
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
^^^Jim, what ever he is if he is sucecessful in restoring order to the capital he will be a remmeberd.
-
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MUQDISHO: Qaar ka mid ah Shirkadaha Ganacsiga oo hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya Posted to the Web May 03, 12:49 Muqdisho (PP) - Shirkadaha Ganacsiga ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ku wareejiyeen hubkooda dowladda Federaalka Soomaaliya, oo horay u sheegtay in ganacsatadu ay hubkooda ku soo wareejiyaan Dowladda. Shirkadaha Ganacsiga ee hubkooda maanta wareejiyay ayaa waxay gaarayaan illaa 4-shirkadood oo waaweyn oo kala ah; shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud (Ex-Barkaat), Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia (Ex-Olympic), Shirkadda Xawaaladda ee Dahab-Shiil iyo Shirkadda Xawaaladaha ee Amal Express. Hubka ay shirkadahaan ku wareejiyeen dowladda ayaa ahaa qoryaha fudfudud oo ee garabka la surto, Bambooyin iyo Rasaas aad u fara badan, iyadoo aysan jirin wax gawaarida dagaalka ah oo ay ku wareejiyeen shirkadahaan Dowladda. Shirkadaha illaa iyo hadda isku diiwaangeliyay inay hubkooda ku wareejin doonaan dowladda ayaa waxay gaarayaan ku dhawaad 151-shirkadood oo dhammaantood ah kuwa ganacsiga, waxaana shirkadahaan ay sheegeen inay hubkooda ku wareejinayaan dowladda. Talaabaadaan ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay ee hubka lagu qaadayo oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya horay u qadday, waxaana goobta hubka lagu wareejinayay ku sugnaa xubno uu ka mid yahay Gen. Cabdi Qaybdiid oo ah taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com -
^^^Man you are so right. Beledweyne is getting back to life as a united town. Beuatiful Beledweyne.
-
Kismayo: Qarax kadhacay - Is this a Prematured assassination attempt
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
No one is attacking Horn my old comrade in arms. -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Police chief checking over list -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Waxaa Maanta Hubkooda Wareejiyey Ganacsatada Gobolka Banaadir: 05/03/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Muqdisho DMC 3 May 2007. Waxaa maanta hubkooda si rasmi ah u so wareejiyey ganacsatada Gobolka Banaadir waxaana shirkadaha iyo ganacsatada waaweyn ee hubkooda maanta wareejisey gaarayaan 150 shirkadood, waxayna tani tahay billowga wareejinta hubka. Mas’uuliyiinta goobjooga ka ahayd wareejinta hubkaas ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Xasan Cawwaale Qeybdiid oo ah Taliya Ciidanka Booliska oo horey ballamo adag u qabtey ganacsatada. Sidoo kale waxaa joogey Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir. Tirada hubka ee maanta la wareejiyey ayaa gaaraya 600 qori oo iskugu jir kuwa sida darandooriga u dhaca iyo kuwa fud-fudud iyo 3 ka mid ah qoryaha culus ee Soomaalidu u tiqaanno ‘Tikniko’. Sidoo kale waxaa hubka la wareejiyey ka mid ahaa rasaas aad u farabadan oo aan la xisaabi Karin iyo bambooyinka gacanta laga rido oo iyaguna aad u baddan, waana tallaabo horumar ah oo dhinac wanaagsan loo qaadey sida uu sheegey Cabdi Qeybdiiid. Dhinaca kale marka loo eego hubka culus ee ganacsatada gacanta ugu jira sida la ogyahay ayaan ku filneyn tan laakiin waxay noqon kartaa billow wanaagsan. Ganacsatda ayaa dhinacooda Dowlladda ka codsadey in la damaaanad qaado amaankooda iyo kan hantidooda mar haddii ay hubkooda dhiibeen. Shaabakada warbaahinta DMC Muqdisho Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com -
Dheere oo kulama wada 1 May 1, 2007 - 12:24:19 PM Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa uu la kulmayaa guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. Maxamed Dheere oo xilka gobolka Banaadir qabtay ayaa waxaa uu isugu yeeray maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir waxayna ka wada hadli doonaan sidii ay iskula shaqeyn lahaayeen maamuladaasi. Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere uu xilalka ka qaadi doonaa guddoomiyeyaasha degmooyinka qaar isagoo u magacaabi doono xubno cusub. Maxamed Dheere ayaa isbadal weyn ku sameyn doono 16 sano kadib sharciga iyo hanaanka shaqo ee gobolka Banaadir iyadoo dadka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya ay soo dhoweeyeen magacaabista Maxamed Dheere. Cali Muxayadiin Cali,GO
-
Somali police chief promises security Agence France-Presse (AFP) Thursday, May 03, 2007 Mogadishu, Somalia (AFP) - Somalia's business community on Thursday gave up hundreds of weapons to government and African Union (AU) troops at a ceremony in Mogadishu, one week after the end of the latest clashes in which hundreds died. "I am very much delighted and honoured to receive the weapons from the Somali business community and in return promise to give security to the people of Mogadishu," said newly-appointed police chief General Abdi Hassan Awale Qeybdid. The weapons haul included ammunition, heavy and small machineguns, and rocket-propelled grenade launchers. "They bought these weapons in order to protect their property but they are giving them over for free in order to support the disarmament plan of the government," Qeybdid said, during the ceremony at the headquarters of the Somali police force, near Villa Somalia in southern Mogadishu. Members of Somalia's major companies, including import-export and communications firms, agreed to hand over the weapons after the government promised to guarantee their security at a meeting last week. They said they had bought the weapons for protecting shipments, and also to protect their lives and guard against looters in the main Bakara market area. Since the beginning of the year, the Somali capital has seen an upsurge in clashes between government-backed Ethiopian forces and insurgents and clan fighters opposed to their presence. Efforts to disarm civilians have failed due to the reluctance of the public to hand over weapons to a government largely seen as ineffective and unable to guarantee security. Ethiopian-Somali troops drove out a militant movement from swathes of central and southern Somalia, including Mogadishu, at the start of the year. Source: AFP, May 03, 2007
-
Kismayo: Qarax kadhacay - Is this a Prematured assassination attempt
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
^^^Well the troops are on their way to Kismayu saxib. Somalia: Explosion kills the plotter in Kismayu Thu. May 03, 2007 11:26 am.- By Mohamed Abdi Farah. - Send this news article (SomaliNet) At least one person has been killed in a bomb explosion that rocked the southern port city of Kismayu in Somalia, reports say on Thursday. The blast happened in Kismayu’s airport late Wednesday killing one person who was said to be the man trying to plant the bomb. The plotter wanted to bury the bomb on the road so as to explode a convoy carrying government officials. The man who was in the action of planting the bomb was said to be cut by the explosion into pieces as parts of his scattered body were collected from the ground. No word yet the government officials in Kismayu on the latest foiled bomb attack. Somalia’s interior minister Mohamed Mohamud Guled and other government officials are in Kismayu for arbitrating the rival clans in the city to end the conflict through negotiation. -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons Thu. May 03, 2007 11:23 am.- By Mohamed Abdi Farah. - Send this news article (SomaliNet) Some of the biggest local business companies in the Somalia capital on Thursday began to hand over their weapons to the transitional federal government in an official ceremony held in Mogadishu – it was for the first time the business people disarm voluntarily. Four of 151 businesses that had registered already today handed their weapons to the interim government in return the government guaranteed their security. Earlier the business companies in Mogadishu were given ultimatum of 36 hours to hand over their weapons to the government. The money transfer companies of Dahab-Shil and Amal, and communication firms of Hormuud Telecom and Telecom Somalia brought their light and heavy weapons to the central police command in Mogadishu and were handed over in the presence of the Ugandan and Ethiopian forces. The weapons included light and heavy guns and trucks mounted with anti-aircraft guns. General Abdi Hassan Awale ‘Qeybdid’, the new police commander in the transitional government who spoke at the occasion said this is progressive step towards introducing peace and stability in the country. The government officials said the weapons will be then handed to the Ugandan peacekeepers of African Union peacekeeping mission. The local business companies had initially bought the weapons for guarding their properties due to lawlessness in the capital and much of Somalia. -
Maxamed Dheere'' waa dhamaatay xiligii beeneenta Muqdisho''. Posted on Thursday, May 03 @ 06:14:10 PDT by muuse {Mogadisho}3-05-07 Maxamed dheere oo dhowaan la wareegay maamulka Gobalka ayaa sheegay in laga gudbay xiligii beenta loona gudbay xiligii Runta isagoo sheegay.................... Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere", ayaa sheegay in waqtigii waxa uu ugu yeeray argagixisada ee magaalada Muqdisho uu dhamaaday. Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa Maxamed Dheere ku sheegay inay wax ka qaban doonaan waxa uu ku tilmaamay argagixsada iyo kooxaha Burcadka ah. "Waqtigii argagixisada ee Muqdisho waa uu idlaaday" ayuu yiri Mr. Dheere, oo intaa ku daray inuu adeegsan doono labaatan gawaari oo ay saaran yihiin ciidamo Booliis ah, kuwaasi oo uu sheegay inuu habeen iyo maalin ku wareegi doono magaalada. Waxa uu sheegay in booliska magaalada ay xeri doonaan qof kasta oo lagu tuhmo argagixisanimo ama burcadnimo. Maxamed Dheere, ayaa xilka guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir la wareegay kowdii bsihan, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir. Dad badan ayaa rumeysan in magacaabistiisa ay tahay tallaabo Dowladda KMG ah ee Somalia ay ku dooneyo inay nabad iyo kala dambeyn loogu soo celiyo mid ka mid ah magaalooyinka ugu rabshadaha iyo qalalaasaha badan ee caalamka ee Muqdisho, ayada Maxamed Dheere uu yahqy hogaamiye aad u ad adag. Ka hor intii aysan xukunka ka tuurin Maxkamadihii Islaamiga Somalia bartamihii sanddii tagtay ayaa muddo shan sano ah oo uu maamulayay Gobolka Sh/Dhexe, waxa uu Maxamed Dheere ku guuleystay inuu ka dhaliyo ammaan, kana dhigo mid ka mid ah Gobollada ugu nabadda wanaagsan dalka Somalia . Hadalkii ugu horeeyay ee uu jeediyay kadib markii xilkan cusub uu qabtay ayuu Maxamed Dheere ku sheegay inuu wax weyn ka qaban doono amniga caasimadda, waxaana uu shacabaka reer Muqdisho uga digay in guryahooda iyo xaafadahooda weeraro looga soo qaado Dowladda KMG ah ee Somalia. Maxamed Haruun Radio Nugaal News Desk Mogadisho
-
How can Islam be dead in Somalia? Bashi welcome back old man..
-
Amaanka Muqdisho oo aad u soo wanaagsanaanaya iyo ciidamada dawlada oo wada hawlgalo baaxadle. Magaalada Muqdisho oo ay dagaalo lixaadle ka dheceen wixii ka dambeeyay 26-April-07 ayaa hada u muuqanaysa mid aad u soo hagaagaysa iyadoo la arkayo markii ugu horaysay mudo 17 sano ah astaamihii lagu yaqaanay caasimada sida Ciidamada Police ka oo wadooyinka lagu daadiyay, Ciidamada taraafikada oo baabuurta kala hagaya iyo sidoo kale Dawlada hoose ee Muqdisho oo markii ugu horaysay 17 sano mudo gaaraysa hawlgashay. Maamulka Gobolka Banaadir oo uu madaxda u yahay Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed dheere ayaa u bilaabay hawlo lixaadle oo lagu xaqiijinayo amaanka muqdisho iyadoo baaritaano aan kala go’lahayn ay wadaan ciidamada amaanka ku shaqada leh. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ayaa ka hadlay amaanka Muqdisho iyo qorshaha dawladu ugu talo gashay isagoo sheegay inay Maamulkiisu uu wax wayn ka badali doono amaanka caasisamada isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yiri maxamed dheere Waxaan samaynaynaa qorshe magaalada oodhan loogu samaynayo qorshe dhamaystiran taasoo ah in marka koobaad lixda jiho ee magaalada laga galo lagana baxo la dhigo baro koontarool oo si baaxale ubaara waxa galaya iyo waxa ka baxaya iyadoo qofaan la aqoonsan uusan gali Karin magaalada kana bixi Karin Sidoo kale waxaa siwayn u wada hawlihiisii shaqo Taliyaha Boliska somaliyeed Coll. Cabdi Xassan Cawaale qaybdiid isagoo kulan oo la qaatay ganacsatada ku amray inay hubka soo wareejiyaan sidoo kalana amar ku siiyay ciidamada policeku inay gacan bir ah ku qabtaan cidii la arko inay khalkhal wado ama qorshaynayso. Marka dhinacyo badan laga eego caasimada waxay u muuqanaysaa mid gashay gacantii loo baahnaa siwayna isu soo badalaysa iyadoo mudada 10 ka cisho ka yar oo ay dawladu sida buuxda uga ariminaysay laga dareemay isbadal dhinacyo badan taabanaya wallow wali ay muuqdaan raadadkii dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay.
-
Baladwayn: Guddoomiyaha degmada Baladwayn oo hawlo burcad sifayn ah kasoo laabtay. 3. maj 2007 Baladwayn(AllPuntland)- Guddoomiyaha degmada Baladwayn Axmed Gobey Cawaale iyo xubno la socda ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baladwayn, halkaasi oo ay ka maqnaayeen maalmihii ina dhaaftay. Guddoomiyaha iyo xubnaha weheliya ayaa ku maqnaa waddooyinka soo gala magaalada Baladwayn , halkaasi oo ay burcad caadaysatay inay dadka ku baartaan. Guddoomiyaha ayaa markii uu soo laabtay sheegay in hawlihii ay ku maqnaayen ay intii badnayd kusoo guulaysten. Md: Cawaale wuxuu sheegay inay soo qab qabteen burcaddii dadka dhici jiray qaarkood iyo kuwii lacagaha baadda ah ka qaadan jiray . Guddoomiyuhu wuxu sheegay in wali hawl gallada nabadda ay kusugayaan ay sii socon doonaan tan iyo inta ay ka sifaynayaan burcadda. Waddoyinka Koonfur iyo waqooyi ka xiga magaalada Baladwayn ayaa maalmihii ina dhaafay laga soo sheegayay inay fara ba'an ku hayaan kooxaha dadka is baaraysta isla markaana tacshiiradda aan loo meel dayin isaga fura. Walow ay burcaddu yaraatay markii dawladdu ay gobolka Hiiraan ka hawl bilowday , hase ahaatee wali wuxuu gobolku u muuqdaa meel burcaddu ay ka hawl gasho. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Ciidamada xoogga dalka oo dhoolatus ka sameeyay duleedka B/weyne Mogadishu 03, May.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta dhoolatus markii ugu horreeyay ka sameeyay gobolkaasi. Boqolaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa maanta dabrid iyo dhoolatus ka sameeyay buurta Janta kundisho iyo Tuulada Qowleed ee ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dhawaqa hubka si weyn looga maqlayay gudaha magaalada B/weyne. Dhoolatuskaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli shalay saraakiisha ciidamada Booliska iyo kuwa militariga ay iclaamiyeen in la bilaabi doono howl-gallo dhinac walba leh oo ay ugu horreyso sugidda amaanka gobolka Hiiraan. Abaanduulaha ciidamada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maleeshiyo beeleedyada ku sugan gobolka Hiiraan maalmaha soo socda in loo furi doono tababaro la xiriira ciidanimada. Dabridkaan ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka ayaa ah kii ugu horreeyay oo ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka Somalia tan iyo markii dowladda KMG ah oo kaashaneysa ciidamada Ethiopia ay la wareegtay gacan ku heynta dlaka Somalia. Xasan Mayoow
-
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
151 ka tirsan Sharikadaha Muqdisho oo hubkoodii ku wareejiyay Dawladda kumeel gaarka Soomaaliya Thursday, 03 May 2007 Munaasabad maanta ka dhacday Taliskii hore ee Booliska Soomaaliyeed Comando Bolisiya ayaa waxaa iska diiwaan geliyay illaa 151 shirkadood oo doonaya inay dowladda ku wareejiyaan hubkooda ay ku illaalsan jireen xarumahooda ganacsiga. Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno madax ka ah shirkaddaha ugu waaweyn Muqdisho, gaar ahaana kuwa xawaaladaha iyo kuwa isgaarsiinta, iyadoo sidoo kalena ay joogeen gudiga ganacsatada gobolka Banaadir iyo saraakiil ka socotay ciidamada midowga Afrika ee AMISOM. Illaa 4 shirkadood ayaa la sheegay inay ugu horeyntiiba maanta wareejiyeen hubkoodii ay ku illaalsan jireen ganacsigooda, gaar ahaana shirkaddaha Telecom Somalia, Hormuud Telecom, Amal Bank iyo Dahabshiil Bank, iyadoo la filayo inay hsirkaddaha kalena maanta hubkooda ku wareejiyaan. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo isagu ku hadlay munaasabadan ayaa sheegay inay isi soo diiwaan geliyeen illaa 151 shirkadood oo ganacsi kana jira gobolka Banaadir isla markaana ay ka balan qaadeen dowladda inay hubkooda ku wareejinayaan, isagoo tilmaamay in arrintani ay hor dhac u tahay sugida amniga caasimadda iyo soo celinta kala dambeyntii, wuxuuna ganacsatada u sheegay inay dowladdu sugi doonto amniga shirkaddahaasi. Waa markii ugu horeysay oo ay hubkooda ku wareejiyaan dowladda shirkaddaha ganacsiga ee gobolka Banaadir, iyadoo ay dowladdihii dalka soo maray 16-kii sano aysan u sooro gelin inay si rasmi ah ula wareegaan hubka gacanta u galay ganacsatada gobolka Banaadir. -
Abwan the warlord era is over. The clan court era never begun. Now everyone warlord or otherwise wants to work for the governemnt they so desperately opposed. Even Ahmed Diriye & Abdullahi Shiekh Xasan have changed their tune. Oh do not forget the traders who handed over their weapons to the TFG today.
-
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shirkadaha ganacsiga oo bilaabay in hubkooda ay ku wareejiyaan DKMG ah Muqdisho:- Ganacsatada Muqdisho oo lagu tilmaami jiray kuwa ugu hubka badan Soomaaliya ayaa maanta hubkoodii bilaabay in ay ku wareejiyaan DFKMG. Munaasabad ka dhacday xarunta Booliiska ee Muqdisho (komaando boliisiya) ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiin ka socota Ganacsatada iyo madax sar sare oo kamid ah Dowlada Federaalka oo uu hormuud u yahay guddiga Amaanka Qaranka. Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Halyeey Mudane Salaad Cali Jeele, Taliyaha Booliiska Soomaaliya Col.Cabdi Qeybdiid, Taliyaha Xooga dalka Soomaaliya iyo Nabad sugida ayaa halkaasi ku sugnaa. Sidoo kale waxaa xafladan kasoo qeyb galay Saraakiisha ka socota Midowga Afrika. 151 kamid ah Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey hubkoodii ugu horeeyey dowlada Soomaaliya. Waxaa lagu wadaa in hubka loo kala saaro labo qeybood ayadoo hubkii ugu horeeyey oo isugu jira qoryaha daraan dooriga u dhaca iyo hubka waaweyn ee Tiknikada loo yaqaan lagu wareejiyey Ciidamada Ugandheeska. Shirkadaha ayaa loo sheegay in ay marka hore hubkooda oo dhan ay soo wareejiyaan ayadoo guddiga amniga uu u qoondeyn doonaan hub kooban oo ay shirkadaha codsadeen in ay amnigooda ku illaalshan doonaan. Sarakiisha Ugandha ayaa sheegay in ay hada hubka ku xareyn doonaan xarumo loogu talo galay ayagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin tilaabadan horey loo qaaday. Taliyaha Booliiska Col.Cabdi Qeybdiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale ugu mahadnaqay ganacsatada hada hubkooda wareejiyey asagoo sheegay in tilaabadan ay qeyb ka tahay in ay dowlada hanato dhamaan arrimaha sugida amniga. Mataan Gaaboow Muqdisho Abaaqaroow.com wiil waal -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hub Wareejintii Ganacsatada Xamar (Last Updated::2007-05-03 19:35:47 Muqdisho:- Xafladaan hubkooda ay ku wareejinayeen inta badan shirkadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiinta dowlada oo uu ka mid yahay wasiirku xigeenka gaashaandhiga Salad Cali Jeele, Taliyaha Booliiska Gen.Cabdi Qeybdiid Taliyayaasha Ciidamada Militariga iyo Nabad sugida iyo waliba saraakiil ka socota Beesha Caalamka iyo Midowga Yurub. Hubkaan ayaa lagu wareejiyrey gudi ay dowladu u xilsaartey Amniga Qaranka oo ay ku jiraan Taliyaha ciidanka Booliska somaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Taliyaha Ciidanka xooga dalka Somaliyeed Sareeye Gaas Cabdulaahi Cali Cumar, Taliyaha ciidanka AMISOM ee ka howl gala somaliya Corney Bitter, Gudoomiyaha Midowga Ganacsatada gobolka Banadir Cabdikariin Gabayre, iyo afhayeenka Ganacsatada gobolka Banaadir. Janaraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka hadlayey la wareegida hubka ayaa ugu horeyntii ka sheekeeyey dhibaatada uu leeyahay hubku isaga oo ku dheeraaday in aan nabad galyo laheli Karin hadii hub la wada heysto. Wuxuuna intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata waxaan heynaa liiska ay ka kooban yihiin hubka iyo shirkadaha oouu ku sheegay in ay dhan yihiin 151 shirkadood oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed meesha la dhigayo iyo cida loo dhiibayo waan isla wada ogaan doonaa ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Wuxuuna ugu danbeytii ka mahad celiyey hubkii lagu wareejiyey isaga oo yiri waxaa xaaraan ah in hub qof laga qaday qof kale la siiyo. Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladaas Gudoomiyaha Ganacsatada gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay raali ka yihiin hubkan ay dhiibeen cid soo qasabteyna aysan jirin. Wuxuuna sheegay in ay maanta kaliye ku ekaankarin hub wareejintu ayna socon doonto inta uu huubku ka baxayo gacmaha dadka rayidka ah. Shirkadaha ugu hubka badnaa inta la keenay waxaa ugu horeysay shirkada isgaarsiinta ee Hormuud oo iyadu soo bandhigtey hubkii ugu badnaa oo ka koobnaa 121 qori gacmeey iyo hub yaryar waxaana ku jira laba qori oo ( 1 Zuu) ah iyo (3 Dhashiike) oo ay la socdaan gaaridii ay ku rakibnaayeen. Wuxuuna ii sheegay Faysan Xasan Keyd iyo suldaan cabdi Ceeriin oo kamid ahaa Mas'uuliyiintii U Qaabilsanaaa Shirkada Hormuud Xaga Hub Wareejinta. Sidoo kale shirkada maanta hubkooda soo wareejiyey ayaa waxaa ka mid ahaa shirkada Telecom Somaliya, Shirkada isgaarsiinta ee Nation Link iyo Shirkada xawaalada ee Amal. Arrintaa hubka lagu wareejinayo dowlada ayaa waxey ka danbeysay heshiis ay wada gaareen gudiga ganacsatada gobolka Banaadir iyo dowlada Federaalka KMG Soomaliyeed oo mudo loo qabtey ay dhamaatey tas oo ahayd in hubka ay ku soo wareejiyaan mudo 36 saacadood ah. Muuse Maxamuud Jiisow HorseedNet.com -
^^^Thats a good step, Asad is here to stay I guess.
-
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shirkado waa weyn oo Muqdisho ka howlgala oo hubkoodii ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telecom iyo Shirkadaha Xawaaladda Dahabshiil iyo Amal ayaa maanta hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo Dowladdana ay hubkaas ku sii wareejisay Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan. Munaasabad ay Shirkadahaas hubkooda kula wareejinayeen Dowladda Federaalka oo ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed C/llaahi Cali Cumar, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM iyo weliba Mas'uuliyiin ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in ay shirkadaha hubkooda ku wareejiyay ay bilow u yihiin 151 shirkadood oo isu soo diiwaangeliyay in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay shirkadaas ballanqaadeen in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka. Hubka ay Shirkadahan ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo noocyo kala duwan isugu jiray ayaa waxaa ka maqnaa hubka waa weyn ee gaadiidka dagaalka la saaro, waxayna mas'uuliyiintii shirkadahan ka socday ay sheegeen in ay hubkaas keeni doonaan, waxaana arrintaas ka wada xiriiraya shirkadahaas iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ee Dowladda Federaalka ugu xil saaran hub uruurinta. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in hubka ay shirkadahaas ku wareejinayaan Dowladda Federaalka uu sidoo kale bilow u yahay qorshaha hub ka dhigista ah ee ay Dowladda Federaalka waddo, wuxuuna Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid uu sheegay in hubka lagu wareejinayo Dowladda Federaalka ay iyadana ku sii wareejin doonto Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan ugu baaqay Shirkadaha Gancsiga ee ka jira Magaalada Muqdisho in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, waxaana tan iyo markii uu soo baxay amarkaas u socday Ganacsatada Gobolka Banaadir shirar ay ka lahaayeen sidii ay hubkooda ugu wareejin lahaayeen Dowladda Federaalka oo iyadu si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Muqdisho kadib dagaallo lagu hoobtay oo muddo bil ka socday. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marka ay uruuriso hubka ay leeyihiin Ganacsatda Gobolka Banaadir waxaa sugeysa howl kale oo baaxaddeeda leh taasi oo ah sidii ay dadka shacabka ah uga uruurin lahayd hubka gacanta ugu jira, taasi oo haddii ay ku guuleysato u sahleysa in ay gacanta ku dhigto ammaanka Magaalada Muqdisho oo muddo ka badan 16 sanadood ku jirtay xaalad fowdo ah. alsom17@hotmail.com Shabeeladahoose.com -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shirkado waa weyn oo Muqdisho ka howlgala oo hubkoodii ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Khamiis, May 03, 2007(HOL): Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telecom iyo Shirkadaha Xawaaladda Dahabshiil iyo Amal ayaa maanta hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo Dowladdana ay hubkaas ku sii wareejisay Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan. Munaasabad ay Shirkadahaas hubkooda kula wareejinayeen Dowladda Federaalka oo ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed C/llaahi Cali Cumar, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM iyo weliba Mas'uuliyiin ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in ay shirkadaha hubkooda ku wareejiyay ay bilow u yihiin 151 shirkadood oo isu soo diiwaangeliyay in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay shirkadaas ballanqaadeen in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka. Hubka ay Shirkadahan ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo noocyo kala duwan isugu jiray ayaa waxaa ka maqnaa hubka waa weyn ee gaadiidka dagaalka la saaro, waxayna mas'uuliyiintii shirkadahan ka socday ay sheegeen in ay hubkaas keeni doonaan, waxaana arrintaas ka wada xiriiraya shirkadahaas iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ee Dowladda Federaalka ugu xil saaran hub uruurinta. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in hubka ay shirkadahaas ku wareejinayaan Dowladda Federaalka uu sidoo kale bilow u yahay qorshaha hub ka dhigista ah ee ay Dowladda Federaalka waddo, wuxuuna Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid uu sheegay in hubka lagu wareejinayo Dowladda Federaalka ay iyadana ku sii wareejin doonto Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan ugu baaqay Shirkadaha Gancsiga ee ka jira Magaalada Muqdisho in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, waxaana tan iyo markii uu soo baxay amarkaas u socday Ganacsatada Gobolka Banaadir shirar ay ka lahaayeen sidii ay hubkooda ugu wareejin lahaayeen Dowladda Federaalka oo iyadu si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Muqdisho kadib dagaallo lagu hoobtay oo muddo bil ka socday. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marka ay uruuriso hubka ay leeyihiin Ganacsatda Gobolka Banaadir waxaa sugeysa howl kale oo baaxaddeeda leh taasi oo ah sidii ay dadka shacabka ah uga uruurin lahayd hubka gacanta ugu jira, taasi oo haddii ay ku guuleysato u sahleysa in ay gacanta ku dhigto ammaanka Magaalada Muqdisho oo muddo ka badan 16 sanadood ku jirtay xaalad fowdo ah. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Ganacsatada Muqdisho oo hubkooda ku wareejiyay dawladda. 3. maj 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Shirkadaha ganacsatada waawayn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta hubkoodii ku wareejiyay dawladda federaalka Soomaaliya. Hawsha hub wareejinta oo lagu soo jiray maalmihii ina dhaafay ayaa maanta wajigeedii ugu horeeyay qabsoomay , kadib markii ay afar shirkadood oo waawayn ay hubkooda wareejiyeen. Shirkadaha hubkooda wareejiyay waxaa kamid ahaa Hormuud , Dahabshil , Amal iyo Telcom, waxayna hubkooda ku wareejiyeen guddiga hub wareejinta dawladda. Hubkan ay ganacsatadu soo wareejiyeen ayaa isugu jira gaadiidka dagaalka , qoryaha garabka laga rido , iyo kuwa daran dooriga u dhaca. Waxaa jiri doona hub sharciyaysan oo ku jiri doona gacanta shirkadaha waawayn ee magaalada Muqdisho. Illaa iyo 150 shirkadood ayaa iminka isku diiwaan galiyay inay hubkooda wareejinayaan, kuwaasoo isugu jira shirkado yar yar iyo kuwa waawayn. Hubka ugu badan halka uu ka yaallo Muqdisho waa suuqa bakaaraha oo hantida ugu badan ee dalkana ay taallo. CCC Farayaamo AllPuntland