-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Cali Waranacade oo uga digay Shacbiga Somaliland in aanay ku dhicin godkaas ay reer Somalia ku dhaceen iyo guumaysigaa ay gacanta u galeen Mustacmarada ee Agoustine Mihiga Wasiirkii Hore ee Wasaarada Duulista Hawada Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa ka hadlay ugana Digay Shacabka Somaliland Mr Mahiga iyo siyaasada Mustacmarka Cusub ah ee uu wado. Mr Warancade ayaa sidoo kale Xukuumada Somaliland Iyo Shacbiga labada u soo jeediyey Isku duubni iyo in wixii dhexdeena ah aynu inagu dhamaysano. Mudane Cali Warancade ayaa ku bilaabay hadalkiisa :- “Waxaan jeclahay inaan maanta ka hadlo arin aanay dadkeenu u fiirsan warna u hayn oo ah Mustac-maradda casriga ah oo ay maanta muuqato in dalkaas Somalia ee aynu dariska nahay uu gacanta u galay guumaysiga cusub ee qarnigan, taas oo run ahaantii aynu odhan karno waxa u horseeday ragii ay ka dhigteen madaxda. Siyaasiyiintaas ayaa maanta shacbiga Somalia dhaxalsiiyey heerka ay maanta marayso Somalia ee jahawareerka ah ama 20-ka sanadood shacbigaa ku jiray dilka, qaxa, dhaca, boobka iyo gawraca, ragaas siyaasiyiinta ah ee ay la gudboonayd inay shacbigooda u horseedaan horumar iyo wadani-nimo ayaa maanta ummadoodii gacanta u galiyey guumaysiga aynu maanta aragno oo aan filayo in hadii dadka maanta Somalia la yidhaahdo waayo madaxwaynihiinu aanay garanayn oo ay odhanayaan waa Sheekh Shariif, balse runtu aanay taas ahayn. Anigu waxaan aamin-sanahay in uu dalkaas madax ka yahay ninka Mustacmarada ah ee Agoustine Mihiga, kaas oo ka soo jeeda dhalasho ahaan dalka Tansania ee Afrikanka ah. Mr Mahiga waxa uu hogaaminayaa ciidamo ka tirsan Sirdoonka caalamiga ah oo loogu talo galay inay maamulaan shucuubka diciifka ah ee aan lahayn dawladaha adag sida dalka Somalia oo kale. Maantana waxa muuqato in sidii ay uga soo bixi lahaayeen godkaas in ay tahay mid aad iyo aad u dhib badan”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Hadii aynu nahay ummadda reer Somaliland waxa inagu waajib ah laba arimood, midi waxa weeyi in dadkaas aynu walaalaha nahay ee reer Somalia aynu iskugu dayi lahayn sidii gacanta loogu soo qaban lahaa oo looga saari lahaa gumaysigaas cusub ee qabsaday ee ay ku dhaceen. Waxaan aamin-sanahay in reer Somalilaland ay yihiin kuwa ugu sahlan ee dhibta Somalia taala wax ka qabanaya waa hadii Ilaahay garansiiyo shacbiga reer Somalia. Hadii aynu nahay ummada reer Somaliland waa inaynu ka feejignaano inaynaan ku dhicin godkaas ay reer Somalia ku dhaceen iyo guumaysigaa ay gacanta u galeen. Waxa kaliya ee aynu arintaas kaga bad-baadi karnaana waxa weeyi, mida hore inaga oo ka digtoonaana sadexda arimood “D-da” ka kaca oo kala ah:- Diwaan-galinta, Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda. Sadexdaas daaqadood waa sadexda albaab ee ay Somaliland ka soo gali karaan ragaas maanta duliga baday shacbiga reer Somalia ee aynu dariska nahay. Waxaan ugu jeedaa sadexdaas arimood waa sadexda keeni kara muranka Somaliland, waxa markaas inaga inala gudboon sidii aynu u tabaabushaysan lahayn inaynu ku dhacno Dabinkaas ay ku dhaceen ummadda reer Somalia, isla markaana aynaan is-dhigan oo aynu ka tashano sidii aan dariiqaas la inoogu soo raacin, isla markaana arimahaas oo dhan aynu ku xalino dhaqankeenii iyo waxaynu ku soo caano maalnay, Waana inaynaan marnaba u baahan in gacanta la inagu qabto oo la inoo taliyo sida maanta haysata reer Somalia. Mida sadexaadna waxa weeyi inaan la inoo soo raacin salaankaas ee aynu inagu reer Somaliland ahaan hagaajisano gurigeena iyo dalkeenaa, isla markaana aynu ku hagaajino cadaalad iyo sinaan”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaynu laba jeer ka bad-baadnay inay inagu dhacdo taa maanta Somalia ka taagani, oo waxa la ina yidhi xeerarkiinii dhiga, oo waa tii ay inoo soo saareen 6 qodob isaga iyo ninkii Mahiga ka horeeyey ee Axmed Walad Cabdalla, isla markaana ay inagu kalifeen in inta aynu shuruucdeenii halkaas iska dhigno in la inoo sameeyo lix qodob oo aynu isku qabsano, hase yeeshee nasiib wanaag waynu iska garanay oo sidii ay doonayeen may dhicin, waxayna doonayeen in la isku qabsado, taas oo ay markaasna fahan-sanaayeen madaxda qaranka ee wakhtigaas taladda dalka haysay. Waxaan shacbiga reer Somaliland iyo xukuumaddaba u soo jeedinayaa inaynu muujino isku duubni iyo inaynu arimaha yar yar ee dhexdeena aynu inagu dhamaysano oo aynu iska ilaalino in gacan dibadeed ina soo dhex gasho si aynu uga bad-baadno dhibaatadda maanta haysata Somalia, Waana inaynu ku baraarugnaa waxaa dariskeena haysta”. Warqabadka ToggaHerer Hargeysa/Somaliland
-
Puntland iyo Dhibaatada ay u Gaysato Shacabka ****** Daawo Waraysi Muuqaal ah Shabakada GalGalanews.com ayaa Barnaamijeeda Xog Waran ku Waraystay Nin Magaciisa ku sheegay C/laahi Maxamed Cabdi kaasi oo Ciidamada Sirdoonka Puntland ay Sanadkii 2009- Bishii Tobnaad ka qabteen Guri uu kaga Noolaa Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug. Cabdullahi Sida aad Waraysiga ka Arakidoontaan Wuxuu ka sheekaynayaa Qiso Yaable oo dhex martay isaga oo Ciidamadii Soo weeraray, isaga oo Soo Bandhigaya D hawaacyo Khatar ah oo ka soo Gaadhay Ciidankaasi Markii ay Qabteen. Waxa uu Waraysigiisaa ku Faah Faahinaya Qaabka loola dhaqmo Dadka U soo Nolol Doonta Gobolada Puntland kuwaasi oo uu xusay in Qaarkood laga Gato, Ethiopia, oo aan la Hayn ilaa Wakhtigan dad badan oo ay Xukuumada Puntland Dhiibtay. Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa Hay’addaha Daneeya Xuquuqul Isaanka ugu baaqay inay soo Fara Galiyaan Masiibada ay kula kaceen Ciidamada Puntland isaga oo docda kale dhaliil Ba’an Dusha uga Tuuray Madaxwaynaha Pl C/raxmaan Faroole oo uu sheegay inuu Kaalin Mugle ku Leeyahay Dhibaataynta SHacabka Gobolada ******. Waxa uu u Mahadnaqay Shacabka Reer PL uu ku Tilmaamay kuwa aan Hagar Daamada Xukuumada la qaban isla markaana aad u soo dhaweeyay Martida u Timaada, Sidoo kale waxa uu Mahadnaq balaadhan u soo Jeediyay Dr Dhega Cade oo ah Dhakhtar Degan Gaalkacayo iyo Murwadiisa oo uu Tilmaamay inay Gacanta ku hayaan Tan inuu ka soo Caafimaadiyay Dhibaatada ay kula kaceen Sirdoonka Puntland isaga oo Farta ku Guday in Dhega Cade uu Aad uga qayb qaatay Soo Anmabixidiisii Dalka Kenya. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=3poyI5YhY-U" frameborder="0" allowfullscreen> http://galgalanews.com/?p=14568
-
Guddoomiye-xigeenkii Maleeshiyaadka SSC Oo Is Casilay Dhaqale Xumo Darteed Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kooxda nabad diidka ah ee SSC, Cali Sabaray, ayaa sheegay inuu xilkii maleeshiyaadkaas iska casilay isagoo sheegay inay burbur qarka u saarantahay. Calisabaray waxa uu sheegay in uu daalay oo uu doonayo in cid kale kala wareegto xilka uu ka hayo SSC, waxaanu xusay inay dhaqaale xumo soo waajahday kooxda SSC. Ku xigeenka horjoogaha oo ku sugan magaalada Buuhoodle waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta Internetka ee taageerta, “Dagaaladii aanu ka wadnay way hakadeen sababo dhaqaale xumo, sidoo kale ciidamaddii Somaliland aad iyo aad ayay isku soo xoojiyeen oo waxay soo degeen degmada Widhwidh waxaana yimid afar guuto ilaa Laascaanood-na aad ayay u joogaan ciidamo degaanka ah waa lagu kordhiyay. Halgankii aanu wadnay waxa soo foodsaaray dhaqaale xumo, iyo masuul xumo,” waxaanu intaas raaciyay “Maamul Xumaddu waxay ka jirtaa maleeshiyada oo aan habaysanayn maamulkii oo kala maqan. Cali Sabarey waxa uu sheegay in uu daalay oo aanu sii wadi karin maamulka kooxda SSC waxaanu yidhi “Anigu waxaan qabaa in isbedel la sameeyo ciidanka Somaliland-na si adag ayuu iskusoo xoojiyay sidaasi darteed. Shakhsi ahaan waxaan jecelahay in cid kale maamulka gacanta ku dhigto anigu waanu daalay muddooyin adagna waanu, soo marnay.
-
There is no war going on. Just a slow take over with the invitation of Widhwidh born Keyse Yusuf.....
-
Somalia in the top 5 for worst place in the world for women
Saalax replied to Alpha Blondy's topic in General
Somali women can be the solution and build bridges between the different warring factions...... They can also be the problem with their encouragement of more conflicts raising money so their kins, cousins, brothers, fathers can buy more weapons to start a conflict with other communities. -
Guddoomiye-xigeenkii Maleeshiyaadka SSC Oo Is Casilay Dhaqale Xumo Darteed Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kooxda nabad diidka ah ee SSC, Cali Sabaray, ayaa sheegay inuu xilkii maleeshiyaadkaas iska casilay isagoo sheegay inay burbur qarka u saarantahay. Calisabaray waxa uu sheegay in uu daalay oo uu doonayo in cid kale kala wareegto xilka uu ka hayo SSC, waxaanu xusay inay dhaqaale xumo soo waajahday kooxda SSC. Ku xigeenka horjoogaha oo ku sugan magaalada Buuhoodle waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta Internetka ee taageerta, “Dagaaladii aanu ka wadnay way hakadeen sababo dhaqaale xumo, sidoo kale ciidamaddii Somaliland aad iyo aad ayay isku soo xoojiyeen oo waxay soo degeen degmada Widhwidh waxaana yimid afar guuto ilaa Laascaanood-na aad ayay u joogaan ciidamo degaanka ah waa lagu kordhiyay. Halgankii aanu wadnay waxa soo foodsaaray dhaqaale xumo, iyo masuul xumo,” waxaanu intaas raaciyay “Maamul Xumaddu waxay ka jirtaa maleeshiyada oo aan habaysanayn maamulkii oo kala maqan. Cali Sabarey waxa uu sheegay in uu daalay oo aanu sii wadi karin maamulka kooxda SSC waxaanu yidhi “Anigu waxaan qabaa in isbedel la sameeyo ciidanka Somaliland-na si adag ayuu iskusoo xoojiyay sidaasi darteed. Shakhsi ahaan waxaan jecelahay in cid kale maamulka gacanta ku dhigto anigu waanu daalay muddooyin adagna waanu, soo marnay.
-
Wednesday, June 15, 2011 SSC oo khilaaf ku kala maqan iyo Sabarey oo cadeeyey in aanu awood u hayn dagaal. Cali Sabarey oo ka warbixiyey dagaaladii uu ka waday dalka Somaliland oo uu ka sheegay in uu kala kulmay guul-darooyin, weliba cadeeyey in iminka la gaadhay xilligii uu soo gebogeboobi lahaa ururkii SSc oo nabad-diidka ahaa. Wuxuu cadeeyey in dhibta haysataa koox ahaan ay aad u balaadhan tahay, waxaana ka kow ah ayuu yidhi khilaaf iyo wada shaqayn la’aan gudaha kooxda SSC ah, sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan awoodo xadidaya dhaqdhaqaaqyadii ay wadeen oo ay ka mid tahay, dhaqaale xumo, maamul xumo iyo shacabkii oo aan ogolayn in dagaal lagu hoobto ay dib u galaan. Mar warbaahinta taageerta kooxda ay wax ka waydiiyeen xaalada kooxda iyo halka xaal marayo guddoomiye ku-xigeenka Cali Sabareey iyo halka ay xallada ka xun tahay, wuxuu ku jawaabay oo yidhi: “Waxay ka jirtaa dadka go’aamada gaadhaa,dibad iyo gudaba, maamulkeeda iyo dhaqaalaheeda midna ma habaysa. Ciidamdeedu waa kala daadsan yihiin. Waxyaabihii lagu wadi lahaana ma laha. Maamulkiina waa kala maqan yahay, mudaba waa kala laalaa oah sideed bilood ah, taladiisuna waa jilicsan tahay.” Wuxuu kaloo sheegay in hoggaankii iyo odayaalba dhaqameedadii hor boodi jiray kooxda, ay qaar badan oo ka mid ahi u kaceen dalka dibadiisa, welina ay ku sugan yihiin qaarkood dalka Kneya, wuxuu kaloo cadeeyey in mudadaas shacabkii qurbaha joogay aanay ka hayn wax dhaqaale ah, arrinkaas oo ahaa mid ay kooxdani ku shaqaysan jirtay. Wuxuu Cali Sabarey sheegay in shirkii khaatumo loogu magac-daray ee ay beesha *********** ku qabsatay dalka Ingiriiska uu ahaa caqabad labaad oo curyaamiyey hawlihii nabadiidnimda ahaa ee ay kooxdu ku kici jirtay. Isaga oo shirka London ee beesha *********** ku qabsatay London ka hadlayana wuxuu yidhi, mar wax laga waydiiyey. “Annagu markii hore wax tar ayaanu moodaynay go’aamada la sheegay, in la midoobo iyo in khilaafaadka la saaro, hase yeeshe waa soo midho dhali wayday, arrimahaasina meel ay ku sugan yihiin iyo meel ay ku danbeeyeen la garan maayo. Guddihii waa dabcay, dhaqaalihii waa istaagay, maamaulkiina sidaas ayuu u kala maqan yahay.” mar la waydiiyey in xidhiidh ka dhaxeeyo isaga iyo Xaglatoosiye, wuxuu sheegay in aanu jirin xidhiidh badani, wuxuu kaloo sheegay in mudadaii dheeraatay sidoo kale ay ciidamdii kala yaaceen, weliba ay jirto dhaqaale xumo badani. cali sabareey wuxuu quus badan ka muujiyey sii jirida SSc, wuxuu sidoo kale sheegay in dadweynaha laftiisu dareenkaas qabo, weliba dadweynaha ku nool gudaha ee taageeri jiray SSC. Waxaa khilaafaadkaas kaloo u sabab ah, siyaasada nabadaynta ah ee ay Somaliland ka wado degaanada, mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayaan degaanada beesha *********** iyo sida ay xukuumada iyo shacabka Somaliland uga go’antahay in nabad ay ku wada noolaadaan, hanaanka dawladnimona loo sinaado.
-
Ra’isal Wasaare Farmaajo oo la kulmay xildhibaano katirsan baarlamaanka Ra’isal Wasaaraha Dowladda Faderaalka KMG Soomaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay inka badan 100-xildhibaan oo katirsan baarlamaanka Soomaliya kuwaasi oo uu ka codsaday inay taageeraan xukuumadiisa. Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diirada lagu saaray khilaafka xooganaa ee ka dhexjiray xukuumada ra’isal wasaare Maxamed Cabdilahi Farmaajo iyo xildhibaanada baarlamaanka kuwaasi oo marar sii horaysay isku khilaafsanaa waqtiga ay dhacayso doorashada iyo mudo kororsiga baarlamaanka. Ra’isal wasaare Farmaajo oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu codsanayo inay wada shaqayn dhexmarto xukuumadiisa iyo xildhibaanada isagoona sheegaya in loo baahanyahay in laga sii gudbo khilaafkii xooganaa ee ka dhextaagnaa xukuumadda iyo baarlamaanka. Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaliya oo ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay inay taageersanyihiin xukuumadda xiligaan uu hogaamiyo ra’isal wasaare Farmaajo,waxaana ay sheegayn inay dhankooda la shaqayn doonaan. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ra’isal wasaaraha uu sheegay in heshiiska magaalada Kambala ay ku gaareen madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka loo baahanyahay in la horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka,taasi oo ka dambeysay kadib markii heshiiskaasi uu qeexayay inuu ra’isal wasaaraha uu isku casilo muddo 30-maalmood gudahood ah. http://horseedmedia.net/2011/06/15/raisal-wasaare-farmaajo-oo-la-kulmay-xildhibaano-katirsan-baarlamaanka/
-
http://horufadhi.com/2011/06/15/magaalada-widhwidh-oo-ay-qabsadeen-maleeshiyaad-snm-ah/
-
http://horufadhi.com/2011/06/15/magaalada-widhwidh-oo-ay-qabsadeen-maleeshiyaad-snm-ah/
-
Xildhibaano kale oo maanta Muqdisho shir ku yeeshay oo ku Baaqay in Raisul Wasaare farmaajo uu iska casilo Xilka uu xukuumada soomaaliya uhayo maadaama Heshiiskii kampala uu ahaa in uu xilka kadago (Hadhwanaagnews) Wednesday, June 15, 2011 Muqdisho(HWN) xildhibanadaan ka Tirsan barlamanaka soomaaliya oo ayaguna muqdisho shir ku yeeshay ayaa sheegay in raisul wasaare maxamed c/laahi farmaajo uu xilka kadago maadaama Heshiiskii kampala uu wax kasaxiixay uu ahaa in uu mudo bil Muqdisho(HWN) xildhibanadaan ka Tirsan barlamanaka soomaaliya oo ayaguna muqdisho shir ku yeeshay ayaa sheegay in raisul wasaare maxamed c/laahi farmaajo uu xilka kadago maadaama Heshiiskii kampala uu wax kasaxiixay uu ahaa in uu mudo bil ah xilka iskaaga casilo Xildhibanadaan oo tiradooda la shaacin inta ay la ekeeyaan ayaa sheegay in xukuumadaan ay ka horeysay xukuumado kale oo wax ka qabtay xaalada soomaaliya balse Xukuumada farmaajo loogaga baahan yahay in ay iska casisho xilka uu hayo Kulankaan ay yessheen xildhibaanada ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan ka soo horjeeday xukuumada farmaajo kana qeyb galay kulankan oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in Farmaajo loogaaga Baagan yahay in ay katanasusho xilka uu hayo hadii kalana uu dalka lugta lasii galayo dhibaato horleh Shirarkaan kala gooni goonida ah ay yeeshanayaan barlamanka soomaaliya oo Ebeb Noqon kuwa isku dhinaca oo inta ay jirtay dowladaan kala mowqif ahaa waxaana Xildhibaanada Maanta kulankaan yeeshay ee farmaajo ka soo horjeeday cadeeyay in banaan baxyadii ay ahayeen Afgambi fashilmay waxaana ay tilmaamay in heyadaha Amniga dowlada ay baaritaano kusameeyaan Cidii kadambeysay banaan baxyada.
-
Xildhibaanno ugu baaqay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya inuu fuliyo heshiiskii Kampala uuna iscasilo Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaailya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu u hoggaansamo heshiiskii laug gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda uuna is-casilo. Mudanayaashan ayaa sheegay in haddii uu ra'iisul wasaaruhu fulin waayo heshiiskii Kampala uu dalku cagaha la geli doono marxalad ka duwan midda uu hadda ku jiro, waxayna sidoo kale dhaliileen dibadbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu taageerayay xukuumadda. "Inta ay goori-goor tahay oo aanu dalku ku laaban dhibaatadii uu soo maray waa inuu Farmaajo fuliyaa heshiisii lagu gaaray Kampala oo uu xilka iska casilo, haddii uu taas sameyn waayo dalka wuxuu lugaha la galayaa dhibaato," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa mudanayaasha shirka jaraa'id qabtay. Mudane Xaabasade ayaa sheegay inay jiraan xildhibaanno sheegaya inay codka siinayaan Farmaajo, wuxuuna sheegay sheegay inuusan isagu diyaar ku jirin arrintaas, isagoo ka digay in la horseedo in dalka uu dib ugu laabto dhibkii laga soo gudbay. Xildhibaan Maxamed Xuseen ***** (Afaraale) oo ka mid ahaa mudanayaashii shirka jaraa'id ka hadlay ayaa isagu si gaar ah diiradda u saaray dibadbaxyadii ka dhacay Muqdisho, isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen afgambi fashilmay. "Markii ay soo baxeen go'aannadii Kampala waxaa Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo wajiyo badan, waxaana u arkaa inaan waxba lagu toosinayn, balse loogu talogalay in wa lagu qaribo, waxayna ahaayeen kacaan fashilmay," ayuu yiri Afaraale. Xildhibaanku wuxuu sidoo kale sheegay in mudaaharaadyadaas haddii ay ahaayeen kuwo wax lagu toosinayo aan la gubeen masawirrada madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo midka guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, isla markaana lagu handado dadka gaadiidka wata inay jidadka ku maraan masawirka Farmaajo. Ugu dambeyn, xildhibaan Maxamed Afaraale wuxuu ugu baaqay hay'adaha nabad-sugidda dowladda inay baaritaanno ku sameeyaan mudaaharaadyadii dhacay iyo weliba dhibaatooyinkii dhacay intii ay socdeen, ciddii ay ku caddaato inay ka dambeysayna sharciga la horkeeno. Mudanayaashan oo u muuqday inay taageersan yihiin guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan ayaa hadalkooda wuxuu imaanayaa iyadoo ra'iisul wasaare Farmaajo uu shalay sheegay inuusan xilkiisa iska casilayn inta baarlamaanku uu go'aan ka gaarayo heshiiskii Kampala. http://www.hiiraan.com/news/2011/Jun/wararka_maanta15-13905.htm
-
Suldaanka;728615 wrote: Sabaray wuxu u darsaday macmacaankii Canada u ku haystay. Like all the other Diaspora anti-peace individuals, what they had in mind while in North America and what they see on the ground is two different things. They thought that they will ignite a clanish war by stalking fuel into clan land disputes such as the Kalshaale wells... but what they failed to realise is that the locals themselves are too smart and they know what is best for them - which is why the Kalshaale attempt backfired miserably. Well said.
-
Yuusuf maxamed siyaad indhacade oo haatan ka mida saraakiisha ciidamada dowlada kms oo maanta shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu eedayn u jiidiyay xukuumada uu hugaamiyo Raiisulwasaaraha Maxamed c/laahi farmaajo asagoona sheegay in ay jiraan lacaga badan oo soo galay xukuumada oo loo isticmaalay qaababkale oo uusan shaacin (Indhacade ) Yauusuf siyaad ayaa sheegay in lacagahaas ay ka yimaadeen hay,adaha gar gaarka bixiya iyo waliba jaaliyada somlida oo sheegay in loogu tala galay in wax loogu qabto dadka dhibaataysan ee barakaca ku ah gudaha magaalada iyo daafaheeda,lacagahaasi oo sheegay in yar oo kamida lagu shubay Bangiga dhexe inta kalan lagu shubto jeebka sida uu hadalka u dhigay Indhacade. Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade waa nin hubaysan dhawaana uu janeraal uu u dalacsiiyay madaxwayne Sheekh shariif balse waxa uu inta badan ku loolamaa siyaasada wadanka khilaafka xilligaas jira,dhwaan ayay ahayd markii uu sheegay in hadii dib loo dhigo doorashada madaxtinimo uu isagana noqondoono madaxwayne taasi oo uu kaga soo horjiidiyay hadafka siyaasada Farmaajo iyo madaxwaynaha oo xilligaas dalbanayay in muddo sanad ah dib loo dhigo doorashada madaxtinimo. http://galgalanews.com/?p=14525
-
Maamul Goboleedka Cusub ee dhawaan looga dhawaaqay Gobolada PL ee Gaa Gaab Sate ayaa qoraal u Gudbiyay Xafiiska Maamula Siyasada Somaliya ee Fadhigiisu Yahay Nairobi, War Murtiyeedkaasi ayay ku Dalbanayaa in sidii looga caawin Lahaa Arimaha dhismaha Ciidamada iyo Badhitaarida Hay’addaha Maamulkaasi. Xafiiska Siyaasada ee Qarmada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somaliya ayaa Horay u sheegay inay soo dhawaynayaan Maamul Goboleed kasta o Dhulkiisa Xasilin iyo Amaan ka dhalin kara. Maamulkan ayaa waxa dhibada u Taagay Siyaasiyiin ka soo Jeeda Puntland Kuwaasi oo Saluugsan Siyaasada Maamulka C/raxmaan Faroole, waana Maamulkii Afaraad ee PL laga dhiso Tan markii Dr Faroole talada PL la wareegay Sanadkii. http://galgalanews.com/?p=14485
-
Col.Axmed Xaaji Doon Oo Fiidnimadii Xalay Lagu dilay Magaalada Boosaaso. Garoowe(Allssc): Habeenimadii Xalay ayaa Magaalada Bosaaso lagu dilay Taliyihii Hore ee Daraawiishta Gobolka Nugaal Col. Axmed Xaaji Doon, dilkan ayaa dhacay Xili Fiid ah Magaalada Bosaaso waxana lagu dilay Agagaarka Masaajidka Al-Rowda. Masuuliyiinta Gobolka Bari Kama aysan Hadlin dilkaasi Sarkaalka Loo Gaystay waxana la sheegay inay dileen Koox Afka soo duubatay oo aan la aqoon Habtooda. Guud ahaan Magaalada Bosaaso ayaa degan, walow mudooyinkan la Ugaadhsanayay Isimada, Ganacsatada iyo Saraakiisha u Shaqaysa Maamulka Faroole ee dabayaaqada ku ah Magaaladan Garoowe. Ilo wareed ka Gaabsaday in Magacooda la shaaciyo ayaa noo sheegay inaanay shaqaalaha Faroole Mudo Lix Bilood ah qaadan Mushaharaad isla markaana Lacagtii loo qaaday Shariif Xasan “Sakiin” oo ay Buurso Lacag ah Daba sidaan Faroole General Ilka Jiir kuwaasi oo Rajo ka qaba Madaxtinimada Somaliya iyo inay Meesha ka Tuuraan Shariif Axmed iyo Farmaajo. http://allssc.com/?p=11438
-
Sarkaal katirsanaa ciidanka daraawiishta Puntland oo lagu dilay Boosaaso 15 hours ago | Waxaa caawa lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari sarkaal ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Sare Axmed Xaaji Doon(Tiibotiibo). Dilka marxuumka ayaa ka dhacay xaafad ku dhow masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso waxaana dilkiisa la sheegay inay gaysteen dabley ku hubaysan bastoolad kuwaasi oo goobta isaga baxsaday kadib markii falka uu dhacay. Gaashaanle sare Axmed Xaaji Doon Tiibotiibo ayaa la sheegay in xiliga la dilayay uu la socday hal askari oo ilaalo u ahaa,kaasi oo kadib markii falka uu dhacay rasaas furay iyadoona aysan geysan rasaastaasi wax khasaaro ah. Saraakiil katirsan laamanaha amniga ee dowladda Puntland oo xiriir ay la samaysay Horseed Media ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan falka caawa ka dhacay magaalada Boosaaso. Marxuumka la dilay ayaa horay u soo noqday taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Nugaal,waxaana uu horay uga mid ahaa saraakiishii ciidamadii dowladii dhexe ee uu hogaamin jiray Marxuum Maxamed Siyaad Bare. Dilkan loo gaystay sarkaalka ayaan sirasmi loo ogayn cida gaysatay, waxaana falkan uu ku soo beegmayaa xilli mudooyinkii la soo dhaafay uu soo hagaagay amaanka magaalada Boosaaso. http://horseedmedia.net/2011/06/12/sarkaal-katirsanaa-ciidanka-daraawiishta-puntland-oo-lagu-dilay-boosaaso/ AUN
-
Local Maakhir Militia clash with garowe Militia in eastern dhahar.
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
First Galgala and now Dhahar? Puntland admin seems to be losing more territories day by day.