Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,096
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska oo ka hadlay Qodobadda uu awooda saarayo April 3rd, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Ku simahii Taliyaha Ciidanka Booliska isla markaana ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed. Xaflad loo sameeyay xil wareejinta Taliyaha cusub ee Booliska oo ka dhacday taliska Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay,wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland ,Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha, taliyaha asluubta maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo ku xigeenkiisa Xasan Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hogaanada Booliska Somaliland. Ku simahii Taliyaha Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu wareejinayo dhamaan agabkii iyo Documents-kii Ciidanka Booliska. Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay inuu mas’uuliyad loo xilsaaray si weyn u dareensan yahay culayska ay leedahay, waxana uu sheegay inuu awoodda saarayo dhinaca ka hortaga iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka. Taliyuhu wuxuu uu ka dalbaday dhamaan hay’adaha kala duwan ee dhinaca ammaanka inay gacan ku siiyaan gudashada hawlahan qaran ee nabadgelyo. Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in waqtigani yahay kii looga baahnaa in da’yartu ay ka qayb qaadato adkaynta amniga isla markaana ay lama huraan tahay in maanta la arko generaalo dhalinyaro ah oo Somaliland amnigeeda u taagan. Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa isna ugu duceeyey taliyaha Cusub inuu ilaahay xuilkiisa u fududeeyo. Wasiirka Arrimaha gudaha ee JSL Mudane Maxamed Nuur carraale Duur oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu halkan uga mahadcelinayo Madaxweynaha JSL oo go’aansaday inaanu Booliska cid dibada uga keenin, waxana uu kula dardaarmay taliyaha cusub in sharafta qaranku tahay mid ka muuqata hadba sida uu Booliska guduhu u shaqeeyo. Gebagebadiina Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur carraale Duur ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey labada Taliye.
  2. Carafaat you forgot Badhan and dhahar state
  3. Good now the rehabilitation process can begin since they were misguided to begin with.
  4. Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland oo Aqlabiyad ku Ansixiyey Miisaanayada Sanadda 2012 Published: 03/04/2012 @13:15 Hargeysa/ToggaHerer 03 April 2012 Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisanayada Jamhuuriyadda Somaliland ee Sanadda 2012. Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo hadal Ka jeediyey Fadhiga Golaha Wakiilada ayaa sheegay In Markii ay eegeen Qodobada53, 54 , 55 waxa Golaha u muuqday in aan Xukuumadu wada Fulin soo jeedimihii sanadkii hore eek u saabsanaa Miisanayada Qaranka sanadka 2011. Gaar ahaan Soo Dhamaystirkii Shuruucda Hayadaha waxa kale oo Muuqata in Aanay Xukuumadu hore u soo gudbin Miisaaniyada sandka waxa uu Golaha u soo jeediyey in Xukuumada hadda Ka dib ay miisaaniyada sanadka la keeno Bisha December ama January . Marka la Tixgeliyo Dooda Hufan ee Golaha Wakiiladu ka yeeshay Miisaaniyada Sanadka 2012 markii aanu Tixgelinay in lagu jiro Bishii Afaraad ee Sanadka 2012 wuxuu Goluhu Iclaamiyey in la guda galo Ansixinta Miisaaniyida sanadka 2012 oo cadadkeedu yahay 886 Bilyan 496 Milyan 529 Kun 980 Shilling ka Somaliland ah una Dhiganta 147 Milyan 7 Boqol 49 Kun Afar Boqol iyo Laba Iyo Labaatan USD . Fadhigan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro waxa ka soo xaadiray 57 Xildhibaan. Xildhibaanada Haa ugu Codeeyey Miisanayada ayaa ahaa 36 Mudane, 19 Xildhibaana way ka Aamuseen Hal Xildhibaana wuu diiday Gudoomiyuhuna Muu codayn, Waxayna Dhaqan gelaysaa Miisaaniyadu Marka uu Madaxweynuhu Saxeexo.. Kalfadhigii ay lahaayeen Golaha Wakiiladu ayaa Maanta Dhamaaday Mudanayaashuna waxay Galeen Fasax laba Bilood ah. Warqabadka ToggaHerer Hargeysa
  5. True bosaaso and Galkacyo needed more but keep in mind garowe is the capital its the heart of Puntland so this is the first step he might do this also in other pl regions but it will take time.Since faroole is busy with the road map of Somalia the TFG and the Garowe accords the Oil projects he totally forgot about the security problems pl is facing nevertheless this is a good step forward.
  6. Dr osman i don't think that is really important as long as the institutions are working lets now hope Criminals can be caught on time.
  7. GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO MIISANIYADDII 2012 KU ANSIXIYEY INDHE ISKU QABAD. Hargeisa(berberanews.com):- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku Ansixiyay Miisaaniyada 2012-ka oo tiro ahaan badan hase yeeshee ay hadhaysay madmadaw badani maadaama aan laga doodin oo uu goluhu isaga oo indhaha isku haya uu ansixiyey waxaanay dhantahay sideed boqol iyo lix iyo sideetan biLyan oo u dhiganta boqol iyo toddoba iyo afartan Milyan oo Doolar. Fadhigii maanta oo ee golaha wakiilada Somaliland oo ay fadhiyeen 57 Mudane, waxa Ogolaaday ansixinta miisaaniyadda 36 Mudane, Sagaal iyo toban baa ka aamusay, hal mudanana wuu diiday. Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo intii aan la akhriyin warbixin kooban ka jeediyay Golaha Hortiisa ayaa sheegay Xukuumaddu inay ka baaqsatay balanqaadkeedii sanadkii hore ee ahaa inay keento shuruucda Hay’adaha Madax banaan ee ay samaysay ee Miisaaniyadda ku jira isla markaana ay ka baaqsatay inay sanad kasta Miisaaniyadda ku horkeento Golaha wakhtiga loogu talogalay oo ah sanad kasta bisha Diisambar. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu waxa uu tilmaamay soo jeedimo loo soo jeediyay xukuumadda oo ahaa in Miisaaniyadda kharash loogu daro Garsoorka, Wadada Ceerigaabo iyo Doorashooyinka waxaanu sheegay xukuumaddu inay aqbashay hase yeeshee laguma darin Miisaaniyadda sanadkan ee la Ansixiyay. Mudanayaal badan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha ayaa ka hor intaan la Ansixin Miisaaniyadda 2012-ka ku dhawaaqayay in aan cod la galin intaan laga wadahadal in soo jeedimha ay xukuumaddu aqbashay Miisaaniyada lagu darin hase yeeshee Shirguddoonku soo jeedintoodaas dheg umuu dhigin waxaanay taasi kaliftay inaya ka dareeraan. Arrimaha ugu hadal haynta badan ee hadheeyey faallooyinka miisaaniyadda sanadkan 2012 ee goluhu maanta ansixiyey ayaa wax aka mid ah, iyadoo aanay miisaaniyadda ku jirin lacagtii lagu qaban lahaa doorashooda golayaasha deegaanka ee gobolad dalka oo loo ballansanaa bishan April 2012-balse aan ilaa iyo hadda wax hadal hayna oo ku saabsan laga hayn dhanka xukuumadda. 07-04-012 ayaa waxa ku eeg mudadii sanadka iyo badhka ahayd ee loo kordhiyey goleyaasha deegaanka, mana jirto korhdin iyo doorasho midkood ay xukuumaddu hadal haysaa, waxana dadweynuhu is waydiinayaan miyaaney xukuumaddu ka warhayn in goleyaashii deegaanka mudadii ka dhammaatay, mise waxay afka soo marin Karin layhiin muddo kordhintii saddexaad ee golayaasha deegaanka, maadaam xilligii ay mucaaradka ahaayeen si ba,an uga qaylin jireen kelmedda muddo-kordhin. Dhinaca kalena waxa maanta dhamaaday Kal-fadhigii 17 aad ee Golahaasi, waxaana golahu wakiiladdu uu fasax galay muddo sideed toddobaad ah oo noqonaysa laba bilood. Berberanews.com
  8. finally this is is actually good anything that tightens the security is a good step well done he is taking the right measurements now it was about time he focused on security.
  9. Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qaranka Oo Kormeer Ku Tagay Fadhiisimada Ciidamada Ee Jiida Buuhoodle, Una Gudbiyey Dareenka Shacabka Ee Dagaalkii U Dambeeyay Buuhoodle (Ramaas) Apr 3,2012 – Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) ayaa maanta kormeer ku soo maray goobo ka mid ah deegaanadii doraad dagaalka qadhaadh uu ku dhex maray ciidamada qaranka iyo Maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Sool iyo Buuhoodle. Taliye Ismaaciil Maxamed Shaqale waxa uu kormeer ku soo maray deegaanada ku teedsan degmada Buuhoodle ee ciidamada qaranku fadhiismada ku leeyihiin iyo waliba meelihii ay ciidamada qaranka iyo Maleeeshiyaadku isku hujuumeen oo ay ka mid tahay meesha loo yaqaano Sool-joogto. Taliyaha ciidamada qaranka Mr Shaqale oo kormeerkiisani ahaa xog-ogaal u noqoshada xaalada ciidamada ee dagaalkii doraad ka dib iyo inuu soo arko gaadiidka ciidamadu ka furteen Maleeshiyaadka nabad-diidka ah. Taliyaha guud oo ciidamada qaranka oo ciidamada fadhiisimada ku leh jiidaha Buuhoodle ku teedsan u jeediyay khudbad dhiiri-galin ah ayaa gaadhsiiyay fariin uu shacabka reer Somaliland uga siday, taasi oo ahayd in talaabadii adkayd ee ay ka qaadeen Maleeshiyaadka shacabku ku farxay iyo in dadku ay hiil iyo hooba la garab-taagan yihiin ciidamadooda qaranka. Taliyaha guud waxa uu ciidamada u sheegay in xukuumadda Somaliland ay ku dedaalayso sidii ciidamada qaranka looga wa-hayn lahaa xaaladooda nololeed, mar walbana lagu dedaalayo sidii loo dhiiri-galin lahaa. Md Shaqale waxa uu war-bixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada qaranka ee jiidaasi, kuwaasi oo uga waramay dagaalkii u dambeeyay ee ay Maleeshiyaadka ku jabiyeen, iyagga oo muujiyey sida iyagga iyo ciidamadooduba ugu diyaarka yihiin difaaca dalkooda. Warkan oo dhamaystiran la soco saacadaha soo socda
  10. You forget lughaye state And arabsiyo state.
  11. For something that does not exist is sure keeps you awake. Any way lets stick to the topic somali galbeed.
  12. Carafaat there is so much that needs to be done. Somaliland politicians also need to Bring people closer to each other instead of driving them further away.
  13. Its sad dadkan nassabka isku sheegeya horta dadka maxay u dhibaan ilaahay abuurtay
  14. Carafaat it works for the TPLF Melez zenewi knows Somalis very well he lived in Somalia back in the days, and Somalis are not that intelligent an Ethiopian can easily spark ancient rivalry.This man Zenewi knows the clan structure of Somalis very well i remember last year he was dividing the Bigfoot community into two camps Admiral Mohamad Omar Osman subclan versus Abdi Ileys subclan. Carafaat the only way to overcome this unhealthy mistrust is to work together let the two communities embrace each other lots of reconcaliation is needed. In 1994 there was a similar conference in jigjiga two stop the wars. But i think that is not enough the society in Somaligalbeed needs to mentally change only than they can overcome the difficult challenges that are plaguing the region.
  15. Qarannews is not a reliable source Carafaat and you know that the editors of Qarannews are bitter individuals. Xirsi toorile calls it Qudhunnews.
  16. Its true though Abdi ileey the governor of Kilinka shanaad wants to act like he is securing and fighting on behalf of Beesha so that many of his clan cousins eventually will join his dds authority (dawlada deegaanka Somalida Ethiopia) in jigjiga and abandon the ONLF resistance movement. On the other hand i can also understand that it was one clan fighting the Habashis under the ONLF name and all the other communities were just standing there and watching all those years. Qabyaalada laftigeedu lug badan bay ku leedahay on both sides. Solution is simple reer Somaligalbeed is jeclada oo dhulkina xoreysta yaan la idinka dhex faiideysan.
  17. Liibaan nothing is wrong with armed entities but just don't say they are not armed is all cool the war was not against the innocent unarmed civilians xaraam calayk who hurts them , may allah curse those who hurt innocent civilians.
  18. Carafaat why are you laughing are you happy that the airport of Hargeysa is named after you're uncle cigaal and its transforming real fast. i think it should be called Sultan Guleed international airport.
  19. A khadar adeer i call it a Militia attacking the national army i mean they didn't attack the Militia they were attacked believe me A khadar i called Burco Yesterday and they told me everything. I don't see what this have to do with Gashaamo clash between lIyo and the Gashaamo residents. Liiibaan is a hero i like him he is honest he said they were armed and not innocent unarmed civilians. Now back to gogoshi nabada Madaxweynaha what is stopping us from talking?