Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MUSTAQBALKA SIYAASIYIINTII IYO GARAADDADII Sool clan EE LAASCAANOOD DAGAALKA KA RIDAY. Laascaanood oo nabad ah dhismaysa oo uu ka jiro nidaam dhamaystirani ayay shir ku qabsadeen laascaanood oo ay u soo daayeen maamulkii dawladdu iyagoo filayay shirka intaas leeg inay nabadi ka soo baxayso nasiib darro waxa ka soo baxday GALA DAGAALKA iyo laascaanood oo uu dhiig badani ku daatay qormadan waxaan ku soo qaadanayaa mustaqbalka madoaw ee INA KHALIIF kaas oo ah mid if iyo aakhiroba seegay, C/khaliif waa dadkan la yidhaahdo AMUUMAHA aqoon badan ma laha maanta wuu godobaysanayay maaha nin ku noolaankaraya s/Land oo waxa ku xeeran dunuubtii uu geystay sidaas awgeed isagiyo intii laascaanood gubtay waxa dul taal xisaabtii ilaahay oo dhamaystiran ifka murugo aakhirona xisaab, garaaddada dhulbahte iyo siyaasiyiintan xasan shiikh miiciin biday waa nin qaawani biyo iskama dhawro, waa halka keliya ee ay is leeyihiin waad ku noolaan kartaan XAMAR Waayo waxay galeen jariimad weyn iyo guul darro taariikhiya oo ay ku baabi’iyeden dhulkoodii. S/land itaalkeeda dadka reer laascaanood waxba ka hagranmaysi nasiibdarrose waxay tahay meeye waxgaradkii Sool clan reerku miyaanuu cid kale lahayn MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  2. AQOnp-Xsq-oyDHFSLVPiVljV49kY6hz4iJJ_gAypw-V1Ypf77vIlZSV1CiLEx0sDQ2x5CcB3L35LdGGmqZEAKhxU Qaran News
  3. Xafiiska ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta soo saaray warqad rasmi ah oo dib loogu fasaxayo qaar kamid ah xildhibaanada golaha ee dhowaan laga hakiyay ka qeybgalka fadhiyada golaha. Warqadda ayaa lagu cadeeyay in xildhibaanadaasi hadda dib uga qeybgali karaan fadhiyada golaha, kaddib markii la tixgeliyay duruufaha jira iyo dib u eegis lagu sameeyay go’aankii hore ee hakinta. Golaha shacabka ayaa maalmahan waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxaysa xildhibaano ka tirsan golaha iyo guddoomiye Aadan Madoobe, taas oo saameyn ku yeelatay shaqada golaha, waxayna sababtay in uu maanta oo sabti ahayd uu baaqdo kulan ay la haayeen golaha. Kulankii u dambeeyay ee golaha shacabka oo dhacay arbacadii la soo dhaafay ayaa buuq iyo fowdo ku dhammaaday, waxaana kaddib xigtay in qaar kamid ah xildhibaannada laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Aadan Madoobe. Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa khamiistii u baxay dalka Aljeeriya, halkaas oo uu maanta uga qaybgalay shirka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Carabta oo ka furmay magaalada caasimada Algiers. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Go’aan ka soo baxay ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka appeared first on Puntland Post.
  4. Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa si rasmi ah uga furmay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, waxaana shirka sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan wadanka Algeria ayaa Soomaaliya ku matalaya shirkaas oo maanta si rasmi ah u furmay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo taabaneysa oo uu kaga hadli doono muhiimadda shirkaasi uu dalkeena u leeyahay iyo kaalinta firifircoon ee ay Soomaaliya ku leedahay shirka iyo guud ahaan baarlamaanadda Carabta. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku suganyahay wadanka Algeria waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa wadanka shirka martigelinaya ee Algeria, sidoo kalena waxa uu kulamo gaar gaar ah oo lagu xoojinayo xiriirka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan baarlamaanada carabta la qaadan doonaa Guddoomiyaasha Baarlamaanadda ee ka qeybgalaya shirka. Source: goobjoog.com
  5. AQPaoLXbhPYq7JjEY9UWGM1Jpmo0Ik5-4oOBeUXFQq9Zw61JS4GJKu3gYsJQfdsmV1UqZUVdiX7Uozt3_ltXnERx Qaran News
  6. Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Soo dhaweynta hoggaamiyaha waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan, xildhibaanno, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Imaanshaha Mudane Firdhiye ee Muqdisho ayaa salka ku haya ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado inuu ka dhaco xarunta Villa Soomaaliya 5-ta bishan May. Shirkan muhiimka ah waxaa casuumaddiisa bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la filayaa in laga wada hadlo arrimo qaran oo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska, iyo arrimaha doorashooyinka. Mas’uuliyiinta soo dhaweysay Hoggaamiye Firdhiye ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay ka qeybgalka SSC-Khaatumo ee madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagu doonayo in lagu xoojiyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo xaqiijinta matalaadda gobollada dalka oo dhan. Source: goobjoog.com
  7. Colaada deegaanka Ceel-Afweyn oo soo taagnayd mudo dheer ayaa suurto gashay in si nabad ah oo walaaltinimo ah lagu soo afjaro iyada oo xukuumadda uu hogaaniyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro in ay maanta nadiib u yeelato in ay goob joog ka noqoto in colaadaasi la soo afjaray oo si nabadgalyo ah maabta gacmaha la iskugu qabsday. Qaran News
  8. AQO3W5x3BX9x9n2tPVJkZ1FdhLHRw9h4hkGnOA6ifvFgc_i9qZ-NZjPb-vDGw44S-5Q14xJgqf7D3fGalEOcVQcO Qaran News
  9. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda. Guddiga oo ka duulaya Waajibaadkiisa shaqo ee ku cad qodobada Dastuurka Dawladda Puntland iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada ayaa soo qaban-qaabiyey kulanka oo ujeedadiisu ahayd dabagalka Miisaaniyadda 2025. Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka waydiiyey su’aalo la xiriira dhaqangalka Miisaaniyadda 2025, faah-faahinta dakhliga iyo kharashka muddada lagu jiray Miisaaniyadda 2025, xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada ee Miisaaniyadda ku jirta iyo cabashooyin ka yimi dadweyanaha oo la xiriira cashuuro. Gaba-gabadii kulanka waxaa Guddigu kula dardaarmeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda in ay dardargeliyaan dakhli ururinta, ayna joogteeyaan bixinta xuquuqda Shaqaalaha iyo Ciidamada. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka wada-hadlay Miisaaniyadda dowladda ee 2025 appeared first on Puntland Post.
  10. Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horresay si rasmi ah uga hadashay sababta loo mamnuucday baasaboorka Taiwan, oo dhowaan Wasaaradda arrimaha dibadda maamulkaasi ay xaqiijisay. Wasiirka gaashasndhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo maanta wareejiyay xilka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa sheegay in sababaha baasaboorka Taiwan loo joojiyay ay kamid in Wasiirka arrimaha dibadda maamulkaasi uu doonayay inuu Hargeysa safar ku yimaado, taas oo dhiirigelin lahayd gooni u goosadka Soomaaliland. Sidoo kale Wasiirka Fiqi wuxuu sheegay in xaafiiska Taiwan ee Soomaaliland uu tababaray ciidamado ku lug lahaa dagaallo ka dhacay deegaanadaas, taas oo keentay la mamnuuco baasaboorka jasiiradda Taiwan in lagu yimaado guud ahaan Soomaaliya. Maamulka Taiwan ayaa horay loogu eedeyn jirey ku lug lahaanshaha kalluumeysi sharci-darro oo ay maraakiibtoodu ka sameyn jireen Xeebaha Soomaaliya, sidoo kalena shantii sanoo la soo dhaafay waxay xariir xoogan la yeeshan Soomaaliland, ayagoo ka furtay xaafiis dublumaasiyadeed. Source: goobjoog.com
  11. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in la gaaray xilligii meesha laga saari lahaa lacagaha uu dalkiisu dibedda u diro si loo maalgeliyo waxa uu ku tilmaamay barnaamijyo aan ameerikaanka dani ugu jirin. “Lacagaha Maraykanka ee dibadda loo diri jiray muddo dheer si loogu maalgeliyo barnaamijyada aan ka shaqaynayn danaha qarankeena waa dhammaaday xilligii aan canshuureheena u diri lahayn Ururada aan masuulka ahayn ee dibadaha”ayuu yiri Marco Rubio. Taniyo markii uu xaafiiska yimid Donald Trump waxaa meesha laga saaray barnaamijyo badan oo Mareykanka dhaqaale ku bixin jirey, ayadoo Washington ay shuruud ku xirtay taageerada maaliyadeed ee ay siiso dalalka qaar. Source: goobjoog.com
  12. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dagaal xooggan oo ay Ciidanka deegaanku uga hortageen weerarro ay Alshabaab ku soo qaaday deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan. Warka ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidanku ay si weyn uga hortagedn duullaan ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaaday, islamarkaana ay jabiyeen oo ugu yaraan 25 xubnood ka dileen dagaalameyaashii soo weeraray. Ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo 3 kamid ahi ay qabaan dhaawacyo culus, ayadoo hub iyo saanad badanna gacanta ku dhigey sida lagu xusay War saxaafadeedka. Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday inay ka go’antahay inay si dhab ah ula dagaallanto kooxda Alshabaab, ayadoo tilmaamtay in dadka reer Hiiraan ay tusaale u yihiin geesinimada dadweynaha Soomaaliyeed ee la dagaallamaya kooxdaas. Source: goobjoog.com
  13. Guutada labaad ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan degaanka Dhasaan ayaa xalay fashiliyay weerar ay ciidamada ku soo qaadeen koox ka tirsan firxadka mileeshiyaadka ISIS. Tiro kamid ah mileeshiyaadkii weerarka soo qaaday ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaaca hore ee ciidanka, halka dhammaan intii kale ay ciidamadu toogasho ku dileen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland oo fashiliyay weerkaasi. “Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigay markii waagu baryo” sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan. Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda uu weerarkaasi kaga dhaawacmay hal askari oo dhaawaciisu fudud yahay, kaasi oo firirro yar yar soo gaareen, balse shaqadiisi difaaca sii wata, waxaana uu ciidanka ku bogaadiyay siday mar kasta u fashiliyaan isku day kasta oo argagixisadu samayso. PUNTLAND POST The post Calmiskaad: Ciidamada difaaca Puntland oo xalay fashiliyay weerar ay soo qaadeen mileeshiyaadka argagixisada ah ee ISIS appeared first on Puntland Post.
  14. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho loo gaystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya oo xalay ka dhacday gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Xildhibaan Charles Ong’ondo ayaa lagu dhex dilay bartamaha magaalada, isaga oo ku dhex jiray baabuurkiisa, isla markaana marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Nairobi. Charles ayaa xilliga la dilay waxyar uun kahor ka baxay xarunta baarlamaanka, waxaana weeraray laba nin oo hubeysan, kadibna ku baxsaday mooto Fekon ah. Labada nin ayaa eryaday xildhibaanka, iyaga oo rasaas ku furay, taas oo keentay inuu meesha kuu geeriyoodo, sida ay ay sheegeen laamaha ammaanka ee dalka Kenya. Sidoo kale, waxaa toogashada ka bad-baaday darawalka xildhibaanka, waxaana haatan socda baaris ay wadaan ciidamada booliska, si loo soo qabto dambiilayaasha. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dilka xildhibaanka iyo waxa ay ahaayeen ragga toogtay ee cararay, kuwaas oo ay baadi goobayaan booliska Kenya. Xildhibaanka la dilay ee Charles Ong’ondo ayaa ka tirsanaa xisbiga siyaasiga ruug cadaaga ah ee muddada dheer mucaaradka ah ee Raila Odinga oo si weyn u cambaareeyay dilkaasi. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyey guusha geesiyaasha Deegaanka iyo Ciidanka Qaranka ay maanta ka gaareen dagaalladii maanta ka dhacay gobolka Hiiraan oo lagu laayey Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarro seddax jiho ah ku soo qaaday galinkii dambe ee maanta kooxda ayaa weerarradaas ku soo qaaday deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan. “Geesiyaasha halkaas ka dagaalamay waxay soo ururiyeen maydadka 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen afar maleeshiyaad ah, iyadoo saddex ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in tiro kale oo maydad iyo dhaawac ah ay horay usii qaateen Khawaarijtu,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Guushan weyn waa tii labaad oo muddo kooban gudahood lagu jabiyo Khawaarijta, iyadoo la xusuusto jabkii xoogganaa ee Khawaarijta lagula beegsaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay guulo la taaban karo ka gaareen Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka.” Intii uu socday howlgalka baacsiga ah, geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida waxay ka furteen Khawaarijta hub aad u badan. Geesiyaasha reer Hiiraan waxay tusaale u yihiin halganka iyo geesinimada shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya Khawaarijta duulaanka ku ah qaranimadeena iyo diinteenna. “Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
  16. Moqokori (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta qorsheysay inay cagta-mariyaan macawiisleyda reer Hiiraan, balse waxay kala kulmeen jabkii ugu culsaa ee waayahaan soo gaara, waxaana seddax goobood lagu soo bandhigay meydadka Al-Shabaab oo tirabeel ah. Ciidamada Qaranka iyo kuwa Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa maanta jilibka u dhigay weerarro ay Al-Shabaab ka soo qaadeen seddax jiho oo gobolka Hiiraan ah, waxaana guuleystay Ciidamada Xoogga iyo xaq u dirirka deegaanka. Waxaa lasoo bandhigay meydadka ku dhowaad 30 Shabaab ah oo ajaanib ay ku jiraan, sidoo kale waxaa muuqaalada laga soo duubay lagu dhex arkayaa horjoogayaal madaxda laga gooyey. Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo looga hortegay weerar ay Shabaab ka soo abaabuleen degmada Aadan-yabaal oo gacantooda ku jirta. Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in Khawaarijta ay ka dileen ku dhowaad 30 Shabaab ah oo meydadkooda ay dul istaageen, iyagoo kasoo furtay hub iyo saanadihii kale ee ciidanka ee ay ku soo weerar tageen. Taliyaha Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Xujaale oo SNTV la hadlay ayaa yiri. “25 ka tirsan meydadkii Khawaarijta ay ka carareen ayaan gacanta ku haynaa, Saddex aag oo ay ka soo weerar tageena waan ku jabinay.” Meydad kale iyo dhaawacyo tiro beel ah ayaa la sheegay in Shabaab ay horay u qaateen, kadib markii dhamac aysan filaneyn ay kala kulmeen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanayey. Taliyaha Guutada 21-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gashaanle Maxamed Cali Hilowle ayaa yiri, “Khawaarij tababar maleh, waxaana ka dhignay kuwa aan dilno iyo kuwa aan nolasha ku qabanay cadowgii maanta nagu soo duulay”.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan raali-gelin ah ayaa galabta Muqdisho loogu sameeyey Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka lagu aflagaadeeyey. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo saaxiibo dhow la ah mucaaradkana ay iskala tirsan yihiin Xildhibaan Caananuug ayaa ka xaalmariyey aflagaadadii uu u geystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Kulankii ugu dambeeyey ee Arbacadii ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo buuq iyo gacan qaad ku soo dhamaaday ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe ku dhex caayey xildhibaanada qaar. Inkastoo dhowr xildhibaan oo mucaarad ah, buuqa iyo xasilooni daradana bilaabay uu mid mid u caayey Aadan Madoobe, hadana Xildhibaan Caananuug ayaa ugu daraa, wuxuuna yiri “Naga fariiso waxaa tahay Jiis daalane.” XIldhibaan Caananuug waxaa qarax ay gaarigiisa ugu xireen lug uga jaray Khawaarijta, wuxuuna ku suntan yahay halgan iyo dhabar adeyg dalkaan looga xoreeyey Khawaarijta oo muddo dheer soo socday. Wuxuu kamid yahay saaxiibada madaxweynihii hore Sheekh Shariif, wuxuuna xili ku jira ragg ay Shabaab ugu neceb yihiin, ilaa heer ay gaareen inay gaarigiisa qarax ugu xiraan. Sheekh Aadan Madoobe ayaa aad loogu dhaliilay hadalkiisii ka dhanka ahaa xildhibaankaan dhibanaha u noqday beegsiga Al-Shabaab ee dalka ka socda, taasi oo mudan in mar kasta looga garaabo. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa galabta Xildhibaan Caananuug dusha ka saaray Go’ shaal ah, kaas oo ka turjumaya in habdhaqanka raali gelinta Soomaalida. Dhamaan Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa isugu yimid kulanka raali-gelinta xildhibaan Caananuug, waxayna soo qaateen ulaha Baakoorta ah ee dadka lugaha la’ ay cuskadaan.
  18. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Hararta. Deegaankan ayaa ku yaalla xuduudda u dhaxeysa degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, waana meel istiraatiiji ah oo dhowr jeer ay ka dhaceen iska hor-imaadyo. Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo fiidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay ku beegsanayaan goobaha ay Shabaabku isku aruursadaan. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, waxaa laga adkaaday kooxdii halkaasi ku sugneyd. Wararka la helayo ayaa sheegaya in ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkaasi, halka in ka badan 10 qori ay ciidamada deegaanka gacanta ku dhigeen. Ciidamada deegaanka ayaa si buuxda u fashiliyey dhagartii ay maleegayeen Shabaabka, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah goobaha ay ku sugan yihiin shacabka iyo ciidamada dowladda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu adkeynayo amniga gobolka. Aagga uu howlgalka ka dhacay waxaa hadda si buuxda ugu sugan ciidamada deegaanka, kuwaas oo bilaabay baacsiga xubnaha firxadka ah ee ka tirsanaa kooxda. Saraakiishu waxay sheegeen in aysan joojin doonin hawl-gallada inta laga saarayo guud ahaan gobolka. Howl-galkan guuleystay ayaa sare u qaadaya kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda ciidamada deegaanka, kuwaas oo door weyn ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa si weyn u taageeraya ciidamada, iyadoo loo arko tiir muhiim u ah dagaalka socda.
  19. Washington (HOL) — Two U.S. lawmakers have urged Somalia to reverse its decision to invalidate Taiwan-issued passports, warning of severe diplomatic and immigration-related consequences if the policy is not rescinded. Source: Hiiraan Online
  20. FIRST ON FOX : Fox News Digital has learned that the U.S. could withhold funding for the war against Islamist terror in Somalia until Europe, the African Union (A.U.) and the United Nations (U.N.) pay more of their “fair” share toward the cost of striking out and keeping the peace in the conflict-torn country. These plans to “prohibit” the use of U.S. funds are key details, shown first to Fox News Digital, of a new bill to be introduced by three prominent Republican senators. In line with President Donald Trump’s administration’s widespread moves to tighten fiscal controls in the U.S. and overseas, Sens. Jim Risch, R-Idaho., Chairman of the Senate Foreign Relations Committee Sen. Ted Cruz, R-Texas, and Sen. Rick Scott, R-Fla., are to introduce “the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) Funding Restriction Act of 2025.” This is “to safeguard U.S. taxpayer funds and hold the U.N. and A.U. accountable in African peace operations,” Risch told Fox News Digital Al-Shabab terrorists conduct military exercises in northern Mogadishu’s Suqaholaha neighborhood of Somalia on Sunday, Sept. 5, 2010. (AP Photo/ Farah Abdi Warsameh, file) The bill also seeks to mandate the U.S. to oppose any U.N. Security Council action which enables such funding. The East African country of Somalia has been wracked for decades by attacks and insurgency from Islamist terrorists, both from ISIS and the al Qaeda-linked al-Shabab. In just the past five weeks, U.S. Africa Command reported that it has carried out four airstrikes; three against ISIS terrorists and one against al-Shabaab. At least one of these strikes, the command stated, was against multiple targets. Chairman Risch told Fox News Digital, “The Trump Administration has taken decisive action to counterterrorist groups across Africa, and I’m very supportive.” However, officials from the European Union, according to Risch, plan to skew payments for the AUSSOM peacekeeping and stablization operation more toward the U.S.; in other words, make the U.S. pay more than it should, he said. At the U.N., our European partners are looking to skirt their financial commitments to AUSSOM in Somalia by switching to a new imbalanced funding mechanism that pushes the burden on Americans,” he stated. Chairman of the Senate Foreign Relations Committee, Sen. Jim Risch (R-Idaho), speaks during a Senate Foreign Relations Committee hearing on April 26, 2022 in Washington, D.C. (Al Drago-Pool/Getty Images) “We can’t let that stand,” Risch continued. “This bill will prohibit U.S. contributions to AUSSOM under this new funding scheme, until the A.U. and the U.N. can prove that they are using the funds they have responsibly, and prevent Americans from being locked into perpetually funding a broken system. Risch said, “President Trump has ushered in a new era of American foreign policy where American taxpayer dollars will be used only to secure a safe and prosperous America. For far too long, our allies have taken America for a ride, and profited off of America paying the lion’s share for global security. Europe must continue to shoulder this burden.” The other two senators sponsoring the bill, Cruz and Scott, also serve on the Senate Foreign Relations Committee. The U.N. headquarters in New York City. (iStock) Scott told Fox News Digital, “The United States will not allow our tax dollars to be exploited by the U.N. while our partners refuse to pay their fair share, much less for a mission that fails to spend these dollars responsibly or transparently. I am proud to join my colleagues on the AUSSOM Funding Restriction Act to ensure Americans’ interests are put first, and their tax dollars spent wisely.” The specific aims of the bill that have been shown to Fox News Digital are: Protect U.S. Taxpayer Funds: Prohibit U.S. financial contributions to AUSSOM under UNSCR 2719 and mandate U.S. opposition to any U.N. Security Council action enabling such funding. Ensure Rigorous Oversight: Require the Secretary of State to conduct annual, independent assessments of the A.U.’s compliance with UNSCR 2719 criteria for all A.U.-led peace operations. Enhance Transparency and Accountability: Mandate comprehensive reporting to Congress on the assessment findings, AUSSOM’s performance and funding, and any U.S. contributions under UNSCR 2719. Strengthen Congressional Consultation: Expand existing State Department briefings to include specific updates on A.U. peace operations funded under UNSCR 2719. Paul Tilsley is a veteran correspondent who has reported on African affairs for more than three decades from Johannesburg, South Africa. He can be followed on Twitter @paultilsley Source Fox News Qaran News
  21. Johwar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa muddo kooban gudaheed xilka ka qaaday xubno dhowr ah oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada maamulkaasi. Wareegtooyin ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday lix mas’uul oo kala ah: Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiiru-Dowlaha Dastuurka, Wasiiru-Dowlaha Amniga Gudaha, iyo Wasiiru-Dowlaha Tamarta iyo Biyaha. Isla markiiba waxaa la magacaabay shaqsiyaad cusub oo lagu beddelay xilalkaasi, kuwaasoo la filayo inay si deg-deg ah ula wareegaan shaqada. Madaxtooyadu waxay ku sheegtay in isbeddelkan lagu doonayo dardargelinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista isla xisaabtanka hay’adaha maamulka. Si kastaba, lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay xil-ka-qaadista wasiirrada, balse ilo wareedyo hoose ayaa tilmaamaya in shir dhowaan uu guddoomiyay Madaxweyne Guudlaawe lagu adkeeyay in golaha wasiirradu muujiyaan waxqabad dhab ah. Xogtan ayaa imaanaysa xilli ay jireen dhaleeceyn xoogan oo bulshada qaar ay ku muujinayeen baraha bulshada, kuwaasoo sheegaya in maamulka uu ka gaabiyay horumarinta adeegyada dadweynaha, halkii xoogga la saari lahaa horumar muuqda, taas beddelkeed lagu mashquulay magacaabis iyo xil-wareejin joogto ah. Isbeddelkan siyaasadeed ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli uu maamulka Hirshabeelle wajahayo xaalad dagaal oo adag, isla markaana kooxa Al-Shabaab ay dhawaan qabsatay deegaanno hoos yimaada maamulka oo hore looga xoreeyay.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda isla markaana haatan ah musharrax madaxweyne ee Galmudug, ayaa digniin culus kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka. Koofi oo soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay “Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?” ayaa wuxuu ku muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda taagan, isagoo ka digay halista ka dhalan karta tallaabooyinkii u dambeeyay ee qaaday dowladda federaalka Soomaaliya. “Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada,” ayuu yiri Koofi. Wuxuu si cad u cambaareeyey ficillada ay dowladdu ku caburinayo xorriyadda hadalka iyo wada-tashiga, isagoo ugu baaqay madaxda dowladda dhexe inay door muuqda ka qaataan dib u furidda gogosha wada-hadalka. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran: Ma fahmi kartaa halista soo fool leh? Sedax madal oo dalka muhiim u aheyd ayey u muuqataa in laba Albaabada loo xirey, midna albaabka laga xirtey. Waa Baarlamaanka, Golihii wada tashiga iyo warbaahinta. Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada. Sharciga oo aan la ilaalineyn, Xildhibaanada lagu jirdilayo gudaha xaafiisyadooda, ciidamada ka buuxsamaya fadhiga golaha B, iyo jirdilka wariyeyaasha waxay astaan u yihiin aragtida kalitalisnimada, mana ahan mid ka soconeysa Soomaaliya ee waqti ayey inaga qqadeysaa. Waxaan canbaareynayaa talaabooyinkaas gurracan ee halista noo jiidayaa waxaana ka digayaa natiijada aan la mahdin doonin ee ka dhalan karta. Waxaan weli rajo ka qabaa in cagligu soo noqdo oo lagu soo laabto dariiqa wadahadalka iyo is qancinta, madacxda dowladda dhexe ayeyna saarantahey masuuliyadda ugu weyn ee fududeynta, ballaaringa iyo dhiiragelinta goglaha wadahadalada. “Haddaan is qancin wayno waa naloo qorayaa”
  23. Washington (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa warqad rasmi ah u diray Safiirka Soomaaliya ee Washington, Daahir Xasan Cabdi, iyagoo uga dalbaday in Dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aanka ay ku mamnuucday baasaboorka Taiwan. Labada xildhibaan, Tom Tiffany iyo Andy Ogles, ayaa muujiyay walaac weyn oo ay ka qabaan tallaabada ay Soomaaliya ku joojisay isticmaalka baasaboorka Taiwan, iyagoo sheegay in arrintani u muuqato mid ka dhalatay cadaadis uga yimid Dowladda Shiinaha. Waxay si cad uga digeen in go’aankaasi uu horseedi karo cawaaqib xun oo saameeya dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka, gaar ahaan kuwa haysta oggolaanshaha ku-meel-gaarka ah ee TPS. Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay suurtagal tahay in dadkaasi dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo laga laabanayo ilaalinta sharciyeed ee hadda lagu siiyay. Sidoo kale, waxay xuseen in Mareykanku uu qaadi karo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ka mid yihiin joojinta fiisayaasha Soomaaliya, mamnuucidda baasaboorrada Soomaaliya in lagu galo Mareykanka, iyo hakinta gargaarka mustaqbalka ee Soomaaliya. Dhanka kale, Dowladda Taiwan ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay xayiraadda, iyadoo ku tilmaantay mid ay Soomaaliya ku qaaday cadaadis uga yimid Shiinaha. Si jawaab ah, Taiwan ayaa xannibaad saartay muwaadiniinta sita baasaboorka Soomaaliya, kuwaas oo laga mamnuucay inay u safraan Taiwan wixii ka dambeeya xayiraaddaas. Dowladda Shiinaha ayaa si diiran u soo dhoweysay mamnuucidda baasaboorka Taiwan ee ay qaaday Soomaaliya, taasoo sida muuqata si weyn uga careysiisay Mareykanka oo haatan is-hayaan Shiinaha, si weyn u garab taagan Taiwan.
  24. AQMyATK0ManwrZKd3F0vsQr805YB3-vZCCJybsrFlf22Sxnf9-5f20SLNY-tARpYf2dXh1ctrqriAwWu24CVMBCT Qaran News