Nomadic Activist

Nomads
  • Content Count

    170
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nomadic Activist

  1. ^^Instead of attacking my view and being so judgemental about who I think or don't think is a nationalist,Why don't you tell us whom you think is a nationlist, and what is nationalism to you.
  2. Waryaa jumatatu how do you get those little funny images walal?
  3. Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanka ay qabteen doonyo iyo maraakiib hub sidey. July 14, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay iney jiraan wararka sheegaya ciidamada badda ee Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, iney qabteen doonyo iyo maraakiib hub sidey oo ku soo jeeday Soomaaliya. Wasiirka dekedaha ee dowlada federaalka Cali Ismaaciil Cabdi oo u waramayey Idaacadda HornAfrik isagoo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa ugu horeyn ka hadlay hawlihii ay qabatey wasaaradiisa tan iyo mudadii ay dowladda federaalka dalka dib ugu soo laabatey. Mudane Cali Ismaaciil Cabdi ayaa sheegay iney xoogaa ka qabteen qaab dhismeedka wasaaradiisa dekedaha iyo gaadiidka badda, isla markaana ay diyaariyeen warbixin afar qeybood ka kooban, oo ay ka sameeyeen dekedaha waaweyn iyo sida ay ugu baahan yihiin dayactir balaaran iyo in hawlo kalaba laga qabto marsooyin, kuwaasoo ku kala yaala magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera, warbixntaasoo ay u gudbiyeen hey’addaha wax ka qaban kara ee caalamiga ah. Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Cali Ismaaciil Cabdi mar wax laga weydiiyey waxa uu kala socdo markabka Toddobaadkii Saddexaad lagu heysto xeebaha deegaanka Xaradheere, oo u rarnaa hey’adda cuntada Adduunka ee WFP, ayaa waxa uu sheegay iney arrintaasi si weyn ula socdaan, isla markaana xiligani uu ku guda jiro xal ka gaarida xaaladaasi wasiir ku xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Xirsi Aadan Rooble, hase yeeshee wasiirka ayaa saluug ka muujiyey wasaaradiisa sida aaney xiligani awood ugu laheyn koontoroolka xeebaha Soomaaliya, taasi oo uu sheegay iney ku guda jiraan suurta galinteeda. Mudane Cali Ismaaciil Cabdi wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda dowladda federaalka, oo sidoo kale wax lag weydiiyey inuu la socdo wararka tibaaxaya in doonyo iyo maraakiib hub u soo sido ay gacanta ku dhigeen ciidamada mariiniska Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay inuusan helin warbixin rasmi ah, laakiin warar aanu cadeyn karin ay ku soo gaareen in Markab hub sida ay hayaan ciidamada Mareykanka. Hubkan oo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo xaqiijinin cidda uu u socday, hase yeeshee ku soo beegmay xilli uu madaxweynaha ku sugan yahay deegaanka Puntland, ayaa waxa ay sii kordhineysaa shakiga xubnaha labadda gole ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf hore ugu eedeeyey iney Boosaaso keentay diyaarad military oo laga leeyahay dalka Yaman, taasoo sidoo kalana u sidey hub fara badan. Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in shaley dekedaasi ay ka jireen xiisado la xiriira doonyahaasi hubka sida, oo la shaaciyey iney ku soo xirteen dekedda Boosaaso, iyadoo dekedda loo diidey iney isticmaalaan ganascatada iyo dadkii kale ee hawl wadeenada ka ahaa.
  4. Cabdulaahi Yuusuf oo Qaramada Midoobay ka dalbaday in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya July 14, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Madaxweynaha dowladda fedraaliga Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf waxa uu ka codsaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in si dhaqso ah loo qaado cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaliya si ciidamda Qaranka ee Soomaaliya iyo ciidamo shisheeya oo nabadda ilaaliya dalka Soomaaliya u yimaadaan kuwaas oo taageeraya dowladda FKMG howlaheeda inay dib u sii wado. Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo warqad u qoray Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado cuna qabateynta hubka Soomaaliya si ay u yimaadaan Soomaaliya ciidamo ka socda IGADSOM oo ah ciidamada howlgalka gudaha Soomaaliya ka sameeynaya ee xasilinaya. Cabdulaahi Yuusuf ayaa sheegay in arrintaas haddii ay sameyso Qaramada Midoobay ay tahay mid fududeyneysa hadafka ah in Soomaaliya ay noqota Qaran nabadoon. Cabdulaahi Yuusuf ayaa warqadaas qoraalka ah ku sheegay in dowladiisa aaney dooneyn in cunaqabteynta hubka loo qaado si joogta ah hase ahaatee ay tahay in la qaado si ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya loo geeyo islamarkaana loo ilaaliyo ammaanka dowladda Soomaaliyana ay u noqto wadan xasiloon. Hadalka Cabdulaahi Yuusuf ayaa soo baxaya xilli la filayo in maanta galinka dambe golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka doodaan arrimaha Soomaaliya oo qeyb ka tahay cuna qabateynta hubka Soomaaliya saaran. Afheeyanad u hadashay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Kofi Anan ayaa shaaca ka qaaday in goloaha cunaqabetynta Soomaaliya hubkeeda qaabilsanaa ama guddigii gaarka ahaa ay warbixintii u gudbiyeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kuwaas oo iyagana maanta ka fariisinaya. Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo hore u sheegay inuu ka tanaasulay wadamada safka hore ciidamadiisa ayaa imminka warqadiisa waxaa ka muuqta inay ku jiraan wadamadaas maadaama uu soo hadal qaaday barnaamijka IGADSOM ee Soomaaliya. Guddiga dabagalka la socodka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan beesha caalamka oo lacagta badan ku bixineysay shirkii Soomaalida Kenya uga socday mudada labada sanno ah ee la yiraahdo CMC, islamarkaana uu hogaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Francios Fall ayaa hore walaac uga muujiyey ama ka digay in la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya taas oo keeni karta dhibaato. Sidoo kale warbxin guddigaas ay soo saareen ayaa lagu sheegay inay walaac ka muujiyeen wararka sheegaya in hubka uu weli ku sii qulqulaya qeyba ka mid ah Soomaaliya isalamarkaana ay jiraan warar muujinaya in wadamada qaarkood ay hore uga xadgudbeen cunaqabteyntii hubka ee Soomaaliya la saaray. Hey’adda International Crisis group ayaa iyadana ka digtay in la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya saaran iyadoo ka digtay inay dhbaato keeni karto arrintaas. Waxaa sii kordhaya walaaca xubnaha beesha caalamka iyo ururada caalamiga ay ka qabaan in la qaado cunuqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran xilli madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu ku adkeysanayo in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado si ciidamada nabad ilaalinta ay u yimaadaan Soomaaliya. Kulankii ka dhacay magaalada Sirta ee dalka Liibiya oo ay yeesheen ururka midowga Africa ayaa lagu go’aamiyey in cunaqabteynta hubka Soomaaliya laga qaado iyadoo kulankaas qodobadii ka soo baxay ay imminka miiska u saaran yihiin dowladda Cabdulaahi Yuusuf.
  5. The "president" asks for the Somali-weapon embargo to be taken away. I wonder why a "president" of a nation who has been in a civil war for 15 years would ask for more weapons to come into the country. Some call Jalle Siyaad a dictator who only knew how to use his fist, but lets look at this imbocile who goes around making speeches about how he was the first person to revolt and the main reason of the governments decade, who idiolizes Jalle Siyaad and wants to be a replica of Jalle Siyaad. He thinks he can become a dictator like he was in Puntland, and kill who ever stands in his way like he did to his brother-in-law,to reer bosaaso, and many more people like Suldaan Hurre. President Yuusuf oo Golaha Ammaanka ugu baaqay in Somalia laga qaado xayiraadda hubka G/kacayo-14.July.2005 War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ee Somalia mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u oglaadaan inay xayiraada hubka ah ka qaadaan ciidamada ammaanka qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee nabad ilaalinta u imanaysa dalka si ay u taageeraan dowladda federaaliga kmg ee Somaliyeed. “iyadoo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u fariisanayo arrinta Somalia 14-ka bishan July, waxaan ugu baaqaynaa inay isbedel ku sameeyaan xayraadda hubka ee saaran dalkeena si ay macquul ugu noqoto ciidamadeena ammaanka qaranka iyo kuwa IGADSOM inay hawlahooda u gutaan si dhammaystiran, maadaama aan dib ugu soo laabanay wadankeena si aan aayihiisa uga talino†sidaasi waxaa laga soo xigtay madaxweynaha Somalia oo haatan ku sugan magaalada Galkacayo. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu kaloo intaa raaciyay in ay lagama maarmaan tahay in Qaramada Midoobay ay noo fududayso danaheena ku aadan Somalia, si aan uga dhigno ayuu yiri dal degan. Ma raadinayno ayuu yiri inaan helno xayiraad qaadis joogta ah balse waxan doonaynaa inaan helno taaagero iyo ilaha lagama maarmaanka u ah ciidamadeena ammaanka qaranka iyo kuwa nabad Ilaalada caalamiga ah. Baaqa madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo baaxay saacado ka dib markii hay’adda xasaradaha caalamiga ICG ay Golaha Ammaanka ka dalbatay inaan la qaadin xayiraada hubka ee saaran Somalia, waxa ay ku sababaysay in deganaansha gobolka uu Khal khal geli doono. Si kastaba ha ahaatee marka dib loo eego dowladihii ka horreeyay tan iminka ee Federaalka ah, sida dowladdii Cali Mahdi Maxamed iyo dowladdii C/qaasim salaad xasan ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti waxaa majaxaabiyay maleeshiyooyin hubaysan waxayna la shaqayn waayeen ciidan la’aan. Iyadoo taa laga sawir qaadanayo ayay lagama maarmaan u tahay dowladdan federaalka ah in laga qaado xayiraadda hubka ah ee saaran dalka Somalia. Baaqa madaxweynaha Somalia waxaa kaabaya codsi uu Qaramada Midoobay u jeediyay wakiilka Kofi Annan ee arrimaha Somalia François Fall oo ku baaqay in si deg deg ah loo soo afjaro cunaqabataynta hubka ee Somalia saaran. Si kastaba ha ahaatee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta u fariisan doona arrinta Somalia ayaa la filayaa inay go’aan kama dambays ah ka qaatan baaqyada kala duwan ee ku saabsan xayriaada hubka ee Somalia. C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Monitorig nuunow16@hotmail.com
  6. ^^ a peaceful country is a joke all of a sudden [Roll Eyes] No not really wallhi. I'm quite proud of you guys really. But there reports of high tension in Hargiesa, my reer abooto are standing up aand fighting this tyrant regime of riyaales.
  7. ^^funny you said...huum why not add it to the joke section eh ....While I'm at it I might as well take every "somaliland" topic to the joke section too....since they are all a BIG JOKE
  8. ^^^^Xikmadaada iyo caqligaagu isma laha. I think your saying came out wrong, and I remember hearing the saying a different way. Abaayo care to explain what your interputation was? hey chew on this for a while(it's from laascanood website) Because its from a "Lascaanood website" it repersents all of the "LA peoples" views? Funny how he called you Soomaalidiid and your probably proud of that ...HMMM.
  9. ^You're looking for trouble. Just saying whats on my mind. that the magical Somaliland army that took down Siyad Barre and his tanks is a superpower that can do as it pleases, even hypothetically detain and execute Cismaan Caato. Funny this same magical army can't seem to pass Adhicadeeye. Somalilanders are very smart and the reason why they haven't passed adhicadeeye is because they don't want to shed their young boys blood. There is this one Somali fable I would like to share: Nin baa jirey oo habeenimo wado heeyey, sidu uu socdey baa wax uu muqday saa buu moodey Libaax, markaas buu habeenki oo dhan meeshu joogey ka dhaqaaqin, subaxdi aroornimo ayu libaaxi fiiriyey mise waa geed, mahmahdu yiri waa tan: Geedyaho waxaa ku moodey mise waxaad noqotey, waxaa ku moodey libaax, waxaad san noqotey geed, waxaa san loo noqondonin gure danbe oo habeyn. So basically the reason why the SNM(the old man in the sotry) can't pass adhicadeeye is because the LA-boys(the tree) have scared them to death, they LA-boys probabley killed four SNM soilders which made the SNM scared to death an they thought that all the kinsmens(the imaginary lion) from Galkacyo to bosaaso, from Jigjiga to Cabudwaaq, from Kismayo to Gedo were in the fight so they got scared and backed off.
  10. what can somaliland gain from a drug dealer, I don't know what "somaliland" can gain from cato, but I do know that Cato as a drug dealer can gain a lot from "somalilanders."
  11. Askari ka tirsan ciidamada booliiska oo maanta lagu diley magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo - 12.July.2005 Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta lagu diley magaaladaas, askari ka tirsan ciidamada booliiska ee gobolka, kaas oo lagu magacaabo jirey Daahir Qooje. Marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaa askar booliis ah oo la dhigay dugsiga Cabdullaahi Binu Cabbaas, si ay u kala dhex galaan kooxo isku haystey lahaanshaha dhulka uu ku fadhiyo dusgigaasi. Koox dabley ah oo ka mid ahayd dadka dhulka sheeganaya ayaa rasaas oodda kaga qaadday askarigaas oo isla goobtaas ku qur baxay. Taliyaha ciidamada booliiska qaybta Mudug, Aadan Nuur Qaal ayaa u sheegay weriyaha SBC ee magaalada Gaalkacyo, Saadiq Cabdi Guumbe in askariga dhintay uu ka mid ahaa askar la geeyey halkaas, si ay uga hor tagaan shaqaaqo halkaas ka dhacda balse rag dabley ah ay rasaas ku fureen askartii. Dilkan ayaa qayb ka ah dilal is daba joog ah oo beryahan ka dhacayey magaalada Gaalkacyo inkasta oo ay jiraan dadaallo xool leh oo lagu sugayo amniga magaaladaas. Saadiq Cabdi Guumbe SBC Gaalkacyo
  12. Magaalada Gaalkacyo oo maanta lagu dilay sargaal sare oo ka tirsan ciidanka Puntland. Gaalkacayo War goordhow nooga soo direy wariyaheena magaalada Gaalcayo in lagu dilay maanta sargaal sare oo ka tirsan ciidanka Puntland kasoo loo diley aano qabiil oo u dhaxeeyo laba beel oo maali mahii u dambeeyey ka dhaxeeyey is u gaarsi Magaalada Gaalkacayo oo hadda uu ku sugan yahay madaweynaha Soomaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweynaha oo asagu maal mahaan abaari jirey in magaalada Muqdisho ay ka jirto amaan xumo gaamurtay asagoona hadda u caali la magaalada uu ku dhashay dadkiisana ay ku badan yihiin in uu ku soo celiyo amaan tasoo ku tusayso in ay isaga mid yihiin Soomaliya oo idil amaan xumida ayadoona si wadajir ahna loo xalina aysan xasileynin Soomaliya Bishaan gudaheyd ayaa magaalada Gaalkacayo lagu dilay dad kor u dhaafayo 10 ayadoona aysan jirin cid loo soo xirey fal danbiyeedka ay galeen tasoo ku tusayso in yasan ka jirin magaaladasi amaan leysku haleyn karo. Magaalada gaalkacayo iyo Muqdisho ayaa isaga mid ah u xaglinta micnadaradaah ee loo adeegsanaayo Qabiilka Cadulaahi Karshe Gaalkacayo Dayniile Ku noqo beejka
  13. Why don't they let the man sell his damn khat, you know its big buisness in Hargiesa.
  14. warya audacious it's unislamic to have dead person picture. Thank you.
  15. Wow, what a game you got it from somalinet Ay kutbo---> she has nice eyes, I don't why she winks all the time I always feel like she has something to tell me
  16. Just a comment...Galkacyo is the safest place in Somalia. More like a statement with fatcs against it.
  17. ^^^ Thanks for the info Just doing your daily job of informing SOL nomads, without the misleading information.
  18. Waxaa maalinkii labaad xerada ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo ku hareereysan maleeshiyo beeleedyo ay isku heyb yihiin dad habeen hore lagu diley magaaladaasi. July 11, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Waxaa maalinkii labaad xerada ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo ku hareereysan maleeshiyo beeleedyo ay isku heyb yihiin dad habeen hore lagu diley magaalada Gaalkacyo. Arrintan waxaa ku dhex jira sidii wax looga qaban lahaa madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed. Xerada warshadda kabka ee magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay dagan yihiin cutubyo katirsan ciidamada daraawiishta ee Puntland, ayaa waxaa maalintii labaad ka taagan xiisad u dhaxeysa ciidamada Puntland iyo maleeshiyo halkaasi shaley isku gadaantey. Maleeshiyadan oo ay isku heyb yihiin dad rayid ah oo habeen hore lagu laayey magaalada Gaalkacyo, ayaa dalbanaya in gacanta laga soo galiyo dad ay sheegeen iney ciidamada kamid yihiin, iyadoo ciidamada saraakiil ka tirsanina ay sheegeen in dadkii la diley ay amarka ciidamadan oo hawl ku jira ay iska dhaga tireen amarkii la siiyey. Madaxweynaha Soomaaliya Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu soo fara galiyey arrintaasi, kadib markii madaxda Puntland ay arrintaasi u caal waayeen. Hotelka Taar City ee magaalada Gaalkacyo halkaasoo oo uu dagan yahay madaxweynaha dowlada federaalka Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxaa ka soconaya dadaalo ay wadaan, iyagoo ku doonaya in lagu qaboojiyo xiisada halkaasi ka aloosan. ------------------------- More trouble in Puntland, I just hope everything becomes calm in the so called most stable regions in Somalia. :cool:
  19. Duke (Abti), don´t worry , he´s not even close to how you run headlines , i swear he dosen´t work for Mogadishu. [big Grin] But then hey ,, " he dosen´t make the NEWS" [big Grin] [big Grin] [big Grin] , he just presented what was written . Abti , am gonna tell him to stay away from ya Job, cutting n pasting , rubish headlines is just for YOU [big Grin] [big Grin] Waryaa jhonny uu sheeg ninka, I just pasted and copied just like he does all the time. Duke knows how to make BULLSH*T propaganda. P.S He hasen´t mentioned RADIO Voice of Peace in Galcaio getting shut, closed and equipments confiscated. I didn't know about it. The PM and his large nevoy went to Galkacyu, met the President had a long closed door meeting then flew back to the new capital. Now thats what happened in the capital of Mudug Puntland state.. [Wink] My topic had nothing to do with gedi or his meeting with the "president," nor did I ask you to tell me about their meeting. All I was talking about was the safety of Galkacyo.
  20. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la sheegay in uu Kolonyo ciidamo ah oo aad u hubeysan uu la tegi doono Magaalada Jowhar Sabti, July 09, 2005(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu soo waramayaa in uu deegaanada uu sida weyn ugu xoogan yahay ee Puntland uu kala tegay kolonyo ciidamo ah oo si weyn u hubeysan, kuwaasi oo uu ugu talagelayo in ay sugayaan ammaanka xubnaha dowladda Federaalka ee isaga taabacsan. Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganeysay saraakiil Soomaaliyeed oo magacooda qariyay oo warkan baahisay ayaa intaasi ku dartay in madaxweynaha uu ciidamadaas oo ah kuwo maleeshiyo ah uu isaga difaaci doono haddiiba lagu soo qaado weeraro uga yimaada dhinaca hoggaamiyayaasha Muqdisho ee dowladdiisana ka tirsan. Madaxweynaha oo haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu socod dhinaca dhulka ah ku tago magaalada Jowhar, isagoo xiligaasina ay galbin doonaan ciidamo iyo gaadiid dagaal oo aad u fara badan, kuwaasi oo muddooyinkan lagu uruurinayay qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, sida Madaxweynuhuba horay u sheegay. Inkastoo wadada u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Jowhar ay tahay mid aan dhibaato ku ahayn madaxweynaha in uu ku socdaalo bacdamaa ay ku nool yihiin Qabaa’illo taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, hadana waxaa la filan karaa sida AFP saadaalisay carqalado ku yimaada safarka dhinaca dhulka ee madaxweynaha, iyadoo carqaladahaasina ay fulinayaan dad ka amar qaata Hoggaamiyayaasha Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia ----------------------------------------- Saraakiil ka soo jeeda beesha ********** oo ku eedeeyey C/llaahi Yuusuf in hubkii dowladda Yeman ku deeqday uu ku wareejiyey saraakiil ay isku beel yihiin Boosaaso Saraakiil ka soo jeeda beesha ********** oo ku kala sugan magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo & Garoowe sida uu sheegay sarkaal lagu magacaabo C/rashiid Ceydiid, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed in uu ku wareejiyey hubkii dowladda Yeman ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya saraakiil ka soo jeeda beesha Max’uud Saleebaan, wuxuuna ku eedeeyey sarkaalkaasi madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu deegaanada Puntland ka abaabulayo xaalado dagaal abuur ah uuna weydiistay beelaha ku dhaqan gobolada Puntland ciidamo ka qeybqaata qorshihiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu guluf colaadeed ugu kiciyo gobolo ka tirsan K/Soomaaliya. “Hubkan wuxuu gacanta ugu jiraa saraakiil ka tirsan beesha Max’ud Saleebaan oo ay ka mid yihiin Siciid dheere & Cawil dhiig sokeeye, waxeyna taasi muujineysaa in madaxweynuhu ku dhaqmayo hanaan ku dhisan beeleysi†ayuu yiri C/rashiid Ceydiid oo sheegay in uu yahay afhayeenka saraakiil ku sugan gobolo ka tirsan Puntland.Wuxuuna xusay in qeybaha ugu muhiimsan hubka laga keenay Yeman uu doonayo madaxweynuhu in uu ku wareejiyo beeshiisa. “Hubka la keenay waxaa ugu badan qoriga BKM (Daba-jeex) & qoryaha Zuu & 36 waxaana uu madaxweynuhu ku hubeeyey maleeshiyooyinka laga soo uruuriyey beelaha Puntland†ayuu yiri C/rashiid Ceydiid, wuxuuna intaasi sii raaciyey in madaxweynuhu aanu weli hayn waddadii Qaranimada balse uu hayo waddadii qabiilka, sida uu hadalka u dhigay . Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini) diinicadde@hotmail.com
  21. Originally posted by Cawralo: quote:Originally posted by audacious: Are you from the southern parts of Somalia. OK to be more bluntful are you jumatatus kinsmen? How audacious! .. :rolleyes: [/QB]I try
  22. A/yusef can't even control Galkacyo.I'm very eagered to see how he going to go to Jowhar and stay there safely than go to the capita, VERY EAGERED. Maleeshiyo hubeysan oo isku hareereeyey xero ay leeyihiin ciidmada Puntland kaddib markii ciidmada Puntland ay xalay magaaladaas ku dileen Saddax dhalinyaro ah July 10, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Maleeshiyo hubeysan ayaa isku hareereyey xero ay leeyihiin ciidmada Puntland iyadoo maleeshiaydan ay ku heyb yihiin Rag xalay ciidamada Puntland ay ku dileen magaalada Gaalkacyo. Sida uu HornAfrik u xaqiijiyey Burhaan Axmed Daahir oo ah Suxufi ku sugan magaalada Gaalkacyo xiisadan ayaa ka dambeysay kaddib markii Sadax dhalinyaro ah oo ay isku heyb yihiin maleshiyadan ay ciidamada Puntland xalay dileen. Maleeshiyadan isku hareereysay xeradan ayaa dalbaneysa in gacanta loo soo galiya ciidamadii Puntland ee ka dambeeysay falkaas. Ciidamada Puntland ee degan xerada Kabka ee Waqooyiga Gaalkacyo ayaa la sheegayaa in dhalinyaradaas ay si ula kac ah u dileen xalay. Maamulka gobolka Mudug ayaa ku guuldareystay in xeradaas ay ka wareejiyaan maleeshiayda maanta isku gadaamay. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli madaxweyne C/laahi Yuusuf uu ku sugan yahay magaaladaasi gaalkacyo. -------------------------------------------------- Dilal Ka Dhacay Xalay Magaalada Gaalkacyo Iyada oo uu socdo kulammadii sarsare ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra'isul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo xubnaha kale ee dowladda federaalka ah iyo weliba dowlad goboleedka Puntland oo iyaduna kulammo gaar ah la leh madaxda dowladda Federaalka ah ayaa waxaa shalay galab bartamaha suuqa Gaalkacyo lagu dhaawacay nin dhallinyaro ah. Waxaana ninkaas dhaawacay niman dabley ah oo aan la aqoonsannin ka dib markii ay isbaareysteen isaguna uu isku dayay inuu baxsado halkaasna ay rasaas kala heleen lugta. Shil kaas la mid ah ayaa waxaa ku dhintay hal nin waxana ku dhaawacmay laba ruux oo kale. Shilkaan ayaa waxa uu dhacay isla shalay gelinkii dambe. Shilkan ayaa waxaa geystay koox maleeshiya ah oo rasaas oodda kaga qaadday dhallinyaradan. Nimankii dhaawaca ahaa ayaa waxaa iminka lagu daaweynayaa isbitaalka magaalada Gaalkacyo, sida uu Gedonet u xaqiijiyay goobjoog ku sugan magaalada Gaalkacyo. A M A Gedonet
  23. That's what's commonly reffered to "carab isku dhajis"..you know "carab aa ahay" [Roll Eyes] Just be glad you haven't met one of those confused souls yet. Are you from the southern parts of Somalia. OK to be more bluntful are you jumatatus kinsmen?
  24. The tigre army have come into some parts of Somalia (mainly western galguduud)and have even talked to some of the elders and people who reside there. Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa iney dhaq dhaqaaq ciidan ay ka wadaan xadka u dhaxeeya gobolka Galgaduud iyo dhinaca dalka Itoobiya. July 08, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. M.M. Dhoore. HornAfrik. Muqdisho, Soomaaliya. E-Mail: - dhoore162@hotmail.com Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa iney dhaq dhaqaaq ciidan ay ka wadaan xadka u dhaxeeya gobolka Galgaduud iyo dhinaca dalka Itoobiya. Sida ay sheegayaan wararka aynu ka heleyno dadka kusugan deegaanada Cabudwaaq iyo Balanbal, ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa iney soo buuxiyeen qeybo katirsan xuduuda gobolka Galgaduud uu la leeyahay ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Wararkii ugu danbeeyey ee halkaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ay iminka soo buuxiyaan deegaanka Axmed Gurey, oo la sheegay iney dhooban yihiin iyagoo wata qaar kamid ah gaadiidka dagaalka oo ay Taangiyadu kamid yihiin. Ciidamadan ayaa sidoo kale horey u buuxiyey deegaanka Cilanle iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Galgaduud oo la sheegay iney ciidamdaasi ay yimaadeen. Ciidamadan ayaa horaantii todobaadkii aynu soo dhaafney waxa ay sidoo kale ay tageen deegaanada Xeraale iyo Balanbal, halkaasi oo ay dadku su’aalo ku weeydiiyeen.
  25. Well, I want to know who won MISS SOMALIA? Was the film that bad, I actually like the documentary (a preview) better than any of the movies.Well in seattle a lot of people didn't go because was divided over YES qabil. One soccer team went to canada and the other went to minnesota, so most didn't even go out of state. Besides the somalis are too ghetto for us seattlites nooh. I feel bad even calling them films. Rajo reminded me of the little skits we did in 8th grade drama class. So true