Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Xaaji Xunjuf;878003 wrote: Good pictures liibaan keep them coming Insha Allah
  2. Macallinka;877963 wrote: Gobonimo waa taas! Well done reer Khatumo Waa runtaa, shacabka Khaatumo waa dad jecel midnimada, dowladnimada, nidaamka, iyo kaladanbeynta dalkooda Soomaaliya.
  3. Shacabka Khaatumo Oo Si Mugleh U Taageeray Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya OCTOBER - 7 - 2012 0 Buuhoodle(WNN)Waxa maanta magaalada buuhoodle ee xarunta G/cayn kadhacay banaanbax abid kii ugu balaadhan oo lagu taageerayo Raysal wasaarihii Shalay lasoo magacaabay dawlada soomaaliya cabdi faarax,shirdoon oo kumagacdheer “saacid” Abaaro saaka 7:00 subaxnimo ayaa dadwaynaha buuhoodle isugu soobaxeen garoonka weyn ee kubada cagta xabado stadiom ee magaalada buuhoodle iyaga oo markii danbana raxan raxan usoomareen wadooyinka waa weyn ee magaalada buuhoodle waxaana madashaas kasoo qayb galay madaxda maamulka deegaanka buuhoodle cuqaal ururada dhalinyarada arday iyo dhamaanba bulshada qaybaheeda kalagadisan waxaana ugu horayn madashaasi ka hadlay caaqil maxamed maxamuud nuux “sanweyne” oo kunuux nuuxsaday inay hiil iyo hooba lagarabtaaganyihiin raysal wasaraha cusub ee lasoo magacaabay sidoo kale waxaa halkaas kahadlay maayarka dagmada buuhoodle C/casiis ducaale Qanbi oo isna sheegay inay aad ugu ku farxsanyihii maga cabista uu madaxweynuhu soomagacaabay cabdifaarax shirdoon iyada oo ay halkaasina kahadleen qaarkamida ururada haweenka iyo kuwadhalinyarada G/cayn iskusoo wadaduuboo Banaan baxaas ayaa waxa uu kusoodhamaaday jawi aad uwanaagsan Maxamed Yousof Bakayle
  4. Shacabka Khaatumo oo Si Heer Sare Ah u Soo Dhaweeyay Raisul wasaaraha cusub waxaa maanta magaalada buuhoodle ee xarunta G/cayn maanta kadhacay banaanbax balaadhan oo lagu taageerayo Raysal wasaarihii Shalay lasoo magacaabay ee soomaaliya cabdi faarax,shirdoon oo kumagacdheer “saacid” hadaba dadka kudhaqan magaalada buuhoodle oo mar walba utaagan midnimada somaliya ayaa sidii horayba loogu yaqaanay muujiyey taageeranimadii ay uhayeen dawladooda somaliya iyo maamulka cusub ee hanaqaaday markii saacadu ahayd 7:00 subaxnimo ayaa waxa ay isugu soobaxeen garoonka weyn ee kubada cagta xabado stadiom iyaga oo markii danbana raxan raxan usoomareen wadooyinka waa weyn ee magaalada buuhoodle waxaana madashaas kasoo qayb galay madaxda maamulka khaatumo state cuqaal ururada dhalinyarada arday iyo dhamaanba bulshada qaybaheeda kalagadisan waxaana ugu horayn hadalka qaatay caaqil maxamed maxamuud nuux “sanweyne” oo kunuux nuuxsaday inay hiil iyo hooba lagarabtaaganyihiin raysal wasaraha cusub ee lasoo magacaabay sidoo kale waxaa halkaas kahadlay maayarka dagmada buuhoodle C/casiis ducaale Qanbi oo isna sheegay inay aad ugu ku farxsanyihii maga cabista uu madaxweynuhu soomagacaabay cabdifaarax shirdoon iyada oo ayhalsaasna kahadleen qaarkamida ururada haweenka iyo kuwadhalinyarada G/cayn
  5. Dabaaldaga Iyo Banaanbax Lagu Taageerayo Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Faarax Shirdoon Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Banaan bax lagu taageerayo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Faarax Shirdoon ayaa maanta ka dhacay Magaalada Buuhoodle, iyadoona banaan baxani ay kasoo qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Khaatumo, Waxgarad, Aqoon yahano, Siyaasiyiin, Culumo awdiin, Haween, Dhalinyaro, Ururada Bulshada, iyo Waliba bulshada qaybaheeda kala duwan. Hadaba waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay Maayarka Degmada Buuhoodle ee Maamulka Khaatumo State C/casiis Ducaale Qambi, isagoona ka dhawaajiyey taageerada buuxda ee dad weynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle iyo guud ahaan ba deegaanada ku hareeraysanba ay ku hayaan Ra’iisal Wasaarada cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Waxaa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha gudaha Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, isagoona geestiisa hambalyo iyo bogaadin u diray Ra’iisal wasaaraha isla mar ahaan taana xusay inay soo dhoweynayaan Ra’iisal wasaaraha. Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Madax badan oo ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaarada xidhiidhka caalamiga iyo jaalidaha ee Maamulka Khaatumo Xasan Cali Jaamac iyo sidoo kale caaqil Maxamuud Nuux San weyne oo kamid ah waxgaradka Deegaanka Buuhoodle, iyagoona dhamaantood si wada jira u soo dhoweeyey Ra’iisal wasaaraha cusub ee loo magaacabay dalka. Si kastaba ha ahaatee banaan baxani ayaa qayb ka noqonaya banaan baxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle iyo Deegaanada ku hareersan kuwaas oo dhamaantood lagu taageerayey is badalka cusub ee dalka ka dhashay.
  6. Banaan Bax Lagu Taageerayo Ra’isul Wasaraha Cusub ee Somalia oo Caasimada Taleex Ka Dhacay Madaxda maamulka Khaatumo State Ayaa Siwayn Usoo Dhaweeyay Magacaabista Raysal wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Dalka Soomaaliya. Waxaana Tan iyo Markii lagu dhawaaqay Raysal Wasaaraha Kabilowday Dhamaan deeganada Maamulka Khaatumo Dabaal degyo lagu Taageerayo Raysal Wasaaraha Cusub ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Sidoo Kale dabaaldeg Balaadhan Ayaa maanta ka dhacay Magalaada Taariikhiga ah ee taleex waxaana halkaasi Qudbado Ka jeediyey Madaxda maamulka Khaatumo State waxayna Hanbalyo udireen Madaxwaynah Jamhuuriyada Soomaaliya & Raysal wasaaraha Cusub ee Magacaabay. Sidoo Madaxda Ugu Saraysa Maamulka Khaatumo State Ayaa hoosta ka xariiqay Inay siwayn ula shaqayndoonaan Raysal Wasaaraha Cusub. Shacabkawayna Ka Qabgalay dabaal degan Ayaa dhankooda Siwayn Umuujiyey Dareenkooda farxaadeed ee ku aadan Raysal wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Saacid Tan iyo markii lagu dhawaaqay Raysal wasaaraha Cusub ayaa waxaa siwayn usoo dhawaynayey dhamaan Shacabka Soomaliyeed Iyo Maamulada Kajira Dalkeena Soomaaliya.
  7. Dabaaldeg Iyo Banaanbax Lagu Taagerayo Magacaabista Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya Oo Saaka Kadhacay Dhamaan Deegaanada Khaatumo State sida Magaalada Buuhoodle, Laas Caanood, Boocame, Taleex, Tukaraq, etc (Sawiro) waxaa maanta magaalada buuhoodle ee xarunta G/cayn maanta kadhacay banaanbax balaadhan oo lagu taageerayo Raysal wasaarihii Shalay lasoo magacaabay ee soomaaliya cabdi faarax,shirdoon oo kumagacdheer “saacid” hadaba dadka kudhaqan magaalada buuhoodle oo mar walba utaagan midnimada somaliya ayaa sidii horayba loogu yaqaanay muujiyey taageeranimadii ay uhayeen dawladooda somaliya iyo maamulka cusub ee hanaqaaday markii saacadu ahayd 7:00 subaxnimo ayaa waxa ay isugu soobaxeen garoonka weyn ee kubada cagta xabado stadiom iyaga oo markii danbana raxan raxan usoomareen wadooyinka waa weyn ee magaalada buuhoodle waxaana madashaas kasoo qayb galay madaxda maamulka khaatumo state cuqaal ururada dhalinyarada arday iyo dhamaanba bulshada qaybaheeda kalagadisan waxaana ugu horayn hadalka qaatay caaqil maxamed maxamuud nuux “sanweyne” oo kunuux nuuxsaday inay hiil iyo hooba lagarabtaaganyihiin raysal wasaraha cusub ee lasoo magacaabay sidoo kale waxaa halkaas kahadlay maayarka dagmada buuhoodle C/casiis ducaale Qanbi oo isna sheegay inay aad ugu ku farxsanyihii maga cabista uu madaxweynuhu soomagacaabay cabdifaarax shirdoon iyada oo ayhalsaasna kahadleen qaarkamida ururada haweenka iyo kuwadhalinyarada G/cayn iskusoo wadaduuboo Banaan baxaas ayaa waxa uu kusoodhamaaday jawi aad uwanaagsan.
  8. RaysalWasaaraha Cusub Cabdi Garaad Saacid Maamulka Khaatumo Oo Siwayn Usoo dhaweeyay Raysal Wasaaraha Cusub, Dabal deg Kadhacay SaakaTaleex & madaxda oo Kaqayb galay (Sawiro) Boocame Online- (Taleex) Madaxda maamulka Khaatumo State Ayaa Siwayn Usoo Dhaweeyay Magacaabista Raysal wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Dalka Soomaaliya. Waxaana Tan iyo Markii lagu dhawaaqay Raysal Wasaaraha Kabilowday Dhamaan deeganada Maamulka Khaatumo Dabaal degyo lagu Taageerayo Raysal Wasaaraha Cusub ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Sidoo Kale dabaaldeg Balaadhan Ayaa maanta ka dhacay Magalaada Taariikhiga ah ee taleex waxaana halkaasi Qudbado Ka jeediyey Madaxda maamulka Khaatumo State waxayna Hanbalyo udireen Madaxwaynah Jamhuuriyada Soomaaliya & Raysal wasaaraha Cusub ee Magacaabay. Sidoo Madaxda Ugu Saraysa Maamulka Khaatumo State Ayaa hoosta ka xariiqay Inay siwayn ula shaqayndoonaan Raysal Wasaaraha Cusub. Shacabkawayna Ka Qabgalay dabaal degan Ayaa dhankooda Siwayn Umuujiyey Dareenkooda farxaadeed ee ku aadan Raysal wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Saacid Tan iyo markii lagu dhawaaqay Raysal wasaaraha Cusub ayaa waxaa siwayn usoo dhawaynayey dhamaan Shacabka Soomaliyeed Iyo Maamulada Kajira Dalkeena Soomaaliya. MadaxWeyne Mohamed IndhoSheel MadaxWeyne Ku Xigeen Ahmed Karaash
  9. Dr. Cali Ciise Cabdi, the chairman of G10 - Khaatumo Supreme Council Also, Dr. Cali Ciise Cabdi was the brain behind Khaatumo State and Khaatumo Confrences 1& 2
  10. GedoOnline Dr Cali Ciise Ma Dhabaa Inuu Loo Magacaabayo Ra’isulwasarahn http://gedoonline.com/?p=46859 October 2, 2012. Muqdisho(GMN)-Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka soo degay Dr Cali Ciise Cabdi oo la sheegay inuu noqon doono Ra’isulwasaaraha Soomaaliya. Garoonka Muqdisho ayaa waxaa Dr Cali ku soo dhaweyey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegayo in Madaxtooyadda ay u gudbiyeen. Dr Cali ayaa saacado ka hor waxa uu ka soo dhoofay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Jaaliyadda Soomaalidda. Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa waayadan waxa uu ku howlanaa inuu soo magacaabo shaqsiga noqon doona Ra’isulwasaraha Soomaaliya. Ilaa hada si rami ah looma oga saacada Madaxwaynaha uu ku dhawaaqii doono Ra’isulwasaraha Dowladda Soomaaliya.
  11. Gudoomiyaha G10 Golaha Sare Khaatumo State Dr. Cali Ciise Cabdi Oo Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud oo ku dhawaaqi doono Mudana Ali Esse Abdi inuu noqdo Prime Minster-ka Cusub Ee Somalia. * War lagu kalsoon yahay oo aanu goor dhoweyd ka helnay madaxtooyada Muqdisho ayaa noo xaqiijiyey in mudane Ali Esse Abdi*uu ku sugan yahay madaxtooyada ka dib markii uu maanta ka soo degey magaalada Muqdisho. Ali Esse Abdi oo ka soo jeeda gobolada Khaatumo State Of Somalia ayaa diyaarad gaar ah lagaga soo qaaday magaalada Adis-ababa isagoo shalayna shir kula qaatay beesha caalamka magaalada Nairobi. Weftigan balaadhan ee la socodey Prime Minsterka oo u badnaa Ajnebi ayaa waxaa ka mid ahaa safiiska wadanka mareykanka u fadhiya dalka Kenya. Imaatinkii weftigan ayaa naloo xaqiijyey inay ka hortageen ciidkan*Amisom iyo weliba ciidan u gaar ah madaxtooyada Somalia kuwaas oo loo sii gelbiyey dhinaca madaxtooyada. Xidhiidh aanu la sameynay qaar ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyey in mudana Ali Esse Abdi caawa u hoydey Villa Somalia iyadoo la filayo ku dhawaaqistiisa. Kala soco Xargaga Online xaflada caleema saarka Prime Minsterka cusub Ee Somalia mudane Ali Esse Abdi oo ka soo jeeda Khaatumo State. XOL
  12. War deg deg ah: Dr: Cali Ciise Cabdi oo Muqdisho ka soo degey. October 2, 2012 Muqdisho:-(RT)Dr: Cali Ciise Cabdi ayaa daqiiqado ka hor ka soo degay garoonka dayuuradaha ee Aadan Cade international Airport. Dr.Cali Ciise Cabdi oo ay weheliyeen xubno Diblumaasiyiin Caalami ah ayaa markii uu yimid Muqdisho waxaa soo dhaweeyey saraakiil iyo madax kale oo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISON. Dr: Cali Ciise Cabdi oo la’aaminsanyahay inuu yahay Raisul-awasaaraha cusub ee Somaliya iyo xubnaha la socday ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho. Dr: Cali Ciise Cabdi wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka dalalka Afrika* ugu aqoonta iyo Khibrada badan, marka laga hadlayo arimaha dhaqalaaha, Siyaasada,siyaasada iyo xalinta Khilaafaadka caalamiga ah. Hadaba waakuma Dr.cali Ciise Cabdi ayaa*ah *nin aqoontiisu gaadhsiisantahay PHD,Khibradiisa shaqona ay ku simntahay 40sano oo shaqa heer caalami ah oo uu aduunka ka soo qabtay,Hogaaminta ayaa sida ay noosheegeen dadka yaqaanaa waxa uu Macalin Jaamacadeed ka soo noqday dalka Maraykanka 1980s . Dr.Ciise waxa uu hormuud ka ahaa 30Sano hay’adaha dhaqaalaha aduunka kuwa ugu waawayn sida hay’ada lacagta aduunka ee loo yaqaano IMF(International Monitoring Fund)oo uu madax ka ahaa qaybteeda Afrika in ku dhow 20Sano,sidookel ayuu Dr.Cali ka shaqeeyay fadhiisinta dhaqaalaha baaxaadegayay ee wadama Africa ah sida Ethiopia,Uganda, iyo Tanzania,Khibradiisa shaqo ayaa ah sida loogu istaajiyo cagihiisa wadan bur buray iyo fadhiisinta dhaqaalaha iyo horumarinta. Dr.Ciise *ayaa la sheegay inu aad ugu xeel dheeryahay arimaha dib u heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha oo uu u leeyahay iyana Khibrad aad u heer saraysa taasoo la sheegay inuu dhamaan wadamada soo koraya u jaangooyo miisaaniyada dhaqaalee ay ku hawlgalaan sanad walba,wuxuuna iminka Director kayahay hay’ad la yidhaahdo HEZB oo fadhigeedu yahay Addis-ababa *oo kalatalisay wadamada loo yaqaano dunida soo koraysa(Developing*Countries)dhaqaalaha ,maamulka iyo horumarka wadamadaasi soo koraya,waxa ay intaasi ku dareen dadka aqoonta dheer u lihi inuu yahay Nin daacadnimo badan cadaaladana wax walba ka horeysiiya. * Realtaleex News Desk.
  13. Madaxda Dhaqanka Maakhir oo Shirar u Furmayaan Iyo Taageero Go’aankii Garaad C/laahi Cali Ciid ee ahaa in Shir wayne Wada-Tashi lagu qabto Maakhir Maakhir Degmooyin Dhowr ah oo Hoos yimaada waxa ka socda Abaabul lagu Taageerayo Go’aankii Garaad C/laahi Cali Ciid ee ahaa in Shir wayne Wada-Tashi lagu qabto Maakhir kaasi oo looga hadlidoono Arrimo ay ka mid yihiin, Horumarka, Siyaasada Guud ahaan Somaliya ee Gobolkaasi ku Aaddan iyo Amuura kale oo aan la shaacin. C/laahi Cali Ciid oo ah Isin Reer Maakhir Kormeerayay waxana uu Haatan Gaadhay oo Ku Sugan-yahay Magaalada Badhan halkaasi oo ay Shir kula leeyihiin Guurtida Degmadu isla markaana laysla lafa gurayo Arrimaha Shirka uu Garaadku Iclaamiyay dhawaan. Shirkaasi ay Guurtidu ku Baaqeen wuxuu ku soo Beegmay xili Dhawaan Qurba Joogta G/Sanaag ee Woqooyiga America ay ku dhawaaqeen in Shir Deg Deg ah Gudaha lagu qabto Sida ay Warbaahinta ka sheegeen Guddidii Shirkaasi Abaabulaysay.
  14. Maakhir oo Shirar Gooni Gooni ahi Beelaha uga Furmeen Ka Hor ShirWeyna Maakhir GalGalanews http://www.galgalanews.com/?p=16307 Buraan Sep,23,2012, Shirarkan oo maalinimada isniinta iyo arbacada ka kala dhacay Magaalada Buraan iyo Midigale ee Gobolka Sanaag,ayaa waxaa lugu soo waramayaa inay yihiin Shirar ay beelaha degaanadaasi si Gooni gooni ah beelwalbaa ugaga arrinsanayso Mustaqbalka Dame ee dalka iyo sidii Wax looga bedeli lahaa Doorka siyaasada iyo Horumarka bulshada ku dhaqan Degaanadaasi. Shirarakan ayaa qaban qaabanadooda waxaa laga dareemayaa Magaalada Bosaso iyo Meelo kale oo ka mida Gobolka Sanaag,Waxaana si Gooni ah ugu Shiraya Magaalada Midigale Maalinta Isniinta ah ee Soo Socota Beelwaynta Reer Saalax,Waxaana Maalinta arbacada isna ku Xiga Shirwayne Kale oo beelaha Gashaan Buur ay ku yeelanayaan Magaalada Buraan ee Gobolka Sanaag,Iyadoo Beesha Aadan Siciidna ay Shir isla maalmahan ku leeyihiin Duleedka Degmada Hadaaftimo ee G/Sanaag. [Akhriso Shirka Aadan Siciid] Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow shirar beleedyadan ,Waxaa la filayaa inay shirarakan ka soo baxdo Natiijo dhaxalgal u ah beelaha Gobolka Sanaag iyo sidii ay dadku isugu xidhmi lahayeen ka dibna ay suurgaltahay Markay Shirarkaasi beleedada ay soo Dhamadaan iyo Shirwayne kale uu ka dhaco Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Geesta Kale Degaanada Midigale iyo Buraan ee Gobolka Sanaag ayaa waxay tagereen Hadalkii Shalay Nabadoonkii ka Hadlay Idaacada VOA ee ka digey In Puntland Dagaalo sokeeye ka dhacaan iyo Mudaharaadyadii lugu diidanaa Xisbiyada ee ka dhacay Qardho. In kastoo Shirarka Beelahaasi uga Furmay Gudaha G/Sanaag aanu ku ekayn kaliya in Bayaanka Laga Soo Saarayaa uu Siyaasada kaliya Lug ku leeyahay haddana waxa Jirta in Aad looga Arrinsanayo Mashruuc Shaki badan la Galiyay oo ka Socda Magaalada Laasqoray. Degmada Laasqoray waxa Mudo ku Sugnaa Maraakiib aan Meel ay ka Diiwaan Gashanyihiin La Aqoon isla markaana ay Hor-boodayaan Koox Qurba Joog ah,Odayaasha Beelaha ayaa Farta ku muday Mashruucaasi oo aan waxba Laga Socodsiin Marka laga Reebo Kooxo Isku Feker ka ah Dhanka Maaliyadda. Ahmed Maxamed GalGalanews/Bosaaso
  15. Xaaji Xunjuf;873621 wrote: This will not materialize both suldaan cali ciid and Suldaan Siciid do not support this project. Garaad Cali Ciid is the leader and the key organizer of Maakhir Grand Conference. Xaaji Xunjuf;873621 wrote: Besides that the conference coroweyn has nothing to do with the conference in nairobi the Conference in Coroweyn is a subclan conference. Maakhir Conference in Nairobi was like the KHaatumo One Conference in London 2011 Also, like Khaatumo, there was so many Mini- KHaatumo Conrences that took place in Buhoodle, Widhwidh, Kalabaydh, Booceme, Saaxdheer,Taleex,Tukaraq, Xudun, Dharkeyn, Buurawadal, before the KHaatumo Grand Conference in Taleex. Not only Caroweyn Conference, there is so many so many Mini Conferences taking place this month in Maakir Region, in preparation for the Maakhir Grand Conference. September/ October 2012: -Mini Maakhir Conference in Caroweyn - Mini Maakhir Conference in Buraan - Mini Maakhir Conference in Yube - Mini Maakhir Conference in Mindigale - Mini Maakhir Conference in Badhan - Mini Maakhir Conference in Hadaaftimo, and many more November 2012: - Maakhir State Grand Conference __________________________________________ Shirar Beeleedyo Ka Socda Gobolka Sanaag (Warbixin). Horseed Media - September 25, 2012 http://horseedmedia.net/2012/09/25/shirar-beeleedyo-ka-socda-gobolka-sanaag-warbixin/ Badhan (HM) Waxaa maal mihii ugu danbeeyey ka socday deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag Shirar ay leeyihiin qaar ka mid ah Beelaha Maxamuud ***** (**********) ee ku dhaqan Gobolkaaas. Shirarkaas oo qaarkood socdaan qaar kalena ay furmi doonaan maalmaha soo socda ayaa ah kuwo gaar gaar ah oo beeluhu ku soo tashan doonaan. Odayaal ku kala sugan sadexda magaalo ee Caroweyn, Yube & Mindigale oo shirarku ka socdaan ayaa si isku mid ah ugu sheegay maanta 25 Sep, 2012 Horseed Media in ajandaha ugu weyn ee shirarkaasi yihiin sidii beeluhu uga tashan lahaayeen danahooda kadibna la isugu iman lahaa Shir Guud. Shirka Caroweyn 23 Sep, 2012 waxaa shir uga furmay Deegaanka Caroweyn Beesha Aadan Siciid (Cumar, **********) shirkaas oo ilaa hada ug socda si hamsami leh waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha Bulshada sida Cuqaasha, Aqoonyahanada, Waxgaaradka, Qurbo joogta & Ganacsatada. Goob jooge ku sugan shirku wuxuu u sheegay HM in ujeedada u weyn ee shirku tahay sidii looga tashan lahaa aayaha & masiirka Gobolka Sanaag. Goobta Shirku ka dhacayo waxaa lagu xardhay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo lagu muujinayo qiimaha Nabad, Cadaaladda & Wada jirku leeyahay. Shirka Yube Beesha Nuux Cumar (Cumar, **********) Waxaa maalmihii ugu danbeeyey shir uga socday magaaladda Yube ee Gobolka Sanaag ujeedka shirkaas ayaa lagu sheegay sidii beeshu u samaysan lahay Suldaan & Nabadoon Guud oo u metela masraxa dhaqanka maadama 25 Aug, 2011 uu geeriyooday Nabadoonkii hore ee Beesha AHN. Nabadoon Bashiir Ducaale oo mudo dheer soo hayey xilkaas. Falan qayn badan kadib waxaa la isku raacay sida la soo gaarsiiyey HM in Suldaan beeshu u doorato Suldaan: Axmed Bashiir Ducaale oo uu dhalay Nabadoon kii hore halka Nabadoon loo caleemo saaray Cige Jaamac Shire Nuux. Suldaan Axmed Bashiir oo la hadlayey goor dhoweyd Horseed Media wuxuu faahfaahin ka bixiyey go’aamadii shirkaas ka soo baxay isagoo xusay inay ugu weynayd sidii loo sii adkayn lahaa midnimada beesha & Wada jirkeeda. Wuxuu si kulul u canbaareeyey isku shaan dheyn dhowaan Golihiisa Wasiiradda uu ku sameeyey Madaxweyne Faroole isagoo sheegay in saamigii beesha uu meesha ka saaray Madaxweynuhu. “Beeshu horay xubin uguma lahayn Golaha Wakiiladda Puntland waxaan ku lahayn Wasiiru dowle Xukuumada isagiina dhowaan baa shaqada laga cayriyey lagumana bedelin shakhsi beesha ka tirsan sidaa darteed waan canbarayneenaa talaabadaas waana ka xunahay” Ayuu yiri Suldaan Bashiir. Shirka Mindigale Maalinimada beri waxaa shir uga furmayaa magaaladda Mindigale Beesha Reer Saalax (Cumar, **********) mid ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka ayaa u sheegay HM in dhamaan Ergadii loo qorsheeyey inay ka soo qayb galaan shirkaas ay ku sugan yihiin Magaaladda. Wax faahfaahin ah kama helin ujeedka shirkaas & Ajandaha looga hadli doono hase ahaatee waxaa la xaqiijiyey inuu xiriir la leeyahay shirarka kale ee ka soconaya Gobolka. Sida la xaqiijiyey waxaa shirkaas ka soo qayb geli doona Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland. Aragtida Dadweynaha Gobolka Sanaag Inta badan Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sanaag ayaa si diiran u soo dhoweeyey shirarka beelaha qaar uga furmay Gobolka iyadoo loo dheg taagayo natiijooyinka ka soo bixi doona shirarkaas.
  16. Taleexi;873616 wrote: They should learn from Khatumo shortcomings. Insha Allah, Maakhir Conference will be more successful than KHaatumo Conference, because they will learn from both Khaatumo successes and shortcomings.
  17. HorseedMedia.com ShirWeynaha Maakhir oo Si Habsami Ah u Socda (War Bixin) Badhan (HM) Waxaa maal mihii ugu danbeeyey ka socday deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag Shirar ay leeyihiin Beelaha Maakhir ee ku dhaqan Gobolkaaas. Shirarkaas oo qaarkood socdaan qaar kalena ay furmi doonaan maalmaha soo socda ayaa ah kuwo gaar gaar ah oo beeluhu ku soo tashan doonaan. Odayaal ku kala sugan sadexda magaalo ee Caroweyn, Yube & Mindigale oo shirarku ka socdaan ayaa si isku mid ah ugu sheegay maanta 25 Sep, 2012 Horseed Media in ajandaha ugu weyn ee shirarkaasi yihiin sidii beeluhu uga tashan lahaayeen danahooda kadibna la isugu iman lahaa Shir Guud. Shirka Caroweyn. Ugaas Maakhiri. 23 Sep, 2012 waxaa shir uga furmay Deegaanka Caroweyn Beesha Aadan Siciid (Cumar, **********) shirkaas oo ilaa hada ug socda si hamsami leh waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha Bulshada sida Cuqaasha, Aqoonyahanada, Waxgaaradka, Qurbo joogta & Ganacsatada. Goob jooge ku sugan shirku wuxuu u sheegay HM in ujeedada u weyn ee shirku tahay sidii looga tashan lahaa aayaha & masiirka Gobolka Sanaag. Goobta Shirku ka dhacayo waxaa lagu xardhay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo lagu muujinayo qiimaha Nabad, Cadaaladda & Wada jirku leeyahay. Shirka Yube. Beesha Nuux Cumar (Cumar, **********) Waxaa maalmihii ugu danbeeyey shir uga socday magaaladda Yube ee Gobolka Sanaag ujeedka shirkaas ayaa lagu sheegay sidii beeshu u samaysan lahay Suldaan & Nabadoon Guud oo u metela masraxa dhaqanka maadama 25 Aug, 2011 uu geeriyooday Nabadoonkii hore ee Beesha AHN. Nabadoon Bashiir Ducaale oo mudo dheer soo hayey xilkaas. Falan qayn badan kadib waxaa la isku raacay sida la soo gaarsiiyey HM in Suldaan beeshu u doorato Suldaan: Axmed Bashiir Ducaale oo uu dhalay Nabadoon kii hore halka Nabadoon loo caleemo saaray Cige Jaamac Shire Nuux. Suldaan Axmed Bashiir oo la hadlayey goor dhoweyd Horseed Media wuxuu faahfaahin ka bixiyey go’aamadii shirkaas ka soo baxay isagoo xusay inay ugu weynayd sidii loo sii adkayn lahaa midnimada beesha & Wada jirkeeda. Wuxuu si kulul u canbaareeyey isku shaan dheyn dhowaan Golihiisa Wasiiradda uu ku sameeyey Madaxweyne Faroole isagoo sheegay in saamigii beesha uu meesha ka saaray Madaxweynuhu. “Beeshu horay xubin uguma lahayn Golaha Wakiiladda Puntland waxaan ku lahayn Wasiiru dowle Xukuumada isagiina dhowaan baa shaqada laga cayriyey lagumana bedelin shakhsi beesha ka tirsan sidaa darteed waan canbarayneenaa talaabadaas waana ka xunahay” Ayuu yiri Suldaan Bashiir. Shirka Mindigele. Mindigale Maalinimada beri waxaa shir uga furmayaa magaaladda Mindigale Beesha Reer Saalax (Cumar, **********) mid ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka ayaa u sheegay HM in dhamaan Ergadii loo qorsheeyey inay ka soo qayb galaan shirkaas ay ku sugan yihiin Magaaladda. Wax faahfaahin ah kama helin ujeedka shirkaas & Ajandaha looga hadli doono hase ahaatee waxaa la xaqiijiyey inuu xiriir la leeyahay shirarka kale ee ka soconaya Gobolka. Sida la xaqiijiyey waxaa shirkaas ka soo qayb geli doona Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland. Aragtida Dadweynaha Gobolka Sanaag. Inta badan Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sanaag ayaa si diiran u soo dhoweeyey shirarka beelaha qaar uga furmay Gobolka iyadoo loo dheg taagayo natiijooyinka ka soo bixi doona shirarkaas. Beesha Aadan Siciid Waxaa Shir uga socdaa Caro weyn. Suldaan Maakhiri. Magaaladda Mindigale. Mindigale Dhamaan Kulamadani waxay ku soo aadayaan wakhti ay ka jiraan Deegaanada Puntland arrimo xasaasi ah sida nidaamka Xisbiyada badan oo Xukuumadu ku dhawaaqday waloow dad badani si adag uga biyo diideen qorshaha Xukuumadda. Shiine Culay Horseed Media
  18. Shirka Wada Tashiga ee Maakhir oo Si Rasmi u Furmay + Sawirro Maalintii axada ahayd ee 23/09/12 waxaa ka furmay magaalada carroweyn ee gobolka sanaag shir weyne mudo la qorshaynayey kaas oo ay beelaha adan Siciid kaga tashanayeen arimo badan oo mu hiima sida : NABADDA CADAALADA MIDNIMADA HORUUMARKA IYO DERIS WANAAGA Beelahan oo ka mid beel weynta Max’ud ***** ama dadka loo yaqaan Reer Maakhir waxay mudo qorshanayeen sidii uu shirkaasu u qabsoomi lahaa waxaana hada si toos ah u furmay wejigee 1aad ee shirka iyada oo ay ka soo qayb galeen dhamaan ergooyinkii hore loogu balamay inay ka soo qayb galaan, iyo weliba marti sharaf kale oo aad u faro badan. waxaa si dhamays tiran uga soo qayb galay shir weynahaas dhamaan Isimada, Cuqaasha Guurtida, Aqoonyahank, Culimada iyo Haweenka beesha iyada oo ay jiraan Ergo si rasmi ah uga qayb gelaysa Shirka. maalintii ugu horaysey oo uu shirku furmay wuxuu ku biloowday xogwaran iyo iswaraysi waxaana la mag caabay Gudidii socod siin lahayd shirka, waxa shirkan oo ah mid aad muhiim u ahi uu noqon doonaa mid lagu lafaguro arimo badan danaha beesha iyo danaha mandiqada qiima weyn u leh hadaba waxaa looga fadhiyaa beesha Adan siciid inay soo saaraan talooyin wax ku oola oo guud ahaan gobolka iyo beeshaba faa iido uleh ayna ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka degaanka iyo tan reerkaba , ayna iska ilaaliyaan wax kasta oo lagu kala fogaanayo, waxaa kaloo looga baahan yahay tanaasul iyo dulqaad toleed. Hadaba shirkan oo gundhigiisu yahay qodobada kor ku xusan waxaan rajaynaynaa inaa si dhamays tiran idiinku soo gudbin doono dhexdiisa iyo gebo gebadiisaba Insha allah.
  19. Shacabka Maakhir Oo Qabanqaabinaya Shir Balaadhan Si Maamaul Goboleedka Maakhirland Loo Hirgaliyo Jaaliyada Maakhir Ee Ku Nool Dalka Kenya gaar ahaan Magaallada Nairobi ayaa Ku howlan Qabanqaabo ay ugu jirto Shir weyne Lagu lafa guri doono arima badan Oo Khuseeya Deegaanka Maakhir. Shirkan Oo ay soo Qabanqaabinayaan Jaaliyada Maakhir ee Ku Sugan Kenya ayaa Lagu Casumi Doonaa Soomaali aad U badan Kuwaas Oo Goob joog ka noqon Doona Madasha shirkaasi Ku qabsoomi doono . Arimaha Shirkaa lagu Lafa Guri doono ayaa Noqonaya Sidatan :- 1. Waxaa lagaga Hadli Doonaa, Maamul U samaynta Deegaanka Maakhir iyo Sida ugu haboon ee arintaa Loo hirgalin karo . 2. Sidii Loogu waxyi Galin lahaa Bulshada Deegaanka iyo aaya ka talinta deegaanka oo ay ka Muuqato dayacnaan baahsan. 3. Dhisida Gudi loo xilsaaro dardar galinta Maamul ka hana qaada Deegaanka Maakhir , Si loo helo Maamul Horumar leh Oo ka hirgala Deegaankii . 4. Wacyi Galin Loo Sameeyo Dhamaan Bulshada Ku abtirsata Deegaanka Sidii ay Iyagu Arimahooda uga tashan lahaayen Ugana badax Banaanaan Lahaayeen Maamulada ragaadiyey Deegaankooda. 5. Sidii Loo Badhi taari lahaa Waxbarashada Deegaanka Oo Ah tan Kaliya Ee maanta Deegaanka ka hirgashay iyo sidii Loo abuuri lahaa Ilo dhaqaale oo taaba gala. Dhamaan Arimahaas Oo Kuwa Kaloo Badan waxay Noqon Doonaan Kuwa Lagu Qadaa Dhigi Doono Shirkaas. Gudiga Loo xirsaaray Qabanqaabada ayaa ka kooban:- 1. Abdisalan Osman Bulqas 2. Mohamed Mohamud Cabdi Beerdhige 3. Jama Ayanle feyte 4. Khadra Jaamac Axmed Abdi Saalah 5. Hamdi Ilka jiir 6. Muqtar Abdi Du’ale Ali Qaayib 7. Jama Yusuf Jama Deperani Qof kasta oo doonaya inuu Barnaamijkaasi Xog dheeraad ah ka helo hala soo xidhiidho Gudiga Hoos ku Qoran, Sida ay Gudigu sheegeen way tix galindoonaan Feker kasta oo Saliim ah. ________________________________________________ " frameborder="0" allowfullscreen>
  20. b-boy;869479 wrote: What districts does this maakhir state control/rule?? Maakhir State rules Badhan and other towns in Maakhir Region.
  21. SPR Radio: Banaanbax Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo Ka Dhacay Magaalada Badhan Iyo Maamul Goboleedka Maakhir Badhan (SPR): Banaanbax balaadhan oo ay isugu soo baxeen kumanaan kun oo qof ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag kaasoo uu ka hadley madaxweynaha Maakhir State Jibriil Cali Salaad. Banaanbaxan ayaa waxaa kasoo qeyb galay sidoo kale culumaa'udiinka, dhalinyarada, ururada haweenka iyo ardeyda gobolka Sanaag oo ku muujinayay in ay muhiimtahay ka talaabida laga talaabay ku meel gaarka isla markaana loo gudbey hanaanka dowlad dhexe. Shacabka ayaa ugu baaqey madaxweynaha in uu howshiisa ka soo baxo ilaahayna uga baryey in uu howshaasi ugu fududeeyo. HOOS KA DAAWO VIDEO ...
  22. VIDEO: Daawo Madaxwaynaha Maakhir satate Of Somalia Col.Jibriil Cali Salaad oo Tageeray Dowlada Soomaliya Iyo Madaxwaynaha Cusub Badhan: magaalada badhan ayaa waxaa baryahan laga dareemayey tageerada loo qabo midnimada somaliya iyo madaxwaynaha cusub waxana maalintii shalay ahayd banaanbax wayn lagu sameeyey magaalada badhan taas oo ay ka soo qayb galeen shacabwynaha ku dhaqan magaalada badhan waxana madashii la isugu yimi ka hadlay madaxwaynaha maamul goboleedka maakhir ee somaliya col.jirbiil cali salaad oo khudbad aad qurux badan ka jeediyay halkan ka daawo videogii anagoo ka soo xiganay warkan agaasimaha tv somali channel ee magaalada badhan C/risaaq Cali Belbel by: bahda galgalanews.com