Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The 12th Nations, Nationalities and Peoples’ Day of Ethiopia/Constitution Day/ was colorfully marked in Somaliland, Hargeisa at Maansoor Hotel on December 7/2017 with a theme of “Our Constitutional and Colourful Multi-nationalism for our Renaissance”. The celebration was attended by hundreds of resident Ethiopians in Somaliland, Community Representatives and families. Also present in the event were Somaliland officials including the State Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Hon. Mohamed Mihile Boqore. A short documentary film that spectacles immense progress Ethiopia has made over the last two decades or so economically, politically and in the areas of diplomacy was on the show. Representatives of the Ethiopian Somali and Oromo community displayed Cultural unity songs and dancing in traditional dress. The Day is celebrated in commemoration of the endorsement of the constitution that guaranteed and protected the rights of the various nations, and nationalities by declaring their equality and just representation in the political milieu, as enshrined in the noble document. With the demise of the dictatorship of Derg, the country’s first democratic constitution, enshrining all basic rights and freedoms, was ratified on December 8, 1995. That is the reason to celebrate December 8, the historic day marking the ratification of the Constitution of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, a constitution which formally guarantees the rights and equality of Ethiopia’s nations, nationalities and peoples. In his remarks, Consul General of the Ethiopian Consulate Office in Somaliland, B/General Berhe Tesfay, pointed out key issues being addressed in the FDRE Constitution which have helped Ethiopia and its people to join hands and usher their renaissance. These include the significant emphasis given in the current Ethiopian Constitution on the equality of all Nations, Nationalities and Peoples of Ethiopia and of language, religion, culture and history. He also emphasized the attention being given to the full respect of human and democratic rights which constitutes two-third of the total volume of the current Constitution as well as the constitutional provisions pertaining to decentralization of power, self-governance and equitable utilization of national resources and revenues, equitable job opportunities to all and proportional basic services and infrastructure in all regions. The Consul General also recalled the oppression during the previous regimes in which some of the nations and nationalities have been treated as second class citizens and deprived of equal opportunities within their own country. This led to the near two decades of struggle to create a political system under which their human and democratic rights can be respected, their languages, cultures, identities and history can be freely exercised and their right to self-administration and self-determination recognized. B/General Berhe Tesfay further elucidated the outcome of the constitution by underscoring the progress Ethiopia has made in the expansion of infrastructure and social development over the last twenty six years. Total road network has reached over 110,000 km while the country is planning to build over 5,000 km railway lines in different parts of the country. It was noted that the electrified Addis Ababa Djibouti railway line has started operation and is expected to improve transport service significantly. Ethiopian nations and nationalities flagship project, Grand Ethiopian Renaissance Dam, is 63% complete and is expected to increase the country’s power generation capacity to 10,000MW upon completion. To realize the vision of becoming a manufacturing hub in Africa by 2025, Ethiopian government is establishing Industrial parks. Currently, Ethiopia has four operational industrial parks while another four are expected to be operational soon. It is hoped that these industrial parks will facilitate structural change in the economy and create millions of jobs. The Consul General also explained similar achievements in key human development indicators: primary school enrollment has reached 96%, higher education expanding radically and the country has now over 40 government universities and students graduating in hundred thousand every year, child mortality rate significantly cut and the number of people with access to clean water more than doubled and reaches at 84%. Telecommunication is another area that has seen expansion of service coverage and it is noted that currently ethio -telecom has 57.34 million subscribers. The Consul General also accentuated how the stellar economic growth Ethiopia has registered increased its capacity to resist the worst drought it faced without loss of life. And the results achieved so far have proven that various policies and strategies put in place by EPRDF in a bid to create peaceful, prosperous and democratic Ethiopia are bearing fruits and the journey of the country is at the right direction. Not only Ethiopia has been able to achieve sustainable development but has also been able to join the ranks of the world’s fastest growing economies. Moreover, structural transformation is already underway. In the area of diplomacy, Ethiopia is now becoming an influential nation in the world. The significant contribution Ethiopia has been making towards the maintenance of peace and security in Africa in general and in the horn of Africa in particular has helped it win trust, support and acceptability among the international community. This achievement has proven itself as promising. And the renaissance journey that the country pursues towards middle income economy would be realized in the coming ten years. On the other hand, the Consul General congratulated the people of Somaliland for concluding the third round presidential election peacefully and democratically. He also underscored his government’s commitment and readiness to work with the new Somaliland government to further strengthen Ethiopia’s relation with Somaliland in security, trade and people to people relation. Mr. Berhe Tesfay concluded his remark by urging all Ethiopians resident in Somaliland to renew their commitment to realize the renaissance of Ethiopia. He called on all Ethiopians to positively engage in the development efforts of their country and to play their own part to struggle the destructive activity of anti-peace elements, rent seeking and problems of good governance that are threats to the democracy and development of the country. The State Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Hon. Mohamed Mihile Boqore who was attending the celebration delivers a speech and expressed his hope that the cordial relation between Ethiopia and Somaliland will be further strengthened under the new Somaliland administration.
  2. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta 09 December 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe. Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in shirkani lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, astaan qaranle, ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka. Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in 2400 oo cidanka dawladda Puntland ahi ay qayb-noqon doonaan ciidanka qaranka Soomaaliyeed ee hadda layagleelayo dhisitaankiisa iyo isku dhafkiisa. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed .
  3. Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland (Human Rights Centre) ayaa maanta soo bandhigtay warbixin sadeedka 2017 ee xaaladda xuquuqda Aadamaha ee Somaliland iyo gabood-fallada ay diiwaangaliyeen ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2017-ka. Munaasibadda lagu soo bandhigayay warbixinta waxa kasoo qayb-galay, madaxda ururada maxalliga ah ee Somaliland, weriyeyaal, qareenno iyo qaar kamid ah difaacayaasha xuquuqda aadamaha. Tacaddiyada ka dhanka xuquuqda aadamaha ee sanadkii 2017ka ka dhacay Somaliland ee isla markaana lagu soo bandhigay wabrixin sanadeedkan 2017ka ayaa waxa kamid ah tacaddiyo ay ciidamada boolisku u gaysteen dad shacab ah oo mudaharaaday muddadii lagu gudo jiray doorashada, iyadoo tacaddiyadaasi ay ku geeriyoodeen dad shacab ah. Sidoo kale, xarunta waxaa ay soo bandhigtay tacadiyada ka dhanka ah; Dumarka, beelaha la hayb sooco, difaacayaasha xuquuqda aadamaha, Xadhiga ka dhanka siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo tacaddiyada ka dhanka saxaafadda oo qaar kamid ah hay’adaha warbaahinta Somaliland ay xidhan yihiin muddo sanado ah. Tacaddiyada Booliska ee Shacabka: Afar qof ayay ciidamada boolisku ku dileen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco wakhtigii lagu gudo jiray doorashada kaddib markii ay mudaharaad dhigeen qaar kamid ah shacabka magaalooyinkaasi halka halka sagaal kalena ay dhaawaceen ciidamada boolisku iyagoo adeegsanaya xabbad nool – sida ay warbixintu sheegtay. Tacaddiyada ka dhanka Haweenka: Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka ayay xaruntu diiwaangalisay in ay kamid tahay gudniinka fircooniga oo ay sheegtay in haweenka Somaliland 97% la gudo sida ay xaruntu kasoo xigatay cisbitaalka dhallaanka iyo hooyada ee Edna Aden. Tacaddiyada ka dhanka ah difaacayaasha xuquuqda aadamaha: Sanadkan 2017ka waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay afhayeenka xarunta xuquuqul-insaanka madaxa bannaan ee Somaliland Axmed Xuseen Cabdi kadib markii ay ciidamada Boolisku dhibsadeen codsi-dadweyne oo lagu doonayo in dib-u-habayn loogu sameeyo ciidamada Booliiska oo Xaruntaasu ay wadday – sida lagu sheegay warbixinta. Halka guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Guuleed Dafac isna lagu soo oogay dacwad ciqaab ah. Xadhiga Siyaasiyiinta Mucaaridka ah: Toban kamid ah siyaasiyiinta Somaliland oo siddeed ka mid ah ay ka tirsan yihiin xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa xabsiga loo taxaabay sannadkan, iyadoo tirada ugu badan la xidh-xidhay muddadii lagu gudo jiray doorashada iyo arrinta saldhiga millatariga ee Berbera – sida ay warbixintu sheegtay. Xadhiga Weriyeyaasha: 26 weriye ayaa sanadkan siyaabo kala duwan loogu xidhay guud ahaan Somaliland inta ay diiwaangelisay xarunta xuquuqul insaanka Somaliland. Xadhiga weriyeyaasha ayaa hoos u dhacay marka la bar-bardhigo sanadkii hore ee 2016 oo dalka lagu xidhay 28 weriye siday xarunta xuquuqul insaanka madaxa bannaan ee Somaliland sheegtay. Goobjoog News Source
  4. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane. cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo Galabta dib ugu soo laabtay Puntland,gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in shirkani lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, astaan qaranle, ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka daawo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo Puntland kusoo laabtay kana warbixiyey Shirkii Amniga Qaranka ee Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb-galaya madasha ganacsiga Afrika 2017 ee Magaalada Sharma- Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay kasoo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qaybta ka ah, madaxda bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri. “kulammadaani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“ Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. “Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maal-gashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo baaq u jeediyay Madaxda Afrika appeared first on Puntland Post.
  6. Bosaso-[Puntland Post]-Magaaladda Bosaso waxaa lagu qabtay Munaasabad ballaaran oo Tababar loogu soo xiray in ka badan 300 askari oo ka mid noqday ciidamadda badda Puntland ee PMPF. Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta ciidamada badda ee Bosaso, waxaa ka soo qaybgalay, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa degmadda Bosaso, Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland, Taliyaha Ciidamada Badda, Saraakiil ka socotay dowladda Imaraadka iyo Marti sharaf kale. Taliyaha ciidamadda Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriya Faarax oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay wuxuu u mahadceliyay dowladda Imaraadka carabta, isagoo tilmaamay in Tababarkan iyaga la’aantood uusan hirgalayn. “dowladda walaalaheen ah oo iyagu Mashruucan tabababarka ciidanka badda Puntland samaysa hayday anaan lahayd dhaqaale iyo aqoon ahaanba” ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Bari, Yuusuf Maxamed Waceys dhado ayaa u hambalyeeyay ciidamada cusub ee tababarka dhamaystay, wuxuuna sheegay inuu ciidamada ay ka caawin doonaan la dagaalkanka Cadawga Puntland. Mudadii ay socotay Munaasabada xiritaanka Tababarka, ciidamadu waxay soo bandhigeen dhooltus ay ku muujinayeen siday ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo ilaalinta dalka, waxaana la guddoonsiiyay qaarkood shahaadooyin iyo abaalmarino kale. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Badda Puntland Oo Tababar Loo soo xiray appeared first on Puntland Post.
  7. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa Falastiiniyiinta ku war gelisay in ay ka tanasulaan in ay Caasimaddooda Mustaqbalka Noqoto Bariga Magaalada Quddus ee ay Yuhuuddo xoogga ku heysato. Kulan dhexmaray Bishii la soo dhaafay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabas iyo dhaxal sugaha dowladda Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ayuu Cabaas u sheegay in uu muddo labo bilood ah kaga soo jawaabo soo jeedintiisa Caasimadda Mustaqbalka Falastiin. Dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in Caasimadda Falastiin ee Mustaqbalka tahay Tuulada Abu Diis ee Bariga Quddus dhacda. Qorshaha Maxamed Bin Salmaan ayaa la sheegay inuu ahaa qorshaha nabadda bariga dhexe ee Mareykaka uu soo diyaariyey, looa dhiibay dhaxal-sugaha, si uu uga dhaadhiciyo Falastiiniyiinta. Hindisaha Sucuudiga oo uu ku sheegay xalka Israel iyo Falastiin ma damaanad qaadayo in Falastiiniyiinta ku maqan dibadda ee qaxootiga ah ku laabanayaan Falastiin, sidoo kale dhismayaash sharci darrada ah ee Israel ka sameysay gudaha daanta Galbeed iyo marinka Gaza ayaa sidooda sii ahaan doona. Wargeyska Newyork Times ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabaas ay ku adkaatay qaadashada go’aankaas, iyada oo muddada loo qabtayna ku ektahay Bishan December dhamaadkeeda. Sidoo kale Dowladda Jordan ayaa dowladaha Sucuudiga iyo Masar ku eedeeyay in go’aanka Trump ee Quddus iyaga laga talo geliyay waxbadanna ka ogyihiin. Warbixinta New York Times halkan ka aqri Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Sacuudiga oo la saftay Yahuuda, una sheegay Falastiiniyiinta inay ka tanaasulaan Qudus appeared first on Caasimada Online.
  8. HARGEISA-– According to highly reliable sources within the presidential palace confirm that a ban on leaving the country has been placed on outgoing president Silanyo’s ministers. The temporary barring of all ministers to remain in Somaliland during the transitional period where the incumbent president, Ahmed Silanyo is to transfer power to the 5th democratically elected president, Musa Bihi on 15th Dec. Somaliland authorities directed officials at airports across the country to bar ministers from going abroad. The authority directed immigration officials at all international airports to stop outgoing government ministers in president Silanyo’s administration from travelling abroad. The authorities formally issued written orders to immigration officials in this regard. Unconfirmed reports indicate that the outgoing president incurred massive debt which is likely that the upcoming president is to inherit. The President-Elect is due to appoint ministers who have a zero tolerance policy towards corruption.A question mark is hanging over the intention of president-elect if he is about to pick one or two ministers of the outgoing cabinet. The ban placed on all ex-ministers is mean that those who committed widespread corruption must face the justice. Those who will be caught for corruption charges will be brought before a court trail.
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee ku astaysan la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa hadal adag ku yiri “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah u yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa”. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah. Waxuna raaciyey in bilaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka iyo hanaanka hay’adeed ee ku xusan xeerka la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid tahay magcaabista guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo hay’adaha kale ee hufnaanta. “Hambalyo maalinta la-dagaalanka musuq-maasuqa, Xukuumadeyda waxaa ka go’an la dagalanka musuqa iyo dib-u-soo celinta dawlad wanaagga, waxaan horumar gaari karnaa markii aan ka guuleysano musuqa”ayuu yiri R/W Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay haystaan caqabado badan oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo ka dhashay tobanaan sano oo sharci-darro ay ka jirtay dalka, tanina ay curyaaminayso hiigsiga horumarineed iyo koboca dhaqaalaha. Waxana uu intaa ku daray in iyadoo la garawsan yahay xajmiga dhibaatadan, ay xukuumaddu mudnaan weyn siisay xakamaynta musuqmaasuqa iyo meelmarinta maamul wanaagga. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre “Xukuumadaydu wax Dulqaad ah uma yeelan doonto Musuqmaasuqa” appeared first on Puntland Post.
  10. Baqdaad (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabadi ayaa shir ka socda magaalada Baqdaad ka sheegay in ciidammada Ciraaq ay si buuxda gacanta ugu dhigeen xadka Ciraaq iyo Suuriya. Goobihii u dambeeyay ee ku harsanaa gacanta kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa ku yaallay agagaarka xadka ka dib markii ay gacantooda ka baxday magaalada Rawa bishii Nofembar. Ku dhawaaqiddan Ciraaq ayaa ku soo aadaysa labo maalmood ka dib markii ciidammada Ruushku ay shaaciyeen in ay ka guulgaareen hawlgalkii ay Kooxda Dawladda Islaamka kaga xoraynayeen deegaannada Suuriya. Kooxaha Jihaad doonka ah ayaa qabsaday dhul wayn oo Suuriya iyo Ciraaq ku yaalla sannadkii 2014kii, waxaana maamulkooda ku hoos noolaa dad lagu qiyaasay 10 milyan oo ruux. Laakiin jab badan ayaa soo gaaray labadii sano ee u dambaysay, iyaga oo ay gacantooda ka baxday magaalada labaad ee ugu wayn Ciraaq ee Mawsil bishii Luulyo ee sannadkan, bishii horana waxaa gacantooda ka baxday magaalada Raqqa oo xarun u ahayd. Qaar ka mid ah dagaalamayaashii kooxda isku magacawda dawladda Islaamka ayaa la sheegay in ay u firxadeen dhulka baadiyaha ah ee Suuriya, kuwo kalana waxaa la rumaysan yahay in ay u baxsadeen dhanka xadka Turkiga. Ra’iisulwasaare Cabadi ayaa Sabtidii yiri “xoogagganaga ayaa gacanta ku wada haya xadka Ciraaq iyo Suuriya waxaana ku dhawaaqayaa in la soo afjaray dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish. “Caddawganagu wuxuu doonayaa in uu dilo ilbaxnimadanada, balse wadajir iyo ka go’naansho ayaan kaga guulaysanay. Wakhti yar ayaana ku guulaysanay.” Ugu dambeyn, War qoraal ah oo uu soo saaray milatariguna waxaa lagu sheegay in Ciraaq “oo dhan laga xoreeyay” Kooxda igu yeerta Dawladda Islaamka. Isha BBC PUNTLAND POST The post Xukuumadda Ciraaq oo ku dhawaaqday in la soo af jaray dagaalkii “Dawladda Islaamka” appeared first on Puntland Post.
  11. Ceel-cadde (Caasimadda Online) – Dagaal culus oo u dhaxeeyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab dhaxdooda ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-cadde oo ku yaala duleedka degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo. Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeya Sarkaalka Al-Shabaab ugu sareeyo ee Gobalka Gedo oo magaciisa lagu soo koobay Fiidow iyo Ciidamo kale oo shabaab ka tirsan waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mudooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf ka dhax taagnaa Al-Shabaab iyo Sarkaal gadood ka sameeyay oo ku sugnaa Ceel Cadde ee Gobalka Gedo. Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa Taliyahooda ugu sareeyo G/Gedo oo Magaciisa lagu soo koobay Fiidow ka dalbaday in uu soo wareejiyo hub Gaadiid iyo Ciidan la socda kadib markii ay Shabaab ugu shakiyeen in uu iska dhiibo Gobalkaasi Gedo. Ugu yaraan 5 maleeshiyo oo ka tirsan Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ku dhintayn dagaalkaasi, dadka dhintay ayaa Labo ka mid ah waxaa la xaqiijiyay in ay ka dhintayn Sarkaalka weerarka lagu soo qaaday. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Dagaal aad u culus oo saraakiisha Shabaab ku dhexmaraya Gedo iyo dhimashada oo… appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee ku astaysan la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa hadal adag ku yiri “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah u yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa”. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah. Waxuna raaciyey in bilaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka iyo hanaanka hay’adeed ee ku xusan xeerka la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid tahay magcaabista guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo hay’adaha kale ee hufnaanta. “Hambalyo maalinta la-dagaalanka musuq-maasuqa, Xukuumadeyda waxaa ka go’an la dagalanka musuqa iyo dib-u-soo celinta dawlad wanaagga, waxaan horumar gaari karnaa markii aan ka guuleysano musuqa”ayuu yiri R/W Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay haystaan caqabado badan oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo ka dhashay tobanaan sano oo sharci-darro ay ka jirtay dalka, tanina ay curyaaminayso hiigsiga horumarineed iyo koboca dhaqaalaha. Waxana uu intaa ku daray in iyadoo la garawsan yahay xajmiga dhibaatadan, ay xukuumaddu mudnaan weyn siisay xakamaynta musuqmaasuqa iyo meelmarinta maamul wanaagga. —DHAMMAAD—- Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Khayre “Xukuumadaydu wax Dulqaad ah uma yeelan doonto Musuqmaasuqa” appeared first on Caasimada Online.
  13. Waa qoraal CIA ay qortay 4 Maajo 1960-kii oo faahfaahinaya sida ay Itoobiya uga dagaalantay, ugana soo horjeedday midnimadii Koonfur iyo Waqooyi ee 1960. Waxay ku eedaysay Ingiriis iyo Talyaani in ay qorshahaasi ka dambeeyeen si ay u sii joogaan Bariga Afrika ayadoo inkirsan rabitaanka Somaaliweyn. Luulyo 1, 1960 waa maalin ku weyn quluubta Soomaalida. Waa maalin laga madax bannaanaaday gumeysiga, sidoo kale ay xaqiiq dhab ah noqotay qeyb ka mid himilada mideynta Soomaaliweyn, waxaa midoobay laba gobol, halka saddexda kale ay riyo yihiin illaa iyo maanta. Maalintaas waa maalin heeso, mashxarado, farxad, salaamo iyo hambalyo la is dhaafsado. Itoobiya maxay ka aaminsanayd maalintaas? Dad baa ka xajiimooda marka la yiraahdo dalka Itoobiya waa cadaw soo jireen ah. Qoraalkaan oo ay qortay CIA laba billood ka hor xuriyaddii iyo midnimmadii Koonfur iyo Waqooyi, wuxuu ka hadlayaa xaalka deegaanada kala duwan ee geyiga Soomaaliyeed; dareenka Soomaaliyeed iyo welwelka Itoobiya ay ka qabto xurnimada Soomaalida gaari doonto iyo tallaabooyin ay waddaniyiinta Soomaaliyeed qaadi doonnaan xurriyadda kaddib si himilada Soomaaliweyn ay u xaqiijiyaan: 1- Baarlamaanka Koonfur oo dadaal ugu jira sidii afti midnimo Soomaali weyn oo UN-ka hoggaamiyo looga qaadi lahaa dhammaan dhulka Soomaaliya. 2- Waqooyi oo u heelan xurriyaddooda maalmo ka hor Luulyo, ayagoo hoggaamiyayaashoodu ay booqdeen koonfur kuna heshiiyay in ay midoobaan 1 Luulyo. 3- Itoobiya oo ka baqaysa Muslimiin xooggan oo la deris ah, iyo in Ogaden laga rito, waxay hammiga midnimada kula jirtaa dagaal xoog leh. 4- Itoobiya waxay cambaaraysay midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayadoo ku eedaysay Ingiriiska iyo Talyaaniga in ay qorshahaasi ka dambeeyaan si ay u sii joogaan Bariga Afrika, ayadoo inkirsan in Soomaalida ay sidaasi go’aansadeen. Qoraalka qeybka dambe wuxuu saadaaliyay in gaajada iyo dhaqaala darada Soomaaliya ka jirtay xilligaas dartiis, ay is khilaafi doonnaan Talyaaniga, Ingiriiska iyo Maraykanka oo isku dhinac ah iyo Soomaalida, taas oo marka dambe keenni doonta in Carab iyo Shuuciyiinta ay saameyn xoog leh ku yeelan doonnaan Soomaaliya. Waa dhacday, Soomaaliya waxay ku biirtay ugu dambeyn Jaamacadda Carabta, waxayna xiriir la yeelatay midowgii Soviet, Hantiwadaagna waan qaadannay. Dowladda aan walaalaha iyo deriska nahay! W/Q: Hassan Adam Hosow The post Dokumenti ay baahisay CIA oo shaaca ka qaaday Ethiopia iyo qorshihii jiritaanka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  14. Waxaa saaka si rasmi ah Dekadda magaalada Boosaaso uga dhaqan galay go’aamadii ay Isimada Puntland ka soo saareen murankii u dhexeeyay Dowladda iyo ganacsatada. Shirkadda P&O Ports ee maamusha Dekadda Boosaaso oo la gaarsiiyay go’aanadaas maalintii Khamiis ayaa qaadatay Tariifadii kumeel gaarka ahayd ee ay Isimada Puntland soo saareen, waxaana hadda si habsami leh u socda shaqada Dekadda oo muddo hakad ku jirtay. Arbacadii la soo dhaafay Isimada Puntland ayaa soo bandhigay go’aano ay ka gaareen muranka Dekadda Boosaaso ee u dhexeeya Dawladda iyo ganacsatadu, kuwaas oo kala ahaa. In laga wada shaqeeyo nabadgelyada. Dawladdu inay soo bandhigto hashiiska balaarinta Dekedda Boosaaso In la taageero Mashaariicda horumarineed ee Puntland In Tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo. Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa ogaatay in Tariifada kumeel gaar ah ee ay Isimadu soo saareen isbedel weyn lagu sameeyay Tariifadii hore ee dowladu soo saartay, waxaana u dhexeeya farqi kala bar ah. Dawladda Puntland iyo shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta ayaa 6 April 2017 magaaladda Abu-dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo Dekadda magaalada Boasaaso. Heshiiska waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekadaha Siciid Maxamed Raage halka dhinaca DP World uu usaxiixay Maamulaha shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman. Lacagta lagu maalgalinayo Mashruucan ayaa qiimo ahaa dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixinayso 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan oo Doolar. Heshiiska ayaa sidoo kale wuxuu dhigayaa in dhismaha Dekadda lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, wuxuuna socon lahaa mudo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay, sidoo kale DP World ayaa bixisay lacag dhan 15 Milyan oo hormarin ah, taas oo Puntland qaar kamid ah ku kabtay Kaabayaasha dhaqaalaha sida Garoonka Diyaaradah Garowe iyo Wadda Ceel doohir iyo Ceerigaabo. Baarlamaanka Puntland ayaa 27 July 2017 Kal fadhigoodii 39-aad ku ansixiyey heshiiska Shirgadda DP World ay ku dhisayso Dekadda Boosaaso, iyagoo ka dooday heshiiskaas su’aalana ka weydiiyey Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage. 56 Mudane oo k aka tirsan Baarlamaan Puntland ayaa cod gacantaaga ugu codeeyey heshiiska shirkadda DP World iyo Puntland ee ballaarinta iyo casriyeynta Dekada magaaalada Boosaaso. Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa 12 October 2017 si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka Dekadda Boosaaso, waxaana munaasabadii wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland, Maamulka Goboka Bari, Nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka iyo wakiilo ka socday shirkadd. Intaas kadib ganacsatada ayaa muranka ka keenay kordhin lagu sameeyay khidmadaha laga qaado badeecooyinka ka soo dega Dekadda, kaas oo hakad galiyay howlihii Dekadda iyo guud ahaan ganacsiga Puntland, waxaana dhowr jeer Boosaaso ka dhacey mudararaadyo looga soo horjeedo arintaas. Ugu danbeytii waxaa muranka Dowladda iyo ganacsatada soo kala dhexgalay Isimadda Puntland oo ka soo saaray go’aamadii aan kor ku soo sheegnay. PUNTLAND POST The post Go’aanadii Isimada Puntland oo ka dhaqan galay Dekadda Bososo appeared first on Puntland Post.
  15. Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland (Human Rights Centre) ayaa soo bandhigtay warbixin sadeedka 2017 ee xaaladda xuquuqda Aadamaha ee Somaliland iyo gabood-fallada ay diiwaangaliyeen ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2017-ka. Munaasibadda lagu soo bandhigayay warbixin sanadeedka xaaladda xuquuqda aadamaha ayaana waxa kasoo qayb-galay, madaxda ururada maxalliga ah ee Somaliland, weriyeyaal, qareenno iyo qaar kamid ah difaacayaasha xuquuqda aadamaha. Tacaddiyada ka dhanka xuquuqda aadamaha ee sanadkii 2017ka ka dhacay Somaliland ee ay diiwaangalisay xarunta xuquuqul insaanka Somaliland isla markaana lagu soo bandhigay wabrixin sanadeedkan 2017ka ayaa waxa kamid ah tacaddiyo ay ciidamada boolisku u gaysteen dad shacab ah oo mudaharaaday muddadii lagu gudo jiray doorashada, iyadoo tacaddiyadaasi ay ku geeriyoodeen dad shacab ah. Sidoo kale, xarunta xuququl insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay soo bandhigtay tacadiyada ka dhanka ah; Dumarka, beelaha la hayb sooco, difaacayaasha xuquuqda aadamaha, Xadhiga ka dhanka siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo tacaddiyada ka dhanka saxaafadda oo qaar kamid ah hay’adaha warbaahinta Somaliland ay xidhan yihiin muddo sanado ah. Guuleed Axmed Jaamac, Guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa ka warbixiyay tacaddiyada sanadkan ee ay soo bandhigtay xaruntoodu ayaa waxa uu rajo ka muujiyay in tacaddiyada ka dhanka xuquuqda aadamaha ay dawladda cusub ee madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ay wax badan ka qaban doonto, isagoona ka codsaday in warbaahinta xayiran laga qaado xariyaaradda isla markaana la joojiyo cabudhinta iyo tacaddiyada ka dhanka ah saxaafadda. Goobjoog News Source
  16. Muqdisho, December 9, 2017–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee ku astaysan la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa hadal adag ku yiri “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah u yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa”. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah. Waxuna raaciyey in bilaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka iyo hanaanka hay’adeed ee ku xusan xeerka la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid tahay magcaabista guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo hay’adaha kale ee hufnaanta. “Hambalyo maalinta la-dagaalanka musuq-maasuqa, Xukuumadeyda waxaa ka go’an la dagalanka musuqa iyo dib-u-soo celinta dawlad wanaagga, waxaan horumar gaari karnaa markii aan ka guuleysano musuqa”ayuu yiri R/W Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay haystaan caqabado badan oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo ka dhashay tobanaan sano oo sharci-darro ay ka jirtay dalka, tanina ay curyaaminayso hiigsiga horumarineed iyo koboca dhaqaalaha. Waxana uu intaa ku daray in iyadoo la garawsan yahay xajmiga dhibaatadan, ay xukuumaddu mudnaan weyn siisay xakamaynta musuqmaasuqa iyo meelmarinta maamul wanaagga. Puntlandi.com
  17. Muqdisho, Disembar 9, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“ Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. “Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Puntlandi.com
  18. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta 09 December 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe. Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in shirkani lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, astaan qaranle, ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka. Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in 2400 oo cidanka dawladda Puntland ahi ay qayb-noqon doonaan ciidanka qaranka Soomaaliyeed ee hadda layagleelayo dhisitaankiisa iyo isku dhafkiisa. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland ” Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya Wuxuu kusoo Dhammaaday Guul iyo Maxsuul Wanaagsan”. appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“ Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. “Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Gooboog News Source
  20. Sharma Sheekh (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“ Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. “Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Madaxweynaha oo ugu baaqay Madaxda Afrika in la iska kaashado abuurista jawi maalgashi. appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiriirka kubada Cagta jubbland ayaa Soo saaray Dacwad ka dhan ah xulka kubada Cagta Gobolka Benaadir kadib Markii shalay Benaadir uu u Ciyaaray Ciyaaryahan Ajanabi ah oo u dhashay Kenya una Ciyaara mid kamida kooxaha Heerka kowaad ee Caasimada. Dacwadaan ayaa timid kadib markii shalay muran la geliyay Jinsiyada Ciyaar yahan u Ciyaarayay xulka gobolka Banaadir tartanka Maamul Goboleedyada ee ka furmay Magaalada Muqdisho. Ciyaaryahaanka u Ciyaarayay Xulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu Magacaabaa Abdimajid Cusmaan Ibraahim “Xusni” waxaana baraha Bulshada dadka qaarkood ay ku shaacinayeen in uu yahay Kenyati. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Jubbaland oo soo saartay Dacwad ka dhan ah gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  22. Hay´adda sirdoonka dalka Norway ayaa xabsiga dhigtay haweeney 30-sano jir Soomaali ah, taas oo ku eedeysan inay u socotay dalka Siiriya, si ay ugu biirto kooxda Daacish. Haweeneydan ayaa markii hore lagu qabtay dalka Italy, kahor inta aan loo soo gudbin Norway, sida laga soo xigtay wargeyska VG. Sirdoonka Norway ayaa haweeneydan xabsiga dhigay isla habeenimadii talaadada oo Norway laga soo dajiyay. Haweeneydan ayaa la sheegay inay u socotay dalka Siiriya, si ay ula kulanto nin ay xiriir lahaayeen, kaas oo katirsan kooxda Daacish, kuna sugan Siiiriya. Maxkamada Oslo ayaa ogolaatay in haweeneydan xabsiga la dhigo afar isbuuc oo kumeel gaar ah. Qeybo kamid ah warbaahinta dalkan Norway ayaa qorayay in haweeneydan ay heysato dhalashada Norway, balse waxaa gadaal kasoo baxday inay heysato magangalyo kumeel gaar ah, ayna dalkan Norway soo gashay sanadkii 2013-ka. Sida ay sheegtay haweeneydan soomaalida ah, waxaa jiro qalad iyo isfahan daro ku saabsan arintan. Balse hey´adda sirdoonka Norway ayaa sheegtay inay arinteeda la socdeen mudo dheer, ayna markii hore kasoo bilaabatay kiis kale oo laga soo gudbiyay dalka England. Hey´adda sirdoonka Norway ayaa ka gaabsatay inay faah-faahin ka bixiso kiiska haweeneydan Puntlandi.com
  23. Washington (Caasimadda Online) – Sheldon G. Adelson oo ah Ganacsade Yuhuud ah islamarkaana ah Bilyaneer ayaa $20 Milyan oo doollar ku bixiyay ololaha doorashadii Donald Trump ee 2016kii,waxaana uu uga beddeshay ballan qaad ahaa in uu Caasimadda Israel u aqoonsanayo Quddus haddii la doorto. Markii uu Donald Trump ku soo baxay doorashada,Ganacsadahan iyo Bulshada Yuhuudda ah ee ku nool Mareykanka ayaa billaabay in Trump ay ku cadaadiyaan in uu fuliyo. Waxaase dib u dhigaya Wiilka uu Soddogga u yahay ee Jared Kushner oo laftiisa Yuhuudi ah sidoo kalena ah lataliyaha Trump ee Bariga dhexe ayaa Donald Trump kula taliyay in marka hore uu dhiso xiriirka Waddamada Carabta iyo Mareykanka oo doorashadiisii ka diday. Markii uu Trump booqday Bariga dhexe ee uu la kulmay Madaxda Carabta ayuu intooda badan la galay heshiisyo waaweyn oo Balaayiin doollar ku kacaya. Waxaana Trump uu 6dii Bishan ku dhiiraday in Quddus tahay Caasimadda Israel,waxaana uu fuliyay ballankii uu la galay Ganacsatada taakuleeyay ololihiisii doorashada ee Sheldon G. Adelson . Ninkan Ganacsadaha ah waxaa uu xiriir dhow la leeyahay Ra’isalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah ee u ololeeyaha danaha Israel. Newyork Times oo warbixintan qortay ayaa sheegtay in go’aanka Trump uu yahay mid siyaasadeed ee uuusan ahayn mid diblomaasiyadeed. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Maxaad ka ogtahay Ganacsadaha Israa’iiliga ah ee Trump ku qasbay aqoonsiga Quddus? appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) –Maalintii labaad ayaa waxaa dagaal uu ku dhex maray Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunk ee degmad Hodan Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in hab beeleed ay u abaabulan yihiin. Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa Miteriga ayaa la sheegayaa in ay isku heystaan dhul ku yaalla Nawaagiga Tarabuunka,iyada oo shalay gelinkii dambe uu halkaasi dagaal ku dhex maray. Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa waaxa uu Dalsan u sheegay in xaaladu ay iminka tahay mid degan balse ma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray labada ciidan. Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday Waqti kooban waxaana lagu murmay dhismaha Xaruntii hore ee Shirkadda Coca cola ee ku leedahay Xaafadda Taleex, gaar ahaan Nawaaxiga Carwadii hore ee qaranka oo ka tirsan degmada Hodan. Goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidan qaab beeleed u abaabulan ay halkaasi saldhig ka dhigtayn Islamarkaana ay doonayaan in laga dhigo meel lagu iibiyo qaad balse ay diidayn Ciidan ka tirsan Dowlada Soomaaliya waxayna arintaasi ay sababtay in uu dagaal ka dhaco xaafadaasi. Lama ogo ilaa hadda inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro Khasaaro uu geestay dagaalkaasi. Labada Ciidan ee dagaalamay ayaa hada ku kala sugan goobihii ay joogeyn waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ayaa hakad la giliyay, waxaana laga Cabsi qabaa in halkaasi ay Howlgal mar kale ka sameeyaan Ciidanka Dowladda si loo soo qab qabto raga Ciidamo beeleedka ah ee halkaasi ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku dagaalamay degmada Hodan ee G/Banaadir. appeared first on Caasimada Online.