
Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Halkan Ka Dhageyso: Prime Minister Mohamed Farmaajo oo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho Kusoo Dhoweeyey Wafdigii SSC iyo Shirarkii SSC & Dowlada Dhaxe ee Federaalka oo ka Furmaya Caasimada Muqadisho La soco Guud ahaan Shirarka SSC iyo Dawlada Federalka oo usbuucan ka furmaya Caasimada Muqdisho
-
Originally posted by Pasha: quote:Originally posted by oba hiloowlow: Guuleeystaa reer SSC Cadowna yuu isku dirin walaalaha Thank you. Thank You Again, Guul iyo Gobanimo Midnimada Somaaliya
-
Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo Gaadhay Magaalada Muqdisho. Waxaa saaka Barqonimadii soo gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo Garaadka guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac. Waftigan oo ka soo ambabaxay xarunta KMG ah ee SSC ee Dharkeyn geenyo, ayaa saaka abaaro 11:00 subaxnimo ka soo degay Gegida caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdishi. Waftiga ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Mas'uuliyiinta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed oo uu horkacayey Ra'iisal wasaare Maxamed Abdullaahi Maxamed. Waxaana soo dhaweynta qayb ka ahaa xildhibaanada SSC ee Barlamaanka ku jira iyo kuwo Soomaaliyeedba. Waftiga Garaadka ayaa waxaa ka mid ah Hogaamiyaha SSC, Dr: Saleebaan Ciise Axmed , Madaxa Difaaca iyo aminiga Col: Yaasiin Cali Abdulle{Tamaad}, madaxa Daskuurka Ibraahim Guure. Waxaana waftigan ay horudhac u yihiin wafti kale oo uu hogaaminayo madaxa Warfaafinta Cumar Jaamac Suleiman iyo kuwaasoo ayaguna ku soo aadan Muqdisho maalinimada berri ah. Markii waftigu soo gaadheen Gegida Aadan Cadde ayaa waxaa loo galbiyey xaga aqalka Madaxtooyada, ayagoo halkaas shir kula qaadan doona madaxda sar sare ee dawladda Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed. Waftigan ayaa lagu wadaa inay kala xaajoodaan Madaxda Soomaaliya arimaha guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan mandaqada SSC, waxaana hogaanka SSC uu horey u cadeeyey inuu ka tirsan yahay taageersan yahayna dawladda KMG ah iyo hanaanka dawladnimo ee Soomaaliya ka hanaqaaday, waxaana lagu wadaa inay heshiisyo dhaxal ngal ah soo wada gaadhaan labada dhinac. Faah faahinta warkan iyo kulamada waftigu la yeeshaan Madaxdaba waan idin soo gudbin doonaa dhawaan Insha Allaah. Horufadhi.com
-
Garad Jamac Garad Cali iyo wafti uu horkacayo oo gaadhay Muqdisho Garad Jaamac Garaad Cali Garaad Jamac iyo wafti balaadhan oo uu horkacayo ayaa gaadhay magaaladda Muqdisho iyada oo uu horay u sii joogay Hogaamiyaha SSC Dr Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglatoosiye) iyo xubno heer qaran ah Waftigan Garad Jamac Garad Cali Hor kacayo oo iminka ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Raysulwasaare Farmaajo, wasiiro iyo Xildhibaano DFKM ah waxana ay shir nasasho ah iyo isbarasho ah ku leeyihin qaybta V.I.P-da ee Garoonka Dayuuradaha ee Aadan Cadde sida uu noo xaqiijiyey Madax Arimaha gudaha Dr Abdirashiid Barkhadle waxa ay waftigan la kulmayaa Madaxweynaha, Raysulwasaaraha iyo xubno kale oo muhiim ah, ka dibna waxa ay u sii dhaqaaqaysaa Nairobi, Adis abab, Jabuuti iyo Doxa oo ay shir Somalida khuseeya lagu qabanyo Allssc kala soco kulamadda iyo wararka waftigan heerka qaran ah
-
Shacab Soomaaliyeed oo dalkooodii jooga, in lagu tilmaamo "qaxooti shisheeye" waa arrin laga xummaado. Waa nasiib daro in qof Soomaliyeed lagu dhaho ka bax magaaladaadii, waayo reer hebel matihid Muwaadinka Soomaaliyeed halkuuu aadayaa hadii dalkiisa laga Musaafirayo? Ma America, Europe, Arab Country, mise Kenya Qof kasta oo soomaali xaq ayuu u leeyahay inuu ku nooladu meel kasta oo wadanka Somalia ka mid ah, cid inay ka xigsatu waa gaf iyo khalad weyn,
-
Somaliland policy concerning refugees in the country
Liibaan replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
No Somali will ever be a refugee in his own country Somalia, or any region within Somalia like SSC. Every Somali person have the freedom of mobility and movement, the right to move and live in any city or region within Somalia. SSC is the home of all somali people and somalinimo, so all Somalis who born in Borame, Dijibouti, Mogadishu, Kismayo, Dhagax-Buur, Jijiga, Garissa are more than welcome in SSC regions. Every Somali regardless of his/her region/qabiil will always feel home in Las Anod, Xudun, Taleex, Yagoori, Kalabaydh, Widhwidh and Buhoodle and all other cities/ towns in SSC regions. Dhulka Soomaaliyeed lama kala xigo, Muwaadinka Soomaaliyeed xaq ayuu u leeyahay inuu ku noolaadu meel kasta, magaalo kasta, iyo gobol kasta oo ka mid ah Somalia sida Gobalada SSC -
Oba Hiloowlow, Walaalo, waad ku mahad santahay taageerada iyo dhiira galinta, waanuna kaa aqbalnay hambalyada Hanoolatu Midnimada Somalia, Hanoolatu SSC iyo dhamaan Gobalada Somalia
-
Kalluun OO Hargeysa Soo Gaadhay iyo Siyaasiyiin Somaliweyn Ah OO Ku Soo Qul-qulaya Waxa la sheegay isaga iyo xubno kale inay Madaxweyne Siilaanyo kula kulmeen Jabuuti Hargeysa (Waaheen) Cismaan Jaamac “Kalluun” oo ka mid siyaasiyiinta reer Somaliland ee Aaminsan Mabda’a Somaliweyn ayaa shalay si rasmi ah uga soo degay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport. Imaansha Cismaan Kaluun waxa Waaheen u xaqiijiyay mid ka mid ah dadkii ku soo dhaweeyay madaarka oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay, waxaanu sheegay inuu ka soo Duulay Dalka Jabuuti oo uu maalmihii u danbaysay ku sugnaa. Ilaa hada ma cada qaabka uu ku yimi siyaasigan reer Somaliland ee Aaminsan Mabda’ii jiritaanka Dawladii burburtay ee Somaliya, inkasta oo uu dhawr jeer oo hore Dalka soo galay isagoo fikradaas Aaminsan oo aan wax talaabo ah oo laga qaadayna aanay jirin. Hase yeeshee warar aanu ka helnay ilo u dhuun daloola Cismaan Kaluun Safarkiisa ayaa xaqiijiyay in isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo ay ku kulmeen Dalka jabuuti markii uu Madaxweyne Siilaanyo booqashada ku joogay Dalkaas, kulankaasoo aan wax faahfaahin ah laga helin ujeedadiisa. Balse waxa malmahanba hadaal hayntoodu Suuqa ku jirtay inay Imanayaan Rag badan oo waaweyn oo Siyaasiyiin ah oo Aaminsan Aragatida Cismaan Kaluun kuwaasoo ay dadweynuhu wax badan iska weydiinayeen waxa xiligan ay Dalka u imanayaan iyagoon ilaa hada la ogayn inay ka noqdeen Mabda’oogii iyo inay Ogolaansho soo weydiisteen Xukuumada talada haysa. Waxaanay u muuqataa hadii aan la haynin wax qoraal ah ama cadaymo kale oo muujinaya inay ka noqdeen fikirkoodii inay meel ka dhac ku tahay arankan inay Dalka iska soo galaan niman u dhashay balse ka soo horjeeda kuwaasoo ay Golayaasha Qaranku ka soo saareen Go’aamo sharci ah oo talaabo ka qaadaya xisaanadooda sida lagu qaaday kuwo la mid ah oo Dalka iska soo galay oo xabsiga loo taxaabay. Si kastaba ha ahaatee waxa uu Cismaan Kalluun xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladihii ma dhalayska ahaa ee ay beesha caalamku u dhistay Koonfurta Somaliya kuwaasoo uu ka soo qabtay ilaa heer Raysal wasaaranimo, imaanshihiisa Somalilandna’ wakhtigan waxa ay Abuuraysaa Culays Siyaasadeed oo hor leh.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: Liibaan xabashida iyo waxa iska dayoo. odaygii xaglatoosiye ma wasiir bu sheikh dalxiis u doontay , wakaan khusuusigu ku dhagan eh. Koley halka waxa ka so if baxaya ariimo maalimaha so socda aynu ka war heleyno, qaar waxay ba leeyihin hogaamiyaha khusuusiga baba kursiga xaglatoosiye rabba lol. Xunjuf, shaqadaada maaha, NOT your business Hogaanka XagloToosiye mudo yar ayuu joogayaa Caasimada Somalia Mogadishu , kadib waxaa uu gudbayaa Nairobi Kenya, Wadamo kalena waa uu soo booqanayaa sida Djibouti, Addis Ababa - Ethiopia, iyo Kampla - Uganda
-
Hogaanka SSC OO U Baxay Safaro Dibada Ah OO Muhiim Ah Kuna Sugan Muqdisho Wafti balaadhan oo hor kacayo Hogaamiyaha SSC Dr Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglatoosiye) oo ay ka mid yihiin Madax Difaaca Col. Yaasin Cali Cabdile ( Tamaad), Madax Warfaafinta Cumar Jamac, Madax Dastuurka iyo Arimaha Fadraalka Ibraahim Guure, Afhayeenka Guud SSC Axmed Gacma yare iyo Oday Cabdixamiid Garaad Jaamac ayaa maanta xili danbe gaadhay Magaaladda Muqdisho ee Caasumadda Soomaaliya iyaga oo ka sii aadi doona Adis-abab, Jabuuti iyo Nairobi waftigan ayaa duhurnimadkii maanta ka dhoofay magaaladda Bandiiradley ee Gal-mudug oo ay gaadheen saaka waabarigii, waxana intii ay joogeen Galmudug kulamo la qaateen Madaxdda Galmudug Ujeeda socdaalka Waftigan heerka qaran ah ayaa lagu tilmaamay in ay tahay Casuumado uu Hogaanku ka helay dalal dhawr ah oo xuduud la leh Soomaaliya iyo kuwo arimaha Soomaaliya daneeya, sidoo kalan DFKM oo iyadu xidhiidh fiican oo is garabsi ah ka heshay Hogaanka SSC ayaa ka mid ah Meelaha uu hoganku booqon doono waxana la rajaynayaa in heshiis dhaqan gala ay isla soo gaadhaan Hogaanka iyo DFKM, waxana la filayaa in Dr Saleebaan Ciise Axmed uu isagu soo xulo cida SSC uga mid noqonaysa Golaha Wasiiradda DFKM Hogaanka SSC ayaa taageersan Dawladda iminka jirta ee Soomaaliyeed, mana jirto wali wax taageero ah oo uu ka helay iyada oo Maamuladda Pl iyo Sl ay diidan yihiin Dawladda Shiikh Shariif waana garabka ugu muhiimsan ee ay Dawladda Shariif ku duuli karto SSC Socdaalka uu Hogaanku ku baxa iminka ayaa la filayey bilihii u danbeeyey iyada oo Beesha Caalamku ay si weyn ula socotay Horumarka iyo Maamul Wanaaga, Dimuqraadiyadda, Rabitaanka Shacabka SSC ee ka hana qaaday Gobaladda Sool, Sanaag, Cayn, waxana la filayaa in Madax Arimaha Dibadda Proff Maxamuud Cali Jaamac uu Nairobi dhamaadka Bishan Shir Caalami ah kula qaato Beesha Caalamka Arimaha gudaha ayaa looga tagay Hogaamiye ku xigeenka Col. Cali Sabaray, Madax Arimaha Gudaha Dr Cabdirashiid Barkhadle, Madax Arimaha Bulshadda Mujaahid Kayse Abdi , Madax Cadaaladda Abshir Cabdi Shiikh , madaxda Maaliyadda Osmaan Xaaji Cali iyo madaxdda Ciidamadda SSCee kale . kala soco wixii war ah ee la xidhiidha Socaalka Waftigan allssc.com
-
Ethiopia is the enemy of all somali people, we all need to unite to counter Ethiopian aggression
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: adiga ba dhibaato ka sheekeynaya , anigu dhib ma sheegin war xita saado cali ba maanta ka hadashay khusuusiga iyo gudoomiyah khusuusiyga.oo yidhi xilkan ka qaadaya xaglajiifiye , saaxib xabashi haday cadawgaga yihin wardheer ugu maad tagtee.oo gadhka maad qabbateen Horaa loo yidhi Ka waalan/nacasku (Somalidiidku) waxa uu yahay ayuu dad kalana moodaa, Waa maxay Gadhka iyo aad ka hadlasid, war waa dhaqanka somalidiidka unay gadhka qabsadaan Xabashida, Doqonkii Faisal waraabe soomuu oran wiilka Hargeisa ku dhashay, iyo ka Addis Abbaa ayaa iska xiga ka Mogadishu ku dhashay Dadka Codowga ah waa shiraan sida America vs Soviet Union (now Russia), Somalia vs Ethoipia 1970s, India vs Pakistan, Turkey vs Greece, etc Ethiopia vs SSC Somalia is NOT different Obama said he will meet enemies like Iran, Cuba, and North Korea Si mar labaad dagaal kale u dhicin, oo u dhaxeeya Xabashida iyo SSC, waa laga hortagaa Xabashidu waa cadowga SSC iyo Soomaali oo dhan. Markii Hogaanka SSC soo galay gudaha deegaanada SSC, Ciidamada xabashida dagaal ayee kusoo qaadeen Caasimada SSC Buuhoodle, Alhamdulilah Hogaanka SSC oo kaashanaya Shacabka SSC waa iska celiyeen, waana ka guuleesteen ciidamadii duulaanka ahaa ee xabashida. Mida kale, arrimaha gudaha ee SSC wax quseeya Somalidiidka maaha, markaa ka bax
-
SSC State & People appreciate the support of Awdal State & people Thank You Awdal State, Brother Akash, excellent thread, thank you for sharing with us this great news
-
d/p
-
Xaji, meel aan war oolin ayaa war ka raadinasaa, waa muuqataa halkan sida ee soomaalidiidku xumaan iyo dhibaato ula doonayaan dadka soomaaliyeed ee jaarkooda ah, sababtuna ee tahay xaasidnimo,gar darro iyo faduul. Xabashida waa codowga Somali oo dhan, Waxaa xabashida looga digayaa in ee mar labaad kusoo xad gudbin Deegaanka SSC, sidii hore u dhacday Waxaa kaloo loo sheegayaa Xabashida inay caq soo dhigin SSC, waayo SSC dowlad iyo hogaan ayee leedahay
-
Source: www.tvsomalilandeurope.net (Somalidiid website) Warlord Siilaanyo oo Lacag Faalso ah U Qaybiyey saxaafada Si Loo Bunbuniyo Madaxtooyada oo soo bandhigaysa Waxqabadkeedii Boqolka Maalmood iyo Warbaahinta oo ay ka Dalbadeen in ay Buun-buuniyaan Madaxtooyada oo Qado iyo lacag ku qar-qisay Warbaahinta qaarkeed Hargeysa (TVSLE) Chief of Cabinet-ka iyo Af-hayeenka Madaxtooyada ayaa shalay qaar ka mid Saxaafadda kulan kula yeeshay Hutelka Dal-xiis ee magaaladda Hargeysa oo ka raaligaliyay xad-gudubyo isdaba-joog ah oo ay wariyayaasha qaarkood si badheedh ah ugula dhaqmeen, sida dhacdadii ugu danbaysay ee uu Af-hayeenku Madaxweynaha hortiisa ku farasaaray wariye ka qayb qaadanayay shir jaraa’id oo Madaxweynuhu ku qabtay Madaarka markii uu Jabuuti ka soo laabtay. Sidoo kale waxa kulankaasi la sheegay in ay saraakiishaas Madaxtooyadu Saxaafadda kala hadleen sidii ay u buun-buunin lahaayeen waxqabadkii Xukuumadda laga filayay boqolkii maalmood ee ugu horeeyay mudadii la doortay oo ku began maanta, taasoo ay saxaafadda ka codsadeen in ay u daabacaan ama baahiyaan oo kaliya qoraalada iyo filimada ay u keensadaan taasoo noqonaysa inay joojiyaan wax ka sheegida dhaliilaha jira ee ay xukuumaddu ku kacday ama ay ka baxdayba. Kulankaas ay Madaxtooyadu shalay la yeelatay Warbaahinta qaarkeed ayaa la sheegay inay Saxaafadda u soo Bandhigeen Qiimayaal kala duwan oo ay ugu talagaleen inay lacag ku siiyaan Hay’adaha Warbaahineed ee kala duwan sida Telafishanada, Jaraa’idada iyo Website’yada kuwaasoo markii la isku afgaran waayay loo saaray Guddi laga dhex xulay Saxaafadda si ay u jaangooyaan Sicir Macquul ah.. Suxufiyiintii shalay ka qayb galay shirkaasi ayaa gabi ahaanba Afkooda xidhay oo aan wax war ah ka sheegin kulankaasi wixii lagala hadlay Gar iyo Gardaro kay doonta ha ahaatee waana markii ugu horeysay ee ay arrintaas oo kale dhacdo iyadoo Saxaafadda lagu yaqaanay inaanay qarin dhacdooyinka caynkaas oo kale ah, waxaana mid kasta oo aad la soo qaado inuu xog kaa siiyo shirkaasi ku gaabsanayay oo kaliya waxba lagagama hadlin ee Saxaafad uunbaa laga raaligalinayay meel ka dhicii Af-hayeemku kula kacay. Waxaana la sheegay in Eedda wada shaqayn la’aanta xukuumadda iyo Warbaahinta uu aabo u yahay Cabdilaahi Cukuse, inkasta oo uu isna saxaafadda ku eedeeyey inay arintaa masuul ka tahay. Dhinaca kale Xukuumadda ayaa maanta ku qabanaysa Hutelka Kaah ee magaaladda Hargeysa xaflad balaadhan oo ay ku soo Bandhigayaan waxqabadkii Xukuumadda ee boqolkii maalmood ee la soo dhaafay, lamana garanayo kulankaasi inuu noqon doono mid furan oo ay saxaafaddu ka wada qayb gali doonto iyo in lagu casuumi doono oo kaliya cida ay Madaxtooyadu u arkayso inay danahooda oo kaliya u fulin doonto, taasoo laga ogaan doono qaabka ay warbaahinta ugu Garsooraan ee ay ugu qaybiyaan barnaamijkooda boqolka Maalmood. Si kasta ha ahaatee waxa muuqata ifafaale ay Madaxtooyadu ku doonayso inay ku kala qaybiso Saxaafadda Dalka, iyadoo dagaalka iyo hanjabaada ay Madaxda Madaxtooyadu kula kacayaan ay tahay ku’day lagu eegayo inay u habradaan oo ay ka leexdaan toosinta iyo tilmaamaha ay Madaxda qaarkood ku kacayso, taasoo faa’iido u leh Xukuumadda si ay galdalooladeeda u gufayso. Shirkaasi waxa ka qayb qaatay Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Geel-jire oo ka mid ah masuulka ugu sareeya ee Xukuumadda u qaabilsan dhinaca warbaahinta.
-
The anti-government are Warlord Siilaanyo and Somalidiid/snm militia, since they are against Somali Government led by Sheikh Sharif On the other hand, SSC Leadeship and Forces are loyal to the Internationally Recognized Government of Somalia, led by President Shiekh Sharif and Prime Minister Farmaajo The leader of SSC and high level delegation is leaving right now SSC regions to Somali Capital of Mogadishu to meet their Somali Government. Insha Allah, the anti- government clan factions like snm will eliminated from all somali territories from Loya Cade to Kismaayo Somalidiidku waa dad xaasidiin ah, oo ee ka buuxdo cuqdad iyo cudur aan dawa la'heen Runtu waxa weeyaan kooxda Somalidiidka ayaa burburasa
-
Source: www.tvsomalilandeurope.net (Somalidiid website) Xukuumadda Cusubi Aqoonsigii Gudaha Ayay La’dahay "Talaabo" “Anagu Aqoonsiga Dibada Ayaanu La’ayn, Xukuumadda Cusubi-Na Aqoonsigii Gudaha Ayay La’dahay” Wasiirkii Ku Xigeenkii Hore Ee Cadaalada Mr. Talaabo Hargeysa(TVSLE) - Wasiir ku xigeenkiii hore cadaadalada Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) ayaa si wayn u dhaliilay waxqabadka xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ee shalay boqol jirsaday. Talaabo ayaa waxa uu sheegay in ilaa hada aanay xukuumadu soo bandhigin waxqabad la taaban karo, isla markaana waxa uu ka dhawaajiyey in xukuumada cusub ee madaxwayne Axmed Siilaanyo loogu wanqalay dayn faro badan oo ay ka qaadatey ganacsatada Somaliland. Wasiirkii ku xigeenkii hore ee cadaalada Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah saxaafada ugu waramayey barxada hore ee Huteel Kaah oo shalay ay masuuliyiin xukuumada cusub oo uu horkacayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ay ku soo bandhigayeen waxqabadkoodii boqolkii maalmood ee talada dalka hayeen, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadii hore ay ku adkayd siyaasada arimaha dibada, halka buu yidhi ay xukuumada Axmed Siilaanyo-na ku liidato siyaasada arimaha gudaha, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Labadii gacmood ee isa salaamayay ee xisbiga kulmiye astaanta u ahaa waxa la leeyahay hadda way isu dhaw yihiin, mana hubno laakiin waa xanshaashaqa magaalada” Talaabo ayaa tilmaamay in xukumadii hore aanay isku hawli jirin sidii Somaliland ay beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi caalami ah, balse xukuumadan cusubi aanay haysan aqoonsigii gudaha Anagu (Xukuumadii hore) aqoonsigii dibada ayaanu la’ayn, laakiin tani (Xukuumadda Cusub), aqoonsigii gudaha ayay la’dahay” Ugu danbayntiina waxa uu saluug xoog leh ka muujiyay qaabkii loo soo dhaweeyay wafitigii hor kacayay madaxweyne siilaanyo, kaas oo dhawaan socdaal qaatay saddex maalmood ku tagay dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi "Markii hore waxa laga qaylinay dayn, haddana dayn baan ku wanqalayaa, waxaasi maaha wax lala yimaado ee maxaad qabatay. rooga lagu soo dhaweeyey Madaxwaynaha Somaliland-na waxa laga reebay oo ka dhinaa in baabuurkii lagu qaaday laga lulo calanka Jamhuriyada Somaliland”
-
Maamulka Somalidiidka Oo Ka Badbadiyey Safarka Jabuuti U Kutegey Warlord Silanyo Source:tvsomalilandeurope .net Xukumda Somaliland ayaa ka Badbadisey Safarka Jabuuti U Kutegey Silanyo oo aan ulahayn haba yaratee wax faa'iido ah Qadiyada Somaliland maadama ay ka go'antahay Cumer Geele in aaney aqoonsi caalamiya Somaliland ka helin beesha caalamka. Waloow Xukumda Jabuuti ay u sameeysey wefdiga Silaanyo soo dhaweyn qancisey Xukumda Silaanyo ayaa dadka ka faalooda Arimha geeska Africa waxay ku tilmaameen xukumda Jabuuti mid aan waxaba ka badaleyn siyaasdeeda Somaliweyn,isala markaana soo dhaweyntu ay tahay oo kaliya QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN. hadaba Warasxafdeed kasoo baxay Madaxtoyada Somaliland oo ayaa u qornaa sida Tan. War-Saxaafadeed: Booqashadii Weftiga Uu Hogaaminayey Madaxweynaha JSL Ee Jabuuti Iyo Kulamadii Weftiga. Weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ku sugan Dalka Jabuuti waxa ay noqonaysaa Qaabilaada ay kala kulmeen Jabuuti tii ugu meeqaanka saraysay ee ay Somaliland kala Kulanto Jabuuti iyo Caalamka kaleba. Geesta kalena waxa ay booqashadan uu meeqaankeeda iyo soo dhawaynta qiimaha lihi ee ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu kala Kulmeen Jabuuti noqonaysaa mid shacabka Somaliland u xaqiijisa xigto-nimada adag ee ka dhaxaysa labada Waddan iyo labada Shac-biba. Ka sakowna kulanki rasmiga ahaa ee ay yeeshaan labada madaxweyne ee Jamhuuriyada Jabuuti iyo Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxa iyaguna garab-socday kulamo ay gooni gooni u yeesheen isu-Dhiganka 1. Wasiirka Arrimaha Debeda Jabuuti 2. Wasiirka Ganacsiga Jabuuti 3. Wasiirka Maaliyada Jabtuuti 4. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha Jabuuti 5. Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Jabuuti 6. Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland 7. Wasiirka Ganacsiga Somaliland 8. Wasiirka Dhalin-yarada iyo Cayaaraha Somalilnd 9. Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Kulamadaa Farsamo oo iyagana laga gaadhay is af-garad iyo natiijo wanaagsan. Maanta oo ay ahayd Maalintii Saddexaad ee Booqashada weftiga uu madaxweyne siilaanyo ku joogo Jamhuuriyada Jabuuti oo ay intaasna Si xidhiidha u socdaan kulamo kala duwan oo ay labada Dhinac ka leeyihiin sii xoojinta Xidhidhka iyo is garabsiga labada waddan. Waxa kale oo Madaxweyne siilaanyo iyo Weftigiisa, Madaxweynaha oo ay hogaaminayeen Wasiirka Warfaafinta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta ahna Afhayeenka Xukuumada Jamhuuriayda Jabuuti iyo Madax kale oo ka tirsan Jamhuuriyada Jabuuti Waxa ay gaadheen Xarunta Shirkada is gaadhsiinta ee Telcom Jabuut. Waxa kale oo la soo marriyey Qaarka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee Dhinacyada Dhaqaalaha isla markaana ay Jamhuuriyada Jabuuti horu-marka ay ka samaysay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Xarumaha Isgaadhsiinta, xadhkaha Cable-lada ee Bada hoostooda mara iyo Dekedda Jamhuuriyada Jabuuti. Allaa Mahad Leh Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
-
Garaad Abshir Saalax oo Si Diiran Lagu Soo Dhaweeyey Garowe Garowe(Riinji.com)Garaad Abshir Saalax ayaa Magaalada Garowe ku soo laabtay ka dib markii uu muddo ku maqnaa deegaanka Gobolka Cayn ee Xaalada militeri aafeeyeen.. Soo dhawaynta Garaadka ayaa waxaa ka qayb ahaa Isimada fadhigoodu yahay Garowe iyo xubno ka mid ah Maamulka Faroole. Garaad Abshir ayaa cadeeyey mowqifkii uu ka sheegay Idaacada BBC ee uu yidhi anigu Puntland baan ahay balse Somaliland nabad baan kala shaqaynayaa. Wararku waxay intaasi ku darayaan in uu burburay heshiiskii ay gaadheen Maamulka Somaliland iyo Garaad Abshir Saalax oo ay biyadiideen xubnihii sare ee Maamulka Somaliland. YASIN MAXAMED AXMED GAROWE SOOMAALIYA.
-
Fool Faroole is the Coward-in-Chief of Puntland People of Puntland should bring to justice Fool Faroole and his militia for their crimes against humanity, example causing displacement of thousands of civilian people and the destruction of a large settlements.