Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. i am not defending any colonial legacy infact my ancestors fought against the invaders and killed the first white man on our soil in the 1850s Lieutenant stroyan was Killed in berbera. But that's not what we are talking about the point is there was no somali state before 1884 or 1700 or before that or a sultanate belonging to the somalis or somalia as thankful claims . So we did not rejoin somalia in 1960 we were never part of it.
  2. there was no such thing as northern somalia , nor the clan chiefs from somaliland before 1884 used to call the land northern somalia, so where do you get this from.
  3. when we rejoined Somalia after the colonialist’s broke us up Did Somalia even exist before 1884?? what was there to rejoin
  4. The country which gained its independence from the United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland on 26th June 1960 and was known as the Somaliland Protectorate and which joined Somalia on 1st July 1960 so as to form the Somali Republic and then regained its independence by the Declaration of the Conference of the Somaliland communities held in Burao between 27th April 1991 and 15th May 1991 shall hereby and in accordance with this Constitution become a sovereign and independent country known as "The Republic of Somaliland". this is sacred the rest is not important
  5. PRESIDENTIAL VISIT TO THE UK BY HIS EXCELLENCY AHMED MOHAMED MOHAMOUD (SIILAANYO), PRESIDENT OF THE REPUBLIC OF SOMALILAND His excellency, President Ahmed Mohamed Mohamoud of Somaliland, accompanied by a delegation of cabinet ministers and the First Lady, Ms Amina Waris Sheikh, are scheduled to visit the UK from November 21st to December 3rd 2010. The visit is part of a series of official visits since the President and his new cabinet took office on July 26th 2010. The President and his delegation have already been warmly welcomed in Djibouti and Ethiopia and this visit to the UK marks the historic and strong ties between the two nations. The President is expected to meet with key members of the coalition government. The President will also meet with other stakeholders to discuss a wide range of issues including consultations on how to develop and deepen cooperation in the areas of security, development, foreign investment and bilateral relations between Somaliland and the UK. In particular, his attendance of the launch of the Anglo-Somaliland Chambers of Commerce in London on November 24th will acknowledge the importance of the private sector in creating sustainable and long-term development. This landmark occasion demonstrates the attractive foreign investment climate present in Somaliland as a result of the continuing peace and stability throughout the country. The President will attend the prestigious think thank Chatham House on the 26th of November to deliver a lecture on his plans for Somaliland and the country's regional role. Likewise, a meeting with the Somaliland diaspora on Saturday 27th of November demonstrates the important and rich contribution made by the diaspora to the democratisation and development of Somaliland, and will allow the President and his delegation to consult and engage the community on the many areas of mutual interest. The President’s office has confirmed that the President is expected to hold a press conference with members of the national and international press and media. Date and location of the briefing can be obtained on request
  6. PRESIDENTIAL VISIT TO THE UK BY HIS EXCELLENCY AHMED MOHAMED MOHAMOUD (SIILAANYO), PRESIDENT OF THE REPUBLIC OF SOMALILAND His excellency, President Ahmed Mohamed Mohamoud of Somaliland, accompanied by a delegation of cabinet ministers and the First Lady, Ms Amina Waris Sheikh, are scheduled to visit the UK from November 21st to December 3rd 2010. The visit is part of a series of official visits since the President and his new cabinet took office on July 26th 2010. The President and his delegation have already been warmly welcomed in Djibouti and Ethiopia and this visit to the UK marks the historic and strong ties between the two nations. The President is expected to meet with key members of the coalition government. The President will also meet with other stakeholders to discuss a wide range of issues including consultations on how to develop and deepen cooperation in the areas of security, development, foreign investment and bilateral relations between Somaliland and the UK. In particular, his attendance of the launch of the Anglo-Somaliland Chambers of Commerce in London on November 24th will acknowledge the importance of the private sector in creating sustainable and long-term development. This landmark occasion demonstrates the attractive foreign investment climate present in Somaliland as a result of the continuing peace and stability throughout the country. The President will attend the prestigious think thank Chatham House on the 26th of November to deliver a lecture on his plans for Somaliland and the country's regional role. Likewise, a meeting with the Somaliland diaspora on Saturday 27th of November demonstrates the important and rich contribution made by the diaspora to the democratisation and development of Somaliland, and will allow the President and his delegation to consult and engage the community on the many areas of mutual interest. The President’s office has confirmed that the President is expected to hold a press conference with members of the national and international press and media. Date and location of the briefing can be obtained on request
  7. Originally posted by xiinfaniin: waxaa la wariyey in abu hurayra oo habeen magaalaga mushaaxayya ay shaydaan is heleen. Abuhurayra nin caqiido ku hubaysan buu ahaaye, shaydaankii buu inta kusoo booday ceego ku dhegay oo naftiisa dirqi geliyey. Shaydaankiiba inta lafihiisa u baqay yiri, war ninyahow wax ku anfacaan kuu sheegayaaye caawa isii daa. Abuhurayra waa maxay waxa i anfaca ood ii sheegi buu yiri, shaydaankii wuxuu yiri, ayatul kursi aqriso way ku anficiye. Subaxii baa abuu hurayra nabiga (scw) u sheegay. Nabigu wuxu ku jawaabay, shaydaanku waa beenlow asalba laakiin maanta runbuu kuu sheegay . xaajigu maanta xoogaa runtuu u dhawaaday Maanta xiin fanin shaydaan bu igu masalay , wayahay eh iska kay naar
  8. Originally posted by AYOUB: ^ Xaaji don't be a war-monger. It's not good. i am not a war monger, But khadar is and his so called jabhad. the sl elders are in the buhoodle district to restore peace between the brotherly clans
  9. loool@ sanaagland is this a joke or something Africa own is that Mudane ismacil xaji nuur
  10. khadar what are you talking about two clans fought unfortunately and now there should be peace between the neighboring clans in the buhoodle district. The Somaliland elders are there to restore the peace between the brotherly clans, unless you want war between the two neighboring clans ????
  11. Jabhadda SSC oo u diiday Ergada Somaliland inay tagaan Buuhoodle iyo Ciidanka Qaranka oo kaabiga u saaran inay galaan Wasiiro ka socda Puntland iyo Ilaalo xoogan oo ay wataan oo soo gaadhay Buuhoodle Buuhoodle (Waaheen) Wararka aanu xalay ka helnay Jiida hore ee Qorulugud iyo Buuhoodle ayaa sheegay in ay Jabhada ku amar ku taaglaysa Buuhoodle ee SSC ay diiday Ergooyinka Somaliland ee u socda dhexdhexaadinta labada Beelood eek u diriray Kalshaale ay tagaan dhinaca Beesha Buuhoodle si ay Kalsooni uga soo helaan isla markaana ay u bilaabaan wadahadalada ay xalka kaga gaadhayaan Khasaarihii ka dhex dhacay labada Beelood. Sida ay wararkaasi sheegayaana waxa ay Odayaasha Buuhoodle Ergada ku wargaliyeen dhacdadaasi waxaanay ka dalbadeen inay dib u dhigaan imaanshahooda inta ay xal u helayaan Awaamiirta Jabhadaasi ama ay iyagu ugu imanayaan meel kale oo ka baxsan Buuhoodle si ay ugu suurtogasho inay Ergada kula kulmaan. Arrintani ayaa waxay ka danbaysay kadib markii shalay Beesha Qorulugud Ergada Siisay Kalsooni Buuxda oo ay ku dhexdhexaadiyaan iyaga Beesha ay Qoontu kala gaadhay oo muddo dhawr cisho ah laga sugayay Go’aankooda Hase yeeshee wararku waxay intaa ku darayaan inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan Kooxdaasi Nabad-diidka ah ee ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodle kaasoo ay ku doonayaan inay ku wiiqaan Ergooyinka labada Beelood iskaga dab-qaadaya si ay nabad waarta uga dhaliyaan hase yeeshee waxa la sheegayaa inay Ciidamadda Qaranka Somaliland eek ala dhexgalay labada Beelood Isha ku hayaan dhaqdhaqaaqaasi, waxaanay kaabiga u galeen Magaaladda Buuhoodle si haddii ay jabhadaasi ugu kacdo wax weerar ah ay u siiyaan Jawaab aanay ka soo waaqsan. Waxaana la sheegay in Taliyaha ciidamada Somaliland Gen. Nuux Taani iyo ku-xigeenkiisa Col.Caydiid Dhadhable ay maalmihii u danbeeyayba ku sugnaayeen duleedka degmada Buuhoodle oo ay ku diyaariyeen Ciidamo ka tirsan Qaranka oo Saldhigyo ka samaysanaya Buuhoodle. Dhinaca kalena waxa dhinaca Buuhoodle isla xalay soo gaadhay Ergooyin isugu jira Wasiiro iyi Isimo kuwaasoo ay wehelinayaan Ciidamo Ilaalo u ah kuwaasoo la sheegay inay wataan baabuur Tikniko ah oo farabadan, ilaa hadana ma jiraan warar Rasmi ah oo la oo cadaynaya ujeedada Socdaalkooda balse Madaxweynaha Puntland C/raxmaa Faroole ayaa Xukuumadda Somaliland ugu Hambalyeeyay sida ay u xakamaysay Dagaalkii labada Beelood ee Buuhoodle iyo Qorulugud ku dhex maray Deegaanka Kalshaale, waxaanu sheegay Maamul ahaan inay u soo dirayaan Ergooyin ka kala socda Isimada iyo Maamulkiisa.
  12. interesting so the so called khusuusi nabadi wey diideen oo ergadi salaadinti nabada raadinaye wey dideen inay aqbalan. Tallow marka maxay rabann?? Anigu waan ogahay qolyaha nabad diida dagaal qabil bey u miliksanayan laakin dhici meyso wa laga horeya wana laga danbeya
  13. Xildhibaanada Barlamanka oo maanta Gacanta iskulatagay Muqdisho: (Sh. M. Network) Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta ku kulmay Muqdisho islamarkaana la horgeeyay Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa gacmaha iskula tagay kadib markii ay isku mari waayeen qaabka kalsoonida loo siinayo Xukuumada KMG Soomaaliya. Kulankaani oo maanta Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ay isugu Tageen 348 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeyn furay gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ajandaha maanta laga doodayay uu ahaa kalsooni siinta Xukuumada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Farmaajo. Ugu horeyn ayaa fadhiga barlamanka waxaa la aqriyay labo mooshin oo iska soo horjeeday kuwaasi oo uu sheegay gudoomiyaha Barlamanka inay ka kala yimaadeen xildhibaanada Barlamanka, waxaana mooshinadaasi ay kala ahaayeen in hab qarsoodi ah codka loogu qaado Xukuumada iyo in gacan taag loogu cadeeyo waxaana mooshinka koowaad oo ahaa in codka si qarsoodi ah loogu qaado xukuumada halaasi ka aqriyay xildhibaan C/raxmaan Afrax. Mooshinkaasi mid ka soo horjeeda oo ahaa in codka si gacan taag ah loo qaado kalsooni siinta Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ka soo jeediyay xildhibaan Bashiir Cadow Calasow, Intaasi kadib ayaa gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa uu sheegay isagoo cuskanaya xeer hoosaadka Barlamanka in codka xukuumada loogu qaado si qarsoodi ah, iyadoo xiligaasi kadibna mudanayaasha Barlamnku ay hoolka ka dhex bilaabeen buuq iyo sawan xoogan. Buuqaasi markii uu in mudo ah socday ayaa waxaa uu sababay in ay gacmaha iskula tagaan xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya kuwaasi oo isku dhex qabsaday fadhiga Mudanayaasha Barlamanka. Markii ay sii kordheen buuqa iyo gacan ka hadalka u dhaxeeya Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa gudoomiyaha Barlamanka waxaa uu go’aamiyay in shirku uu xiranyahay hase ahaatee waxaa go’aankaasi ka soo horjeestay mudanayaasha Barlamanka oo sheegay inay maanta dhinac u ridayaan arinta ku saabsan xukuumada KMG Soomaaliya. Gudoomiyaha Barlamanka ayaa dantu waxa ay ku qasabtay in uu ka laabto go’aankiisii ahaa in uu xiranyahay shirka Barlamanka, waxaana uu amar ku bixiyay in la keeno sanaadiiqda codadka si codka hab qorsoodi ah loogu qaado, waxaana markasta uu gudoomiyaha Barlamanku hadlo ka soo horjeesanayay xildhibaano ka tirsan Barlamanka. Markii mudanayaasha Barlamanka ay isku mari waayeen habka codka loo siinayo Xukuumada Cusub ayaa gudoomiyaha Barlamanka waxaa uu mar kale qaatay go’aan ah inuu xiranyahay fadhiga Barlamanka iyadoo xiligaasi kadibna ay kala dareereen mudanayaashii Barlamanka iyagoo wax natiijo ah ka gaarin kulankii maanta, gacantana iskula tagay.
  14. a khadar ergadi nabada ma qaabisheen mise ergadi waad diideen? ciidanka qarranka wa ciidanka ummada somaliland ilaalinaya wana ciidanka la kala dhex dhigay , labada beelood eeh dagaalamay.
  15. Ninkan Cali khalif galaydh wuxu ka yimi Nugaal godan. Magiciisa maxa marka lo badalaya , Anigu koonfuriansku waan u fiirsaday ooh xarafku marku halka hore dh kaga bilaabmayo Kalmado ku dhawaaqistiso dhibaato kuma hayso mar alaale marku xarafa dh dhexda kalmada kaga jirto ama ugu danbeyo bey khal khalayaan Koonfuriansku xarafka dh waxay ku badalayan ®
  16. Cashar yar Qolyaha Koonfurianska badh=bar bar = calaamad jidhka ku taala, ama tilmaam meel lagu tilmaansado badh= half of something jiidh = hilibka intiisa cas een baruurta ee aan baruurta lahayn jiir = mouse, dooli reer konfur HALKA NADIIFI OO XAAR mise HALKA NADIIFI OO XAADH afka aadamigu eeh basharku ku hadlo si uu u tisqaado waa in uu kala soocnaada oo waxaad sheegaysaa aan wax kale loo malayn. wixii san iyo wixii xumi si loo kala garto waa in ay kala dhawaaq ahaadaan. Ereyada wixii isku asal ahi dhawaaq iyo ereyba way wadaagi karaan laakin laba ficil oon is-fal gelin erey ma wadaagi karaan isku dhawaaqna ma noqon karaan tusaale imika hadii aan ku idhaa Hebelow orod oo HALKA NADIIFI OO XAADH iyo HALKA NADIIFI OO XAAR iyamaa weedh faa'ido leh oo qof miyirqaba yidhi lagu sheegi karaa afsomaligu wa midho lugu wada hadlo yaan la isku qaldin. (xaadh - xaar)-(gogola xaadh - gogol xaar)(xeedho - xeero). labadan erey waxay samaynayaan micne aad u kala gedisan. waxa jira ereyo english ah oo erey lamid ah oo french ama dutch aad aragtid oon isku micna ahayn, sidaas oo kale ayuu afsomaliga Waqooyi iyo konfur mararka qaar aad moodaysaa. (waxaan se iswaydin mudan weedha gogol xaadh ma adeegsan somalida koonfureed) ereyada Dadka loo adeegsado ----------------------------------- Gabadh - Gabdho = woman and women ('gabadh' somalida Waqoyi, Itoobiya iyo jabuuti waxay u yaqaanan gabadha guur soo martay ama ha la qabo ama carmal/garoob ha noqoto midkay doonto. laakin Koonfurta Gabadh waxaa looga yaqaana ilma aad dhasho ee dhedig ah 'waa arin af kala qaad ah') Waxa jira aduunweynaha qowmiyado iyo qabiilo badan oo luqad afkooda iyo carabkood ku qallaad ka dhigta, luqadooda 1aad. tusaale waxaa inoogu filan Jamaica waxay ku hadlaan english, laakin waxaa ku dhex jira oo ka buuxa ereyo ku abtirsada galbeedka africa oo ah dhalasho ahaan halkay (Jamaicans) kasoo jeedan. dhawaaqi afkay qaaten(english) oonay ereyga dhawaaqisi saxna ku dhawaaqi karayn. taasi waxay sababtay afkii ay qaaten in uu dhalangedismo. hadaba ma laga yaaba in afsomaligu dad la'dhashay!, dad kalena sidaa jamaican ugu barbaaren English ee hadana afkoodi hooyo iyo english-ta isku qasayaan, ay iyaguna afsomali iyo af-gudhuu kale isku qasaan ooy u yaqaanan afsomaligii saxnaa. Anaga afsomaliga naga barta dhaxal awoow weye ku dhawaaqida afsomaliga Macalinka afsomaliga Xaaji Xunjuf.
  17. Maleeshiyada Nabadiidka Oo Ergadii Colaada Kalshaale Ugu Hanjabay Haddii Ay Buhoodle Soo Galaan Inay Weerari Doonaan Iyo Ciidamada Qaranka Oo Heegan Culus Galay Hargeysa November 22, 2010 (Haatuf) – Maleeshiyada Nabadiidka ee Buhoodle ayaa Ergadii Madaxdhaqameedyada ee isku xilsaaray daminta colaadii ka dhacday deegaanka Kalshaale oo la filayey in maanta ay u ambabaxaan degmada Buhoodle ayaa ugu hanjabay haddii ay soo galaan Buhoodle inay weerari doonaan, iyagoo gogosha wada hadalka odayaasha dhinacooda soo jeediyey in lagu qabto tuulada Kalshaale ee dagaalka labada beelood ka dhacay Salaasadii todobaadkii hore. Eragada Madaxdhaqameedyada ee isku xilsaaray daminta colaadaasi ayaa shalay beesha Qori-lugud si buuxda uga helay kalsoonida Nabada ee labadooda beelood eek u dagaalay Kalshaale, taas oo la filayey inay maanta ugu kicitimaan Buuhoodle Ergadaasi si ay Kalsooni iyo inay Nabadqaataan uga soo helaan Isimada deegaankaasi Buhoodle. Afhayeenka maleeshiyada nabad-diidka C/risaaq Bakayle ayaa Haatuf u xaqiijiyey xalay mar aanu khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan Buuhoodle waxna kaga weydiinay talaabada ay madaxdhaqameedyada ugu diideen inay soo galaan deegaanka Buuhoodle isagoo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “SSC way diiday in lagu wada hadlo Buuhoodle soona galaan madaxdhaqameedku, waxaananu soo jeedinay in lagu wadahadlo meeshii dagaalku ka dhacay ee Kalshaale, hase yeeshee waxaanu markii dambe ku go’aan qaadanay anaga iyo odayaasha Buuhoodle in gogosha wadahdalka laga dhigo Maygaagle” Dhanka kale garaad C/laahi Gaaraad Soofe oo ah afhayeenka madaxdhaqameedyada Buuhoodle oo aanu wax ka weydiinay mawqifka nabad-diidka inay la qabaan iyo in kale iyo waxa uga qorshaysan ergada ugu soo kicitimaysa Buuhoodle, ayaa isagu ka warwareegay kana gaabsaday inuu si cad uga hadlo arrinkasi waxanu yidhi “Wax war ah oo aan bixinayaa ma jirto khayr baanan rajaynayaa arrinkaa mar hadaanay nimankaasi noo imana maxaan ku hadlaa” ayuu yidhi Dhinaca kale ilo wareedyo aanu ka helay dad ku sugan degmada Buuhoodle ayaa noo xaqiijiyey in wafti wasiiro ah oo ka socda maamulka Puntland ay soo gaadheen shalay galab magaalada Buuhoodle wada hadalana ay la yeesheen maamulka kooxda nabad-diidka iyo odayaasha reer Buuhoodle, hase yeeshee waftigii xukuumada Somaliland u xilsaartay badhitaarka daminta shaqaaqada Kalshaale ayaan iyagu ilaa hada wali dhaafin magaalada Burco, islamarkaana aan gaadhin deegaanka Qori-lugud ee madaxdhaqeedyada iyo hogaanka saddexda xisbi ay ku sugnaayeen muddo shan maalmood ah, iyadoo wakhtigan xaadirka ahna ay muddo dhawr maalmood ah ciiidamda qatranka Somaliland ay ku sugnaayeen deegaanka Maygaagle oo soddon Km magaalada Buuhoodle ka soo xigta dhanka degmada Qori-lugud, taas oo ah meesha ay maamulka nabad-diidku ay sheegeen in gogosha wada hadalka la dhigo, hase yeeshee xukuumadda Somaliland iyo ergada madaxdhaqameedka isku xilsaaray nabadaynta labadaa beelood ayaan la ogayn ilaa hada mawqifka iyo talaabooyinka ay ka qaadan doonaan go’aanka ay gaadheen maleeshiyada nabad-diidka, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo ku sugan jiida Maygaagle ayaa noo sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaasi ay heegan culus galeen xalay, isla markaana xoog saareen amaanka iyo isku socodka deegaanada u dhexeeya Buhoodle iyo Kalshaale ay colaadu ka aloosan tahay. Dhinaca kale beesha degmada Qurilugud ayaa iyagu ergada madax dhaqmeedada ee daminta colaada Kalshaale ku hawlan iyo ergada golaha guurtida si buuxda ugu cadeeyay inay qaateen Nabadd, isla markaana ay siyeen kalsooni buuxda oo ku wahjahan dhex dhexaadinta labada dhinac, taas oo ay ka soo qayb galeen boqolaal madax dhaqameedo ah oo iskaga kala yimid gobolada iyo degmooyinka dalka.
  18. it's getting worse by the day it seems also the clan wars are reaching Mudug
  19. SOMALIA: What use is AMISOM? leave your own! Share “What use is AMISOM” is what is often heard not by Somalis that have been allegedly shelled by its peacekeepers but by UN diplomats at OCHA, UNSOA, UNPOS and Arab embassies here in Nairobi. The 7000 plus peacekeeping force with its civilian staff have been in Somalia for almost four year now and have hardly achieved anything real results. While not achieving results in Somalia is nothing new when one looks at the history of UNDP and UNPOS, AMISOM’s failure to date has been due its leadership and its inability to strengthen talent and recruit qualified staff. This is a typical African failure. Given that AMISOM is Africa’s first peacekeeping mission one would expect the AU to take the issue of Somalia with sincerity and seriousness rather than send second class diplomats to work on an issue that seen thousands of innocent Somalis die at the hands of warlords, terrorists and peacekeepers. The African Union’s first mistake was to appoint the current Somali Envoy, Ambassador Boubacar Diarra to such a demanding critical task. Ambassador Diarra is no doubt a good man and Muslim but he lack the intellectual rigour and vision to resolve the current Somali crisis. According to diplomats in Nairobi, Ambassador Diarra is unable to perform diplomatically and has become an embarrassment to AMISOM. An example was Ambassador Diarra’s first visit to Mogadishu. It took the former Ambassador Ould Abdallah and the AU Commissioner for Peace and Security to force him to visit Mogadishu. Such an act of cowardice has not only made Ambassador Diarra a target for ridicule within AMISOM security circles but made his relationship with the TFG extremely difficult. Unlike the TFG relationship between Nicolas Bwakira the former Somali Envoy who developed good relations within the TFG and its presidency Ambassador Diarra has not relations with TFG. In fact, when Ambassador Diarra wants to speak to TFG members or the president he has to go via his US-Burundi intelligence officer who Somalis from the Jubaland have issued a fatwa on. Recently, the AU has decided to sack AMISOM’s Police Unit for poor performance and gross infighting here in Nairobi. This means that AMISOM has no Police Unit to work with UNDP and the Somali Police Force. By December, training of Somali police with end, which means al Shabaab and corrupt TFG police, can continue extorting money from innocent Somalis. Advertisement - article continues below » Politically, AMISOM under the leadership of Ambassador Diarra has failed to take the initiative to promote reconciliation among the warring Somalis. According to one source, Ambassador Diarra believes Sheikh Hassan Dahir Aweys is untrustworthy and refused to negotiate with him. AMISOM’s failure to think big has meant that UNPOS under the direction of Bruno Mpondo has taken the lead to begin talks with Hizbul Islam that start in Finland this year. Whether UNPOS will bring to the negotiation table Sheikh Hassan Dahir Aweys is not the real issue but that UNPOS are still trying to carry out their political mandate. Militarily, AMISOM has meant the difference between the corrupt TFG and the terrorists of al Shabaab but here again AMISOM under Ambassador Diarra has failed to show vision. The victories of AMISOM in Mogadishu have been down to the skill of General Nathan Mugisha and his brave soldiers who have kept Mogadishu and Villa Somalia from being a base for Al Qaeda and al Shabaab. The question here is why has AMISOM not taken advantage of this politically? Why has AMISOM (Ambassador Diarra) refused to authorise AMISOM civilian staff deployment to Mogadishu to assist General Mugisha and his men? Without an AMISOM civilian presence in Mogadishu AMISOM’s military victories will mean nothing and the Somalis will continue to be the victims. In conclusion, as the end of TFG’s mandate nears in August 2011 the AU and AMISOM need to think seriously whether Ambassador Diarra is the right diplomat to deal with the many more and serious crisis that we are due to witness next year in TFG. Should TFG collapse before its time it will be due to the weak role of AMISOM leadership and not only the weakness of TFG. The UN was wise to sack Ambassador Ould Abdallah (and keep Bruno Mpondo). The AU should now think big.
  20. Originally posted by NinaNC: ^Too much kiyaakare halkaan. Yaa leh yaa leh kulahaa! War heedhaha, ma nii sheegaa yaa iska leh? It is mine ok! there, I have said it!. Car sheegta magaaladeyda mar danbe, weji kaneecoyaashaa tihiin maxaan dhahaa. Eeebow xammar unukka leh
  21. Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay Written by Qaran news Nov 21, 2010 at 12:35 PM Siyaasiga Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay Hargeysa,(Qaran news) - Siyaasiga Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa ku tilmaamay dagaalkii dhex maray Salaasadii todobaadkii hore beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle ee khasaaraha dhimashadu ka dhacday kaa dhimay oo kugu dhimay, isagoo intaa ku daray in beelaha walaalaha ahi aanay ku kicin mar kale dagaalo dad kale ku dhintaan. Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa kale oo uu hogaan dhaqameedka labadaasi beelood usoo jeediyay inay u dhago-nuglaadaan ergada madaxdhaqameedyada ee dadaalka u galay daminta colaadaasi, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in laga ilaaliyo wixii siyaasad ah ee wax u dhimi kara, soona jeediyay in hab-dhaqan lagu dhameeyo wixii dhibaato ah ee ka dhacay colaada ka aloosan deegaanka Kalshaale. Xaaji Axmed Cabdi Xaabsade waxa u sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramayey isagoo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Caasimada Hargeysa. Isago ugu horayn ka hadlaya baaqiisaana waxa uu yidhi "Waxaan marka hore tacsi u dirayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iska horimaadkii dhexmaray labad beelood ee walaalaha ah intii ku dhaawacantayna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeey. Run ahaantii waxaan u arkaa dagaalkaasi dhex maray labadaa beelood ee walaalaha ah ee isku abtiga ah iyo Seediga ah dadkii ku kala dhintayba Kaa dhimay oo kugu dhimay, waxaanan ugu baaqayaa inaan wax kale lagu darin wixii dhacay, islamarkaana la soo afjaro lana wadahadlo xabada iyo hubkana la dhigo waxba tari mayso, dadkiina dagaalamayaana waxaad tihiin dad aan kala maarmi Karin oo isku deegaan kaliya wada degan colaada sokeeyana waa maradaa kugu gubatay, xalkuna waxa uu ku jiraa in labadaa beelood wada hadlaan hogaan dhaqameedkuna dhex galaan oo arrin dhaqan lagu dhameeyo wixii dhacay' Mar uu ka hadlayay madaxdhaqameedyada beelaha kale ee Somaliland ee ergada nabad raadinta ah ugu baxay deegaanka Kalshaale ee colaadu ka dhacday iyo degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle waxa uu yidhi "Madaxdhaqameedyada ugu kicitimay deegaanadaa Qori-lugud iyo Buhoodle ee isku xilsaaray deminta colaadaasi waan soo dhawaynayaa waxaanan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqayaa inay u hogaansamaan ergada dhexdhexaadinta ah ee talooyinka ay usoo jeediyeen, lagana fogaado waxkasta oo turunturo iyo xagal daac ku noqon karta, deminta shaqaaqadii dhacday , waxaanan ku boorinayaa labada dhinacba ‘ Waar Tolow Colka Jooja' oo nabada qaata, dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiIl kuma dhasho.
  22. Siyaasiga Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay “Waxaan Ugu Baaqayaa Beelaha Walaalaha Ah Waar Tolow Colka Jooja,” Axmed Cabdi Xaabsade Hargeysa, November 21, 2010 (Haatuf) - Siyaasiga Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa ku tilmaamay dagaalkii dhex maray Salaasadii todobaadkii hore beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle ee khasaaraha dhimashadu ka dhacday kaa dhimay oo kugu dhimay, isagoo intaa ku daray in beelaha walaalaha ahi aanay ku kicin mar kale dagaalo dad kale ku dhintaan. Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa kale oo uu hogaan dhaqameedka labadaasi beelood usoo jeediyay inay u dhago-nuglaadaan ergada madaxdhaqameedyada ee dadaalka u galay daminta colaadaasi, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in laga ilaaliyo wixii siyaasad ah ee wax u dhimi kara, soona jeediyay in hab-dhaqan lagu dhameeyo wixii dhibaato ah ee ka dhacay colaada ka aloosan deegaanka Kalshaale. Xaaji Axmed Cabdi Xaabsade waxa u sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramayey isagoo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Caasimada Hargeysa. Isago ugu horayn ka hadlaya baaqiisaana waxa uu yidhi “Waxaan marka hore tacsi u dirayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iska horimaadkii dhexmaray labad beelood ee walaalaha ah intii ku dhaawacantayna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeey. Run ahaantii waxaan u arkaa dagaalkaasi dhex maray labadaa beelood ee walaalaha ah ee isku abtiga ah iyo Seediga ah dadkii ku kala dhintayba Kaa dhimay oo kugu dhimay, waxaanan ugu baaqayaa inaan wax kale lagu darin wixii dhacay, islamarkaana la soo afjaro lana wadahadlo xabada iyo hubkana la dhigo waxba tari mayso, dadkiina dagaalamayaana waxaad tihiin dad aan kala maarmi Karin oo isku deegaan kaliya wada degan colaada sokeeyana waa maradaa kugu gubatay, xalkuna waxa uu ku jiraa in labadaa beelood wada hadlaan hogaan dhaqameedkuna dhex galaan oo arrin dhaqan lagu dhameeyo wixii dhacay’ Mar uu ka hadlayay madaxdhaqameedyada beelaha kale ee Somaliland ee ergada nabad raadinta ah ugu baxay deegaanka Kalshaale ee colaadu ka dhacday iyo degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle waxa uu yidhi “Madaxdhaqameedyada ugu kicitimay deegaanadaa Qori-lugud iyo Buhoodle ee isku xilsaaray deminta colaadaasi waan soo dhawaynayaa waxaanan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqayaa inay u hogaansamaan ergada dhexdhexaadinta ah ee talooyinka ay usoo jeediyeen, lagana fogaado waxkasta oo turunturo iyo xagal daac ku noqon karta, deminta shaqaaqadii dhacday , waxaanan ku boorinayaa labada dhinacba ‘ Waar Tolow Colka Jooja’ oo nabada qaata, dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiIl kuma dhasho.
  23. Ciidamada Somaliland oo lagu amray in ay galaan Buuhoodle Hargeysa-Nov -20-10-(SDN)-Ciidamada Soomaliland ayaa amar lagu faryo in ay xarun ka sameystaan gudaha degmada Buuhoodle uu siiyay madaxweynaha Somaliland oo iminka safar ku jooga dalka Britain. Taliyaha ciidamada Somaliland Gen. Nuux Taani iyo ku-xigeenkiisa Col.Caydiid Dhadhable ayaa maalmihii u danbeeyayba ku sugnaa duleedka degmada Buuhoodle halkaana ku diyaarinayay ciidamo halkaa sal dhigan doona. Talaabadan ayaa waxa soo dedejiyay dagaal dhawaan degaanka kal-shaale ku dhexmaray laba beelood oo wada dega degaan hoos taga degmada Buuhoodle. Madxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo booqday dalka Itoobia todobaadkan ayaa halkaa madaxdii uu kula kulmay waxa ka mid ahaa madaxa ciidamada Itoobiya Gen. Samora Yunus oo waxyaabaha ay ka wada hadleena ay ka mid aheyd arinata jabhada SSC ee xarunteedu tahay degmada Buuhoodle. Genanaka iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa isla soo qaaday sidii ay Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland isaga kaashan lahaayeen kooxaha xag jira ee ku soo fidaya degaanadooda. Gudoomiyaha Jabhada SSC Saleebaan Xaglatoosiye iyo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa todobaadkan booqasho ku tegay magaalada Muqdisho,inkasta oo aan la shaacin ujeedada safarkooda iyo in ay la kulmeen madaxda dawlada shariif sheekh Axmed hadana waxa la sheegay in xubno ka tirsan dawlada ay caasimada ku casuumeen. Waxa degaanadii dagaaladu saameeyeen iminka ku sugan ergo 40 xubnood ka kooban oo isugu jira sadexda xisbi qaran ee Somaliland oo uu dhawaan magacaabay ku-simaha madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Saylici si ay u qaboojiyaan xaalada colaadeed ee halkaa ka jirta. Sidoo kale waxaan waxba ka soo bixin baaq nabadeed oo dhawaan uu ku baaqay madaxweyne Siilaanyo iyo gudi uu arintaa u saaray oo kulan qura la yeeshay mid ka mid ah Madaxdhaqameedka Sool Garaad Abshir Saalax oo wax ka soo baxay aaney jirin. Isku soo wada duuboo waxa la eegaaba waa in Buuhoodle noqon doonto goob dagaal daba dheeraada uu ka curto iyo in sidii Laascaanood maamulka Somaliland sal dhigto.
  24. alayraxma raximin, hadana ma salaadinti ba la laynaya