-
Content Count
30,102 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
81
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
One thing is for sure we dont have attam flu , These guys are either those anti Djiboutian or onlf, Any how somaliland will deal with it. I say it again No alshabaab or anything in that direction
-
These are not onlf where did u guys get this news These are probably anti Djiboutian nationalist.
-
Naftayda, Maalkayga iyo Waxaan Aqoon Leeyahay Waxaan u Hurayaa in aan Kula Dagaallamo Al-shabaab” Sheekh Aadan Siiro oo dhaliilo iyo ammaan isbarkan u jeediyey xukuumadda Siilaanyo, wadaada Somaliland-na ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan dagaal-diimeed Hargeysa (Jam)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-siiro), ayaa wacad ku maray inuu naftiisa iyo maalkiisaba u huri doono sidii uu Somaliland uga difaaci lahaa kooxda xagjirka ah ee ka dagaallanta Soomaaliya ee Al-shabaab. Sheekh Aadan Siiro waxa kale oo uu ugu baaqay culimada Somaliland inay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa dagaal-diimeed laga dhex bilaabo Somaliland, isagoo culimada waaweyn ee dalka u soo jeediyey inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan dagaal-diimeedka ka socda Soomaaliya. “Dagaalka diimeed ee ka socda Muqdisho ee nimanka loo yaqaan Al-shabaab hoggaaminayaan maaha dagaal sax ah ee waa dagaal khaldan, waxaan is leeyahay waa dad soofdaro-habaabay oo dariiqii saxda ahaa meel allaale meel ay ka hayaan aanay jirin, caalimkii, aqoonyahankii iyo taajirkii bay dilayaan, qof kasta oo nin-door ah oo yidhaahda waar arrinkaasi wuu khaldan yahay aye dilayaan. Waxaan leeyahay culimada Somaliland arrintaa mowqif cad ha iska taagaan, Somaliland nabadgelyo buuxda ayey haysataa oo waad ogtihiin 4 habeenimo ayuu qofku soconayaa in kuwaa la gala dagaalamaa waa waajib. Naftayda, maalkayga iyo waxaan aqoon leeyahay waxaan u hurayaa in aan kula dagaalamo kuwaas [Al-shabaab] Somaliland in aanay dumin wax kastoo ay igu qaadanayso, culimadana waxaan ugu baaqayaa yaanay noqonin waa aragti wadaadka Aadan-siiro leeyahay, laakiin ha noqoto aragti ay taagan yihiin culimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa looga fadhiyaa inay Somaliland difaaceeda mowqif cad iska taagaan, waxa looga fadhiyaa dagaal diimeed oo Somaliland laga abuuro mowqifka ay ka taagan yihiin, waxaan kula talinayaa kuwa maanta Hargeysa hantida badan ku haysta ee wadaadada ah, kuwa baabuurta cadcad ku haysta ee dadka ugu muuqda ee wax ku noqday Somaliland ee ka hor intii aanay Somaliland jirin baabuur cad, guryo iyo muuqaal badan aan lahayn waxaan leeyahay waar dalkiina ka difaaca dagaal diimeed oo yimaad oo intaynu hadhaw is qoomamayn lahayn,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro oo khudbad u jeediyey kumanaan qof salaaddii Ciiddul-fidriga ku tukanayey garoonka xaafadda Xawaadle ee degmada 26-ka June. Sheekha oo khudbdiisa kaga hadlay qodobo kala duwan, waxa uu ammaanay Nadaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah dadka aqoonta iyo wanaaga la bidayo, hase ahaatee waxa uu dhaliilay qaab-dhismeedka xukuumaddiisa oo uu sheegay inay wax badan laga tabayo, waxase uu shacabka ugu baaqay in la taageero oo fursad ay wax ku qaban karto la siiyo. Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa la tabanayaa in dad badan oo aqoon iyo karti leh oo dalka qiimo ku leh aanay ku jirin xukuumadda, sidaa daraadeed waxaynu aad u faraynaa in dadkaasi laga qaybgeliyo. Waxaynu ku dhaliilaynaa xukuumadda maanta jirta tiro yaraantii in aanay jirin oo la magacaabay xukuumad 50 xil ah, isla markaasi haddana beelihii qaar badani dhiman yihiin, dadku waa qabaa’il, kala gobolo iyo kala degaan, waxaynu kula talinaynaa xukuumadda in dadka la ururiyo oo aanay dadku iska waayin kol haddii tiradii la badiyey, si dadka la isugu hayo. Walaalayaal xukuumaddaas aynu is barbartaagno. Waxaan kula talinayaa beelaha Somaliland waar nin walowba afmiishaarkaaga ka adkaw sannad oo dawladdaasi aynu fursad siino oo dacaayadda ha laga daayo, toosintu waa halkeeda oo waa ta aynu taaganahay, laakiin warkeena Madaxtooyada yaalaa ha asturnaado oo yeynaan suuqa keenin.” Aadan-siiro waxa uu xukuumadda kula dardaarmay inay culayska ugu wayn saarto shaqo-abuuris loo sameeyo dhallinyarada oo uu tilmaamay inay yihiin xoogga dalka, balse haddaanay shaqo helin dibadad uga bixi doona. “Waa in dhaqaalaha la kobciyaa, laakiin dhaqaalaha oo la kordhiyaa maaha in Wasiirka Maaliyaddu dadka ku soo rogo cashuur saa’id ah iyagoo bakhtiyaya oo aan shaqo hayn, waxaannu leenahay cashuurta ha la dhimo si dekedda Berbera u noqoto meel Geeska Afrika oo dhan dhaqaalihiisu ka soo dego.” Sheekhu waxa uu soo jeediyey qorshe lagula dagaallami karo faqriga, waxaannu yidhi, “Walaalayaal ina farayaa in aynu isku naxariisano. Dalkeennu waa dal yar oo faqiir ah. Waxa loo baahan yahay in 20 guriba is abaabulaan oo shanta guri ee ku dhex bakhtiyaya ha caawiyaan, muxuu ku yeelanyaa kiiloo bariis ah haddii aad rufuc soo qaadato, muxuu ku yeelanaa kiiloo sonkor ahi haddii aad rufuc soo qaadato in aad bixiso, sidoo kale kiiloo daqiiq ah, markaad bal 20 guri oo min saddex kiiloo bixiyey waa 60 kiiloo wax bay u tarayaan shanta guri eek u dhex nool.” Ugu dambayn, Sh. Aadan-siiro waxa uu si kulul u cambaareeyey baadiri Maraykan ah oo dhawaan sheegay inuu gubayo nuqulo ka mid ah Kitaabka qu’aanka kariimka ah. Jamhuuriya Online
-
Somaliland: Police Officers Graduate from Gollis University
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jb do you have more pics neverless good work -
Sanaag Gets the Second University -- Welcome to Maakhir University
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
very nice good progress -
Faroole really needs to solve this issue
-
This is indeed good work and a good step in the right direction for the somaliland port the investment from these kind of venture will improve berbera and saaxil province as a whole and also the somaliland economy i welcome this this will surely improve the infrastructure of the country and also gain more employment of the somaliland people, berbera city will be transformed in to a industrious working transportation this is indeed good work well done
-
Originally posted by General Duke: ^^^Somaliland independence is not sure thing and every year that passes it becomes unlikely. Thus the real alternative are strong states and a weak center. ans these states must be large enough to sustain themselves.. Good luck indeed, we are all stuck together regardless. Ever year passes by and Somalia falls into deeper anarchy and more insurgents and foreign fighters keep coming to Somalia to add the fuel to its status failure. Is not going anywhere with the 4.5 clan formula and no new constitution will solve or safe it from further destruction or more clan states in mid Somalia.
-
Dukey Somaliland’s independence is not even Negotiable, so you can exclude them from your list. However you if you insist in having a federal Somalia from raskambooni to raas caseer I advise you to get rid of the 4.5 Clan formula federalism and 4.5 Don’t go hand in hand , after that you need to combat the Extremist groups alshabaab and all the other insurgents . after done all of that you can start Planning drawing a map possible federal states . In your Somalia. Good luck
-
ciyaaraha somaliland oo si casri ah loogu qabtay jigjiga
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ciyaar seylici in jiga -
Somalia: Son of Somaliland minister; Al-Shabaab commander
Xaaji Xunjuf replied to GLK Killuminati's topic in Politics
So let me get this straight Silanyo sends godane to koonfuria,, godane then returns and bombs Hargeysa Great team Makes sense -
Somaliland Police Arrest Teachers from Bugland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Teachers from bugland what are they teaching Terrorism or piracy any way good they are locked up the need to be deported ASAP -
Originally posted by Libaahe*: Your map is a joke, Caynabo part of puntland lol? not even laascanood is part of pirateland
-
Sept 07, 2010 War Deg-dega:- Golaha Guurtida Oo Mudo Kordhin U Samayeey Doorashooyinkii Golayaasha Hargaysa (Waaheen)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kal-fadhi aan caaddi ahayn oo ay maanta ku yeeshay Wasaarada Arrimaha Guddaha JSL Fadhigan maanta ee Aqalka Odayaasha oo uu Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, kulan kan oo ay kaga arrinsanayeen waxa ay ka yeelayaan muddo kordhin Madaxweyne Siilaanyo uu kaga dalbaday in ay u sameeyaan Golayaasha Baarlamaanka “ Wakiiladda iyo Guurtida” iyo Golayaasha Deegaanka oo qaarkoodana hore wakhtigii la doortay uga dhamaaday qaarkoodna uu bishan ka dhacayo. Hadaba doodo iyo falanqayn ka dib waxay mudanayaashu u codeeyeen mudo kordhinta golayaasha waxay u dhacday sidan. 1.Aqalka Baarlamaanka waxaa mudadii xilka loo kordhiyey 2 sano iyo 8 bilood (Laba Sano iyo sided bilood. 2.Golaha Guurtida ayaa iyagana xilkii loo kordhiyey 3 sano iyo 8 bilood (Saddex Sano iyo Sideed bilood) 3.Halka iyagana sidoo kale Golaha deegaanka loo kordhiyay muddo 1 sano iyo Badh ah.
-
Golaha Guurtida Oo Mudo Kordhin Isugu Kordhiyay Iyaga & Wakiiladda September 7th, 2010 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org) Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa muddo-xileedkii sii dhamaanayey ee Golaha Wakiilada ugu kordhiyey mudo laba sanno iyo siddeed bilood ah, waxa ay iyagu iskugu kordhiyeen sadex sanno iyo sideed bilood halka ay Golaha Degaankana xukumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen in muddo sannad iyo badh gudihii ah oo maanta ka bilaabmaysa in Madaxwaynuhu ku qabto Doorashada golayaasha deegaanka iyagoo mar hore xilka loo kordhiyey. Fadhigan maanta oo ka dhacay hoolka shirarka ee Wasaarada Arimaha Gudaha, ayaa waxa shir-guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida ahna ku simaha Guddoomiyaha Md Sh Axmed Nuux Furre. Waxana madasha maanta ka soo qaybgalay 68 mudane. Ku simaha Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Sh Furre, ayaa isagu mudanayaasha ku wargeliyey in sida distuurka JSL u ogalaanayo Golahan inuu u kordhin karo mudo xileedka Goleyaasha qaranka oo dhan marka uu dhammaado ee doorashana la gali kari waayo sababo sharciyeysan. Isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] uu dhawaan ka soo dalbaday in loo kordhiyo mudo xileedka sii dhammaanaya Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, sidaas awgeed-na loo baahan yahay in maanta loo kordhiyo mudo macquul ah Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo iyagu wakhtigoodii sii dhammaaday. Waxana isla markii-ba Md Furre Xildhibaanada ka dalbaday inay cod gacantaaga ku diidaan amma ku ogolaadaan wakhtiga loo baahan yahay in Golaha Wakiilada loo kordhiyo oo ahayd laba sanno iyo sideed bilood. waxana soo jeedintaas oggolaaday 65 Xildhibaan, halka ay ka diideen 2 mudane Guddoomiyuhu-na ma codeyn sidaas ayuu ku ansexay wakhtiga dheeraadka ah ee Wakiialadu. sidoo kale mudo xileedka Guurtida ayaa hal sanno ka dambaynaya kan Golaha Wakiilada. Sidoo kale Golaha Guurtidu waxa isla fadhigan ay Xukumada ugu baaqeen in mudo sannad gudihii ah ay ku qabto Doorashada Goleyaasha Deegaanka dalka Somaliland oo dhan, isla markaana diyaariso wax kasta oo looga baahan yahay qabsoomid Doorashadaas. Si kastaba ahaatee waxa iyagu dur-ba cambaareeyey mudo kordhin Golaha Guurtidu sameeyeen labada Xisbi Mucaarid ee UDUB iyo UCID, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan karin oo khalad ah, isla markaana meel kaga dhacay wadahadalkii arintan ka yeesheen komishanka doorashooyinka, asxaabta siyaasada iyo goleyaasha qaranku. Ramaasnews
-
Golaha Guurdida oo Muddo kodhin u Sameeyay Golayaasha Wakiilada, Guurtida, Deegaanka iyo Xisbiga udub oo Canbaareeyay Muddo kordhintaasi. Fadhigii Maanta oo ay ka soo Xaadireen 68 mudane oo uu Gudoominayay gudoomiye ku Xigeenka koowaad........ Hargeisa (GNS)Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta Cod Aqlabiyada ah ku meel Mariyay Muddo kordhin loo sameeyay golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo Deegaanka, Mudada Xilka Golaha Wakiilada ayaa loogu kordhiyay laba sanno iyo sideed bilood halka Golaha Deegaanka loo kordhiyay Muddo Sanad iyo Badh ah, Guurtiduna isku kordhisay seddex Sanno iyo Sideed Bilood. Fadhigii Maanta oo ay ka soo Xaadireen 68 mudane oo uu Gudoominayay gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada ahna ku simaha Gudoomiyaha Golaha Mudane Sheekh Axmed Nuux Furre ayaa isagu mudanayaasha ku wargeliyey in sida distuurka JSL u ogalaanayo Golahan inuu u kordhin karo mudo xileedka Goleyaasha qaranka oo dhan marka uu dhammaado ee doorashana la gali kari waayo sababo sharciyeysan. Isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] uu dhawaan ka soo dalbaday in loo kordhiyo mudo xileedka sii dhammaanaya Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, sidaas awgeed-na loo baahan yahay in maanta loo kordhiyo mudo macquul ah Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo iyagu wakhtigoodii sii dhammaaday. Shirgudoonka golaha ayaa Ka dalbaday in Cod fartaag ah lagu ansixiyo ama lagu joojiyo Muddo kordhinta Golaha Wakiilada oo ah laba sanno iyo sideed Bilood, waxaa ogolaaday 65 mudane, waxaa diiday laba Mudane, Gudoomiyuhuna muu Codayn. Mudanayaasha ayaa ugu Baaqay Xukuumad Cusub inay sanad gudihii ku qabato Doorashada Golaha Deegana lana diyaariyo Wixii ay ku Qabsoomi lahayd doorashadani. Mudo kordhintan ayaa ahayd mid la wada filayey hase yeeshee aad uga badan intii la filayey, mudo kordhintan ayaa ku dhamaatay si nabadgelyo ah aan wax buuq ahi ka dhalan. Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa isagu markiiba ka hadlay, kuna tilmaamay xadgudub lagu sameeyay hanaankii wada tashi ee xisbiyada qaranka u dhexeyay. Ku simaha gudoomiyaha xisbiga UDUB Axmed Yusuf Yasin ayaa sheegay in arinkan mudo kordhinta golayaasha loo balansanaa 15ka September 2010 in ay iskaga yimaadaan sedexda xisbi iyo gudida dooroshooyinka. Waxaanu yidhi Madaxweyne Siilaanyo wuxuu gawracay taladii la iskaga iman lahaa. Waxaanu sheegay gudoomiye ku xigeenka UDUB in mudo kordhintani tahay mid aan la aqbali Karin haba yaraatee. Xisbiga UCID ayaan isagu ilaa hada ka hadlin mudo kordhinta maanta loo sameeyay golayaashii qaranka. Waxaana la filayaa inuu UCID si weyn uga hor imadoono mudo kordhinta oo uu hore gudoomiyahoogi uga sii digay in aan mudo kordhin la samyn inta ay xisbiyadu ka wada tashanayaan wixii laga yeelilahaa.
-
^^ The so called professor or the article
