-
Content Count
30,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
General Duke;709688 wrote: Puntland indeed controls most of SOOL, SANAAG and CAYN without any doubts. Even the SSC group with all their talk are no more than an extension of Puntland, unionists and anti secessionists. Puntland does not control the capital city of sanaag nor do they control the capital city of sool what do you consider most of and the buhoodle city is run by the local elders and parts of it is run by the rebels. there is no Buntiland is is irrelevant
-
Boosaaso:Koox hubaysan oo xalay gudaha Boosaaso ku dishay midkamid ahaa Nabadoonada gobolka bari & Maamulka oo ka hadlay. 7. april 2011 Boosaaso:(Allpuntland)-Koox dabley ah oo hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland ku dishay Eebe ha u raxmadee Marxuum Saalax Cabdisalaam Axmed (******) oo kamid ahaa Nabadoonada gobolka Bari,waxaana marxuumkan la dilay xili uu gurigiisa sii galayey. Goobjoogayaal ayaa APL u sheegey in marxuumka oo kasoo noqday masjid aan waxbadan u jirin gurigiisa oo uu Salaadii Maqrib kusoo tukaday ay dishay koox madaxa soo duubatay kuwaas oo dhowr xabadood ku boobtay marxuumka iyagoo markii danbena isla goobta ka baxsatay. Gudoomiyaha gobolka Bari ee dawlada Puntland Sheekh Cabdi Xaafid Cali Yuusuf oo saaka APL la hadlay ayaa canbaareeyey dilkaas,isagoo sheegey inuu ahaa mid ay geysatay koox uu ugu yeeray Argagixiso isagoo sidoo kalena sheegey in ciidamada Amaanku ay wadaan baaritaano culus oo ay ku raadjoogaan cidii dilka Nabadoonkan ka danbaysay,Waxaana uu dilkani noqonayaa kii afraad oo mudo bil ah deegaanada Puntland loogu geysto nabadoonada Puntland iyadoo labo kamid ahna ay ka dheceen magaalada Boosaaso.
-
Ethiopia is not an Arab Country
-
Somalidi way washeen allow u sahal state ba washay
-
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
awoow ninku ma dhama badhitaan ba u socda dakhtarka weyn eeh hargeysa -
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Salax we can't take the Jidbaale Boys serious remember when they said Garaad abshir was chased away when he welcomed talks with Somaliland officials last year in widhwidh . Non of that was true Garaad abshir was warmly welcomed by his people. The same way the Widhwidh caaqil was welcomed by his people today. -
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Somalina;709514 wrote: Xagguu ka keeney grenade-ka? askari waashey miyuu ahaa? I am not sure mala garowe bu ka so ibsaday -
Kenya creates new state to act as military, political buffer
Xaaji Xunjuf replied to Jacpher's topic in Politics
So this gandi guy is a kenyan puppet interesting -
Khubaddii Wasiirka Arrimaha Guduhu Ka Jeediyay Xuskii Ururkii SNM April 6th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ku dedaalayo siddii uu uga dhabeyn lahaa himiladdii halgankii loo soo maray Dalka. Islamarkaana, waxaa uu tilmaamay in aan waqtigan la fileyn cabasho ka soo yeedha halgamayaashii SNM qaarkood. Dr; Gaboose oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay Aas-aaskii ururkii SNM 1981 oo maanta oo kale ku beegneyd, taasoo lagu qabtay Caasimadda Hargeysa ayaa khudbad uu ka jeediyay waxaa uu ku tilmaamay in aan halganku dhamaan loona baahanyahay in la sii waddo oo aan laga niyadjabin. Hadalka Wasiirka Arrimaha guduhu waxaa ka mid ahaa oo uu khudbadiisa ku yidhi siddan: “Waxay himilladoodu ahayd in qaran cadaalad iyo dimuquraadiyad ah la hello, waxaana hor taalay nolol adag oo musuq maasuq cadaalad darro ku dhisan. Waxay ujeedadoodu ahayd oo ay dhiigooda u hureen, in dimuquraadiyad sinaan iyo cadaalad la hello. Sidaas awgeed, waxaynu hiigsaneynaa way ka balaadhan tahay nolol maalmeed waa qarankaa maanta caalamku ammaanayo ee wufuuda iska soo daba-dhacaysa aad arkaysaan, su’aalaha maanta caalamku is weydiinayaana waxaa ka mid ah, siddee ayaad halkan ku gaadheen. Guulahaana waxa dhaliyay, raga aan idiin sheegay ee qaar nool-yihiin, qaar geeriyoodeen kuwana dhaawacmeen. Markaa waa in himiladeenu noqotaa in ka gaadhi qurux badan watta uu gaadhigiisa wato inana aynu mid ka sii qurux badan kaxaysano. ..Horena dhaqankeena ugumay jirin, in aynu ka masayro wax qof kale wato, himiladeenu waa in ay noqotaa qaran qani ah oo cadaalad ah, markaas ayaynu wixii SNM u soo halgantay dhadhan yeelanayaa. Waxaan idiin sheegayaa, umad walba halgankeedu waa sil-silad., ilaa maalintii gumaysigii ingiriiska ragbaa dhiigooda hurayay oo hanti ku bixinayay waana sil-silad taxane ah, halganka SNM-na meel dhumuc leh ayuu ka galayaa, dhamaantoodna waa la xusayaa. Waxaa halkan fadhiya Boobe oo taariikh badan haya, mid wal oo taariikhdaas ka mid ahna quruxdeeda ayay yeelanaysaa taas ayaanay ku jirtaa danta Somaliland.” Waxaan idiin sheegayaa in aanu halgankii dhamaan, haddii kuwii dibada joogay ay ahaayeen kuwaa tanaasulay ee qarankii xukunkiisa ku wareejiyay dadka Somaliland, dhiseena qaran la wada leeyahay, kana tanaasuleen damacooddii iyagoo eegaya walaalnimadda ummadda halgankii intaas kuma dhamaan dagaal dheer ayaa ina sugaya. Geesiyaal danbe ayaana dhalan-doona, kuwa dhabarkeena ku jira ayaana Lixle, Maxamed Cali iyo Siilaanyo noqon doona. Waad ogtihiin Madaxweynaha maanta dalka haystaa inuu dhaxantii iyo daranyaddii qaxootiga idinla joogay, himiladdii kuwaasi lahaayeen ayuu leeyahay, mana aan fileyn in maanta SNM cabanayaan. Waxaan idiin sheegayaa, waa in aad ku riixdaan Madaxweynaha inuu cadaalada ka shaqeeyo, waa in aad ku riixdaan inuu Ilaaliyo agoonta Somaliland oo dhan koone kasta oo ay joogto, waa in aad ku riixdaan inuu ilaaliyo ka waalan ee Jidka maraya. waxaan idiin balanqaadayaa aniga oo xukuumadda maanta u jooga halkan in Madaxweynaha Somaliland oo aan ogahay dareenkiissu uu yahay in Agoonta iyo Taariikhda Somaliland wax weyni iska bedelaan.”
-
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Tell me about your different report Mr A khadar -
Pro Sh sharif and farmaajo protests in north Galkacyo
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
General Duke;709490 wrote: However reer Mudug are always champions of Somaliweyn and support Farmaajo's stance against the UN. That's right north galkacyo Folks Support Farmaajo and they Don't support Faroole,, In his political wars against the TFG faroole supports the UN conference led by mahiga in nairobi while the people of north galkacyo believe that Farmaajo represent them and not Mr garowe -
Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Oodweyne Oo Maanta La Furay Saddex Iyo Labaatan Sanno Ka Dib. Oodweyne (Ramaas) Apr.6, 2011- Cisbitaalka guud ee Magaalo madaxda gobolka Daad-Maadheedh ee Oodweyne, ayaa maanta si rasmi ah loo furay markii ugu horaysay muddo ka badan saddex iyo labaatan sanno oo uu xidhnaa ka dib markii uu ku buburay dagaaladii u dhexeeyay jabhadii SNM iyo ciidamadii dawladii kacaanka Soomaaliya. Furataanka cisbistaalkan oo dhismihiisa fuliyeen hay’adaha gargaarku waxa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland, madaxda gobolka Daad-Madheedh iyo dadweynaha ku nool Magaalada Oodweyne, iyada oo la dhamaytiray in badan qalabka loogu talagalay cisbitaalka sida ay sheegeen madaxdii ka hadashay furitaanka cisbitaalku. Wasiirka ku xigeen caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka hadashay munaasadaas, ayaa sheegtay in cisbitaalkan oo uu wax wey ka tari doono baahida caafimaad ee ay qabeen shacabka gobolka oo ah mid ay ballaadhan tahay baxaadeedu, waxa ay sheegtay in wasaarada caafimaadku ay gacan ka gaysan doonto socodsiinta adeegyada cisbitaalka oo ay bixin doonto agabka loo baahan yahay, isla markaana ay bixin doonaan mushaharka shaqaalaha. Dhanka kale isna xadhiga lag jaray cisbitaalka TB-da ee Magaalada Oodweyne oo xidhnaa muddo dheer oo hada u hawgali doona si toos ah oo lagu daaweyn doona bukaanka qaba xanuunka qaaxada. ku yeelan xidhiidhka ay Somaliland beesha caalamka, waxaana la rajaynayaa in dib loo soo celiya oo uu guddida ka mid noqdo
-
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ Are you telling us the widhwidh caaqil and mustafe galaal and keyse were not be welcomed in their own city ? -
Pro Sh sharif and farmaajo protests in north Galkacyo
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Faroole is losing credibility and that's a fact and his Garowe clan can't control the will of the people of north Galkacyo as they openly support the TFG things that are Forbidden according to the Admin in Garowe. When was the last time Faroole Visited Galkacyo? -
Xisbiga KULMIYE Oo Mar Kale Ummadda U Soo Bandhigay Bisaylkiisa Shirkii Golaha Dhexena Cayimay April 6th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa maanta shaaciyay xiliga la qaban doono shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi. Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Waxaan maanta oo ay bishu tahay 6/04/2011 ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu marka ay tahay 6 june 2011. Sidaas darteed waxaan ka rajaynayaa dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay u diyaar garoobaan siday uga soo qayb geli lahaayeen shirka. Iyada oo shirka wakhtigiisu dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood.” Xisbiga KULMIYE oo hore u ahaa xisbigii shirweynihiisii iyo shirkii Golaha dhexeba u qabsaday si dimuqraadi ah, ayaa Talaabadani noqonaysaa in xisbigaasi mar kale ummadda Somaliland u soo bandhigay dimuqraadiyadiisa iyo sida uu u yahay xisbi furan oo dhexdiisa la iska soo sharixi karo. Waxa kale oo dadweynuhu u guuxeen tallaabadii madaxweyne Siilaanyo uu u wareejiyay Hoggaankii xisbiga maalmo ka dib markii uu la wareegay tallada dalka. Cumar Maxamed Faarax
-
Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la Cayimay. Wednesday, 06 April 2011 Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa muddeeyey wakhtiga la qaban doono shirweynaha Golaha Dhexe ee xisbiga. Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Ismaaciil Shabeel, ayaa ku dhawaaqay in shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga la qaban doono 6 June 2011-ka.War-murtiyeed Guddoomiyuhu soo saaray oo uu arrintaasi kaga hadlay, isla markaana ku wargeliyey xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;“Waxaan maanta oo ay bishu tahay 6/04/2011 ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu marka ay tahay 6 june 2011.Sidaas darteed waxaan ka rajaynayaa dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay u diyaar garoobaan siday uga soo qayb geli lahaayeen shirka.Iyada oo shirka wakhtigiisu dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood,” ayuu ku soo gebogabeeyey qoraalkiisa guddoomiyuhu.Togdhnews
-
Weleh yarta angelina Jolie waxay ku jirta Dumarka ugu dabnaha Buux buuxsan
-
Pro Sh sharif and farmaajo protests in north Galkacyo
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
General Duke;709427 wrote: Puntland population love the republic. The population can agree and disagree with their leadership. You mean the population from North galkacyo hate the Faroole Admin and they don't take the Admin in garowe serious and they rather support the TFG instead of the local Clan leader in Garowe. It's seems Faroole is losing it, he lost the people of galgala he lost the Darwiish Folks and now the support of North galkacyo.