Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,096
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. If he does not resign the rift between the two sharif will start all over again if he stays then there should be selections in august and he will leave any way along with sheikh dalxiis.
  2. Somalina awoow shacabka Xamar wey jecelyihin faarmaajo i know that laakin what sheikh dalxiis did wax loo dul qadan karo maha Faarmaajo does not deserve to be treated like that by crook sharif sakiin and his new buddy sheikh dalxiis why did sheikh dalxiis sacrifice Faarmaajo for while the pm always stood by the president and helped him out they were supposed to be a team.
  3. yeah Duke something like that but obviously if the president just comes and visits your neighborhood Pictures are there to be taken.
  4. Madaxweyne Siilaanyo oo caawa Fiidkii markii ugu horeysay u soo baxay Suuqa Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Caawa markii ugu horeysay tan iyo intii uu xilka qabtay lagu arkay isagoo wareegaya Xarunta Madaxtooyadda Horteeda iyo Suuqa Xero Awr ee Bisiniska. Madaxweyne Siilaanyo waxa socodkan ku wehelinaysay Marwadiisa Aamina Waris, Chief of Cabinetka Madaxtooyadda iyo Xoghayihiisa gaarka ah, waxaana dusha kala socotay koox yar oo ka mid ah Ilaaladiisa gaarka ah. ma cada ujeedada uu u soo baxay Madaxweynuhu hase yeeshee goobaha uu maray ayaa waxa uu kula kulmayay dadweynaha jooga gaar ahaana waxa uu kula kulmay Maqaaxida ka soo horjeeda Madaxtooyadda Ardayda Jaamacadda oo halkaas u soo Shaah doontay halka Suuqa Xero Awrna uu ku salaamay dadweynihii ka adeeganayay Xarunta Bisiniska oo ah Suuq-yare la adeegto oo haya noocyada kala duwan ee Kosmaatigyada
  5. Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Caawa Socod Uu Ku Kali Yahay Ku Soo Maray Qaar Ka Mid Ah Meherada Magaaladda Hargeysa Qaarkood, Shacabkana Ka Wareystay Noloshooda Iyo Dareenka Ay Dadku Ka Bixiyeen Hargeysa (Ramaas) June 9,2011 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa fiidkii isaga oo kalidii ah booqasho ku tagay meherado ka mid ah xaafada Xero ee Magaaladda Hargeysa. Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la sheegay inuu kalidii watay gaadhi yar oo nooca loo yaqaano Indho-Cadaha ayaa uu mid mid u galay meheradaha laga tukaansado iyo huteelada dadku habeenkii wax ka cunaan ee xaafadda Xero-Awr. Wariye ka mid ah wariyayaasha ka hawl-galla wargeysyadda madaxa-bananaan ee ka soo baxa Hargeysa oo la kulmay Madaxwaynaha oo dhex fadhiya huteel uu doonayay inuu ka casheeyo ayaa Ramaas u sheegay inuu arkay Madaxwaynaha oo kalidii tamashlaynaya. Madaxwaynaha Somaliland oo aan caawa wadan ilaalo amaankiisa sugta ayaa dadkii arkay waxa ay ka muujiyeen dareen isugu jira farxad iyo naxdin, iyagga oo la yaabay Madaxwaynihii dalka oo kalidii socda, dhanka kalena waxay warwar ka muujiyeen amaankiisa oo ay tilmaameen inay khatar ku noqon karto Madaxwaynaha. Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo muddo dhowr saacadood ah si kalsooni leh u dhex socday dadka ayaa la sheegay inuu qasriga Madaxtooyadda dib ugu noqday isaga oo kaligii ah. Wariyahan Madaxwaynaha la kulmay ayaa sheegay inuu Madaxwaynuhu meheradaha sida huteelada iyo tukaanada waydiinayay qiimaha alaabooyinka ay hayaan, isla-markaana wareysanayay sida xaalada noloshoodu tahay, isaga oo dadka ula sheekaysanayey si caadi ah. Socodkan uu madaxwaynaha Somaliland ku soo maray meelo badan oo ka mid ah suuqyadda Xaafadda Xero-Awr ayaa loo qaadan karaa inay tahay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo doonayay inuu indhihiisa ku soo arko xaalada ay ku sugan yihiin dadka uu Madaxwaynaha u yahay ee doortay.
  6. Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa ka yaabiyay Dadweynaha Hargeysa Socodna ku soo maray magaalada June 9th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ka yaabiyay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ka dib markii uu isagoo kaligii ah booqday qaar ka mid ah meheradaha laga cunteeyo iyo kuwa laga dukaansado ee qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo saarnaa baabuur yar oo Grande ah isla markaana aan wadan wax ilaalo ah ayaa booqday dukaanka weyn ee ku yaala galbeedka Magaalada halkaasi oo uu galay gudaha isla markaana uu salaamay dadkii meherada ku sugnaa ka dibna uu baayacay qaar ka mid ah badeecadihii dukaanka yaalay, taasina ay sababtay in dadkii dukaankaasi ku sugnaa ay si weyn ugu naxeen uguna farxeen Madaxweynaha oo kaligii inta uu gaadhi ka soo degay xili habeen ah dadka iska dhex socda. Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo maray Dukaanka weyn ee Hargeisa Business Center ee ku yaala xaafada Xero-awr ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa waxaana markii uu meheradaasi galay ee uu salaamay dadkii wax ka iibsanayay iyo kuwii meherada hayayba ay dadkii ku firkanaxeen madaxweynaha waxaanay kala hororsadeen salaantiisa iyagoo u gacan qaadeen mid mid. Dadweynihii halkaasi joogay waxay Madaxweynaha ku ammaaneen inuu kaligii si kalsooni leh u dhex socdo bulshadiisa si uu u indhihiisa ugu arko xaalada Nabadgelyo ee caasimada Hargeysa isla markaana u darso xaalada nololeed ee bulshada. Madaxweynuhu waxa kale oo uu galay Muqaaxi dadka danyarta ahi ku cunteeyaan oo ku taalla xaafada xero-awr ee magaalada Hargeysa waxaanu halkaasi si weyn ugu qaabilay dadkii halkaasi ku sugnaa oo ay fajiciso ku noqotay Madaxweynaha oo kaligii kadinka uga soo galay. Waxaanay ku bogaadiyeen tallaabadan uu qaaday oo ay ku doodeen inay ka taageerayso sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa xaalada nololeed ee qeybaha kala duwan ee bulshada. Intaasi ka dib waxa uu ku soo laabtay xarunta madaxtooyada waxaanu gaadhigii yaraa kaligii kaga dagay meherad shaah oo ka soo horjeeda Madaxtooyada waxaanu mid mid ugu gacan qaaday dhalinyaro meherada fadhiday oo Madaxweynaha uga mahad celiyay booqashada uu ku soo maray meheradaasi iyo qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa. Waxaanu socod ku galay madaxtooyada isagoo dadweynaha hor marayayna salaamayay. Waa Madaxweynihii u horreeyay ee xili habeenimo ah isagoo aan wadan wax ilaalo ah gaadhi yar ku dhex mara caasimada Hargeysa.
  7. Somalina maybe because Cumar Buur was not From the south lolz and he was just working for his province in the north.
  8. Somalina;727512 wrote: Awoowe, tolka waa qurux badan yihiin. Get with the program. ;)
  9. Duke why do you want to hold a beauty contest in Mogadisho for two Guys the two sharifs and why is faroole not participating in all of this;)
  10. Why is faroole not the ugly he is part of the mess to
  11. naago maxaad ugu leedahay maad naageysatay adigu they can talk about siyasad just like qoodha Besides i think Somali woman would be great politicians better than men
  12. In the Mind of mooge the Garowe clan against the gedo clan you've Got to love this
  13. I am not sure about him being an Ethnic Somalilander you don't just become an Ethnic Somalilander just because you wave the Somaliland flag that would mean Maryan mursal is an Ethnic Somalilander So you are saying the rules are you can wave only the Somalia flag not the American flag or the Djibouti Somaliland or the O'gadeniya flag?
  14. Now if the the sign was all Somalis welcomed 26 june independence day the dude from Minneapolis had every right to come he himself is a Somali
  15. How should he knew that was there a big sign (koonfurians only) why would there be a problem if both flags were showed
  16. ^^ But why our day 26 june the day was about 26 june 1960 Somalilands independence day the fella from the twin cities just brought an up to date flag.
  17. Only the parliament can get rid of Farmaajo (Sharciyan) the accord signed in uganda is unlawful if the Parliament rejects it it but then again a snake is the parliament speaker. Faarmaajo was the best thing happened to Somalia in two decades he was honest with a group of technocrats he really wanted to make the TFG an independent entity.
  18. So who said he was leaving dadkan Somalidu waxba ma hubsadan
  19. Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo beeniyay in uu is casilayo Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Somaaliya ayaa sheegay in uusaan casilayo wax kama jiraana ku tilmaamay in wararka sheegaya in uu xilkiisa ka dagayo. Kadib markii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG C/kariin Xasan Jaamac uu shaaciyay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu aqbalay in uu is casilo kadib kulamo Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda uu kula qaatay Madaxweynaha dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga iyo Madaxweynaha dalka Uganda ayaa war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaraha waxaa lagu beeniyay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu iska casilayo xilka Ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya. Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo Shabelle la hadlay isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in been abuur iyo waxkama jiraan ay yihiin in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu go’aansaday in uu iska casilo xilka Ra’iisul wasaarenimo. “Anigoo ku hadlaya Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaan cadaynayaa in Ra’iisul wasaaraha uusan go’aansan in uu is casilo, Xilka Ra’iisul wasaaraha waxa magacaabay Madaxweynaha, barlamankana wuu ansixiyay, waxaana xilka ka qaadi kara barlamanka Soomaaliya, Ra’iisul wasaaruhuna isma casilin shaqada Xafiiskuna way socotaa” sidaasi waxaa yiri Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaraha Xukuumadda waxaa uu sheegay in beesha Caalamka aan go’aan ka gaari karin arimaha Soomaaliya islamarkaana go’aanku ay leeyihiin barlamanka KMG ah oo matalaya shacabka Soomaaliyeed. “ Hadii Ra’iisul wasaaraha shaqada uu wadayo iyo hadii uu ka tagayo waxaa go’aanka iska leh shacabka Soomaaliyeed iyo barlamanka oo shacabkiisa matala, go’aanka malahan Madaxweynaha Uganda, Mahiga malaha, Madaxweynaha gaar u malahan, gudoomiyahana barlamankana malahan” sidaasi waxa yiir Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD. Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa uu wax laga xumaado oo mid lagu fududay ku tilmaamay hadal warbaahinta uu kasii daayay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda kaasi oo sheegay in Ra’iisul wasaraha uu aqbalay in xilka uu iska casilo kadib wada hadalo uu la qaatay Madaxweynaha dowladdda Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu aqbalay in uu is casilo kadib markii Madaxweynaha uu soo jeediyay in uu tanaasulo oo uu is casilo si loo xaliyo khilaafka Madaxda dowladda. Warkaani kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo lagu beeniyay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu xilka iska casilayo ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda ay sheegeen in xilka uu ka dagayo Ra’iisul wasaare Farmaajo kadib kulan Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda ay ku yeesheen Madaxda dowladda oo ay wehliyaan Madaxweynaha Uganda iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana arintaani ay cirka isku sii shareeraysaa khilaafka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya taasi oo iminka maraysa meeshii ugu xumeyd . Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee
  20. All these speculations faarmaajo resigning and no actual fact about him resigning
  21. Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho Madaxwaynaha DFKM Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo masuuliyiin katirsan dowladda KMG ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo duuleen magaalada Kambala ee caasimadda Uganda. Madaxwayne Sheekh Shariif iyo Ra’isal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo galabta ka degay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn u soo dhoweeyay masuuliyiin katirsan dowladda iyo shacab farabadan. Dadwaynihii isugu soo baxay garoonka Muqdisho ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku taageersanyihiin rsa’isal wasaare Farmaajo,waxaana dhinaca kale ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku dhaliilayaan heshiiska ay magaalada Kambala ku gaareen madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka kaasi oo ku baaqaya inuu ra’isal wasaare Farmaajo uu isku casilo mudo 30-maalmood ah. Madaxwaynaha iyo Ra’isal wasaaraha ayaa loo galniyay xarunta madaxtooyada iyadoo ay siweyn u sugayeen amaankooda ciidamada Midowga Afrika ee Amisom. Kala soco Horseed Media wixii kasoo kordha Arimahan
  22. AYOUB;727379 wrote: Don't worry about that. Waxaad tahay wariyaha ee SOL Galkacyo u fadhiya aka Mr 15 minutes. :DStick to your knows, as my teacher used to say. Looolz maya laakin people are talking about faarmaajo but he did not resign nor did he say he was about to so i don't understand what is happening.