Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    81

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. A khadar people can demonstrate in Somaliland since we are a democracy it's usual if riots get out of hand people get arrested there were demonstrations in borama to , two days ago and people got arrested Marka abti is dadji xuquuq shacabku wa leeyihin badankooda na wala sii dayey
  2. A_Khadar;700081 wrote: XX waa nin too emotional ah.. Now he is celeberating but once he got the real news, he will disappear as usual. XX, ku noqo, the reality on the ground is different than these you referred from your clan sites. Plus, city of LA population aren't s/landers as you claimed because they have been protesting last several days and nighst and many of city's populations are filled in the jails. Your paied lead men from LA are big time in loss so as your militia. Run before its too late waryaa, tolka inta meesha kaaga jirta advice them before they get captured or killed. Here from your own website Dagaal Ka Qarxay Deegaanka Ganbadhi Ee Bariga Laascaanood- Lasanod Online. Monday, March 07, 2011 Laascaanood,(lasanod Online)- Dagaal u dhaxeeya Ciidamada taabacsan SSC ee ka amar qaata Wasiirkii hore uga tirsanaan jirey maamulka Puntland, Axmed Karaash.. iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sida ay wararku sheegaayan dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Ganbadhi oo qiyaastii 20KM u jirta magaalada Laascaanood,waxaana uu socday mudo dhowr saacadood dagaalkaasi. Afhayeen u hadlay Ciidamada Somaliland ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka ay khasaare ku gaadhsiiyeen Ciidamadaas isla markaana dib u riixeen,waa siduu sheegtay.wuxuuna sidoo kale tilmaamay in ay qabteen maxaabiis iyo gaadhi tikniko ah. Xirrir aanu la sameynay masuuliyinta maamulka Puntland iyo aagga daalku ka dhacay ayaa dhamaantood ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkan maanta, iyagoo sheegay in saacadaha soo socda la hadli doonaan Saxaafada oo dagaalka ka warbixin doonaan. Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan maanta dhexmaray Ciidamada Axmed Karaash iyo Somaliland ayaan weli la ogeyn. Dhowaan ayay ahayd markii Ciidamada Axmed Karaash iyo kuwo ka tirsan Puntland ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka bilaabeen inta u dhaxeysa Laascaanood iyo magaalada Garoowe. Dagaalka maanta ayaa kusoo beegmaya xilli Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland ku eedeyey maamulka Somaliland in colaad ay ka hurinayso magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Faahfaahin ku saabsan dagaalkan, kala socda LASANOD ONLINE.
  3. Thankful;700080 wrote: Xaaji no fighting in Sool huh? Of course you will put your spin on it and never admit defeat! However like it has been said many times, your think your independence bid will have any weight when it causes conflict? Fighting not between rebels and Somaliland but between Faroole and his forces and Ciidanka qaranka Somaliland this is good news since there are no rebels in eastern Sool but this is a war between Somaliland and the pirate forces.
  4. War deg deg ah: Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa jebiyey weerar ay Puntland ku soo qaaday saaka Written by Qaran news Mar 07, 2011 at 08:41 AM Laascaanood (Qaran news)- Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa dhirbaaxo xoog leh ku dhiftay ciidamada maamul goboleedka Puntland oo saaka ka soo weeraray laba aag oo ah aagga hore eeTukaraq iyo Gambadhe. Ciidanka qaranka ayaa goobtaas ku qabsaday gaadiid techniko ah iyo maxaabiis badan. Wararka ka soo baxayaa goobaha dagaalka ayaa sheegaya in si xoog ah loo jebiyey ciidamada weerarka gardarrada ah soo qaaday ee Puntland. Wararkaas oo faah-faahsan goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa haddii ilaahay ka dhigo. Qaran news
  5. Maleeshiyada Puntland Oo Weerar Kusoo Qaaday Ciidamada Somaliland Ee Degaanka Ganbadha March 7th, 2011 Ganbadha (Somaliland.Org) Maanta duhurki ayaa waxa weerar laba geesood ah kusoo qaaday ciidamada qaranka ee fadhiya degaanka Ganbadha, maleeshiyo maamulka Puntland ah. Deegaanka Ganbadha ayaa ah meel u jirta tuulada Tukaraq wax ka yar 10km, dhinaca kalena u jirta magaaladda Garowe wax ka yar 30km. Sida uu sheegay af-hayeen u hadlaya ciidamadda Qaranka Somaliland oo u waramay idaacadda BBC Somali, maleeshiyadi soo weerartay ciidamadda qaranka ayaa laga qabsaday laba gaadhi Tikniko ah iyo maxaabiis aan tiradooda la xadidin. Isla af-hayeenkas ayaa sheegay in ciidamadda Somaliland wax khasaare ah soo gaadheen nin dhaawacmay, halka aanay jirin wax dhimasho ah. Af haying waxa uu sheegay in maxabis ay ka qabteen maleeshiyadi soo duushay, sidoo kalena laba gaadhi oo Tikniko ah ka qabsaden. Dhinaca kale wasirka warfaafinta Puntland oo isna u waramay idaacadda BBC ee Somaliga ayaa sheegay in ay weerarka soo qaadeen, isagoo sheegay inay ka xun yihiin in ciidamada Somaliland ku sugan yihiin magaaladda Laascaanod. Sidoo kale , mudanahan oo magaciisa lagu sheegay in la yidhaahdo Askar, waxa uu sheegay in maamulka Puntland uu aad uga xun yahay caawimada dhaqale ee dalka Ingirisku siyo Somaliland. Tan iyo intii xukuumadda Ingiriiska iyo alameda qarbigu sheegen in caawimada ay siyan Somaliland sadex laabayan ayaa waxa soo batay dagaal dhinacyo badan oo maamulka Puntland iyo maleeshiyo beeleed uu isticmaalaa kusoo qaaden Somaliland. Maamulka Puntland ayaa ku dooda inay isku isir yihiin shacabka reer Somaliland ee dega Sool, isla markaana ku dooda intii isku isir ahba inay maamul wada samaysato. Dooda maamulka Puntland ayaa ah mid khatar ku ah nabadgelyadda geeska Afrika, maadama dad badan oo isku isir ah ay ku kala nool yihin xaduudaha Ethiopia, Somaliland iyo Somalia
  6. War Deg-Dega: Dagaalo ka dhacay Sool , oo Hub iyo Maxaabisi lagu kala Qabsaday. Monday, 07 March 2011 Laascaanood(Togdheernews.com)- Dagaalo Culus oo manta ka dhacay Jiida gobolka Sool, kuwaasoo u dhaxeeya Ciidanka Qaranka Soomaaliland iyo Ciidamada Maamulka Puntland, kaasoo sababay Dhimasho iyo Dhaawac . Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriydda Soomaaliland ayaa Ayaa shabakadaTogdheernews.com u sheegay in ciidanka Puntland ay Werarkaas soo qaaday ayna jabiyeen , kana qabteen Hal Baabuur oo Tikniko ah iyo 4 Maxbuus, sidoo kalena dhinaca Ciidanka Qaranka ilaa hadda ay dhaawacmeen 4 Askari oo ku dhaawacmay laba gaadhi oo isku dhacay. Lama oga Sababta Xilliga keentay Dagaaladda ka soo Cusboonaaday Degaankaasi, Sool.
  7. We are still waiting for the pirates to fight back like men La residents are proud Somalilanders the pirates will be send back to their garowe.
  8. The pirates got owned today two of their technicals got captured and we also have prisoners of war:D
  9. Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyad Leh Ku Meel-mariyay Miisaaniyada Qaranka Ee Sannadka 2011-ka. Hargeysa(Ramaas) Mar.07, 2011 - Mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay miisaaniyada qaranka ee sannadka 2011-ka oo ay usoo gudbisay wasaarada maaliyadu golaha, taas oo 70.8% ka badan miisaaniyadii sanadkii hore. Fadhigan oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu gudoomiyuhu ka hor intii aan codbixinta loo qaadin miisaaaniyada golaha ujeediyay khudbad la xidhiidha miisaaniyada, isaga oo sheegay in aanay miisaaniyadan ka dhex muuqan kharashaadka loogu talagalay doorashooyinka dawladaha hoose oo ay xukuumadu sheegtay in la qaban doono badhtamaha sannadkan, laakiin ay xidhiidh arrintaas kala sameeyeen wasiirka maaliyada oo damaanad qaaday in wasaaradiisu ay *****li doonto kharashka loo qoondeeyay doorashooyinkaas. Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in uu Madaxweynaha u qoray warqad uu goluhu ka codsaday in uu Madaxweynuhu usoo gudbiyyo golaha sharciyeynta hay’adaha aanu goluhu ansixin ee ku jira miisaaniyada qaranka muddo shan iyo afartan cisho ah. Waxa kale oo uu sheegay in mushaharka mudanyaasha wakiilada laga jari doono 20% oo lagu taageeri doono hawlaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaaraha ku habsaday dalku. Waxa ay xildhibaanada madasha ku sugnaa oo tira doodu dhamayd toddobo iyo konton mudane ay cod u qaadeen ansixinta miisaaniyada, waxaana ogolaaday konton mudane waxa ka aamusay lix mudane guddoomiyuhuna muu codayn, iyada oo miisaaniayadu ay sidaas ku ansaxday. Miisaaniyada sannadkan ayaa ka badan miisaaniyadii hore sannadkii ee aynu soo dhaafnay 2010-kii, waxaana mushahar kordhin loo sameeyay shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qabka sida oo laban laabay mushaharkii ay qaadan jireen markii ugu horaysay taariikhda wadanka.
  10. SNM horta xuduud ba ma laha wa Mujahidinti Somaliland from lawyacade ila yocade xoreyey SNM laakin maanta ma jirto 1993 ba ugu danbeysey. Xuduuda Somaliland na wala garanaya xuduudaha beelaha Somaliland ay kala degan na wala ogyahay
  11. Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool oo Maanta dhirbaaxo kulul ku dhuftay Maleeshiyo Puntland ah oo soo weerartay Laascaanood,kana qabsaday Gaadiid iyo Maxaabiis Dagaal Laascaanood(Waaheen)-Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Jiida Gobolka Sool,gaar ahaan Deegaanka Ganbadha oo dhicana bari kaga beegan Magaalada laascaanood ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay Maleeshiyaad Reer Puntland ah oo saaka weerar ku soo qaaday Ciidanka ,kana qabsaday laba gaadhi oo qoryo saaran yihiin iyo Maxaabiis lagu qiyaasay labaataneeyo Askari warku waxa uu intaasi ku darayaa in Ciidamada Qaranka Somaliland caydhsadeen Maleeshiyadaasi,isla markaana ay ku celiyeen meelihii ay ka soo duuleen oo ah Tuulada Tuko-Raq iyo Deegaamo kale oo u dhaw. Maleeshiyadan Ciidanka Qaranka Somaliland saaka soo weeraray ayaa la sheegay inay ka soo duuleen Tuulada Tuko-raq oo ay beryihiin u dambeeyey ku Uruurinaysay Puntland Kooxo maleeshiyaada,kuwaasoo ay ugu talo gashay in ay ku soo weerarto Magaalada laascaanood iyo Jiidaha Gobolka Sool ee Ciidanka Qaranka Somaliland Fadhiyo,waxaana sida la sheegay Maleeshiyaadkan Reer Puntland Hogaaminaya Nin hore Wasiir uga ahaan Jiray Maamulka ******teeniya oo lagu magacaabo Axmed Karaash. sidoo kale waxa maanta Wasiirka Warfaafinta Puntland ugu dhawaaqay inay Xukuumadiisu qaadayso talaabo ay kaga hortagto wax uu ku tilmaamay badbaadinta dadka Reer Sool oo uu sheegay inay yihiin dadkoodii isagoo xukuumadda Ingiriikana ku eedeeyay inay taakulaynayso wax uu ku tilmaamay Somali-diid ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland iyo Talisyada Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku saabsan Khasaaraha dhabta ee Dagaalkaasi, balse waxa la filayaa in Saacadaha soo socda ay Xukuumaddu jawaab ka bixin doonto weerarkan gardada ah ee Saaka lagu soo qaaday Ciidanka Qaranka Somaliland iyo hadalada wasiirkaasba
  12. Violent Violent Violent nabadiids will always be Qarandiids
  13. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;133268 wrote: This isn't wadani hees, but sawir. Waa calanka Soomaaliya oo cambuurnimo u sameysan. Err, about kubkaas, no comment. Absolutely...I said no comment, darn it. P.S. - Qofta waa model and she posted this picture by herself publically online, so I am not violating anyone's privacy by posting this sawir on here. war miskin tan yari waba dadaax halkay degentahay wadaniyad iga dhe
  14. Mawlid hadaad dhalashoada nabiga xustiid wax danbi ah kaga iman meyso Nabyinuna Muxammad ma xusi jira culumadu wa isku khilaafsanyihin sabab Nabi Maxammad csw ,, waa soomi jiray Maalinta isniinta Adeerki Nabi Maxammad csw na isninta cadaabta lo khafifin jiray. Marka dhalashada nabiga wa shay muhim ah.. Mida sadexaad.culumada qaar sida .(Suyuti, ibn Hajar, ibn Kathir, waxay yidahheen wax danbi ka iman meysi hada nabiga dhalashadisa la xuso qaarne waxa leeyihin wa bidca , o wa danbii hase yeeshe ,,,nabi amaan wa xalaal100% nabiga wala amaani kara ahlu baitka wala amaani kara culumada kuwaad aad jeceshahay waad amaani karta , diintu see waxay diiida uun in la cabuud wadaad dhintay iy in risiq la weydisto tasi wa shirik. ialaay qurankisa wuxu ku leeyahay wama lakum min dunilahi min waliyihin wala nasiir , ilaahay uun ba wax ilaaliya wali wax ma ilaalin karo..
  15. Dr ciyow waleh isha ayu ka riday Point kasta wu taabtay well said Dr.
  16. Thankful first of all Somalilandpress said they were fighting in the buhoodle district they were not fighting in sool as you claimed there are no rebels (qarandiids) in Sool. The nabadiids are concentrated in the buhoodle district only Somalina awoow Mujaheedintu wa badanyihin;)
  17. Mad_Mullah;699952 wrote: So Somaliland: - Works with Ethiopians against ONLF - Kills Somalis from SSC. - Finances Shabaab to keep the south in War so that they can get recognition (using the old 'we have peace they have not' bs) hmmm. The only thing that went wrong is Siyyad Bare not finishing these dark skinned Israelis. ;);););) your funny Mad mullah
  18. Somali Military was allready destroyed from with in cumar carte qaalib saying stuff would've not make any difference
  19. General Maxammad farax caydiid ilahay ha u naxaristo it was him who was behind the uprise in Mogadisho and the Military build up. It's just sad that some nobody was elected as president in 1991.
  20. Thankful;699929 wrote: Is that a serious question? Doesn't your ministers claim to be fighting the SSC rebels in Sool? Blaming everyone from Puntland to Al Shabaab? No Ministers claimed they were fighting rebels in sool actually there are no rebels in sool and there were no rebels there. There were some qarandiids in the buhoodle district but no fighting in sool my friend
  21. Thankful;699918 wrote: If our secessionist brothers feel that it is some kind of positive development that these protestors mentioned their enclave in NW Somalia. Then find feel free to celebrate. One thing is 100% certain, you have zero recognition from any country in the world and these protestors will only hurt you even greater. The protest show that your enclave is not as safe as you claim to be and that recognizing you would lead to more conflict similar to what we are seeing now in Sool! And what are we seeing exactly in Sool
  22. yeah they claim ceelafweyn gar adag maydh xiis ceerigabo jidali badhan dhahar awrboogeys the entire sanaag. Have you not seen the map they run around with?
  23. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar Oo Ku Sugan Waddanka Shiinaha, Arrimaha Ugu Muhiimsan Socdaalkiisa.(London-HNW)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ayaa beryahanba booqasho hawleed ku joogay magaala madaxda Shiinaha ee Beijing, ka dib markii dawladda Somaliland casuumada ka heshay dawladda Shiinaha. Warakan oo laga (London-HNW)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa beryahanba booqasho hawleed ku joogay magaalo madaxda Shiinaha ee Beijing, ka dib markii dawladda Somaliland casuumada ka heshay dawladda Shiinaha. Warakan oo laga helay ilo wareedyo u dhoon daloola ayaan xukuumadda Somaliland weli si rasmi ah shaaca uga qaadin. Waxayna wararku shegayaan intii uu joogay dalka shinaha inuu wasiirku kulamo la yeeshay xubno ka tirsan dawladda Shiinaha, shirkado waawayn oo shiinaha laga leeyahay iyo maalgashiyayaal ajeniba ah iyo masuulin kaleba, iyadoo arrimaha lagawada hadlay ay u badnaayeen xagga iskaashiga iyo maalgashiga oo dhinacyo badan leh. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland. Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar. Waxaa kale warar ka qaarkood carabka ku dhufteen in arrimo xagga siyaasadda ku saabsan ay ka mid yihiin arrimaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen Wasiirka iyo dawladda Shiinuhu. Wuxuu warkani *****l ka qaadaya in Somaliland iyo Shiinaha uu in mudda ahba u socdeen wadahadal hoose oo ay xagga Somaliland wadday, Waxaana la sheegayaa in dawladda Itoobiya wadahadalada qayb ka ahayd. Wuxuu warka intaa ku darayaa in xukuumadda cusub ee Somaliland ee madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ay doonayso inay dalka u hesho maalgalin iyo horumarin dhaqaale oo xoog leh oo wax ka bedesha xaaladda dhaqaale ee dalka. Waxaana la filayaa in iskaashi dhex mara Somaliland iyo Shiinuhu uu arrintan wax wayn ka qabana doono. Waa markii ugu horaysay ee taariikhda Somaliland uu iskaashi noocan oo kale u bilaambo Somaliland iyo Shiinaha oo ah dawladd wayn oo ka mid ah kuwa hadda ugu dhaqaalaha wayn adduunka. Haddii u hirgalana waxaa suuragal ah in isbedel wayn oo horumar ah oo dhinac walba ahi ka dhici doona dalka, kumaan kun qof oo reer Somaliland ah oo imika shaqala´aani haysataana ay helo doonaan shaqooyin. Warar ay helayso shabakadda Hadhwanaagnews ayaa shegaayaa in xukuumadda kumeel gaadhka ah ee Somaliya ay aad uga werwersan tahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland iyo sida dawladda Somaliland addunyada u dhexgashay muddo aad u gaaban, hadday noqon lahayd Yurub iyo hadda oo u gudubtay shiinaha oo lagu yaqaano iskaashi baaxad wayn oo dhinac walba leh oo la yeeshaan dawladaha Afrika.