ansaar17

Nomads
  • Content Count

    335
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by ansaar17

  1. Muqdisho 31 Maarso 07 (Beerdhiga ) Dagaalkii ka socday maanta magaalada muqdisho oo galay maalintiisii saddexaad ayaa waxa uu bilowday xalay saqdii dhexe abaarihii labadii iyo qadar daqiiqado ah 2:10, dagaalkan ayaa waxa soo qaaday ciidamo itoobiyaan ah oo ka soo baxay xarunta madaxtooyada villa soomaaliya oo loo fahmay in ay gurmad u yihiin ciidamadii ku go’doonsanaa isbartiibada iyo xaruntii xisbiga.Ciidamadan ayaa watay shan ural ah iyo labo taangi. Si kastaba ha ahaatee Ciidamadan markay marayeen agagaarka saldhigii wardhiigleey ee xaafada xamar bille ayaa waxay bilaabeen in ay ku garaacaan madaafiic dhamaan agagaaraha goobihii ay ku tuhmayeen xoogagii muqaawamada, daqiiqado kadib markii ay socotay madaafiicdan ayaa waxaa is helay ciidamadii itoobiyaanka oo lug ah kana dagay baabuurtoodii iyo xoogagii muqaawamada, dagaal yar kadib waxay ciidamadii itoobiyaanku xoog ku galeen xaruntii xisbiga iyo isbartiibada iyaga iyo baabuurtoodiiba. Abaarihii 3:00 habeenimo ee saqdii dhexe ayaa waxaa xaruntii xisbiga iyo isbartiibada ay ku go’doonsanaayeen ciidamadii hore iyo kuwii danbe ka soo baxay labo ural iyo hal taangi taasoo lagu tilmaamay in ay soo qaadeen ciidamadii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalkii ku qabsaday goobahaas. Ciidamadan ayaa la gudbay baaburtoodii,waxaana la sheegayaa maanta galinkii hore in labadaas uuraal oo ay ka soo suurayaan dhimasho iyo dhaawacba ay ku sii socdeen wadada afgooye taasoo aan la hubin meel ay ku sii wajahanyihiin. Labadan ural ayaa waxaa ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugnaa isgoyska banaadir in markii ay ciidamadu marayeen halkaas ay ku dileen labo qofood oo rayid ah oo aan waxba galabsanin. Dhinaca kale ciidamadii xalay xooga ku soo jiiray ayaa dajiyay qaar kamid ah baabuurtoodii dagaalka agagaaraha isgoyska cali kamiin. Abaarihii salaadii subax kadib ayaa waxay ciidamada xoogaga muqaawamadu ku qaadeen weerar kuna qabsadeen isgoyskii cali kamiin iyo nawaaxigiisa. Dhinaca kala saacadu markay ahayd 11:20 ee barqanimo ayaa waxaa ay ilo ku dhadhow xoogaga muqaawamadu noo xaqiijiyeen in lagu garaacay hoobiyaal aan ka yarayn 50(konton) hoobiye madaxtooyada villa soomaaliya. Dhinaca kale waxaa maanta duhurnimadii laga bilaabo ilaa salaadii casar socday weeraro isbiimayn ah oo ay soo qaadayeen ciidamada itoobiyaanka ah ee ku sugan soona madaxtooyada villa soomaaliya. Dhinaca kale intii u dhaxaysay salaadii duhur iyo salaadii casar ayaa waxaa ay xoogaga muqaawamadu hoobiyaal ay tiradoodu gaarayso 50 (konton) hoobiye ku garaaceen isbartiibada iyo xaruntii xisbiga, qaaca iyo qiiqa ka baxayay labadaasi goobood ayaa isku shareeray hawada taasoo laga wada arkayay meelo badan,sidoo kale waxay noo xaqiijiyeen ilo ku dhadhow xoogaga muqaawamada in la arkayay in lala helay hoobiyaashaas hal suug oo taagnaa gobtii dagaalka kadibna waxaa joogsaday rasaastii uu ridayay,sidoo kale wax yar kadib ayaa waxaa ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhadhow muqaawamada in ay ciidamadii kujiray isbartiibada iyo xaruntii xisbiga, ooda soo jabsadeen iyagoo qaylinaya isla mar ahaantaas ayaa waxaa is qabsaday rasaas xoogan oo laga wada maqlayay goobaha ku dhaw aagaas, rasaastan ayaa waxaa isweydaarsaday ciidamadii ka soo baxay isbartiibada iyo kuwii xoogaga muqawamada ee ku sugnaa agagaarka isgoyska cali kamiin, wax yar kadib waxaa dib loo celiyay ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee ka soo baxay isbartiibada iyo xarunta xisbiga. si kastaba ha ahaatee ciidamada ku kala sugan madaxtooyada villa soomaaliya, gaashaandhiga iyo asluubta ayaa waxa ay maanta abaarihii labadii 2:00 duhurnimo ku gaaraaceen dhamaan daafaha magaalada muqdisho madaafiic aan aaba yeel lahayn waxaana si gaar ah xasuuqaasi u waxyeeleeyay inta u dhaxaysa xaafada shiirkole ilaa towfiiq. www.Beerdhiga.com
  2. what peace, under ethiopia's feet. maybe xalane you should move to addis ababa and lick their boots their.
  3. let them come to their hell. numbers won't necessary do much in a huge city.
  4. the ethiopians are shelling the city and trying to destory it.
  5. Originally posted by xox ogaal: The lates news the tigre has won the war and in control the studium saxiib, they were trapped and finally got some reinforcements. The fighting is still continuing there. they were already in the stadium, cut off from all suplies.
  6. Small clip from the fighting recorded by Universal TV http://www.zshare.net/download/sa7l-wmv.html easier to download then watch.
  7. 13 attempts failed because ethiopia was against it.
  8. he is threatening the interviewer from his phone lol. typical blood sucker.
  9. Originally posted by Kamalu Diin: Hogaamiyaasha dhaqanka,siyaasadda ,diinta iyo ganacsigga beelaha ****** ayaa markii ugu horeeyay saxiixay qorshe cusub Submitted by Azk.olad on Sat, 2007-03-24 22:34. Hogaamiyaasha dhaqanka,siyaasadda ,diinta iyo ganacsigga beelaha ****** ayaa markii ugu horeeyay saxiixay qorshe cusub oo faraya in la toogto Askarigii lagu dhex arko xoogaga ****** isagoo wajiga u xiran yahay,waxayna isku raaceen beelweynta ****** in qofkii u diyaara inuu shacabkiisa difaaca uu dagaalka ka qaybgalo iyadoo wajigga u furan yahay. Beelweynta ****** waxaa magacooda ku hadli kara Cabdilahi Sheekh Xasan iyo Axmed Diiriye xitaa Ugaasyadda waxba lagama waydiin karo”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ay soo saareen manta. Korneyl Faarax Madoobe waa Abaanduulka cusub ee Xoogaga wax iska caabinta ****** . waxaana amaradaan kulul la sheegayaa inay qayb ka yihiin siyaasad ay isaga fogeeynayaan in waxa dagaalada wada ay yihiin Shabaabkii Maxkamadaha ee laga awooda roonaaday. Hogaamiyaasha ****** waxaa kale oo ay shaaca ka qaadeen in Xasan Dahir Aweys yahay nin u dhashay beesha ****** balse uusan matali Karin kacdoon beesha isaga qaadeeyso gumeeysiga ,maadama uusan wax xila ka heyn . Dagaalyahanadda ****** waxay amar ku qabaan inay toogtaan ninkii wajiga soo xirto ee doonaya inuu naga dhinac dagaalamo ,waayoo ninka nuucaasa waxaan u qaadaneeynaa inuu u shaqeeynayo Cabdilahi Yusuf,waxaan ugu baaqayaa inuu gurigiisa iska joogo fulayga doonayo inuu wajiga xirto oo qorina qaato,waxaana leeyahay ninkii wax gala ee shacabkiisa difaacaya haka soo qaybgalo dagaalka isagoo saaxi ah oo indhaha u xirneeyn”sidaas waxaa yiri korneyl Faarax Madoobe oo la hadlayay Ciidamada jiidaha hore ee dagaalka ku jira. Inkastoo ay Muqdisho ka jirto xabad joojin, oo mararka qaar la jebiyo hadana sida muuqato ,dagaal waa lama huraan ,waloow Madaxweyne Yusuf markii ugu horeeysay ergo Nabadeed u soo diray hogaamiyaasha dhaqanka ****** oo aan wali qaabilin ergadaas. Don't believe the lies spit by waagacusub.
  10. Asalamu alaykum wr/wb a lecture by sh. shariff leader of the ICU listen here http://www.addacwah.com/Muxadaro/sh_shariif_sh_axmed/shshariif.ram He gave it yesterday. said some important things.
  11. Maxaa ka jira in Ciidamo ka soo goostay Dowladda Federaalka ay soo gaareen Qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan? Isniin, March 26, 2007(HOL): Wararka ka soo baxaya degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in sacadihii ugu danbeeyay ay soo gaareen ciidamo ka soo goostay dhinaca magaalada Muqdisho kana tirsanaa dowlada federaalka Soomaaliya. Sida uu u xaqiijiyay HOL mid ka mid ah mas'uuliyiinta Degmada Buula-burte markii ay ciidamadu gudaha u soo galeen degmada waxaa ay cirka u rideen Rasaas inta badan qal-qal ku abuurtay dadka degmada oo mar u qaatay in halkaasi dagaal ka qarxay lakiin markii danbe ciidamadu ku macneeyeen in Rasaastu aheyd mid dabaal deg ah. Tirada ciidamada oo ilaa hada aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxaa qiyaastii lagu sheegay in gaarayaan ilaa 100 Askari inkastoo laga yaabo in tiradu intaa ka yar tahay, mas'uulka arintan u xaqiijiyaya HOL ayaa in taa ku daray in ciidamadu ka soo gadoodeen dhaqaale xumo soo food saartay iyo waliba dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada muqdisho oo sida ay ciidamadu sheegeen aysan suurta gal-aheyn in la sii wado iyada oo aan la helin dhaqaale ku filan ciidamada dagaalamaya. Intii ay jidka ku soo jireen ciidamadan soo goostay ayeey wararku tilaamayaan in uu jiray iska hor- imaad ku dhax maray daafaha gobalka Shabeelada dhaxe ciidamo bar-koontarool joogay walow uusan wax qasaare ah geysan iska hor imaadka dhacay. Inkastoo warka ku saabsan ciidamadan soo gaaray gobalka Hiiraan uu sheegayo in ay yihiin kuwo soo goostay ayaa dhanka kalana waxaa jira warar kale oo tilmamaya in ciidamada soo gaaray Degmooyinka Buula-burte iyo waliba Jalalaqsi yihiin kuwo halkaa u yimid howlo shaqo lakiin dib ugu laaban doona dhinaca Garoonka Bali-doogle oo fariisin u ah. Ma ahan markii ugu horeysay oo uu soo baxo war sheegaya in jiraan ciidamo ka soo jeeda gobalka Hiiraan oo ka soo gostay waxaana xusid mudan in waqtigii midowga Maxkamaduhu ka talinayeen K/soomaaliya ay ka soo goosteen magaalada B/dhabo ciidamo ka soo jeeday gobalka Hiiraan kuna soo biiray Midowgii Maxkamadaha ee waqtigaa jiray. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyn, Somalia
  12. Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo beeniyay War ay baahiyeen Warbaahinta Beenaaleyaasha ah ee Gudaha Muqdisho ka hawlgala. Nairobi,26,March-07 ( Qaadisiya.com) Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ka mid ah ganacsatadii kaalinta muuqata ka qaatay kacdoonkii shacabka ee ku guuleystay nabadeynta dalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar umadda jahwareer geliyay kaasoo oranayay in uu heshiis la galay dawladda maqaar saarka ah ee la shaqeysa gaalada ku soo duushay dalka. Xaajiga oo waraysi siiyay idaacada BBC-da laanteeda Af Soomaaliga ayaa si kulul uga jawaabay wararka beenta ah ee laga baahiyay, isagoo tilmaamay in aaney jirin wax heshiis ah oo uu la gaaray ragaasi marka laga reebo kulan iscafis ah oo dhex maray rag ay isku heyb ahaayeen oo ku jira dawladda maqaar saarka ah. "Waa la yaabanahay waxa banaanada laga sheegayo heshiis ay gaareen, kadaa ay gaareen, yaa heshiis aan la gaaranaa yaase heshiis laga gaari karaa, waxaan ahaa kacdoonkii dadweyne ee ka dhashay Muqdisho iyo maxkamadaha taageeradoodii ayaan ahaa haddii wixii aan soo marnay oo Ilaahey noo sahlay nalaga jajabshay waan ka soo tagay" ayuu yiri Xaaji Abuukar oo caddeeyay mowqifka uu ka qabo heshiis la sheegay in uu la galay rag ku jira maamulka maqaar saarka ah ee Gaaladu ay ka dhisatay dalka Soomaaliya. Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa ku baaqay in ciidamada xooga ku jooga dalka ay baxaan isla markaana loo daayo Soomaalida in ay ka taliyaan aayahooda, isagoo tilmaamay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho in uu u dhaxeeyo ciidamo ajaanib ah oo aan laga rabin dalka iyo dad ka soo horjeeda. Xaaji Abuukar ayaa hoosta ka xariiqay in uusan wax heshiis ah la geli doonin raga hormuudka u ah ciidamada duulaanka ah ee dalka la soo geliyay, isagoo si cad u sheegay in uusan kaligiis ka talin karin masiirka umadda, balse ay u taalo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogtaba.
  13. I just seen this clip of them shooting down that cargo plane. and the it looks like a stinger missle but i aint no weapon expert. Short video clip>> http://heegan.net/diyaarad.DAT
  14. how are poor homeless fellow somalians living in govt campounds occupiers????????????? subhanallah.
  15. This has nothing to do with tribe, but the Mbgathi group is trying to legitimize their so called "reconcilation" buy making him join their meeting so they can get the funds they are after.
  16. the ethiopians oddly enough told the elders this was not about yeey but them. we have just avoided a clan war.
  17. Isn't it embrassing to the guy who keeps claiming to be a "political analyst" who said they will not be a single shot fired, and that the peace will hold.
  18. Let me start by saying I share you're concern but I doubt the islamist will allow that to happen. soon they will attack the Uganda soldiers stationed at KM4. here is another article which is almost the same the as the one you posted but has a nice ending: http://www.goobjoog.net/news/129/ARTICLE/5036/2007-03-23.html
  19. How the hell are the ethiopians going to play Mediator????? This is what they wanted all along. now they will sit back and watch, and arm each side.
  20. Originally posted by xiinfaniin: abu ansaar17 , the situation is very fluid right now. It seems particular clans are beginning to waver in the face of determined tfg. Ethiopia wants to play safe. It’s not in their interest to be seen siding with a particular clan. So it seems it begun to contact certain tribal elders and tame their animosity against it. But when the bush comes to shove, that kind a stance is untenable one for both Ethiopia and these elders. The real sentiment of the fighting force is against Ethiopia, and not against Puntlanders. But you have people like Ulusow and others like him who wants to appease the powers that be while opposing tfg. He wants to challenge the old man’s ascendancy in Xamar on clannish grounds. It won’t work, I predict. Those knights whose intent is purely to drive Ethiopian forces are the real power to reckon with. Waxaa kale waa dameeri dhaan raacday adeer. I hope your right brother! I am afraid some power hunger might hijack this delacate situation to his favor. Some tribes are arleady saying the ethiopians should be "Neutral" all over the audio tribal elders are saying its they who are fighting and are fighting not against the ETIOPIANS but PUNTLANDERS.
  21. So who really is fighting here? the islamist or tribal militias, or both? The goal of ICU should have been targetting the ethiopians, it seems the jihad is being hijacked by tribal bigots. The attack should have been on the ethiopian troops first and foremost, they cannot play neutral or else they would have achieved their goal. I hope it doesn't end like this.
  22. Cargo plane is shot down in Somalia By MOHAMED OLAD HASSAN, Associated Press Writer 13 minutes ago A cargo plane that had delivered equipment for Ugandan peacekeepers in Mogadishu was shot down Friday by a missile during takeoff at the Somali capital's airport and crashed in flames, witnesses said. The airport worker, speaking on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the media, said the Russian-built plane was shot down by a missile. Muse Sheik Osman, who lives in the north of the city, said he saw the burning plane come down and heard the sound of an anti-aircraft missile being fired shortly before the crash. Capt. Paddy Ankunda, spokesman for the Ugandan peacekeepers in Somalia, said he had heard reports of a plane crash but could not confirm them. The plane crash came at the end of a particularly violent week in Mogadishu that killed dozens of people, most of them civilians. Much of the violence halted Friday as a truce took effect between military officials from Ethiopia, which sent troops to neighboring Somalia last year to help overthrow the Islamic movement that had overtaken much of the country, and elders of the dominant clan in Somalia's capital. Still, sporadic gunfire could be heard around the former defense ministry building in southern Mogadishu, which has been one of the front lines in the two days of fighting. One civilian was killed early Friday, possibly by a stray bullet, said Mohamed Barre Olad, who lives near the former defense ministry headquarters. Olad saw the body as he walked home. He said he saw also a wounded man being taken to a hospital in a wheelchair. An elder, Mohammed Ibrahim Aden, told The Associated Press that 25 ****** clan elders met with "several Ethiopian (military) officials" late Thursday and agreed to stop hostilities and begin talks. "We have asked the Ethiopian officials to pull their troops back from front line areas and force government troops to do the same," Aden said. "We have also promised on our part to pull our fighters back from the battle fronts." Meanwhile, Kenya deported more than 100 people from 19 countries to Somalia after they illegally crossed the border between the two countries during fighting earlier this year. The deportees were subsequently arrested by Ethiopian troops, a human rights group said Friday. The Kenyan government denied refugee status to the group — which included a U.S. citizen — and even sent its own citizens back to face an uncertain future in a country with no functioning legal system, said the chairman of Muslim Human Rights, Al-Amin Kimathi. Ethiopian forces fighting inside Somalia then took the suspects and flew them to two detention centers inside Ethiopia, he added. Kimathi said he had received unconfirmed information that three of the deportees had died while in Ethiopian custody. Government officials had vowed Thursday to continue fighting the insurgents in Mogadishu who they said are led by the newly chosen head of Somalia's al-Qaida cell, Aden Hashi Ayro. He is one of the people the U.S. targeted in a January airstrike in Somalia. Ayro is a top leader of the ousted Islamic courts and the government had reports he was in Mogadishu, said Deputy Defense Minister Salad Ali Jelle. The Council of Islamic Courts that Ayro served as military commander and was driven from the capital in December after six months in power. The group has promised to launch an Iraq-style guerrilla war, and mortar attacks pound the capital nearly every day. On Wednesday, Somali intelligence officials ordered the satellite television station Al-Jazeera to close its Mogadishu office, said Abshir Mohamed, the channel's head of administration. Information Minister Madobe Nunow Mohamed told The Associated Press that "Al-Jazeera has conveyed the wrong messages to the world." "We will shut down additional radio stations and channels if they distort facts," he said. Somalia has been without an effective central government since 1991. The current administration has failed to assert control throughout the country, and the African Union has deployed a small peacekeeping force to defend it. ___ Associated Press writers Salad Duhul in Mogadishu contributed to this report.
  23. Wed. March 21, 2007 08:01 am.- By Mohamed Abdi Farah. - Send this news article (SomaliNet) At least 16 people have been killed and scores were wounded in separate gun battles which erupted in the Somalia capital Mogadishu on Wednesday between interim government forces along with Ethiopian soldiers, and masked and heavily armed insurgent groups. It was the bloodiest fighting in the capital since the arrival of the Ethiopian backed interim government in December 2006. The fighting started around former defense ministry compound in south of the capital where based by Ethiopian forces at about 6:09 am local time this morning and then spread into other new areas. The heaviest clashes happened around the ministry of defense where reports say that government lost 7 soldiers while the body of Ethiopian soldier was dragged on the streets by angry mobs. SomaliNet decided not to print the gruesome images of dead people. Bodies of two government soldiers were also set on fire by infuriated residents. Most of the dead people were civilians who were killed by the exchanged gun fire and artilleries. In north of Mogadishu, clashes also erupted between government troops and supporters of the ousted Islamists causing human casualties but there is no exact number of people killed and wounded there. Insurgents groups claimed that they have captured seven government soldiers, some wounded in the war some of them were wounded. Some reports say that insurgents surrounded the former defense ministry compound where the Ethiopian soldier dug in and firing artillery shells. The militants who have the backing of the residents seized key streets in the capital like Wadnaha road which passes behind the main Bakara market in Mogadishu. It is for the first time that armed local militia men are seen in some streets of southern the capital since the ouster of the Islamic Courts Union from Mogadishu, Somalia capital late December 2006.