Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,096
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Madaarka Caalamiga ah Ee Berbera Oo Markii U Horraysay Lagu Xidhay Qalabka Ammaanka Lagu Baadho Berbera,March, 11, 2011(Berberanews) Qalabka dhinaca amaanka loo adeegsado ee kamaraddaha la socda dhaqdhaqaaqa ayaa markii u horaysay taariikhda lagu xidhay Madaaraka caalamiga ah ee Magaalada Berbera. Munaasibad maanta oo Jimce ah lagu qabtay madaarka Berbera oo xadhiga lagaga jaray munaasibad loo qabtay qalabka lagu soo kordhiyay madaarka oo lagu qabtay dhismaha garoonka waxa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo sheegay inay madaarka ku xidheen qalab casri ah oo wax ka taraya nabadgelyada, kaas oo ah kamarado la soconaya dhaqdhaqaaqa ah, isla markaana wax ka duubaya xarakaadka ka socda gudaha iyo dibada madaarka. Wuxuuna xusay in madaarka Berbera ahmiyad weyn ugu fadhiyo dalka kana mid yahay madaarada ugu waaweyn qaarada Afrika. Sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in dayactirkiisa iyo amaankiisaba waxbadan loo huro. Wasiirku wuxuu u mahad celiyay dawlada Britain oo sida uu sheegay ugu deeqday qalabkan. Isagoo xusay in madaaradda Somaliland ay yihiin kuwo nabadgelyo ah oo beesha caalamku qirtay, isla markaana ka duwan yihiin madaarada Muqdisho, Boosaaso iyo Garoowe. Sidoo kalena waxa uu xafladaa ka sheegay in qalabkaa oo kale lagu rikabayo madaarka Hargeysa. Si loo sugo amaanka madaarada dalka. Munaasibada qalabka casriga ah ee dhinaca amaanka lagu xidhay madaarka waxa kaloo ka qaybgalay masuuliyiinta gobolka iyo magaalada berbera. qalabkaas oo kale ayaa hore loogu xidhay Dekedda magaalada berbera, ka dib markii lagu rakibay kamarado meelo fog wax ka duubaya oo wax weyn ka taraya arrimaha amaanka ee Dekedda.
  2. Wasiirka Duulista Oo Sheegay In Madaarada Dalku Yihiin Kuwo Nabadgelyo Ah oo Ka Duwan Kuwa Somalia March 11th, 2011 Berbera (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay qalab casri ah oo wax ka taraya nabadgelyada ay ku xidheen madaaradda Berbera.qalabkaasi oo ah kamarado wax ka duubaya dhaqdhaqaaqyada ka socda gudaha iyo dibada madaarkaba. Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad maanta loo sameeyay hirgelinta qalabkan oo lagu qabtay Madaarka Berbera. Wasiirku wuxuu xusay in madaarka Berbera ahmiyad weyn ugu fadhiyo dalka kana mid yahay madaarada ugu waaweyn qaarada Afrika. Md. Maxamuud Xaashi wuxuu u mahad celiyay dawlada Ingiriiska oo ugu deeqday qalabkan. Waxaanu sheegay in madaaradda Somaliland ay yihiin kuwo nabadgelyo ah oo beesha caalamku qirtay isla markaana ka duwan madaarada Muqdisho, Boosaaso iyo Garoowe. Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in isla qalabkan oo kale lagu rikabayo madaarka Hargeysa.
  3. ^^ hada sawdinka la baxay Somalia marka isku magac ma nihin idinka kina qaatay;)
  4. Ma ninkan leeh Laascanood iyo buhooodle ba Somalia ah eeh dalkayga igu haysta baan dayaa Ma nin ba dalkisa ku gorgortoma wa kusidee abti , ana Somaliyadada waan deyn adna Somaliland no daa
  5. It depends Q@ldaan seems correct because qalad weye markay wax qaldanyihin , and not khaldaan because luqada carabiga bay ka timid the word Khatta. marka taas waad ku saxantahay laakin awoowe hoos ha igu dhigin dee wa kusidee:D
  6. Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Wasiirada Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha Ee Horaantii Sanadkan Uu Soo Magacaabay Madaxwayne Siilaanyo. Hargeysa (Ramaas) Mar.12, 2011 – Fadhigii Golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane C/raxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay Labada Wasiir ee Warfaafinta, Mudane: Axmed Cabdi Xaabsade iyo, Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir. Fadhigan Maanta waxa kasoo xaadiray 53 Mudane oo kamid ah 82-ka mudane ee golaha wakiiladu ka koobanyahay. Waxa golaha laga hor akhriyay Taariikh nololeedkooda waxbarasho, aqooneed iyo khibradeed ee labada wasiir. Waxaana si gacantaag ah loogu codeeyay ansixinta labadan wasiir oo uu Madaxwayne Siilaanyo Digreeto ku magacaabay horaantii sanadkan mar uu isku shaandhayn ku sameeyay golahiisa wasiirada. Waxa si isku mid ah ugu codeeyay labada wasiir 53-kii mudane ee fadhiyay madasha, ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanay ku ansaxeen labada wasiir. Ansixinta kadib ayaa waxa loo ogolaaday labada wasiir in uu mid waliba kalmadiisa ka yidhaahdo golaha. Ugu horeyn Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo golaha ka hadlay ayaa sheegay in uu kusoo beegbay wasaarad aan lahayn qorshe dhinaca shaqaalaha ah, isla markaasna looga fadhiyo dajinta qorshe lagu kala hago shaqaalaha wasaarada. Sidoo kale Dr. Cabdi Aw Daahir oo isna golaha ka hadlay ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono siduu uu maamulka iyo shaqada Wasaarada Xanaanada xoolaha uga daadajin lahaa Caasimada una gaadhsiin lahaa Degmooyinka iyo Gobolada kale ee dalka oo idil.
  7. Somaliland upgrades airport and seaport securities BERBERA — Somaliland’s civil aviation minister Mr. Mohamoud Hashi Abdi unveiled new airport security systems including x-ray scanners and surveillance videos for Berbera airport on Friday. The minister said it was part of an ongoing security measures to secure Somaliland’s ports and airports. He cited the region was vulnerable to terrorism and as a result travellers will undergo enhanced screening for explosives and other concealed threats. They will face more vigorous body and special bag searches as well. Berbera: Jubba airlines Mr Abdi called on the international community to assist Somaliland to enhance its air and port securities but maintained the current system possessed no global threat. He said Somaliland airports were some of the safest in the region however it was important to monitor extremist networks in the region and in the neighboring Somalia which is considered to be prone to terrorism. He said Somaliland is upgrading its ports and airports both in infrastructure and in security and could become a new security buffer zone to help bolster regional threats. The minister believes Somaliland should become a security buffer zone between Western countries home to hundreds of thousands of Somalis and Somalia, home to al-shabab and other extremists. He believes with the current system, where Somalis travel back and forth between Western nations, Somalia and Somaliland–there is too many security gaps. He said passengers should be screened before they aboard planes to the West or Middle East. In accordance with required International Ship and Port Facility Security Code (ISPS) standards the port of Berbera deployed similar security upgrades in early this year. It was carried out by Norwegian-based company Nordic Crisis Management. The United Kingdom government equally believes Somaliland is important for its own security and thus donated the current system about to be installed in Berbera airport by an Indian firm. Up to 250, 000 Somalis live in the UK according to unofficial reports and many of them travel to Somalia’s south where extremist elements operate. Similar upgrades will be introduced to airports across Somaliland. The government says it is also upgrading terminals and runways of Berbera and Hargeisa airport at a cost of $10 million which will be provided by the government of Kuwait. While Somaliland runs its day-to-day tasks smoothly, poses strong democratic institutions and maintains strong stability – the state remains unrecognized by any country or international organization.
  8. Jacpher;701656 wrote: Unlike Hargeysa, Moqdisho has no limits on opposition parties. Zubeyraba cod bey heli laheyd xabad la'aan. in Mogadisho they also have xisbis Taangiyo iyo beebeye saaraan:D
  9. Xisbiyadi way so badanayan xisbigi xaassan daahir aweys hada wala qarameyey xisbigi sicid samatar na wu so socda;)
  10. ^^ mala casilayaa tallow ya lugu badali odaygi Ciiro wala tabay waleh
  11. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay duqeeyey degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo toddobaad kadib oo ay gacantooda ka baxday markii ciidamo Isbaheysiga ah ay ka qabsadeen. Goob-joogayaal ayaa sheegay in Shabaabku beegsadeen saldhigyada ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu-Sunna ay ku leeyihiin gudaha iyo banaanka Beledxaawo, lana dhaceen dhowr madfac, lama sheegin ilaa hadda wax khasaaro ah oo ka dhashay duqeyntaas. Sargaal u hadlay Al-Shabaabka Gedo wuxuu sheegay in ay 20-madfac ku dhufteen fariisin ay ciidamada Ethiopia ku lahaayeen Beledxaawo, kuna dileen sida uu hadalka u dhigay askar badan oo aanu tiradoodu sheegin. Magaalada B/xaawo maalmahan way deganeyd mana muuqan wax saan-saan colaadeed ah oo ka dhan kooxaha heysta.
  12. Polanyi;701580 wrote: One minute, the puppets say there is not one single Xabash soldier in SOmlia, the next they say Alshabab runs away from Ethiopians............. :D:D:D
  13. Shabaab oo xalay duqeeyay degmada Baladxaawo Baladxaawo: (Sh. M. Network) Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegay inay Madaafiic la dhaceen fariisimooyin ay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku leeyihiin degmada Balaxaawo ee gobolka Gedo, iyagoo sheegay in dhowr askari ay ku dileen duqeyntaasi. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku weeraray fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku lahaayeen gudaha degmaaasi. Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in ku dhawaad 20-Madafac ay ku garaaceen fariisimo ay tilmaameen iinay ku suganaayeen ciidamo Ethiopian, hase haatee dadka deegaanka qaarkood ayaa Idaacadda Shabelle in goobaha madaafiicda ay la dhaceen Ciidamada Shabaab inay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Lama oga qasaaraha ay gaysteen madaafiicda Shabaab ay ku weerareen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxaana dagan iminka xaaladda goobihii lagu garaacay Madaafiicda. Xarakada Shabaab ayaa dhowaan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo laga wareegay kadib dagaalo qorshaysan oo ay halkaasi kula galeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Ahlu Sunna iyadoo dagaaladaasi ay qasaaro badan kasoo gaareen dad rayid ah islamarkaana ay ku barkaceen qoysas farabadan. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  14. More foreign troops allow u sahal Carada Somali oo ajanabi ku so qul qulayan.
  15. Good news Ethiopians should leave Dhuusa mareeb Asap and also other parts of Somalia
  16. gooni;701515 wrote: xaji xurjuf:) wax garadka waqooyi galbeed somaaliya wey og yihiin in 200km inaysan ku filnayn inay qaadato jamhuuriyad yaroo iska qayisha,,, qalbigoodana uma fiicna in markay burco soo dhaafaan in la yiraahdo xuduudkii somaaliya ayaad iminka gasheen. waxaa kuusoo haray oday axmed diiriye haduu oday soomaaliyeed yahay wuxuu odhan lahaa dagaalka buuhoodle yaan loo isticmaalin sadaqada gaalada, ee wuxuu oran lahaa dabkaan ay walaalaheen snm noo dhiibeen si aan u damino aqoon weynay ee gogol ha noo fidiyeen hogaana ha noo noqdeen, si aan kala dambeyn u helno somaali oo dhana dib u midowdo. Waxgaradkayagu culumu aw diin cuqaal siyasin Aqoonyahan iyo salaadin iyo mutalimin intu ba waxay isku raacsanyihin jiritaanka jamhuuriyada Somaliland , dalkayagu England bu ka weynyahay Eritrea ayuu ka weynyahay marka ma fahmi karo mala Juqrafigad aqoon eeh ,, Wa anigu ku idhahda Somalida Ethiopia degen dhulka Somalida Ethiopia kuma filna oo wa inay ka sii mid ahaadaan Ethiopia inteeda kale sabab dhulka ku yar ,, caqligas halku ka shaqeya ,, Dagaal Buhoodle loo ma isticmaalin gunne ingriis bixiyey iyo sadaqo yar xoolahayaga ayaanu ku diifaacna dalkayaga kolkey qarandiidku nugu so duleen saaxib axmed diiriye na wu saxsanyahay lacagta dalka ayey galeysa sabab waxba lugu qabanaya
  17. Cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle oo gaadhay Kalshaale,soona arkay in la Aasay Baraagihi kalshaale Cuqaasha Odayaasha iyo waxgaradka degaanka Buuhoodle ayaa markii u horeysay maanta gaadhay degaanka kalshaale,kuwaasoo indhahooda ku soo arkay in si rasmi somaliland u aastay baraagihii laga qoday Kalshaale,ee ay ka dhalatay xiisada colaadeed. Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Somaliland oo ay weheliyaan Abaanduulaha ciidanka qaranka somaliland iyo C/rashiid Ducaale Qambi ,ayaa subaxnimadii hore ee saaka gaadhay degaanka kalshaale,ka dibna soo kaxeeyay shan iyo toban xubnood oo isugu jira Garaado,Cuqaal iyo waxgarad ka tirsan degaanka reer Buhoodle. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe,oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in talaabadani ka dambaysay ka dib markii dadka degaanka Buhoodle la gaadhsiiyay inaan la aasin baraagihii balse maanta ay indhahooda ku arkaan in ay dhab tahay oo la fuliyay go,aankii madaxweynaha somaliland Siilaanyo Sidoo kale,Garaad Maxamed Saleebaan ,oo horkacayay odyaasha dhinaca Buuhoodle,ayaa isaguna sheegay inay si cad u arkeen in la aasay baraagihii oo ay arkeen islamrkaana loo baahan yahay in ciidamadana laga qaado dul fadhiya ee ku soo duulay Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiintii maamulka iyo cuqaal reer buuhoodle,iyagoo dhamaantood sheegay inay hada meesha ka baxday hadadladii been abuurka ahaa ee lagu kicinayay bulshada reer Buuhoodle,ee laga dhigay inaan la aasin baraagihiibalse looga fadhiyo maamulka somaliland sidii uu ciidanka halkaasi ka joogana uga qaadan lahaa kadibna looga wadli hadli wixii kale ee nabad ku jirto Talaabadan ayaa waxay meesha ka saaraysaa hadalo ay maalmihii u dambeeyay warbaahinta ka sheegayeen masuuliyiin ka tirsan Puntland,oo tilmaamayay inaan waxba ka hirgalin go,aankii Somaliland,lana aasin baraagihii kalshaale oo ay wali jiraan.
  18. There is no Link between Sh Maxamamd atom and Amir Axmed godane it was just pirate propaganda spread on garoweonline just like the so called intelligence officer you caught that ended up being a native Maakhirian fighting the faroole gangs in Galgala.
  19. Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Oo Wafti Denmark Ah Kula Kulmay Magaalada Niarobi Hargaysa (HWN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Socdaal shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Wafti ka socda dalka Denmark. Waftigan ka socda dalka Denmark ayaa la sheegay inay marayaan dalal badan oo African ah, kuwaasoo ay ogaanayaan Xaaladaha dhabta ah ee ka jira, gaar ahaan Waddamada ay ka taageeraan Horumarinta iyo Ammniga. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska siyaasada ee Somaliland ayaa lagaga waramay Kulanka ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland iyo Waftigaa Denmark oo uu Guddoomiyuhu warbixin ka siiyey Xaallada Somaliland hadii ay tahay Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo arrimo kale. Waftigan oo ka kooban toban Xubnood uuna hogaaminayo ku xigeenka uqeybsanaha dalka Denmark dhanka deeqaha ay qaarada Africa siiyaan Mr.Avders Fribolo Ayaa shir balaadhan maanta kula yeeshay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalkan Kenya gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Abdirahman Abdilahi Ciro iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland mudane Ali Hamud Jibril oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland ee Kenya Mudane Mohamed Ahmed Nur (Indhabur) oo metelayay wasaarada arimaha dibada iyo ku xigeenkiisa Abdirizak Ahmed Karaani. Xubnaha waftigan tobanka qof ka kooban ayaa ka kala socday wasaaradaha cadaalada, gaashaandhiga, arrimaha gudaha iyo arimaha dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay arrimaha ay ka midka yihiin: 1.Arimaha budhcad badeedka 2.Adkaynta nabad galyada Somaliland 3.Kor uqaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark kawada dalka Somaliland Waxa Waftigaa qaabilay safiiska Somaliland u fadhiya dalka Kenya Maxamed Axmed Indho buur Madaxa waftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu amaanay Somaliland dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faahfaahin kabixiyay socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo ay xuran tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bariga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay in u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi uruurin u samayn lahaayeen maadaama ayuu yidhi ay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad u danaynayaan in ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo waliba aminiga gaar ahaan ciidamada ilaalada xeebaha oo u sheegay in ay wada shaqayn toos ah la samaynayaan , booqanayaana dhawaan. Waxaa hadalka qaatay oo aad usoo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo xidhiidhka labada dale e Denmark iyo Somaliland halkaasna ugu soo bandhigay baahiyaha Somaliland ee dhanka horumarka. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Somaliland oo sii adkeeyay hadalkii gudoomiyaha kana codsaday dawlada Denmark inay sii laban laabaan mashaariicda horumarineed ee ka fuliyaan Somaliland.
  20. lool we are not involved with Atom nor with you pirates or your Somalia Galgala doesn't fall under our jurisdiction but the spokesman made it clear Atom and his group have no links with Alshabaab they are just Native maakhirians protecting their resources and minerals from the criminal pirate state Thankful the news is true your propaganda against Sh Maxamamd sicid atom failed