. Gudoomiye Max'ed Dheere waxaa uu sheegay in 4 Xaafadood kaliya laga sameyn doono Muqdisho xaafad waliba xafiis gaar ah loo sameyn doono isla markaana lala socon doono dhaq dhaqaaqa dadka ku nool. Waxaa uu ku hanjabay in ay leyn doonaan cidii isku dayda in ay qal qal galiso amaanka magaalada mise ay weeraro soo qaado xiliyada habeenadii oo inta badan ay kooxaha hubeysan ku weerari jireen ciidamada dowladda. Waxaa si gaar ah uu u tilmaamay in ay jiraan xaafado laga abaabulo weerarada ka dhanka ah xarumaha Ciidamada dowladda FS,iyo hotelada inta badan ay ku sugan yihiin masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Somaliya. Hadalka Max'ed Dheere ayaa durbadiiba cabsi ku abuuray dadka ku nool magaalada Muqdisho qaarkood kuwaasi oo ku tilmaamay mid muujinaya dagaalo iyo colaado mar kale laga sii hurinayo magaalada Muqdisho.
-
^^^Saxib you do protest way too much. The Prime Minister has made it clear there will be no return to public property. "Adeer, gabadhi lagu dhalay w/gaashaan dhigga ayaa iminka gabadheedii ku dhaleysa halkaa, sidey uga guuraan?", wuxuuna intaa raaciyay in ey ku dhimanayaan dakaas guryahooda oo uu ula jeeday xarumaha dowladda oo ey dadkani soo dageen 16-kii sano ee dagaalada. Thus all those areas he was protesting for and fighting for, will never return. As for the private properties that will be settled by court in the future insha Allah. As for victory, its much closer today than last week. Common sense has prevailed, and now these people have to deal with Mayor MDheere The time for serious and tough action is at hand.
-
Dawladda kmg ah oo bilowday gacan siinta dadka doonaya in Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, April 30, 2007 (WDN) - Xukuumadda kmg ah ee Soomaaliya ayaa gawaari gaar ah ay u sameysay dadka tabaaleysan ee doonaya guryahooda in ay dib ugu soo laabtaan. Dadkaas oo ku barakacay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay. Masuuliyiinta dawladda kmg ayaa ku warramay in xukuumaddu ay gacan ka geysan doonto sidii shacbiga Muqdisho ee barakacay ay guryahood ugu soo laaban lahaayeen. Arrintan oo ay ku tilmaameen in xukuumaddu rabto in xaaladda magaalada ay sideedii hore ku soo celiyaan mar haddii la soo afjaray hardankii hubeysnaa ee kooxo ku sugan Muqdisho ay kaga soo horjeedeen ciidamda dawladda kmg ah iyo kuwa Itoobiya. Ku dhawaad 5 gaari oo kuwa Xamuulka qaada ah ayaa maanta si bilaash ah dadka uga soo daabulaya gobolka Shabeelaha Dhexe. Baabuurtaas oo ay soo raacayaan dadka diyaarka u ah in ay dib ugu soo laabteen aqaladoodii. Dadka illaa hadda la soo dadgureeyay ayaa intooda badan ay yihiin haween iyo carruur. Mar wax laga weydiiyay dadkii gawaaridaasi adeegsanayay ayey sheegeen in masuuliyiinta dawladda kmg ay ku soo wargaliyeen in gawaaridaasi si bilaash ah ay usoo raaci karaan isla markaana ay alaabahooda ugu raran karaan si ay ugu soo noqdaan guryahoodii. Ciidamda dawladda kmg ee Soomaaliya waxaa sidoo kale ay gacan siinayeen dad ku sugan deegaanka Ceelasha e duleedka magaalada Muqdisho. Kuwaasi oo maanta waday dhaqdhaqaaqii ugu xooganaa oo ay guryahoodii ay dib ugu soo laabanayaan. Ka dib markii lasoo afjaray dagaaladii qaraaraa ee ka taagnaa caasimadda dalka ayaa dadka intooda badani waxaa ay rajo ka qabaan in goobihii ay deganaayeen ay dib ugu laabtaan. Hasayeeshee waxaa weli taagan cabsi, maadaama ay welii ciidamada Itoobiya fadhiyaan goobo badan oo dagaalada ay ku qabsadeen. Jibriil Nuur Cadde WardheerNews, Muqdisho
-
Odayaasha ****** oo qirey in lagaga adkaaday dagaaladii Muqdisho Click here to find shabelle news in english Mogadishu 01, May.07 ( Sh.M.Network) Kulan ay odayaasha Beelaha ****** ay yeesheen ayay ku yeesheen in lagaga adkaaday dagaaladii ka dhacay Muqdisho oo la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen tiro ka badan kun ruux. Isagoo ka hadlayay war saxaafadeed shalay ay ka soo saareen magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka beelaha ****** ayuu afhayeenka beelahaasi Nabadoon Axmed Diiriye waxa uu sharaxaad kaga bixiyay Isbadalada ku yimid gacan ku heynta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo dhowaan si rasmi ah ay ula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo dagaalo qaraar la galay kooxo ka soo horjeeday. Mar waxa laga weydiiyay in odayaasha dhaqanka ay haatan qirayaan in dowladda KMG ah ay uga guuleysatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho ayaa waxa uu qirey arinkaasi, isagoo sheegay in dowladda ay u soo jeedisay wada hadalo ayna ka aqbaleen. Dowladda KMG ah iyo odayaasha dhaqanka ****** ayaa waxaa u bilowday wada hadalo toos ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda KMG ah oo kaashaneysa ciidamada Ethiopia ay la wareegeen caasimadda, wada hadaladaasi oo diiradda lagu saarayay xaaladda dalka Somalia iyo arimaha dib u heshiisiinta, iyadoo wajigii koowaad ee wada hadaladaasi ay qaateen Madaxweynaha dowladda KMG ah iyo odayaasha, waxaana loo balamay in labada dhinac ay isugu yimaadaan wada hadalo kale. Click here to find shabelle news in english Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
-
SOOMAL, saxib do not generalise. President Yusuf is very popular in his region of Puntland. Thats a fact. Its easy to critice people when you have no alternatives. Yusuf faced terrible opponents from Barre, Aydeed to the clan courts.
-
"M/dheere waa nin u qalma xilkan maanta aniga la iga qaaday waana ku faraxsanahay, waxaana aaminsanahay inuu ka soo bixi karo xilkan, waxaana ku talin lahaa in M/dheere loo dhiso taalo taariikhi ah, dadka waxaa loo dhisaa taalada marka ay dhintaan, balse waxaan dhihi lahaa isagoo nool M/dheere waa in loo dhisaa Taalo" ayuu yiri Cadde Gabow This what the former mayor said about Mr Dheere, which is interesting.
-
The point, I will give Mohamed Dheer the benefit of the doubt. He is a strongman and Mogadishu needs a no nonsence individual.