Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Indeed.It was predictable though for anybody that really knows what those court jester politicians stand for namely Siilanyo.
  2. Nin isku-dayay inuu gubo Masaajid lagu tukanayo “Hargeysa” oo la qabtay 5th Feb, 2015 “Dadkii Salaada Tukanayay, ayaa ka baxay Salaadii, kaddib markuu ku rusheeyey Baatrool ee uu damacay inuu dab qabadsiiyo”goob-joogeyaal — Hargeisa-(Qaran-news)-Booliska Saldhiga Xisbiga ee Suuqa Iddaacada ee Magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku dhigay Nin Fal Argagax iyo naxdin badan kula kacay Dad ku tukanayay Masaajid halkaa ku yaalla Salaadii Duhur ee Maanta, kaasoo isku dayay inuu dab sudho Masaajidka iyo Dadka ku Tukanayay iyagoo Salaada Jamaca ku jira. Ninkan oo sida la sheegay Kabaha dadka ugu Baalashayn jiray Xamaam ku yaalla Agagaarka Masaajidka, ayaa markii Salaadii Duhur la galay Caagad Batrool ah ku rusheeyey Albaabbada Masaajidka iyo qayb ka mida gudaha oo uu ku saydh-saydhay dadkii Safafka Salaada ku jiray. Markii uu Baatroolkii ku rusheeyey, ayaa wuxuu damcay inuu ku shido Bulukeydka Sigaarka laga shito ama Lighter qofba siduu u yaqaano, kaddibna dadkii Salaada ku jiray iyo kuw kale oo dibada ka arkay qorshahan uu Diyaarinayo ayaa ka gaadhay isagoo aan wali Dabkii la gaadhin meeshii uu Shidaalka ku rusheeyey, sida ay Gobanimonews u sheegeen goob-joogeyaal halkaasi ay kula kulmeen Wariyeyaasha. Dadka Shacbiga ah ee ku guulaystay inay fashiliyaan Falkan foosha xun , ayaa Booliska ku Wareejiyey Ninkaas isku dayga sameeyey oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Baalashle, waxaanay Boolisku markiiba u taxaabeen Saldhiga Suuqa Xisbiga ku yaalla. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Booliska oo la xidhiidha dhacdadan, hase-ahaatee goob-joogeyaasha dhacdadani waxay intaas ku daray “Ragcadii u dambeysay ee Salaada ayaa lagu jiray. Dadku markii ay is-hayn kari waayeen ayay ka baxeen oo qabteen, isagoo markaa doonaya inuu Buluukeedka ku shido meeshii uu Baatroolkii ku Shubay” ayay yidhaahdeen dadkii dhacdadan Markhaatiga ka ahaa. “Gudaha Masaajidka halka Iimaanka u dhow ayuu la tegay” ayey sii sheegeen goob-joogeyaasha rayidka ahi. Geesta kale, qaar ka mid ah Ganacsatada iyo Xoogsatada Jiiraanka la ah Masjidka falka isku dayga ahi ka dhacay, ayaa Wariyeyaasha GNA u sheegay in Ninka oo da’diisa lagu qiyaasay 25 ilaa 30 jir inta u dhaxaysaa uu marar hore colaystay Eeddaanka iyo Aqiinka Masaajidka, “ dhowr jeer oo hore ayuu Iimaanka Masaajidka ku yidhi naga jeediya Sameecada sidii uu karahsanayo codka Sameecada ka soo baxaya” ayuu u sheegay Gobanimonews mid ka mid ah Dadka halkaa ku Ganacsadaa. Ninka Falka argagaxisanimada kula kacay Dadka Salaada ku jira, ayaa waxay dhalashadiisa lagu sheegay Soomaali, waxaana dadka aqoonta hore u lahaa tilmaameen inuu muddo dheer agagaarka Masaajidka iyo suuqa Xisbiga Baalashle ka ahaa “muu waalnayn ee waxan u malaynayaa in la soo diray” ayuu yidhi goob-jooge kale. Weerarka noocan ah oo marka caqiido ahaan iyo dhaqan ahaanba loo eego waxshinimo ah, ayaa ku cusub goobaha lagu cibaadeysto iyo asal ahaan meelaha caadiga ah ee bulshadu ku kulanto. “Tuug dadka kabaha ka xadda inta salaada lagu jiro ama Gaadiidka Salaada laga tago baadha ayaa hore loo arki jiray, balse waa fal ugub ah kan oo kale” sidaas waxa yidhi Qof ka mid ah Dadweynihii ku soo uruuray goobta falku ka dhacaySi kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa fajac iyo ammagkaag ku noqotay qof kasta oo maqlay ama ka mid ahaa dadkii goob-jooga u ahaa. https://www.qarannews.com/nin-isku-dayay-inuu-gubo-masaajid-lagu-tukanayo-hargeysa-oo-la-qabtay/
  3. The weapons belong to Sudan and Cumar Al Bashir sent Siilaanyo a warning to release it. http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=149246
  4. The ship has been released along with its weapons. Daawo Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland Oo Xaqiijiyey In La Fasaxay Markabkii MV Shaakir Ee Hubka Siday. http://oodweynemedia.com/daawo-wasiirka-arimaha-dibada-somaliland-oo-xaqiijiyey-in-la-fasaxay-markabkii-mv-shaakir-ee-hubka-siday-kana-hadlay-sabata-lagu-sii-daayey/
  5. Gabiley oo ay Xiisad ka Abuurtay Qaxoontii Reer Awdal ah oo Muddo 23 Sanno ka dib ah Dib loogu soo celinayo. Anaga oo ah Barakacayashii ku soo Qaxnay Borama oo tiradaydu ahayd Saddex Boqol Oo Qoys, Waxa Dib lanoogu celinayaa Gabiley, Kalabadh, Xuunshalay, Galoolay Hargeysa(Waaheen) Gobolka Gabilay ayaa Waxa Xiisad ka Abuuray Dad la sheegay in Muddo 23 Sanno ka hor ay ka Barro kaceen Deeganka Gobolka Gabiley iyaga oo Mudadaasi ku Noollaa Gobolka Awdal gaar ahaana Magaalada Borama. Dadkan Barakacayaasha ah ayaa Waxay ka kooban Yihiin Saddex boqol oo Qoys kuwaasi oo Todobaadkan dib loogu soo celinayey Deeganadii ay sheegen in ay hore uga qaxeen oo kala ah Gabiley, Kalabadh, Xuunshalay, Galoolay iyaga oo Xusay in ay Beerahoodii iyo dhulkoodii ay halkaasi ku yaallan. Dib u soo Celinta Dadkan ayaa waxa iska Kaashaday Wasaarada Dib u dajinta Somaliland iyo Hay’ad ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Qaxoontida. Mid ka Mid ah Dadkii Dib loogu soo Celinayey Deegankii Muddo 23 Sanno ka hor uu ka Barakacay oo ka Hadlaya Deganka lagu Celinyo ayaa waxa uu yidhi. “Anaga oo ah Barakacayashii ku soo Qaxnay Borama oo tiradaydu ahayd Saddex Boqol Oo Qoys, Waxaana lanagu celinayaa Deegankii aanu ka soo jeednay ee Gabiley, Kalabadh, Xuunshalay, Galoolay, dhawr maalmoodbana dadka waa la daad Guraynayaa si ay dib ugu noqdaan Deegankoodii, Dhulkoodii, Beerahoodii oo muddo dheer ay ka Maqnayeen waxa na celinaysa Wasaarada Dib ud dajinta iyo haay’ad”Ayuu yidhi. Dhan kale Waxa Arrintaasi ka Jawaabay mid ka mid Ah Xildhibaanada Gollaha Deeganka Gobolka Gabiley waxanu sheegay in aan waxba laga socodsiin Soo celinta Qaxoontigaasi, isaga oo Eeda Arrintaasi dusha ka saaray hay’adda Qorashahan wadda Waxanu yidhi Xildhibaan Jamaado. “Gollaha Deeganku waxa uu u xilsaran yahay Dajinta dadka soo barkacay in isla markana Qorshe loo sameeyo, laakiin Hay’addu iyada oo aan Gabiley iman oo Gollaha Deeganka la kulmin dad Barakacayaal ah ma dajin karto, haddii hay’adu dadka meelahasi ku daadiso dee Gordhow waxa Imanaya Muran iyo Isqabqabsi, marka Waxanu Cod dheer ku leenahay Arrintaasi halaga foojignaado.”Ayuu yidhi Xildhibaan Jaamado oo ka mid ah Gollaha deeganka Gabiley. Aadan Maxamed Xaaji oo ka mid ah Siyaasiyiinta gabiley oo isaguna Arrintaasi ka hadlaya ayaa Eedeyn u jeediyey hay’adda iyo Wasaarada Dib u dajintaba. Waxanu yidhi. “Waxaan ka hadlayaa hay’ad, iyo Wasaarada Dib u Dajinta Somaliland oo Qorshe aan lays ogey Borama Dad kaga soo rareysay, dadkaasi oo loo soo rarayo Deeganada, Gabiley, Xunshalay, kalabadhka, waxa kale oo aan Cadeynayaa in aanay Jirin Qaxoontii Reer Awdal ah oo muddo 23 Sanno ka Maqan Beerahoodii ama hantidoodii” http://waaheen.com/?p=40021
  6. War-degdeg ah:Hubkii laga rogay markabkii Dekeda Berbera lagu qabtay oo dib loogu raray isla markabkii+Hawl-wadeenadii,shaqaalihii iyo Ganacsatadii oo layska hortaagey inay galaan dekeda gudaheeda ilaa iyo inta Berbera-(Qaran-news)-Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa goor-dhaweyd Warfidiyeenka Qarannews u xaqiijiyey in dib loo raray Hubkii iyo Agabkii Milateri ee Shalay uun laga rogay Markabka MV-Shaakir oo isagoo hubka iyo shixnad kale wada ku soo xidhay dekeda Berbera Laba Usbuuc ka hor. Waxay xoggaha Qarannews heshay intaas ku dareen in saqdii dhexe ee xalay Go’aanka Raristu soo dhacay,islamarkiibana la bilaabay rarka Hubka ,Waxaana ilaalo adag la dhigay ama lagu wareejiyey Albaabadaa Dekeda laga soo galo oo dhan. Ku darsoo ilaa iyo hadda oo saacadu tahay Todobadii Subaxnimana waxaa hor tuban Gaydhka weyn ee Dekeda Shaqaalihii iyo Xamaalkii dekeda oo aan la ogoleyn inay gudaha galaan ilaa inta hawsha rarka Hubka xaal-xaalkeeda la soo afjarayo. Geesta kalena markabka Hubka sida ayaa la filayaa inuu goor dhaw dhaqaaq bilaabo. https://www.qarannews.com/war-degdeg-ahhubkii-laga-rogay-markabkii-dekeda-berbera-lagu-qabtay-oo-dib-loo-rarayhawl-wadeenadiishaqaalihii-iyo-ganacsatadii-oo-layska-hortaagey-inay-galaan-dekeda-gudaheeda-ilaa-iyo-inta/
  7. Berbera,(Qarannews):- According to our sources in Berbera, the Somaliland government has decided to stop unloading the weapons found on a ship at the port and to reload all the items impounded. The decision taken as a result of lobbying by the Somaliland minister of presidency, Hersi Haji Ali, in consultation with other senior members of the government. Hub Our sources indicate that the weapons will be loaded back on the ship, and sent on its way. It appears that the ship had sailed from Eritrea with its load of weapons and it owned by a Sudani national. It is not clear its final destination, but there has been noise coming from Somaliland neighbouring regions and it would seem that the weapons are headed for a location very close to Somaliland. Hub2 Our sources also indicate that the decision was taken to release the ship, because it was feared that the port of Berbera will be subject to boycott by other ships. Even though there is a weapons embargo on the region and UN office for privacy preventation and monitoring of the weapons embargo is following the matters closely. All in all, it is hoped that the release of these illegal weapons will not come back to haunt Somaliland. Qarannnews
  8. <cite> @Thegoodshepherd said:</cite> Constitution minister is important, but Arimaha Gudaha iyo Federalka is where the real fun starts. It is the most powerful position on the cabinet after the PM. This is the position Farax Sakiin had before Cabdiweli Sheikh reshuffled the cabinet. Both went to non Puntlanders, obviously CCC doesn't want to be seen as being biased so that is why he did it.
  9. Constitution minister goes to former ambassador to Malaysia he is from West Burco.
  10. Abdaal oo lagu xidh xidhay 5 qof oo madaxweyne Siilaanyo Kabo Ku Salaamay xiligii uu xagaas maraayay Hargeysa,(Qaran-news)–Shan qof oo kabo ku taagay madaxwayne Siilaanyo ayaa lagu xidhay tuulada Abdaal oo ka tirsan gobolka Saaxil. Waxa tuulada Abdaal ee ku taala wadada laamayda ah ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera dhexdooda ku xidhan 5 qof oo u dhashay deegaankaasi ka dib marki ay abaarro kowdi duhurnimo ee maalintii doraad kabo u taageen madaxweyne Siilaanyo oo xiligaas isaga iyo kolayadiisu ay jidka soo hayeen, isla markaana ka soo laabtay socdaal uu ku marayey gobolada bariga Somaliland, kuwaas oo ku soo jeeday dhinaca Caasimadda dalka ee Hargeysa. Shantan qof ayaa waxay ciidamada ammaanku xabsiga Mandheera u taxaabeen saacado kadib marki uu madaxweynuhu ku soo noqday Magaaladda Hargaysa iyadoo amarka qabashadooda uu ka soo baxay xaaska madaxweynaha Aamina Waris, taasoo sida la sheegay aad uga cadhootay dhacdadaasi kabaha loogu taagay Odaygeeda. Haatuf. https://www.qarannews.com/abdaal-oo-lagu-xidh-xidhay-5-qof-oo-madaxweyne-siilaanyo-kabo-ku-salaamay-xiligii-uu-xagaas-maraayay/
  11. The land robbery attempt by the Somaliland military general has been foiled by the public. This is the scandal of the 21st century. http://togaherer.com/the-land-robbery-attempt-by-the-somaliland-military-general-has-been-foiled-by-the-public-this-is-the-scandal-of-the-21st-century-machines-can-be-repaired-but-trust-once-broken-cannot-be-repaired/
  12. Not bad if reer Hargeisa want to be more religious, they should cut down on the khat though.
  13. <cite> @Xaaji Xunjuf said:</cite> The opposition parties want to be included in the talks they dont necessarily call for the end of these talks. They wanted to be included because they don't trust war criminal Siilaanyo. Furthermore the opposition are also suspicious of Turkish role and highlighted they are with Somalia side hence why those talks in Turkey must stop. Somaliland: UCID Suspicious of Turkey’s Impartiality Role in Somaliland /Somalia Talks http://somalilandsun.com/index.php/politics/6998-somaliland-ucid-suspicious-of-turkeys-impartiality-role-in-somaliland-somalia-talks
  14. ^kkkkk. It sad how desperate Siilaanyo got.
  15. That is what majority of Somaliland people think not just me, furthermore the two opposition groups have also called for the useless talks to be halted as they are no use.
  16. The west is not a god no need to do everything they say. The talks so far has harmed Somaliland more than Somalia, Its useless.
  17. Don't believe war criminal Siilaanyo chest beating, at the end of the day whenever summoned to talks with Somalia he will attend.
  18. By running to Djibouti Ina Bureeqa has opened a pandora box. Ethiopia is thinking if Djibouti can why not us as well. Dawladda Itoobiya oo Somaliland kala hadashay Kulankii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ee Jabuuti iyo Doorashooyinka soo socda http://www.somalilandpost.net/dawladda-itoobiya-oo-somaliland-wax-ka-weydiisay-kulankii-madaxweyne-siilaanyo-iyo-xasan-sheekh-ee-ku-dhexmaray-jabuuti-35912 Itoobiya oo ku Howlan Qorshe ay ku Cidhiidhsanayso Wada-hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya https://www.qarannews.com/itoobiya-oo-ku-howlan-qorshe-ay-ku-cidhiidhsanayso-wada-hadalada-somaliland-iyo-soomaaliya/
  19. Axmed the answer is those people clapping wearing the suits are the ministers themselves kkkkk , it shows minister of finance(Samaale), minister of agriculture and Cukuse. I guess Siilaanyo run out of support.
  20. Still it doesn't make any difference to the fact Siilaanyo got stoned.
  21. The hint is desperate times call for desperate measures . You're close.
  22. They are interchangeable both names are used for this area like Oodweyne and Daad Madheedh.