-
Content Count
30,089 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
79
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Weftigii Sarkaalkii Ka Goostay Kooxda SSC Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Widh-widh April 6th, 2011 ‘Waxaan Burco Iyo Hargeysa Kala Kulanay Walaaltinimo Iyo Jacayl Loo Qabo Dadka Deegaanka Widh-widh, Waxaanan Madaxweynaha Kala Hadlay’ Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayihii Birmadka iyo Warfaafinta ee Kooxda Nabad diidka ah ee SSC Keyse Cabdi Yuusuf iyo sodameeye ka mid ah waxgaradka deegaanka Widh-widh, muddo sadex todobaad ah socdaal nabadeed ku joogay Somaliland ayaa Isniintii si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka Widh-widh ka dib markii ay dib ugu laabteen deegaankoodii. Keyse Cabdi iyo odayaasha kale waxa lagaga hor yimid duleedka deegaanka Widh-widh. Weftigan ayaa habeen hore shir qaatay saacado la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka degmada Widh-widh waxaana hadal uu ka jeediyay shirkaasi ka hadlay Keyse Cabdi Yuusuf waxaanu uga waramay socdaalkii nabadeed ee uu ku yimid Burco iyo Hargeysa waxaanu sheegay inay kala kulmeen shacbiga Somaliland soo dhawayn iyo jacayl ay u qabaan dadka degan deegaanka Widhwidh, Buuhoodle iyo Soolba. Keyse waxa uu sheegay inay kulamo la yeesheen masuuliyiinta Somaliland oo uu ku jiro Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay kala hadleen sidii loo horumarin lahaa degmada Widh-Widh. “Socdaalkii aan ku tagay Burco iyo Hargeysa wuxuu ahaa ceelalyo iyo sahan nabadeed, waxaanu kala kulanay Burco iyo Hargeysa soo dhawayn aan la qiyaasi Karin, walaaltinimo iyo jacayl ay u hayaan dadka ka soo jeeda deegaanka Widh-widh, Buuhoodle Iyo Soolba. Waxaan la kulmay masuuliyiin badan oo Madaxweynaha Somaliland ka mid yahay waxaan kala hadlay 12 qodob oo salka ku haya horumarinta deegaanka Widh-widh, waana ay naga aqbaleen,”ayuu yidhi Xoghayihii hore ee Kooxda ee SSC. Keyse waxa uu sheegay inay iyaguna ka balan qaadeen Madaxweynaha in shacbiga degmada Widh widh ay kaalin ka geystaan nabadeynta “Anaguna waxaanu ka balan qaadnay in deegaanka Widh-widh noqdo xudunta Nabadgelyada, waxaan jecelahay in waxgaradka deegaanku ay nala qaataan arrintaasi,”ayuu yidhi Sarkaalkaasi. Sidoo kale, xubno ka mid ah waxgaradka deegaanka Widhwidh ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la soo afjaro colaada ka taagan deegaamo ka mid ah bariga dalka, waxaanay balan qaadeen inay xukuumada Somaliland kala shaqaynayaan nabadda. Waxaanay sheegeen inay war murtiyeed rasmi ah soo saari doonaan Arbacada maanta. Dhinaca kale, odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ayaa habeen hore afar nin oo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah oo ka yimid Buuhoodle kulan ay la yeesheen waxay ugu baaqeen inay ka baxaan deegaanka Widhwidh haddii kale waxgaradka deegaanku go’aan ka soo saari doonaan. Waxaanay nimankaasi markii dambe ku noqdeen magaalada Buuhoodle. -
Raysalwasaare Farmaajo oo ka duulaya Garoonka Muqdisho Photo: Xafiiska RW Raysalwasaaraha Dawladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u duuley dalka Kenya. War ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in Mudane Farmaajo uu casumaad ka helay dhigiisan dalka Kenya Raila Odinga. Raysalwasaare Farmaajo ayaa saxaafadda u sheegay waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan Raysalwasaaraha Kenya ka hor inta aanu ka duulin magaalada Muqidisho. “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.” ayuu yiri Farmaajo Waxaa lagu wadaa in todobaadka danbe dalka Kenya uu ka furmo shir heer caalami ah oo ay soo qaban-qaabisey, Qaramada Midoobey kaas oo ah mid waatashi kuna saabsan sidii dhinacyada Soomaalidu ay u wada hadli lahaayeen meelna isula dhigi lahaayeen marka la gaaro bisha Agoosto ee uu dhamaado xiliga sharciga ah ee Dawladda kumeelgaarka ah. Xukuumadda kumeelgaarka ah ayaa shirkaas qaadacdey, sidoo kale xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa ku baaqey in aan shirkaas laga qayb gelin. Ma cadda in Raysalwasaare Raila Odinga ku qancin doono Raysalwasaare Farmaajo in shirka Nairobi ka furmaaya 12 -13 April ay ka soo qaybgalaan iyo in kale, sidoo kale raysalwasaare Farmaajo ma sheegin in Beesha caalamka ee taageerta DFKG uu kula kulmi doono dalka Kenya mudada uu halkaas ku sugan yahay. Safarka Raysalwasaaraha ayaa ku soo beegmaya isaga oo laba maalmood ka hor ku dhawaaqey in Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku hawlan arrimaha Soomaaliya ay 90 maalmood gudahood ugu soo guuraan Muqdisho. Hooska aklhri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha: Horseed Media Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo u ambabaxay Dalka Kenya si uu ula kulmo dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya (Muqdisho – Khamiis, 06 April 2011)—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay gegida dayuuradaha ee Aden Adde International Airport isagoo ku sii jeeda Dalka Kenya oo uu casuumaad Rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka C/qaadir X. Maxamed (Suldan lugadhere), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow), waxaana la filayaa inuu dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu la qaato kulan rasmi ah maalinta Khamiista 7-da April 2011 si ay uga wada hadlaan arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee wallaalaha ah, sii xoojinta la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee argagaxisada ah ee dhibka ku haya dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska ahba. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.” Kulankan ayaa lagu wadaa inuu ku soo dhammaado afgarad iyo labada dal oo xiriirkooda wallaaltinimo sii xoogooba.
-
QURBAJOOGTA BEELAHA AWDAL IYO SELEL OO TAAGEERAYA QARANIMADA SOMALILAND CAMBAARAYNAYANA CIDA KA DAMBAYSA EE IS QARINAYSA AWDAL STATE. April 3, 2011 Anagoo ah qurbajoogta beelaha awdal iyo selel ee ku dhaqan dalalka waaweyn ee reer galbeedka waxaan si aad iyo aad u sareysa u taageeraynaa dawladdeena iyo qarankeena somaliland, anagoo hiil iyo hooba la garab taagan xukuumaddeena xorta ah ee uu hogaanka u hayo xisbigeena kulmiye ee kulmiyey dadkii dhan. waxaan habeen iyo maalin taageero buuxda siinaynaa madaxwenesiilaanyo iyo madaxweyne ku xigeen saylici, waxaan u huraynaa dhiigayaga iyo naftayada in aan diofaacno somaliland. sida aad u ogtihiinba somaliland dhiig ayaa u soo daatay oo beello fara badan ayaa wiilal badani ka dhamaadeen haddii ay tahay kuwii soo dagaalamayey iyo kuwii la dagaalamayey oo xiniinyo isku hayey laakiin kuwii GARAAXDA AMA ARAABIKHIDA cunayey waqtigaas ayaa maanta leh awdal state aan raadino . waa aakhirasaban waana rogmadkii nin aan waligii xataa aan qori uu isku difaaco aan iibsan siduu rag iskaga celin, muxuu awdal state ku raadin ma wuxuu moodayaa in basaasnimno iyo is daba marid dal lagu xoreeyo. ragan is qarinaya ee caruurta soo diraya waxaan dawladda ka codsaynaa in ay faro dhiig leh ku qabato,oo xataa haddii dambiga lagu helo si kuwa kale u qaxaan waa in la dilo. waxaan taageero aad u sareysa u diraynaa geesiga badhasaabka gobolka awdal oo galabta amar ku bixiyey in laba nin oo meelahaa wax ku qor qopra xabsiga dhexe loo dhaadhiciyey waxaan ku taageeraynaa maamulaha saldhiga dhexe ee boorama in uu hawshiisii sidii aan ugu yeedhinay u qabsaday , taasina waa dawladnimada. waxaan qarankayaga la garab taaganahay hiil iyo hooba., waxaa kalew oo aan taageero la garab joognaa laamaha amniga iyo sirdoonkasomaliland oo baryahan hawshoodii kor u qaaday.ka dib markay ka heleen tababaro iyo qalab muhiim ah dalka ingirioiska iyo maraykanka. SOMALILAND HA NOOLAATO SOMALILAND HA JIRTO OO HA JOOGTO. MAXAMED LIIBAAN CUMAR WASHINGTON DC/U S A
-
Breaking News: Brutal Killing in Garowe, Town is Tense
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Lama oga sababta ka dambeysa dilkaasi, hase yeeshee waxaa in dhowaaleba magaalooyin ka tirsan Puntland ka dhacayay dilal qorsheysan oo qaarkood ay salka ku hayaan aano qabiil. So he was killed because of his clan that's sad -
No Awdalians don't share anything with Koonfurians Like you and your rebel cousins they fight piracy you are a pirate they are Somalilanders you are a koonnfurian. You are from wartorn Somalia they are from Civilized Somaliland , they are from where the civilization of Somalis started which is western Somaliland, no my friend there is nothing you share with the noble Awdalians try again.
-
^^ Another piece written by the ssc rebels this awdal stuff is supported more by the the likes of duke and his rebel cousins. Rather then the locals of awdal and selel.
-
Abokor Omar;709103 wrote: I bet you they have a statue of this old tool in Bossaso as gratitude from bringing the warring pirates together..lol ;)
-
^^ No that's saado cali and her crew
-
Sanadguuradii 30-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururkii Snm Oo Maanta Laga Xusayo Dalka Hargeysa, April 6, 2011(Haatuf) - Maanta oo laga xusayo dalka Somaliland, islamarkaana ku beegan sanadguuradii 30aad ee ka soo wareegtay maalintii ururkii SNM ee dalka xoreeyay lagaga dhawaaqay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ayaa munaasabada sanad walba loo qabto, ay ka soo qayb galaan mujaahidiintii London shirweynihii u horeeyay kaga dhawaaqay inta ka nooli. Ku dhawaaqada wakhtigaasi ururkii SNM ayaa ka dambaysay, ka dib markii uu tacadigii iyo dhibaatooyinkii uu ku hayay shacabka reer Somaliland taliskii milatariga ahaa ee dawladii dhiigyo cabkii Siyaad Barre, islamarkaana dhibaatadaasi isa soo taraysay, iyadoo taliskii Rajiimkaasi ku hayay shacbiga Somaliland oo xilligaas ka tirsanaa dalkii la isku odhan jiray Somalia dil, dhac iyo xadhig, ka dib siyaasiyiintii reer Somaliland, aqoonyankii iyo saraakiishii xooga dalka kaga jiray sameeyeen xidhiidho iyo shirar is-daba qarsoodiya oo is daba joog ah dibad iyo gudaba, islamarkaana ay kaga arrinsanayaan halgan lagala hortago taliska macangaga ah ee dalka xukumayay. Hadaba waxa xusid mudan aqoonyano dibada joogay dhinaca Carabta iyo Yurub ay isla qaateen, ka dib shirar hore oo ay wada yeesheen oo ku saabsanaa ku dhawaaqida SNM ay ugu dambayntii 6-April 1981-kii London kaga dhawaaqeen ururkii SNM, kaas oo horseed u noqday halgankii hubaysnaa ee xaq u dirirka, islamarkaana dumiyay quwadii Af-weyne oo ka mid ahaa dalalka Africa kuwa ugu xoogga weyn. Ururkii SNM ayaa muddo halgan qadhaadh ku naafaysay, islamarkaana ku burburisay quwadii Siyaad Barre kaga xoraysay dalkan Somaliland 1991-kii. Mujaahidiintii shirweynihii London kaga dhawaaqay ururka SNM oo waxa ka mid ahaa:- Axmed Maxamed Guuleed oo noqday gudoomiyihii u horeeyey ee SNM, Xasan Ciise Jaamac, Xasan Aadan Wadaadiid, Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamed Ismaaciil Duqsi, Prof C/salaam Yaasiin Axmed iyo xubno kale.
-
This is awdal two days ago
-
Breaking News: Brutal Killing in Garowe, Town is Tense
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Alayaraxma -
Thankful Ethiopia had it's own interest and so did we , we wanted to get rid of Siyad barres Government and in these kind of cases your enemy's enemy is your friend it's part of politics Isiyas and melez were both armed By Siyad barres government so its all fair in the game my friend. My Aim was an independent Somaliland and i got what i want i don't care what Ethiopias deep interest were or not Somalidu waxay tidha war ku guur laakin yaan lugugu guurin. Moonlight Sure the dervishes can be remembered and their Mullah and their poets and Military leaders and their forts in taleeh and in Midhsisho and badhan and in their short lived dervish state they Fought the British In burco that's where it all started and then fardhidin and then Beerdhiga jidbaale But they were not successful they were defeated and Somaliland gained independence 40 years Later that's why the two cannot be compared besides the Topic is not Darawiish but it's SNM i have never see you celebrate the Darwiish in Mogadisho how come? is it because you destroyed the statue of the Mullah as for your Point USC fought the Siyad bare regime yes they did but they started fighting Siyad bare in the Begin 1990s and before that many of the usc members were Part of the SNM Like Cosoble and others. As for Cabdi aziz bare well we all know what happened to him in In balidhiig in 1989 he attacked balidhig 3 times and all the 3 Battles he lost men and lost his technicals That's when he fled in to Laascanood. All of Southern Somaliland in 1989 was in the hands of SNM from kalabaydh to wajaale to Maqaxida inanta allaybaday Balidhig all the way to lawyacade Baliguduble SNM head quarters From 1988 1991 and in 1990 Sayid cali faction of SNM reseized eastern Hargeysa, The last Stronghold the Siyad bare govt held was berbera and they lost Berbera 3 days before usc Boys Knocked on Vila Somalia.
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM, Xuska Ku Aadan Sanad-guuradii 30aad Ee Asaaska Jabhadaa Oo Ku Beegan Maalinta Bari. Hargeysa (Ramaas) Apr.05 , 2011 - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Cabdi Yusuuf Gaboose, ayaa caawa hambalyo u diray guud ahaan mujaahidiinta SNM ee ka qaybgashay dagaaladi dalka lagaga xoreeyay tasliskii Maxamed Siyaad Barre oo xusuuq ba’an u gaystay shacabka Somaliland. Hambalyada wasiirku waxay ku aadan tahay maalintii asaasida jabhada oo ku beegan lixda bishan April oo ah maalinta bari, waana soddon guuradii ka soo wareegtay maalintii lagaga dhawaaqay magaalada London, taas oo ahayd 6-dii bisha April 1981. Waxaana uu Dr. Gaboose ilaahay ugu baryay mujaahidiinta SNM uu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, intii ku dhimatay dib u xorayntii dalkana uu ka waraabiyo naxrristiisa. Ramaasnews Desk
-
A_Khadar;709176 wrote: Finally, you cann't help to say S/L after all is SNM with your own terms and words. The two are synonymous right ya XX? I knew you're hold on to anything cause of arguing one point SNM is history and gone, now posting pics that S/L celeberating SNM. What a crazy mind of you. I am expecting you defending this now saying what? plz.. SNM is part of the History of Somaliland and even that of Somalia and we remember the history of our Country i don't see a problem with that do you? TPLF is part of Ethiopian History EPLF is part of Eritrean History SPLM is part of the history of south sudan and north Sudan.