Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Warancade will be a great leader if he runs for President and the people of Somaliland will support him, he was the most hard working former cabinet member. Madaxweyne cali Maxammad warancade sounds good
  2. Waxgaradka Degmada Taleex Oo Sheegtay Inay Si Buuxda Uga Qeyb Qaadanayaan wada hadalada Nabadda March 25th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Odayaasha iyo waxgaradka degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa shir ay ku yeesheen magaaladaasi ka dib waxay soo saareen bayaan ay ku shaaciyeen inay ka qeyb galayaan wada hadalada nabadda ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay waxgaradka gobolka Sool, Buuhoodle iyo Sanaag-bari. Waxa kale oo ay odayaasha iyo waxgaradka Taleex shirkaasi ka soo saareen baaq qeylo dhaan abaareed ah oo ay xukuumadda Somaliland iyo Ha’yadaha Caalamiga ah ka dalbadeen inay gurmad deg deg ah gaadhsiiso dadka abbaaraysan ee ku dhaqan tuulooyinka degmadaasi. “Waxgaradka, odayaasha iyo Bulshada degmada Taleex shir ay maalmihii la soo dhaafay ku yeesheen magaaladan waxaanu ka soo saaray laba qodob oo midna la xidhiidho dhinaca Nabadgelyada midna la xidhiidho Abbaaraha ba’an ee ka jira Degmada Taleex iyo Gobolka Soolba,”ayuu yidhi Ismaacii Maxamed Cabdi, oo ka mid ah odayaasha shirkaasi ka qeyb galay. “Haddii aanu nahay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Taleex waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qeyb galo baaqa nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland soo jeediyay, waxgarad iyo bulshaba waanu isku raacsan nahay inaanu wada hadalada nabadda ka qeyb qaadano,”ayuu yidhi Ismaaciil Maxamed Cabdi, oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBC-da. Ismaaciil Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay xukuumadda Somaliland iyo Ha’yadaha caalamiga ahba ka dalbanayaan inay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmada Taleex, oo uu tilmaamay inay ka jirto duruuf adagi. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inaanay wax gurmad ahi soo gaadhin illaa imika dadweynaha abaaruhu saameeyeen ee ku nool tuulooyinka degmada Xudun. Oday Ismaaciil waxa uu ammaan u soo jeediyay ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay degmdaasi oo uu tilmaamay inay wada shaqayn wanaagsani ka dhaxeyso oo ay dadweynaha taageeraan.
  3. Other then saado cali articles and her songs do you have any evidence Dahabshil was involved in the kalshaale war?
  4. Somalina;705404 wrote: Aaliyyah, is deji horta, cudu bileysana. Marka kale, wax cadeyn ah ma haysaa in Dahabshiil ay ka qayb qaateen xasuuqa reer SSC? cadayntoodu waxa weyee siilaanyo iyo dahabshil wa isku qabil
  5. Bashiir nagada maqaalkaas waxa qortay saado laftigeeda Written by: Dr. Warsame Ali (Fiisiko) - .(JavaScript must be enabled to view this email address) magacay yara kala badashay uun Dr warsame ali = Saado cali warsame
  6. Jacaylbaro;705363 wrote: Another Breaking News suggest that Saado is planning to open Xawaalad ........ and this is the first Ad for her marketing strategy loooool Haaa dhigan
  7. sensai what the hell is dumaashiga wamaxay waxasi ma nin dhan oo nool oo boqola ah baad dumaashi ku sheegeysa war mu waashay Faroole might be a fullay iska hanjabaa oo dabeedna dhuunta oo yidha melezow i qari laakin waxa raga lugu ma sheego wa ku siidee
  8. saado cali wata ku biirtay kooxdi daahir calasow tallow heesta ma isaga u so alifay
  9. Madaxweyne-ku-xigeenka oo Shahaado-sharaf Guddoonsiiyey Shirkadda NationLink Last Modified: Thu 24th Mar,2011 Hargeysa (Jam)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil cabdillaahi (Saylici), ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey shirkadda Isgaadhsiinta NationLink oo maalintii Salaasada xaflad u qabatay qalayb ay ku samaysay xarunta shaybaadha Kulliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa. Sidaa waxa lagu sheegay qoraal shirkadda NationLink xalay soo gaadhsiiyey Jamhuuriya, kaasi oo u qornaa sidan: “Sida aynu horeba ula wadda soconay waxay Salaasadii Jaamacadda Hargeysa lagu qabtay xaflad maamulka jaamacaddu soo qabanqaabiyey, taas oo muhiimadeedu ahayd in shirkadda Nationlink wareejiso qalabayn iyo dib-u-dhis ay ku samaysay laabka sayniska Jaamacadda. Sanadkii tagay ayey shirkaddu ku ballanqaaday inay Jaamacadda Hargaysa ka caawin dhinaca Sayniska. Isla sannadkii tagay dabayaaqadisii ayey shirkaddu u hawlgashay sidii ay uga dhabayn lahayd ballanqaadkeedii, waxayna qalabka shaybaadka ka dalbatay dalka Jarmalka, iyadoo ay wakiil uga ahayd Human Care. Qalabkaas oo ah mid casri ah tayadiisuna aad u sarayso, waxa uu dalka soo gaadhay dabayaaqadii bishii January ee sannadkan 2011. Maalintii Salaasadii oo taariikhud ku beegnayd 22/03/2011, waxay ka dhacday Jaamacadda Hargaysa xaflad aad u ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, kana qaybgaleen madaxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hormuud ka yahay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday, wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Xoog, Agaasimaha tacliinta sare, Marwo Edna Aaden Dhakhtar iyo masuuliyiin kaloo badan oo maamulka jaamacaddu ku jiraan. Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu halkaas shahaado-sharaf ku guddoonsiiyey maareeye-ku-xigeenka shirkadda Nationlink Mr. Mahdi Daahir Jaamac, isaga oo madaxweyne-ku-xigeenku halkaa ka jeediyey hadallo guubaabo ah iyo ammaanba u soo jeediyey shirkadda NationLink. Waxa isna halkaasi ka hadlay maareeye-ku-xigeenka, ahna madaxa hawlgalka guud Mr. Mahdi Daahir Jaamac, isagoo sheegay in shirkaddu marar badan oo hore ka qaybqaadatay hawlaha bani’aadamnimo iyo kor-u-qaadidda tayeynta waxbarashada Somaliland, isla markaana qalabayntan Jaamacadda Hargeysa noqon doonin tii ugu dambaysay, balse ay horumarka iyo taageeradda dalkaba ka qaybqaadan doonaan,” ayaa lagu soo gunaanaday qoraalka shirkadda NationLink soo saartay.
  10. ^^ caught doing what calling my neighbouring country a country what a confused pirate
  11. Somaliweyn since when is Somalia Somaliweyn lol woow talk about confusion The (country) is From raaskambooni till raascaseer
  12. Shiikh Shariif oo sheegay inuu xilka wareejin doono marka Barlamaanka Wakhtigiisa dhamaado Qoraal maanta kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa looga hadlay xiliga ay dhici karto doorashada Madaxweynaha iyo wakhtiga uu xilka sii heynayo Madaxweynaha kadib doorashada. Qoraalkan ayaa looga jawaabayey mid horey uga soo baxay Guddoonka Baarlamanaka Soomaaliya, oo lagu qeexayey xiliga doorashada Madaxweynaha ay dhici karto iyo xiliga uu jegada wareejinayo Madaxweynaha hada xilka haya. Shiikh Shariif ayaa qoraalkiisa lagu sheegay in kadib markii uu la tashaday khubaro dhanka sharciga ah, uu qeexay in doorashada Madaxweynaha ay dhici karto oo kaliya marka Baarlamaanka hada jira xilkiisa dhamaado isla markaana lasoo doorto Baarlamaanka cusub iyo Guddoon Baarlamaan cusub. Madaxweynaha DFKMG qoraalkiisa ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka hada jira uusan xilka u kordhin Karin Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in siyaasiyan la isku raaci karo xil kordhin dhamaan hay’adaha Dowlada Federaalka hadii ay jirto “Baahi” ama “Daruufo”, balse uusan Baarlamaanka oo kaliya xilka kororsan karin. Shiikh Shariif ayaa qoraalkan uga digay shirarka jaraa’iid ee kasoo baxaya qaar kamid ah mas’uuliyiinta DFKMG, asagoo sheegay go’aanada kasoo baxa Baarlamaanka in loo baahan yahay in loo keeno Madaxweynaha si uu ansixiyo oo uu u noqdo sharci dastuuri ah. Warsaxaafadeedka maanta kasoo baxay dhanka Madaxweynaha DFKMG ayaa qeyb ka ah xurgufta siyaasadeed ee sii jiitamaysa ee ku aadan khilaafka ka dhashay xilka sii dhamaanayaa ee DFKMG. Baarlamaanka ayaa asagu sheegay inuu xilka kordhistay 3 sano, ayadoo Madaxweynaha Shiikh Shariif uu arrintaasi horey uga horyimid, balse sida ka muuqata qoraalkan Madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashada Madaxweynaha imaan karto oo kaliya markii lasoo doorto Baarlamaan cusub, hadii xil kordhin lagu sameenayo hay’adaha dowlada si wadajir ah xilka loogu kordhin karo balse aysan ahayn in Baarlamaanka kaligiis xilka kororsado. Waxaana qodobada kale ee muhiimka ah ee Warsaxaafadeedkan lagu sheegay kamid ah in Guddoonka Baarlamaanka aan xilka loo kordhin karin, Baarlamaanka hada fadhiyana uusan awood ullahayn sharciyan in xilkordhin ku sameeyo Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Qoraalka warsaxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed ayaa u qornaa sidatan: War-Saxaafadeed: (Muqdisho, Soomaaliya, War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweeynaha JS.maanta oo ay taarikhdu tahay 24/03/2011) Madaxweynaha jamhuuriyadda Isagoo tixraacaya: War-saxaafadeedkii Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah JS ee 19/03/2011, waxaan dib u akhriyay qodobada:40,41,42 iyo 43 ee Axdiga KMG ah iyo qodobada: 70,72 & 75 ee Dastuurkii 1960kii, oo dhammaan ku wada saabsan: shuruudaha, sharraxaadda, doorashada, muddada xilka iyo arrimo kale ee la xiriira Madaxweeynaha, isagoo dhagaystay: talada sharciyaqaanno iyo khubaro qaanuun ee ku xeel dheer arrimahaas, Waxaa u caddaatay arrimaha soo socda oo kala ah:- 1- Sida ku cad qodobka 43aad ee Muddada xilka Madaxweeynaha: “ —Madaxweynuhu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga – ilaa inta qof kale ee loo soo doortay Madaxweeynanimada uu xilka kala wareegaayo”. 2- Marka laga reebo sababaha faqradda sare ku qoran, Doorasho Madaxweeyne waxay qabsoomi kartaa oo keliya marka ay dhammaato mudada Baarlamaanka, mid cusubna uu shaqadiisa billaabo oo marka hore doorta shir guddoonkiisa. 3- Guddoonka Baarlamaanka waxaa la dooran karaa muddada oo aan dhamaanin haddii: Shirgudoonku si wada jir ah isu casilo ama Baarlamaanku kalsoonidii kala laabto sabab kasta ha ku timaadee, 4- Baarlamaanka hadda jira awood sharci ah uma laha in ay doorasho u cusbooneysiiyaan shir-gudoonka iyo Madaxweeynahaba iyadoo waqtigii uusan weli dhammaan, sababaha Axdigu sheegaayo ee kor ku xusan aysan jirin. 5- Aqoonyahannada sharcigu waxay qirayaan xattaa haddii laysku raaco muddo kordhin cusub sharci ahaan ma aha in loo fasiro ama lagala mid dhigo Baarlamaan cusub oo la soo doortay, mana keeneeyso in hay`adihii Dastuuriga ahaa ee dalka ka jira dhismahoodii dib loogu laabto. 6- Nuxurka muddo kordhintu waa waqtigii la qabtay oo lagu dhammaystiri waayay howlihii laysu xilsaaray, sidaas darteedna waqti dheeraad ah loo baahan yahay, baahida waqtiga dheeriga ah oo lagu dhammaystiro howlahaas waxaa u baahan dhammaan hay`adaha Dastuuriga ah ee ma aha baahida barlamaanka oo keliya. 7- Ugu danbeyntii waxaa tixgelin gaar ah mudan marxaladda adag ee khatarta ah ee dalku marayo oo loo baahanyahay in si wada jir iyo wada shaqayn joogto ah looga samata baxo, oo aan la abuurin laguna mashquulin murano iyo isqabqabsi siyaasadeed oo fursad siin karta cadowga khatarta joogtada ah ku haya jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. 8- Waxaa kaloo muhiim ah in la helo wada shaqayn iyo is ixtiraam joogta ah ee dhexmara ha`yadaha Dastuuriga ah iyadoo la ilaalinaayo ku dhaqanka Axdiga iyo shuruucda dalka iyo in Hay`adaha Dastuuriga ah cid waliba loo daayo gacanna lagu siiyo gudashada howlaha Axdiga iyo shuruucda kale loogu xilsaaray, islamarkaasna laga fogaado shirarka jaraaid oo aan maslaxadda umadda ku jirin. 9- Waxaa mar kale la xasuusinayaa Guddoonka baarlamaanka mar haddii ay dhisan yihiin Ha`yadihii dastuuriga ahaa ee dalka, in ay waajibaadkooda ka mid tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo hab raaca sharci dejinta dalka ee uu baarlamaanku gaaro loo gudbiyo Madaxweeynaha JS si loo ansixiyo loona dhaqan geliyo ugana mid noqdaan shuruucda dalka lagu maamulayo.
  13. Shariif oo sharci daro ku tilmaamay in barlamanka uu qabto doorasho Muqdisho: (Sh. M. Network) Warsaxaafadeed ka koobnaa 9-qodob oo looga hadlayay doorashooyinka Madaxtimo ee Soomaaliya ayaa maanta kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya. Warsaxaafeedka oo uu ku saxiixanyahay Maalik Cabdall oo ah agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada aya lagu sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo tixraacaya: War-saxaafadeedkii Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee ku taariiqeesnaa 19/03/2011, waxaan dib u akhriyay qodobada: 40,41,42 iyo 43 ee Axdiga KMG ah iyo qodobada: 70,72 & 75 ee Dastuurkii 1960-kii, oo dhammaan ku wada saabsan: shuruudaha, sharraxaadda, doorashada, muddada xilka iyo arrimo kale ee la xiriira Madaxweeynaha,isagoo sida Warsaxaafadeedka lagu sheegay dhagaystay: talada sharciyaqaanno ku xeel dheer arrimahaas, waxaa u caddaatay arrimaha soo socda Sida ku cad qodobka 43aad ee Muddada xilka Madaxweeynaha: “Madaxweynuhu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga - ilaa inta qof kale ee loo soo doortay Madaxweeynanimada uu xilka kala wareegaayo”. Marka laga reebo sababaha kor ku qoran, Doorasho Madaxweynaha waxay qabsoomi kartaa oo keliya marka ay dhammaato mudada Baarlamaanka, mid cusubna uu shaqadiisa billaabo oo marka hore doorta shir guddoonkiisa. Guddoonka Baarlamaanka waxaa la dooran karaa muddada oo aan dhamaanin haddii: Shirgudoonku si wada jir ah isu casilo ama Baarlamaanku kalsoonidii kala laabto sabab kasta ha ku timaadee. Baarlamaanka hadda jira awood sharci ah uma laha in ay doorasho u cusbooneysiiyaan shir-gudoonka iyo Madaxweeynahaba iyadoo waqtigii uusan weli dhammaan, sababaha Axdigu sheegaayo ee kor ku xusan aysan jirin sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka. Warsaxaafadeedkan kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo beegmay xil maanta dalka dib uu ugu soo laabtay gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasana Sheekh Aadan oo ay soo dhaweeyeen Xildhibaano badan oo ka tirsan barlamanka islamarkaana sheegay in uu soo magcaabay guddi soo qaban qaabiya Doorashooyinka Madaxtinimo oo dalka ka dhacda ka hor bisha Augusta
  14. Madaxweyne Shariif oo Sharici daro Ku Tilmaamay in Dalka lagaqaban Qaabiyo Doorashooyin isaga Ka dhan ah Muqdisho: (HWN) ayadoo dhawaanahan ay jireen Qilaafyo udhaxeeyo madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamanka oo la isku yiraahdo labada shariifa ayaa kan gudoomiyaha barlamanka waxa uu wadaa qorshe uu Gudi ugu sameynaayo doorashooyinka soomaliya ayadoona uu ka hadlay madaxweynaha soomaaliya sheekh shariif isla markaana daleeceeyay Muqdisho: (HWN) ayadoo dhawaanahan ay jireen Qilaafyo udhaxeeyo madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamanka oo la isku yiraahdo labada shariifa ayaa kan gudoomiyaha barlamanka waxa uu wadaa qorshe uu Gudi ugu sameynaayo doorashooyinka soomaliya ayadoona uu ka hadlay madaxweynaha soomaaliya sheekh shariif isla markaana daleeceeyay War saxaafadeed ka kooban 9 beej uuna kusaxiixan yahay afhayeenka madaxtooyada dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa loogaga hadlayay Doorashooyinka uu qaban qaabinaayo gudoomiyaha barlamanka soomaaliya Waxaana war saxaafdeedka Lagu sheegay in uu Yahay mid xad gudub ah War saxaafadeedka ayaa la sheegay inuu ka socdo madadweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh shariif S.axmed waxaana lagu sheegay inuu Tixraacayo War saxafadeed kale oo ka soo baxay Gudoomiyaha barlamanka soomaaliya oo lagu sheegay inuu qaban qaabinayo doorashooyinka kadib markii uu madaxweyne shariif xilka kadago Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee soomaaliya Sheekh shariif aya sheegay inuu Tixraacayo Qodobadaan 40,41,42 iyo 43 ee Axdiga KMG ah iyo qodobada: 70,72 & 75 ee Dastuurkii 1960-kii oo ayaga dhan kuwada saabsan Sharaxaada Doorashooyinka iyo qaabka uu uqabsoomi karo Madaxweyna shariifa ayaa ka soo horjeestay Shirciyada uu waado gudomiayah barlamanka soomaaliya asagoona sheegay in doorasho laqaban karo kadib markii qofka maadxweynah uu asaga is casilo ama geeri kutimaado iyo in dhamaan xubnaha barlamanka ay waqtiga ka dhamaado lana soo doorto gudoon iyo Xubno kale oo cusub waxaana war saxaafdeedkaan uu ujeedkiisa ahaa in gudoomiyaha barlamanaka soomaaliya uusan wax doorasho ah qaban karin ayna halmar wada dhacayaan
  15. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=K3RaVaqJ9_g" frameborder="0" allowfullscreen>
  16. oba hiloowlow;705128 wrote: horta sirar badan ayaa jirto oo aan la socdo, icu xataa hadeysan weerari laheyn iyaga is dagaali lahaa ileen ninba mowqif uu lahaa,, for example xassan daahir madaxweyne uu rabay inuu ahaado, shariif in lala heshiiyo geedi iyo cabdullahi uu rabay 2006dii october, iyo ragaan jihaadiyiinta. U malayn mayo sharif inu berigi, rabay inu la heshiiyo TFG wuxu ba aha ninka ayadaha quraanka dalilsan jiray oo odhan jiray inta ay xabashidu dalka joogta wax wada hadal ah nama dhex mari karaan gaalada iyo gaal kalkaalka waan xasuusta madaxweynaha dalka suudaan mudane Cumar Xassan al bashir ba gogol fiidiyey oo yidhi heshis baan dhex dhigaya kooxaha Somaliya isku hirdayaa laakin weynu ognahay halkay ku danbeysey, xassan daahir aweys runti wa la odhan kara inu xukun jecelyahay laakin wa nin qadiyad adag weye wuxu shalay xaaraan ku sheegeyey maanta xalaal u noqon meyso i respect him for that.
  17. There was no massacre in the buhoodle district committed by the Somaliland army (Ciidanka qaranka) Not a single reer mye or innocent civilian was hurt by the Somaliland Troops. baseless propaganda i say
  18. oba hiloowlow;705123 wrote: ICU iyo shabaab waa kala duwan yihiin mana isku dhaw.. sii fiicana aan uu kasaaya damacaada ee waxba hays wereerin.. ICU iyo Alshabaab wax u dhexeya ma jirto wa isla iyagi uun Kooxdi ICU qayb ba dalka ku sii hadhay qeyb na Eritrea bay u qaxday daahir aweys iyo sharifka kooxdi ku hadhay waxay ahayeen muqaawamo Shabaab bay noqdeen sh sharif na marki danbe wa ki ku biiray Dawladi TFG aweys na waki xisbal islam samaystey damacaad sheegeysid wamaxay
  19. Adis ababa(Pi)Waftigii uu horkacayey Madaxweyne faroole oo baryahaanba booqasho sahqo dalka uga maqnaa ayaa bari kusoo laabanaya Dalka, Madaxweynaha iyo waftiga weheliya oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Dalka Itoobiya ayaa bari imaanaya Garowe. Madaxweynaha iyo Waftiga la socda ayaa bishii hore dhamaadkeedii u safray dalka Talyaaniga iyagoo tan iyo xiligaas dalka ka maqnaa. Warar kale oo aan rasmi aheyn ayaa noo sheegey in Madaxweynaha iyo wafti kale ay u kicitimi doonaan dalka Kenya isniinta ka dib markey yimaadaan Garowe. Puntlandi.com
  20. oba waan ogahay Alshabaab siyasad fiican kuma shaqeyaan laakin wa ereyo ay iskaga hadleen dad ka mid ah oo ka tirsan shabaabka Siyadasada Shabaab wala badali kara wa in meel dhexe la iskugu imaado , Dawlad Shabaab way raban laakin dawlad nooca TFG ayayse rabin sh sharifku so ma ahayn nin ka tirsananin jiray kooxdi islamic courts union isku wax bay raban sharciga islaamka laakin waxa weye inay ku heshiyeen qabki la isku xukumi laha it's that simple ma waxaas oo dhan aad ogtahay bay dad intaas u fara badani u barakacayan oo dhimanayan ilahow miirka iyo maanka hanaga qaadin,, aqoonsiga aad sheegeysid na halkeed kala soo baxday topica la qabso adeer
  21. This parliamentarian know was up he knows only through negotiations there will be a long lasting solution for Somalia
  22. Somaliland seizes six Somali pirates“ After received intelligence reports from neighboring Yemen, we were keeping truck of the pirates and today our naval forces managed to intercept them” Ator explained. Source: (AHN) Reporter: Abdi Hajji Hussein Location: Erigabo, Somaliland, Somalia Published: March 24, 2011 09:35 am EDT Topics: Crime, Law And Justice, Crime, Gang Activity, Crime, Law And Justice, Police, Arrest The coast guards of the breakaway republic of Somaliland have seized at least six Somali pirates and their boat, according to Somali-language website Hadhwanaag.com. Read more: http://www.allheadlinenews.com/briefs/articles/90041861?Somaliland%20seizes%20six%20Somali%20pirates#ixzz1HXUAEXKT