juma-nne

Nomads
  • Content Count

    253
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by juma-nne

  1. where is MR. JB the information and propoganda Misnister of Somaliland, to explain us abt this new development
  2. Ciidamo Itoobiyaan ah oo Wajaale ka sii Daayey Xubno laga qabtay Shirkadda Qodanaysa Macdanta Gabilay (Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay heshiis qarsoodiya ku siisay Itoobiya inay macdan ka qodato deegaano ka tirsan gobolka Gabilay. Taasoo keentay in shirkad ka socota Itoobiya oo macdan qodanaysaa soo gasho deegaano ka tirsan gobolkaasi, taas oo ay Ciidamada Amaanka ee Somaliland ku soo qabteen iyagoo macdan ka qodaya Jiida u dhaxaysa Allaybaday iyo Wajaale. Shirkadan oo mudo shan maalmood ah macdanta qodaysay ayey Ciidanka Amaanku soo qabteen iyaga oo aan markaas garanayn cida ay ka socdaan, balse markii ay Wajaale geeyeen ayey u yimaadeen Saraakiil ka socotay Maamulka kililka Shanaad ee Itoobiya gaar ahaana deegaanka Awbare iyo Ciidamo hubaysan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo maamulka Wajaale u sheegay inay shirkadaasi ku timid dalka heshiis dhexmaray wasaarada Arimaha debada ee Somaliland iyo xukuumadda Itoobiya, kaas oo dhigaya in deegaanka gobolka Gabilay ay macdan ka qodaan shirkadaasi iyo mid Somaliland ka socota. Kadib maamulka wajaale ayaa la soo xidhiidhay Xukuumadda dhexe ee Somaliland, waxaana amar lagu siiyey inay sii daayaan qalabkii shirkadaasi iyo shaqaalaheedii laga qabtay, kuwaas oo islamarkiiba la siidaayey halkiina ka bilaabay hawshoodii. Gudoomiyaha degmada Wajaale Cumar Aadan Qasaali oo aanu arintan wax ka weydiinay xalay ayaa noo xaqiijiyey jiritaanka shirkadan Itoobiyaanka ah ee Macdanta ka qodanaysay Somaliland, isaga oo islmarkaana faahfaahin ka bixiyey dhacdadan iyo siday ku ******** shirkadan. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sedan: S. Gudoomiye waxaad nooga warantaa warar na soo gaadhaya oo Degmadaasi Wajaale oo ka Dhacay oo sheegaya rag Ethiopian ahi kin dhulka Somaliland iyagoo Macdan ka baadhaya aad soo qab-qabateen. J. Nimankaasi waxay ka soo talaabeen Allaybaday, mudada ay ku jireen Somaliland waa shan cisho oo ay laba cisho Allay-baday joogeen iyo saddex cisho oo ay wax baadhanayeen, markaa sifadii ay ku soo tallaabeen oo aanaan warbixin iyo xog rasmi ah aanaan ka haynin ayaanu ku soo qabanay iyo iyadoo amnigoodii Somaliland aan lala soo socod siin iyo ciidankii ka hawl gali lahaa aanay soo ogaysiin oo aan loo diyaarin, markaa tiradoodu waxay ahayd 8 qof iyo hal Askari ayaa la socday, markaa sifadii ay ku soo galeen oo aan na raaligelin Awgeed ayaanu ku soo qabanay, wixii baadhis iyo dhokomantis ah ee ay haysteen waan baadhnay waxaanu hadda ku wareejinay Dawladda Ethiopia. S. Gudoomiye shirkadani maxay ahayd? J. Anagu waxaan aragnay waa niman Ethiopian ah waxayna ka socdeen Dowladda Ethiopia shirkaduna waa shirkad Ethiopian ah, markaas heshiis ay Dowladda Somaliland wada galeen ayaa jiray, dhinaca Wasaarada Arrimaha Dibadda, markaa koox kale oo Somaliland ah ayey ahayd inay iskubiiraan. S. Markaa ma waxay ka soo Tallaabeen Xuduudka oo Soamliland gudaheeday ka baadhayeen, mise waxay ka baadhayeen dhinaca Ethiopia? J. Ethiopia waxay ka soo baadheen ma ogin, laakiin xuduudka Somaliland ayay ka soo gudbeen, gudaha Somaliland ayay in door ah soo galeen, masaafada ay soo galeen Km ahaan dusha kama hayo, laakiin dhul balaadhan bay gudaha u soo galeen, oo qayb ka mid ah gobolka Gabilay ayay baadhayeen oo in door ah ayay soo galeen oo ay Somaliland baadhayeen. S. Muddo saddex cisho ah oo gudaha wadanka hawl-gal intaas le’eg laga waday, muddada intaas leeg maxaa loo qaban waayay oo saddex cisho ka dib loo qabtay ? J. horta waxay ku soo galeen dalka nidaam sharci ah oo waxay wateen dhokumantis u ogolaanaya iyaga iyo tiim Somaliland ahi in ay wada shaqeeyaan oo baadhistaasi Jiyoolajiga ah wada sammeeyaan, saddex cisho ayey gudaha baadhista ka wadeen laba cisho Allaybaday hareeraheeda ayay taagnaayeen, Allay-badayna way ku noqonayeen oo fadhigooda ayaa ahaa, markaa xiligaas may fogaan, balse markii dambe wey soo f********, Fogaansho gudaha ah oo illaa Beerihii ayay tageen, taas ayay wax ka dhaceen oo ay noogu soo qayliyeen dadku, Gobolka ayaa warbixinta na soo siiyay. S. Maadaama oo ay baadhistan shirkad Somaliland iyo Shirkad Ethiopian ahi iska kaashanayeen ma noo sheegi kartaa sida uu yahay shrciga ay haystaan? J. Kollay wixii xuduuda ka soo talaabaya iyo isku socodka Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa shaqo ku leh oo u xil saaran, marka taa laga yimaado waxa weeyaan in system-kii ahaa Wasaarada Macadantu kala hawl galaan kaasi waa mid gooni ah oo waxa wax laga waydiinayaa Wasaarada ay khusayso, markaa warbixinta aanu ka haynay waa in labadaasi tiim wada shaqeeyaan. S. Warbixintaasi ma qoraal ayaad ku hesheen mise maamulkaad kala xidhiidheen oo idinka qanciyay ? J. Maamulka waanu ka haynaa, qoraalna waanu ku haynaa, qoraalkaan haynaana waa kaas ah in la wada shaqeeyo, caddayntaan haynaana waa taa, wax khilaaf ah oo saamayn lihina ma jirto. S. Labada Shirkadood ma kuwo Dowliyaa mise waa kuwo gaar loo leeyahay ? J. waxaan rajaynayaa in ay Dawliyihiin, inkastoo aanan qoraalkoodii jeebka ku haynin. S. Gudoomiye waxaanu maqalnay in Ciidamada Ethiopia oo hubaysani idiinku yimaadeen xarumihiina idinkuna qanciyeen Shirkadaasi Ethiopianka ah in aad sii daysaan, illa haddana ay hawl-galkoodii sii wadaan maxaa ka jira arrintaasi? J. Arrintaasi waa mid aan waxba ka jirin, waxa la isku qanciyo oo la isku khasbayaa ma jirto, Dawlad xor ah ayaynu nahay, muhiimaduna wada shaqaynta ina dhextaal uun weeyi, Ciidan hubaysan oo Somaliland soo galay ma jiro, oo xuduuda anagaa xilkeedu na saaran yahay oo illaalina, Nidaamkii aan ku wareejinayna waa wada shaqayntii labada Dowladood. S. Maadama Arrintani ay tahay arrin ugub ah, Awooda intaas le’g ee aad ku sii dayseen maxay tahay ? yaase amarkaa bixiyay.? J. Deegaanka Wajaale waa mid ballaadhan xilkeedu anaga ayuu na saaran yahay, muhiimaduna waxay tahay wixii haddii aanay shar u wadin Somaliland, dadkanina waa dad Civil ah oo Wasaarad ka socda, markaa wax qadiyad laga dhigo sii dayntoodu ma aha. S. Maamulka idiin yimid xaguu ka socday ? J. waxa uu ka socday Maamulka killidhka 5aad ee Soomalidu degto, gaar ahaan Degmada Aw Barre.
  3. New 'KID' Kulahaa :confused: . Adeer xishood oo haigugefin. adeeradaa si fiican ayaan isunaqaan. Waagii aurtayadii goonyaha qorilugud lagufaruurya xidhan jiray. Anyways the likings of Xiin have some hints of logic yet the W's & H' of why, where, when and how are still not making sense. This coming from XIIN is another adition of animals into the XIIN'S ARK namely the 'PEACE CARAVAN'
  4. If i may ask Norf1 a speculative question. what migh be the strategy? Is it going to happen in Stages? Once the inauguration takes place in Hargeysa Then move the capital to 'Burco' Then invite The south to join him there and BOOM!! The greater somalia is re-estblished no more seccesion I cant wait to see such a blessed 'caravan' eventually landing just next to XIIN'S Doorstep.
  5. If i may ask Norf1 a speculative question. what migh be the strategy? Is it going to happen in Stages? Once the inauguration takes place in Hargeysa Then move the capital to 'Burco' Then invite The south to join him there and BOOM!! The greater somalia is re-estblished no more seccesion I cant wait to see such a blessed 'caravan' eventually landing just next to XIIN'S Doorstep.
  6. You Mr. cynic might be partially right. But the little somnali I learned from my awowo used to contain sayings that goes. MAR IDAGE ALLAH HADAGO AND ************** Hence I assume Nur cade and his rival are old and somali enough to be aware of that famous saying.
  7. Listening to that swahili song I was shocked to hear those words "Kafiri Hana Haki" Meaning the Disbelievers deserve no Justice. what does islam say about that? I may be less knowlegable about Islam but I think Justice is one of the core tenet in Islam.
  8. First of all my condolences goes to this towns engulfed by this tragic explosion. In reply to many speculations on the repercussions to this events. Mine is a in a form of question. what about if the papetrators turns to be Locals of those towns? would the locals be deported?
  9. The kismayu port town falling onto the hands of Shabaab or whatever Duke here terms as Locals. Puts a big question mark on whose side would be The Great MASTER of All TFG Clowns MELES IBN ZENAWI. Would the Ethiopian administartion be comfortable with Turki and Company controlling the port? I doubt? It seems this is just the begining as i can smell Foul play Here. But lets wait and see if THESE LOCALS scapegoats, are still goin to sit back and let some other TFG clown run their affairs. With all this Lets all pray that peace prevail.
  10. The war would be devastating. But am sure the west would easly overun Russians. All in all Lets not pray for such a conflict to happen. As you may know currently Russians posess the highest number of Nuclear warheads more than even the US. Am sure western nations would rather let Georgia go than risk such a conflict. However the cold war would startall over and who knows what the qusequences would be.
  11. the problem is not the commission inability but interference from the administration. at least that is what one of the Commissioners said.
  12. If this is true(doubt it), As much as hate that God forsaken warlord in the name of president, I am personally going all the way to Mogadishu & B!tch slap this Gabre. Sxb adiga sujui aa tahaiy waxba ma ogide aamus . Iam sure you came across such statements many times.
  13. all in all it seems Obama has gained enough momentum so far.But what about if clinton wins in the remaining states and even if tied in delegates She manages to convince the super delagates.? how detrimental would this be to the unity within the democratic party.? Iam sure that would be the end call to a democratic presidency for another decade.
  14. And therefore, it can be said with confidence that when the time comes, Somaliland will address the reunification question taking into account the readiness of the South and its ability to engage Somaliland more constructively in more equitable terms. A condition which may in the future results in the formation of Democratic Somalia provided all parties are willing participants to the deal with no stones left unturned and no issue left unaddressed, so that what has been instigated in the past is not bound to repeat itself again. then there should no need for recognition isnt it? yaa JB why not work for the stability of the south in order to bring this to speed?.
  15. iyaga oo taleefoon kula soo xidhiidhay Radio Garoowe,waxay sheegeen inay yihiin ciidan ka tirsan ciidamada bada ee Puntland. Very intersting given that the puntland forces were nationalised and have been revered as the TFG national Army. :confused:
  16. Emperor would you please cease from living in the land of denial? Real men accepts defeat and remend their mistakes. But what you the defeated lots are doing here is show more of your weak and pathetic strugle of mudsliding the Somali Dignity. Its someting known among the weak That when beaten on the real physical sence be it politically or militarirly they resort to name callings and stuff that any right minds wont buy. Horta hadddi gacan lagaaga adkaaday ma afkaad ku ciil beeli.? Just for you to see. The news below i found from From Jidbaale . A staunch Pro.Puntland mouthpiece. And Just see how they are wittingly admitting defeat. What about you emperor, General duke and others. Are you waiting to admitt when Coll. Cadhays is taken Prisoner? cause he is the only one remaining now. Cammmoon guys behave like real somali men. Sidee U Dhacay Daqaalkii ka dhacay Gobollka Sool: Xaqiiqooyin Dhab ah Jan 14, 2008 By: Dhabansaar(Jidbaale)Sida badi lala socdo waxaa dagaal gaadma ah ay ku soo qaadeen deegaan Dhabansaar oo ka tirsan gobolka Sool aroortii hore ee maalintii Sabatida 13/01/2008 ciidamada jabhada SNM ee isir dagaalka iyo barakicinta ka wada gobollada SSC. Dagaalkaa oo ay soo qaadeen guutooyin ka mid ah ciidamada isku sheega Soomaaliland ayna hogaaminayee khaayimiin calooshood u shaqaystayaal ah oo u dhashay dadka iyo deegaanka duulaanka lagu yahay oo uu kamid yahay Mahad Canbaashe iyo Dalbac maxamded Adan Guul. Hadaba waxaa layaab ku noqotay dad badan sida gacanta loogu dhigay taliyihii ciidanka iyo 27 ay kamid yihiin saraakiishii ka hoosaysay iyo ilaaladiisii iyadoo uusan khasaari badani dagaalkaasi keenin. Wariyeyaal ka mid ah Buuhoodle Media oo gaadhay goobihii dagaalku ka dhacay isla subaxaas ayaa baarintaan qoto dheer ku sameyey sida wax u dhaceen. Sida ay noogu warameen qaar badan oo ka mid ah ciidamadii dagaalkaa galay ayaa u tibaaxay in ay jirtay khiyaanooyin badan oo qaar ka mid ah ciidamadu ay gacan saar hoose lalahaayeen calooshood u shaqestayaasha hogaaminayey ciidamada SNM ee soo wararay ceedamada xaq udirirka ee gobollada SSC. Waxaa sadex casho ka hor dagaalka isla ciidankan kala baxsaday gaadhi tikniko ah mid kamid ah ciidanka. Ninkaa oo lagu la cadeeyey inuu ka danbeeyey bixinta siro badan oo ciidanka. Markii hirtii waaberi ay weerarka bilaabeen ciidamada isir tirtirka wada ayaa qaar ka mid ah ciidankii uu watay Cornel Dayr ay hareereeyeen taliyihii ciidanka oo ay xaga danbe xabadii kaga bilaabeen. Dhabar jebintan khiyaanada ah ee aan la filayn ayaa sahashay in taliskii ciidanka ay la wareegaan calooshood u shaqaystayaashaa ciidanka kamid ah oo xiriir hoose la lahaa cadawga duulanka ah iyagoo halkaa gacanta ku dhigay taliyihii ciidanka Dayr Abdi iyo 27 kamid ah saraakiishii iyo ilaaladii markaa la socotay. Isla markaana ay ciidamadii duulanka ahaa dib uga baxeen goobtii oo la tageen taliyihii iyo ragii kale halkaan uu dagaalkii ku istaagay. Dhacdadani maaha tii u horaysay ee sababta arimaha noocan oo kale oo waxaa la mid ah qabasashadii magaalada Laascaanood oo iyana ay qaar ka tirsanaa ciidamada Puntland ay xaga kale kasoo safteen oo ay baneeyeen aagoodii. Waxaase damiir xumo iyo wax laga xishoodo ah in dadka leh sifooyinka cadow u adeega ee garabka ku siinaya in cadowgu gacanta ku dhigo dhulkooda iyo dadkooda. Dadka ku kaca falalka noocan oo kale ah ayaa Waxay u muuqdaan dad aad u maan gaaban oo aan aragti dheer u lahayn cawaaqibka mustaqbalaka dhow iyo ka fogba ee ay keeni karta falalka ay ku kacayaan. Xigasho:Buuhoodlemedia
  17. There are people of Sool, Sanaag, & Cayn, How about if we say there are no such think as somalilanders, northwestern Somalis? Lets respect each other If i may ask what about the ppl that resides from caynaba to oog, from gar-adag all the way to ceerigaabo from xiis to maid and many other places within that You claim to be SSC. Where do this peopple loyalty belong to? or they are also Accupiers? Mr. soomaal why claim an area you partially partially reside and want to alienate your neigbours.? As your avatar suggest you claim to be a soomali yet what you preach here is typical clanism and hatred towards fellow Somalis.Remember these peopple share deeper historic ties long way before the birth of somalia and the ill intended inovation of Puntland
  18. Kee Daran, Xaabsade iyo Xulufadiisa Laascaanood Qabsaday; iyo Xabashida iyo Xulufadeeda Xamar Heysta Warkii 21-Oct-2007 iyo Qormadii: C/Waaxid C/hi Khaliif Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.Xaabsade iyo xulufadiisa Laascaanood qeybsaday ma ka daran yihiin Xabashida iyo xulufadeeda Xamar heysta? Soomaalideenna oo caqligii ka guuray waxay intooda badan qabaan intii qabiil kale farogelin lahaa dhul qabiilkoodu ka soo jeedo in Yuhuud, gaalo kale ama Abasiiniya qabsato! Waa caqli bannaanka ka taagan diimaha iyo xadaaradaha. Laakiin Soomaalidii hore ee ay hogaanka u hayeen dadka caqliga badan waxay dhihi jireen, “intii Baaniyaal cuni lahaa; Cali ha beeseysto.” Ilaahay baan ku dhaartee, markii la bixiyey magaca ah Puntland waan ka naxay. Markaan weydiiyey waxa micnaha magacu yahay waxay dhaafiwaayeen iney bixiyaan macnayaal kala duwan sida dhulka ilaahyada; kii uduga iyo kuwo kale. Hadduu macnaha loo badinayo noqdo kan ilaahyadii Fircoonnadii hore haddee waad garan kartaan dambigey ku tahay diinta iyo dhaqanka Soomaalida. Maxaan ula baxney magac aynaan aqoon? Ilaah baan ku dhaartaye, marka laga reebo Ingiriiska loo qoray, magaca “Somaliland” baa aad uga macquulsan kan Puntland. Inkastoonanba hubin wuxuu ka soo jeedo erayga Soomaali laftiisu haddana ma jiro qof yiri waa magac laga urin karo shirki ama micno xun. Waxaa intaas dheer xitaa haddii magac Soomaali la ogaado inuu leeyahay micno khalad ah, innagu dambi kuma lihin ileyn waxaynu aragnay iyadoo naloo ku yeerayo oo wax kama qaban karno. Waxaan soo qaatay dastuur-ku-sheegii ay markaas Puntland qorteen waxaan u akhriyey qodob qodob waxaana goostay inaan buug-yare ka sameeyo. Waxaan iskaga daayey waa dastuurkaas oon waxba ka duwaneyn kii 60-kii mana ahayn wax iyaga ku gooni ah. Magacaas iyo madaxdii Puntland qabsatay dartood ayaa igu reebay walaac ah in dadweynaha loo hogaamin doono wax aan aakhiro iyo adduun midna dan ugu jirin. Intaan boggagga internetka ee Soomaalidu si fiican u soo caan bixin waxaan tagi jiray meelo ay reer Puntland isugu yimaadaan waxaana ka hor oranjiray ineysan dadkooda ku dirin diinta sidoo kalana aysan Soomaalida kale iyo iyaga la kala dhexdhigin xumaan iyo nacayb ee loo baahanyahay in Soomaali la isu keeno. Waxaa marar badan shirarkaas joogay niman ka soo jeeda Puntland oo qaarkood hadda dowladda federaalka jagooyin sare ka sheegtaan, qaar mucaarad ku ah iyo qaar maamul goboleedka Puntland mas’uulo ka ah. Sanadkii 2001-dii baa mar qolya reer Puntland ahi shir iyo dhaqaalo-aruuris iskugu yimideen markii la sheegay Moorgan oo boqolaal wiil wata oo ka soo kacay Ceelbarde kuna jeeda Kismaayo. Markaas Kismaayo waxaa heystay Dooxada Jubba. Waxaan dadkii ku boorriyey inaan dagaaloogayaashaas midkoodna faa’iido keeneyn sidoo kalana aysan macno sameyneyn kala taageeriddooda. Waxaan xusay inaan midkoodna dan u wadin qabiilkiisa ee ay ilaashanayaan dano shakhsiyeed. Markey taladeydii diideen ayaan ku iri waayahee maxaad wiilashaas u halaageysaan ileyn dhowr boqol oo wiil xitaa haddey Kismaayo qabsadaan ma heysan karaane! Waxaan tusaaleeyey xitaa iney wiilashooda iyo dhaqaalahooda u turtaan haddey waanadeydii dhegaha ka fureysteen. Markaas dooxada Jubba waxay taageero ka heysteen Xamar, Shabeelaha Hoose, iyo Gedo halka Moorgaan ay taageero ugu sokeysay Puntland, qof qurbo jooga ama kuwo xeryo qaxooti ku jira. Nin janan ah, oo dowladdii Mbagathi ka gaaray meesha ugu sarreysa ee jago ciidan oo markaas meesha fadhiyey, baa isagoo igu xumeynaya yiri, “niman badan oo jaamacado milatari ka soo baxay baa meesha fadhiya!” Wuxuu ka wadaa ma iyagoo saraakiil ah baan anoo weligay ciidan noqon kala talinayaa weerar iyo duullaan! Anna waxaan ku iri haddey intey qabsadaan ay bil ama wax la mid ah heystaan adaa iga caqli badan! Ilaahay wuxuu qaddaray in Moorgan uu Kismaayo qabsaday laakiin laga saaray 24 saac gudahood isagoo si dirqi ah ku baxsaday. Waxaa Moorgan dagaalkaas looga qabsaday saraakiil la socotay iyo gaarigiisii khaaska ahaa. Marka laga reebo dagaalkii Al-Itixaad iyo SSDF u dhaxeeyey, Puntland waxay ka mid ahayd meelaha Soomaaliya ugu nabadgelyo iyo dhexmar badan. Somaliland iyadu waxay gashay dagaal sokeeye oo bilo badan socday. Xitaa dagaalkaasi wuxuu keenay in dadka reer Waqooyigu kala soo degijireen alaabaha Boosaaso kaddib markii Berbera xirantay ama dadka qaarkiis ka deysteen iney wax kala soo degaan. Waxey Soomaali iskaga markhaati kacday in laga soo bilaabo 1991 ilaa markii Puntland la sameynayey in USC iyo dagaaloogayaasha Xamar ay ahaayeen siyaasiyiintii ugu xumaa Soomaaliya oo geliyey dagaalkii sokeeye ee ugu dheeraa uguna qaab darnaa. Caqligu wuxuu keenilahaa in qabiilkii dani ka heyso aakhiro iyo adduunba inuu qaado waddo kale oon taas ahayn laakiin nasiib-darro dad badan oo reer Puntland ah waxay u arkeen in magacaas iyo maamulkaasi u horseedi doono barwaaqo, horumar iyo isu-keen Soomaali weyn. Yaan loo qaadan inaan takfiir ahay ama aan leeyahay dadka waan ka saxsanahay laakiin waxaan u arkayey maamulkaas daruur cadaab ah oo maray ahaataba galaafandoonta dadkaan ka soo jeedo. Halka dad badan u arkayeen iney tahay horumar oo keeni doonto in maddaalahoodu uu Soomaali oo dhan gacanta ku dhigidoono oo arrimaha Soomaaliya looga dambeyndoono, kheyraadka dalkana iyaga gacantooda geli doono. Saacadan aan maqaalka qorayo waxaa dhici karta in qaar badan oo iyaga ka mid ahi weli fikirkaas qabaan! Marka haddaan qodobeeyo maamulkaas ka hor sida Waqooyi Bari ahayd iyo sidey hadda noqotay: Diin-jacayl ay kala mid ahaayeen Soomaalida kale. Dhibtii iyo dagaalkii sokeeye ayaa keenay in dad badani fursad u helaan iney daalacdaan diinta Islaamka. Waxay markaas ahayd meelaha ugu nabadda badan Soomaaliya. Dad markii hore ka soo jeeday Puntland oo ka soo qaxay Xamar iyo Koonfurta kale oo camiray magaalooyinkii Puntland taasoo keentay iney si xad dhaaf ah u fidaan. Nabadda iyo fiditaankii magaalooyinka ayaa keenay in dad kale oon dhulkaas ka soo jeedin ay yimaadaan oo ka qeybqaataan ganacsiga oo cirka isku shareeray. Ma jirin argagixiso-la-dirir. Marka dadka musaafurka ahi meesheey rabaan haka yimaadaan, cidday rabaan ha ahaadeen, cidna lama hadli jirin. Qof kasta wuu xasuustaa dadkii ka soo qaxay Xamar oo u dhashay Somaliland sidii loogu soo dhoweeyey gobolladaas markey ku nasteen iyagoo ku jeeda Somaliland. Waqtigaas kaddib waxay lumiyeen Kismaayo oo dadka qaarkiis dhahaan waxaa sabab u ah xurguf dhexmartay Moorgan iyo C/hi. Toban sano ku dhowaad dhaqaalihii Puntland waxaa loo qoondeeyey sallaan lagu gaaro kursi Soomaaliyeed. Ma jiro ama waa yaryahay dagaalooge Xamar ama Baydhabood oon kiishka loogu shubin lacagta dekedda Boosaaso. Haddaan magacaabo waxaa ka mid ah: Muuse Suudi, Qanyare, Xuseen Ceydiid, Caato, Maxamed-dheere, Shaatiguduud, Aadan-madoobe, iyo kuwo kale. Ugu dhowaan, kuwaas kulligood waa ka soo horjeedaan korneylka hadda. Maxaa marka dhaqaale-bixintaas laga dheefay? Maamulkaas oo la isku qabsaday markuu dhammeystay 3-dii sano ee ugu horreysay waxaana ku daatay dhiig badan oo micno-darro ah. Wuxuu maamulkaasi jaranjaro u noqday Meles Zenawi oo la’aa meeluu kasoo galo qabsashada Soomaaliya. Inkastoo dagaaloogayaasha kale iyo weliba kuwa Waqooyiga Soomaaliya laftoodu ka qeybqaateen laakiin waxaa kaalinta koowaad ka ciyaaray maamulka Puntland markaas haystay. Si kasta oo Soomaalidu qabiil iskugu xumeyso laakiin magacaas ka hor dadku waxay na dhihi jireen waxaad tihiin dad kala dambeeya oo martida soo dhoweeya oo Soomaali Weyn ogol laakiin isla annagii baa hadda naloo baxshay, “Ashahaado-la-*** (PIS), Tigree-keenooyin, qabiil-ku-dirir, isloweynayaal iyo magacyo kale sababtoo ah maamuulkaas dartiis. Kala-fogaan Soomaalida dhexdeeda ah. Guurtidii Puntland waxay isku raaceen in aan ***** aan ********** ahayn haweysan karin madaxtinimada Puntland! *********** wuxuu ka hadlikaray madaxweyne-ku-xigeen! Weli ma garan sida dad odayaal sheeganaya aay waxaas oo kale shirar uga dhaheen. Waxaase ka sii daran sida *****ga kale waxaas u aqbalay? Haddii Xaabsade uu mar hore waxaas oo kale aqbalay waxay ku fiicneyd inuu ceyrintana aqbalo. Oo haddii *****gii dad noo xigay aan saas ku niri ma u maleyneysaan in korneyl C/hi u ogolaanayo in Geeddi ka falo xukumaddiisa wuxuu rabo? Qodobkaan iyo kuwa kale waa kuwa muujiyey in guurtida Somaliland ay ka caqli bateen kuwa Puntland markey nin Samo-roon ah madaxweyne ka dhigteen. Iska daa Soomaalida kalee waxaa la yaab leh in dadkii ay isku halka wax ku qeybsadeen oo marka arrimaha Kismaayo laga hadlayo ay reer tolkey jeebka kala soo baxaan magac ah “Kablalax” iyagoo siyaasad ku doonaya ayaa kuwii magacaas sheeganayey waxaa Zenawi ku leynayaa dhulka Soomaali Galbeed. Lama hayo qof siyaasi ah ama odey reer Puntland ah oo ka hadlay ama cambaareeyey. Waxay u egtahay xitaa haddii dadkaas ay leeyihiin iney “Kablalax” isla yihiin yimaadaan Boosaaso in hay’adda diinta la dagaasha ee “PIS” ay u celineyso Zenawi. Kablalax! Ilaahay kab iyo lax idin ka dhig. Bal lacagta ay dagaaloogayaasha oo leynayey qabiilladooda ay siinjireen mey siiyaan walaalahooda xaq-u-dirirka ah ee iska xoreynaya reeryada Tigreega? Haddiiba kuwii Kablalax sheeganayey ay u turiwaayeen xaq-u-dirirkaas ayaa Somaliland laftoodu waxay dadkaas u iibsadaan sidii xoolihii isagoo maamulka Riyaale Zenawi kaga raadinaya weji. Reer Puntland waxay cadaawad aan micno ku fadhiyin la gashay qabiilka **** ee Kismaayo hadda hor booda. Soow maaha qabiilkey isku halka wax ku qeybsadeen? Marka nimanka horbooda Soomaaliya iyo Puntland haddey dadkoodii cadow uga dhigeen dadkii dad u xigey sidee looga akhrisanayaa iney qabiillada kale wax la rabaan? Xamar waxaa Xabashida iyo xulufadeeda (Mbaghati) ku soo dhoweeyey ****** khaasatan ***** ******. Muranka C/hi iyo Geeddi wuxuu keenikaraa in “mataanaha *****” ay kala xarig furtaan oo colloobaan! Ileyn shacabku waxay u dhaqmeen sida xoolihii oo kale. Maxamed-dheer iyo C/hi Yuusuf baa labada ***** isku diri kara ama isku keeni kara! Sameyntii magacaas (Puntland) iyo madaxdaas aan tobanka sano ka digeyney wuxuu keenikaraa burbur Soomaaliyeed iyo in Somaliland ku hadaaqdo goosasho taam ah. Qabsashadaan Laascaanood ee hadda khasab maaha iney noqoto mid sii waarta maxaa yeelay siyaasadda Soomaaliya ayaa is-gadgaddis badan. Waxaa dhici karta iney maalmo arrintu si kale noqoto laakiin waxaan anigu ka hadlayaa waa mustaqbalka. Haddii reer Laascaanood doortaan Somaliland, ma filayo iney jirto qof Soomaali ah oo ka hor istaagi kara. Arrinta waxaa cirka ku shareeray waa dhaqaalaha Puntland. Wixii dekedda ka soo baxa qaar waxaa lala aaday Xamar iyo Baydhabo intii kalana waxay soo dhaafi weyday Boosaaso, Garoowe, iyo Gaalkacyo. Marka qofka siyaasiga ahi ma laha samirka shacabka oo kale marka meeshey hogashu uga hilaacdo ayuu haleelayaa. Marka tagidda Xaabsade waxaa ka mas’uul ah maamulka Puntland. Maaddaama dadka reer Sool qaar la socdo Somaliland waxaa fiican inaan shacabka reer Puntland dagaalka ku ordin ee la isugu yeero dadka Sool degen lana weydiiyo waxay rabaan. Hadday u bataan iney Somaliland raacaanna iyagey jirtaa haddii kalana waxaa lagu soo celinayaa Puntland. Puntland oo laba jeer laga raayey. Ilaahay baan ku dhaartay wixii aan 9 sano ka hor ka baqeyey baa noqday waddo halaq mareen ah. Sidee kheyr looga filayaa in niman madaxii caddaaday sidii geedka suumahagalaha ah ay inta Soomaali iyo caalamkoo dhan la hadlaan dhahaan, “Shimbiraale argagixisaa joogta!” Ama, “Laascaanood waxaa qabsaday shisheeye!” Waxaanan garaneyn goorta ay Xaabsade iyo Riyaale noqdeen wadaado ama sida gaaladu u taqaan “argagixiso!.” WALLAAHI odayaasha Soomaaliyeed waa ka xishoon jireen beenta xitaa iyadoo diintu u fasaxeyso markii nafta la badbaadinayo. Waxaa jiray nin odey ah oo ka soo jeeday Puntland oo ahaa hogaamiye qabiil iyo ciidan in ay qolyo ay is dagaalayeen qabteen. Nimanka markaas qabtay mey garaneyn ninkuu yahay marka hadduu been sheegilahaa wuu badbaadi karay laakiin magacii ay maqli jireen buu u sheegtay. Markii odeyga loo geeyey odayaashii kale ee nimankii wax soo qabtay bey ku dhaheen halkaas istaag waxaan ka showreynayaa wixii lagaa yeelilahaa. Odeygii wuxuu yiri, “intaas baan jiraa oo weligay faq la igama qarsan ee xitaa ka hadla dilkeyga laakiin wax ha iga qarsanina.” Odeygii intii faqii laga qeybgeliyey baa la iska sii daayey. Ka warran shacabkeennii oo dhan baa inta talada laga qariyo waxaa la la aadayaa Addis Ababa! Marka, ma u maleyneysaan in hogaamiyayaal ceynkaas ahi ay dadkooda meel kheyr leh ku furayaan? Cadde Muuse markii maxkamaduhu soo fariisteen Bandiiradley waxaad Gaalkacyo soo galisay Tigree marka haddii Xaabsade soo watay ciidan Somaliland ah maxaa la yaab ah? Mise innagu waxaynnu sameynno oo kasta waa fiican yihiin? Waxaan ka rabaa in qof kasta oo Puntland ka soo jeeda uu arrinta si fiican u fiirsado. Xabashi beynu Xamar iyo Gaalkacyo keennay; Xaabsadana waxaynnu ku dacaayadeyneynaa ciidamo Somaliland ah buu soo watay! Kee na xiga Somaliland iyo Xabashi? Soow kuma fiicna “intii Baaniyaal cunilahaa Cali ha beeseysto?” Haddeynaan ka damqeyn Xabashida Xamar iyo Baarlamaankii Baydhabo joogta maxay tahay waxa aan uga damqeyno Xaabsade iyo Somaliland oo Laascaanood heysta? Qofku dambiilaha ah waxaa lagu yaqaan kalmad buu iskaga dhegaa. Culumadu waxay dhahaan markuu nabi Yacquub (CS) wiilashiisha ku lahaa waxaan ka baqayaa in Yuusuf (CS) ay uubato/yeey cunto ayaa wiilashii dambiilayaasha ahaa inta shirqool sameeyeen bey kalmadii jeebka kala soo baxeen iyagoo aabbahood ku leh wiilkii waxaa cunay uubato/yeey! Marka C/hi iyo Cadde markii inta wax khaldaan ay dhaqaalaha waddanka lumiyaanba waxay jeebka kala soo baxeen sheekadii uu Bush sameeyey ee ahayd argagixiso baan la dagaaleynaa! Arrinta Puntland waxay u muuqataa halkii ay mareysay muddo hore oo kale mar inta qolo degeneyd Puntland inta tiro dad ah, xoolo, iyo barwaaqo isla heshay ay istuseen ineysanba binu Aadam ahayn ilaa gabar ka dhalatay ay ku dhaanteysay: aabboow ina hebeloow aadane ka weynaanney ee ilaah-yare ma noqonnaa! Dabadeedna Ilaah baa usoo diray addoomahiis qaar ka mid ah dabadeedna ciidankii daraawiishta ee Sayidka baa cagta mariyey. Marka hadda inta canshuurtii dekedda Boosaaso iyo caarad-dhuub uu Meles Zenawi Soomaalida u qeybiyo si ay isagu laayaan, isla helnay, baan u heysannaa inaan Soomaali oo dhan afduubi karno oon saan rabno ka yeeli karno. Waxaan maqaalka ku soo gabagabeynayaa, belaayo noogama horeyn magaca Puntland iyo madaxdii timid. Waxaan xoogga saarnay inaan diintii iyo dadkeedii la dagaalno. Waxaan sumeynay badihii innagoo raadineynay lacag aan Soomaaliya madaxweyne uga noqonno. Dadkii dad noo xigey ayaa Xabashidu Shilaabo, Godey iyo Soomaali Galbeed ku leyneysaa innagood mooddo inaan ku faraxsannahay. Wakaas **** nalooka dhigay cadow. Wakaas aan Habar Gidir baabi’iney oon leennahay waxaan ka aarsaneynaa dhibkii ay Soomaali u geysteen. Wataas aan hadda reer Waqooyigii leennahay waa “Soomaali-diid!” Yaa Soomaali nala noqon kara dadkeenna Xamar Xabashi soo galiyey? Yaa wax ku falaya magaca Soomaali ee uraya?! Khilaafka Geeddi iyo C/hi baa keenikara in ******kuna colaad u qaadaan reer Puntland. Sidaan horay u iri colaad u dhaxeysa labo dagaalooge ayaa keeni karta in labo qabiil colloobaan marka aan ka fiirsanno cidda na metesha. Hadda waxaa suurtogal in inta C/hi iyo Aadan-madoobe is qabtaan la arko ********* iyo reer Puntland dagaal iskugu soo dhiganaya! Marka waxaad mooddaa inaan diintiinna la dagaalnay aanna rabno inaan iska horkeenno dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaan u maleynayaa in waxa na horbooda iyo kuwa odayo sheegta ay aaminsanyihiin wixii tolku isku maaweelin jiray ee ahayd, “inta madaxa madoow iyo ********** baa is le’eg,” Haddii nimankaas waalani aysan waxaas aamminsaneyn maxay mar walba wiilashooda meel dagaal macno-darro ah ka socdo u geeyaan sida Kismaayo, Xamar iyo Bakaaraha, Baydhabo? Maalin dhoweyd Xaabsade iyo reer Sool Laascaanood ku jira baa mid badda Boosaaso jiraafta wuxuu iskala orday wiilal yar yar oo ehelkiis ah oo uu dagaal ku bilaabay ciidanka Somaliland. Taasi waxay tusineysaa in wiilashaas laga dhaadhiciyey ineysan jirin cid iska kiin celin karta ama aan cidna ka naxeyn. Marka wiilal badanna waa laga laayey qaarna waxaa loo qabsaday maxaabiis ahaan. Isla haddeer wiilashii oo kale baa baadiyaha laga soo aruurinayaa oo la leeyahay kaalaya iska cesha Somaliland! Horta miyeysan u jeedin Xaabsade iyo wiilasha reer Sool ee la socda Somaliland? Marka arrinta noocaas ah waxay u baahantahay caqli iyo tartiib. Marka arrinta Laascaanood kuma fiicna sida hadda labada maamul sameynayaan. Marka dadweynaha reer Puntland waxaan kula talinlahaa iney maqlaan dadka waxgarad ka ah. Intaas oo jeer baan u soo jeediyey iney iska bedelaan nimankaas fadhiidka ah. Waxaa degaanka jooga intaas oo qof oo Ilaahay ku manneystay hoggaan-wanaag. Waxaan ku talinlahaa inaad iska tuurtaan wax-iskuma-falayaasha Soomaali oo dhan cadowga nooga dhigay halka Zenawi iyo gaalada kale yihiin ehelkeen. F.G. Qoraalkan micnihiisu maaha in madaxda aan sheegayo ay ka xunyihiin kuwa qabiillada kale. Qof kasta wuu ogyahay dagaaloogayaal waa walaalo qabiil kasta ooy ka soo jeedaan. Maddaama ay Soomaalidu mareyso xaalad xun oo qofna uusan wax ka maqleyn qof qabiil kale ah ayaa waxaa fiican inaan la hadalno gobolladaan ka soo jeedno. Qabiilkii dadkooda meel fiican u horseeda waxay la mid yihiin iyagoo qeyb ka mid ah dadka Soomaaliyeed meel fiican u hogaamiyey.
  19. Faallo Taariikhda ma la hayaa SSC oo ku baxsatay hiil *****? Warkii 21-Oct-2007 iyo Qormadii: Abdi xuseen Waxaanan leeyahay waad ku mahadsantihiin hawsha aad u haysaanDadkeena. Waayo waa gole qof kastaa ku soo bandhigo aragtidiisa. Waa gole inoo qaabilsan turxaan reebka iyo bislaynta doodaha dadkeena. Waxaan u gudbayaa arinkan ku soo kordhay deegaamadii aynu ka soo jeednay! Oo runtii aad moodo in aan weli si mug leh looga doodin ama aan loogu samayn qiimayn dhab ah oo ku fadhida xaqiiqda. Waayo maalin hore oo ay in badan oo ka mid ah dadkeena ay lahaayeen “Laascaano waa la qabsday iyo lama qabsan” ayaan soo ban dhigay aragti odhanaysa macno aniga ii smayn mayso qabsashada magaaladaasi inta arinku sidan yahay! Ee aan la helin xal siyaasi ah oo lagu so af jaro culayskan iyo daruurtan colaadeed ee mudada shanta sano ah dul taagnayd dadkeena iyo deegaankeena. Hadaba maantana waxaan idin leeyahay macno ii samayn mayso cid kastoo qabsatay ama qabsan doonta inta arinku sidan inaga yahauy! [Ninka hadraawi la yidhaahdo ayaa maanso uu leeyahay waxa ku jirtay “weli gumicii meel baydhsan buu gawda ku hayaa! Ee inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli” Waxaa muhiim ah in aynu soo ban dhigno xeel dheerida iyo taariikhda uu deegaankani leeyahay; waa in aynu ka fogaanaa wax kasta oo xanbaarsan caadifad iyo hebelo isu muuqda oo kala riixanaya kuraas aanay cidna ugu danaynayn; waa in aynu ka fekernaa bad-baadada dadkeena iyo deegaankeena; waa in aynu ka fogaano in aynu isu eekaysiino umad diciif ah oo cidi gumaysan karto; waa in aynu noqono umad meel kasta oo ay joogto mudakar ku ah; waa in aynu ka xishoono hadaladan diciifka ah ee xanbaarsan fulaynimada aan lagu aqoon deegamadan ee odhanaysa “ ***** baa ina qabsanaya! Ama ***** ayaa ina difaacaya” waxaan odhan lahaa raga sidaas u fekeraaya please ha naga xumaynina taariikhda! Lamana hayo taariikhda maalin uu deegaankan iyo dadkiisu ku baxsaday hiil *****. Sidoo kale lama hayo meel ***** inagaaga bursaday iyo gole aynu habrasho ku joognay! Mar hadaan ahay umada karaamadaas leh waa maxay habrashada iyo muusanawga ay ka xishoodeen Awoowayaasheen ee aynu manta dadkeena iyo deegaankeenaba u horseedaynaa? Tusaale waxaan idin waydiinayaa Su-aal culus ee bal please jawaabteeda soo ban dhiga; Taariikhda ma la hayaa maalin Dadka dega deegaanka SSC uu ku baxsaday hiil *****? Ma jirtaa maalin aynu ***** ugu qayshanay hiil xataa ******* wayne? Ma jirtaa maalin aan ********** dan mooday oo aan ka helay gacan walaalnimo? Waxa kale oo aan idin odhan lahaa bal ka fekera gunimada ay leedahay in reerku hoos galo cid leh waan idin difaacayaa iyo in uu keligii rag wax la qaybsado? Waxaad ogaataan nin kastaa wuxuu doonayo ayuu heli doonaa; ee ma idin la tahay in aynu u noqono taariikhda deegaankeena? Hadaan soo uruuriyo waxaan weli leeyahay walaalayaal waxaynu u baahanahay xal degdeg ah oo aan ahayn hoos galka difaac ***** iyo cabsi ***** midna! Ee bal soo ban dhiga fekeradiina idinka oo si
  20. Nayruus Is on it once more. A bitter nationalist indeed. An Snm hater to heart. But in denial to fact that the Abreviation SNM stands for SOMALI NATIONAL MOVEMENT.
  21. juma-nne

    LOOOL

    good one indeed
  22. Actually,This is not a true story. Just so you know...it has different variations for different towns. Garissa has its own "MP" who said that & so does Mandera & all the rest. LOL Btw,Xargaa,You plagiarized this joke right? I know the author who made this joke over in Karmel ooh really where the hell is karmel by the way? I didnt know Sijui Jokes are copy right protected? Just an advice to Faarax brawn please dont report our brother xargaga to your local chief cause kibandeba maqabo.
  23. Ciidamada Qaranka Somaliland oo si weyn u Jabiyay Ciidankii Ururiska ahaa ee is bahaysatada Puntland iyo Dawlada Ku Meelgaadhka ah Somaliland.Org — Laascaanood, Somaliland — 24 September, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Somali Voice (Bristol) UK. Ciidamada Qaranka Somaliland oo maalmahanba heeggan buuxa ugu jiray inay raamsadaan isbahaysatada Maleeshiyoonka dawlada ku meelgaadhka ah iyo ciidamada ******eeniya ee ururiska oo beryahanba ku soo qulqulayay magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ayaa saaka Jab culus u geystay maleeshiyooyinkaas ururiska ah oo saaka weerar kusoo qaaday ciidamada Somaliland. Ciidamada Qaranka Somaliland oo iyagu ah ciidan dhisan oo tababarro nooc kasta ah qaadanayey 16 kii sanadood ee tagay ayaa saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigay ciidamada cadawga, waxaana ciidanka qaranka Somaliland ay maleeshiyada ******teeriniya iyo Kuwa dawlad ku sheegta ah ay u geysteen qasaaro laxaad leh, waxaanay ka dileen askar aad u tiro badan iyaga oo waliba ka dhawaacay kuwo kale oo badan isla markaasna ka qabtay maxaabiis tiro badan, dhinaca kalena waxa ciidamada qaranku ay gacanta ku dhigeen saanad milatari oo kala duwan oo ay ka yaaceen maleeshiyada weerarka soo qaaday. Sarkaal ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland oo ku sugan dooxada Abeesalay ee duleedka Laascaanood oo diiday in magaciisa la sheego ayaa Somali Voice u caddeeyay in ciidanka Somaliland ay baacsadeen maleeshiyada soo duushay, waxaana uu sheegay inay maleeshiyada Puntalnd iyo kuwa ku dawlada ku meelgaadhka ahi ay orod ku galeen magaalada Laascaanood, waxaana uu sarkaalkaasi ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland uu sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ay ka hadheen markii magaalada laascaanood ay orod ku galeen maleeshiyada soo duushay, iyaga oo ciidamada Somaliland u tudhaya shacbiga iyo maatida ku nool magaalada Laas caanood darteedna ay uga istaageen inay magaalada galaan. " Waxaanu imika ururinayaa dhaawicii ay ka yaaceen maleeshiyada imbagaati iyo ta ******eeniya waxaana aanu siinaynaa daawooyinka ay u baahan yihiin dhaawacani anaga oo tix galinaya xeerarka caalamiga ah ee u degsan milatariga xilayada dagaalka lagu jiro" ayuu yidhi sarkaalkaas ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland. Si rasmi ah wax war ah wali ugamay soo saarin xukuumada Somaliland dagaaladan dhacay, waxaase laga warqabaa in siyaasada cusub ee Somaliland ay tahay mid ku salaysan hadal yar iyo hawl badan, halka dawlada ku meelgaadhka ah iyo Puntland ay caado u tahay inay afka gacanta iska galiyaan marka la xanuunjiyo. Kaysar Cabdilaahi Bristol. UK The Somali Voice