-
Content Count
10,390 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Madaxweynaha Jabuuti oo Martiqaad u Fidiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland SUNDAY, 26 JUNE 2011 Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo ansixiyey ajandaha kalfadhigooda 15aad iyo qoddobadda xaasaasiga ah ee ku jira Hargeysa (Togdhnews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha waddanka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Md. Cabdiraxmaan Cirro oo hadal kooban ka jeediyey fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada, waxa uu sheegay inuu u socdaali doono Jabuuti oo uu casuumad ka helay, halkaas oo uu kaga qaybgeli doono xuska maalinta qarannimada dalkaas ee 27 June oo ku beegan Isniinta berri. Munaasibadda 27 June ayaa ku beegan xilligii Jamhuuriyadda Djibouti ay ka qaadatay dalka Faransiiska madax-bannaanideeda sannadkii 1977, iyadoo qabanqaabada u diyaargarawga xusku si weyn uga socoto dalka Djibouti iyo guud ahaanba dalalka deriska ah. Xuska maalinta madaxbannaanida Jabuuti oo ku beegan Isniinta berri, ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan masuuliyiin iyo madax badan oo caalamka iyo Afrika ka socda, iyadoo dawladda iyo dadweynaha reer Jabuuti diyaargaraw xooggan ugu jiraan sidii xus ballaadhan loogu samayn lahaa maalinta qarannimadooda. Geesta kale, mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay cod ku meel-mariyey qodobadda ajandaha uu goluhu ku shaqayn doono kalfadhigiisa 15aad ee si rasmi ah u furmay badhtamihii toddobaadkii hore, kaasoo ay ku jiraan qodobo xaasaasi ah sida wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha, wax-ka-beddelka Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta masuuliyiinta qaranka. Fadhigaas oo ay ka qaybgaleen 41 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxa cod gacan-taag ah ku oggolaaday ansixinta ajandaha kalfadhiga cusub 21 mudane, waxa diiday 15, waxana ka aamusay 5 mudane, iyadoo fadhiyada soo socda uu goluhu gudo-geli doono doodda qodobadda ajnadaha kalfadhigooda cusub. Qodobadda ajandaha kalfadhiga 15aad ee goluhu ansixiyey waxa ku jira qodob xasaasi ah oo ku saabsan qaddiyadda furista ururrada siyaasadda oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Golaha Wakiillada. Ajandaha kafdhiga oo ka kooban 12 qodob waxa ay kala yihiin sidan: 1- Warbixinnaha Shirguddoonka, guddida joogtada ah iyo guddiyada Golaha Wakiillada. 2- Mashaariicda sharci ee golaha horyaalla. 3- Xeerka Nabadgelyada Guud. 4- Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Baanka Dhexe. 5- Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Ururrada Siyaasadda ee Xeer Lr 14. 6- Xeerka ka Ganacsiga Hawlaha Baanka. 7- Xeerka Biyaha Qaranka. 8- Xeerka Baanka Islaamiga ah. 9- Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka-hoosaadka Golaha Wakiillada. 10- Xeerka Nabadgelyada Waddooyinka. 11- Xeerka Caymiska Qaranka. 12 Ansixinta masuuliyiinta qaranka iyo wixii kalee soo kordha. Togdhnews
-
Puntland delegation visits SOOL: Taleex Xallin: enjoy the PICS
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Jacaylbaro;730399 wrote: Good development .................... Nimankii Burco sheeganayay mar haday Taleex ku faraxsan yihiin -
http://www.togdheernews.com//index.php?option=com_content&task=view&id=8726&Itemid=1
-
Maayir Cusub oo loo magacaabay Laascaanod oo Xilkii La Wareegay.
-
SSC Oo Ka Naxday Khiyaanadii Uu Ku Kacay C/Risaaq Xasan Gacmeey Oo Maanta Isku Dhiibay Somaliland (Ninka Ayaa Ahaa Gudoomiyihii Khusuusiga Ee SSC) Wararka naga soo gaadhaya Degmada Widh Widh ayaa ku soo Waramaya in Magaalada Widh Widh lagu soo Dhaweeyey Wafti Balaaran oo Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga ee SSC iyo Qaar kamid ah Golihii Khusuusiga ee SSC oo iyagu ka soo Kicitimay Dhinaca Magaalada Tukaraq. Waftigani Waxa Hogaaminaya Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga C/risaaq Xasan Gacamay Waxana kaloo kamid ah Madaxa Maaliyada ee SSC Cisman Xaaji Cali iyo Axmed Case oo kamid ahaa Golaha Khusuusiga ssc. Guud ahaanba Waxgaradka Buuhoodle ayaa Mar kaliya ka War Helay in Masuuliyiintaasi ku sugan yihiin Deegaanka Widh Widh kana Qayb Galayaan Shirka halkaasi ka Furmaya ee ee Dhexmaray Kayse Abdi Yusuf dad uu aruursaday iyo Wasiiiro katirsan Maamulka Siilaanyo oo ku sugan Magaalada Widh Widh. Guud ahaanba Waxa Caawa talaabadani si Kulul u Canbaareeyey Waxgaradka Buuhoodle oo ku tilmaamay inay tahay arin Qaran Dumis ah kuna Tilmaamay inaanay aqbalay Waxyaabaha ka soo Baxa shirkaas. Shacabkamedia
-
Beesha Galmudug Oo Cadeysay Inuusan Galmudug Ku-Abtirsan Daahir-Calasoow (Dhageyso Ama Akhriso War-Murtiyeed. http://www.shacabkamedia.com/warka/index.php?option=com_content&view=article&id=3366:beesha-sacad-oo-cadeysay-inuusan-galmudug-ku-abtirsan-daaahir-calasoow-dhageyso-ama-akhriso-war-murtiyeed-beesha-sacad-soo-saartay-oo-soomaalida-ku-socda&catid=1:warka-gudaha&Itemid=3
-
Cali sabareey oo xaqiijiyay sadaxda nine ee Gostay iyo fariin ku socota shacabka SSC Waxaa aan ka xaqiijinay in ay gosteen sadaxdaas nin madaxweyne kuxigaynka SSC cali sabarey oo sheegay in ay maalmihii udanbeeyy ay wadeen qilaaf iyo dhibaato wayn oo ay doonayeen in ay kala dilaan umada SSC. Cali ayaa waxaan waydiinay Niyad jab intee la le ek ayeey ku keenayaan umada SSC waxaana uu ka dhaqaajiyay waxa y kala tageen dhibkooda wax niyad jab ah kuma keenayaan SSC waxanse u sheegaya in dhamaanbulshada SSC aysan niyad jabin. Sidoo kale waxaa uu sheegay madaxweyna ku xigaynka SSC cali sabarey in aysan wax dhaqaale ah ku soo qorin cismaan xaaji cali oo ahaa madaxii maaliyada iyo cabdirisaq gacmey ooahaa gudoomiyaha khusuusida umahad ssc yeesan niyad jabin waxa aan u halgamayno waa iyaha dadka wax kasta waa ay leeyihiin hawlaha maamulkune waa uu sii socondoonaan. http://horufadhi.com/2011/06/21/4524/
-
kan Samafal wa cuqdad socota ba. AUN to the dead.
-
Mayor of Las anod should be released if his found innocent and did not cooperate with SSC militias.
-
Widh-Widh :Wufuud ku sii Qulqulaysa Shirka Nabadaynta ee ka dhici doona Hakaasi. SATURDAY, 18 JUNE 2011 Laascaanood-(Togdhnews)-Shir la doonayo in lagu soo afjaro colaadaha u dhaxeey Somaliland iyo dadka deggan gobolka Sool, Koonfurta Sanaag iyo Cayn ayaa ergooyinkii ugu horreeyay ay gaadheen deegaanka Widhwidh oo 100 km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Shirkaasi oo ah mid wada hadal ah ayaa waxaa horrey ugu dhawaaqay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, kaddib markii uu la wareegay hoggaanka Dalka 27-dii July ee sanadkii 2010-ka. Sidoo kale, kulanka oo ah mid nabadeyn ah ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan beelaha degga Sool, Koonfurta Sanaag iyo Cayn, iyada oo lagu wado in uu ka furmo deegaanka Widhwidh, waxaana ka qeyb galaya mas’uuliyiin muhiim u ah go’aan qaadashada tabashada beelahaasi. kayse Cabdi Yuusuf oo ah Xoghayihi hore ee Maleeshida SSC oo ka qeyb galaya shirkaasi ayaa sheegay in uu yahay mid nabadeed oo la doonayo in lagu soo afjaro colaadaha ka taagan deegaanadaasi, si nabad loogu wada noolaado.
-
Dawlada Federal-Ka Ee Soomaaliya Oo Sheegtay In Ay Ka Soo Horjeedo In Shidaal Laga Baadho Deegaanada Puntland. Muqdisho(Ramaas) June. 17, 2011- Dawlada federal-ka ee dalka Soomaaliya ee ka taliso qaybo ka mida Magaalada Muqdisho , ayaa sheegtay in ay si cad uga soo horjeedo in shidaal laga baadho deegaanada maamul goboleedka Puntland, iyada oo aan fasax laga qaadin xukuumada ku meel gaadhka oo ay beesha caalamka u aqoonsan tahay dawlada rasmiga ee Soomaaliya. Wasiirka shidaalka iyo macdanta Cabdirisaaq Sheekh Muxuyadiin oo maanta la hadlay qaar ka warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay dawladiisu aqbali doonin shirkado shisheeye ah oo baadhitaano shidaal raadin ah ka sameeyay deegaano ka tirsan Puntland oo qayb ka ah nidaamna federal-ka Soomaaliya, waxaana uu uga digay shirkadaha ay heshiisyada Puntland la gashay in aanay ku dhaqaaqin sahaminta shidaalka Soomaaliya oo aanay Puntland xaq u lahayn in fasax siiso shirkado kale. Puntland ayaa sheegtay toddobaadkan in ay heshiis shidaal qodis ah la gashay shirkad la yidhaahdo African Oil Company oo sahamin shidaal baadhis ah oo ka fulin doono dhulkaas dhawaan, iyada oo lagu rajo weynyahay in shidaal laga helo dhul badan. Laakiin hadalka ka soo yeedhay dawlada Sheekh Shariif ayaa noqonaya diidmadii ugu cuslayd ee ka hortimaada maamul goboleedka Puntland. Ramaasnews Desk Hargeisa
-
SNM veterans meet with Buhoodle sool diaspora intellects in London
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
lol@sheltering dhagaweyne how is that possible when the dude was operating in Saxiil and not Sool. Who is Ina Mire's reer abti? i don't think they are from Sool. -
Degel;729144 wrote: TFG should get independence from AMISOM and Mahiga before issuing any declarations. Fair point.
-
Address the message not the messenger.
-
http://horseedmedia.net/2011/06/17/dowladda-kmgs-oo-ka-soo-horjeestay-shidaal-laga-baaro-deegaanada-puntland/
-
Dowladda KMGS oo ka soo horjeestay in shidaal laga baaro deegaanada Puntland Dowladda KMG ee Somaliya ayaa sheegtay inay ka soo horjeedo in xiligaan wax shidaal baaris ah laga sameeyo deegaanada Puntland. Wasiirka macdanta,biyaha,tamarta iyo shidaalka Dowladda KMG Somaliya Cabdirsaaq Sheeq Muxidiin oo la hadlayay idaacadda ku hadasha afka dowlada ayaa waxaa uu sheegay inay ka digayaan shirkado caalami ah uu sheegay inay qorshaynayaan inay shidaal baaris ka sameeyaan deegaanada Puntland. Wasiirka ayaa sheegay inuu ugu baaqayo maamulka Puntland iyo shirkadaha uu sheegay in qandaraaska shidaal baarista kula jira inay ku soo wargaliyaan dowladda KMG Somaliya,isagoona sheegay inay dowladda KMGS masuul ay ka tahay dalka. Dowladda Puntland iyo shirkadda baarista shidaalka ee African Oil ayaa heshiis muddo sanad ah ku kordhiyay howlaha macdan baaris ee shirkadahaasi ka sameynaan deegaanada Puntland taasi oo ku’eg 17-Junuary ee 2012-ka. Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin hadalka ka soo yeeray dowladda FKMGS iyadoo arintan ay ku soo beegmayso xilli dowladda Puntland ay horay u sheegtay inay jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda KMG Soomaaliya. Horseed Media
-
USAID Economic Package seeks to improve Somaliland’s Businesses
Saalax replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Excellent. -
wixi 1990skii laga bilaabo Dhaqanxuuma kasta waxa bilowday Mogadishu whether it is taking other people's women forcefully (the folks of Xamarweyne) to your deserts in galgadud, raping, maiming killing the elderly, women, killing them in the most brutal ways unimagined without a mercy bina adaniimada ka baxsan, occupying houses illegally , stolen properties, etc iyo wax yaalo kale oo xagan lagu sheegiin kariin.