Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,089
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Maaday adigu ma waxad tidhahda Hebel wu ku yiri mise wu ku dhahay lol KH Wey jirta hadana wa inaynu baadho sabbabta ay dadka reer konfureedku ereyga kh anay u karin
  2. There is no difference between awdal or any other region of somaliland , they are very happy with the government if there are criminals with in a region of Somaliland that doesn’t mean the whole region is not happy come on don’t be so naïve. ONLF has nothing to do with awdal or any other region of Somaliland
  3. Libaahe u know man i have no problem if onlf is willing to fight Ethiopia it’s a cause which they are fighting for their dignity and land , we should not fight Ethiopia’s war how ever, we do not allow people going through our land and then attacking Ethiopia , Ethiopia is our neighbouring country and Somaliland policy towards Ethiopia is one of mutual interest living peace next to each other.
  4. Originally posted by Thankful: We know this area has been restless since the elections, there have been protests before this one. These current protests are part of a larger issue that the people have with the admin. Whether NW Somalia allowed them to protest or not, their is nothing they can do. Just like they were helpless in stopping 300 men cross the area. There were protests in hargeisa And borama after the elections so big deal, this has nothing to do with elections its rather related to that last incident
  5. ^^ The protest was not about Elections or anything like that it was about local incident which occurred at mountains of south west awdal. Somaliland allows people to demonstrate
  6. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: quote:Originally posted by Xaji_Xunjuf: dee wayahay eeh hadaa xarafka Kh laga keenay badanekeeda bariga dhexe maxaynu ereyada loo badalaya ma siiday tahay loogu dhawaaqo haday khiyaamo tahay qiyaamo maha haday kheyr tahay qeyr maha Horta waxaa qoray ma aqrisay, mana dhuuxday? Ku noqo waxaa kor ku qoray ku sharxayna. Ereyada 'kh' ka bilowdo ama ku jiro oo Carabiga kasoo jeedo badanaa marka kaliya 'kh' la isticmaalaayo waa markee magacyada yihiin (nouns, like place names, people's names), sida makhtal, mukhtaar, kheyre . Hadduu erey iska caadi yahay oo magac ahayn markaa 'q' ayaa la isticmaalayaa, sida qeyr . Sharcigaan aniga ma keensan Soomaalidii dajisay afkeena la qoro keensaday, saan loogu wareerin hadhoow, waana wareerka hadda taagan aadan kala garaneynin. Soomaali badan ugu dhawaaqdo 'q' meeshee 'kh' oo afka Carabiga ah ka tahay. Afkeena kuma jiro, carabkeenana wuu qabtaa laakiin iskuma dhibno mana rabno. There are more nuances in Afsoomaali than you realize. It is not only limited to xarafka 'kh' and how we substitute it sometimes. Xarafka 'thaal' ama 'th' kuma jiro Afsoomaaliga, and we instead use either 'd' if it is a strong dhawaaq or the soft 't' if it is not that strong dhawaaq to the ears. A very useful example being the very letter 'th' itself. If, say, we are going to write in Afsoomaali, of course it would be 'daal,' not 'thaal.' Yet writing in 'daal,' it doesn't mean we are mispronouncing it. It just suits to write daal instead of 'thaal' since we don't have the 'th' letter in afkeena. Then there are some Carabi words we borrowed that end with the 't' letter. We usually substitute to 'd' instead because in original Soomaali, there never been a word that ended with the t letter. So instead of writing salaa t , we write salaa d , instead of siraa t , we write siraa d . Waxaan iyo wax ka badan ayaa u baahan in la barto, marka Afsoomaali barashadiisa iyo naxwadiisa waa loo baahanyahay in la wada barto, kumana koobno BTJX kaliya. saaxibow waan ku fahmay laakin aniga na ii fahan waxan ku yidhi afsomaligu xuruf bu leeyahay gramaar na wu leeyahay xarafka hadanaynu qorin oo aynanu ku so darin afsomaliga eeg 1972 afsomaliga lama samayn , eeh wa la qoray ma fahantay afsomaligu wu jiray waligiis ba. sababtan uu leeyahay Kh in la isticmaale weye hadanay xita ku jirin asalki afsomaliga waxa weye hadaanad kh isticmaalin oo aad q u sticmaashid kalmadu sii kala bay noqonaysa oo sii kalay dadku u turjumayan. Magacyada waxan arkay ummada fara badan oo reer xammar ah xita magaca khadar qadar bay ugu yeedhayan xita wa magacyadi waxan anigu marka waxan is yidhi wey is barren carabkoodey barran ama ereyga Kh ayanay karayn. sabbabto ah Ka hor inta la qorin afsomaliga adigu ma u malaysa inay Kh caadi u isticmaalayeen.
  7. Originally posted by The Zack: ^You missed my point. I have seen ton of Reer Waqooyis saying "abaayo macaanto" in a very funny and disgusting way. Pretenders are every where. Even though your dialect (Khaldaani)is spoken in a very small parts of Somalia, Reer Xamar dialect is not the most common one either. My dialect is similar to the dialects spoken in Gedo, parts of Mudug, parts of Bakool, Jubbada dhexe, Jubbada Hoose, parts of Galgaduud, parts and Gol-dogob. That is the dailect that the written Somali is based on. Nobody would write something like this "Waar dee waanu doonayoo..." in a formal paper. Where are you from in galbeed zack?
  8. qaraxii la sheegay inu ka dhacay guriga wasiirka xanaanada xolaha ee JSL oo noqday haanta biyaha kulaylisa oo qaraxday. Shir jara'iid oo ay wadajir u qabteen taliyaha ciidaanka policeka somaliland iyo Badhitaanka ka dib ayaa waxa la ogaaday in aanay ahayn weerer lagu soo qaday guriga wasiirka . Shir jara'iid oo ay wadajir u qabteen taliyaha ciidaanka policeka somaliland iyo badhasabka gobolka hargeysa ayaa waxay ku sheegeen in aanu ahayn weerer uu ahaa qaraxaasi Haanta kulaylisa biyaha qolka lagu maydho Masuuliiyiinta wada qabtay shirka jaraaid ayaa meesha ka saaray in qarax lagu weeraray guriga wasiirka Gabileynews Desk Hargaysa
  9. ^^ war wu tageera wali isaga ba ka danbeye ninki sawiiradi dhoolatuski ciidanka alshabaab so qaaday
  10. maan garan waxa ka maqan ileen dhulka silanyo ba ssc bu ugu yeedha sool sanaag iyo cayn tallow maxay diidanyihin xiin ma qoladu garaadku bintiland ugu yeedhay baad sheegeysa
  11. war meesha cidi kuma dhiman dhowr qof ba dhawacmay mudaharad magaaladi na xasiloonideedu bey ku so noqotay isla galinki danbe
  12. Somailand wabu is raaciiye sool sanaag cayn togdheer awdal saaxil iyo maroodijeex uun bu ka reeebey war muxu saaxil iyo maroodijeex ugu so qori wayey colorki calanka sl ba ka maqan uun
  13. Waxay ayaamahan faafinayeen in aduunku casuumay oo ay martiqaad ka heleen, ilaa hadana ma sheegin sababta aduunku u casuumay oo u danaynayo. Muxuuse aduunku u casuumanayaa koox fidmowaleyaal ah oo hawd cidlo ah ku gadoonsan? Waxay macno tirayaan mariqaadkii iyo siyaasadii. Waxay been aan jirin ka iibinayaan shacabka SSC.
  14. KOOXDII ISKU MAGACOWDAY HOGAANKA SSC EE LAGA SUGAYEY DIBUXOREYNTA IYO DAGAALKA OO MARKAY FASHILMEEN MARMARSIINYO KA DHIGTAY ADUUNKAA NA MACSUUBAY OO AANU MARTIQAAD KA HELAY IYO WARAR BEENA OO AY INTERNETTKA KU FAAFIYAAN. Posted: September 17/2010, 4:49 pm Sida aad la socotaan kooxdan oo u badan dhalinyaro qurbaha ku raagtay oo ah nooca Soomaalidu ku magacowdo dhaqan celiska, waxay ka kooban yihiin ilaa 30 qof oo ay ku jiraan dhowr isim oo iyana aan qaan gaadh buuxo ahayn oo aan 40 sano buuxin maskaxdooduna aanay taam noqon. Kooxdani ilaa maalintii ay Nairobi isku magacaabeen waxay ku kacayeen falal xunxun oo ay ka muuqato ciyaalnimo, dhaqan la,aan, masuuliyad daro iyo fidmo shacabka SSC iyo reer Puntland dhexdooda. Falalkoodu waxay u badan yihiin falal ay doonayaan inay shacabka SSC ku ******* kuwaas oo qofkastaaba garankaro waxa ay uga jeedaan: Tusaale ahaan: 1.Mudo 3 bilood ah ayey marba NGO isla sawirayeen oo internetka soo geliyaan oo jaaliyadaha dibadaha tusayeen inay yihiin maamul shaqeynaya. 2.Mudo sanad rubiciisna waxay wareegayaan dibadaha oo lahaayeen dalkii iyo dagaal baanu u soconaaye noo qaadhaama. 3.Mudo 4 bilood ah waxay dhuumaalaysanyeen kenya ilaa Somaliya oo ay marma Baabuurta muuska dusha soo qabsanayeen. 4.Mudo dhowr bilood ah ayey marba war been Buuhoodle kasoo dirayeen oo lahaayeen dagaalkii wuxuu ka socda Widhwidh oo Somaliland waan jebinay. 5.Kooxdani ilaa intay dalka dhuumashada ku soo galeen waxaa fidmadooda ku dhintay dad shacab ah oo tiradoodu kor u dhaafayso 32 qof oo dhintay, 14 dhaawac ah, 6 xabsiga mandheera la geeyey iyo degaanka Widhwidh oo Somaliland la wareegtay. 6.Hada waxay lasoo baxeen inay faafiyaan been cad, iyagoo sheegaya in ay casuumad ka heleen aduunka, iyo wadamada jaarka ah, arintan oo ay u arkeen cardkii ugu dambeeyey ee ay isticmaali karaan. Mudo kadib Jaaliyadaha SSC oo ahaa ishooda dhaqaale ayaa fahmay nidaamka ay kooxdani ku xoogsanayaan, dhowrkii lacagood oo ay u soo urursheena ay sixun u isticmaaleen, waxayna ka jareen dhaqaalihii ay ku caawin jireen. Shacabka iyo waxgaradka Gobolka Cayn ayaa iyana gartay kooxdan qaswadeyaalka ah, iyagoo arkay in kooxdani aanay ku soconin talo iyo midnimo SSC, sidaasdarteedna ay abuurayaan dhibaato degaanka Cayn oo keliya ku kooban. Waxay fahmeen in kooxdani ay ka ganacsanayso dhiiga iyo dhibaatada shacabka Cayn, sidaasdarteed waxay kala noqdeen taageeradii ay u hayeen. Hadaba kooxdan markii meelwalba kasoo xirantay oo taageeradii dhaqaale ee jaaliyadaha waayeen, taageeradii shacabka gobolka cayna lumiyeen, dagaalkii iyo kala qaybintii bulshada reer Puntlandna u socon waayey, wadamada deriska ahna fidmowaleyaal looga aqoonsaday, meel walibana kusoo xirantay ayey waxay lasoo baxeen farsamo cusub oo ay mar uun dalka dibadiisa ugaga laabtan. Khiyaamada ay hada la yimaadeen waa tii ugu liidatay oo ah wax aad loogu qoslo oo aan ilmo caruur ah lagu siri karin. Waxay ayaamahan faafinayeen in aduunku casuumay oo ay martiqaad ka heleen, ilaa hadana ma sheegin sababta aduunku u casuumay oo u danaynayo. Muxuuse aduunku u casuumanayaa koox fidmowaleyaal ah oo hawd cidlo ah ku gadoonsan? Waxay macno tirayaan mariqaadkii iyo siyaasadii. Waxay been aan jirin ka iibinayaan shacabka SSC. Xaysimo.com waxay baaris ku sameysay wadamadii ay magacaabeen ee ay sheegeen inay marti qaadeen, ilaa hadana ma jirto wax casuumada oo ay heleen. Xaysimo.com waxay soo ogaatay inay baryahanba ku mashquulsanaayeen farsamadii ay buuhoodle uga noqon lahaayeen oo wadamadii ay qaxootiga ku ahaayeen ugu noqon lahaayeen, iyagoo la meeshii ay ka dhoofi lahaayeen, waxayna taageero waydiisteen kooxda Al suna wajameeca oo ay ka codsadeen inay tahriibiyaan. Waxayna doonayaan inay fashilankooda iyo cararka ay dib u cararayaan ku qariyaan aduunka ayaa na macsuumay. Arintani waxay noqonaysaa riwaayadii ugu liidatay ee kooxdami la timaado. YAA DOONAYA KOOXDAN ADUUNKU MACSUUMAY INAY TAAGEERO DHAQAALE SIIYAAN?
  15. Still it doesn’t make sense why would I change the whole word I mean if Kh was origin Arabic there are still words in the afsomali we use as KH why change it to Q it will have a whole different meaning If I want to pronounce Kheyr I cant say Qeyr What the hell is Qeyr. Why not be originial
  16. yeeshe, marwada wasiirka iyo caruurtiisi oo guriga ku sugnaa ayaa waxba ku noqon qaraxaas. Marwo Layla Cismaan oo ah marwada wasiirka ayaa mar wax laga waydiiyay qaraxaas sheegtay in qolka Bathka ee boilerku ku xidhnaa ay inyar ka hor inta qaraxu dhicin ay ka baxday. Waxay inta ku dartay in yada iyo caruurtiba ay ka badbaaden qaraxas oo cidna wax ku noqon.
  17. “Ma Jiro Weerar La Weeraray Guriga Wasiirka Xananada Xoolaha” Sarkaal Ciidanka Boliska September 17th, 2010 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org) Waxa caawa fiidniimadii markay saacadu ahayd 7dii fiidnimo qarax laga maqlayay guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Md Axmed Xaashi Oday. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa marki ay tageen goobta qaraxa laga maqlayay waxay sheegeen in qaraxaasi ka dhashay ‘Boiler’ kii ama haanta biyaha kululaysa ee guriga ku xidhnaa oo qarxay. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa wakhtigan safar ugu maqan dalka Kenya, safarkaas oo ay ku weheliyan afar Wasiir oo xukuumada ka tirsan. Hase yeeshe, marwada wasiirka iyo caruurtiisi oo guriga ku sugnaa ayaa waxba ku noqon qaraxaas. Marwo Layla Cismaan oo ah marwada wasiirka ayaa mar wax laga waydiiyay qaraxaas sheegtay in qolka Bathka ee boilerku ku xidhnaa ay inyar ka hor inta qaraxu dhicin ay ka baxday. Waxay inta ku dartay in yada iyo caruurtiba ay ka badbaaden qaraxas oo cidna wax ku noqon. Dhinaca kale saxaafadda qaar taabacda xukuumaddi dhacday ee UDUB sida qarannews iyo waaheen ayaa soo qoray in guriga wasiirka la wareeray iyada oo ay sheegeen in guriga wasiirka la weerary oo u dhow guriga Madaxweynaha, ujeedadu ahayd in la weerarayo Madaxweynaha. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo guriga wasiirka ku sugnaa cawa fiidki aya sheegay in saxaafad iyo shakhsiyaad faafinaya warar been abuur ah jiraan, taaso ay rabaan inay ku waxyeeleyan qaranimada Somaliland. Isla markaana sheegay in la hubsado warka inta aanay faafin. Gebegabadii, dhaawaca qaraxaas geystay ayaa la sheegay in ay tahay qolkii Bathka ee uu ku yaalay Boilerku iyo saqafki qolkaas saarna oo gubtay, hase yeeshe guriga intiisi kale waxba soo gaadhin. Somaliland.Org Hargeysa
  18. Madaxweyne Siilaanyo iyo Xildhibaannada Guurtida oo Jilbaha Isdhigay Kulanka Garnaqsi ah Madaxweyne Siilaanyo iyo Xildhibaannada Guurtida oo Jilbaha Isdhigay Kulanka Garnaqsi ah Nuqurka qodobadda xaasaasiga ah ee lagu lafaguray kulanka Madaxweynaha iyo Guurtida & natiijada ka dhalatay Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo madaxweyne-ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xildhibaannada Golaha Guurtida, ayaa shalay jilbaha isku dhigay kulan xaasaasi ah oo lagaga arrinsanayey go’aankii muddo-kordhinta Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiillada) iyo Golayaasha Deegaanka. Kulan qado-sharaf ah oo madaxweyne Siilaanyo hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kula yeeshay xildhibaannada Guurtida gelinkii hore ee shalay, ayaa lagu lafaguray waxa laga yeelayo muddada dheer ee Guurtidu u kordhisay baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka, iyadoo labada dhinac midkastaa goonidiisa u watay ajande uu shirka la yimi iyo aragtiisa ku waahajan muddo-kordhinta goleyaasha qaranka. Shirkaas oo ahaa mid albaabadu xidhnaayeen oo aan saxaafadda loo oggolayn, ayaan si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha sida gaarka looga dooday iyo natiijada la isla meeldhigay. Haseyeeshee, sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xildhibaanno kulankaas ka qaybgalay oo codsaday in aan la magacaabin, waxa madaxweynuhu ku dooday in muddo-kordhinta dheer ee guurtidu samaysay tahay mid aan la aqbalin karinoo dhaawacaysa hannaanka geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday Somaliland, isla markaana xisbiyada iyo komishanku isla qaateen in doorashooyinku ku qabsoomi karaan muddo sannad ah. Waxa kaloo madaxweyne Siilaanyo uu ka codsaday mudanayaasha Guurtida inay dib ugu noqdaan go’aanka ay muddada ugu kordhiyeen labada gole Baarlaman iyo Golayaasha Deegaanka, isagoo dalbay inay muddo-kordhinta ka dhigaan ku sargo’an waqti kooban oo doorashooyinka lagu qaban karo, isaga oo dalbaday in muddo-kordhinta lagu soo koobo laba sanno oo qudha, maadaama komishanku sheegeen inay sannad gudihii ku qaban doonaan doorashooyinka golayaasha. Haseyeeshee, sida ilahaasi tibaaxeen soo jeedinta madaxweynaha waxa ku gacan-saydhay xildhibaannada guurtida oo ku adkaystay in go’aankooda muddo-kordhintu yahay mid dastuuri ah oo aan laga noqon Karin, balse waxay soo jeediyeen inay diyaar u yihiin haddii doorashooyinka lagu qaban karo wakhti ka yar muddada ay kordhiyeen. Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo kulankaas uga xog-warramay telefishanka madaxabannaan ee HCTV shalay, ayaa sheegay in la isla qaatay in guurtidu aanay ka noqon karin go’aankoooda dastuuriga ah, laakiin diyaar u yihiin haddii doorashooyinka lagu qabanayo wax ka yar muddada ay xillka u kordhiyeen golayaasha. “Horta saxaafadda lalama hadlayo ayaa la yidhi oo yaan sheekhiibaa wax yidhi la odhane waxa lagu heshiiyey markaad waxkasta oo doorashooyinka ka horreeya aad dhammaysataan doorasho kasta qabsada xliliga aad doontaan¸ muddada aanu kordhiyey mid ka horreysa haddii doorashooyinka lagu qabanayo ma diidanin oo diyaar baanu u nahay, balse duruufaha badan ee ina horyaal in si degdeg ah wax looga qabto. Golaha guurtidu diyaar uma aha inuu go’aankiisa ka noqdo, laakiin hadday u muuqato muddada aanu kordhinay mid ka horreysa in doorasho lagu qabto diyaar baanu u nahay oo ma diidanin,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo saraakiisha madaxtooyada, ayaan dhinacooda ka hadal kulanka ay la yeesheen xildhibaannada Golaha Guurtida iyo qodobadda la isla meeldhigay, balse siday xaqiijiyeen xildhibaannada kulankaas ka qaybgalay, ugu dambayntii madaxweynuhu wuu ku qancay soo jeedinta Guurtida ee ah in aanay waxba ka qabin haddii doorashooyinka lagu qaban karo waqti ka horreeya muddada ay kordhiyeen. Dhinaca kale, warsaxaafadeed xalay cawayskii laga soo saaray qasriga Madaxtooyada oo lagu faahfaahiyey natiijada kulanka martiqaadka ah ee dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa mudanayaasha Golaha Guurtida qado-sharaf ugu sameeyey shalay duhurkii hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey ee ay wada yeeshaan Madaxweynaha iyo mudanayaasha Golaha Guurtidu muddadii gaabnayd ee uu xilka madaxtinimada dalka hayay, waxa uu madaxweynuhu golaha xog-warran ka siiyey xaaladda dalka ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo siyaasadda. Waxa kale oo uu madaxweynuhu uu ku ammaanay golaha xilka ay qaranka u hayaan. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xildhibaannada uga warramayey ujeedda uu casuumadda ugu sameeyey, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey dhaqanka talo-wadaagga ee Somaliland iyo qiimaha uu ugu fadhiyo jiritaanka qaranimada Somaliland oo ku soo caano maashay, waxaannu Madaxweynuhu tilmaamay inay Somaliland weligeedba dhaqan u ahayd is-qancinta, isu talaansulka iyo isaga garaabidda hadba arrinka markaa la hayo ee taagan, sidaa darteedna maantana loo baahan yahay in Somaliland marxaladdan kaga gudubto dhaqankeedaa wanaagsanaa ee ay ku soo liibaantay. Madaxweynuhu waxa kaloo auu faaffaahin mug leh ka bixiyey geeddi-socodka dimuquraadiyada iyo dib-u-dhicii muddada dheer soo jiitamayey ee ku yimi doorashooyinka golayaasha iyo tii madaxtooyada ee dhawaan dalka ka qabsoontay, waxaanu sheegay in natiijadii doorashada Madaxtooyada iyo sidii wanaagsanayd ee ay ku dhammaatay soo jiidatay beesha caalamka, dlkeenuna sumcad weyn ka helay. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in go’aankii muddo-kordhinta ee uu dhawaan Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Golaha Wakiilladu, dhinacyada uu khuseeyo ee kale iyo bbeesha caalamka ee Somaliland ka taageerta doorashooyinkaba uu ugu muuqday mid ka badan muddo doorashada lagu qaban karo, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la rog-rogo oo sidii Somaliland dhaqanka u ahayd laysla soo dhaweeyo, iyada oo aannu dhinacna ku dhegayn awoodaha uu leeyahay. Madaxweynuhu isaga oo ixtiraamaya oo qadarinaya karaamada iyo sharafta Golaha Guurtidu leeyahay waxa uu mudanayaasha ka codsaday inay ka wadahadlaan sidii ay xeego-xeego u noqon lahayd, ilkana u nabad gelilahaayeen ee doorashadu u qabsoomi lahayd xilli kan ka horreeya oo ugu badnaan ku siman laba sannadood. Dhawr mudane oo u hadlay xildhibaannada Golaha Guurtida ee casuumadda ka qaybgalay oo dhamnaa in ka badan konton xildhibaan, ayaa iska daba maray mahadnaq ay madaweynaha uga mahad-celiyeen casuumaddan iyo xog-warranka buuxa ee uu ka siiyey xaaladda dalka. Mudanayaashu waxay ku dheeraadeen in Golaha Guurtidu niyadsami ku qiimeeyey xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran doorashada, waxaanay ku nuux-nuuxsadeen qabyada ka jirta sharciyada doorashadu u baahan tahay, dhaqaale xumida ay la kulantay xukuumaddan cusub iyo daynta xad-dhaafka ah ee xukuumaddii hore ka tagtay iyo weliba duruufaha nabadgelyo ee dalka ku xeeran. Sidaa awgeed, ayey mudanayaashu yidhaahdeen waxaanu ku qanacsannahay in ay muddadani ku yar tahay u diyaargarawga doorashada, balse iyaga oo gole ahaan qadarinaya, ixtiraam weyna u haya codsiga madaxweynaha, isla markaana og in aanay marka horeba dan gaar ah ka lahayn muddadan ay go’aamiyeen ee ka ahayd uun mid ay qaranka dan u modeen, waxay mudanayaashu si buuxda igugu raaceen inay madaxweynaha u ballanqaadayaan in aannu go’aankoodani noqon doonin mid caqabad ku ah doorashada hadday qabyadu dhammaato xilli muddadaas ka horreeya, sidaa darteed gole ahaan madaxweynaha u ballanqaadayaan in marka ugu horreysa ee la qabyotiro hawsha qabashada doorashada ay diyaar u yihiin inay madaxweynaha ku taageeraan mowqifkiisa,” ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafadeedka. Jamhuuriya Online
  19. gaaladanu necebnahay darawiish baanu nahay tan iyo waaga akhiro soo akhirki Melez kumay danbeyn