Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. General Duke;684307 wrote: ^^^You are right, Al Shabaab have some power, the useless group are those envious secessionists... However insha Allah this conference will be the final victory for the Unionists.. It's good you agree with me that alshabab have power and they need to be invited to the peace conference , Don't worry about us , all we want is peace for our wartorn neighbour.
  2. hada ba awoow mapka eeg so xabbad sigaar ah uma jirno xuuduudayadi Somaliland ay la leedahay Somalia, anagu taago taago baan u socona cidi nama maqasho lol
  3. A peace reconciliation conference with out Alshabaab attending is just useless and waste of time and energy
  4. Somalina;684287 wrote: Awoowe, maxaad Koonfur afka u soo marisaa every chance aan wax isweydaarsano? Oo hadda Garoowe maad u socotiin si nabad ah? loooool Dee waxad tihin jaarkayaga wax wanaagsan banu idin la jecelnahay waxanu rabna inad nugu dayatan oo aad naga baratan garowe maya ,maxa naga yaala garowe , garowe wa Somalia ,, laakin meel 5 km u jirta garowe baan u socona wa halkay xuduudu ku dhanthaay inshallah lool
  5. awoowe dagaal ma dhicin peaceful ruqaansi ba la yidha koonfurians waxa ma yaqanin nafar waxba kuma noqon, wax ka barta oo cashar qaata tuulada gambadhe ba laga gudbay oo tukaraq ba la tagay
  6. Somalina;684247 wrote: Awoowe Hanjab, Happy New Year! Warkaan hoose maxaa ka jira? Ciidamada Jamhuuriyadda la baxday Somaliland ee jooga jiida hore ee Gambadha ee Sool fadhigoodu ahaa ayaa la sheegay inay shalay u ruqaansadeen tuulada Tuka-raq ee xuduuda Somaliland iyo Puntland, halkaas oo la sheegay in saldhig ay ka samaysteen. Ilo xogogaal ah oo aanu ka helay deegaanka gobolka Sool ayaa xaqiijiyey, in ciidamada Somaliland oo ku gaashaaman hubka culus ay isku balaadhiyeen xuduudaha bariga Somaliland iyo deegaanada xuduuda ku siman. Dhinaca kale ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo jooga degmada Buuhoodle ayaa xaqiijiyey in ciidamo ka socda Maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo Col. Dayr Iska Toos, ay soo gaareen shalay galab degmada Buuhoodle. Ciidankaasi aya la sheegay inay ka soo baxeen magaalada Garoowe ee Puntland, iyadoo dhinaca kalena la sheegay, in ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaanka Maygaagle ee nawaaxiga Buuhoodle ay heegan culus galeen, ka dib markii ay ka war heleen ciidamada Puntland ka yimid. Wararka ka imanaya deegaanada bariga Sanaag ayaa sidoo kale sheegaya, in ciidamo ka socda Puntland ay soo dageen tuulada ceeleeyo oo qiyaastii dhinaca bari uga jirta magaalada Laasqoray 130-Km, iyagoo wararkuna intaa ku daraya, in xalay ay ciidamada Puntland iyo Kooxda Atam ee ka dagaalanta buuralayda Galgala ee bariga Sanaag ay hubka hoobiyaha isku adeegsadeen dagaal Madaafiica oo xalay dhex maray. Awooowe happy new year warkaas waxba ka jira
  7. After 20 years i have a functioning government my institutions are intact and indeed a genuine democracy with a smooth transition of power. Where one african leader accepts defeat and the other new president inaugurated . Now that's what i call statehood. Compare it to the lawless stateless Koonfurians with no direction nor future a hotel president running like a headless chicken around the world being protected in his own capital by foreign mercenaries, or a pirate in the north of Somalia in his fiefdom claiming to fight piracy trying to fool the world. And then you have abtigis who blames Xaaji Xunjuf and the noble people of Somaliland for his Woyane occupation. What he fails to realize is they were his own ancestors Abduraxman Sayid Maxammad cabdulla xassan the son of the mullah who served Ethiopia and the Emperor haile selassie as a loyal servant and interior minister of the Abyssinian Empire. There is nothing i can do for you nor the lawless failed Somalia can help you, every nation and people fight for their own rights and independence or atleast to determine their own future. and you my friend failed the past 127 Years.
  8. Abtigiis;684169 wrote: With this powerful conclusion, the fatuos reasoning of the SNMites must be confined to where it belongs to, which is the fetid cesspit! Thanks Promethues. But I think you also realise with a bit of cajoling from the unionist camp, Awdal and Salal will join Sool and Sanag. With a bit more of reasoing, moustache-oiling and appeal to Somalinimo, a sizeable number of politicians from the SNM clan will join the cause, if not initially, once they discover the tiny traingle is not enough to accomodate the political ambition of too many power and priviledge seekers. If Somaliland becomes independent country (comprised of the Berbera-Burco-Hargeisa triangle), we will not wait for two Gu' rains before one after another piolitician declares his tuulo to be part of Somalia with the predictable line " maanta laga bilaabo waxaan beesha caalamka ogaysiinaynaa inaanu ka baxnay SL, oo aanu ku biirnay Somalia ". Prometheus isright, borders are imagined demarcations, but even more ephemeral when it is imagined in the minds of opportunit politicians who migrate to any land that gives them better feed. And after 20 years all we have is theories and what if conclusions, while Somaliland is standing and stronger then ever. So My dear Ethiopian friend you have a bigger chance to remove woyane TPLF from your land. Then Somaliland and Somalia the failed state to be united.
  9. ^^ how can they stop qabil when their whole government is based on qabil lmao.
  10. State of Kuwait Funds Ten Millions to Renovate Somaliland Airports HARGEISA (SomalilandPress)—The government of Somaliland and the State of Kuwait have signed an agreement in which Kuwait will fund the renovation and rehabilitation of both Egal International Airport in Hargeisa and Berbera International Airports. Kuwait will fund this project approximately with ten million dollars, with the understanding that they will manage the allocation of the funds. During a press briefing in his office Aviation Minister Mr. Mohamud Hashi Abdi informed SomalilandPress that “Kuwaiti government will fund the renovating of Hargeisa and Berbera Airports with the exception that Kuwaiti Fund that is owned by the State of Kuwait will manage the allocation of the funds and contracting”. To elaborate further Minister Abdi said “we agreed to this term with Kuwait because we would like to have transparent with all donor funds, rather than say gives us the money, we are saying help us build infrastructure”. When the project is completed Kuwaiti Fund will turn the complete project back to Somaliland government. After these two projects are completed it is expected to cater for some of the world’s biggest commercial jets and ultimately drive air traffic growth in the region both inbound and outbound. Both Airports are currently hub for passengers traveling between Somaliland and Somali. This is not the first time that the State of Kuwait has funded projects in Somaliland, earlier this year the Kuwaiti Royal family has funded the upgrading of Sheikh Hospital. The hospital is located in the same city where the Kuwaiti emir has built a modern luxury villa in the outskirt of the city. Source: SomalilandPress
  11. Ayoub , Duke dislikes the queen now and days he prefers to be called uncle tom. Cabdilahi yusuf the warlord being slapped a few times in villa Somalia By General Gabre. Did not bother him at all,, As long as they revenge what his warlord could not revenge in the early 90s
  12. still no response from faroole and the pirate crew i wonder why ? The are still in a shock mode perhaps
  13. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabatay Hargeysa(OWN)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Ciro) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay, kadib safar mudo uu ugu maqnaa wadamada Yurub. Gudoomiye Ciro ayaa waxa maanta uu ka soo dagay Madaarka Cigaal Internaional Aribort ee Magalaada Hargeysa, waxa kalaasi ku soo dhaweeyey labadiisa ku Xigeen ee Cabdicasiis Maxmed Samaale Iyo Baashe Maxmed Faarax, koox mudanayaal ah ee Taabacsanaa Shirgudoonka. Wasiiro Iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan, Gudoomiye Ciro ayaa waxa uu Qolka nasashada ee madaarka ugu waramay Warfidiyeenkada waxana uu sheegay in safarkiisii uu ugu maqnaa dalka Austria ay kala soo noqdeen Guul isla markaana ay waxyaabo badani uga soo qabsoomeen, waxaanu sheegay in uu kulamo kala duwan lasoo yeeshay Baarlamaanka dalkaasi iyo Masuuliyiin kale. Md Ciro waxaa kale oo uu ka hadlay Muranka Golaha dhexdiisa ka taagan isla markaana kala qaybiyey isku duubnidii golaha intii uu dalka dibadiisa ku maqnaa, waxa uu sheegay in uu ku rajo weynyahay in uu si wanaagsan ku dhamaan doono khilaafka u dhexeeya mudanayaasha golaha wakiilada,waxaanu shacabka reer Somaliland ugu bishaareeyey inay wax wanaagsaani kasoo bixidoonaan golaha maalmaha soo socda. Soo laabadshada Gudoomiye Ciro ayaa waxa ay ku soo beegatay wakhti uu khilaafkii u dhaxeeyey Golaha Wakiiladu uu sii xoogaysatay isla markaana ay Fashilaad ku dhamaadeen xadhdhexaadino uu waday Madxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, islala markaana ay Garabka Muacaaridka ee Dabada ka wada Mooshinka buuqu ka dhashay sheegeen in ay Maxkamada Distooriga ah u Gudbiyeen dacwad ay ka qabaan Habdhanka Shirgudoonka Golaha Wakiilada.
  14. 2010 peace peace conference??? , so when will they host this conference tomorrow?
  15. Qodax Qorax;683962 wrote: Abti, now that you have come out of the dark closet and admit to us what you really are we can talk about your and my real idendity and our shared reality. You are right as well, I am a rebellious Somali who has rebelled long against (the country that once was) Somalia. But that country no longer exist. It died 20 years ago and with it died the rebell in me. For there is nobody left to rebel against. The guns have silent and that war is over. You are right that a new reality has emerged, roles have changed and we need to discover how to deal with our new idendities. And denying others what has been denied us doenst have place in my new idendity, eventhaught many dont realize this but its reality. Well said Qodax
  16. Wasiirka Duulista oo ka hadlay Heshiis ay la galeen Shirkad Kuwait laga leeyahay beeniyayna war uu ka qoray wargeysa Saxafi posted by: Webmaster Wasiirka Duulista oo ka hadlay Heshiis ay la galeen Shirkad Kuwait laga leeyahay beeniyayna war uu ka qoray wargeysa Saxafi Hargeysa/ToggaHerer Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Md Maxamuud Xaashi ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiis ay wasaaradiisu la gashay shirkad reer Kuwait ah wuxuu sidoo kale beeniyey War kuu soo baxay wargeyska Saxafi oo sheeay in uu lunsaday hanti… Waxaanu wasiirku dabol ka qaaday in ay wadaan dib u habayn lagu samaynayo madaarka Hargeysa , Waxaanu yidhi ”wasiirku Hawlihii aanu ka wadno madaarka Hargeysa oo ah madaarkii caasimada Somaliland wasaarada Duulistuna qorshe ayay u samaysay tafatiran runtiina yool iyo abaar sugan leh kaas oo xaqiijin doona mustaqbalka in uu noqdo dhabo caalami ah oo ay ku kulmaan diyarado caalami ah goob ganacsina noqon karta madaarka waxanu ku tala jirnay in xajka marka laga oo noqdo ka dib aanu xidhno mashruuc baa ka socday ay hayada UNDP bixinyaso oo ku kacaya ilaa laba boqol iyo dhawr iyo sideetan Kun oo dolar Run wayga imika dhisan oo burburay ay dumiyaan oo imika kabniiyaasho iyo damur ayaanu la daba joognaa Maytanis ah oo wasaaradu horena u wadi jirtay imikana aanu wadno ooaanu kordhinay ayaa ku jirta markaa in la sameeyo wax la yidhaa Baajit mashruucaa isaga ah waxaanu u sii dheerayn in dadkii xajku ka dhoofaan kana soo noqdaan munaasabada qaaliga ah darteed ayanau dib ugu dhignay ”. Mar uu wasiirku ka hadlaayay Mashruuca Kuwait ee madaarka Hargeysa waxa uu yidhi ”waxaan doonayaa in aan halkan ka iftiimiyo in wafti ka yimi oo u ym arimahaa madaarada Somaliland oo ay Berbera iyo Hargeysa ay indha indheeyaan bishii Oktoober ayaa waftigaasi yimi xukuumada cusubina talada qabatay aniguna aan wasaaradan masuulka ka ahaa waftigaa waxaanu tusnay waayaha iyo dhibaatda iyo baahiyaha agab xumida haysata garoomadeena , arintaasina waxay soo taxnayd iyada ahi safar uu Madaxweynheenii hore ee Somaliland ku tagay Kuwait ayay dabada ku haysay oo ay mar horena ay yimaadeen mase ay jirin se wax dhaafsiisan marka laga reebo oo ay dawladaa hore gudbisay ma jirin wax sugan oo la isla meel dhigay waxayna u araktay dawlada Kuwait wakhtigaas dalka doorashooyin ka socdaan markaa waxay u arkeen marxalada markaas Somaliland horumar lagala shaqayn karo in aanay ahayn maadama oo ay jireen xumadii doorashooyinku ,Markii aanu talada qabanay xukuumadayda cusub waxaanu dib u bilawnay in aanu xidhiidh la samayno dardar gelino gacmo badan ku eegno sidii aanu u heli lahayn dibna ugu soo noqdaan dalka lanala eegana baahiyaha jira dabcan waxa xukuumada waajib ku ah in ay dhamaystirto xidhiidh kasta oo qabyo ah oo jiray iyo in kuwa cusub bilawdo ”. Geesta kalena waxa uu wasiirku shirkiisa jaraaid ku beeniyey war uu dhawaan ka qoray wargeyska Saxafi Wargeyska oo sheegay in uu wasiirku ku tagri falay lacag la xidhiidha heshiiska Waxanu Yidhi wasiirku” Waxaanu beeninaynaa runtii oo aan cadaynayaa warkii ay qortay saxafi 23 Bishan ee ku saabsanaa wasiirka duulistu in uu Dalka Kuwait ka soo qaaday lacag kaash ah oo laba Milayan ah isla maqaalka gudihiisana ay yidhaadeen laba milayan oo diinaar oo u dhiganata lix milayan oo dolar ah oo kaash ah oo account gaar ah ku shubtay oo war been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn runtii waa meel ka dhac ayuu ku yahay sharaftayda shakhsiga ah ta xukuumada cusub iyo ta xaqayga muwaadinimo waaa ka go’an xukuumada Kulmiye in aanu ilaalino xoriyatal qawlka madaxbanaanida milgaha iyo maamuuska saxaafada waxaa naga go’an ta dawlada ee aanu tooska u maamulno in la wadaago in aanay u dhaqmin sidii wakhtigii xukuumadii hore ” Gebagebadiina waxa uu wasiirku sheegay in wasaaradu ay daacad ka tahay hawsha ay hayso qaranka cidii wax aan jirin ka qortana ay u gudbin doonaan xeer ilaalinta si warkaas uu u cadeeyo meesha uu ka yimi. Warqabadka ToggaHerer
  17. Dawlada Dalka Kuwayt oo Somaliland ugu deeqday lacag dhan toban milyan oo dollar, lacagtaasi oo lagu samaynayo madaarada magaaloyinka Hargeysa, iyo Berbera. Hargeysa (Waaheen ) Wasiirka Wasarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta ku dhawaaqay in Dawlada Dalka Kuwayt ay Somaliland ugu deeqday lacag dhan toban milyan oo dollar, lacagtaasi oo lagu samaynayo madaarada magaaloyinka Hargeysa, iyo Berbera. waxa kale oo uu sheegay in madaaradasi loo soo iibin doona qalab fiican si ay u noqdan qaar casri ah oo la jaanqada Madarada ku yaala wadamada horumaray. Wasiirka Duulista iyo Hawda ee Somaliland waxa kale oo uu intasi ku daray in lacagtaasi ay bixinayso Hay’adda la yidhado Kuwayt Fun oo laga leeyahay dalka Kuwayt, waxa kale oo uu xusay wasiirku in hawshan dib u dhisida madaaradu ay bilaami doonto dhawaan, waxa kale oo uu tilmaamay in deeqdani ay ka danbeysay markii ay yimaden Somaliland wafti baladhan oo reer kuwayt ah, kuwaasi oo arkay baahiyaha ka jirta madaarada somalalind sidaasi daradeedan ay lacagtan ugu cawiyeen Somaliland. sidaasi waxa uu ku yidhi wasiirku Shirjaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay. Wasiirku waxa uu sheegay lacagta Somaliland lagu cawiyey inta ay tahay iyo cida ku caawisay waxanu yidhi “Dawlada kuwayt markii anu u tagnay waxa ay noo xaqiijiyen in hay’adda Kuwait Fun in ay Somaliland ugu deeqayso lacag Toban Milyan oo Dollar ah, waxayna ugu tallo galeen lacagtan in lagu dayac tiro Madaarada Hargeysa iyo Berbera oo ahaa meelihii ay waftigaasi ay arkeen markii ay booqashada ku yimadeen Somaliland wakhtigii hore iyo markii danbeba” Ayuu yidhi wasiirku Duulistu Waxa kale oo uu Hosta ka xariiqay wasiirku in heshiiska dhexe maray Somaliland iyo Kuwayt uu yahay mid qoraal ah oo cadeeynaya inta lacagtu leegtahay ay ku xardhantahay Buugan labada dal wada saxeexen. Wasiirka Wasarada Duulista iyo Hawda ee Somaliland Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi oo faahfahin ka bixinya ujeedada shirkiisan jara’iid waxa uu yidhi “Ujeedada ugu weyn ee maanta aan ka hadlayaa wax ay ku saabsan tahay hawlihii aanu ka wadnay madaarka Hargeysa, oo ah madaarkii Casimada Somaliland, Wasarada Duulista iyo Hawdu waxa ay ka leedahay qorshe tafatiran, runtiina leh yool iyo abaar sugan kaas oo xaqiijindona mustaqbalka in uu madaarka Hargeysa uu noqdo, dhabbo caalami ah oo ay ku kulmaan diyaarado badan oo ah kuwa aduunka u kala goosha kuna haka’daan ku meelaha fogfog qabanay oo ay ka qaatan shidaal waxanu madaarku noqonkaraa goob ganacsi” Ayuu yidhi wasiirku Waxa kale oo uu sheegay in ay qorshahoda ay ugu jirtay in ay xidhaan madaarka Hargeysa marka laga soo noqdo moosulka xajka, waxanu intaasi ku daray in madaarka uu ka socday dhisme ay fulinayso hay’adda UNDP Lacagta ku baxaysan ay tahay ilaa laba boqol iyo dhawr iyo siddeetan kun oo dollar. Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay sababta kentay in Somaliland ay cawimo ka hesho Dalka Kuwayt waxanu yidhi “Waxaan jecelahay in aan halkan ka Iftiimiyo, in dawladda walaalaha aynu nahay ee Kuwayt ay noogu yimadeen wafti kuwaasi oo waxa in laga qabanay madaarada Berbera iyo Hargeysa kuwaasi oo indho indheeyey waxaanu waftigaasi yimid dalka bishii October, wakhtigaasi oo ahayd xiligii dawladda cusubi xukunka dalka qabtay, oo aan aniguna wasaradan masuul ka ahaa, waftigaasi waxa aanu tusnay dhibtooyinka iyo agab xumida haysta garoomadeena, Waxa kale oo uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Kuwayt aanu ahayn mid bilaabmay wakhtigan ee uu yahay mid qoto dheer waxa kale oo intaasi ku daray in hore ay dalka kuwayt Somaliland uga cawin jirtay dhinca Caafimadka sida dhakhtarka TB iyo meelo kale oo badan. Waxa kale oo uu ka hadlay wasiirku cidda lacagtasi intasi leeg gacanta ku haynaysa waxanu yidhi “Anaga ayaa hay’ada Kuwayt Fun ka codsanay in lacagtaasi ay iyagu gacanta ku hayyaan, anaguna baahidayada aanu u dhiibno marka ay meesha soo dhissaana ay furayaasha noo dhiiban, waxaanu sidaasi u yelaynay waxa ay ayad waxa yaalihii hore ee laynaga saluugay ee Aduunka iyo hayado badan iyo dad deeqa ina siiya ay saluugi jireen, in aanu nidhahano anaga lacagta noo dhiibaarintaasi cebi ka soo baxado oo layno arko dad hamuumaya oo lacag doonaya, Berbera waxaanu ka rabnaa Terminal cusub oo qurux badan iyo in dayr lagu wareejiyo, iyo in loo sameeyo laydha habeenkii, iyo dabdamisyo labada madaarba Hargeysa iyo Berbera ayanu u qornay oo ka dalbanay”Ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawadu waxa uu beeniyey war uu qoray mid ka mid ah wargeysada dalka ka soo baxa waxanu yidhi “Waxan been ninayaa warkii uu qoray Wargeysa Madaxbanaan ee Saxafi 23 Bishan, ee ku saabsana wasiirka duulistu in uu Kuwayt uu ka soo qaaday lacag kaash ah, oo laba milyan ah, sida maqaalka gudihiisa hadana lagu qoray 2 milyan oo Dinar oo u dhiganta 6 Milyan oo Dollar, oo waliba uu yidhi Accoun gaar ah ayuu ku shubtay. in uu yahay war Been ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn waxanu meel kaga dhacay xaqaygii muwaadinimo, waxanan runtii shakhsiyan ku oogi doona dacwad ka dhan ah maamulka iyo tafatiraha wargeyskaas” Ayuu yidhi wasiirku.
  18. Wasiirka Duulista Hawada Ee Somaliland Oo Sheegay In Ay Heshiis La galeen Shirkad Ka Taageeri Doonta Dayactirka Madaarada Dalka. Hargeysa (Ramaas) Dec.29. 2010 - Wasiirka duulista hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maanta sheegay in ay heshiis la gashay wasaaradiisu shirkad laga leeyahay dalka Kuwait, oo ka caawin doonta dayactir lagu samayn doono madaarada dalka oo dhan. Wasiirka wasaarada duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa shaaciyay in wasaaradiisu ay si rasmi ah heshiis ula gashay shirkada fadhigeedu yahay wadanka Kuwait, oo dayac iyo dib u habayn ballaadhan ku samayn doonta guud ahaan gagooyinka diyaaradaha ee Somliland. Waxa uu wasiirku sheegay in dhawaan la bilaabi doono hawshaas iyadoo la filayo in shirkadu ay dalka iman doonto wakhti dhaw.
  19. Ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopian ah oo ku dagaalamay Jawiil. Jawiil: (Sh. M. Network) Dagaal mudo kooban socday islamarkaana sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopian ah waxaa uu ku dhexmaray degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan. Sida ay sheegayaan wararka Caawa Shabelle ay ka haleyso degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Ethiopianka ee ku sugan degmadaasi ay xireen sargaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kula sugnaa degmadaasi taasi oo keentay inay ka caroodaan askara dowladda KMG. Intaasi kadib ayaa la sheegay in ciidamada dowladda KMG ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmadaasi Jawiil iyadoo halkaasina uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia. Inta la ogyahay dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyadoo sidoo kalana uu ku dhaawacmay qof oo rayid ah kaasi oo la sheegay inay haleeshay rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen. Xaaladda degmada Jawiil ayaa haatan degan, waxaana wararka laga helayo degmadaasi ay sheegayaan in degmada ay isaga baxeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  20. ^^^i blame it on jicir and the former government but i heard some where in mid jan 2010 it will be finalized
  21. Haa cowkihi cowkaha aha lool cabdi bille was a great sportsmen indeed