-
Content Count
30,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Buuhoodle Oo Maygaagle loo Fadhiistay Iyo SSC oo Talaabadeeda la Eegayo. Maleeshiyaadka Jabhada Hargaysa ee SNM ayaa waxay beryahanba saldhigyo waa weyn ka qodonayeen deegaanka Maygaagle oo Buuhoodle u jira 20km. Maleeshiyaadkan ayaa waxay halkaas ka wadeen ayaamahanba Tacadiyo waa weyn oo ay shacabka deegaanka Baadiyaha kula dhaqmayeen, sida Boob xoolaha ah, Barakicin iyo ayagoo deegaanka dhirta waa weyn ee ku taala goynaya si ay dhuxul ahaan uga dhigtaan. Maleeshiyaadkan oo markii hore ay ku jireen kooxo Horgolo ah ayaa la sheegay in dhamaan Horgaladii lagu celiyey meelihiiay ka yimaadeen, ka dib markii shaki laga muujiyey shaqadaey u hayeen Somaliididka Horgalada la bedeley waxaa ka mid ah Horgal Mahad Canbaashe iyo Horgal Dalbac, oo la sheegay inay ka mid yihiin dhuuni qaatayaal aan Damiir ku jirin oo u shaqeeya jabhada SNM. Siilaanyo ayaa qorshihiisu yahay inuu ciidaniisa u diro Buuhoodle, halkaasoo u eg meeshii ay ka qodon yihiin xabaalihii lagu Aasi lahaa maleeshiyaadkan la soo qalday. Ciidanka maamulka SSC, ayaa la sheegay in heegan la geliyey isla markaana ay hada diyaar u yihiin inay cashar u dhigan maleeshiyaadkan Doolaalada ku socota. Shacabka Buuhoodle oo sidii reer Laascaanood aan isku halayneyn in maamulka Puntland difaacaan maadaba aysan Gobolka Cayn ciidan iyo cududtoona kaga sugnayn ayaa u eg kuwo diyaar u ah inay Dhulkooda difaacdaan. Ciidamada SSC, oo taageero fara badan ka helaya shacabkooda Gobolka Cayn, ayaa hada diyaar u ah dib u hanashada goobo badan oo ay Widhwidh ka mid tahay. Maleeshiyaadka SNM ayaa ku soo hulaabtay inay dhex galayaan beelihii Kalshaale ku dagaalamay, waxaase arintan ay fashilantay ka dib markii uu magaalada London ka sheegay Dhiigyacabka horbooda maamulka Qabiilka gooni goosadka ah ee Siilaanyo inuu dhulka ssc qaarkiisana xabad ku qabsanayo qaarna Siyaasad. Abdul Salaan Dhego-nalow. Buuhoodle, SSC. source jidbaale -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Anigu waan u ogalahay awoow waxkasta laakin wanay ila ahayn uun , laaakun uma diidani . ilahay Xaajiga kama dhigin qof kala hadla lol -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Somalina awoow jawhar wax walba waan la ogalahay laakin odayga abshir bacadle ilama eekeyn nin ka so jeeda shabeelade dhexe lol -
Gaalkacyo: Iska Hor Imaad Sababay Khasaare Dhaawac ah Oo Ka Dhacay Gaalkacyo December 26, 2010 | Waxaa maanta iska hor imaad sababay khasaare dhawaac ah uu ka dhacay xerada Buula Bacle ee magaalada Gaalkacyo,kaasi oo u dhaxeeyey Ciidamada amniga Gaalkacyo iyo Koox maleeshiyo beeleed hubaysan. Arrintaan ayaa ka danbeeyey ka dib markii ay koox maleeshiyo beeleed ah ay is hor taageen raashin qaybin ay ka waday Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP xerada Buula Bacle ee gudaha Gaalkacyo. Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Mudug Aadan Nuur Qaal oo u waramayey Horseed Media ayaa sheegay in labo qof oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Deegaameynta iyo Xaafadeynta Gaalkacyo Cali Cumar oo loo yaqaan “Cali Kacaan” iyo askari ka tirsan Ciidamada amniga Gaalkacyo ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo gacanta ku hayey gargaarka mucaawinada ah ee ay waday WFP. Wuxuu kaloo sheegay in kooxdii maleeshiyada ahayd ay ka dhaawaceen hal qof ayna ku daba jiraan intii kale. Aadan Nuur Qaal ayaa sidoo kale sheegay in ay xirriir la sameeyeen beesha ay kasoo jeedaan Kooxdii hubaysneyd taasi uu ku eedeeyey in ay doonayeen in ay dhac u geystaan raashin loogu tala galay dad barakacayaal ah. Isagoona intaasi ku daray in Odayaasha ay kasoo jeedaan ragaasi ay ogolaadeen in gacanta ay kusoo dhigaan ciddii falkaasi ka danbeysay. Ugu danbeeyntii wuxuu Taliyuhu sheegay in cid kasta oo isku dayda amniga in ay khal khal geliso ay talaabo cad ka qaadi doonaan,xaaladuna ay iminka tahay mid wanaagsan gaar ahaan mida magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Horseed Media
-
Somaliland Foreign Minister Visits Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Safiirka Itoobiya ee Shiinaha Siyum Mesfin iyo wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa Dalka Dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhamaystay booqasho Afar cisho ah oo uu ku tagay Dalka Itoobiya, isagoo kulamo uu la yeeshay Madaxda Arrimaha Dibeda ee Dalkaasi kala hadlay arrimo kala duwan waxaanay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ka soo saartay War-saxaafadeedkan:- WAR-SAXAAAFADEED Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed C/llahi Cumar oo mudo 4 Maalmood ah socdaal shaqo u joogay Magaalada Adis-abeba Caasimadda Dalka Ethiopia. Mudadii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Adis-abeba, wuxuu kulamo la yeeshay Ra’iisal Wasaare-xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn, iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Mudane Siyum Mesfin oo dhawaan loo magacaabay Safiirka Dalka Ethiopia u Fadhiyi doona Dalka Shiinaha. Masuuliyinta Labada Dal kulamadooda waxay ku lafa-gureen oo ay isla jeex-jeexeen ka midho dhalinta iyo hirgalinta Qodobadii Wada-hadalkii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ku gaadheen dhawaaan Magaalada Adis-abeba. Wadahadalkan Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Ethiopia waxay si wada-jir ah u diyaariyeen Jadwal Shaqo oo lagu Meel-marinayo lagagana Midho-dhalinayo Xidhiidhkan Cusub ee dhinacyada Siyaasada, Ganacsiga iyo Nabadgalyada. Labada Wasiir Arrimo Dibadeed Dr. Maxamed iyo Mudane Hailemariam Waxa kale oo ay wada-hadalkooda ku soo qaadeen Arrimaha Geeska Afrika Guud ahaan iyo Cod-bixinta gooni isu-taaga koonfurta Sudan. Wasiirka Arrimaha dibadu Dr. Maxamed mudadii uu joogay waxaa casho sharaf si wada jir ah ugu sooryeeyey Ra’iisal Wasaare xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkii hore ee Ethiopia Mudane Siyum Mesfin. Socdaalkan waxaa uu qayb ka yahay dadaalka Xukuumada cusub ku horumarinayso xidhiidhka ay shacbiga reer Somaliland la leeyihiin dalalka aynu jaarka nahay gaar ahaana Dalka Ethiopia, kaasi oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya. Press Office www.Somalilandforeign.net inkastoo War-saxaafadeedka aan lagu soo qaadin Ujeedada Kulanka Wasiirka Somaliland iyo Safiirka Itoobiya ee Shiinuhu waxay ka wada hadleen hadana waxa loo malaynayaa inay iskula soo qaadeen sidii loogu googol xaadhi lahaa safar la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo ku tagi doono Dalka Shiinaha kaasoo uu casuumadiisa u siday Sida la sheegay Siyaasiga Cismaan Jaamaca Kalluun. Safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu badhtamaha bisha jeenawari noqdo inkasta oo aan la garanayn ilaa hada Ujeedada Safarkaasi -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
anig garan mayo gabayadu inay jawhar ka bilaabmeen iyo inay Djibouti ka bilaabmeen eh thats not the case laakin waxan oga anigu abshir inu reer mudug ah bal waan so waraysan inu aha iyo inkale -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
kuwe ma shiribka iyo guuroowda war abshir bacadle anigu waxan ku oga mudug goormaad soo rartay lol -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
anigu abshir bacadle waxan ku oga nin reer mudug ah war naga da jawhar dad gabya ma joogaan eeh lol -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
hada muxu yahay hadanu reer mudug ahayn -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
dee anigu ma waxan ku idhi qaad ba faido leh Muxu yidhi ninki reer mudug qalbi qooqan iyo qoodho aan wax tarin qaadow adiga leh. ana aan ku dare , waxan ku idhi caana boodhe dhacday caano boodhe dhacday ma benifit bay leedahay lool -
Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland Oo Maanta Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Oodweyne Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland Md. Axmed Axmed Silaanyo, ayaa maanta guddoomiye iyo ku-xigeen cusub u magacaabay gobolka Oodweyne. Siddan-na waxa lagu sheegay digreeto maanta ka soo baxday qasriga madaxtooyada Somaliland, taas oo uu madaxweynuhu ku caddeeyey inuu mudane Maxamed Gahayr Xirsi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne. Digreetadaas oo dhammaystiranina waxa ay u dhignayd sidan: “Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland markuu arkay Qodobka 90-aad ee distoorka Qaranka JSL. Markuu tixgaliyey: Ahmiyada ay Gudoomiyayaasha Goboladu u leeyihiin dhismaha Qaranaka. Markuu arkay: in baahi loo qabo buuxinta jagooyinka hoos ku qoran. Markuu la tashaday: Madaxda ay khusayso Wuxuu Godoonsaday: In mudane Maxamed Gahayr Xirsi Laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne ee JSL. In Md. Faaarax Cabdilaahi Xasan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Oodweyne ee JSL.”
-
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
sheekadi qaadki baa meesha timi somaha markad jawaabti ku qanci weyday lol wayahay adna iskaga sakhraan caana boodhahagi dhacday 1977 lol -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
The Zack;683073 wrote: Xaaji, Like the other gentleman pointed out, we have never seen you calling Sh.Shariif by his title, you call him Sh.Dalxiis. Why not say "HE Mr.President". You also used to mock former prime minister as "Cumar Buur", again you never called him Prime Minister Sharmarke. Heck you don't even call Sheekh Fuaad Shangoole and Sh Abuu MAnsuur by their titles. Yet, you never forget to use the title AMIIR on all your references to Godane, is that the mother of all coincidences? Iska qiro dee sxb, ninku waa ina adeerkay dheh. Sh is not a title for a cleric it can mean anything i might call sh dalxiis sh dalxiis but i still call him president sh dalxiis so i dont see a problem there. Mr zack. So the Amiir is the Amiir i can't change that. -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Maya saaxib anigu qofkasta oo titleka u leeyahay baan ugu yeedha sasay sharaftu ku jirta , The zack haday adigu bahashu ku gees martay dadka oo dhan ha moodin saso kale . -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
wa wax dhici karta nin ba sheeko maqla -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Oba hiloowlow Markand oono waan idhaha Madaxweyne sh sharif mar mar na waxan idha sh dalxiis ileen wa madaxweyne socod badan anigu runti maan maqlin sheekada inu wax ka xaday Somalilad waxanse an maqlay ibrahim afghani ninka wasiirka maaliyada shabaab u aha ayaa wajaaale wax ka boobay sasan maqlay laakin Amiirka inu wax xaday maan maqlin intisa badan ,, wuxu ba joogay Afganistan .Marka anigu Ninkasta xilku ama titlka u leeyahay baan ugu yeedha Ama Madaxweyne sh dalxiis ha noqdo ama raisal wasaare mr cheese ha noqdo ama Amiir Godane ha noqdo -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
oba hiloowlow qofkasta title bu leeyahay alshabaab ninkooda ugu sareya Amiir bey ugu yeedhan TFG wa madaxweyne marka titlka u la baxay uun baan ugu yeedheya qofkasta tiisa loogu yeedha Sh sharif jawhar ma tagi karo marka ma waxa weye madaxweyna maha ? -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Maya dee naw halku hadalka ka mara nin reer hargeysa sidu reer burco u noqda -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Where do people get that The Emiir is from burco i never heard of reer aw Muxummad the family of godane oo shuqul ku leh burco -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Maya Amir Axmed cabdi godane dee ama sidad u taqanid Abu Subeyr Amiirka ka taliya Inta ugu badan Koonfurta Somalia -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
Hee Amiir godanan ka wada deee lol