-
Content Count
30,089 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
79
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland gabiley province police commander sacked
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
At the same time say hi to the new Police commander of the sool province. -
Taliyaha Booliska Gobolka Gabiley oo Xilkii laga Qaaday loona Beddelay Gobolka Sool iyo Dareenka ku Xeeran Arintaasi. Maamulka Gobolka ayaa maalmahanba eeda arintaasi dusha ka saarayay Ciidanka Booliska Hargeisa (Gabiley News)- Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley Gen.Maxamed Faarax Nuur ayaa manta xilkii laga Qaaday loona badalay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sool. Warkan oo illaa shalay dadwaynaha Gobolka Gabiley aad u hadal hayaan ayaa la sheegay in uu la xidhiidho Hawl galo lagu doonayay in lagu qabqabto masuuliyiin Hanti dhawrku baadhis ku hayay oo Gabiley ku sugnaa, kuwaasi oo la sheegay inay baxsadeen. Maamulka Gobolka ayaa maalmahanba eeda arintaasi dusha ka saarayay Ciidanka Booliska in ay ka gaabiyeen qabashadda ragaasi. Taliyaha Booliska ee Xilka laga qaaday Maxamed Faarax oo Gabiley News Khadka Telephone-ka kula xidhiidhay ayaa sheegay in ay jirto arintaasi loona keenay taarka beddel-ka ah loona beddalay Gobolka Sool. Taliyaha oo aanu wax ka waydiinay eedayn loo soo jeedinayo inay ka gaabiyeen qabashadda ragii hantidhawrku baadhista ku hayay oo la sheegay inay baxsadeen ayaa waxa uu sheegay inay in ka hor intii aan waaranku soo gaadhin ciidanka Booliska ay so xaqijiyen Ragii la doonayay in la qabqabto ka dibna ay baxsadeen isaga oo xusay in Galinkii horeba sheekadu suuqa ku jirtay balse waaranku afartii galabnimo soo gaadhay, hawshoodana guteen oo ay sameeyeen hawl gal ciidan oo lagu baadi goobayo nimankaasi. Taliye maxamed Faarax ayaa sheegay Ciidanku Guteen Waajibaadkooda shaqo ee arintaasi balse ay jirtay siyaasad kale oo uu maamulka Gabiley ka lahaa arintaasi, taasi uu xusay inay badalkiisa dabada ka riixayaan Maamulka Gobolku. Badalka Taliyaha Ciidanka Booliska Gabiley ayaa ku soo beegmay Wakhti ay Xaaladda Gobolku aad u liidato, Khilaaf Xooganna hadheeyay Maamulka Gobolka iyo Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley, kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyay aad looga dareemayo Gobolka Gabiley Dawladda Dhexe ayaan illaa hadda ka hadal khilaafka Gobolka ka taagan iyo Ismaandhaafka maamul ee masuuliyiinta ka dhexeeya taasi oo Ragaadin karta, dhibaatona soo gaadhsiin karta habsami u socodkii hawlihii qaranka loo hayay. Xukuumadda Cusub ee kulmiye ayaa lagu eedeeyaa inay ka dhaga adaygto khilaafyadda maamul ee ka dhaca Gobolka Gabiley, gacanta ugu wayna ay kula jiraan Arimaha Khilaafka keenay, iyadda oo ay markhaati ka tahay kala jabka dumarkii Xisbiga kulmiye oo laba urur kala samaystay Xalkooda illaa hadda la gaadhi laayahay
-
As Al Shabab Looms, Somali Government Running Out of Time
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Amistad to the world Mogadisho Is Somalia who controls Mogadisho Controls Somalia its not about the trashed buildings or the destroyed city -
Somaliland president receives delegation of Yemen Parliament
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xarunta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Ka Socda Baarlamaanka Dalka Yemen Oo Booqasho Saddex Maalmood Ah Ku Jooga Caasimada Hargeysa. Hargeysa (Ramaas) Dec, 27. 2010- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo], ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka dalka Yemen oo booqasho saddex maalmood ah ku jooga magaalada Hargeysa. Qaabilaadan uu u sameeyey Madaxweyne Siilaanyo Xildhibaan Saalax Ismaaciil Abu Caadil oo isagu hogaaminaya wefti ka socda dalka Yemen, ayaa markii uu kulanku dhammaaday, waxa warbaahinta uga waramay waxyaabihii ay Xildhibaanka iyo Madaxweynaha Somaliland ka wada hadleen Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md Cabdicasiis Maxamed Samaalle, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen xidhiidhka labada dalka dhexeeya sidii loo sii xoogin lahaa. Md Samaalle waxaa uu sheegay in weftiga uu Madaxweynaha Somaliland uu fariin qoraal ah ugu dhiibay Madaxweynaha Jamhuuriyada Yemen Cali Cabdelle Saalax. Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha Somaliland ka gudoomay Xildhibaan Saalax Ismaaciil Abu Caadil salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Yemen. Weftigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka socda baarlamaanka dalka Yemen ee booqasho ku yimaada Somaliland. Ramaasnews Desk Hargeisa. -
Its time to move the Capital from Mogadishu
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Duke what is your opinion on this -
Somaliland president receives delegation of Yemen Parliament
Xaaji Xunjuf posted a topic in Politics
Wefti Baarlamaanka Dalka Yaman ka Socda oo Markii ugu Horeesay Somaliland Yimaada Hargeysa/ToggaHerer Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta xafiiskiisa kulan kula ayeeshay wafti uu hoggaaminayao xubin ka mid ah Baarlamaanka Dalka Yaman , Mudane Saalax Ismaaciil Abul Caatil oo booqosho saddex maalmood ah ku joogay Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Kulankaas oo ay albaabadu u xidhanaayeen ayaa ka dib markii ay ka soo baxeen waxaa warbahinta qaar ka mid ah u waramay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Mudane C/Casiis Maxamed Samaale oo sheegay in ujeedada ay weftiga iyo madaxweynuhu ka wada hadleen la xidhiidhay sii xoojinta Cilaaqaadka labada dal ay wadaagaan ee dhinacyada nabadgalayada iyo ganacsiga. waxa kale oo uu xusay in uu Madaxweynuhu Mudane Siilaanyo uu u gudbiyaay waraaq fariin ah Madaxweynaha Dalka Yaman Mudane Cali Cabdala Saalax. waa sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu Mudane Samaale, waxaana uu hadalkiisa ku daray in Mudane Saalax Abul Caatil isna uu soo gaaadhsiiyay Madaxweyanaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo salaan uu uga siday maxadweyanaha Dalka Yaman . Waftigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyaay ee noociisa ah ee ka socda Baarlamaanka Dalka Yaman oo safar ku yimaada dalka Somaliland. -
Somalina;683280 wrote: Afghanistan iyo Pakistan waa foreigners. Uganda waa walaalaheen from Africa, just like Ethiopia are your brothers. Argagaxiso diin ma laha, kii supportgareyana meeshuu ku danbeeyo waa la ogyahay, marka is ilaali leen ku iri. Intaad South is leedahay ha sii gubato yaanan adiga lagu gubin (big brother is always watching). Teeda kale, banaanka ula soo bax support-kaaga, soona qaado boorarkaada ay ku qoran yihiin "I love you Godane, keep burning Xamar" haddaad karti leedahay, halkan ha ku dhuudhumanin. Anigu horta siday wuxu yihin baan u sheegey awoow afghanistan iyo Pakistan wa dalal islaama ah runti Anigu koley Qofka dinta islaamka watta aya dunida iga xiga gaalka oo ilahay baba ta ino sheegey. Anigu waxan jecelahay inay Somalia nabad noqoto oo wanaageedi iyo sharafteedi ay lahayd ku so noqoto, Godane na wuxu is leeyahay wuxun hagaajii koley qofku marku hogaan qabto qalad wa leeyahay . Xaajigu na qof is qariya na maha ma dhuunto awoow lol
-
Somalina meeshan jooga CIA baa ba looga taliya so ma ogid lol Sure Alshabaab has foreign elements and foreign Fighters but they are mostly concentrated inside South and mid Somalia. Their leaders are Somalis They have a group of Muhajirins Mostly arab Muslims and pakistani Muslims . these are the foreign fighters. But Alshabaab is an offshoot of Icu Muqaawamo and former Islamic Factions in somalia . And it's not a secret they have a foreign agenda. Compare it to the TFG created By foreigners created outside Somali soil. Their leaders are elected outside Somalia. plus 8000 foreign fighters
-
As Al Shabab Looms, Somali Government Running Out of Time
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^ Its the capital if they control the capital they can lead from there. -
Somaliland berbera port goes through Major Improvements Pictures
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Maamulka cusub ee Dekedda Berbera oo ku Guulaystay inuu Dhaqdhaqaajiyo Horumarinta Hawlaha Farsamo ee Dekedda Berbera + SAWIRO Berbera (OWN)- Maamulka cusub ee Dekedda Berbera oo ku Guulaystay inuu DhaqdhaqaajiyoHorumarinta Hawlaha Farsamo ee Dekedda Berbera (Somalilandpress)- Maamulka cusub ee wakhtigan la wareegayagaasinka dekedda caalamiga ah ee Berbera, ayaa muddadii koobnayd eeuu hayay xilka maamulka dekedda waxa uu bilaabay in horumarin guudlagu sameeyo qaybo badan oo ka mid ah dhinacyada farsamo ee marsadaBerbera. Taasoo la jaanqaaday khibrada iyo aragtiyaha fog ee uuaqoonta u leeyahay Maareeyaha Dekedda Berbera… waxaana waagii-beryabadekedda ka socda dhismayaal iyo isbedel cusub oo kor loogu qaadayohawl-maalmeedka adeegyada kala duwan ee Dekedda Berbera. Maalmihii u dambeeyay waxa kor u kacay 85% sumcada iyo rajadaisticmaalka dekedda, oo ka sokow muwaadiniinta Somaliland ee wax kalasoo degta waxna ka dhoofiya, waxa damac wayni ka galay inay dekeddaBerbera wax ka dhoofiyaan waxna kala soo dagaan, dalalka jaarka ahsida dalka baaxada wayn ee Itoobiya, oo ka marag-kacay in ay MarsadaBerberi u qalanto in dalka Itoobiya wax kala soo dago, ama uu sijoogto ah u isticmaalo, halka uu wakhtiyadii hore dalka Itoobiya u soomari jiray dekedda Berbera raashinka Deeqaha reer Galbeedka ee dhinacamucaawinooyinka Abaaraha. Hase yeeshee ay si toos ah u isticmaalijireen Dekedda wadanka Jabuuti. Hadaba, waxyaabaha muhiimka ah ee bilo gudahood laga hir-geliyaydekedda waxa ka mid ah, xafiisyada adeega cashuuraha dadweynaha oomarkii hore loo tagi jiray xafiisyo kala fog ayaa iminka waxa lagadhigay goob keliya. Haday noqoto xafiisyada kastanka Cashuuraha iyohaday noqoto xafiisyada adeega Maamulka Dekedda. Sidoo kalena, waxa guud ahaanba isbedelay qaabkii shaqada dekeddatusaale ahaan kaantaroolka shaqaalaha iyo sugidda ammaanka oo lagakordhiyay heerkii hore, waxaana hawl kastaba la waafajiyay xafiiska kushaqada leh. Waxyaabaha ugu waawayn ee wakhtigan sida wayn looga dareemayo gudahaDekeda Berbera waxa ka mid ah mooraalka shaqaalaha, oo u sahadinayaDekeda in ay noqoto mid caalami ah oo aan lagu kala bixin habeen iyomaalin iyo dhiiri galinta Maamulka Cusubi kusoo kordhiyay guud ahaanbahowl wadeenada ka howl gala Dekeda Bebera, waxaana marka hoos loogudhaadhaco iyana siweyn looga dreemayaa xadidaada musuqmaasuqa iyojoogteynta dhinaca kormeerada Maamulka, oo aan kala go laheyn 24kiisaacadoodba. Maareeyaha Cusub ee dhawaanta loo magacaabay Dekeda Berbera AxmedYuusuf Dirir oo dhawaan u waramay Warbaahinta ayaa isaguna xaqiijiyay,ku tala-galka qorshayaashooda mustaqbal ee ay doonayaan in ay kor uguqaadaan adeegyada kala duwan ee isticmaalka Dekeda Berbera,waxayaabaha ay xiligan ku soo kordhiyeen iyo arrimo kale oo muhiim ah,islamarkaana lafdhabar u ah howlaha adeegyada Dekeda, waxaanu kamaragkacey Maareeyuhu in ay iyaga bartilmaameed u tahey xoojinta Dekedadhinacyada farsamo iyo dhinaca adeeg ee qeybaha Dekeda oo dhan, taasoo ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu tahlayaan intii itaalkood ah. Waxa kale oo Dayactir lagu sameeyay Barxadda Balaadhan ee Alaabada ladhigo oo Qarka u saarnayd inay Degto, iyada oo lagu sameeyay dayac-tiriyo dib u dhis in ku dhaw 180 mitir oo ah qaybtii uu dhisay dawladiiRuushku sanadihii ee ay Saldhiga u ahayd Berberi. Maareeyaha Dekada Axmed Yuusuf Dirir waxa uu sheegay inay Dekedda kusoo kordhiyeen qalab kala duwan oo ay ka mid yihiin Wiishash cusub eeloo adeegsado dejinta iyo rarista, kana casrisan kuwi awal hore laguisticmaali jiray gudaha dekedda. Dhinacyada kale ee maamulka cusubi wax ka qabtay waxa ka mid ahxarunta gargaarka deg deg ah oo laga hir-geliyay gudaha dekedda,gaadiidka casri ah oo loo keenay ciidamada ammaanka ee gudaha dekedda,goob nasasho oo loo sameeyay xoolaha ka hor inta aan laga rarindekedda. Iyada oo sidoo kalena lagu rakibay qalab casri ah oo kaqayb-qaadanaya ilaalinta amaanka dekeda gudo iyo dibadba, oo isugujira kamaradaha ammanka oo la soconaya dhaqdhaqaaqa dekedda iyo badaSomalilandba. rakibo. Dekedda Berbera waxa ay ka kooban tahay laba qaybood oo midkoodu aydhistay Dawladii Ruushku sanadihii lixdameeyadii, halka ka kalena lagadhisay sanadihii Todobaataneeyadii oo ay binaysay dawlada Maraykanku. Dhinaca kalena waxa uu Maareeyaha Dekeda Berbera iftiimiyay, in ay uheelan yihiin islamarkaana, gacmo furan kusoo dhaweynayaan cid kastaoo kamid ah muwaadiniinta reer Somaliland oo farsamo iyo cilmi kusookordhinaya Dekeda Berbera hadey dalka gudihiisa iyo dibadiisabajoogaan,taas oo iyana sida muuqata wax weyn kusoo kordhin kartasumcada iyo rajada Dekeda ugu weyn Somaliland ee lafdhabarta halbowleee dhaqaale u ah dalka Somaliland. Sikastaba ha ahaatee, arimaha sida weyn mudooyinkan danbe u dhiirigalinaya, ee soo jiidanaya muwaadiniinta reer Somaliland guda iyodibadba madax iyo mijaba dhaqdhaqaaqyada iyo rajada Dekeda weyn eeBerbera waa mid ka suurta gashay dhinaca Maamulka ee Xiligan , oo umuuqda mid soo kordhiyay ama soo bandhigay furfurnaan loo baahanaa iyoMaskax cusub oo kaashaneysa Cilmi iyo khibrad dheeraad ah, oo aycaawinayso firfircooni ka badan tii Maamulkii hore ee Dekeda Berbera,oo aan qudhiisu laheyn dhaliil badan oo farta lagu fiiqo. Gabagabadii waxa looga baahan yahey Guud ahaanba mujtamaca iyoGanacsatada reer Somaliland, in ay taageero hagar la,aan ah oo dhiirigalisa korna u qaada waxyaabaha ay hiigasanayaan Maamulka Dekedu ay labarbar joogsadaan islamarkaana, qof waliba si muwaadinimo dheeraad ahoo daacad ahi kujirto wixii uu aqoon iyo farsamo ku kordhinayo DekedaBerbera uu uga faa,ideysto fursada Maamulkani siiyay dhamaanmuwaadiniinta iyagoo, fahimkoodu u furan yahey inta u heelan dhismahahalbowleyaasha adeegyada kaabiga ah ee dalkeenu kaga duwan yahey amakaga hurumarsan yahey wadamo badan oo maanta Magac weyn kuleh dunidaCaalamka. -
Xaaji Xunjuf is also one of the great Somalis
-
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
haa ilahay ha u naxaristo cabdulle raage , abwaan aad u fiican bu aha gabayo aad u tiriye baan ad uga heli jirey ilahay ku naxariiso ,, u sheeg zack niyo abshir inu ka yimi mudugu ima rumeysna aniga eh -
Th Improvements Of Berbera Port has come to Focus Neighbouring Countries Hargeisa (Somalilandpress)-With a limited time the new administration announced to manage the international port in Berbera has commenced to improve many parts of the port like the technical needed to manage the service offered by the port, as this is connected the experience and the vision of the Manager of the Berbera Port Ahmed Yusuf Dirir, while construction and improvements is taking place on daily basis, so this is part of developing the different services that the port offers. Recent days 85% of the port’s service has increased, apart from the local commercial export and imports, this has come in to focus the neighboring country Ethiopia to use as main port turning the previous ports like Djibouti and Sudan Also, Berbera Port Authority has repaired the place used to put the commodities that nearly to fall down after a long time built by the Russian government The Manager of Berbera Port Authority told SomalilandPress, that the y have added new lifters to facilitate the smoothness of service offered by the port. Furthermore, the other side’s that the new Authority of port has done is the emergency of first aid has built in the port, while previously if the staff is wounded the nearest health care was Hargeisa, also with in the port new security cameras has installed to ensure the security and other activities taking place in the port, the new places to rest the livestock has established before they are exported. The Manager has recommended all Somalilanders to take part the efforts for developing the port as having mentioned the main economy that the country has and also he called to join the first line of the world port competitors. The Somaliland President Mr. Ahmed Mohamed Silanyo has promised that the port will be independent and to refund the improvement of the different services the port offers, while the former government has nothing to return the resources produced by the port. Reported by: Abdiqani Husien Baynah Source: Somalilandpress
-
Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^^even the jidbaalecrew is feeling the heat -
Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Buuhoodle Oo Maygaagle loo Fadhiistay Iyo SSC oo Talaabadeeda la Eegayo. Maleeshiyaadka Jabhada Hargaysa ee SNM ayaa waxay beryahanba saldhigyo waa weyn ka qodonayeen deegaanka Maygaagle oo Buuhoodle u jira 20km. Maleeshiyaadkan ayaa waxay halkaas ka wadeen ayaamahanba Tacadiyo waa weyn oo ay shacabka deegaanka Baadiyaha kula dhaqmayeen, sida Boob xoolaha ah, Barakicin iyo ayagoo deegaanka dhirta waa weyn ee ku taala goynaya si ay dhuxul ahaan uga dhigtaan. Maleeshiyaadkan oo markii hore ay ku jireen kooxo Horgolo ah ayaa la sheegay in dhamaan Horgaladii lagu celiyey meelihiiay ka yimaadeen, ka dib markii shaki laga muujiyey shaqadaey u hayeen Somaliididka Horgalada la bedeley waxaa ka mid ah Horgal Mahad Canbaashe iyo Horgal Dalbac, oo la sheegay inay ka mid yihiin dhuuni qaatayaal aan Damiir ku jirin oo u shaqeeya jabhada SNM. Siilaanyo ayaa qorshihiisu yahay inuu ciidaniisa u diro Buuhoodle, halkaasoo u eg meeshii ay ka qodon yihiin xabaalihii lagu Aasi lahaa maleeshiyaadkan la soo qalday. Ciidanka maamulka SSC, ayaa la sheegay in heegan la geliyey isla markaana ay hada diyaar u yihiin inay cashar u dhigan maleeshiyaadkan Doolaalada ku socota. Shacabka Buuhoodle oo sidii reer Laascaanood aan isku halayneyn in maamulka Puntland difaacaan maadaba aysan Gobolka Cayn ciidan iyo cududtoona kaga sugnayn ayaa u eg kuwo diyaar u ah inay Dhulkooda difaacdaan. Ciidamada SSC, oo taageero fara badan ka helaya shacabkooda Gobolka Cayn, ayaa hada diyaar u ah dib u hanashada goobo badan oo ay Widhwidh ka mid tahay. Maleeshiyaadka SNM ayaa ku soo hulaabtay inay dhex galayaan beelihii Kalshaale ku dagaalamay, waxaase arintan ay fashilantay ka dib markii uu magaalada London ka sheegay Dhiigyacabka horbooda maamulka Qabiilka gooni goosadka ah ee Siilaanyo inuu dhulka ssc qaarkiisana xabad ku qabsanayo qaarna Siyaasad. Abdul Salaan Dhego-nalow. Buuhoodle, SSC. source jidbaale -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Anigu waan u ogalahay awoow waxkasta laakin wanay ila ahayn uun , laaakun uma diidani . ilahay Xaajiga kama dhigin qof kala hadla lol