Nomadic Activist

Nomads
  • Content Count

    170
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nomadic Activist

  1. Since Maay is the language spoken by reer Baadhere Walle muxuu been sheegay, war walaalow ana reer Bardheere badan arkay waligoodneh badi bada badu meey igu dihin, mise Baidoa iyo Bardhere baad isku qalatay because they both start with a B.
  2. More info. Iyada oo uu xalay nin dabley ahi ku dilay gudaha magaaladda Gaalkacyo Marxuum Canbuur Geyre Cali-yare ayaa markii dilkiisu dhacay waxaa soo baxay warar badan oo ku saabsan sababta ka danbaysay dilkiisa, hase ahaatee waxaa warkii ugu danbeeyay uu ku biyo shubtay in loo dilay aano qabiil. Ninka dil geystay ayaa waxaa la sheegay in hadda ka hor uu nin walaalki ah ku dhintay aano qabiil ama iska hor imaad ku dhexmaray beelaha Reer Biciidyahan iyo Hawraarsame Deegaanka Miir-khaliifo ee Maamulka Soomaalida Ethiopia. Sidoo kale Ninkii dilka Geystay ayaa iminka yaalla Isbitaalka guud ee Gaalkacyo ka dib markii uu isaguna dhaawacmay ka dib intii uu dilay Canbuur. Waxaana wararka qaar sheegayaan inuu ku dhaawacmay Xabadihii uu ku furay ninka uu dilay oo ku soo laabtay kadib markii ay darbi guri ku dhaceen. Waxaa sidoo kale wararka qaar sheegayaan in rasaas uu ku furay waardiyihii Hotel-ka uu deganaa Marxuum Canbuur, dadka yaqaana arimaha noocaan oo kale ah ee ku saabsan arinta dadka aan waxba galabsan ee loo dilo aanada qabiilka uu markaas ka soo jeedo ayaa waxaa ay sheegayaan inay arintaani khatarteeda leedahay. Sababtaas oo ku sheegayaan in beesha uu ka dhashay Marxuum Canbuur ee Reer Dalal Diini ay ka imaan karto inay maleeshiyaad hubaysani oo ka tirsani ay geysan karaan falal ay iyaguna kaga jawaabayaan arinta uu ku dhintay Canbuur Geyre Cali-Yare. Dhanka kale, waxaa dilkaan aad uga xumaaday wax-garadka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ku dhaqan Gaalkacyo. Waxaana soo baxaaya baaqyo Nabadeed ay kaga codsanayaan Beeshii uu ka dhintay Marxuum Canbuur inay xaaladda mid nabadeed iyo wada-hadal ka dhigaan, waxaa sidoo kale, arintaan cambaareeyay Maamulka Goboleedka Puntland oo sarkaal u hadlay uu sheegay in arintaan sida ugu dhaqso badan wax looga qabanayo. C/qani C/laahi. Gedonet-Gaalkacyo
  3. Marxuum Canbuur Geyre Oo Caawa Lagu Dilay Bartamaha Magaaladda Gaalkacyo waxaa goor dhaweyd lagu dilay gudaha magaaladda Gaalkacyo marxuum lagu magacaabi jiray Canbuur Geyre Cali Yare. Marxuumka la dilay ayaa waxaa la sheegayaa inuu dilay nin hubaysan, kadib markii uu rasaas ku furay marxuumka uu dilay iyo rag kale oo isku goob wada fadhiyay. Waxaana goobtii ku geeriyooday marxuumka oo la sheegay inuu ka soo jeedo Deegaanka Caabudwaaq. Sidoo kale, ninka dilka Geystay ayaa ka soo jeeda deegaanka Gaalkacyo dhinaca waqooyiga. Wararka ku saabsan dilka Canbuur Geyre ayaa is khilaafsan, waxaana qaar ka mid ah ay sheegayaan in loo dilay aano qabiil. Badanaa waxaa ka dhaca Soomaaliya falal noocaan oo kale ah oo lagu dilo dad aan waxba galabsan oo loo dilo aano qabiil. :eek: :eek: :eek: Iilaahay dadkan haa kala qabto. I truely hope more blood won't be shed, and that can only happen if the Puntland elders and government take a firm stand and get this killer.
  4. I doubted he grew up in Xamar I doubt he even grew up in Somalia.
  5. Kuun-gratulations 'dumashi'. So juma duke is your cousin? What a pleasent family reunion you guys must have. P.S Ille meesha odayaal baa ka buuxo
  6. I have said again and again, don’t underestimate SOL youngsters’ ability to decipher your version of Somali history. SOL youngsters? Meaning horn is a old guy Walal which "reer cabudwaaq" is claiming Gedo?
  7. I was wondering were you got "over another or others." from? To control, govern, or rule by superior authority or power That is the meaning of "dominate, and it doesn't include "over another or others"."And walal are you saying that "Hiiraale's people" aren't the ones who control(dominate) Gedo? As Horn said you must the other equation (the ones who aren't "Hiiraale's people") of the two groups that are fighting for Celi-Waaq, so I understand were your coming from.
  8. I don't know what you are talking about but reer cabudwaq has the most horses in Mudug, and if you look back to the Guri-ceel's Ugaas cano-shup the horses that were part of the ceremony were barrowed from Cabudwaq. Besides, why would go to Somali-land and pass Puntland borders to get me a horse?
  9. Iilaahay haa uu naxariisto A similer incident happened in Kismayo (when morgon and his lunatic kins were in power) were this man was caught (dring the battle for Kismayo) and then cut into pieces by 30-45 mahbar ladys with knifes. C/laahi Yuusuf kabo ka waa weyn aas isku jimayhaa; kursiga madaxweynanimadana waxaa xaq u leh Musse is quite a kidder, you should finish the rest of the qoute thou.
  10. Our politic section is qabiil. let's return to the early 60s where the majority of us didn't even know what politics was. There were a handful of politicians in Soomaaliya at that time and Iam the first to denounce politics because it was started by my people Reer Puntland who taught other Somalis the princepels of dirty politics and how to cheat your way into parliament and ultimate power. we're the bigggest problem in Somalia no wonder why we're hated by so many somalis To quote a Somli amateur would-be politician who said that there was "No adults in politics in somalia at that time than Reer Puntland and that the other Somalis were political teenagers and minors at that time and Reer Puntland were the only people who had a direct agenda of how to rule the contry for the next hundred years So All the somalis have now progressed from being insignificant minors in politics to dangerous would be professional politicians Anyhow Good on you mate waxaa nalu nacay awal baa waxay ahayd "siyaasadda xumidda" because we still believe that we've got a divine right to rule Somalia and that we're god chosen people to lead the rest of the Somalis and that's excatly Abdullahi Yusuf and Co believe. They want to establish a Second Republic called "Governo Maxamuud Salaimaan (Saleebaan). The kid is quite a kidder and a fabricator while we are at it.
  11. The horses of Sool :confused: Not to be sarcastic, but do they have special horses in Sool not found in the rest of the world or Somalia for the matter of fact?
  12. then why are Hiirraal people claiming the land that never belong to them? And what proof do you have that "Hiiraale's people" are "claiming" land that doesn't belong to them? I hope it isn't those kutiri-kuteen story fabricate by some delusional old man.The term "claiming" is hysterical to me because "Hiiraale's people" are the ones who live and dominet those places (Celi-waaq and gedo), or are you messing up "Hiiraale's people" with those from Mooyaale who are indeed the ones claiming Celi-waaq and the rest of Gedo :cool:
  13. I mean, some of them pray at the mosque five times and have read religious books Walal the "wadaads" are still entittled to their qabil and have a duty to their qabil and its interst. I learned this at a young age when a "shocking" inncident accured between me and a "wadaad."
  14. Nomadic activist, the British only signed treaty with certain clans.It signed treaty with all Is.aq and D.i.r clans in 1884 at once. My whole point was that the Ma-rehans did not sign the treaty with the British, and that was one of the main reasons they let the Italians buy Jubbaland from them.
  15. Gedonet had an interview with the Madam who was named after Beled Xawo. Waxaa maanta noo suuragashay inaan soo booqano Xaajiya Xaawo Xuseen oo 100 jir ah ahaydna Haweyneydii loogu magacdaray magaalada B/Xaawo ee gobalka Gedo, kana mid aheyd dadkii wax ka asaasay magaalada taariiqiga ah. Wareysi dheer oo codkeeda ahna aanu dhowaan idiin soo deyn doono. Xaajiya Xaawo oo gabow ka sokow miyirkeedu aad u fiicnaa ayaa markaanu booqanay ku dhex jirtay aqal ku yaala tuulada la yiraahdo Baladuaamiin oo 4KM u jirto magaalada B/Xaawo, halkaas oo la degan tahay gabar ay dhashay oo 65 sano jir ah. Xaajiya Xaawo oo ayaan waxaan ka waydiiday xiligii ay soo degtay magaaladan B/Xaawo ayaa waxaa ii sheegtay inay xiligii ay soo degeen magaaladan ay aheyd xilli nooleeye ah oo roob badan jiray ayaga markaas abaar ba'an ka soo baxeen. Xaajiyada waxay sheegtay in xilligaas ay ka timid dhanka Nairobi iyo wajeer oo ayada iyo odaygeeduba (Allaha u naxariistee Xuseen Cumar) ay ka tirsanaayeen askartii Ingiriiska, markii ay ka soo talaabtay xadka Mandheera la yiri deg halkan oo ay ka dhisatay aqal Soomali, sidaasna loo magac daray magaalada B/Xaawo maadama aan ahaa qofkii ugu soo horeeyey oo soo dega degaankaan. Xaajiyada Xaawa Xuseen oo hadalkeedii sii watada ayaa waxay ii sheegtay inay halkaas ku dhashay afar caruur ah oo oo ku jirto gabadheyda oo ay hadda la degan tahay. Xilli yar kadibna waxaa ku soo biiray allaha u naxariistee XIRSI BAAR iyo HAAJIR KAMAS, alaha u naxariistee CABDILE RARANE, allaha unaxariistee mudo gaaban ka dibna waxay tiri waxaa nagu soo biiray KHALIIF SHIRE ShIRE MATAAN. Waxay kalooy ii sheegtay inuu ka tagay ama ka ruqseysatay ayada iyo odaygeediba ilaaladi ingiriiska, kadibna ay u guureen magaalada Nageyle ee dalka Itoobiya. Waxayna dib ugu soo noqdeen magaalada B/Xaawo dagaalkii 1977 dhex maray Itoobiya iyo Soomaliya. Wareysigii Xaajiya Xaawo Xuseen ayaan dhowaan idin soo deyn doonaa insha allah. Sanka Gedonet, B/Xaawo Her picture. http://www.gedonet.com/docs/Xaawo2.jpg Because at the time they did not allow Ma-rehans to settle in kenya because of their rebellious nature, Walal no Ma-rehan can get a kenyan citizenship today. When you apply for a citizenship in Kenya they will ask you for your qabil and if you write Ma-rahan you will be denied citizenship immediatly. This all because the Ma-rehan clan refused to sign a "peace-treaty" with the British , for the "peace-treaty" included the Ma-rehan clan giving their territory up and being governed by the British colonialist. Ugaas Doore who was the Ugaas of Gedo at that time refused to sign the treaty, because he said he would never succumb to forign rule and will never give his land freely .
  16. Puntland – a place of stunning scenery and fabled views where magnificent cliffs overlook the powerful, surging Indian Ocean and Gulf of Aden. for get about the hotels Puntland is a place of natural beauty where you might see wild flowers, seabirds and animals of all size and shape, a place of legend and mystery. Walaalo waan kula talinayaa ee keyboardka iska tuur mar danbane wax haa qorin.
  17. there will be no solution until all the invaders are sent back to Cabduwaaq. So I guess this thing will go on for a long time. I guess "reer cabduwaaq" have no choice but to defend themselves. The only reer cabduwaaq person is Barre Aden Shire. Allxamdulilaah that the attackers have returned to their original degans in Ethiopia :cool:
  18. I love this post. My brother MILK you made me laugh so much... [big Grin] Smart kid
  19. Dagaal ay isaga horyimaadeen Ciidamada Dalka Kenya iyo Maleyshiyooyinka ku sugan degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo oo maanta ka dhacay xuduuda u dhexaysa labada magaalo. Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaa in abaarihii 9:00 subaxnimo ee maanta dagaal uu ka dhacay meel u dhaw xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan gaar ahaan inta u dhexaysa magaalooyinka Ceelwaaq Soomaaliya iyo Ceelwaaq Kenya. Dagaalkan ayaa waxay wararku sheegayaan inuu ahaa iskahorimaad kooban oo u dhexeeyay maleyshiyooyinka maaalmahanba ku sugnaa gudaha magaalada Ceelwaaq iyo Ciidan ka tirsan dowlada Kenya oo ku sugnaa xiligaasi xuduuda u dhexaysa labadaasi magaalo iyadoo sidoo kalena la sheegay inay labadan dhinac iswaydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda waaweyn ee lidka diyaaradaha. Ilaa iyo iminka lama yaqaan sababta dhabta ah ee ka dambeysay dagaalkan iyo khasaaraha uu gaystay inkastoo ay soo baxayaan warar aan la xaqiijin oo ku saabsan dagaalkaasi. Sarkaal ka tirsan ciidamada jooga degmada Ceelwaaq oo goor dhaw aan kula xariirnay khadka telephone-ka satellite ee guur-guura oo kusugan degmada Ceelwaaq ayaa noo xaqiijiyay inuu dagaalkaasi ka dhacay meel u dhexaysa xuduuda labada magaalo kadib markii ciidamada Kenya ay u soo dhawaadeen dhinaca magaalada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo oo ay ku sugan yihiin ayuu yiri ciidamadayada. Sarkaalkan oo ka gaarsaday magiciisa ayaan faah-faahin ka bixinin khasaaraha uu gaystay dagaalkaasi balse dowlada Kenya ayaa wuxu ku eedeeyay inay ku soo xadgudbeen deegaankooda iyagoo wata hubka noocyadiisa kala duwan taasina ay faragalin ku tahay ayuu yiri xiriirka darisnimo ee u dhexeeya labada dal. Si kastaba ha ahaatee dagaalka ayaa ku soo beegmay xili dowlada Kenya ay todobaadyo kahor si buuxda u xirtay xuduuda Kenya ay wadaagto Gobalka Gedo. Xasan Cabdi Keynaan Alldalka, Baardheere.
  20. Weerer aan cidina wax ku noqon oo ay maanta ciidamada Kenya ay ku soo qaadeen deegaanka Ceelwaaq ee ku taala xadka Kenya iyo soomaliya Wararka inaga soo gaaraya magaalada Ceelwaaq ayaa waxay sheegayaan in maanta ay weerarka ku soo qaadeen deegaanka Ceelwaaq ciidamo la sheegay in ay ka tirsanyahiin kuwa xadka ee dowlada Kenya ayadoo aan la garanayan sababta dowlada Kenya ay weerarkaas ugu soo qaadya deganka Ceelwaaq oo uu haatan ku suganyahay Gudoomiyaha Maamulka Isbahaysiga Dooxada Juba xildhibaan Barre Aadan Shire oo isagu mar hore halkaa u aaday sidii uu dhex dhexadin halkaa uu u dhex dhigi lahaa beelaha walaalaha ah ee deegankaa ku dagaalamay. "waxay isticmaalyeen qoryaha loo yaqaan Jabshaha Basuukaha iyo qoryo kale oo fudud ayagoo ku soo liishaamayay magaalada gudaheeda waxayna soo dhobteen xadka ay magaalada Ceelwaaq la wadaagto dalka Kenya" sidaasi waxaa yiri mar uu BBC da u waramayay xildhibaan Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale) oo isagu halkaa ku suganaa. Hadaba kowhoreeto ayay ahayad markii ay sheegtay mid ka mid ah beelaha halkaa ku dagaalamaya abaabulka iyo dhiilada colaadeed ee halkaa ka taagani ay ku lug leeyahiin dowladaha dariska ah sida dowlada Kenya iyo itoopiya oo ayadu la sheegay inaysan ka maqnaankarin goob ay isku dagaaleen labo beelood oo daga gobolada koonfureer inta ay ayadu xadka la wadagto mana jiraan ilaa iyo hadeen wax tafaasiil ah oo ay dowlada Kenya ku sheegtay dagaalkii maanta ay ciidankeeda ku soo qaadeen magaalada ceelwaaq. Cabdi qadar Nuur Maxamed (filipiin) Cabudwaq_Online Kismaayo Soomaaliya
  21. Walaalo ma reer abti baa lagu yahay, you seem to be very intersted in the Gedo peace conference.
  22. You better post this news in Togdheer.com, this forum is called SOMALIAONLINE and has got nothing to do with so called Somaliland, so please post this garbege in there, we don't give a monkee of Riyaale and gangs. I thought you hated somalia and wanted nothing to do with it, so why use their forums, War isku xiishood nin weyn baad tahay ee, side docil la laguursadey haa uu hadlin.
  23. Diyaar garowga doorashooyinka baarlamaanka maamulka la baxey Somaliland ayaa waxaa hareeray muran aad u xoogan. August 05, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Diyaar garowga doorashooyinka baarlamaanka maamulka la baxey Somaliland ayaa waxaa hareeray muran ku saabsan hanaanka loo qeyb sanayo goobaha aaney doorashooyinka ka dhaceynin. Doorashooyinka baarlamaanka Somaliland oo kasoo gudbey dhowr caqabadood oo ay ugu weyneyd midi xeerka doorashada, taasoo si weyn isugu khilaafeen Golaha Wakiiladda iyo madaxweyne Daahir Riyaale, ayaa iminka waxaa lasoo darsey turun turooyin yar, taasoo aan haddii wax lag qaban ay nabar ku noqon karto doorashooyinka hanaanka ay u dhacayaan. Gobolada Sool iyo Sanaag Bari ee maamulka la baxey Somaliland ay sheegato balse iminka gacanta ugu jira dowlad goboleedka Puntland, kana mid ah goobaha aan doorashooyinka ka qabsoomeyn, ayaa qaabka loo maareynayo waxey xeyn daab addag ku noqotey guddiga doorashooyinka iyo asxaabta u tartameysa doorashooyinka baarlamaanka Somaliland. Qaar kamid ah asxaabta gaar ahaan midka talada haya Udub ayaa isagu ogol in doorashooyinka laga dhigo deegaanadaasi, ilaa iyo toddobo kursi oo aan lagu tartameynin isla markaana axsaabtu qeybsadaan. Hase ahaatee taasi waxaa ka biyo diidey qaar ka mid ah asxaabta kale ee mucaaradka ahi. Guddiga doorashooyinka ayaa iminka ku hawlan sidii arranta taaga saaran loo soo dajin lahaa, isla markaana meel dhexe la isugu keeni lahaa khilaafka baahsan ee ka dhaxeeya axsaabta Somaliland, ee la doonayo in doorashooyinka si wada jir ah uga qeyb galaan. Doorashooyinka baarlamaanka maamulka la baxey Somaliland oo dhowr goor baaqdey, ayaa kama danbeys waxey dhaceysaa bisha September ee iminka nasoo kulaaleysa. Maamulka la baxey Somaliland ayaa waxey horey uga soo gudubtey doorashooyinka golaha deegaanka iyo mida madaxweynenimada, iyadoo mida baarlamaankuna ay tahay mid si weyn looga dareemayo deegaanadaasi tabaabushaheeda. Sanadii 1991kii ayaa maamulka la baxey Somaliland waxey sheegatey in Soomaaliya inteeda kale ay ka godey, hase ahaatee ma helin aqoonsi buuxa oo siinaya dowladnimo.