Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,066
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Hogaamiyaha ugu sareeya Shabaab oo fariin u diray Burundi Muqdisho: (Sh. M. Network) Hogaamiyaha ugu sareeya Xarakada Al Shabaab ayaa fariin u diray shacabka reer Burundi isagoo ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ciidamadooda looga saari lahaa dalka Soomaaliya. Sheekh Mutqaar C/raxmaan abuu Zubeyr oo ah hogaamiyaha guud ee Xarakada AL Shabaab oo fariin maqal ah soo saaray ayaa waxaa uu digniin ugu diray fariintiisa shacabka reer Burundi isagoo kula taliyay in ay ciidamadooda kala baxaan gudaha Magaalada Muqdisho. Waxaa uu sheegay in ay hayaan maxaabiis farabadan oo u dhalatay Burundi kuwaasi oo uu tilmaamay in qaarkood dhaawacyo ay qabaan waxaana uu ugu baaqay shacabka Burundi in ay ka shaqeeyaan sidii ciidamadooda looga saari lahaa Soomaaliya inta aysan Shabaab sameyn talaabo aargudasho ah sida uu hadalka u dhigay. “Hadalkaan waxaa uu ku socdaa shacabka Burundi, waxa muuqata in ciidamadiina la soo qalday oo wax badan aysan ka fahansaneyn xaqiiqda taala Soomaaliya, waxaad ogaataan in Muqdisho ay ku fashilmeen dowlado idinka xoog badan idinkana jabkiina waa uu bilowday waxaana astaan u ah meydadka ciidankiina ee lagu jiidayo Muqdisho” ayuu yiri Abuu Zubeyr. Hogaamiyaha sare ee xarakada Al Shabaab Sheekh Mutqaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa sheegayb in ciidamada Burundi ay ku qasbanyihiin in ay isaga baxaan gudaha dalka Soomaaliya maadaama sida uu tilmaamay ay ku fashilmeen dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab. “Waxaa hubaan ah in aad qasab dalka uga bixi doontaan kala doorta maanta in aad baxdaan in wali uu qasaarihiinu yaryahay iyo in aad baxdaan mar ciidankiinu baaba’ay qasaare ba’ana uu idin soo gaaray” ayuu hadalkiisa intaasi ku sii daray Amiirka Al Shabaab. Hanjabaadaan cusub ee Shacabka Burundi uu u jeedinayo hogaamiyaha sare ee AL Shabaab ayaa imaaneysa xili askar ka tirsan ciidamada Burundi la sheegay in ay ku dhinteen dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  2. Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ku Sii Jeeda China Iyo Arrimaha Lala Xidiidhinayo Socdaalkiisa Hargeysa, March 3, 2011 (Haatuf) - Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo muddo afar maalmood ah socdaal ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa la sheegay inuu xalay ka dhoofay Madaarka Addis-Ababa ee dalkaasi oo uu ugu kicitimay dalka China. Ma jiro war rasmiya oo Madaxtooyada ka soo baxay oo shaaca ka qaadaya socdaalka Wasiirka Arrimaha dibada ee China, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa Wargeysaka Haatuf u sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadu Maxamed C/laahi Cumar oo Safar ugu sii jeeda China la sheegay inuu gogol xaadh u yahay socdaal la filayo in madaxwenaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) bishan March 2011-ka ugu kicitimi doono dalkaasi Beijing oo marti qaad rasmiya uu ka helay dawlada dalkaasi. Ilo wareedyo kale ayaa iyaguna sheegaya in ujeedada socdaalka Wasiirka Arrimaha dibadu Maxamed C/laahi Cumar ay la xidhiidho arrimo ku saabsan Mashruuc khad Tareen oo isku xidha magaalada Berbera iyo Addis-Ababa oo laga hir galin doono labada dal ay ku saabsan tahay sidii qiimayn loogu soo samayn lahaa shirkadaha ku haboon ee hir galin kara khadkaasi Tareenka, hase yeeshe xukuumaddihii hore ee Somaliland maamulkii madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo dawlada Ethiopia ayaan iyagu isla meel dhigin qaabka loo hir galinayo heshiiskaasi ee loo wada galayo, hase yeeshe heshiiskaasi oon ilaa hadda aanay isla meel dhigin Somaliland iyo Ethiopia ayaa la sheegay in xukuumadda madaxweyne Siillaanyo iyo dawlada Raysalwasaare Males Zenawi ay wakhtigan xaadirka ah isla dhiraan-dhirinayaan sidii is fahan guud ay uga wada gaadhi lahaayeen Mashruucaasi lagu doonayo in khad Tareen oo dawalada Ethiopia ay Dekada Berbera Mustaqbalka ku doonayso sidii ay u isticmaali lahayd Alaaba-na ugala soo degi lahayd ay Maanka ku hayso, taas darteedna ay tibaaxuhu sheegayaan in Safarka Wasiirku ee la sheegayo inuu ugu sii jeedo dalkaasi China lagu soo qiimaynayo Maaliyada ku bixi doonta iyo Shirkadaha ku haboon ee fulin kara Mashruucaasi, hase yeeshee ilaa hadda Ethiopia iyo Somaliland si rasmiya Qalinka ugu may duugin hir galinta Mushruucaasi.
  3. ^^ Somaliland is a dream that came true but it's still your nightmare;)
  4. Let us support Somalilanders The most effective way of achieving that goal is to finally recognise that Somaliland exists as a distinctive and properly functioning entity. Entry to the UN and to the Commonwealth, which the Somalilanders have long craved, should then follow. Sir, Your editorial “Pirates of the Gulf” (February 19) raises again the important issue of Somaliland. As it states, this northern part of Somalia has prevented piracy from taking root on its shore. It needs help and support to uphold that stance. The most effective way of achieving that goal is to finally recognise that Somaliland exists as a distinctive and properly functioning entity. Entry to the UN and to the Commonwealth, which the Somalilanders have long craved, should then follow. As the world will probably shortly come to recognise southern Sudan as an independent state, the old excuse that nothing should be done to encourage the questioning of the existing boundaries of African countries is no longer tenable. Simon Gordon, Financial Times
  5. dad badan ba cadheysan , tallow maxay la xanaaqsanyihin
  6. caydruus don't include us in any of your Koonfurian plans. we don't take part of reconciliation deals for your Somalia
  7. woow Genocide are you sure about that A khadar
  8. Qarax Dhimasho iyo dhaawac Sababay oo ka dhacay Bosaaso (Sawiro) Qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa barqadnimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Gaari nooca Land Cruiser-ka loo yaqaano ayaa saaka qarax nooca miinada dhulka lagu aaso lagula beegsaday agagaarka Hotelka Juba ee magaalada Bosaaso. Sida uu noo sheegay Taliyaha Qaybta Gobolka Bari Col.Hurun waxaa qaraxaas ku dhintey dareewalkii gaariga, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale. Taliyaha ayaa sheegay in hadda ay wadaan baaritaano la xirrira qaraxaas isla markaana gadaal ay saxaafada ka siin doonaan warbixin faahfaahsan. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo buux dhaafiyey dadweyne badan oo usoo baxay sidii ay u arki lahaayeen qaabka ay wax u dhaceen,waxaana daqiiqado kadib goobta soo gaarey Ciidamada amaanka.
  9. Qarax Miino oo ka Dhacay magaaladda Boosaaso. Wednesday, 02 March 2011 Qarax aan khasaare badan gaysan ayaa goor dhawayd ka dhacay bartamaha magaalada Bosaaso meel ku dhow xaawaladii hore ee Dalsan Bank Hal ruux ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxaasi oo ahaa nooca ramuudka laga hago ,iyadoo lagu aasay wadada dhinaceeda. Waxaa qaraxan lala damacsanaa sida la sheegay in lagu khaarijiyo sarkaal la sheegay in Puntland uu ka caawiyay dagaalladii ay ku qabsadeen degmada Gal-Gala ee gobolka Bari. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in ruuxa ku dhintay qaraxa uu ahaa darawalkii waday gaadhiga miinada loo dhigay. Ciidamo aad u fara oo ay ku jiraan kuwa sirdoonka ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ,iyaga oo rasaas kor u ridaya si ay u kala Yaacaan dadka isugu soo xoomay goobta. Dad goob-joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in ay arkayeen dad dhaawacyo ah oo loola sii cararayo cisbitalka ,inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada ay gaarayaan. Ugu danbayntii ma jiro masuul dowlada oo ilaa iyo hada ka hadlay arinta dhacay, waxaana arimaha ay qayb ka yihiin falalka amaan xumo ee degmada ku soo kordhayay labadii sano ee u danbaysay.
  10. Taleexi u you were hoping for a great Anti Somaliland article from wardheernews.com
  11. Taleexi;698703 wrote: Biyihi Somaliland na ma ku matagtay
  12. Sure we will all die one day but one will die for his country protecting it from peace hating insurgents, and one will die bringing pain and misery on his own people.
  13. as long as the nabadiids don't want nabad i believe the war will continue
  14. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo safar hawleed ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan shir ah la qaatay Raysal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, mudane Hailumariam Desaglen, islamrkaa ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Itoobiya. Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya maalintii isniintii ee ay taariikhdu ahayd 28 ka February, waxaa lagu lafaguray arrimo khuseeya nabadgalyada iyo siyaasadda gobolka, waxaana si qotto dheer loo taabtay qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyada nabadgalyada waxyeelaya ee ka jira mandaqadda. Arrimaha sida gaarka ah uga wada hadleen labada dhinac waxaa ka mid ah arrintii ka dhalatay deegaanka kalshaale iyo mawqifka ay arrintan ka qaadatay Puntland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland wuxuu tilmaamay in ay u arkaan mawqifka Puntland arrintann ay ka qaadatay mid faragali toos ah ku aha arrimaha u gaarka ah Somaliland, taasi loo tarjuman karo gardarro caddan ah. Wuxuuna Wasiirku caddeeyay hawlgalada nabadgalyo doonka ah ee ay xukuumadda Somaliland ka waddo deegeenkaasi , iyadoo ay door wax ku ool ah ka qaadanayaan hogaamiye dhaqameedyada Somaliland iyo odayaasha deegaanka si nabad loogu soo afjaro khilaafka ka dhex dhacay labada beelood ee deegaankaasi wada dega. Wuxuuna wasiirku ugu baaqay maamulka Punland inay joojiyaan farigalinta arrimaha Somaliland iyo taakulaynta kooxaha nabad-diidka ah ee gacan saarka la leh argagixisada. Itoobiyana dhinaceeda waxay shaaca ka qaaday inay soo dhawaynayso, islamaarkaana taageerayso, hawlaha horumarinaya nabadgalyada iyo xasiloonida, jeceshahayna in arrinta ka dhalatay deegaanka kalshaale iyo nawaaxigeeda lagu soo dhammeeyo nabadgalyo. Waxayna labada geesood tilamaameen sida loogu baahan yahay inay si wada jir ah ugawada shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa khataraha ka iman kara nabadgalyada xumamada oo saamayn kuwada yeelan kara gobolka. Waraasadda Arrimaha Dibadda ee Somaliland
  15. War Deg-dega Is Rasaasayn ka dhacday Kalshaale Tuesday, 01 March 2011 War Deg-Dega Dagaal ka Socda Degaanka Kalshaale. Burco-(Togdheernews.com)-War Deg-dega Dagaal ayaa ka dhacay Degaanka Kalshaale Dagaalkan ayaa waxa uu dhexeeya Ciidamada Qaranka Soomaaliland iyo Kooxaha nabad Diidka ah ee ka Soo jeeda degaanka Buuhoodle, Dagaal kan ayaan sheegin waxa sababay.
  16. Ciidanka Qaranka Oo Baacdsay Koox Nabad Diidka Ah Oo Galabta Soo Weeraray Deegaanka Kalshaalle March 1st, 2011 Kalshaale (Somaliland.Org)- Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanka Kalshaalle ayaa galabta u awood sheegtay koox nabad diidka ah ee SSC, oo soo weeraray fadhiisin ku yaala jiidaasi. Waxaana la sheegay in maleeshiyadaasi uu ka dhaawacmay hal qof. Halka ciidanka qarankana aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay. Kooxdan weerarka soo qaaday oo ahaa koox afantari ahayd waxa baacsaday Ciidanka qaranka waxaana la sheegay in kooxda SSC ay ku kala jabeen talaabooyinkii dhinaca nabadgelyada loo qaaday ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku doonayo inuu ku soo afjaro colaada ka taagan deegaanka Kalshaale ee u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah oo jiidaasi wada degan. Waxa la sheegay in kooxda nabad diidka ahi ay wax taageero ah ka waayeen shacbigii ka dib markii xukuumadda Somaliland ay sii daysay 42 Maxbuus oo lagu qabtay dagaaladii kala duwanaa ee ciidamada qaranku ku soo qabteen Nabad diidka dagaaladii ka dhacay deegaankaasi. Sidoo kale, kooxdan caqabad ku noqday markii la aasay baraagihii ku yaalay deegaanka Kalshaalle ee uu ka bilaabay iska hor imaad iyo colaad ka dhashay muran dhinaca dhul daaqsimeedka ah.
  17. safar taariikhi ah oo uu md. waran-cadde ku tegay koonfuurta sudan. Siyaasiga ruug-cadaadiga ah ee Reer Somaliland Nd. Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa horanti bishi kowad ee sanadkan safar dhulka ah ku gaalaa-bixiyeye wadamada Ethiopia iyo Koonfuurta Sudan, isga oo ku tagay baabuurkisa khaaska ah ee leh lambarka JSL. Hdaba Md. Cali Waran-Cadde oo imika ku sugan magalada Juuba oo ah Caasimada Konfurta Sudan waxa uu sheegey in ay ku qadatay in u gaadho haalkaasi mudo bil ah, waxaanu sheegey in u halkaasi ku tagay Baasboorka Somaliland iyo waliba baabuurkisa oo leh taarkada Somaliland sida ka muuqata sawirka baabuurkisa. Wax uu Mudane Waran-Cadde sheegey in ay Dalka Koonfurta Sudan ay Somaliland isku qadiyad yihiin. Wax kale oo uu Mr Cali sheegey in inti u dhex mushaxayay kaymaha waaweyn ee u dhexeya dalalka Itobiya iyo Konfuurta Sudan uu la kulmay durufo kala duwan. Kuwaasi oo ah in uu gaadhigi uu watay mar kaliya kawada banjareen afarta tayiir taasi oo ay sabab u ahayd dadka degaankas oo baabuurka iska buuxiyey dul iyo hoos. Kuwasi oo aan garaneyen xadiga uu baabuurku qaado. Wax kale oo uu Md. Cali intaas ku daray in u la kulmey duur-joog fara badan oo mararka qaarkod naftisa cabsi galisey isga oo sheegey in markii danbe ay heleen Hotel kaymaha ku dhex yala oo ka tirsan Hotelada five starka oo niman Carab ahi leeyihin. Kuwaasi ayaa nasiyey tayirada iyo wax kasta oo aanu u baahnayn, ayua Cali yidhi. Wax kale oo u sheegey in u calanka Somaliland uu u sii qaybinayey tuuloyinka uu marayey mudadii uu safarkiisa ku guda jirey. Wax kale oo uu Mudane Waran-Cadde sheegey in u qadiyada Somaliland kala hadli doono madaxda u la kulmo iyo ciid kasta oo u arko in ay Somaliland wax kala qaban karto qadiyadeeda gooni isu-taagga. Wax kale oo u sheegey in hadi Alle yidhahdo u madaxtinimada Somalilan isu rashaxi doono. Wax kale oo safarkisa ku weheliya Mr Cali wiil u dhalay oo la yidhahdo Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo afar jir ah sida ka muuqata sawirka
  18. Ethiopian News and Opinion Journal Tigray is part of the Ethiopian pro-democracy movement! EthiopianReview.com | February 28th, 2011 New: Organize Yourself - PERSONALIZED PROGRAM!!!!!New: Organize Yourself -Your personalized program is here - With expert guidance, it's simple!The wind of change that is sweeping the Middle East and North Africa has reached at the doorsteps of Ethiopia. Ethiopians through out the country and in the diaspora have resolved to embrace the change, and through a sustained and determined peaceful struggle, will remove Meles Zenawi’s dictatorship that has been misruling Ethiopia for the past 20 years. Hence, the moment of truth has come to every Ethiopian. The Meles regime is once again preparing to escape change by further dividing the Tigregna speaking community from the rest of Ethiopians. It is clear to all Ethiopians that Meles Zenawi’s Tigray People Liberation Front (TPLF) has escalated ethnic tensions during the last 20 years. The purpose of this statement therefore is to alert all Ethiopians to be extra vigilant in separating agents of the Meles regime from the people of Tigray who are part and parcel of the Ethiopian pro-democracy movement. Since Meles Zenawi assumed power in 1991, lacking any semblance of legitimacy, he has ruled Ethiopia with an iron fist. Without the consent of the people, it has divided the country along ethnic lines, and encouraged ethnic based politics in order to fragment and weaken Ethiopia. Life is becoming unbearable for millions of Ethiopians who are being deprived of their lands, of their resources and of their rights. Small businesses that are not affiliated with TPLF-linked businesses are closing down in large number. While the few privileged ruling party members wallows in luxury, millions of Ethiopians live in abject poverty. To add insult to injury, the Meles regime is issuing thousands of commercial farm licenses to foreign investors from India, Egypt, Saudi Arabia and China. Today, hundreds of thousands of Ethiopians are either being evicted from their ancestral lands or turned into day laborers to foreign government-backed mega investors. Meles promotes neo-colonialism in a country that successfully defeated colonial invaders. Since the Meles regime is looting and plundering Ethiopia in the name of Tigray, it is incumbent upon our Tigrean brothers and sisters to tell the regime: “Not in Our Name.” Ethiopians are longing for their Tigrean sisters and brothers to stand shoulder-to-shoulder in the fight against the Meles regime. Actions are needed now before it is too late. The choice is clear. It is either to stand on the side of the Meles regime that traces its orgin to Tigray, or to be part of the popular pro-democracy movement BEKA! Yaekelena!
  19. Berbera: Wafti ka socda wadanka maleysia oo Booqasho ku yimi Caasimadda Gobolka Saaxil ee Berbera. Waxaana waftigan diyaar madaarka ugu sii ahaa saraakiil katirsan wasaarada arimaha debeda ee soomaaliland Daawo Sawiradda Wafti ka socda wadanka maleysia ayaa saaka ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Berbera waxaana waftigan hogaaminaayay safiirka soomaaliland ufadhiya wadankaa maleysia C/risaaq Maxamed Maxamuud Waxaana waftigan diyaar madaarka ugu sii ahaa saraakiil katirsan wasaarada arimaha debeda ee soomaaliland oo uu horkacaayay C/risaaq Xaji Xusseen waxa kale oo isna madashaa diyaar kusii ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) masuuliyiintan ayaa saaka subaxnimadii hore si diiran usoo dhaweeyay waftigan reer maleysia. Waftigan oo ka koobnaa(9)xubnood oo isugu jiray ganacsato maleysiana oo shuraako la ah muwaadiniinta reer soomaaliland ee dhaawanta warshada hilibka ka sameystay xarunta Gobolka togdheer ee Burco ayaa waxa kale oo wehelinaayay xubno kale oo iyana ka socday Telefiishanka wadankaa ugu weyn ee dawlada iyo waliba xubno kale oo indha indheynaayay sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen wadankan soomaaliland iyo meelaha ay daneynayaan oo ay soo arkaan waxaanay socdaalo ku soo mareen xarumaha dawlada ee Gobolkan saaxil oo dhan hawgu horeyso dekeduye iyo labada maxjar ee xoolaha dekeda ka dhoofa lagu caafimaadiyo waxaana xarumahaa ay marayeen warbixino ka siinaayay masuuliyiinta maamula ka hor intii aanay dhinaca caasimada usoo ambabixin Waxaanay kormeerkoodii ugu horeeyay saaka ka bilaabeen dekeda magaalada Berbera oo ay doonayaan qoladan warshada hilibka qeybta ka ahi in ay ka dhoofiyaan hilibka oo koontanaro qaboojiyayaala ku jira waxaana halkaa waftiga warbixino la xidhiidha dekeda iyo sida ay ushaqeyso kusiiyay Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir waxaanu halkaa ku faah faahiyay adeegyada dekeda iyo habsi usocodka shaqadeeda iyo waliba in ay dekeda Berbera ufurantay cidkasta oo daneynaysa ama dooneysa in ay xidhiidh ganacsi la sameyso kadibna waxay waftigu booqdeen maxjarada labada ah ee xoolaha waxaanay ku nagaaadeen oo warbixino la xidhiidha maxjarka ka qaateen maxjarka shirkada Indha deero Grooub ee (national quaranten)waxaana halka warbixin dheer ku siiyay maamulaha labourtaryga oo ah dhakhtar masriya waxaanu waftiga usoo badhigay qalabka kala gadisan ee xoolaha lagu caafimaadiyo iyo waliba daawooyinka xoolaha cudurada lagaga talaalo oo talaagado ku xafidan Kadibna waxay ku yara hakadeen Hotel Maansoor oo Quraacdu ugu sii diyaar aheyd sababtoo ah diyaarada ayaa madaarka ay diyaaraduhu ka haadaan ee Berbera soo caga dhigtay 5.30 shantii iyo badhkii subaxnimo waxaanay ugu danbeyntii waftigu booqdeen xarunta warshada shamiitada ee Berbera waxaana halka warbixin ku siiyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali hayste(Ramaax)isaga oo waftiga uga waramay waayaha shaqo ee ay warshadani soo martay iyo wakhtiyadii ay shaqeyn jirtay tonageka ay soo saar jirtay maalintii oo uu ku sheegay(600)lix boqol oo tan oo sibidha maalintiiba. Dhinac kale waxa isna masuuliyiinta soo dhaweysay umahad celiyay xubin kamida waftiga maleysianka ah oo magiciisa lagu sheegay Cabdi Casiis waxaanu aad ula dhacay sida diiran ee loo soo dhaweeyay iyo qiimaha ay ugu fadhido kadibna waxa ay waftiga iyo xubnihii soo dhaweyntooda Berbera uyimi ay isu soo raaceen dhinaca hargeysa halkaas oo ay kulamo la qaadan doonan madaxda xukumada iyo golayaasha qaranka sida uu sheegay Cabdirisaaq Xaji Xussen manta mar u socdaalka waftigan ka hadlaayay isaga oo raaciyay in ay burcana booqan doonan hargaysa marka ay ka soo noqdaan isla wiigan gudihiisa Dhinaca kale xubnaha ka socday tvga maleysia ayaa iyaguna watay kamara man uduubaya meelkasta oo ay maraan iyo iyaga oo waraysan doona madaxda ay la kulmaan waxaanay kala ahaayeen laba wariye oo midi tahay gabadh iyo hal kamara man waxaanay saaka wareysiyo ka qaadeen maamulaha madaarka Berbera Axmed Maxamed Cawaale isla markii ay soo dageenba waana waftigii ugu horeeyay ee inooga yimaada wadankaa maleysia oo ah wadan islaama intiisa badani xubnaha manta halkan marayayna waxay ahaayeen muslim