-
Content Count
30,096 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
79
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
The Somali republic was never a nation state it was a creation of 2 separate states so no one was abandoning there was Pragmatical union which could benefit both but that died. The experiment failed miserably which led to full destruction of Somaliland and the total state collapse of Somalia. So no one is abandoning Somalia, because Somalia was never theirs. Let it go its natural way.
-
Its funny few years ago the Pirates were saying the SNM are the mugged once lol And now they are singing a different tune. Somaliland is one nation and its people have chosen their path. A tribal goverment is based in Somalias Mogadishu where one clan holds all the seats of the govt, hence why professor samatar the last honest union left the clanish Koonfurian camp:D
-
Dagaal ka bilowday Kismaayo & Col.Cabaas oo diyaarad la saaray Waxaa maanta markale dagaal uu ka bilowday magaalada Kismaayo, dagaalkan ayaa ah mid ka duwan iska horimaadyadii horey magaalada Kismaayo uga dhacay. June 28, 2013 Kismaayo Bartamaheeda Dagaalkan ayaa kusoo beegmay xili maamulka Jubaland uu sheegay inuu wax ka qabanayo maleeshiyo beeleedka magaalada ku sugan kuwaasi oo horey dagaalo ulla galay maamulka Jubaland ayaa isbaarooyin dhigay qeybo kamid ah magaalada Kismaayo. Xaalada ayaa sii fool xumaatay kadib markii ciidamada AMISOM shalay ay miino dhulka ugu aaseen qaar kamid ah maleeshiyooyinka la sheegay inay taageeraan Col.Bare Hiiraale. Waxaa maanta ka dhacay kulamo kala duwan magaalada Kismaayo, qeyb kamid ah hogaamiyaasha sheegtay Madaxweynayaasha oo uu hogaaminayo Col.Barre Hiiraale ayaa shir ay magaalada ku qabteen ku shaaciyey inay dagaal la galayaan maamulka Jubaland. Dhinaca kale kulan dhexmaray Madaxda maamulka Jubaland iyo Col.Cabaas Cabdi Gurey oo isniintii lasoo dhaafay ka yimid magaalada Muqdisho, Sarkaalkaasi oo ay dowlada Federaalka usoo magacowday ciidamada federaalka ee ku sugan Kismaayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dhaq dhaqaaq. Wararka kasoo baxaya Kismaayo ayaa sheegaya in kulankaasi dhexmaray maamulka Jubaland iyo Col.Cabaas ku sugnaayeen saraakiisha Amisom waxa laga wada hadlayna ay tahay sidii laga yeeli lahaa ciidamada Col.Cabaas uu hogaamiyo oo magaalada Kismaayo la keenay xiligii uu socday shirweynihii lagu dhisay Jubaland, ciidamadaasi oo kamid ahaa kuwa Federaalka ee fadhiyey gobalka Gedo. Illo lagu kalsoon yahay oo Horseed Media u waramay ayaa sheegaya in Col.Cabaas laga codsaday inuu joojiyo abaabulka ciidamada ku sugan Kismaayo ee isaga ka amar qaata, isla markaana lala socodsiiyey hawlgalada amaanka lagu sugayo ee uu maamulka Jubaland sheegay inuu bilaabayo. Kulankan ayaa lagu soo waramayaa in khilaaf uu ku dhamaaday isla markaana kadib markii Col.Cabaas uu ka horyimid qorshaha maamulka Jubaland sida ay sheegayaan xubno kamid ah saraakiisha kulankaasi ka qeyb galay. Doodii ka dhacday kulankaasi ka dhacay Airporka ayaa la sheegay inuu gaaray meel xasaasi ah. Maamulka Jubaland ayaa ku eedeeyey in Col.Cabaas uu wado qorshe dagaal magaalada lagu gelinayo isla markaana uu heegan geliyey ciidamada Gedo ka yimid ee magaalada horey ugu sugnaa. Wararkan ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay Col.Cabaas saareen diyaarad u duushay magaalada Wajeer, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Maamulka Jubaland ayaa ku hanjabay inuu xiri doono Col.Cabaas haduu soo aado magaalada Kismaayo. Wararka ayaa qaar sheegayaan in Ciidamada AMISOM xireen Korneylka, halka warar kale sheegayaan in naftiisa looga baqay ciidamada maamulka Jubaland oo ay ciidamada AMISOM diyaarad u saareen si loo badbaadiyo, balse ma jirto wax war ah oo rasmi ah oo arrintan kasoo baxay. Dhinaca kale dagaalka ka socda magaalada ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Jubaland oo la dagaalamaya maleeshiyadii taageersanaa Col.Bare Hiiraale iyo Col.Baasto oo gacan ka helaya ciidamada dowlada Federaalka qaarkood. Arrintan ayaa u muuqata mid marka magaalada gelisay xiisad iyo colaad, wixii war ah oo arrimahan kusoo kordha gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.
-
Barre Hiiraale iyo Iftiin Baasto oo isku biirey Published: June 28, 2013 Kn: Sida ay soo sheegayaan wariyeyaasha KismaayoNews ee magaalada Kismaayo waxaa isku biirey Col. Barre Aadan Shire ( Hiiraale) iyo Iftiin Xassan Baasto oo labaduba horey ugu dhawaaqay in ay yihiin madaxweynaha Jubbaland. Waxa ay labada nin sidoo kale isku biiriyeen ciidamadooda, waxayna wada dageen hal guri kaasi oo ku yaala masaajidka Xaaji Jaamac agtiisa. Guriga ay wada dageen oo ah dhisme sedex dabaq ah oo uu dhistey nin WFP u shaqayn jirey oo lagu magacaabo Shimbir, kuna yaala halkii ay ku ooli jireen sanamyadda libaaxyadda ahaa ee ee xaafadda Guul Wade agteeda ahaa. Meel aanan sidaasi oga fogeyn oo ah meesha ay wadada ku dhamaato ee dhanka Via Afmadow, oo lagu magacaabo isgoyska Geed Kaama Dambeeyo waxaa isna degen nin kale oo sheegtey madaxweynenimada Jubbaland oo lagu magacaabo Cabdi Baalay. Lama garanayo isbahaysiga labada nin ay sameyteen iyo wax uu ka dhignaan doono xili ay wali taagantahay xiisad dagaal oo maalin kasta sii kordheysa. Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in ciidamadii warshadda ku jirey oo uu taliye ka ahaa Col. Cabbaas in ay iyana ay si toos ah ugu biireen ciidamadda Barre Hiiraale iyo Baasto, balse wali taasi si rasmi ah looma xaqiijin, waxaana noo suurogali weysey in aan warshadda galno si aan warka u xajiino, sababtoo ah waxaa meesha ka jirta cabsi dagaal. KismaayoNews.com
-
Dagaal u dhexeeya Xubno isku haysta Maamulka Jubbaland oo ka billowday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammo kala taageersan, Col. Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baalleey oo isku dhinac ah iyo kuwa Sheekh Axmed Madoobe ayaa ka qarxay magaalada Kismaayo. Dagaalkan oo ah mid xooggan ayaa la sheegay inuu ka socdo magaalada oo dhan, waxaana weerarka qaaday ciidamada taageersan Sheekh Axmed Madoobe oo dhawaan ay magaalada ku dagaalameen xoogag taabacsan Col. Barre Hiiraan. “Magaalada waxaa ka qarxay dagaal culus oo daba socda dagaallo dhawaan ka dhacayay magaalada, wuxuuna u dhexeeyaa dhinacyada isku haya hoggaaminta maamulka Jubbaland,” ayuu HOL u sheegy goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo. Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahayd mid aad u kacsan, kaddib markii uu dagaal ka dhacay Arbacadii, iyadoo dadku ay ku sugan yihiin guryahooda magaalada oo dhanna ay xiran tahay. Ma jiro mas’uul ka tirsan dhinacyada dagaalamaya oo ka hadlay dagaalkan cusub ee magaalada ka qrxay, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo xaafadaha magaaladaas oo dhan ka socda. “Rasaastu meel walba ayay ka dhacaysaa, cid dibadda u bixi karta ma jirto, madaafiic ayaana xaafadaha qaarkood ku dhacaysa,” ayuu yiri goobjoogaha la hadlya HOL oo ku sugan magaalada Kismaayo, iyadoo xilligii aan xiriirka la sameynaynay taleefoonka laga maqlayay rasaasta dagaalka. Dhinacyada dagaalamaya ayaa wuxuu mid walba horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaasoo ay dowladda Somalia ku sheegtay inuu yahay mid lagu dhisay si aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaalla. Wixii warar ah ee dagaalkan kasoo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.
-
The clan is always an insurance protection, even if you are the devil him self.
-
Mafia;964873 wrote: They will eventually end up in servitude to the Ethiopians who already colonize killil 5. Allow Sahal. Xabashis are overrated , xabashis shine because Somalia is in a deep deep coma . But Xabashis are just very poor folks. They have nothing on Somaliland, SL does not need Ethiopia , But ethiopia needs Somaliland. Right now Tiny Djibouti gains allot from the Ethiopian Export and Import Business.I can bet you Somaliland can easily put Djibouti out of business it just needs to modernize its ports it needs some investment but it can be done. Perhaps Somaliland should lease the berbera port to the Arabs let them invest in it and Somaliland receives lots of revenues.
-
Mafia;964871 wrote: When is Somaliland going to realize their independence is gacan-ku-rimis? 22 years of seeking independence and they still haven't realized they are wasting their time? Somaliland is independent all 22 years no one rules their land only they do , they put the UN in their place and their fake bureaucrats Somaliland is independent sovereign and enforces its laws and regulations in their sovereign territory. How are they wasting their time,when they build an entire nation from scratch institutions army police democracy political parties constructions adoption of a constitution introducing SL shillings. Somaliland is in the developing mode now. The word you looking for is when is the Wold going to recognize its independence thats something else But Somaliland is independent, there is no one that rules us but our selves. And thats something no one can take from Somaliland. What is gacan ku rismis is the 4.5 protected ugandan protectorate in Mogadishu. It took the Koonfurians 22 years to pass a constitution with the help of Mahiga. And till this day there is no effective goverment in Somalia there is a goverment backed by the international community but thats where it ends. I think that is more of a gacan ku rimis than what SL has done the past 22 years.I think Somalilanders are on schedule really. It took South Sudan more than 50 years to win independence and recognition. It took Eritrea 32 years to win independence and recognition. Somaliland what only 22 years but what we have is full sovreingty over our territory and an effective goverment that operates in the country. In terms of the international community Somaliland is more of a credible partner to the ic than Somalia. Somalia cannot survive a day with out the europeans paying the salaries of the Amisom forces.. If they withdraw today all will collapse
-
A broken nation very sad.
-
First of July is a dark day 26 June is a good day and a happy day that's the day Somaliland gained independence from Britain. That same day Madagascar gained independence to At least the Somalilanders have something to celebrate after 53 years, the koonfurians are still not independent, atleast the europeans were superior to the Ugandans
-
Todobaadka Dambe Oo La Filayo Inay Dib U Bilaabmaan Wada-hadaladii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Somaliya. Hargaysa (Ramaas) June27, 2013 - Wada-hadaladii u dhaxeeyey dawladaha Somaliya iyo Somaliland ayaa la filayaa in Todobaadka soo socda ay dib uga bilaabmaan magalada Ankara ee dalka Turkiga. Madaxa Xafiiska Siyaasada ee qaramada midoobay Nicholas Kay ayaa barta uu ku leeyahay Twitterka waxaa uu ku baahiyey qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo Kulan uu la yeeshay Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya waxaanu sheegay in uu la yeeshay wada hadal sare“wada hadalada somaliland iyo somaliya wax ay todobaadka danbe ka bilaabi-mi doonaan Ankara”. Sidaasi ayuu yidhi Dawladaha Somaliland iyo Somliya ilaa hada midkood-na kama hadlin wada-hadaladani Todobaadka danbe bilaabmi doona waxaana hadii ay wada-hadaladani furmaan ay ku soo beegmayaan iyadoo wixii ka danbeeyey Heshiiskii Ankara ay sii kala durkeen Xidhiidhka Labada dhinac. Dhinaca kale, wada-hadalada xilligan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweyne Siilaanyo Shaqadii ka badalay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, isla markaana uu magacaabay wasiir arimo dibaddeed cusub. - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Todobaadka-Dambe-Oo-La-Filayo-Inay-Dib-U-Bilaabmaan-Wada-hadaladii-U-Dhexeeyay-Somaliland-Iyo-Somaliya.html#sthash.VX4aK8Td.dpuf
-
Maalinta Xorriyadda 26-ka June oo Xalay si balaadhan loogu Xusay Xarunta Madaxtooyadda Somaliland (DAAWO SAWIRRADA) Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Munaasibadda loogu dabaaldegayo sanad guuradda 53aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xoriyadda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa. Munaasibadan lagu xusayey maalintii xoriyadda ee 26 June ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland, kaas oo ay ka soo qaybgaleen madax badan oo iskugu jiraaan, madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, labadda gole Baarlamaan, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo faro badan. Xafladan waxa lagu soo bandhigay Riwaayaddo ay fanaaniinta qaranku kaga hadlayeen taariikhdii Somaliland iyo gumaysigii sida loola dagaalamay. Sidoo kale waxa xuska ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo ka sheekeeyey xornimadii lixdankii iyo halgankii dheeraa ee ay soo martay Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, maalintan 26 june ayaan si weyn looga xusin Somaliland, isla markaana aanay xukuumad iyo dadweynuhuba isku hawlin, waxaana xooga la saaraa in loo dabaaldego maalinta 18 MAY oo ah maalintii madax banaanideedda dib ugala soo noqotay Soomaaliya oo ay isku biireen 1-dii luulyo, 1960-kii, sidaa darteed waxa maalintan lagu koobay inay tahay maalin fasax laga yahay shaqooyinka, isla markaana ay dadku iska nastaan xaflad koobana lagu qabto xarunta madaxtooyadda, haseyeeshee lama weyneeyo inta badana si weyn looma hadal hayo.
-
War Deg Deg ah– Madaxweyne Axmed Madoobe oo si deg deg ah ugu duuley Adis ababa Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Madoobe ayaa u duuley Dalka Itoobiya, Madaxweynaha uu ku sugnaa Nairobi ayaan ilaa hada lagaraneyn sababta uu sida deg dega ah ugu duuley Adis ababa. Sida aan maanta warka ku heyney Madaxweynuhu wuxuu wada tashi la lahaa Xubno ka tirsan Maamulka Jubaland oo iyana Nairobi ku sugan. Sargaal ka tirsan Siyaasiyiinta jubaland oo Nairobi ku sugan ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweynuhu uu safar aan horey loo shaacin uu ku aadey Adis ababa. Warar kale ayaa iyana sheegaya in Madaxweyne Madoobe uu casumaad degdeg ah ka heley Dowlada Itoobiya.
-
Faahfaahin — Madaxweyne Axmed Madoobe oo Nairobi Jooga oo aan ka qaybgalayn shirka Adis ababa Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Magaalada Nairobi ku sugan iminka ayaa halkaas ka wada wada tashiyo uu la leyahay Siyaasiyiinta iyo Waxgardka Jubaland ee ku sugan Kenya,Waxaa kaloo la sheegey inuusan Axmed Maoobe uusan ka qayb galayn Wadahadalada Dowlada Federalka iyo Dowlada Jubaland uga bilaaban doona Adis Ababa. Sida ay Howlwadeenada Puntlandi warka ku heleen Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu shirkaas u dirayaa Saraakiil ka tirsan Maamulkiisa, kuwasoo adis ababa kula kulmi doona Wafdiga matalaya Dowlada Federaalka ah. Dhinaca kale iyana Waxaa jira Warar sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu gabi ahaan shirka Qaadacay in ay Jubaland ka qayb gasho ka dib markii Madaxweynaha Dowlada federaalka ah uu ka baxay balan horey loo wada galay oo ahayd inuu isagu Wadahadalka Yimaado, taas badalkeedana wuxuu soo direy shaqsiyaad kale. Iskusoo duuboo Joogitaanka uu Madaxweyne Axmed Madoobe joogo Nairobi ayaa ah mid ay ogyihiin IGAD, Kenya iyo Itoobiya oo iyagu gadaal ka riixaya Wadahadalka u furmaya Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalka ah.
-
Madaxweyne Axmed Madoobe oo Nairobi kusugan, Shirka Adis ababa na u diraya Saraakiishiisa Madaxweynaha Dowlada Jubaland ayaa wuxuu hada ku sugan yahay Magaalada Nairobi, oo u joogo Arimo shaqo,Shirka Adis ababa uga bilaabanaya Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya oo lagu waday in Madaxweyne Axmed Madoobe uu ka qayb galo ayuu madaxwey nuhu qaadacay ka qayb galkiisa maadaama shirka uu Mmadaxweyne Xasan Sheikh soo dirsaday Wasiiro, Wuxuuna Madaxweyne Axmed Madoobe shirka isna u dirayaa Qaar ka mid ah Saraakiishiisa. Madaxweyne Axmed Madoobe oo hada ku sugan Nairobi wuxuu Wada tashiyo la leeyahay Saraakiishiisa dhanka Siyaasada oo iyana maalmahaan ku sugnaa Nairobi, Wuxuuna uga waramay kulamadisii Adis ababa iyo Nairobi iyo waliba wadahadalada Adis ababa.
-
Sayidka oo adisababa ka laabtay kuna sugan Nairobi iyo Shirkii Jubbaland ee adis-ababa oo hakad ku yimid PDF Print Thursday, 27 June 2013 10:09 Kadib markii Madaxweynaha Dawladda Federaalka uu ka cudur-daartay inuu Adis-ababa kula kulmo Wefdigiii Maadxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sababtay inay dib ugu laabtaan Magaaladda Nairobi,waxaana ka haray saraakiil ka tirsanaa Maamulka Jubbaland oo shir hordhac ah Adis-ababa kula yeelanaya Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyadda Faarax C/qaadir (Sakiinta-Cusub)iyo Safiirka Dawladda Federaalka u fadhiya Itoobiya Ambassador Axmed C/salaan (Axmed-Ileey) Lama yaqaan sababta Madoobe uga cudur-daartay inuu Wefdtigan Wasiirka hogaaminayo Adis-ababa kula kulmo,waxaana loo badinayaa in weli inuu ka taagan-yahay shuruudii shirka uu ku xiray ee ahaa inuu qaabilayo Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo ay isku dhigmaan dhinaca darjada maadaama uu isagana yahay Madaxweynaha Jubbaland-State. Sayidka ayaa hadda ku sugan Hotel-Serena oo bartamaha Magaaladda Nairobi ku yaal lamana yaqaan inuu dib ugu soo laaban-doono saacadaha soo socda Magaaladda Adis.-ababa oo ay ku sugayaan saraakiil Ururka IGAD ku sugan oo doonaya in la dhex-dhexaadiyo isaga iyo Dawladda Federaalk
-
Indeed its the will of the people 1960 was a different era Somalilands biggest mistake was the union they are paying the price now. This is good and a clear message for those in Somalia, who dream they once again can will rule Somaliland. The struggle for Independence made Somalilanders who they are today. May God continue to bless Somaliland and its people, President siilaanyo spoke well today.
-
Naxar Nugaaleed;964627 wrote: looool at he doesn't look like a hag. on a serious note, does anyone have any idea how Hag ended in the middle khatumites? I doubt they are really HAG i think they were just some groups who lived in the region living in the midst of the garaad clan one day they said we are HAG out of know where. They dont even look like the normal HAG
