Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,089
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Ilaalada labada Shariif oo isku rasaaseeyay Xarunta Madaxtooyada Muqdisho: (Sh. M. Network) Iska horimaad qasaaro gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu ku dhexmaray iridka hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Inta la’ogyahay 2-qof ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badan oo uu ku jiro Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda oo magaciisa lagu soo gaabiyay Gaashaanle sare Carabna way ku dhaawacmeen kadib markii Xarunta Madaxtooyada ay is rasaaseyn muddo kooban socotay ku dhexmartay Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan Ciidamo kal kala tirsn kuwa ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidamo daacad u ah gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Israsaaseynta ayaa bilaabatay kadib markii labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda uu dhexmaray muran sababay gacan ka hadal, waxaana xiligaasi kadib bilowday rasaas xooggan oo ay isweedaarsadeen labada Ciidan, iyadoo Sarkaalka geeriyooday la tilmaamay in uu kala dhexgalayay laba askari. Intaasi kadib ayaa goobta uu iska horimaadka ka dhacay waxaa soo gaaray Saraakiil iyo Ciidamada ka kal tirsan dowladda KMG iyo AMISOM kuwaasi oo kala dhexgalay askartaasi oo u muuqday kuwa wali uu dhexdooda ay ka taagneyd xiisada dagaal. Saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo aan qadka taleefanka kula xariirnay ayaana inoo suura galin si aan wax uga weydiino dhacdada sababtay gacan ka hadalka ee ciidamada DKMG ku dhexmartay Madaxtooyada, hase ahaatee dadkii ku dhaawacamay israsaaseyntaasi ayaa waxaa loo qaaday qaar ka mid ah Xarumaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho, iyadoo isku dhacaasi uu samayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  2. oo anigu ma danbi baan sameyey denbiga waxa la qoraya marku qof denbi sameyo ama qof cayo ama qof xanto inta ba meesha adeer lugu ma hayo.
  3. Maxaad ka sheekeneysa Museveni waxa u dan ah dee inay ciidankisa meesha si joogaan Lacag na ku sii qaato Ileen wa mashruuc eh
  4. afsomali bay ku qorantahay intaad ethiopia ku maqnayden boqol sanadood baad afki somaliga ugandhes moodeen:D
  5. Israsaaseyn dhexmartay Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ilaalada Shariif Xasan Sheekh Aadan Talaado, July 18, 2011 (HOL) – Dagaal u dhexeeya ilaallada madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka dhacay baqonimadii maanta afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Dagaalka ayaa billowday marki mid ka mid ah ilaalada guddoomiyaha baarlamaanka oo loo diiday inuu bastoolad la galo xarunta madaxtooyada, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray saddex ruux oo uu ku jiray taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada oo lagu soo koobay magaciisa Maxamed Carab. Goobjoogayaal ku sugan xarunta madaxtooyada ayaa u sheegay HOL in dagaalku uu billowday markii ruuxa ilaalada u ahaa Shariif Xasan oo loo diiday inuu galo Villa Somalia uu soo kaxaystay ciidamo iyadoo muran dheer kaddib uu dagaal billowday. Saddexda qof ee ku dhaawacmay dagaalka ayaa loo qaaday isbitaallada Muqdisho ku yaalla qaarkood si loogu daweeyo. Mana jiro hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay madaxda DKMG ah ee ciidamadoodu ay israsaaseyntu dhexmartay. Israsaaseyntan ayaa sabab u noqotay inuu baaqdo shirka jaraa'id oo uu maanta ku qaban lahaa xafiiskiisa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali kaasoo aan la ogeyn wuxuu ku saabsanaa. Dhawaanahan ayaa waxaa jiray kala shaki u dhexeeyay ilaalada madaxtooyada iyo kuwa guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana israsaaseyntan ay imaanaysaa xilli uu jiro muran dhinaca golaha wasiirrada ah oo u dhexeeya madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
  6. Taleexi maalintu Jacaylbaro Koonfurianska raaco wa maalintu Popeku Muslimo
  7. Israel and iran are not that far away from the horn of africa you know
  8. I am using thankfuls language only than he understands it
  9. Is xalane from afmadow or from ethiopia
  10. Lool and what did he do with his aqoon he told the people of burco that they should play kubad in 2008 . He can continue and cry but he is a failed politician and will never ever become president of somaliland. You can never compare him with gabobe
  11. Jb writing more than one sentence bravo awoow I would like to add in 1960 Somaliland and Somalia united based on a language the people spoke in both countries but you cannot base the unity of a nation simply because of a language they speak that's why Pan Somalism failed.
  12. Dont blame it on Yusuf Abdi the So called Ahmed ciise is a snake and needs to be exposed.
  13. Who cares what they are , they are pirates and are criminals and belong in mandheera and in the newly built prison opened by president Axmed Siilaanyo i don't care where they are from.
  14. Abokor they can built their own prisons to lol , but that's not a bad idea we need to build a road from hargeysa to burco.
  15. More prisons for pirates will be built in the country Somaliland navy foces will be upgraded with the help of the western countries in particular the netherlands and denmark and the United Kingdom.
  16. Somaliland will continue to fight international piracy and their criminal activities, it doesn't only effect the western countries but the region as a whole. Piracy is close to our home thus we should fight it by any means necessary.
  17. There is lots of oil indications in Somaliland aswell thats nice
  18. The more countries the better.
  19. The point is not about Corruption the union of 1960 was an illegal union there for the war against Somalia was justified Aaaliyah bal adba garo waxa la iskugu dha dhejinayo umad aan rabin Aaaliyah ina godane doesn't go to Baligubadle or xafada hargeysa sinai and he doesn't gather his tribesmen on behalf of his Irhaabi Alshabab group Ina isleged the governor of sool on the other hand gathers the clans of the Garaad clan on behalf of the republic Somaliland see the difference Qandalaawi stop talking nonsense Ibrahim afghani and Axmed godane represent the shabaab crew only they do not represent the clans of Somaliland the people of Somaliland are represented by the house of elders Gudoomiye Selebaan adan maxamuud nur the house of parliament Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxammad Cabdilahi Ciiro , and the goverment of Somaliland head of state president Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo inta kasakow Cuqaasha iyo salaadinta Somaliland.
  20. ^^ Nonsense Godane represents only the likes of his fellow shabaabis and not the people of Somaliland nor does he represent his clan or subclan if he was supported in hargeysa where he is from he would've visited Hargeysa.
  21. Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Maaliyada oo Socdaal Shaqo ku tagay Jabuuti July 18th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta socdaal shaqo oo ku tagay wadanka Jabuuti ka dib markii ay marti qaad ka heleen wasaarada maaliyada ee dalka Jabuuti. Weftigan Wasiirka Maaliyada waxa xubno ka ah Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed iyo sarkaal ka socday Rugta Ganacsiga Somaliland. Weftigan waxa madaarka Jabuuti galabta ku qaabilay Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Jabuuti u qaabilsan Miisaaniyadda Cali Siciid iyo Cabdi Ashkir oo ka mid ah saraakiisha wasaarada maaliyada. Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi oo markii uu gaadhay Jabuuti madaarka ugu waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkoodu qaadan doono muddo sadex maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasaaradaha dalka Jabuuti. Md. Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in socdaalkoodani uu ka dhashay marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada Jabuuti. Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, ayaa isaguna uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada maaliyada ee soo dhaweeyay waxaanu sheegay in socdaalkoodani uu qeyb ka yahay iskaashiga labada dal.
  22. Kulankii magacaabidda golaha wasiirrada oo dib u dhacay illaa berri Isniin, July 18, 2011 (HOL) – Waxaa maanta baaqday magacaabista golaha wasiirada cusub ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo la sheegay in la magacaabi doono maalinta berri ah. Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay HOL in dib u dhaca magacaabidda aysan ku iman khilaaf u dhexeeya saddexda mas'uul ee dowladda ugu sarreeya si la mid ah sidii dhacday toddobadayadii lasoo dhaafay. "Maalinta berri ah ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa golaha wasiirrada, mana jiro wax khilaaf ah oo madaxda dowladda u dhexeeya, magacyada xubnaha wasiirrada noqonayana waa kuwo miiska saaran," ayuu yiri mas'uul ka tirsan dowladda oo diiday inuu magaciisa sheego, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu saxaafadda la hadlo. Wasiirrada oo la qaybsaday ayaa la sheegay in dhanka Shariif Xasan ay saddex xubnood ka imaanayaan, kuwaasoo kala ah: Burci Maxamed Xamza, Fowziyo Maxamed Sheekh iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow. Halka dhanka Madaxweynaha ay ka imaanayaan xubno uu ka mid yahay wasiirka wafaafinta C/kariin Xasan Jaamca oo maamulka Puntland uu xasaasiyad ka qabo iyo laba xubnood oo kale. Heshiiskii Kampala ayaa qabay in mas'uuliyiinta wasiirrada loo magacaabayo la tuso ka hor inta aan lagu dhawaaqin Danjire Mahiga iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo goob-joog ka ahaa heshiiskii Kampala. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa u haray dhowr maalmood muddadii laga sugayay inuu kusoo dhawaaqo golaha wasiirrada, waxaana lagu wadaa in marka lagu dhawaaqo berri isla maalinta xigta la horgeeyo baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.