Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,096
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Warshad Cusub oo Biyaha soo Saarta oo laga Furay Bixin Duule oo ka Tirsan Gobolka Saaxil. waxaananurajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa.waxa isna goobtaa Daawo Sawiradda Warshada Casriya oo biyaha safeysa ayaa manta wax soosaarkeedii u horeeyay ooda laga qaaday xadhigana laga jaray Warshada biyaha safeysa ee casriga ah ayaa kutaala bogcada tuulada Bixin Duule ee katirsan Gobolka saaxil warshadaan ayaa biyaha ay soo saarto magacooda layidhaa ZamZam ama Saaxil Mineral Water Haddaba furitaankii ama xadhig kajarkii warshadan Digitalka ah amaba casriga ee biyaha safeysa ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxda Gobolka saaxil ee kala duwan iyo ganacsato aad u danaynayay biyaha ay warshadani soo saarto oo aad tayadoodu usareyso waxaanay bogcadani bixin duula ee warshadan laga hirgaliyay ay caan kutahay biyaha nadiifta ah iyo dabiiciya oo marka horeba aad looo isticmaali jiray waxaana biyaha goobtaa loo yaqaanaa (Steal Water)hadiyo jeerna waxa loo isticmaali jiray kalya xanuunka iyo beytariyada baabuurta oo sidooda loogu shubo waana meel ilaahay ku manaystay biyaha nadiifta ah ee dabiiciga ah gu iyo jiilaalna waa durdur oo ma gudhaan waxaanay biyahani ka soo baxaan buur hoosteed waxaana buurta ay biyuhu ka soo baxaan lagu magacaabaa(Isha bixin)waxaana goobtan warshada biyaha safeysa laga sameeyay wakhtiyadii hore daganaan jiray oo udoortay goobta ay biyaha ay cabayaan in ay ka qaataan saraakiishii katalin jiray wadanka soomaaliland wakhtiyadii Turkiga iyo Ingiriiska ee dhulkan soomaaliland ukala danbeeyay. Waxaana furitaankii warshadan biyaha ee Zam Zam manta ugu horeyn ka hadlay mid kamida ganacsatada wax ku leh warshadan oo lagu magacaabo Sidiiq Axmed Galiixo waxaanu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay goobtani iyo biyaha bixin duule oo uu ka sheekeeyay qiimahooda iyo waliba sababaha ay udoorteen maxmiyadihii turkiga iyo Ingiriisku goobtan ee ay uga dhigteen goobta biyaha ay cabayaan looga soo qaado Gobpolkasta ha joogaane waxaana hadaladii Sidiiq AxmedGaliixo kamid ahaa"waxan aad ugu faraxsanay manta in aanu nasiib uhelay in halkan bixin laga furo warshada biyaha soo saarta sababtoo ah waxan anigu aqoon buuxda uleeyay goobtan bixin duula iyo waliba qiimaha biyaha(Isha bixin)ee buurtaa hoosteeda sida dabiiciga ah uga soo baxa waana biyo ilaahay barakeeyay oo aan dawo mooyee dhibaato kale laheyn waxaanan idiin sheegayaa waxa halkan biyaheeda ku xisaabtami jiray oo aan biyo kale cabi jirin Turkigii dalkan wakhtiyadii hore ka talin jiray iyo waliba ingiriiskii oo isna sidaa si leeg halkan biyaha ka qaadan jiray iyaga oo uga iman jiray Gobolada dalkeena oo dhan markaa hadii aan warshada iyo ganacsatada ku shuraakada ah amaba saamiyada ku leh wax idiinka sheego waxa kamida shirkada ganacsiga ee Soomar iyo shirkada Alaabo Haye oo saamiga ugu badan leh waxaanay xafiisyo warshadan uga furan yihiin Gobolada dalka oo dhan waxaana ku bahoobay ganacsato caana oo aad uga dhex muuqda suuqa ganacsiga ee soomaaliland waxaananurajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa.waxa isna goobtaa ka hadlay Gudoomiyaha ganacsatada yaman wax ka soo iibsata Sayid Maxamed waxaanu sheegay in ay wakhtiyada qaar yaman ka soo rari jireen biyo ku dhaw (30.000)oo cartoon imikana aanay halka kartoon kala iman yaman taas oo uu sheegay in ay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo mar hadii laga maarmay biyihii debeda inooga iman jiray oo aynu inagu dalkeena gudihiisa warshado ka sameynay tan iyo qaar hore u jirayba.intaaa kadib waxa isna hadal kooban madashaa ka akhriyay Maareeyaha Warshada biyaha ee ZamZam Maxamed xassan Tukaale waxaana hadaladiisii kamid ahaa"marka hore waxan umahad celinayaa madaxda Gobolka. Degmada. Ganacsatada iyo dhamaan marti sharafta faraha badan ee xaflada furitaanka warshada ZamZam Mineral Water nagala soo qeyb gashay ntaa kadib waxan jecelahay in aan manta halkan ka sheego qiimaha biyahan iyo waxa aan idhahayga ku arkay inkastoo aan halkan joogay intii warshadan dhismaheedu socday biyahan bixin waa biyo meel laga helaa ay yartahay dalkeena oo dhan waana biyo dabiiciya oo ilaahay barakeeyay sida uu sidiiq sheegayna waa biyo ay maxmiyadihii Turkiga iyo ingiriiskuba ay aad udanayn jireen wakhtiyadii ay dalka joogeen ee kala dandanbeeyay dhinaca warshada iyo ganacsatada isugu tagatay hadaan ka hadlo waa dadkii caanka ku ahaa ganacsiga oo waxa kamida Ibraahin Alaabo aad wada garanaysaan isaga iyo shirkadiisii ganacsigaba waxa iyana kujira oo aan ka maqnayn Soomar Tradiing Company.waxa isna halkaa ka hadlay oo xadhigana ka jaray Duqa Degmada berbera Cabdalla MaxamedCarab(Cabdala Sandheere)waxaana hadaladiisii kamid ahaa"waxa sharaf weyn noo ah inaanu ka soo qeyb galo furitaanka warshadan biyaha safaysa ee ZamZam ama Saaxil Mineral Water maamul ahaana waanu soo dhaweynaynaa waxaanan odhan karaa waa loo baahnaa biyo laga soo saaro amaba warshada biyood oo laga sameeyo goobtan biyaha macaan qaniga ku ah ee bixin duule laakiinse waxan dadka dagan goobtan iyo goobaha kale ee Gobolkaba ka codsanayaa in ay soo dhaweeyaan dadka maalgashadayaasha ah ee warshadaha iyo wax soo saarkaba inoo sameynaya waxa kale oo aan aad usoo dhaweynayaa dhaliyarada ama ganacsatada warshadan furtay ee uu ugu horeeyo Ibraahin Xaji Alaabo iyo cidkasta oo gacan ka geysatay furitaanka warshadan qiimaha badan leh waxaanan ganacsatada warshadan manta inoo furtay ka codsanayaa in ay warshadaha aanay in taa ku koobin amaba aanay warshadaha ay sameynayaan aanay ku koobin oo qudha warshadaha biyaha ee ay keenan warshado kale oo wax soosaar kuwaas oo aynu isku filaansho ku gaadhi karno waana waxyaabaha horumarka lagu gaadho. Waxa isna halkaa maanta hadlo duco iyo dhiiri galaina halkaa ka jeediyay Xaaji Shide Xaji Diiriye oo aad ugu dheeraaday qiimaha ganacsiga iyo waxsoosaarka waxa isna halkaa ka hadalay Isuduwaha Wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Baashe Axmed Jibriil oo isna sheegay in ay warshadan gacmo furan ku soo dhaweynayaan wax alaale iyo wixii wasaarada haan kaga xidhmana ay la garab taagan yihiin. Maxamed C/laahi Faarax Gabiley News Reporter Berbera/somaliland
  2. Warshada Casriya Oo Biyaha Safeysa Ayaa Maanta Laga Furay Tuulada Bixin Duule Oo Ka tirsan Gobolka Saaxil. Berbera(Ramaas) Mar.14, 2011 - Warshada biyaha safeysa ee casriga ah ayaa kutaala bogcada tuulada Bixin Duule ee katirsan Gobolka saaxil warshadaan ayaa biyaha ay soo saarto magacooda layidhaa ZamZam ama Saaxil Mineral Water. Haddaba furitaankii ama xadhig kajarkii warshadan Digitalka ah amaba casriga ee biyaha safeysa ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxda Gobolka saaxil ee kala duwan iyo ganacsato aad u danaynayay biyaha ay warshadani soo saarto oo aad tayadoodu usareyso, waxaanay bogcadani bixin duule ee warshadan laga hirgaliyay ay caan kutahay biyaha nadiifta ah iyo dabiiciya oo marka horeba aad looo isticmaali jiray. Waxa biyaha goobtaa loo yaqaanaa (Steal Water) hadiyo jeerna waxa loo isticmaali jiray kalya xanuunka iyo beytariyada baabuurta oo sidooda loogu shubo, waana meel ilaahay ku manaystay biyaha nadiifta ah ee dabiiciga ah gu iyo jiilaalna waa durdur oo ma gudhaan. Biyaha durdurkani waxa ay ka soo baxaan buur hoosteed waxaana buurta ay biyuhu ka soo baxaan lagu magacaabaa(Isha bixin), waxaana goobtan warshada biyaha safeysa laga sameeyay wakhtiyadii hore daganaan jiray oo udoortay goobta ay biyaha ay cabayaan in ay ka qaataan saraakiishii katalin jiray wadanka Somaliland wakhtiyadii Turkiga iyo Ingiriiska ee dhulkan soomaaliland ukala danbeeyay. Waxa furitaankii warshadan biyaha ee Zamzam maanta ugu horeyn ka hadlay mid kamida ganacsatada wax ku leh warshadan oo lagu magacaabo Sidiiq Axmed Galiixo waxaanu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay goobtani iyo biyaha bixin duule oo uu ka sheekeeyay qiimahooda iyo waliba sababaha ay udoorteen maxmiyadihii turkiga iyo Ingiriisku goobtan ee ay uga dhigteen goobta biyaha ay cabayaan looga soo qaado Gobolkasta, ha joogaane waxaana hadaladii Sidiiq Axmed Galiixo kamid ahaa "Waxan aad ugu faraxsanay manta in aanu nasiib uhelay in halkan bixin laga furo warshada biyaha soo saarta sababtoo ah waxan anigu aqoon buuxda uleeyay goobtan bixin duula iyo waliba qiimaha biyaha(Isha bixin)ee buurtaa hoosteeda sida dabiiciga ah uga soo baxa waana biyo ilaahay barakeeyay oo aan dawo mooyee dhibaato kale laheyn waxaanan idiin sheegayaa waxa halkan biyaheeda ku xisaabtami jiray oo aan biyo kale cabi jirin Turkigii dalkan wakhtiyadii hore ka talin jiray iyo waliba ingiriiskii oo isna sidaa si le’eg halkan biyaha ka qaadan jiray iyaga oo uga iman jiray Gobolada dalkeena oo dhan markaa hadii aan warshada iyo ganacsatada ku shuraakada ah amaba saamiyada ku leh wax idiinka sheego waxa kamida shirkada ganacsiga ee Soomar iyo shirkada Alaabo Haye oo saamiga ugu badan leh, waxaanay xafiisyo warshadan uga furan yihiin Gobolada dalka oo dhan waxaana ku bahoobay ganacsato caana oo aad uga dhex muuqda suuqa ganacsiga ee Somaliland, waxaananu rajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa. Waxa isna goobtaa ka hadlay Gudoomiyaha ganacsatada yaman wax ka soo iibsata Sayid Maxamed, waxaanu sheegay in ay wakhtiyada qaar yaman ka soo rari jireen biyo ku dhaw (30.000)oo cartoon imikana aanay halka kartoon kala iman yaman, taas oo uu sheegay in ay tahay wax ilaahay loogu mahadnaqo mar hadii laga maarmay biyihii debeda inooga iman jiray oo aynu inagu dalkeena gudihiisa warshado ka sameynay tan iyo qaar hore u jirayba. Intaaa kadib waxa isna hadal kooban madashaa ka akhriyay Maareeyaha Warshada biyaha ee Zamzam Maxamed xassan Tukaale, waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Marka hore waxan umahad celinayaa madaxda Gobolka, ta degmada, ganacsatada iyo dhamaan marti sharafta faraha badan ee xaflada furitaanka warshada ZamZam Mineral Water nagala soo qeyb gashay, intaa kadib waxan jecelahay in aan maanta halkan ka sheego qiimaha biyahan iyo waxa aan idhahayga ku arkay inkasta oo aan halkan joogay intii warshadan dhismaheedu socday biyahan bixin waa biyo meel laga helaa ay yartahay dalkeena oo dhan waana biyo dabiiciya oo ilaahay barakeeyay, sida uu sidiiq sheegayna waa biyo ay maxmiyadihii Turkiga iyo ingiriiskuba ay aad udanayn jireen wakhtiyadii ay dalka joogeen ee kala dandanbeeyay. Dhinaca warshada iyo ganacsatada isugu tagatay hadaan ka hadlo waa dadkii caanka ku ahaa ganacsiga oo waxa kamida Ibraahin Alaabo aad wada garanaysaan isaga iyo shirkadiisii ganacsigaba waxa iyana kujira oo aan ka maqnayn Soomar Tradiing Company. Duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab(Cabdala Sandheere), oo xadhiga ka jaray waxa hadaladiisii kamid ahaa "Waxa sharaf weyn noo ah inaanu ka soo qeyb galo furitaanka warshadan biyaha safaysa ee ZamZam ama Saaxil Mineral Water maamul ahaana waanu soo dhaweynaynaa waxaanan odhan karaa waa loo baahnaa biyo laga soo saaro amaba warshada biyood oo laga sameeyo goobtan biyaha macaan qaniga ku ah ee bixin duule, laakiinse waxan dadka dagan goobtan iyo goobaha kale ee Gobolkaba ka codsanayaa in ay soo dhaweeyaan dadka maalgashadayaasha ah ee warshadaha iyo wax soo saarkaba inoo sameynaya. Waxa kale oo aan aad usoo dhaweynayaa dhaliyarada ama ganacsatada warshadan furtay ee uu ugu horeeyo Ibraahin Xaji Alaabo iyo cidkasta oo gacan ka geysatay furitaanka warshadan qiimaha badan leh, waxaanan ganacsatada warshadan maanta inoo furtay ka codsanayaa in ay warshadaha aanay in taa ku koobin amaba aanay warshadaha ay sameynayaan aanay ku koobin oo qudha warshadaha biyaha ee ay keenan warshado kale oo wax soosaar, kuwaas oo aynu isku filaansho ku gaadhi karno, waana waxyaabaha horumarka lagu gaadho. Waxa isna halkaa maanta hadlo duco iyo dhiiri galaina halkaa ka jeediyay Xaaji Shide Xaji Diiriye oo aad ugu dheeraaday qiimaha ganacsiga iyo waxsoosaarka waxa isna halkaa ka hadalay Isuduwaha Wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Baashe Axmed Jibriil oo isna sheegay in ay warshadan gacmo furan ku soo dhaweynayaan wax alaale iyo wixii wasaarada haan kaga xidhmana ay la garab taagan yihiin.
  3. ibtisam Somaliland is doing an experiment with ex ssc officers and we will see how he reacts i think we should send him to SNM camp so he can learn the basics of Muwaadinimo and loyalty to his country Saalax i heard President Siilanyo is building the biggest prison and rehabilitation center on sacaadin island For qarandiids.
  4. Bilan icu was defeated then Alshabab came when they are defeated another islamic Group will rise i believe alshabaab is part of the problem so it can be part of the solution to
  5. Mad_Mullah;701897 wrote: lol I have no beef or problem with Somaliland wanting to split up. Its the only logic thing to do. The Somalis in the south are ruining things for themselves . You want to split from Ethiopia do you see us having problems with that
  6. *Ibtisam;702032 wrote: Aint you a dreamer? It means he is a man with no principles who is selling his people to the highest bidder. Nationhood kulaha, I saw pigs fly Well we don't know Inadeer ,, he is a flipflopper indeed but we have to wait and see how he responds to nationhood he was part of a clan rebel faction called ssc , and before that he was part of another clan enclave called the piratestate we just have to wait and see how he reacts to nationhood. And that will take time.
  7. Ibtisam indeed waxa fiican qof qadiyadisa ku dhinta, however some one can see the light look at keyse he was the mayor of widiwidh for puntland then he joined ssc then he joined NSUM then he joined ssc again. And last but not least he joined Somaliland it could mean that he found out that Nationhood is much and much better then tribalism
  8. Koox Ka Soo Goosatay Ururka Nabadiidka Ah Ee SSC Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Burco March 14th, 2011 Burco (Somaliland.Org)- Xoghayaha Arrimaha bulshada ee ururka nabad-diidka ah ee SSC Kayse Cabdi Yuusuf, oo ay weheliyeen xubin ka tirsan golaha dhexe ee ururkaasi iyo sodameeye qof oo kale oo ka mid ah maleeshiyada deegaanka Widh-widh ee gobolka Buuhoodle ayaa galabta soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer ka dib markii ay ka goosteen kooxda nabad diidka ah isla markaana ka tanaasuleen falalka nabad gelyo darrada ah ee kooxdaasi ka waddo deegaanada Buuhoodle iyo Sool. Kooxdan soo goosatay waxa si diiran magaalada Burco ugu soo dhaweeyay maamulka gobolka Tog-dheer, waxaana la dejiyay guriga martida ee magaalada Burco. kooxdani waxay wateen afar baabuur oo midi tikniko yahay. Tallaabadani waxay dhabar jab ku noqonaysaa kooxda SSC, iyadoo Xoghayaha arrimaha bulshada ee SSC Kayse Cabdi Yuusuf uu kooxdaasi ka ahaa xubin miisaan culus ku dhex lahaa oo ka mid ahaa qab qableyaashooda ugu caansan, waxaanu ka hawl geli jiray deegaanka Widh-widh oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo. waxa kale oo uu Keyse Cabdi Yuusuf waxa uu hore ugu magacownaa badhasaabka gobolka Buuhoodle ee maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia. sarkaalkan iyo waxgaradka weheliya ayaa la sheegay inay ajiibeen dalabadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee dhinaca nabadgelyada, waxaana la filayaa inay ka qeyb qaataan shirarka nabadeynta ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaaladii ka dhacay deegaanka Kalshaale ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba geystay.
  9. Kayse Cabdi Yuusuf iyo xubno kale oo la socda oo isku dhiibey jabhada SNM. Xubno uu horkacayo Kayse Abdi Yuusuf, ayaa waxay afka saareen dhanka magaalada Hargaysa ee maamulka dhiigyacabka Siilaanyo, xubnahan ayaa waxaa tegitaankoodu ka danbeeyey ka dib markii ayaamahanba ay kulaa shir sanaayeen tuulada Geed dheer xubno ka socdey jabhada SNM iyo beesha qurilugud Waxaana la sheegay in Kayse raggan la socdaaba ay wataan qaar ka mid ah hubkii qurba joogta Guulleed Garaad, kaasoo ay kala baxsadeen dhawaan dagaalkii Kalshaalle, arintan ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala gedisan sababta ka danbaysay, waxaana wararka qaar tibaxayaan in dad waa weyni ay ku lug lee yihiin. source jidbaale
  10. Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Faah Faahin ka Bixiyay Waxqabadkooda March 13th, 2011 Hargaysa (Somaliland.Org) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cabdillaahi Cadami ayaa hortagay golaha wakiillada, waxaanu mudanayaasha golahaasi uga xog-waramay qaab dhismeedka iyo waajibaadka qaran ee ay u xil saaran tahay wasaaraddiisu. Fadhigii golaha wakiillada ee maanta oo uu guddoominayay godoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu wasiirku ugu horayn xildhibaanada faahfaahin ka siiyay qaab dhismeedka iyo waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda gaashaandhigu waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Markaan ka waramo qaab dhismeedka wasaaradda gaashaandhiga, wuxuu ka kooban yahay oo u kala baxaa Agaasinka guud, Taliska guud ee ciidanka qaranka iyo garsoorka ciidamada qaranka oo wada socda, haddii ay Boolis tahay, haday Ciidamada Asluubta tahay iyo hadday ciidanka qaranka tahay, xagaa garsoorka way ka midaysan yihiin. Hoos marka loo daadago garsoorka waxaa hoos yimaada maxkamadaha iyo xeer ilaalinta. Agaasinka guudna waxaa hoos yimaada afar waaxood oo kala ah; Agaasinka guud ee waaxda maamulka, agaasinka guud ee naafada iyo agoomaha, agaasinka guud ee xidhiidhka dibada iyo arrimaha ciidanka iyo waaxda Qorshaynta. Intaasina agaasinka guud ayay hoos timaadaa.” Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Cali Camidi waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay waajibaadka hawleed ee ay wasaaradda gaashaandhigu u xil saaran tahay , isaga oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Waajibaadka hawleed ee ay wasaaradda gaashaandhigu u xilsaaran tahay, markaan ka hadlo. Caalamku way kala duwan yihiin, dabadeedna hadba cidda aad isku tamarta tihiin ayaa lagu daydaa, markaa inagu waxaynu qaadanay dawladaha aynu siyaabo badan isugu eegnahay ama aynu awooda iskaga mid nahay. Marka aan soo qaado qodobada asaasiga ah, waajibka wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska guudba laga rabaa waxa weeye waajibaadka laf-dhabarta ah ee wasaaradda gaashaandhiga. Waa ka difaacidda Jamhuuriyadda Somaliland weerarada kaga yimaada dibada, ka hortaga budhcad badeedda iyo ilaalinta khayraadka badda, sugitaanka haysashada hubka ee lagaga hortagi karo khataraha dibada iyo gudaha kaga iman kara qaranka, dejinta iyo xidhiidhinta difaaca qaranka, xidhiidhinta iyo taabo gelinta barnaamijka difaaca qaranka, kormeeridda iyo qiimaynta hawlaha difaaca qaranka, hubinta helitaanka shaqaalaha ku haboon gudashada hawlaha difaaca qaranka, horumarinta kor u qaadida tayada shaqaalaha gaashaandhiga, jihaynta naafada gaashaandhiga, qodobka ugu dambeeyaana ee tobnaadna wuxuu noqonayaa ka gacan siinta xukuumadda sugida nabadgelyada gudaha iyo wax ka qabashada aafooyinka dabiiciga ah.” Axmed Xaaji Cali Cadami waxa kale oo uu intaa ku daray “Wasaaradda gaashaandhiga masuuliyiin badan ayaa soo maray, intii aan anigu joogay hadda waxaanu isku daynay bilawgii in aanu dad masuuliyiin ah oo gaadhay Janannimo ama Kornaylnimo ilaa iyo Mijir oo ciidanka ka hawl gabay, oo wadanka jooga, wax mushahar ahna aan ka qaadan ciidanka, dadkaas ayaanu ururinay ilaa 15 qof, malihi intaas ayay ku dhanyihin, laakiin intii wakhtigaa suuro gashay in la helaa ilaa 15 qof ayay noqdeen, qolyahaas markii aanu u yeedhnay waxaanu ugu yeedhnay in ay gacan naga siiyaan dhowr qodob oo kala ah:- 1.In ay gacan naga siiyaan habka wada shaqaynta wasaaradda gaashaandhiga iyo ciidanka, sidii xidhiidhkooda iyo wada shaqayntu u noqon lahaa mid dabiiciya, oo aanay cidna bursanin awood gaara in la sameeyo, in ay dib ugu noqdaan shuruucdii jiri jirtay ee milatariga oo iyada lafteeda wakhtiga cusub iyo waayaha jira in la waafajiyo. 2.Darajooyinkii ciidanka oo raagay in dib boodhka looga tumo wixii hore loo hahay, iyaga laftoodu waxay u baahnaayeen in shuruuuc la waafajiyo oo qofku sida uu ku heli karo darajada iyo sida looga qaadi karo, intaba haddii aan sharcigii jirin oo la iskaga tolo, dee wax shaqaynaya maaha. Waxa kale oo iyana ku jirtay tirakoob sugan oo ciidanka qaranka lagu sameeyo meel kasta oo ay joogaan. Intaas ayaa ugu muhiimsanaa, si fiican ayayna nimankaasi u halw galeen, laba bilood oo dhowdhow ayayna shaqaynayeen.” Dhinaca kale, waxa Wasiirka halkaasi lagu weydiiyay su’aalo la xidhiidha shaqadiisa oo uu halkaasi kaga jawaabay.
  11. ^^ when did we attack puntland i don't remember us attacking puntland Somalia somali ba leh hada ma xabashi ba leh heesta maxaad ka wada
  12. Well that means Alshabaab is doing something good with these weapons since they control the largest portion of southern Somalia;)
  13. Reconciliation conferences for our neighbouring country does not concern us i hope though this effort will bring the various clan states and Islamic groups closer to eachother in Somalia for the sake of their people and their country. Well said Somaliland foreign Minister
  14. ^ haye calankaasi uma muuqdo calanka aw bidaar ba u muuqda;) 500 oo xildhibaan bu calanka aw bidaar u muqanyahay
  15. Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo Ka Hadlay Darajada Ciidamada Qaran Sheegayna in Colaadda Ka Aloosan Barigu Ay Caqabad Ku Tahay. Hargeysa (Ramaas) Mar.13., 2011 – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed X. Cali Cadami oo maanta hor yimi golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka waramay xaalada ciidanka qaranka iyo halka ay marayso balanqaadkii loo sameeyay ciidamada in darajo loo samayn doono. Waxa uu wasiirku sheegay in ay wasaaradiisu dadaal ugu jirto sidii ay u meel marin lahayd balan qaadkii samaynta darajada ciidamada, isla markaana ka hor intaan darajada la samayn ay bilaabi doonaan tirakoon ciidanka qaranka ah, iyagoo la tashi la samayn doona dad khubaro ku ah arimaha Milatariga, Iyo dhamaan dhinacyada ay khusayso. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in colaada ka taagan gobolada barigu ay carqalad ku noqotay bilaabida tirakoobka ciidanka maadaamoo ciidanka intiisa badan ay ku suganyihiin jiidaha bariga dalka. Gabo-gabadii waxa uu wasiirku sheegay inay wasaaradiisu dadaal ugu jirto ka midho dhalinta go’aanka ah in ciidamada loo sameeyo darajo. Warka oo faahfaahsan kala socda goor dhow shabakada Ramaasnews.com.
  16. Wasiirka Gaashaan Dhiga Oo Maanta horyimid Golaha Wakiilada iyo Nuxurka Warbinta Wax qabadka mudadii uu joogay Ee Wasaaradiisa Hargeysa (HWN) Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta suaalo weydiiyay Wasiirka Gaashaan dhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami. Fadhigan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa waxa uu wasiirku ka siiyay mudanayaasha warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo dhamaanteedba ku taxaluuqday Nabadgalyada dalka iyo duruufaha ay qabaan ciidamadu. Wasiirka ayaa sheegay in ay diyaar tahay daroojiyinkii ciidamada qaranku, balse shaqaaqooyinkii ka soo cusboonaaday deegaanada barigu ay dabar ku noqotay qaybintoodu. Ugu horeyna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan Mudanayaasha golaha wakiiladda ee sharafta leh, shirguddoonka iyo waliba shirguddoonka, marka aan ka waramo qaab dhismeedka ciidamada iyo garsoorka oo wada socda, waxa uu u kala baxaa agaasinka guud, Taliska Guud iyo garsoorka ciidamada qaranka oo wada socda. Intaa marka aan sidaas u sheego, waxa aan ku xigsiinayaa waajibaadka wasaaradda gaashaan dhiga ee hawleed oo ay u xil saaran tahay, way kala duwan yihiiin, laakiin waxa aynu inagu qaadanay dawladaha aynu sida gaar ah isugu dhawnahay, marka aynu soo qaadano qodobada aasaasiga ah ee wasaaradda gaashaandhiga ee laga rabo taliska guud waa in ay ka hortagaan wixii dibada kaga yimaado, ka hortaga b budhcad badeeda, dejinta siyaasada difaaca dalka, kormeerida iyo qiimaynta, jihaynta naafada qaranka. Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu xusay in marar badan la isku dayay in dib loo jiheeyo ciidamada naafada Marar badan ayaa la isku dayay in la jiheeyo Naafada Ciidamada, qaranka laakiin may hirgelin, waxa kale oo jira iyaduna qodob muhiim ah oo ah in xukuumada laga gacan siiyo sugida amniga gudaha iyo wax ka qabashada aafooyinka dabiiciga ah ilaahay (S.W) inaguma keenaan Wasiirka gaashaan dhigu waxa uu xusay in ay u yeedheen ku dhawaad 15 xubnood oo ka mid ah ciidamada Milatariga ee hadda hawlgab ah kuwaas oo ay kala hadleen sidii dib u habayn wanaagsan iyo isku xidhka wasaaradda Gaashaan dhiga iyo Taliska Milatariga la isugu xidhi lahaa waxaanu yidhi Wasaaradda gaashaaniga waxa soo marayay wasiiro badan, laakiin mudadii aan joogay anigu waxa aan isku dayay in dadka inta gaadhay Jananada ama Mijirnimo ee hawlgabka ah wax mushaharna aan ka qaadan ciidamada, dadkaas oo gaadhaya ilaa 15 qof ayaanu uruurinay, aniga oo aan lahayn intaas ayay ku dhan yihiin, laakiin waa inta suurtogal noqotay, waxaanan ugu yeedhnay in ay gacan naga siiyaan habka wada shaqaynta, Wasaaradda iyo gaashaan-dhiga, xidhiidhka iyo wada shaqayntuna ay u noqon lahaayeen kuwo dabiici ah, taas oo lagaga hor tagayo in aanay cidina awood gaar ah bursanin, walibana ay dib ugu noqdaan shuruucdii jiri jirtay ee milatariga oo iyada lafteeda, wakhtiga cusub iyo waayaha hadda lagu jiro la waafajiyo Mar uu ka hadlayay darajooyinkii ciidamada waxa uu yidhi Darajooyinkii oo raagay in dib boodhka looga tumo, wixii hore loo hayayna waxa ay u baahnaayeen in shuruucda la waafajiyo, oo loo sameeyo sidii hadii laga qaadi karo iyo hadii la siinayoba, waayo haddii aanu sharciguba jirin oo la iskaga tolo dee wax shaqaynaya maaha, waxa kale oo iyaduna jirtay tirokoob qaran oo lagu sameeyo ciidamada qaranka meel kasta oo ay joogaan, waxaana intaas oo dhan noo qabtay nimankan aan idiin sheegayo, waxaanan runtii qirayaa in ay mudadaas wax wanaagsan qabteen iyaga oo ku shaqaynayay Miiska Saraakiisha, waxaanay ka samayeen buugaas oo dhamaanba shuruucda laga rabo darajooyinka ku soo daabacay ayuu yidhi. Wasiirka ayaa bixinta Darajooyinka ciidamada qaranka dabar uga dhigay in horta la helo tiro sugan oo sax ah oo ay ciidamada qaranku yihiin Bixinta darajooyinka waxa ka horeysa horta in la helo tiro sugan oo sax ah oo ay yihiin ciidamada qaranku, waxaana taas samayn doono nimankaas aan sheegayo iyo NDC-da, kuwaas oo u kala bixi doonaa jiidaha galbeedka iyo bariga, waxaana la doonayaa in sawir laga qaado mid kasta, isla markaana haddii uu magac awoowgood uu isku mid noqdo lagu kala saaro ka hooyada, isku daygan oo 2005-tii la sameeyay oo lagu guul daraystay, laakiin taayadan waxa hor istaagtay arrimihii nabadgalyada, waayo askariga amaanka sugaya ee ay xaalad cusubi la soo deristay lama barbar wadi karo diiwaangelin Ugu Danbayntiina waxa uu mahadnaq gaar ah u soo jeediyay ciidamada Qaranka ee ku sugan Gobolka Sool, kuwaas oo uu xusay in laga qaaday galbeedka isla markaana ay si adkaysi leh ugu dhabar adaygeen duruufaha ay ka midka yihiiin qabawga iyo haraadka ee ka jira deegaankaas. Intaas ka dib ayaa waxa ay mudanayaashii fadhigaasi ka soo xaadiray ay Wasiirka gaashaan dhiga waydiiyeen suaalo u badnaa lexejeclo ay ka qabaan dalka iyaga oo dardaaran buuxa u soo jeedinayay.
  17. Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Kulan Kula Yeeshay Wafti Ka Socday Dalka Norwey Xafiiska Wasiirka Wasaarada Beeraha Hargaysa (HWN)-Wafti ka socday dalka Norwey ayaa maanta shir dhinacyo badan taabanaya la yeeshay xubno ka tirsan xukuumada Somaliland. Hargaysa (HWN)-Wafti ka socday dalka Norwey ayaa maanta shir dhinacyo badan taabanaya la yeeshay xubno ka tirsan xukuumada Somaliland.shirkan oo ka dhacay Hoolka Shirarka Wasaaradda Beeraha ee Magaaladda Hargeysa,ayaa lagaga wada hadlay sidii mashaariicda beeraha,khayraadka bada iyo wax soo saarka dalka wax looga qaban lahaa iyad oo laysla kaashanayo. Munaasibada shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay,Wasiirka Xanaadda Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir,Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geejire),iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md Faarax Maxamuud Cilmi (Geedoolle),Agaasimayaasha Guud ee Tacliinta sare iyo beeraha, Sidoo kale waxtida balaadhan ee ka socday dalka Norwey aay waxa ka socdeen:Merit Hern AES,NPA-Norway iyo Mostafa pourbayat oo ka socday ururka kultur og kompetanse oo ka sheeqeeya horumarinta beeraha iyo wax soo saarka. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo Warbixin ka siiyey war fidiyeenada Dalka kadib kulankii ay wada qaateen waftida, waxyaabaha ay kawada hadleen waftigan iyo nuxurka ka soo baxay ayaa hadalkiisa wuxuu ahaa sidatan:- Kooxdani waa kooxdii marka horeba wasiirka Dalka Norway ku baraarujisay in ay Somaliland wax u qabtaan waxaanay ka socdaan urur la yidhaahdo NPA oo ka soo jeeda Gobal ka mid ah Goboladda Norway oo ah ka ugu wayn dhinaca Waxsoosaarka beeraha oo layidhaahdo (Hed Mark) waxaanay halkan maanta wadaan in ay kormeer ku sameeyaan wixii ay inala qaban lahaayeen kagu horeyna waxaa uu yahay mid ay iminka in doora ka shaqaynayeen mudo gaadhaysa lixsanadood oo hada soo dhamaaday Maaligelintiisiina loo diyaariyey oo ah College Beeraha ah oo laga Hirgelinayo degaanka Cadadlay Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo intaas ku daray inay waftidani wax kala qaban doonaan dhanka wasaaradiisa isaga oo ku sababeeyey inay Norwey tahay dal ku horeeye xaga ka faa,iidaysiga kheyraadka bada. Isaga oo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi Xaga wasaaradayda waxaa kale oo ay inaga caawin doonaan Wasaaraddaha Khayraadka Bada oo ay ka rabaan in ay wax ka caawiyaan wayo Dalka Norway waa Dalka Aduunka ugu horeeya dhinaca kaluumaysiga oo khibrad dheeraad ah ayaa ay u leeyahiin waxsoosaarka badda,iyaga oo dhiiri gelinaya Shaqaalaysiinta dhalinyaradda, Dumarka, ee dhinaca Xeebaha,waxaa kale oo shirkan ku cadeeyeen in ay Norway diyaar utahay in ay wax la qabato Somaliland. Intaasi kadib wasiirka wasaarada beeraha Md Faarax Maxamuud Cilmi (Geedoole) ayaa isna dhankiisa war baahinta u sheegay inay tahay wax lagu farxo waftidani oo ka socota dalka Norwey, wasiirku waxa uu sheegay inay wada shaqayn buuxda wada yeelan doonaan dalka norwey laga bilaabo maanta.
  18. Tuesday, 3 March The Khartoum-based Arabic daily Al-Intibaha this week reported that the government of Sudan expressed deep concerns about a recent trip to South Sudan by Somaliland’s former civil aviation minister, Mr. Ali Mohamed ‘Waran Adde”. The newspaper quoted one of the senior officials in Omar Al Bashir’s cabinet saying the visit was to strengthen bilateral ties between Somaliland and South Sudan. He also claimed the two states were planning to have trade, defence and military ties. Omar Al Bashir and number of Arab leaders have long maintained they would block any international recognition for Somaliland. They claim Somaliland was part of Somalia and that they would not tolerate foreign interference in an Arab League member nation.