juma-nne

Nomads
  • Content Count

    253
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by juma-nne

  1. “Doorashadu maaha hebel baan necebahay iyo hebel baan ku bedelayaa, laakiin doorashada dhicitaankeeda ayaa inoo faa’iido ah oo aynu kaga guuraynaa Soomaaliya” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile. Hargeysa (Oodweynenews)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa wallaac weyn ka muujiyey dib-u-dhac mar kale ku yimaada doorashada Madaxtooyada oo uu sheegay mid halis gelinaya somaliland, caddowga somaliland-na ka farxin doona. Waxa uu Sidaa ku sheegay Md. Maxamed Faarax Qabile mar uu shalay xarunta Golaha Wakiillada ugu waramayey wargeyska Jamhuuriya, shabakadaha wararka ee Berberanews iyo Oodweynenews waxa uu sheegay in bulshada caalamku indhaha ku hayso doorashada Madaxtooyada, isla markaana ay ballanqaadeeen inay tahay iminkaanka lagu xidhayo aqoonsi ay hesho. Haseyeeshee waxa uu muujiyey inay jiraan cago-jiid badan oo halis ku ah in dib-u-dhac kale yimaado. Md. Qabile waxa kale oo uu waraysigiisaas ku duray xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti oo uu sheegay in aannu garanayn faa’iido uu leeyahay, isagoo tilmaamay in aanay Jabuuti raali ka ahayn madaxbannaanida Somaliland oo ay tahay cadow. “Shuruuda iyo imtixaanka caalamku wuxuu ahaa haddii doorashada soo socotaa noqoto mid xor iyo xalaal ah in Somaliland aqoonsigeedu ku xidhan yahay, waxa maanta muuqata cago-jiid badan oo dhinaca doorashada ah. Somaliland cadow badan ayey leedahay, maanta Soomaaliya oo Jabuuti lagu soo aasaasay dhawr iyo toban dawladdoodna ay ka dumeen, Somaliland-na intaas oo dhan dhismaysay maanta dan weyn baa ugu jirta in doorashada Somaliland qabsoomiweydo, Puntland dan baa ugu jirta, Jabuuti dan baa ugu jirta oo siyaasadeedu waxay tahay in doorashadaasi dib u dhacdo. Haddaba ninka reer Somaliland ah ee doonaya in doorashadaasi dib u dhacdaa muxuu eegayaa? Somaliland haddaynu mucaarad iyo muxaafad nahay waxay dani inoogu jirtaa in doorasho qabsoonto,” ayuu yidhi Md. Qabile, waxaannu intaa ku daray, “Deeqbixiyayaashu waxay ballanqaadeen haddii Serfarku dib u dhac innagu keenayo inay innaga ogolaanayaan bilaa Serfer in doorashadu ku dhcado haddii aynu isla ogolaano. Waxa kale oo ay inoo ogolaadeen in haddii xukuumaddu bixin kariweydo lacagta doorashada ee 25% ah in aynu soo sheegno bishan aynu ku jirno ee June 16-keedii, si ay u buuxiyaan. Deeqbixiyayaashu waxa kale oo ay ballanqaadeen inay innoo soo diraan khubaro waayo-arag ku ah doorashooyinka sida Kiiniya oo kale, maadaama Komishankeeda jilayc lagu sheego, taasina waxay muujinaysaa siday uga hadhi la’yihiin in doorasho ka dhacdo Somaliland.” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sheegay in aanay doorashada Somaliland ahayn mid cid gaar ah u dana, isla markaana aanay ahayn hebel hebel ku beddel, balse ay tahay mid faa’iido u ah Somaliland oo dhan. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan sheegayaa in labada xisbi mucaarad ku dhiiradeen oo dareenkaas muujiyeen, dhawaana wadahadaladii axsaabtu way soo salgaabteen oo xagga doonayey in ay deeqbixiyayaasha qanciyaan waxa muuqata in xisbiga UDUB ka cago-jiidayo arrimahaas. Waxaan leeyahay UDUB xisbigii soo baxaaba waa hooggaankii dalka, waxase maanta shaabadi ku dhacaysaa cid kasta oo diida ama ka warwareegta doorashada iyadoo adduunku sidaa inoogu heelanyahay, maaha doorashadu hebel baan necebahay iyo hebel baan ku bedelayaa, doorashada dhicitaankeeda ayaa inoo faa’iido ah oo aynu kaga guuraynaa Soomaaliya. Xasillinta Geeska Afrika oo maanta adduunku ku dhako faaray in xasilloonidaasi saarnaan doonto baalasha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa jira waddamo badan oo inagu gedaaman oo aan u soo jeedinayno inay faraha kala baxaan wax kasta oo dibindaabyo u keeni kara Somaliland sida Jabuuti oo kale, waa dal aannu dhismihiisa ka qayb galnay, waa dal aannu nabadiisa jecelnahay. Labada dal shacabkoodu waa dad walaalo ah oo dhaqan iyo diin isku mid ahba leh, laakiin hoggaanku saamaynayo bulshadiisa. Deeqbixiyayaasha waxaan leeyahay doorashada Somaliland nin kuma xidhna, xisbi kuma xidhna ee waa himilo uu shacabku aayo-ka-tashigiisa ku go’aansaday oo helitaanka xorriyadooda goostay.” “Maamulka tallada dalka haya ee Madaxweyne Rayaale oo muddadiisu dhammaatay ee muddo-kordhinta maqaar-saarka ahayd ku fadhiya, waxaan u sheegayaa in aanay jirin meel dambe oo laga xigto muddo-kordhin, haddii taa lagu sii adkaysto waxa weeye, in cidii cago-jiidkaa Somaliland ku samaysaa in aanay daacad ka ahayn jirintaankeeda,” ayuu intaa raaciyey. Mar la weydiiyey su’aal ahayd masuuliyadda dib-u-dhaca doorashada waxaad saartay xisbiga UDUB iyo xukuumadda, waxa jiray dhawaan inay xisbiyada mucaaradku soo jeediyeen in la beddelo ama xubno kale lagu kordhiyo Komishanka miyaanay taasi ahay mid dib-u-dhaca qayb ka ah, waxa uu ku jawaabay, “Beddelaada xubnaha Komishanka yaa dalbaday, iyagoo maaweelo iyo wax kala bedel ka dhiganaya si ay u qariyaan khaladaadka, is-dabamarinta iyo ruxanka dhexdooda ku jira ee saddexda guddoomiye ay marayaan, iyadoo aannu jirin xeer dhigaya beddelkooda, markasta Madaxweynuhu dib-u-dhaca Komishanka ayuu saaraa, Komishankauna Interpeace, innagu Komishan ayeynu diranee ma Interpeace diranay, doodaha uu Madaxweynuhu ku difaaco Interpeace-na waa gacan-saar dibadeed oo dhawaan soo bixi doona.” Isagoo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa iman kara haddii doorashadu ku dhici waydo waqtigeeda waxa uu yidhi; “Waxa iman doonta mugdi iyo dib-u-dhac weyn oo hadheeya taariikhda iyo horumarka Somaliland, waana mid ka farxin doonta caddowga Somaliland. Waxa kale oo la weydiiyey Md. Qabile asaabaha uu u durayo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaannu ku jawaabay, “Xukuumadda Jabuuti waxa ka soo yeedhay in haddi Somaliland wadahadal dhaw la yeelato xukuumadda Sheekh Shariif in Jabuutina ay gacan-saar dhaw la yeelanayso Somaliland, waxa kale oo Ismaaciil Cumar Geelle wakiilkeenii uu wakiilkeenii duhur cad ku soo tuuray Lawyo-caddo, maanta Jabuuti xafiis kuma lihin. Adduunka kalena badankiisa waynu ku leenahay, maxaa keenay dal aynaan xafiis ku lahayn in aynu xidhiidh sokeeye la yeelan karno, Yurub oo dhan waa lagu qabtay xuskii Somaliland ee 18 May, Jabuuti-na laguma qaban, waxaanay dilaal ka noqotay ganacsigeenii oo ay ka faa’iidaysanayso, iyadoo ka faa’iidaystay jileeca hoggaamineed ee madaxda Somaliland dalka ku hoggaaminayaan. TOTAL-ta xukunta shidaalkeena waa TOTAL-ta Jabuuti, xoolaheenii halka ay mareen waad ogtihiin.” Oodweynenews.com Desk/Hargaysa
  2. Wariyaa xaajiga meesha riwaayada umadda loodhigaayo kuuma muuqato miyaa? maxaa maanta isu-keenay ina oomaar iyo ina dhoola yare oo midba dhinac metaalaayo. . Mid waliba dhinac ayuu xogaagiisa ka urursadaa umadana been usheegaa. Washingto ma djibouti ayaiy ka liidataa ileyn somaliland inageele waa kaa kushaqayste.
  3. Show shirka n Washington rag baa lagu qancinaaya.
  4. Qaylo Dhaanka Ka Imanaya Dawlada Somalia Iyo Tuhunka Ciidamo Somaliland Oo La Sheegayo In La Geenayo Somalia June 22nd, 2009 Comments Off Warar aan xaqiiqdooda wali la hubin, ayaa sheegaya in dawlada Sheikh Shariif ka codsatay xukumada Riyaale in ay ku kaalmeeso ciidamo ay kaga hor tagayso mucaaridka Al Shabaab, ee ay la dagaalmayso. Ilaa iminka lama oga jawaabta xukumada Riyaale kaga timid Xukumada Sheikh Shariif, waxaase jira cadaadis badan oo ka imanaya wadamada reer galbeeda, kuwaas oo xukumada Somaliland iyo dawlad gobaleedka Puntland ba ku dhiirinaya in ay kaalmeeyaan xukumada Sheikhl shariif, si ay isaga caabiso dagaalka ay kula jirto ciidamada xagjirka ah, ee isku magacaaba Alshabaab. Maalinta khamiista, ee bishu Jun 25 keeda, 2009 ayaa magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka dhici doontaa casumaad isugu imanayaan Masuuliyiin ka socda Somaliland, Somalia iyo dowlad gobaleedka Puntlad. Kulankaas oo lagu shaaciyay webiste ka Foreign Affairs ka ayaa la sheegay in uu la xidhiidho sidii waji midaysan looga wada hortagi lahaa waxa loogu yeedhay Argagaxisada ka jirta geeska Afrika. Nuqulka warkan ku qoran foreign affairka ka akhriso halkan hoose. http://foreignaffair s.house.gov/hearing_ notice.asp?id=1093 Dhawaan ayaa Wasiirka ka tirsan xukumada Sheikh Shariif oo ku magacownaa Wasiirka Amniga dowladda Somaliya iyo saraakiil kale oo katirsan dowlada uu hogaamiyo sheikh shariif Axmed ku geeroyoodeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Baledweyne ee gobalka Hiiraan. Qaraxaani ismiidaaminta ayaa ka dhacay Hotelka Madiina ee ku yaala galbeedka magaalada Baladweyne oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaliya . Sarkaalka Mr Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii hore ee dowladda KMG Soomaaliya ee dalka Ethiopia C/kariin Faarax Laqanyo iyo saraakiil ugu sareeyey booliska gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen qaraxaa. Mana aha markii ugu horaysay ee kooxaha Al shabaab sameeyaan dilkaa ismiidaaminka ah, balse waxaa sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay qaraxyo lagu sameeyay Somaliland iyo dowlad gobaleedka Puntland, kuwaas oo sabobay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhawwacba keenay. Xukumada Riyaale ayaa iyadu marnaba shaacin siyaasada cad oo ay ku wajahyso Xoogaga Al-Shabaab, waxaase ay u eg tahay hadii ay dhabowdo warkani , mid si cad dawlada Riyaale dagaal ugu qaadi doonto xoogaga Alshabaab. Dhinaca kale, Xisbiyada mucaaridka ayaa iyagu ilaa iminka wax hadal ah ka bixin wada hadalkan la sheegay in uu u furmay Dawlada Riyaale, Dawld gobaleedka Puntland iyo Dawlada Sheikh Shariif, ee la xidhiidha sidii ciidan wadajir ah la dagaalanta Al shabaab loo sameen lahaa. Waxaase labada hogaamiye mucaarid marar hore oo ay hadleen ugu baaqeen xoogaga ka dagaalamaya Muqdisho in si nabad ah ku dhameeyaan khilaafkooda siyaasadeed, shacabka iyo maantada masaakiinta ah, ee waxa ay galabsadeen aanay jirina, uga tudhaan dhibaatada. Dhinaca kale, afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheera) ayaa shalayto shir jaraa’id oo uu khadka taleefonka ku qabtey ku sheegay in aysan Dowlada ka deyneyn dagaalka ay kula jiraan markasta. Waxaa uu ka jawaabayey afhayeenku hadalki shaley ka soo baxey Dowlada Soomaliya ee ahaa in ciidamo lala soo gaadho, xiligaan waxaana uu sheegay ama yidhi “Dowladad kasto oo ciidamo keento ,tayo kastana ha lahaadan waan la dagaalameynaa muslimintuna kama baqaan rirada ciidamada codowga ku ah islaamka” ayuu yiri Afahayeenka Xarakada Shabaab Alamujaahidiin shirkiisa jaraa’id. Wixii faah faahina ee la xidhiidha wada hadalkan Khamiista dhacaya iyo wajigu ku dhamaado kala soco Somaliland.Org. Xafiiska Somaliland.Org ee Muqdisho, Somalia
  5. War garyaqaanow ma sidaas aad garyaqaan ulabaxday? waxay lamid tahaiy soomalida oo kuwooda gaagabka ah ulabaxa magacyada aiy kamid yihiin. Awdheere iyo Cir-guje
  6. Thanks to our own “Nelson Mandela” Mr Ahmed Mohamed Siilayaano. 13 June 2009 was the day Silanyo gave a speech to Somalilanders in Sweden, and here in Stockholm. Before he held his speech, there were some people in the audience that delivered some emotional and touching speeches in front of the Chairman, Mr. Silyaano. But the speech that touched my heart was when Amina Weris held a short speech about the status of women in Somaliland and how they struggle both outside and inside the home. What she said was that they are the ones that providing the economy and nourishment for the children of the family. At the same time they are the backbone and the support and especially the assistance given by the Somaliland women in the Diaspora. But she said their efforts and work are underestimated and sometimes not appreciated. That speech from Amina Weris almost made me fall in tears because it explains how strong were our mothers and sisters through all these difficulties and constraints and how they struggles to survive under these harsh conditions. Thanks to Amina Weris, for her great speech as many of us (women in the Diaspora) are eager to hear more about plight and life conditions of Somaliland women. They were the audience who all of a sudden gathered in the Hall and listened to the speech of the Chairman of Kulmiye Party. He spoke a lot about the struggle and history of liberation of Somaliland and what had been achieved for the last 20 years. It was a great mans speech. I tried to see and analyse how his speech touched his audience. It had a great impact on them when it comes to emotions and expressions of the people in the Hall. Mr Ahmed Mahamed Siilaanyo explained in details the problems facing the nation today; both economical as socially and how the current weak government functions today. The Chairman emphasized how it is essential to make a change in Somaliland in order to build a bright future for younger generations. I believe that we need a change for the sake of our needy people. We have to cooperate and unite our resources both inside and outside the country. I deeply believe a change of the system. By: Hodan Keise Hassan, Stockholm
  7. Sxb Duke you have to know, shariif iyo ina yuusuf yeey isku d'a iyo taariqtoona maaha. If we were to sattistically anlyse we should have waited for another fifty years of somali political experience before we satart to comparatively judge this two
  8. To mr Somali Pirate AKA "M" society. Iam sorry saxb anaa qaldamay I would have never replied to your irational arguments I always confuse you with somali Pride. Apologise to somali Pride for the Mixup.
  9. ... waar malaa sidaa uma badna ,,, loool War Mr JB, war muxaafidnimadii ma halkaas ay nala gaadhay? allahayoow sahal amuuraha
  10. MR Hunguri. Such trivial comments woud not deaminor one of the surviving legendry leaders of the only and only successfull armed movement in the All SOMALI- LANDS. I am also calling for the administartion(MMA) to crack down on this trend of tribal naming and trivial insults at SOL
  11. failure of a leader. just like the rest. after 18 years of circus dancing he has got nothing to show for it. Your one line condemnation is lacking in all manner. the leader in question is proud to be one of the the leaders of a successfull struglle. He was aginst dictatorship during barre time and is still against developing dictatorial trend in Somaliland.
  12. If I am not wrong the same entity calling for the recognition of Somaliland in some other blog or news article. And who is this martin Mohamed a unique name indeed.
  13. I like the way Riiyale and Ismaciil cumar geele aiy durbaanka madhan ragan utumaan "qawda maqashii waxbana hauqaban" We'll There is this famous quote from riyaale. Hadii aan Siad Barre ahaan lahaa saan ubarte dagaalba kumadayeen.
  14. So Djibouti is a friend of Somaliland while at the same time plays the central role for the unity government of Somalia.? Can someione clarify this for me?
  15. M mitid. How abt this just read the last statement by Eng. Axmed xaashi. I believe that he is one of the most staunch pro-seccesation. Riyaale Iyo Kuwii Muddo-Kordhinta Sameeyay Waxay Dalka La Sugayaan Inta Dawladda Shariif Xoogaysanayso” April 22nd, 2009 “Madaxweyne Ku-Xigeenka Aamus Baa Lagu Yidhaahdaa Oo Talo Lama Weydiiyo, Ee Wax Loo Diro Uun Buu Soo Qabtaa” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi – Wareysi Hargeysa, April 22, 2009 (Haatuf) – “Xisbiga KULMIYE mar buu khalad galay laakiin tii hore ayuu wax ku bartoo wuu isu soo jeedaa, ina Cigaal iyo Ina Riyaalena waxay ku kala duwan yihiin, Ina Cigaal marka laga toosan yahay wuu qaadan jiray, laakiin Ina Riyaale aynu wada-hadalno ceeb buu u haystaa, tanaasulkana fulaynimo.” Sidaa waxa yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee urur-siyaasadeedka QARAN ee bah-wadaagta kula jira xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo shalay wareysi uu siiyey Telefiishanka Madaxa banaan ee SLSC iyo wargeyska Haatuf, kaas oo uu kaga hadlay arrimo xiiso badan oo la xidhiidha xaaladda dalka iyo arrimo kale, waxaanu wareysigaasi u dhacay sidan: S: Waxaad tahay injineer, oo dhinaca dhulka iyo dhismayaasha danta guud wax badan xog ogaal u ah, marna maayar ka soo ahaa caasimadda, markaa waxaad si faahfaahsan uga warantaa dhulkan danta guud ee xukuumaddu iibisay? J: Arrimahan waa kuwo cusub sida loo galayna aanay ahayn si hagaagsan.magaaladu waxay u qaybsanayd laba dhinac waxay ahayd shacab Area iyo dhinac dadweynuhu deganayeen, ingiriiskuna wuxuu ka degi jiray magaalooyinka dhinaca galbeedka ama waqooyi galbeed, qorshe wadooyin iyo dariiqyo ah umuu samayn ee wuxu ugu talo galay guryo gooni gooni fiilo ah oo ay dhirtu kala qariso, sidaas ayaanu talogalkii hore ahaa. Anigu markii aan maayarka noqday waxaan arkay hunguriga ka haya dadka dhulka shacabka, dhagax baa meel walba ka dhigtay oo ninba meel buu seegtay, taasna waxaan ku soo xidhay baarlamaanka ayaan geeyey talo’aan leeyahay shacab Area wax dambe oo dadweyne ka dhisa yaanay jirin, si looga baxo boobkii dhulkaas ku socday, baarlamaankii way ansixiyeen, madax weynihiina digreeto ayuu kusoo saaray kolka shacbigan waxay ahayd inaanu shacab Area dhul dadweyne laga iibiyaa jirin. Haddaba nasiib daro kolka dan gaar ahi jirto, danta gaarka ahi sharciga waa u col, sharcigana wixii dan guud ah ayaa loo sameeyey, marka wax la boobayo dan gaar ah ayaa imanaysa oo sharcigii waa la jiiidhayaa, markii aan maayarnimadii aan ka tagay ayaa barnaamij kii la baabi’iyey, dabadeed waxaa soo galay niman tijaarta, musuqmaasuqa ugu weyn ee dalka haystaana waa nimanka maalqabeenka ah, waxoodii oo xalala ah ayey xaaraan ka dhigaan, waxa jira xadiis Nabewi ah oo odhanaya shibir yar oo dhul ah luquntaa laguu sudhayaa aakiro, markaa dhulkan waaweyn ee ay haystaan kama bixi karaan, laakiin dad aakhiro-ba ujeeda maaha. Waxa jira qodob distoori ah oo odhanaya dawladu way munaafacaadsan kartaa, kirayn kartaa, waanay iibin kartaa, laakiin waa inay sharciga waafaqsanaataa oo waxan la iibinayaa dadka u dhexeeyaa oo la yidhaahdaa halkaasaa la iibinayaa yaa iibsanaya ee aanay noqon ka iibiya hebel uu hebel wato iyo hebel xisbiga UDUB taageera. Marka la iibiyo ee sharciga la mariyo kadibna waa in dakhligu gala miisaaniyada qaranka, nasiib darada waxa ka mid ah waaxdii garsoorku way dhimatay, xeer ilaalintina way dhimatay, Hanti Dhawrkii wuu dhintay oo hanti ummadeed oo uu ka warhayaa ma jirto, hanti dhawrka ayey ahayd inuu daba galo. Marka horena waxay ahayd hanti dhawrka in la dhaariyo, oo aan la eryi karin baarlamaanka oo la ansixiyo mooyee, immikase erigaa ka kaga weyn waxan yar ee ay qadanayaan, haddaba lacagayowga lagu iibiyey dhulkan mid galay miisaaniyaddu kuma jiro. Markaa waa xaaraan waana sharci daro iibka dhulka danka guud. S: Dhulka danta guud ee magaalada yaa masuul ka ah, ma wasaaradda hawlaha guud mise maayarka? J: Berigii aan maayarka ahaa ayaa Alle ha u naxariistee Quraab oo ahaa wasiirka Hawlaha Guud waxaanu isku qabsanay shacab Area, anigu waxaan istaagay daaraha ayey dawladda dhexe leedahay, dhulkuse wuxuu ka tirsan yahay dhulka magaalada ee maayarku xukumo, waayo shacabku maaha bogcad ka go’an magalaadda, ka dibna waxaanu isula tagnay alle ha u naxariistee cigaal, sidaas ayaanu ku kala baxnay oo anigu ku shaqo lahaa shacabka manuu soo geli jirin wasiirka hawlaha guud. S: Markaa dhulkan danta Guud ee la iibiyey sidee loo dhaxal wareejiyey ma maayarkaa iibiyey mise Hawlaha Guud? J: Dhulkan waxa lagu dhaxal wareejiyey magac inagaga yimid Somalia markii aynu isku darsanay oo la leeyahay Hawlaha Guud baa ku shaqo leh, marka ninka madaxweynaha ahi ka leexdo danta caamka ah naasnuujin baa timaad. Calaa kuli xaal, waa hawl si xaaraan ah lagu iibiyey, xoolo xaaraan ah baa la siistay oo nin lagu caawiyey, anigu waxan qabaa maalinta illaahay dawlad wanaagsan keeno inay halkeedi ku noqon oo kuwa khasaarana iyaga noqon doonaan, waayo xoolo ay nin siiyeen kuma iibsan karaan xoolo ummadeed, iyagana waxa u roon in xaaraanta laga dulqaado, sharci ay ku iibsadeena ma jiro oo dariiqadii sharciga ahayd may soo marin. Markii dhexdhexaadintii Rayaale iyo shariif - iyagu may wada fadhiisan ee waa loo kala shaqaynayey - waxa ku jirtay inay isku soo noqdaan muddo siddeed bilood ah ka dib, codsiga Riyaale ka dalbaday guurtida ee lixda bilood ah ee uu isagu yar dafiray laakiin ay isla ogaayeen oo uu isagu u diray iyo kuwii u ansixiyey muddo kordhinta waxay ku waddo jiraan dambi qaran oo ah in dalka dib loo dhigo inta Somalia iyo shariif qoladiisu ka xoogaysanayso. S: Madaxweyne ku xigeenkiina wuxuu ka tegay Djibouti, ee dayaxa iyo dugsiga maxaa isku beegay? J: Waxyaabo badan baa isku beegmay ee madaxweyne ku xigeenku markuu sii tagay wuxuu si yidhi islaamka ha lagu dhaqmo oo sharciyadi hala sameeyo iyo wax caynkaas ah, islaamka ma shalay uu xusuustay, maxaa isku begaydii bay kuso noqonaysaa, toddobadi sanadood ee u fadhiyey muxu islaam uga hadli waayey, maxaa imika keenay, horta ninkii Djibouti tagaaba shakigiisa ayuu leeyahay waayo Djibouti noqotay meel dhibaatadeenu ka kow tahay waxay ka shaqeeyaan, bililaqaysi ayey ku jiraan, xoolaheeni waa ta loo raray, ilaahay cudur buuse ku sahday oo shan markab oo xoolo ah baa ka khasaaray, xataa iddi bay qaadeen oo ciid kale dhigeen, haddana xoolihii way bukoonayaan, waxaaba hadda socota in xoolaha halkoodii lagu soo celiyo, waana ayanak dadkani leeyahay. Markaa tegistiisu (madxweyne ku xigeenka) inkastoo isagu wixii loo diro uun nin ku soconaya yahay, tallana kuma laha oo marka la doono naga aamus baa lagu yidhaahdaa. S: Markaa ma waxay ahayd markii aad golaha wasiirada ku jirtay? J: Maya dhawaan raggii wada hadalka la galay baa nool markii uu ooyayey, kelmad buu yidhi aanan xasuusnayn, markaasu Riyaale yidhi dadku waxay I waydiiyaan xagee baad ka soo qaadatay ninkan, isagii oo taagan buu sidaas ku leeyahay, waxay ahayd inuu yidhaahdo halkii Cigaal kaa keenay baad iga soo qaadatay, kuma dhaco, sida runta ahna nin jira maaha ee wax loo diro uun buu soo qabtaa. S: Wakhtigii golaha wasiirada ku jirtay waxa la yidhaahdaa cawil oo kale, wax buu qorqoraa, oo buugaag buu diyaariyaa, ma jirtay arrintaasi? J: Horta Cawil buug hore ayuu qoray oo ah kii siillaanyo mucjisada ku sheegay, laakiin cawil cidiba rumaysan mayso, oo jaamac yare waa kii yidhi waa beenaale. S: Waxa la yidhaahdaa dhulkan la iibiyey waxa laga dhisayaa daaro dhaadheer oo bilicdii wax ka bedelay, taas ka waran? J: Horta guryahan waxa loogu talo galay shaqaalaha dawladdu inay galaan oo kiro jaban bixiyaan, shaqaalihiina meesha way ka baxeen, ma xuma in daaro dhaadheer laga dhiso, laakiin waxay ahayd in sharcigii loo maro dakhligii lagu daro miisaanidda Qaranka, markaa mashruuc ummadda loogu samaynayaa ma jiro ee waa dhulkaa la boobayo. S: Xukuumadda dhaliilo badan waa loo soo jeediyaa, sharci jebin badani way samaysaa haday hanti la boobayo noqoto iyo haday mid qaranka ahba, laakiin dhibaatadu wa shacbiga oo la yidhahdo kama damqanay aan arrimahan, mana aha mid wax diidi karaya, masalan tan dhulka, dadkii iyagaa tijaarki la doonanaya, mana jiran shacbi ka hadlaya boobka dhulkan oo isu soo baxaya, markaa miyaan la odhan karin shacbia iyagaaba kuogol raggani inaysii joogaan? J: Shacbi markaynu leenahay waa dad balaadhan, baahina way haysaa oo sicir barar iyo abaaro ayaa isu galay, shaqo la’aan, laakiin halka laga dhintay waxa weeye Baarlamaan baan jirin, waaxdii garsoorku waa hore ayey dhimatay oo ninkan magacaabay ayaa wuxuu doonayaa cid u dhego nugul ee lama raadinayo cid meeshii u qalanta, taasina way wada baaba’day, waxa ku xiga baarlamaankii oo laba ah Wakiilo iyo Guurti, Guurtidu iyadu beri hore ayey talada laabatay. Waxa soo hadhay wakiilada, golaha wakiilada waxa la ogyahay inuu sannad walba ansixiyo miisaaniyad uu ogyahay in dakhli badani ka dhiman yahay oo ay iyagu sheegaan, cid ay dacwad kusoo ogeena ma jirto, markaa halka uu dalku ka dhintay waa baarlamaanka oo aan daba galayn miisaaniyadda mushaharka madaxweynaha golaha wakiiladdu 2006 ayey u gudbiyaan shirgudoonkooda in laga dhimo. Mushaharkan badan ee uu qaadanayo weli shirgudoonka ayuu la yaallaa 2007 kii ay dib loogu celiyey welina shirgudoonku ayuu la yaalaa markaa qoladiinan saxaafadu intaad Cabdiraxmaan cirro u tagtaan waxaad weydiisaan maxaad u gudbin waydeen ilayn dadka intaas oo lacag ah ayaa ka luntay intii aad hayseene, kolkaa halkaa laga dhintay dadweynaha maaha waayo dadka intiisa badani waa dad wanaagsan, waa dadkii intay dalkoodii oo buuxa ka qaxeen wax dawarsanaya la waayey. Waadadka wixii laga dumiyey dib u dhisay in badan oo kalena ku soo kordhiyey, ee jaamacadaha dhisay, isgaadhsiinta sameeyey, muddadaa cid ay waxaasi ku dhaceen oo ku wax qabsataa meelna kama jiro, Eed kale malaha shacbigu ee dirxibaa ka galay madaxa, oo madaxdii baa illaahay ka dilay. Baarlamaanka ayuu ahaa kii daba geli lahaa, bal may maalin kaliya yidhaahdaan intaas oo lacag ahi waxay ku baxday hebel iyo hebel, oo waxa weeye markay iyagu xeer illaalintii u gudbiyaan dambigii wuu ka hadhay, ummadduna way ogaan lahayd ninkii wax lagu leeyahay ee qariskan ayaa ninkii asturaysa. S: Markaad magaalada dhexmarto arkaysaa dhalinyaradii oo rajo beel taagan, waxanay qaarkood odhanayaa markii doorashadii qabsomi way ayey rajo dabarku ka qabeen isbedel dhamaatay boqolaal baana tahriib miciinsaday, taas ka waran? J: Wax Alle ummad siiyo bina adamkaa ugu qaalisan illaahayna wuu karaameeyey, malaa’iktaa la yidhi u sujuud, waxaanu illaahay bini aadamka u abuuray inuu caabudo, kow kana camiro inuu qiimo darada iyo inay dhalinyarada badda isku tuurto waa awood inaga luntay waa dadkeenii oo dalkii gabin ee dawladeedii gabtay wixii waxay ku soo noqnayaan waxan yaa u hagaajin lahaa, dee kii ay doorteen, saddexda waaxood inay isdheeli tiraan baa loo sameeey, markaa xeerdeyntii inay ka hadlaan bay ahayd sharcigan la jabinayo iyo sida xun ee wax loo wado, kuwa shaqadoodii gaba waa fulintii oo musuqmaasuq ku kacday iyo xeer dejintii oo qaban wayday. Masalan sow dhowaan Berbera lacag lagama soo dejin, siddeed gaadhi bay ahaayeen, afar baanka ayaa lagu rogay baa suuqa ku jirtay, afartii kale meeye, yaa baadhi lahaa? Waxaa baadhi lahaa baarlamaanka oo guddi u diri lahaa soo baadha, oo dacwad ku soo oogta haddii wixii meeshii laga waayo ma jiraan, qaarkood waxay sugayaan in wax laga siiyo waxaan la lunsanayo oo bahal dhaameelka ahi imaankii buu ka madhay o odayaashii u gooteyey muddo kordhinta qaar sheikh hebel la yidhaahdo intay waxoogay meel kaa qaateen markii la yidhi madaxtooyadii baa wax bixinaysa intay tii iska celiyeen tii kale qaatay, waana sheikh nasri ayaa illaahay uu si dhakhso ah u keeni siday doonayaaa noqonimayso ee sidaa illaahay yidhi ayey noqon. Waxaan layaabaa toddobaddii sannadood ee uu Rayaale joogay saddex doorasho iyo ciidankaa uu bari geeyey mooyee wax allaale wax uu dalka ka qabtay ma jiraan, fasal kamuu dhisnayn. S: Haddii Riyaale shandada qaato waad isku yaacayaan baa wasiirada qaar uu cawil kamid yahay yidhaahdeen? J: Cawil waa beenaale ee waxba ha ka soo qaadin hadalkiisa, hortii miyeynaan nabadda ku jirin, ma isagaa [Riyaale] keenay nabadda. S: Dadka qaar waxay yidhaahdeen muu isku shaandheeyo golihiisa, markaa hadii ragga qaar sida Cirro, Cawil iyo wasiirka khaarajiga haddii la bedleo ina wax ma idinka bedeli lahayd? J: Ninbaa tagsi yar buu lahaa oo niman macalimiin ah ayuu ugu shaqayn jiray, tagsigii ayaa ka xumaaday oo uu u geeyey farsamo-yaqaan, markaasuu ku yidhi waxaan ka bedel oo kan ka bedel, dabadeed makaanigii oo og ninkani inuu baayacay ayaa isagoo doonaya inuu iska joojiyo wuxuu ku yidhi gaadhigani in ilaa darawalka la bedelo ayuu doonayaa, markaa illaa ina Rayaale la bedelo ayey doonaysaa. S: Dhinaca kale waan waanta waxa la leeyahay qoloda KULMIYE waa lala heshiin kari lahaa ee qolodiina Qaran ayaa meesha ku jirta oo la mari la’yahay, taas maxaa ka jira? J: Horta KULMIYE mar buuu khalad galay markii uu ka qaybgalay kordhiskii dabadeed waxay dadku u qabaan inuu khalad kale geli lahaa, annaga taas baa imika nalagu eedeeyaa, laakiin KULMIYE tii hore ayuu wax ka bartoo isagaa isu soo jeedda. Ta kale ninka waan-waanta marka la gelayo halkee ayay ku hoyataa? Wasiir kastaa ha soo wad-wado, ina Riyaale ayey ku hoyanaysaa. Alla ha u naxariistee Ina Cigaal iyo ninkani [Riyaale] waxay ku kala duwan yihiin, Ina Cigaal marka laga toosan yahay wuu qaadan jiray, ceebna umuu qabin. Laakiin aynu wada hadalno ninkani ceeb buu u qabaa, tanaasulkana fulaynimo ayuu u qabaa, wax kastana waan ogahay buu yidhaahdaa. Kolkaa waxay doonaanba hawada galeen oo haku wada hadleene nin talo ka socon karto sidiisaba Riyaale maaha. Ta kale qolada tidhaahda dhexdhexaadin baanu samaynaynaa ee aan wasiiradiisan iyo ahayn waxa lays weydiinayaa dadku markuu wax dhexdhexaadinayo wuxuu dhexdhexaadinayaa laba qof oo is-haysta oo aanu isagu qayb ka ahayn waxan laysku haysto. Markaa waxaad isweydiinaysaa tallow nimanku ma Masar bay ka yimaadeen, mise Nairobi, waxa laysku hayaana waa sidii dalkan loo maamuli lahaa. Markaa waa kelmad iyagaba ku ceeb ah wax baanu dhexdhexaadinaynaa ee waxay ahayd inay sharciga eegaan oo kii khaldan yidhaahdaan waad khaldan tahay, ka toosana la saftaan iley Ajnebi maahee. S: Qoloda dhexdhexaadinta imika ku jirtaa waa guddidii daba-galka (monitoring) doorashooyinka oo xubno ka mid ahi dhexdhexaadintii hore ku jireen iyo Akaademiga oo taas hore soo shaxeeyay, markaa ka ururka QARAN ahaan iyo ka KULMIYE ahaanba maxaad xal u aragtaan? J: Aniga ra’yigaygu waxa weeye qoloda Akaadamigu waa dilaaliin, mushahar ballaadhan bay qaataan, kaas inuu u socdo oo aanu ka dhammaan bay jecelyihiin doorashana dhicin, hadal-haynteedana aan la deyn, waa la qaadacayaana aan la odhan ee ay isk socoto uun. Qolodan kale ee Daba-galka, doorashaba ma dhacayso oo bahalkan Server-ka la yidhaahdo waa iska cimri-dheeraysi uun ee asalku waxa weeye wada-hadalkaa Djibouti wado (Somaliland iyo Somalia) cidii ka qayb-geli lahayd inuu Ina Riyaale noqdo oo aan doorasho dhicin, waxan kale oo dhami waa xaabadii dabk lagu shidayey. S: Waa maxay ra’yigaaga ugu dambeeya ee aad dadka u jeedin lahayd? J: Horta kuwan (xukuumadda) muddadoodii way dhammaatay ee waa in dadweynuhu isu tago oo dawlad ku-meel-gaadh ah samaysto. Qolodan wakhtigoodii wuu dhammaaday, Golaha Guurtida wakhtigoodii wuu dhacay, goleyaasha degaanka wakhtigoodii iyagana wuu dhacay, waxaad odhan kartaa sifaha aynu maanta ku jirnaa waa qaran baaba’ay oo kale (Failed State).
  16. I dont agee with you on that Mitid. The takeove of LA by Somaliland administartion changed nothing in particula. This execise Just helped Riyaale gain some Alliance to the east In case Oday Siilanyo Tries any mischevious move through his Clansmen(HJ) The main Threat to his Longevity on that top sit. Next I dont see any Political Gains to the overall Agenda for recognition. LA is still not the boardepoint for the enclave.One more thing it actually Helped riyaale impose a non accounted 2% tax increase on the locals as a pretext for helping the acquired town of LA. I dont see any tangible gains for Somaliland on this actually It's an unnecessay cost and unworthy if you look at the bigger picture.
  17. Geting Ulcers For what Sxb? for Defeated Kulmiye and Formation of a somalilnd based in and around Hargeysa? Let me be honest with you sxb. As far as Riyaale is on that top sit no one worries abt seccesationists. Maybe if That defeated Siilanyo comes to power things may have little bit tilt but not much still.
  18. odeyga siilanyo Sidani silic kaweyne muu intu iscasilo. burcadisii iskakaganoqdo. Ilayn Hargaysa looga dhaaraye.
  19. Ok saaxb waa kanoqday. haseyeeshee hargaysa ingiriis ayaaba jooga oo ugarnagaya ee yaan lagudaalin igadheh
  20. Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale Hanquusle halowle Garaad himhimowle Wooow. Taasina ma hargeysay katimid mise waa kuwii hargeysa kabaxa laguyodhi?
  21. Halkaa waxaa kahadlay nin Iskumagacaabay Jacayl Baro. oo wuxuu yidhi Nimuu hadalku duug yahay 65. Dalab carrabku leeyahay 66. Deg deg aan u odhan karin 67. Ayaa yidhi Daryeeloow 68. Madaxweyne dooroow 69. Daahir Ina Rayaaloow 70. Daadihiyaha Qarankoow 71. Naanaystaydu waa JB 72. Nin la dheregsan baan ahay 73. Hargeysaan ka doodaa 74. Adaan kuu dadaalaa 75. Ninkii adi ku diidana 76. Dagaal baan ka xigayaa 77. Waxa aan dudubiyaa 78. Amaantaada doorka ah 79. Dibnahayga kama dhigo 80. Waxa aan u ahay Diig 81. Dhawr ii dareeroo 82. Duunyadayda lagu daro 83. Diristayda ku horrada 84. Garashadana kala daran 87. Duudka iyo oogada 88. Qalbigoodu waa doog 89. Waxa lagu dirsoocaa 90. Dilaaliinta Udub iyo 91. Denbigiyo xumaanaha 92 Distoorkaad degsatay 92. Dulmiga kusalaysan 93 doodaan galoba waan udaliishadaa Sudaanka I hope for the best but you also know well things are not going well.
  22. I got you Uncle Mitid And Iam watching as it unfolds. I however would like to remind you too that Handing over Mandeeq to the very Butchers wont resurect its lost glory. Learn from experience Uncle Learn from experience
  23. This is what is going on in Hargeysa. I am Sorry to say that The glimmer of hope is already between a rock and hard place. I hope things ends in peace. Enjoy this Piece: Written by one disgruntled Kulmiye Supporter. Daahirkii Horaan ahay Khudbadii Dahir Riyaale ee DC January 2008 158. Daba ******yadiiniyo 159. Kacaan diidayaashii 160. Dabinadana xidhi jiray 161. Xanta duubayaashii 162. Denbigooda baadhiyo 163. Sirdoonkii la daba dhigay 164. Daahirkii wataan ahay Gabaygii Dahir Riyaale ka tiriyey DC booqashadiisii Maraykan ee January 2008-kii ayaa wuxuu ku faaleeyey kagana waramay qorshayaashiisa siyaasadeed , shakhsiyadiisa iyo sidii lagu doortay ee uu ku yimi kursiga Madaxtooyada. Dahir Riyaale wakhtigaas waxa uu caddeeyey inaanay sinaba suurta gal u ahayn inay doorasho dhacdo maadaama oo guurtidu diyaar u tahay inay mar kasta oo uu doono u kordhinayso waxaanu ku caddeeyey khudbadiisii , Dahir Riyaale waxa uu ka waramay arimo badan khudbadii Riyaale oo gabay lagu turjumay kana waramaysa wax badan oo odayga laga helay waa tan. 1. Rayaaloo dalxiiskii 2. Ictiraaf ku doonoo 3. Durkayoo fogaadoo 4. England doorar joogoo 5. Damaashaadna loo tumay 6. Daanshooday baan ahay 7. Daartii caddayd iyo 8. DC baan dul joogaa 9. Waxa aan dawaafaa 10. Duni wada cajaa’iba 11. Weli daawashaan ahay 12. Duni barasho waa kow 13. Dhalin qiiro damaqdoo 14. Dal tabyadu ku raagtiyo 15. Udub doora baan helay 16. Way I daadeheeyaan 17. Wax kastoo aan doonaba 18. Deg deg bay u keenaan 19. Deeqsiyaal wanaag badan 20. Doolarkana aan waayeyn 21. Iyo duul gobaan helay 22. Rashiid waa hal doorkood 23. Waa wiil dirsoocdii 24. Sumadiyo dirayskii 25. Ku daliigan tahay Udub 26. Sacad wuu I deeqoo ( Sacad Sh.Cisman Nur ) 27. Waa oday dadaal badan 28. Duulka uu la joogana 29. Derejuu ku leeyahay 30. Waana laga danbeeyaa 31. Inkastaanan uba diran 32. Ictiraaf ku daal iyo 33. Dano shacab buu raadshaa 34. Dareenkaygu kama helin 35. Dani waxaan ka baqayaa 36. Inuu damac ku soo jiro 37. Uu doorashada rabo 38. Inkastaanan doonayn 39. Vote loo dareeraba 40. Duubcadayda ii xidhan 41. Diyaar ay u joogaan 42. Inay iigu duugaan 43. Intii aan ka doonaba 44. Haduu dookha ku hayaba 45. Oo uu diyaar yahay 46. Waxaan uga durkinayaa 47. Ninka fooxa daaree 48. Aan duniba war u hayn 49. Haduu diido yeelkii 50. Isagay u darantahay 51. Waana laga digtoon yahay 52. Qaar kaloo dayooboo 53. Hadba duulal sheegtoo 54. Kulmiye uu dareershoo 55. Ucid dhaar ka duugtoo 56. Diiday inay ku biiraan 57. Dawo ma lihin lagu yidhi 58. Didsan baa iyana yimi 59. Waxan idhi dirsoocdiin (Rayaale weydiiyey) 60. Iyo sheega degelkiin 61. Dalka aad ku nooshiin 62. Dadka yaad la hoyataan 63. Aad ka soo dareerteen? 64. Nimuu hadalku duug yahay ( Guulwadaashii heesaayey) 65. Dalab carrabku leeyahay 66. Deg deg aan u odhan karin 67. Ayaa yidhi Daryeeloow 68. Madaxweyne dooroow 69. Daahir Ina Rayaaloow 70. Daadihiyaha Qarankoow 71. Naanaystaydu waa Dude 72. Nin la dayrshay baan ahay 73. Minnesotaan ka doodaa 74. Adaan kuu dadaalaa 75. Ninkii adi ku diidana 76. Dagaal baan ka xigayaa 77. Waxa aan dudubiyaa 78. Amaantaada doorka ah 79. Dibnahayga kama dhigo 80. Waxa aan u ahay Diig 81. Dhawr ii dareeroo 82. Duunyadayda lagu daro 83. Diristayda ku horrada 84. Garashadana kala daran 87. Duudka iyo oogada 88. Qalbigoodu waa doog 89. Waxa lagu dirsoocaa 90. Dilaaliinta Udub iyo 91. Denbigiyo xumaanaha 92. Intaa wuxuu ku sii daray 93. Doorashana ha noo qaban 94. Waxaad doonto noo sheeg 95. Kuwii dumiyey qarankee 96. Daryeeliiyii Siyaad iyo 97. Kacaankeenii diirrane 98. Dalqoweyne dhaliyiyo 99. Dawladeenii hore riday 100. Siilaanyiyo dirkiisiyo 101. S-tii dirirta waalayd 102. Doorashada ka dheeree 103. Dawladeena yay qaban 104. Adna daa’imkaa joog 105. Daahir Ina Rayaaloow 106. Duulkuu hor kacayee (Weftigii Rayaale) 107. Dabadiisa taagnaa 108. Sacab bay ku deeqeen 109. Deex iyo amaan badan 110. Wuxuu yidhi dadkayggow (khudbadii Rayaale) 111. Shacabyohow dedaalaa 112. Arinteenu waa duug 113. Duniduna ma fahansana 114. Wayse ina dareemeen 115. Duul jira inaan nahay 116. Docda aan ku naalana 117. Degel nabada ay tahay 118. Hayeeshee wax baa dedan 119. Amuuraa dahsoon weli 120. Dahaadh uu ku xidhan yahay 121. Anigana dareenkay 122. Dubaaqayga waxa jira 123. Inaan lay daryeel qabin 124. Dayac badani uu jiro 125. Doodna laygu sii daro 127. Aan dilaacshe hadalkoo 128. Duurxulka aan ka saaroo 129. Daabac aan ku jiidee 130. Daymanadiina ii fura 131. Marka hore dumaal iyo 132. Duugtii ina Cigaal iyo 133. Dar Allaan ku imi kow 134. Doorashadu jacayl iyo 135. Deeq layla maagiyo 136. Dalacsiina ma ahayn 137. Dulqaad iyo wanaag iyo 138. Dayibnimo aan leeyahay 139. Dadku hore u mahadsheen 140. Beel daaje ma ahayn 141. Sheekh laga ducaystoo 142. Dalabkiisa la aqbalo 143. La durraanto ma ahayn 144. Daaci diinta faafshiyo 145. Awliyada dirkeedee 146. Daayimkoodu jecel yahay 147. Eebbe doortay ma ahayn 148. Waxan ahay nin dulin iyo 149. Dakanooyin hore qaba 150. Didmadiina feejigan 151. Dawladdii aad dumiseen 152. Dagaalada ku qaadeen 153. Ciidankii ku dayraa 154. Aad duhurka jebiseen 155. Taliyii dalbanayee 156. Dirirtaba hor kacayiyo 157. Daahirkii horaan ahay 158. Daba ******yadiiniyo 159. Kacaan diidayaashii 160. Dabinadana xidhi jiray 161. Xanta duubayaashii 162. Denbigooda baadhiyo 163. Sirdoonkii la daba dhigay 164. Daahirkii wataan ahay 165. Duqsi iyo da’diisii 166. S-ta dunida keeniyo 167. Kuwaad nagula doodaan 168. Aad dayaxa saartaan 169. Iilka laga ****olee 170. Uu dunida kaga hadhay 171. Ina Xaashigaan diray 172. Ninkii dooni jirayee 173. Derejada ku qaatiyo 174. Raggii loo diraan ahay 175. Ninkii duhur dharaareed 176. Daafaha aduunyada 177. Wargeysyada la daabaco 178. Raaqiyi ku duugtee 179. Denbigiisa lagu qoray 180. Ee daliilka maragiyo 181. Arimo aan la dedi karin 182. Shaahid loogu sii daray 183. Isna aan dafirinee 184. Dacaayadaa ku sheegiyo 185. Garoo Daahir baan ahay 186. Derejadaad I siiseen 187. Daartaad I geliseen 188. Dalacaadda madaxnimo 189. Arin Daa’im keeniyo 190. Deeq Eebbe weeyaan 191. Daacadnimana ma ahayn 192. Nina dubaaqa muu gelin 193. Doorashada Rayaalee 194. Duleedkaan ka soo helay 195. Idinkana dayow iyo 196. Dani been ahoon jirin 197. Daruur haw hayaamina 198. Ducaday ma kacaysee 199. Waxa iga dardaarana 200. Hadaad dunida dooc iyo 201. Dareen aad u leediin 202. Hadaad dhego dalooliyo 203. Maqal debecsan leediin 204. Hadaad waxa danbeetiyo 205. Saadaasha deristaan 206. Dorraad iyo wixii tegey 207. Iyo doorkan maanta ah 208. Degelkiina waxa yaal 209. Xusuus daarran leediin 210. Waxa aan ka digayaa 211. Inaad digo kulaashaan 212. Cagahana dab gelisaan 213. Dunidaba waxaan jirin 214. Iyo caddaalad doontaan 215. Anna doorkan maanta ah 216. Dagi maayo waxaan helay 217. Nin kastoo is door bida 218. Ama sheegta diric ba’an 219. Daluun baan ku ridayaa 220. Ilaa lay dabbaal dego 221. Oo durbaano lay tumo 222. Degi maayo weligay 223. Hadii lay damaaciyo 224. Kursigana aan lay dayn 225. Dabaday ma jiraysaan
  24. Now Mr. JB Whom do we belive or at least makes sense. The invader or the invaded?