juma-nne

Nomads
  • Content Count

    253
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by juma-nne

  1. Clan-minded individuals .............. Add your president aabo riyale to that list of individuals as he is the one targeting cetain clan individuals in his government. Anyone can see that in his latest reshuffle basis. mise aabihii garashada weeyanooo inuu adigana meesha yar kuugu yiimado yaad kabaqaysaa
  2. Not really xaaji. he fired three from same clan and replaced only one with same one. all other two he gave to a different clan Am I right? I believe this is a strategic move but disperate startegy Igadheh
  3. Breaking news today. Ryaale fired the remaining minister from Silaanyo's clan? Minister of Defense and the minister for industries. Last time he fired the minister for commerce also from siilanyos clan. What is with this strategy yaa JB ilayn adigaa meesha nooga war roon?
  4. Somaliland times: Kulmiye Times loooooool, election will go through...regardless brother. Silanyo is 75 years old, he probably has demensha. -------------------- Waar kaagan maqiiqsan ee caytamayaa bal nooga waran halkay ololohii udub iyo aabo riyaale mareen?
  5. maxay tari madaar laqurxiyo ayadoo dekaddii aiy fadhiid tahaiy. plus ummada baahidu hayso umabaahna madar loo macmalo. the so foreign idea of democracy has failed in this part of the world. They should either invite sheikh Godane to even things here or should go back to their once effective political norm of xeer dhaqameed.
  6. Where is oodweyne? These are the instances when he is needed most .
  7. I want to know what our learned scholars say about this. We have mujslims who have made in the west everlasting homes, raising families and doing business.Are these people better off without lawyers from among themselves? If not how can this be acomplished without lerned counsels from Law schools?
  8. wallee waa ragedii. Siduu u-hadlay ayaan ka -helay NSStii dhabta ahayd igadheh. Ta aan aan kayaabay arrinta macluumaadka wadanka ama (electorate Database),oo weliba aiy kujiraan xog shaqsiyeedka ummadda oo loo gu diray Nairobi. Se Markii wadanka laga dhoofinaaye dawladdu way huruday miyaa? mise sixir baa meesha lagaga qaaday
  9. Secessionists believe the silliest things, like the notion that Mother Somalia will be split along tribal lines Must be a newbie to Somali politics, or In some sort of denial. What part of former Somalia Is intact? think I've finally figured out why they buy into such balderdash. So you want all here at SOL to beleive in what you think? Learn how to put a valid argument across. Not being very bright, other Somalis from Waqooyi galbeed pick up these absurd stories, and wanting them to be true, circulate them even more Repetetive and irelevant I thought you already Lumped them into Seccetionist normal Somalis :confused: Who are this Normal Somalis.? Pirates,Tfg,Or you mean to refer to those blood hirsty Limb choppers? can you elaborate more on this I think it is the threat of having to compete for everything with other Somalis-- and the threat of maybe amounting to nothing as a region-- once Somalia staggers back on her feet, that is too much for them to bare. So instead they opt to wrap themselves up in cocoons of shameless prevarications, cheap propaganda and misinformation to protect them from the reality that THE SOMALI PEOPLE ARE ONE and the harsh facts that they will, sooner or later, all have to learn to deal with their fellow Somalis on an equal footing. You are still thinking!! when are you going to reconcile these many thinkings? You call yourself MR. Somalia. But You better Change the name to MR.(Gicle soo gadaal baxay) cause it seems you just been initiated into the army of Tolka as would have been told By The famous Guru of SOL.
  10. Xog. Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr Maxamed C. Cumar, oo maanta dawladda Maraykanka la kulmay Somaliland.Org (Washington DC) Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee magaalada Washington, oo uu ku tagay booqasho rasmi ah ka dib markii uu martiqaad ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimaha Somaliland. Masuuliyiinta Maraykanka ee maanta ku soo dhawaysay Dr. Maxamed Cabdillahi Capitol Hill waxaa horkacayay Congressman Donald Payne, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibada iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale. Soo dhawayntaasi ka dib waxay xoghayaha iyo Congressman Donald Payne oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamaanku ay yeesheen kulan dheer oo ay kawada arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo iskaashigii ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka oo uu dhawaan soo dhex galay isfagranwaa. Waxay kaloo kawada hadleen arrimaha siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland iyo xiisadaha ku xeeran hawlaha diyaargarawga doorashada madaxtooyada Somaliland. Waxaana la filayaa inuu dhawaan warsxafadeed ka soo bixi doona wadahadalka laba geesood. Dr. Maxamed Cabdillahi oo warbaahinta u waramay shirka ka dib ayaa sheegay inuu dawladda maraykanka ka codsaday in aanay joojin iskaashiga iyo taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland. Wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay inay Somaliland maanta marayso xilli kale guur ah oo siyaasad ahaan xasaasi ah, manadaqadana ay ka aloosan yihiin xiisado colaadeed iyo nabadgalyo darro, sida agweed buu yidhi loo baahan yahay dawladda Maraykanku taageero isla garab taagto shacabka Somaliland kana caawiso siday u kobcin lahaayeen nabadgalyada iyo dimuqraadiyadda ay dhibka badan u soo mareen. Dr Maxamed oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, wuxuu yidhi “ xil baa naga saaran xisbi ahaan inaanu u gurmano danaha shacabka Somaliland ka dib markay noo muuqatay in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladda maraykanka oo ah dawladda adduunka ugu awoodda badan uu jar ka sii dhacayo, khalad xagga xukuumaddeena ka bilaambay awgeed.” Muddada uu booqashada ku joogo Maraykanka wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar kulan gaar ah la yeelanayaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ay kawada hadli doona arrimo saameeya siyaasadda Somaliland. Waxaa kale oo uu la kulmi doonaa Wasaaradda Macaawinada Dibada ee Maraykankan ee loo yaqaano USAID iyo hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda biniaadamka oo loo yaqaano (Human Rights Watch), oo uu kale hadli doono xadhiga xaqdarada ah ee wariye Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul oo labaduba ka tirsan Idaacadda Horyaal. Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ee Maraykanku iyo kulamda rasmiga ee uu dawlada Maraykanku la yeelanayaa waxay ku soo beegmeen xilli Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu jooga magaalada Washington in muddo ah oo ay dawlada Maraykanku diiday inay la kulanto, arrintani oo muujinaysa sumcad xumida Wasiir Cabdillahi Ducaale iyo xukuumada Rayaale ay maanta adduunka ku leeyiiihiin. Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dawladda Ingirriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, Lord. Mallach-Brown, uu la tashi ugu yeedhay Dr. Mamxamed Cabdillahi si loogala tashado arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dib u dhac ku yimid, ka dibna waxaa loogu yeedhay madaxwayne Daahir Rayaale magaalada London. Arrimahani waxay muujinayaan in siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland uu hadda horumarinteeda gacanata ku haya xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, halka awooda siyaasadda dibadda ee xukuumaduna ay ku soo ururtay inay kolba jawaabcelin ka bixiso siyaasadda iyo diblomaasiyadda xawliga ku socota ee xisbiga KULMIYE. Dr Mohamed Abdilahi ayaa lagu wadaa in uu bari la kulmo madax ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada ee Maraykanka. Washington DC, Somaliland.Org
  11. Satire indeed. This predicts exactly what riyaale is about to do to the two.
  12. By dabshid: Abwaan, Markaa kuwan mudaharaadaya waa qoloma? , Sumad noocee ah baad ku garatey, they look SOmalis to me . Meesha sumad looma baahna ilayn xoolaha sumad lagugartaaye. As i said the nature of the protest, The leader and the motives tells you who the protesters are. That is if you are a twin cities resident. Tolaka saaxib Tolka is writen all over it. Mise Af OOdweyne ayaa laguufahamsiiya Maadama suashaadu aiy Af Duke tahaiy. Personally I dont blame the crowd but the brain behind It. It is a self centered and a miscalculated move. CAIR Is a well established Organization.
  13. If you are from minnesota twin cities Metro area.you cant fail to note the nature of the gathering
  14. I dont Understand how CAIR and al-Shabaab are tied together.
  15. where are the maasais? iyeloo shoobirik. Rumeeki lol shumali This must have been prepared by a naive flight 13 who transited thro' Kenya
  16. Next you will hear. " War saxafadeed kasoobaxay madaxtooyada ayaa ku baaqay in doorashada dib loodhigo maadama ciidanka badda ee soomaliland aiy soo xidhayan xuduudda soomaliland yemen la leedahaiy" a good move for riyale another 'goon' move by the Putin of Somaliland.
  17. sayid somal. that was a good question. I agree Somali communities in the diaspora have not achived their full potential. Having said that we cannot assume the reasons of their inefectivity or say incompetency. If you really want to know the real problem with these many Somali Communities running parallel to each other, you need to do some fact finding analysis. In your analysiss you need to look into the following things. 1. The person or group running the organization 2.Their baground, Education, leadership and even some other relevant personal background. 3.The mission and and goal set for their organization. 4. Their day today activities. Thir achievements. 5. Their members. And any other relevant info. that you think would help you. After collecting such info then the next step is to set up some survey questions. and with the experiene you got from you previous analysis, you can build a neat survey strategy. Involve the ordinary somali community members served by those community organizations. If you want you can also look into the well run community organizations that can act as benchmark to your survey analysiss. Otherwise you can conclude the problems with the Somali community after doing this.
  18. waar waa loojedaa tartankii "Ilma Land Champions League (ILL) in kooxdaadii hadda wadato oo captankii DUKEY uu kooxdiisii doorkan boodhka kasoo tumay? . Hase yeeshee Captain JB wuxuu leeyahaiy Ciyaari waa gelin dambe. dinacan kale Kooxdii "MM SOCIETY" iyana toodii uliita maadama kooxdan "AJAANIB WADATO"oo Ninka KASHAFA u halkan uga waakiil ahi yidhi ciyaartan "ILMA LAND" lama ogola idinkuna "MSOCIETY" Car Sacabka Tuma. Waa gacantii iyo Lug isdhaaf ah yaa laidin jari . Anigu se ragga waxaan leeyahaiy intaad ciyaar iyo dhalanteed isku haysataan war Kooxdan "M SOCIETY" ee uu "JUJE" hogaamiyo Kasoo gaadhan Intaana Lawada curyaamin.Ilayn kollay ciyaartiina wax idiin daawada oo sacabka idiin tuma waa loo baa hanyahaye waa Igatalo
  19. Reminds me of this reer Waqooyi kid, when he's in the room with other Somalis, he's all about chest-beating and uppity about Somaliland, but among "his" folks, he behaves meekly, never occured to me he wasn't from the "elite" group whatever that means in Somalia. Wariyaa "Che" I jsut realised that you are one typical exemplary icon of sol in reagards to the above statement especially when you try an Uppity against Mr. dukey on "P" Land Issues
  20. How so? Kulmiye led by the SNM chief is having major issues with Riyaale, as attested by the sources from Somalilandglobe & Somaliland.org. Read the threads and dont comment on Duke as others tend to. Is that a warning? :rolleyes: :rolleyes:
  21. The headline and the posts are conflicting sxb try to separate your personal wish and the reality on the ground.
  22. This is a good development. hadhwanaag 2009-06-24 (Hadhwanaagnews) Egland-{HNWS} Waxaa maanta laxaqiijiyay in Xukuumadda Somaliland shubtay lacagtii doorasha ee ahayd 25% lacagtaas oo qayb ahaan u qabatay Dawladda Somaliland yadoo 75% ay bixiyeen Dawladdaha daneeya doorashooyinka Somaliland. Bixinta lacgtan ay bixisay Xukuumadda Somaliland ayaa noqonaysa marka wadar ahaan laysu geeyo Laba Milyan oo Doollar {2 Milyon Dolar}, wararkay Hadhwanaagnwes helayso ayaa ah in lacagtaas gabi ahaan lashubay oo hadda ay ku jirto kootada Guddida doorashoyinka. Waa Markii u horeysay ee ay Xukuumaddu bixiso lacagta laga sugaayay dhawaan ayay ahayd markii ay Nayrobi ka soo laabten Wasiirada kala ah Maaliyada Xuseen Cali Ducaale iyo Arrimaha debedda Cabdillahi Maxamed Ducaale kuwasoo sida warbaahintu sheegtay kusoo hungoobay qorshe ay ula tageen waddamada deeqda bixiya waxayna taasi soo dedejisay shubida lacagtan Dawladda Somaliland laga sugaayay. Xisbiyada Muacaairdka Somaliland ayaa yagu ku adkaysanaayay iney doorashadu dhacayso wakhtigii loo-qabtay. Waddamada aduunka ee daneeya Dimquraadiyadda Somaliland ayaa ilgaara ku eegaya sidey u dhacdo doorashada lafilaayo iney qabsoonto 27 Semtemper, Waxayna noqonaysa lacagtan maanta lashubay talaabo hore looqadey. Muniir Axmed Cigaal Hadhwanaagmedia Eglan/Uk. Email muniir10@gmail.com
  23. HILLAAD-GAABKUNA Badheedhaha:Fiinta Qaylinaysa Ma Maqlaysaan, Mise Waa Dhegahayga June 23rd, 2009: Somaliland.org 95Maalmood oo keliya ayaa ka hadhsan maalintii u dambaysay ee loo ballamay inay dhacdo doorashada madaxtooyadu, waxayna mudadaasi ku salaysan tahay mudadii ay guurtidu xilka u kordhisay xukuumadda madaxweyne Rayaale. Marka la eego sidii ay wax u dhaceen muddo-kordhintii u dambaysay waxay ahayd sheeko dad badan qaadan-waa iyo lama-filaan ku noqotay, waayo golaha guurtida oo ay tiradoodu tahay 82 mudane waxa caado u ahayd inay mooshin kasta oo ay xukuumaddu wadato gar iyo gar-darroba hal dabala’ afarta adin-ba ugu taagaan. Waayo ayaamihii ay aloosnayd dooddii muddo-kordhinta guurtidu waxa taagnayd xiisad weyn oo khilaaf xanbaarsan, xiisaddaasina waxay ka taagnayd korodhsiimada xukuumadda loo samaynayo, taas oo ahayd mawduuc khaati laga joogsaday, sidaa darteedna murran adag ayaa ka dhacay muddo kordhintii u dambaysay. Marka laga yimaaddo qaylada ay xisbiyada mucaaradku ka dhigeen muddo-kordhintii u dambaysay waxa wax walba ka sii darnaa khilaafkii iyo murrankii kululaa ee ka dhex-oogmay mudanayaasha golaha guurtida, kuwaas oo si aan hore loo arag ugu kala jabay muddo-kordhinta, waxayna sheekadu maalmaha qaarkood isa soo taagtay qir iyo qir, waxayna kooxihii ka soo horjeeday oo ay taageerayaan mucaaradka iyo inta badan dadweynuhu iyo kooxihii u ololaynayey muddo-kordhinta oo ay taageerayeen xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB foodda isdareen dagaal aad u qadhaadh, hase yeeshee aakhirkii aqlabiyad aad u yar ayey ku badiyeen kooxihii u ololaynayey muddo-kordhinta. Inkasta oo ay maalmahaa xiisaddu cirku isku shareertay, hadana aakhirkii xaaladdu way iska degtay, markase la eego jawigii siyaasadeed ee ay arimuhu dugsanayeen waxay dadka badidiisu u arkayeen inay mudada loo kordhiyey xukuumadda Rayaale ee lixda bilood ahayd iyo maalinta loo cayimay doorashada madaxtooyada ee 27-ka Sebtambar, 2009 inay dunidii korodhsiimadu halkaa ku soo afjarrantay oo ay amminta la qabtay kama dambays. Hase yeeshee su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay, suurtagal ma tahay inay doorashada madaxtooyadu mar kale dib u dhacdo, mise taasi waa . Waxa kale oo ay iswaydiintu tahay hadii ay doorashadu dhici-waydo amminta loo cayimay ee 27-ka Septambar sidee bay noqonaysaa xaaladdu. Inta aynaan su’aashan jawaabteeda tumaatiyin, aynu marka hore waxoogaa ka taataabano dhacdooyinkii u dambeeyey ee ku soo kordhay geedisocodka arimaha doorashada. Deeq-bixiyayaasha Somaliland ka caawiya dhinaca doorashooyinka ayaa doraad soo saaray digniin nuxurkeedu yahay inay faraha ka qaadi doonaan arimaha doorashada Somaliland hadii aan xal iyo heshiis degdeg ah laga gaadhin xaaladda murugsan ee doorashada, waxaana maalmahan si weyn isu soo tarayey warar sheegaya inay deeq-bixiyayaashu dayro iyo walaac weyn ka muujinayaan rajada doorashada, wuxuuna dhawaaqa ka soo yeedhay deeq-bixiyayaashu ka dambeeyey, ka dib markii ay waxba ka suurtageli-waayeen shuruudihii ay soo jeediyeen ku saabsanaa arimaha doorashada. Iyadoo ay xisbiyada iyo mucaaradka iyo xisbiga xukuumadda ee UDUB isku mari-waayeen googol-xaadhka arimaha doorashada, dabadeedna ay iska kala dhaqaaqeen. Marka la eego dhawaaqa cusub ee ka soo yeedhay dhinaca deeq-bixiyayaasha waxay dadka arimahan u dhuun-daloolaa tibaaxayaan inuu dhawaaqa kan xigaa noqon doono wax walba faraha ayaanu ka qaadnay ee nabaddeey, waxayna dad badani rumaysan yihiin inay sheekadu sidaa ku dambayn doonto oo aanay ciddina waxba ka qabanayn arimaha ay wax ka qabashadooda dal-banayaan deeq-bixiyayaashu. Waxa kale oo ay iyagana fiintu dhexmiranaysaa guddiga doorashooyinka qaranka iyo hayadda Interpeace ee deeq-bixiyayaasha uga wakiilka ah arimaha doorashooyinka, gaar ahaan arimaha dhaqaalaha iyo agaasinka hawlaha doorashada, waxaana Interpeace iyo hayadda komishanka doorashooyinka dhex-yaal khilaaf gaamurray oo ay dadka arimahooda xog-ogaalka u ahi ku tilmaamaan mid ay maarrayntiisu adag tahay, iyadoo dhinaca kalena ay saraakiisha Interpeace hadh iyo habeen olole ugu jiraan sidii ay inta badan ama dhamaantood u khaarajin lahaayeen xubnaha komishanka doorashooyinka. Waxa kale oo isna wax walba ka sii darran khilaafka iyo kala daadsanaanta dhextaal xubnaha komishanka laftooda, taas oo ay tub iyo talloba ku seegeen sidii ay lig-ligga isu haysteen, waxaana khilaafka komishanka kabriidka ku sii qabatay talaabadii ay dhowaan ku eryeen laba xubnood oo ka mid ah, taas oo uu madaxweyne Rayaalena ku waafaqay. Hase yeeshee golaha wakiilada oo awood badan ku leh ansixinta eriga ama magacaabidda xubnaha komishanka ayaa u muuqda inuu arintaa ka horyimi, welise sheekada labada xubnood way taagan tahay oo dhinacna uma dhicin. Waxa kale oo iyana mushkiladaha miiska saarran ee doorashadu u xanibban tahay macluumaadkii diiwaangelinta oo ku huursan aalad Serfar la yidhaahdo oo ay gacanta ku hayaan saraakiisha Interpeace, taas oo ay dad badani walaac ka qabaan waxa ka soo bixi doona, ilaa hadana aan la ogayn halka ay sheekadaasi marayso. Shuruudaha ay dalbanayaan deeq-bixiyayaashu waxa ka mid ah inay xukuumaddu sanduuqa xisaabta doorashada ku soo shubto lacag xaddigeedu gaadhayo ugu yaraan laba milyan iyo badh dolar ($2.5 million dollar), lacagtaas oo ah saamigii xukuumadda ka qabtay kharashka doorashooyinka, noqonaysana 25% kharashka doorashada ku baxaya, halka ay deeq-bixiyayaasha ajnebigu sheegeen inay 75% kale bixinayaan. Hase yeeshee lacagtaasi way ka soo bixi-wayday dhinaca xukuumadda, mana ay sheegin masuuliyiinta xukuumaddu sababta ay lacagtaasi uga soo bixi-wayday, dabadeedna qolyaha deeq-bixiyayaashu waxay leeyihiin hadii ay xukuumaddu lacagtaa bixin-waydo anaguna wax lacag ah oo aanu bixinaynaa ma jirto. Inkasta oo ay masuuliyiinta xukuumadda Rayaale iyo xisbiga UDUB had iyo jeer ku celceliyaan weedho ay ka mid yihiin “doorashadu way dhacaysaa, anagu doorashada diyaar baanu u nahay”, hadana qolyaha mucaaradku taa waxay u arkaan hadal afka baarkiisa ah, waxayna aaminsan yihiin inay dhinacyada xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku shaqaynayaan siyaasad daba-jiidaysa qabsoomidda doorashada, sidaa darteedna ay arin kasta caqabad ku noqon karta qabsoomidda doorashada baarka u salaaxayaan. Arimahaa aynu ku soo xusnay iyo arimo kale oo badaniba waxay muujinayaan bidhaamo walaac leh oo farta ku fiiqaya inay doorashada madaxtooyadu mar kale dib u dhacayso. Waxa kale oo maalmaha huluulaha guntimaha siyaasadda lagu xidh-xidho ka soo neefayey xanshaashaq odhayana muddo-kordhini waa lama huraan. Sidaa darteed hadii aynu dib ugu noqonno su’aasheenna koowaad ee ah suurtagal ma tahay inay doorashadu mar kale dib u dhacdo, jawaabta oo koobani waa Haa, hase yeeshee mar hadii uu walaaca caynkaas ahi muuqdo waxa inala gud-boon inta ay goori goor tahay aynu tallada caynka u guujinno inta ayna dabayl-xagaagu ugu soo dhicin, hadii kale goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayaa la iswaydiin doonaa waaryaadheheen xagee baynu cuskannaa. Su’aasha labaad ee odhanaysa maxaa dhacaya hadii ay doorasho dhici waydo, taasna waxay jawaabteedu tahay, waa lama huraan inuu buuq iyo khilaaf miiska imanayo, waxa kale oo miiska imanaya muddo-kordhin, aan la isla ogolayn, taas oo noqonaysa dhufayska ugu dambeeya ee marka ay xaaladdu xumaato ay xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB-na jil-baha aasan doonaan, halka uu dhinaca mucaaradkana soo hadal-qaadkeedu noqonayo cirka dab ka raac, dabadeedna hadii aan wax meel laga sii dhiggan waxa foodda la isdarrayaa goor aan habeenna ahayn, maalin ahayn. Ugu dambayn arimuhu sida ay u dhici doonaan illaah baa og, hase yeeshee ninba ninka uu ka il-dheer yahay marna hareeraha ayuu eegayaa, marna wax-buu dhega-nuugsanayaa oo wuxuu kor ugu sayaxayaa“Fiinta qaylinaysa ma maqlaysaan, mise waa dhegahayga”, markaasuu hillaad-gaabkuna leeyahay “mayee waa dhegahaaga”. :confused: :confused:
  24. Brother OOdweyne . hadii ayna sanqadh tiirsasho ahayn waxani waa aaxay? “Anigu Waxaan Qabaa In Wadamada Ay Dawadda Shariifku Ka Codsanaysay Ciidamada In Aynu Ka Mid Nahay Waana In Aynu U Dirnaa....” Xildhibaan C/salaan Maxamed Siciid Hargaysa (Oodweynenews)- Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku dooday si dawladda Jamhuuriyada Somaliland ay u muujiso inay tahay qaran jira in loo baahan yahay sidii ay ciidamo ugu diri lahayd dalka Somaliya, ee ay ka aloosan yihiin dagaalada qadhaadh ee u dhexeeyay Islaamiyiinta mayalka adag iyo ciidamada dawladda Shariif. Xidhibaanka ayaa hadalkan ka sheegay Doodii shalay ee Golaha Guutida Somaliland oo lagaga doodayay malintii labadaa saamaynta ay Somaliland ku yeelan karaan shaqaaqooyinka iyo dagaalada ka socda wadanka Somaliya. Xidhibaan C/salaan waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dagaaladaa ka holcaya dalka Somaliya ay saamayn ku yeelan karaan Somaliland isla markaana loo baahan yahay in xadir dheeraad ah laga yeesho xaalada ka taagan Somaliya. Mudane C/salaan Maxamed Siciid waxa uu xusay in dalabkii ka soo yeedhay dawladda Sheekh Shariif ee ahaa in lala soo gaadho ciidamo ka socda wadamada la deriska ah somaliya, ay Somaliland ka mid ahayd wadamada laga codsaday ciidamada sidaa darteena looga baahan yahay in Somaliland ay ciidamo u dirto si ay u muujiso in ay tahay qaran jira waxaanu yidhi “Arrinta samaynta ay igu yeelan kartaan dagaalada Somaliya, inagu (somaliland) waanu ka duwanahay oo waxaynu nahay qaran jira oo 1991-kii ayaynu madax banaanideenii kala soo noqonay Somaliya." Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi "Ummada isku tashatay ayaynu nahay walaalaheena koonfurta muddo ayaynu u ducaynayn runtii imika waxaad moodaa in xaaladu degi wayday. Caalamkuna weli waxay leeyihiin Somaliland nabad gelyo ayaa ka jirta, laakiin weli isku bah ayaynu nahay saamayn xuna way inagu yeelan kartaa, waxaana loo baahan yahay in taxadir badan ka yeelano arrimahaas." "Dawladda Sheekh Shariif ee maalintii dhawayd codsanaysay ciidamada anigu waxaaban qabay fikir ah in darisyadii ay ciidamada waydiisanayeen in aynu ka mid nahay, oo ay leeyihiin Kiiniya iyo Itoobiya ciidan ha noo keeno adigu (C/salaan) waxaana qabay in aynu ciidamo u dirno oo dawladda isu muujino wadamada aynu jaarka nahay. Xildhibaankuna fikirkiisa xor ayuu u yahay." Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdisalaan, Waxaana uu ku taliyey oo uu yidhi "Waxaan leeyahay waa in aan xukuumada lagu halayn dalka ee shacabku iyagaa ilaashan jiray dalkoodee ay ilaashadaan.” Xildhibaan C/salaan waxa kale oo uu ka hadlay kooxaha budhcad badeed ee ka qawlaysta xeebaha bariga Somaliland waxaanu tibaaxay in budhcad badeedaas ay dhibaato ku haysto dadka deegaanka. Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray in qaar ka mid ah dhalinyaro ka soo jeeda deegaanka laga soo doortay ay deegamada ilaalada xeebaha ee Somaliland ay soo qabteen isla markaana lagu riday xukuno u dhexeeyay 20 sano ilaa 15 sano,kuwaas oo uu tilmaamay Xildhibaan C/salaan Maxamed Siciid in looga shakiyay budhcad badeed. C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare] Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland