Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. How many clan states are there now in Somalia Puntland Galmudug state ximan iyo xeeb jubbaras udubland Jubbaland waax iyo waadi Hiiraan state midstate And then there is the 3 political parties Somali dempcratic party SDP AND then there is hiilqaran And xisbal islam even though they joined Alshabaab And then there is Alshabaab iyo dawlada meel ma gaadho iyo Ahlu sunna wal jamaca
  2. New U.S. Africa commander visits Djibouti Published: March. 14, 2011 at 3:06 PM Gen. Carter Ham, appointed last week, visited about 2,000 personnel at Camp Lemonier, an old French base leased by the United States since 2003. Admittedly no expert on African security issues, he told Stars and Stripes he would rapidly school himself on the continent's diverse problems. If there is any U.S. military intervention in Libya, AFRICOM would take its first leading role since being established in 2008. Its headquarters is in Stuttgart, Germany. Ham said Djibouti's armed forces commander, Maj. Gen. Fathi Ahmed Houssein, urged caution on Libya and consideration of the long-range consequences. "It was a very good discussion," Ham said. "And I think it was wise counsel." Ham said defeating the al-Shabab militia in Somalia is a U.S. priority, but best achieved by providing training, equipment and logistical support to the African Union force there. He said another goal is to capture notorious Ugandan warlord Joseph Kony of the Lord's Resistance Army. Read more: http://www.upi.com/Top_News/World-News/2011/03/14/New-US-Africa-commander-visits-Djibouti/UPI-76331300129610/#ixzz1GgrdwSfY
  3. Well they did not organize a referendum in daroor district yet ,we have to wait till a referendum is held. And it's a district with in Ethiopia and the Ethiopian regional goverment in jigjiga named it as a district.
  4. Sarkaalkii Ka Soo Goostay SSC oo Ka Hadlay Mowqifkiisa Nabadeynta Iyo Baaqii Madaxweynaha March 15th, 2011 Burco (Somaliland.Org)- Xoghayihii warfaafinta iyo birmadka ee Ururka nabad diidka ah ee SSC Kayse Cabdi Yuusuf iyo xubno ka mid ah ururkaasi oo Isniintii ka soo goostay kooxdaasi, ayaa maanta faah faahin ka bixiyay mowqifkooda iyo aragtidooda la xidhiidha dhinaca nabadeynta. Kayse Cabdi Yuusuf wuxuu sidaasi ku sheegay kulan uu maanta magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer kula yeeshay Wasiirrada Xanaanada Xoolaha iyo Duulista Hawada iyo Afhayeenka madaxtooyada. Xoghayaha warfaafinta iyo birmadka ee ururka SSC Kayse Yuusuf Cabdi, oo kulankaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan halkan uga mahad celinayaa xukuumada Somaliland ee ay ka socdaan Wasiirrada iyo Afhayeenka madaxtooyada,Waxgaradka iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhaweyntayada waxaanan idin leeyahay waad mahad-santihiin,intaa ka bacdi waxa socdaalkayagu ahaa mid ku salaysan waar bal madaxweynahan cusub ee Axmed Siilanyo wuxuu ku baaqay nabad, bal nabadaa uu ku baaqay la soo eega ceelalyaan anagu nahay. shaqo anagu umaanaan soo doonan waxaanu rabnaa oo baaqaasi yahay xagana waa laga dhimanayay xagaana waa laga dhimanayay oo anigu waxaan ahaa qoladii garabka hubaysan xogahayihii birmadka ciidmada wixii ciidan birmad samaynayay waan hor boodayay xagana waa laga dhimanayay xagaana waa laga dhimnayay alle ha u naxariisto,waxaanan nidhi bal nabada uu ku baaqay madaxweynuhu ee ka timi xukuumada cusub Widh-widhna qaybteedii hore lagu qabtay aan la eegno.” “Fariinta kaliya ee aan sidaana waa bal dadku maxay ka dagaalamayaan? maxay qoriga ka qaadanayaan? maxay rabaan? maxaa dawo u ah? intaas baan uun sheegaynaa anigu xukuumada iyo madaxweynahan waxaan ka rajaynaynaa inay noqdaan kuwii daweeya.taasna lagu gaadho nabad cid kastana hadii hadeer inshlaah aan fariintayadana aan gudbino fariinta madaxweynahana aan argano ceelalyada (sahanka) aanu nahayna aan aragno waanu noqonaynaa Haddii alle yidhaahdo waxaanu ula noqonaynaa dadkii aanu ka nimi waxaanu rajaymayaa in si buuxda degmo degmo iyo beel beel intaba ay u gaadho,”ayuu yidhi Kayse Cabdi Yuusuf. Waxa kale oo uu sheegay in nabadeyntu ay bilow tahay waxaanu yidhi “Iminka uun ay bilow tahay geedi socodka nabadaynta ee deegaamadaasi.waxaanan rajaynayaa inay nabad-galyadu noqon doonto mid laga wada shaqayn doono.” Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka hadlay kulankaasi wuxuu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inaan ku soo dhawayno magaalada Burco Kayse iyo weftigan uu hoggaaminayo waxaan halkan ka sheegaynaa inay siyaasada Somaliland mar walba saldhig u tahay midnimo iyo nabadoonimo iyadoo taas la eegayana waxaan ka dhabaynaynaa baaqii Madaxweynaha ee la xidhiidhay gogoshii nabadeed ee uu u fidyay dad deegaamada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari.” Wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay qaabilaan xubnahan ka mid ahaa SSC, waxaanu tilmaamay in sarkaalkan iyo xubnaha la socda ay qeyb ka noqonayaan gogoshii nabadeed ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay beelaha deegaanka Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari. “Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhawaynayaa xukuumad ahaan weftigan uu hoggaaminayo Kayse soo dhaweynta aan soo dhaweynaynaa ma aha mid iminka Somaliland lagu soo dhaweynayo ee waa mid gobolka Togdheer lagu soo dhaweeynayo maadaama oo ay hore uga tirsanaayeen Somaliland dadkana way soo kala dhexgashaa xurgufi balse wax kasta waxa lagu xaliyaa wada hadal iyo is afgarad,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland.
  5. If the people decide to be part of Ethiopia then they should be given that right if not they should fight for their self determination and take what belongs to them , And yes i care what happens there
  6. Well that's what the title of the source said http://www.togaherer.com/2011/03/15/magaalada-daroor-ee-degmada-awaare-ee-kililka-somalida-ethiopia-oo-loo-magacaabay-degmo-buuxda-oo-ka-tirsan-gobolka-dhagaxbuur/
  7. Magaalada Daroor eeh degmada awaare eeh kilinka Somalida Ethiopia oo loo magaacaabay degmo Buuxda oo ka tirsan Gobolka dhagaxbuur Kalafadhiga golaha barlaamanka dowlad deegaanka somalida Ethiopia oo maanta si rasmi a uga furmay hoolka shirarka eeh Sayid Maxammad cabdulla xassan. Shirka barlamaanka somalida Ethiopia oo uu shir gudoominayey afhayeenka barlaamaanka Somalida Ethiopia Md maxammad rashid ayaa waxa la so hordhigay in deegaanka Somalia Ethiopia yeeshi sadex Madaxweyne kuxigeen sidoo kalene 15 degmo lagu so kordhiyo degmooyinka ismamuulka Somalida Ethiopia. Dhamaantoona way isku raaceen Mudanaysha baarlamaanku sadex Madaxweyne kuxigeen oo kale ah Adan farax Mudane Dr suldaan wali iyo Mudane Axmed deeq maxammad cabdi. Degmooyinkan cusub eeh lagu soo kordhiye Kilinka Somalida ayaa kala ah sidan Gobolka liibaan, 1.mubarag 2, Dekasuftu Gobolka qoraxay 1. marsin Gobolka Shiniile 1. hadhagaala Gobolka dhagaxbuur 1. Araarso 2. Birqod 3, Yoocaale iyo 4. Daroor Gobolka jigjiga 1. Tuli guuleed Gobolka Fiiq, 1. Qubi 2, Gol Jano (galaalshe) Gobolka Afdheer, 1, Qarsaadhuula 2. Raaso, Degmadan raaso ayaa waxaa lagu xaliyay win win strategy oo ay macnaheedu tahay in maamulka iyo dhamaan hawlaha guudba lagu qaysan doono 60% iyo 40%, Maadaama ay degmadaas ka jiri jireen iskudhacyo sokeeye. Gobolka wardheer 1. Doraadtoole Gobolka Godey 1. Galbeedka godey (west godey) Degmooyinkan ayaa kadib markii fikrado laga soo jeediyay waxaa lagu ansixiyay codbuuxa dhamaantood. shirkan baarlamaan ka ayaa wali ka socda hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdule xasan wixii war ah ee kasoo
  8. War degdeg ah Sarkaal u qaabilsan dhinaca gaashaandhiga kooxda SSC iyo ciidamo uu wato oo ka soo goostay Kooxdaasi soona galay dhinaca Somaliland Sarkaal hore ahaan jiray xoghayaha barnaamijyada iminkana ahaa ku simaha Gaashaandhiga Kooxda SSC oo lagu magacaabo Kayse Cabdi Yusuf ayaa ka soo goostay Ciidamadaasi , Sarkaalkan oo uu weheliyo Raxan ciidan iyo gaadiid dagaal ayaa u soo kicitimay dhinaca Somaliland. Wasiirka Duulista iyo Hawda Md Maxamuud Xaashi iyo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir iyo xubno kale oo ka socda dawlada ayaa u kicitimay sidii ay u soo dhawayn lahaayeen Sarkaalkaas Ka Soo goostay Kooxda SSC . Sarkaalkan oo lagu sheegay in uu ahaa saraakiisha ugu awooda badan ahaana hogaanka Sare ee dhinaca Gaashaandhiga ayaa noqonaaya sharkaalkii ugu sareeyey ee ka soo goosta ciidamadaa Nabad diidka intii ay ka wadeed khalkahlinta iyo nadabgelyo darada deegaanka Sool .
  9. 30 Kamida Saraakishi ugu saraysay kooxda SSC Oo isu soo dhibay Dawlada Somaaliland Gordhawayd berberapress Xuubihii ugu saraakiishii kooxda Qaran diidka ah ee S.S.C,gaadiid iyo ciidmo ka tirsan kooxdaasi ayaa goor dhawayd soo gaadhay magaalada Burco kuwaasi oo ka soo goostay dhanka deegaanka Buuhoodle. Ciidamada ka soo goostay kooxdani ayaa tiro ahaan gaadhaya 30 qof kuwaasi oo watay 4gaadhi oo mid ka mid ahi yahay Tikniko iyadoo uu hogaaminayay ciidamadani Xoghayihii guud ee Kooxda ee S.S.C Col.Kayse C/Yuusuf iyo taliye ku xigeenkii ciidamada kooxdaasi. Ciidmadani soo goostaya ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Gobolada Saraar iyo Togdheer taas oo ay soo dhaweyeen maamulada Goboladaasi waxaanay ilaa haatan ciidmadaasi ku suganyihiin gudaha magaalada Burco oo la filayo inay caawa u hoydaan. gudomiya ku xigeenka Gobolka Togdheer oo aan wax ka waydiinay ciidmadani soo goostay ayaa iyagu ka gaabsaday inay ka hadlaan iyagoo tilmaamy in maalinta beri ah ay saxaafada u shaacin doonan hawlaha ciidmada kasoo goostay Kooxda nabadiidka ah ee S.S.C. ugu danabayntii ciidamada maanta soo goostay ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee ku soo biira dhanka Somaliland tan iyo intii ay bilaabnatay colaada Deegaanka kalshaale. Kala Soco oo lug kulahayeen kooxaha Somaaliland diidkahi
  10. ^^ koley wa ayaan daro in dhul shacab ku noolyiihin la isku dagaalo qax iyo hoog uun ba ka socda Ilahoow shacabka ilaali
  11. Dagaal xoogan oo caawa ka qarxay degmada Baladxaawo Baladxaawo: (Sh. M. Network) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa caawa waxaa uu ka qarxay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Wararka laga helayo deegmada Baladxaawo ayaa waxaa ay sheegayaan in degmadaasi caawa uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab, iyadoo magaaladaasi laga maqlayo dhawaqa madaafiic cul culus oo ku dhacaysa xaafadaha degmada Baladxaawo. Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen goobo ay kaga sugnaayeen degmadaasi ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana wararku ay inaasi ku darayaan in deegaanka Kastamka ee degmada Baladxaawo ay ku dhacayaan madaafiic xoogan oo ay is weedaarsanayaan dhinacyada halkaasi isku haya. Lama oga qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay maadama ay tahay xili habeen ah, waxaana dagaalkaani uu daba socdaa dagaalo iyo duqeymo maalmihii dambe ka dhacayay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
  12. Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Oo Dhaawac Culus Loogu Geytsay Laascaanood- Lasanod Online. Monday, March 14, 2011 Laascaanood,(lasanod Online)- Koox hubaysan oo aan la aqoon ayaa caawa rasaas oodda kaga qaaday gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool ee maamulka Somaliland. Ninkan oo magaciisa la odhan jiray Axmed Salebaan Cabdille (******oow) ayaa la sheegay in dhaawac culusi kasoo gaadhay rasaastaas. Warar horudhac ah ayaa sheegay in isagoo aad u liita loola cararay dhinaca magaalada Burco. Gudoomiyaha ayaa la sheegay in xabada lagu furay isagoo markaas kasoo baxay Masjid Jaamaca Magaalada Laascaanood. Kooxdii dablayda ahayd ayaa goobtii ka baxsaday kadib markii ay rasaas faro badan kor u rideen oo dadkii ku kala direen. Waxaa goobtii soo gaadhay ciidamo tira badan, kuwaas oo rasaas ooda uga qaaday goobaha ganacsiga oo gabi ahaanba joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada. Gudoomiyaha Maxkamada oo magaalada Laascaanood joogay tan iyo intii maamulka Somaliland gacanta ku dhigay ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka Togdheer dhinaca Bariga Burco. Kala socda LASANOD ONLINE, wixii kasoo kordha dilkan caawa laysku dayey in lagu khaarajiyo Gudoomiyaha Maxkamada Sool.
  13. Maxamamd selebaan geele is not dead he is badly injured the Criminals will be caught inshallah and will be brought to justice
  14. A_Khadar;702078 wrote: XX stick with this point later when you see him defecting back after $40k is spent on him to flip over to S/L now. War S/L dhib baa haysta, every day mid baa u qayilaya oo waxoogaa ka daad sanaya. Lacagta maa masaakiinta la siiyo.. There won't be a place he would be defecting back to i think in the near future. I predict Dalbac to come back to soon Just like mustafe galaal did.
  15. Jacaylbaro;701924 wrote: waxa ku riyooda kuwii intay isu soo baxeen xafiiskiisa ugu tegey iyagoo qaylinaya ,,, Ma kuwii boodhadha qaatay eeh aqalka David camaron hor istaagay oo sameecaad qaatay Ingriisoow Somaliland naga badbaadi:D Xita waxay garan wayeen qof ingriis ku qudbadeya meesha keensada sidu Frenjigu idin fahmo
  16. Ducaysane;701999 wrote: Sida naag dhali weyday oo dhawaan eebe wax siiyey oo dhabta wiil yar ku haysa Ingiriis dhaladkiiyo waanu kuu dhaga beelee xagee kaa dhunkadaa. JB, that was your ina adeer back in 1945. You guys can send all the appraciation you want but Somalia will be one country. Gabayga yaa tiriye Dawladini kacaanka markay taarikhda gacankurimiska qoraysey bay gabayga sameysteen, Nin baan weydiyey Gabayga yaa tiriyey Markasu yidhi Ina igarre , ina igarre maba gabyi jireyn loool waxan halkaad ka keenteen bal no sheega yaa tiriyey ?
  17. He might be a political rival to Some Somalis, Ethiopia will always be poor country and what did you expect Ethiopia to become a democracy Ethiopia and Eritrea both had new regimes in 1991 and they are still oppressing their own people but atleast their people live in some sort of dignity and not in a failed state.
  18. War deg deg ah kayse cabdi yusuf oo isu dhiibay somaliland Waxaa manta Magaalada Oog iska xaadiriyey kayse cabdi yusuf iyo ciidan gaadhaya 20 askari oo uu horkacayo kayse oo ka mid ahaa taliyayaashii ciidanka cali sabarey. Kayse Cabdi yuusuf ayaa dhawanahanba ku sugnaa deegaanka Geeddheer ee duleedka Dagmada widhwidh isagoo halkaa ku qaabilayey waftiyo badan oo kasoo kicitimay xarunta Soomaalidiidka ee Hargaysa, arintaa oo keentay kala shaki soo dhex galay Beesha Guuleed Garaad (Barkad) kadib markii dhalinro Aano qabiil ka dhexayso Beelaha Isaaqa ay u dulqaadanwayeen waftiyadan galaa baxaya aaga Geed dheer iyagoo u qaatay in Kayse basaasaso Geel ay hore uga soo kaxaysteen Beelaha Isaaqa ee ninka dilay. arintaa ayaa dhalisay in dhalinyaro hubaysani weerar ku qaado Guri ku yalaa tuulada Geed dheer oo markaa shir uga socday qaybo kamida odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Kayse Cabdi yuusuf iyo wafti ka socday maamulka Somaliland waxaana halkaa ka dhacay is rasasayn dhexmartay ilaalada Kayse iyo dhalinyaradii weerarka soo qaaday, israsaasayntaas oo sababtay burbur Gaadiid yaalay banaan ka guriga. hadaba waxaa manta hal mar laga war helay in Kayse cabdi yuusuf oo wata 1 Gadiid dagaalka ah uu tagay tuulada Oog, kayse Cabdi yuusuf oo lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa maamulka Somaliland intii u socday dagaalkii Gobolka Cayn ayey cadaatay inuu ahaa basaas u adeegaya Somaliland, ilaa hada ma cada mowqafka dhabta ah ee ay ka qaadan doonan arintan wax Garadka Beesha Guuleed Garaad, galitaanka kayse Cabdi yuusuf ayaan la filayn inuu wax saamayn ah ku yeelan doono difaaca iyo isku duubnanta bulshada Gobolka Cayn, dadweynaha Reer Buuhoodle ayaa iswaydiinaya goorta uu ka daba tagi doono Cali Sabarey saaxiibkii Kayse Cabdi Yuusuf. buhodlepost.com
  19. Well Atleast Melez zanawi and his TPLF did not destroy his own country and their capital and did not turn into anarchist like the Clan factions of Somalia , he is ruling his Ethiopia and is making his ancestors like Abraha al-Ashram proud
  20. Warshad Cusub oo Biyaha soo Saarta oo laga Furay Bixin Duule oo ka Tirsan Gobolka Saaxil. waxaananurajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa.waxa isna goobtaa Daawo Sawiradda Warshada Casriya oo biyaha safeysa ayaa manta wax soosaarkeedii u horeeyay ooda laga qaaday xadhigana laga jaray Warshada biyaha safeysa ee casriga ah ayaa kutaala bogcada tuulada Bixin Duule ee katirsan Gobolka saaxil warshadaan ayaa biyaha ay soo saarto magacooda layidhaa ZamZam ama Saaxil Mineral Water Haddaba furitaankii ama xadhig kajarkii warshadan Digitalka ah amaba casriga ee biyaha safeysa ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxda Gobolka saaxil ee kala duwan iyo ganacsato aad u danaynayay biyaha ay warshadani soo saarto oo aad tayadoodu usareyso waxaanay bogcadani bixin duula ee warshadan laga hirgaliyay ay caan kutahay biyaha nadiifta ah iyo dabiiciya oo marka horeba aad looo isticmaali jiray waxaana biyaha goobtaa loo yaqaanaa (Steal Water)hadiyo jeerna waxa loo isticmaali jiray kalya xanuunka iyo beytariyada baabuurta oo sidooda loogu shubo waana meel ilaahay ku manaystay biyaha nadiifta ah ee dabiiciga ah gu iyo jiilaalna waa durdur oo ma gudhaan waxaanay biyahani ka soo baxaan buur hoosteed waxaana buurta ay biyuhu ka soo baxaan lagu magacaabaa(Isha bixin)waxaana goobtan warshada biyaha safeysa laga sameeyay wakhtiyadii hore daganaan jiray oo udoortay goobta ay biyaha ay cabayaan in ay ka qaataan saraakiishii katalin jiray wadanka soomaaliland wakhtiyadii Turkiga iyo Ingiriiska ee dhulkan soomaaliland ukala danbeeyay. Waxaana furitaankii warshadan biyaha ee Zam Zam manta ugu horeyn ka hadlay mid kamida ganacsatada wax ku leh warshadan oo lagu magacaabo Sidiiq Axmed Galiixo waxaanu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay goobtani iyo biyaha bixin duule oo uu ka sheekeeyay qiimahooda iyo waliba sababaha ay udoorteen maxmiyadihii turkiga iyo Ingiriisku goobtan ee ay uga dhigteen goobta biyaha ay cabayaan looga soo qaado Gobpolkasta ha joogaane waxaana hadaladii Sidiiq AxmedGaliixo kamid ahaa"waxan aad ugu faraxsanay manta in aanu nasiib uhelay in halkan bixin laga furo warshada biyaha soo saarta sababtoo ah waxan anigu aqoon buuxda uleeyay goobtan bixin duula iyo waliba qiimaha biyaha(Isha bixin)ee buurtaa hoosteeda sida dabiiciga ah uga soo baxa waana biyo ilaahay barakeeyay oo aan dawo mooyee dhibaato kale laheyn waxaanan idiin sheegayaa waxa halkan biyaheeda ku xisaabtami jiray oo aan biyo kale cabi jirin Turkigii dalkan wakhtiyadii hore ka talin jiray iyo waliba ingiriiskii oo isna sidaa si leeg halkan biyaha ka qaadan jiray iyaga oo uga iman jiray Gobolada dalkeena oo dhan markaa hadii aan warshada iyo ganacsatada ku shuraakada ah amaba saamiyada ku leh wax idiinka sheego waxa kamida shirkada ganacsiga ee Soomar iyo shirkada Alaabo Haye oo saamiga ugu badan leh waxaanay xafiisyo warshadan uga furan yihiin Gobolada dalka oo dhan waxaana ku bahoobay ganacsato caana oo aad uga dhex muuqda suuqa ganacsiga ee soomaaliland waxaananurajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa.waxa isna goobtaa ka hadlay Gudoomiyaha ganacsatada yaman wax ka soo iibsata Sayid Maxamed waxaanu sheegay in ay wakhtiyada qaar yaman ka soo rari jireen biyo ku dhaw (30.000)oo cartoon imikana aanay halka kartoon kala iman yaman taas oo uu sheegay in ay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo mar hadii laga maarmay biyihii debeda inooga iman jiray oo aynu inagu dalkeena gudihiisa warshado ka sameynay tan iyo qaar hore u jirayba.intaaa kadib waxa isna hadal kooban madashaa ka akhriyay Maareeyaha Warshada biyaha ee ZamZam Maxamed xassan Tukaale waxaana hadaladiisii kamid ahaa"marka hore waxan umahad celinayaa madaxda Gobolka. Degmada. Ganacsatada iyo dhamaan marti sharafta faraha badan ee xaflada furitaanka warshada ZamZam Mineral Water nagala soo qeyb gashay ntaa kadib waxan jecelahay in aan manta halkan ka sheego qiimaha biyahan iyo waxa aan idhahayga ku arkay inkastoo aan halkan joogay intii warshadan dhismaheedu socday biyahan bixin waa biyo meel laga helaa ay yartahay dalkeena oo dhan waana biyo dabiiciya oo ilaahay barakeeyay sida uu sidiiq sheegayna waa biyo ay maxmiyadihii Turkiga iyo ingiriiskuba ay aad udanayn jireen wakhtiyadii ay dalka joogeen ee kala dandanbeeyay dhinaca warshada iyo ganacsatada isugu tagatay hadaan ka hadlo waa dadkii caanka ku ahaa ganacsiga oo waxa kamida Ibraahin Alaabo aad wada garanaysaan isaga iyo shirkadiisii ganacsigaba waxa iyana kujira oo aan ka maqnayn Soomar Tradiing Company.waxa isna halkaa ka hadlay oo xadhigana ka jaray Duqa Degmada berbera Cabdalla MaxamedCarab(Cabdala Sandheere)waxaana hadaladiisii kamid ahaa"waxa sharaf weyn noo ah inaanu ka soo qeyb galo furitaanka warshadan biyaha safaysa ee ZamZam ama Saaxil Mineral Water maamul ahaana waanu soo dhaweynaynaa waxaanan odhan karaa waa loo baahnaa biyo laga soo saaro amaba warshada biyood oo laga sameeyo goobtan biyaha macaan qaniga ku ah ee bixin duule laakiinse waxan dadka dagan goobtan iyo goobaha kale ee Gobolkaba ka codsanayaa in ay soo dhaweeyaan dadka maalgashadayaasha ah ee warshadaha iyo wax soo saarkaba inoo sameynaya waxa kale oo aan aad usoo dhaweynayaa dhaliyarada ama ganacsatada warshadan furtay ee uu ugu horeeyo Ibraahin Xaji Alaabo iyo cidkasta oo gacan ka geysatay furitaanka warshadan qiimaha badan leh waxaanan ganacsatada warshadan manta inoo furtay ka codsanayaa in ay warshadaha aanay in taa ku koobin amaba aanay warshadaha ay sameynayaan aanay ku koobin oo qudha warshadaha biyaha ee ay keenan warshado kale oo wax soosaar kuwaas oo aynu isku filaansho ku gaadhi karno waana waxyaabaha horumarka lagu gaadho. Waxa isna halkaa maanta hadlo duco iyo dhiiri galaina halkaa ka jeediyay Xaaji Shide Xaji Diiriye oo aad ugu dheeraaday qiimaha ganacsiga iyo waxsoosaarka waxa isna halkaa ka hadalay Isuduwaha Wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Baashe Axmed Jibriil oo isna sheegay in ay warshadan gacmo furan ku soo dhaweynayaan wax alaale iyo wixii wasaarada haan kaga xidhmana ay la garab taagan yihiin. Maxamed C/laahi Faarax Gabiley News Reporter Berbera/somaliland
  21. Warshada Casriya Oo Biyaha Safeysa Ayaa Maanta Laga Furay Tuulada Bixin Duule Oo Ka tirsan Gobolka Saaxil. Berbera(Ramaas) Mar.14, 2011 - Warshada biyaha safeysa ee casriga ah ayaa kutaala bogcada tuulada Bixin Duule ee katirsan Gobolka saaxil warshadaan ayaa biyaha ay soo saarto magacooda layidhaa ZamZam ama Saaxil Mineral Water. Haddaba furitaankii ama xadhig kajarkii warshadan Digitalka ah amaba casriga ee biyaha safeysa ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxda Gobolka saaxil ee kala duwan iyo ganacsato aad u danaynayay biyaha ay warshadani soo saarto oo aad tayadoodu usareyso, waxaanay bogcadani bixin duule ee warshadan laga hirgaliyay ay caan kutahay biyaha nadiifta ah iyo dabiiciya oo marka horeba aad looo isticmaali jiray. Waxa biyaha goobtaa loo yaqaanaa (Steal Water) hadiyo jeerna waxa loo isticmaali jiray kalya xanuunka iyo beytariyada baabuurta oo sidooda loogu shubo, waana meel ilaahay ku manaystay biyaha nadiifta ah ee dabiiciga ah gu iyo jiilaalna waa durdur oo ma gudhaan. Biyaha durdurkani waxa ay ka soo baxaan buur hoosteed waxaana buurta ay biyuhu ka soo baxaan lagu magacaabaa(Isha bixin), waxaana goobtan warshada biyaha safeysa laga sameeyay wakhtiyadii hore daganaan jiray oo udoortay goobta ay biyaha ay cabayaan in ay ka qaataan saraakiishii katalin jiray wadanka Somaliland wakhtiyadii Turkiga iyo Ingiriiska ee dhulkan soomaaliland ukala danbeeyay. Waxa furitaankii warshadan biyaha ee Zamzam maanta ugu horeyn ka hadlay mid kamida ganacsatada wax ku leh warshadan oo lagu magacaabo Sidiiq Axmed Galiixo waxaanu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay goobtani iyo biyaha bixin duule oo uu ka sheekeeyay qiimahooda iyo waliba sababaha ay udoorteen maxmiyadihii turkiga iyo Ingiriisku goobtan ee ay uga dhigteen goobta biyaha ay cabayaan looga soo qaado Gobolkasta, ha joogaane waxaana hadaladii Sidiiq Axmed Galiixo kamid ahaa "Waxan aad ugu faraxsanay manta in aanu nasiib uhelay in halkan bixin laga furo warshada biyaha soo saarta sababtoo ah waxan anigu aqoon buuxda uleeyay goobtan bixin duula iyo waliba qiimaha biyaha(Isha bixin)ee buurtaa hoosteeda sida dabiiciga ah uga soo baxa waana biyo ilaahay barakeeyay oo aan dawo mooyee dhibaato kale laheyn waxaanan idiin sheegayaa waxa halkan biyaheeda ku xisaabtami jiray oo aan biyo kale cabi jirin Turkigii dalkan wakhtiyadii hore ka talin jiray iyo waliba ingiriiskii oo isna sidaa si le’eg halkan biyaha ka qaadan jiray iyaga oo uga iman jiray Gobolada dalkeena oo dhan markaa hadii aan warshada iyo ganacsatada ku shuraakada ah amaba saamiyada ku leh wax idiinka sheego waxa kamida shirkada ganacsiga ee Soomar iyo shirkada Alaabo Haye oo saamiga ugu badan leh, waxaanay xafiisyo warshadan uga furan yihiin Gobolada dalka oo dhan waxaana ku bahoobay ganacsato caana oo aad uga dhex muuqda suuqa ganacsiga ee Somaliland, waxaananu rajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa. Waxa isna goobtaa ka hadlay Gudoomiyaha ganacsatada yaman wax ka soo iibsata Sayid Maxamed, waxaanu sheegay in ay wakhtiyada qaar yaman ka soo rari jireen biyo ku dhaw (30.000)oo cartoon imikana aanay halka kartoon kala iman yaman, taas oo uu sheegay in ay tahay wax ilaahay loogu mahadnaqo mar hadii laga maarmay biyihii debeda inooga iman jiray oo aynu inagu dalkeena gudihiisa warshado ka sameynay tan iyo qaar hore u jirayba. Intaaa kadib waxa isna hadal kooban madashaa ka akhriyay Maareeyaha Warshada biyaha ee Zamzam Maxamed xassan Tukaale, waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Marka hore waxan umahad celinayaa madaxda Gobolka, ta degmada, ganacsatada iyo dhamaan marti sharafta faraha badan ee xaflada furitaanka warshada ZamZam Mineral Water nagala soo qeyb gashay, intaa kadib waxan jecelahay in aan maanta halkan ka sheego qiimaha biyahan iyo waxa aan idhahayga ku arkay inkasta oo aan halkan joogay intii warshadan dhismaheedu socday biyahan bixin waa biyo meel laga helaa ay yartahay dalkeena oo dhan waana biyo dabiiciya oo ilaahay barakeeyay, sida uu sidiiq sheegayna waa biyo ay maxmiyadihii Turkiga iyo ingiriiskuba ay aad udanayn jireen wakhtiyadii ay dalka joogeen ee kala dandanbeeyay. Dhinaca warshada iyo ganacsatada isugu tagatay hadaan ka hadlo waa dadkii caanka ku ahaa ganacsiga oo waxa kamida Ibraahin Alaabo aad wada garanaysaan isaga iyo shirkadiisii ganacsigaba waxa iyana kujira oo aan ka maqnayn Soomar Tradiing Company. Duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab(Cabdala Sandheere), oo xadhiga ka jaray waxa hadaladiisii kamid ahaa "Waxa sharaf weyn noo ah inaanu ka soo qeyb galo furitaanka warshadan biyaha safaysa ee ZamZam ama Saaxil Mineral Water maamul ahaana waanu soo dhaweynaynaa waxaanan odhan karaa waa loo baahnaa biyo laga soo saaro amaba warshada biyood oo laga sameeyo goobtan biyaha macaan qaniga ku ah ee bixin duule, laakiinse waxan dadka dagan goobtan iyo goobaha kale ee Gobolkaba ka codsanayaa in ay soo dhaweeyaan dadka maalgashadayaasha ah ee warshadaha iyo wax soo saarkaba inoo sameynaya. Waxa kale oo aan aad usoo dhaweynayaa dhaliyarada ama ganacsatada warshadan furtay ee uu ugu horeeyo Ibraahin Xaji Alaabo iyo cidkasta oo gacan ka geysatay furitaanka warshadan qiimaha badan leh, waxaanan ganacsatada warshadan maanta inoo furtay ka codsanayaa in ay warshadaha aanay in taa ku koobin amaba aanay warshadaha ay sameynayaan aanay ku koobin oo qudha warshadaha biyaha ee ay keenan warshado kale oo wax soosaar, kuwaas oo aynu isku filaansho ku gaadhi karno, waana waxyaabaha horumarka lagu gaadho. Waxa isna halkaa maanta hadlo duco iyo dhiiri galaina halkaa ka jeediyay Xaaji Shide Xaji Diiriye oo aad ugu dheeraaday qiimaha ganacsiga iyo waxsoosaarka waxa isna halkaa ka hadalay Isuduwaha Wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Baashe Axmed Jibriil oo isna sheegay in ay warshadan gacmo furan ku soo dhaweynayaan wax alaale iyo wixii wasaarada haan kaga xidhmana ay la garab taagan yihiin.