Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Suspected drone targeted Alshabaab base in Lower Shabelle region, killing several militants, authorities and residents said on Wednesday. The local residents of Yaqbariweyne village confirmed the bombardment on Tuesday night saying the explosion caused by the missiles fired at the outpost could be heard all over the village. “We heard big crashes at Idow-Jalaad locality where Alshabaab has a training camp, the area is just few killometers from here,” said Mustaf Raghe in Yaqbariweyne village. Authorities in the region say aerial strike appeared to be a drone attack which targeted the training camp in the area. Yaqbariweyne chief, Olow Mohamed said a drone targeted a camp in Idow-Jalaad where Alshabaab had been amassing its fighters in recent days. “A drone hit the base, though we don’t know the exact casualties but several people killed there,” Islow said. It not yet known who was behind the aerial strike but the United States has in the past targeted al Shabaab fighters. US has been carrying out aerial bombardment on Alshabaab bases in Somalia since the beginning of this month. The president of United States, Donald Trump earlier this year approved expanded military operations against Alshabaab militants including airstrikes. Alshabaab, Al-Qaida Affiliate has not yet commented the aerial strike. The militant group which wants to impose its own radical brand of Islam on the Horn of Africa country has been carrying out deadly attack on Somali capital Mogadishu since the group was pushed out the city by Somali forces backed by continental troops known as AMISOM.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiil ka tirsan mucaaradka Zimbabwe ayaa wargeysyada u sheegay in xaaska Madaxweynihii Zimbabwe Grace Mugabe ay ka baxsatay dalka. Saraakiisha ayaa sheegay in Grace Mugabe ay sacado un ka hor xiliga kacdoonka u dhooftay dalka Namibia oo ay ka heshay magan galyo Siyaasadeed. Waxa ay tilmaameen in Grace Mugabe ay ka daran tahay Madaxweynaha dalkaasi oo isna ku jira Xabsi guri, waxa ayna sabab ka dhigeen inay aheyd shaqsiyada maskaxda u aheyd Mugabe. Ciidamada Militariga ee dalka Zimbabwe ayaa xalay saqdii dhexe iyo arooryadii Saaka oo Arbaca ah la wareegay Telefishinka dowlada ZPC iyo qaar kamid ah Xarumaha dowlada. Warbaahinta Zimbabwe qaarkood ayaa qoraaya in afganbi uu ku socdo dalka Zimbabwe, isla markaana ciidamo mucaarad ah ay isku go’doomiyeen qasriga Zimbabwe. Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Militariga oo kasoo muuqday Telefishinka ayaa sheegay in hawlgalka socda uusan ahayn afgembi balse ay wadaan hawlgal ay kusoo qab qabanayaan burcad ku hareeraysan Madaxweynaha iyo Madaxtooyada, ayuu yiri Gen.Moyo. Hawlgalkan ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa oo la filayey inuu noqon doono ninka xilka kala wareegi doona. Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday Asbuucii hore Mr. Emmerson Mnangagwa ayaa taageero badan ku leh Militariga dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte ayaa xukuumadda Soomaaliya ku tilmaamay sida geed qalllalay oo caleentiisu dhulka ku hoobanayso,kadib markii ay is-casileen labo Wasiir oo muhiim ah. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in xukuumadda Soomaliya ay lamid tah geed bolol ah oo sii dhimanaya,islamarkaana aan nuxur iyo neecaw midna lahayn. “Caleemaha geedku marka ay qallalaan(engagaan) way hoobtaan. Geedkii oo aan nuxur &neecaw toona laheyn ayaa bolola,ka hor intuusan dhiman,kaddibna qambobin. Kolkaas ayaa qashinkiisa la iska xaaqaan #Somalia“, ayuu yiri Cayne. Hadalka Caynte ayaa ku soo beegmay xilli ay maanta is-casishay Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed, iyadoo sheegtay in ay ku adkaatay duruufta shaqado ee Wasaaradda oo ay ku tilmaantay “mid isku-qasan oo is-barbaryaac ah”. Wasiirkii Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxmmed ayaa sidoo kale is-casilay 12 bishii hore ee October, kadib markii uu soo baxay fashil ku aaddan dagaalka xukuumadda Soomaaliya ee dalka looga saarayo Al-shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey shirkii madaxda Qaranka iyo maamul goboleedyada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka adkaan waayeen Al-shabaab,islamarkaana raadinayaan qorshe kale. Cabdiraxmaan Caynte ayaa soo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumaddii Xassan Sheekh Maxamuud. Bishii June ee sannadkaan ayaa madaxweyne farmaajo u magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka UK, inkastoo uu durbadiiba iska casilay. Puntlandpost.com
  4. Dr. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee maanta is-casishay, ma aheen wasiir la iska magaacay, ee haddii siyaasadda xulufo, garab iyo maslaxad taqaano haweeneydan ayaa cinwaan u aheyd, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kuma heysto xukuumaddan Xasan Kheyre qof uga dhaw Dr. Maryan. Muddo sanad iyo bar la joogo ayey igu marti-qaaday hoygeeda magaalada Muqdisho, si aan ugala sheekeysto arrimaha siyaasadda, Banii’aadnimada iyo qaar kale oo kolkaas ay ku mashquulsaneed. Marwo Qaasim inta ay ka hadleysay Taariikh Nololeedkeeda, magaca Farmaajo waxaa uu ahaa qofka ugu badan oo ay soo hadal-qaaddo. Gabadhan ku dhalatay Baardheere, kuna soo bar-baartay Marka, in kasta oo horay uga soo shaqeysay jaamacadda Umadda, isbitaallo haweenka iyo dhallaanka ee dalalka Yemen iyo Holland, iyo Ingiriiska oo ay ka aheyd ”Learning Mentor” Laakin waxaa dadka Soomaaliyeed baray mudane Farmaajo isaga oo November 18, 2010 u magacaabay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska, xilligaas uu ahaa ra’isul wasaarahii TFG-da. 2012: Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay guddoomiye ka noqotay Xisbiga Tayo oo ah xisbi uu aasaay mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xitaa markii ay jagada uga degtay, waxaa ay qeyb ka noqtay ololihiisa doorashada 2016. 4-tii sano ee la soo dhaafay Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay wasiir ka noqotay xukuumaddii Shirdoon 2012-kii, waxaa kale oo ka shaqeysay UNICEF iyo WHO illaa ay Xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka aheyd la taliyaha arrimaha bulshada, Marwo Qaasim waxaa ay iigu dhaaratay in aaney waligeed la shaqeyn, lana shaqeyn-doonin qof ka fiican Farmaajo. Dhankiisa, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan xisbiga Tayo kala sheekeystay inta aanu madaxweynaha noqon waxaa uu ii sheegay in Dr. Maryan Qaasim Axmed ay shaqo fiican ka qabatay xisbiga marka ay guddoomiyaha ka noqotay isaga oo intaa raaciyay in ay kaalin fiican ku laheyd in xisbiga ku fido magaalooyinka Oslo, Nairobi, Dhadhaab, Muqdisho, Boosaaso iyo meel kale. Hadaba, Xiriirkaas dheer Farmaajo iyo Maryan Qaasim kadib, Maxaa keenay in maanta ay ka tagto shaqada fulinta iyada oo ka sheeganeysa qas iyo jaho-wareer, sida ay u sheegtay Goobjoog News. “Hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hey’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo”. Qaraxii Isgoyska Zoobe kadib Dr. Maryan Qaasim, waxaa ay warbaahinta u sheegtay in aaney ku farax-saneen sida loo maareynayo gargaarka la xiriirka dadka waxyeellada soo gaartay, waxaa jira guddiyaal badan oo arrimaha gargaar ah kuwaas oo ka garab shaqeeya wasaaradda. Maanta markii aan la hadlayey waxaa ka muuqatay niyad-jab iyo caro, waxaa ay ka gaabsatay in sababta oo faah-faahsan ay ila wadaagto, Laakin su’aasha weli waa taagan tahay? Waa wasiirkii 2aad ee xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre iska casila muddo bil iyo xoogaa ah, isna lama sheegin sababta. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen. “Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre. “Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah.
  6. Harare (Caasimada Online) – Milatariga ayaa la wareegay awoodda dalka Zimbabwe, balse madaxweyne Robert Mugabe oo wadooda dalkaasi hayay tan iyo 1980 ayaa la sheegay inuu badqabo. Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay inuu la hadlay Mugabe oo u sheegy in laga dhigay xabsi guri balse uu aad u fiican u yahay. Ciidammo ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee Zimbabwe ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC, iyadoo badhtanka lagaga jiro xiisadda sii koraysa ee dalkaasi ka jirta. Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay. Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah. Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso. Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo. Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii. Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF Xiisadduna waxay cirka isku sii shareertay Talaadadii markii gawaari qafilan lagu arkay iyaga oo ka boos qaadanaya duleedka wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Harare, inkastoo uusan caddayn ujeedadoodu.Milatari la wareegay telefishinka qaranka Zimbabwe. Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo. Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii. BBC
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen. “Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre. “Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah, PUNTlAND POST The post Raisilwasaare Kheyre oo Lagu Soo Dhoweeyay Baraawe appeared first on Puntland Post.
  8. MOGADISHU– The fragile government stalled in Mogadishu and backed by African Union congratulates on Somaliland for the peaceful presidential polls held on 13th Nov. 2017. The council of ministers meeting chaired by Somalia’s Prime Minister, Hon. Hassan Khaire was briefed about the presidential campaign and the smooth holding of free and fair elections in Somaliland. Despite the ministers having lengthy discussions about the poll in Somaliland, they have not hesitated to send congratulatory message to the people of Somaliland and its government for well done job. Somalia’s council of ministers said that the polls were conducted in peaceful where it was free and fair. They said that the democratic elections were much better in ones hold in the western countries. The ministers called upon that it is necessary that the people must await the final results that NEC set to announce.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa ku dhawaaqday inay xilkii ay u heystay dowladda iska casishay laga bilaabo maantana ay shaqada isaga tagtay. Haddaba waxaa durba la is waydiinayaa sababta keentay inay is casisho, inkastoo ay iyada ay ka hadashay sababta haddana si faahfaahsan ugama aysan hadlin. Wasiir Maryan ayaa xaqiijisay iney xilkaasi isaga casihay is-bar bar yaac ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo aysan macneyn waxa uu yahay. “Aniga hay’ad dhisan ha ahaato mid dowladeed iyo mid kaleba waa ka shaqeyn karaa, laakiin waa ay igu adag tahay inaan ka shaqeeyo meel isku dhex yaac uu ka jiro” ayay tiri Maryam Qaasim. Hadalka Maryan Qaasim kasoo yeeray ee ahaa (Isku dhex yaac) ayaa muujinayo in lagu soo farageliyey shaqadeeda isla markaasna aan loo madax banaaneyn howlaha Wasaaradeeda. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiir Maryan muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. Wasaaradda ay madaxda ka aheyd ayaa laga ilaaliyey dhammaan shaqooyinkii khuseeyeyey, wuxuuna Ra’isulwasaare Kheyre u xil saaray Shaqadeeda Guddi, taasoo keentay inay Wasiirada weyso wax ay qabato. Maryan Qaasim ayaa Kheyre kala kulantay cadaadis badan oo xagga shaqada ah, waxayna dhawr jeer ka cabatay arrintaas sida ay xaqiijiyeen Shakhsiyaad aad ugu dhow Wasiir Maryan. Caburiska lagu hayey Wasaaraddaas ayaa waxaa tusaalaheeda kamid ah in laga ilaaliyey inay maamusho gargaarkii dalka la keena, weliba si gaar ah markii ay dhacday Musiibadii Isgoyska Zoobe markaas oo dalal badan ay keeneen raashin badan oo ay aheyd in lagu wareejiyo Wasaaradda isla markaasna ay iyadaa maamusho, waxaase dhacday inuu Kheyre u magacaabay guddi ka madax banaan wasaaradda Gargaarka. Illo wareedyo ku dhow dhow Wasiir Maryan ayaa noo xaqiijiyey inay ku dooday inaysan wax shaqo ah qaban muddo badan, aysana jirin sabab ay xilkaas usii heyso. Is casilaadaan ayaa dhibaatada kusoo badin doonto Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waa Wasiirkii labaad ee iska casishay Xukuumadda Kheyre muddo labo bil gudahood. Is casilaadan ayaa soo dedejin karta isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada oo muddooyinkii u dambeeyay xaalado adag soo wajahayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Press Release: United Nations Security Council maintains partial lifting of arms embargo on Somalia for one year 14 November 2017 – The Security Council on Tuesday renewed until 15 November 2018 the partial lifting of the arms embargo on Somalia, authorization for maritime interdiction of illicit arms imports and charcoal exports, and the humanitarian exemption. In the resolution adopted by 11 affirmative votes and four abstentions, the 15-member body requested the Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG) to continue its investigations related to the export to Somalia of chemicals that may be used as oxidisers in the manufacture of improvised explosive devices, such as the precursors ammonium nitrate, potassium chlorate, potassium nitrate and sodium chlorate. Those abstained in the vote were Bolivia, China, Egypt and Russia. Further, the Council extended until 15 December 2018 the mandate of the SEMG, and recognised that during the course of its current and three previous mandates, the SEMG has not found conclusive evidence that Eritrea supports Al-Shabaab in Somalia. The Council expressed its intention to keep measures on Eritrea under regular review, in light of the upcoming midterm update by the SEMG due by 30 April 2018. Recalling the three meetings between an Eritrean government representative and the SEMG, the Council reiterated its expectation that Eritrea’s Government will facilitate the entry of the SEMG into Eritrea to discharge fully its mandate. The Council urged Eritrea and Djibouti to engage on the issue of the Djiboutian combatants missing in action and to seek all available solutions to settle their border dispute peacefully.
  11. Somaliland’s governing Peace, Unity & Development Party (Kulmiye) has advised supporters to remain in doors amid the wild jubilation over the anticipation that ruling party’s decisive victory in the presidential election. The National Electoral Commission (NEC) has urged political parties not to celebrate before the actual results are announced. Kulmiye Party Spokesman, Hon. Hassan Gafadhi flanked by Party’s secretary held a press conference at the party’s headquarters in Hargeisa. The duo urged that their supporters must wait until the winner is declared before any celebration can be conducted. They expressed thanks to its supporters for voting the ruling party with overwhelming majority. The opposition, Wadani party hoped to challenge Kulmiye ruling party dominance for first time. Somaliland’s National Election Commission said that speculating on the results of the polls can result into conflicts and adverse consequences, which can negatively affect the nation.
  12. Cilmi baarayaal ayaa sheegay kool-koolinta faraha badan ay ku sameeyaan waalidiinta ilamaha ay awoowaha ama ayeeyada ay u yihiin inay ku yeelato saameyn caafimaad ee togan. Cilmi-baaristaan lagu sameeyay jaamacadda Glasgow laguna faafiyey majalada OnePlus ayaa waxaa lagu sheegay in ayeeyayaasha ay u leexdaan inta badan koolkoolinta ilmaha ay waalidka u yihiin inay siiyaan cunto farobadan . Daraasadda ayaa waxay hoosta ka xariiqday in awoowayaasha ama ayeeyayaasha ay ilmaha hortooda ay ku cabaan sigaarka mana siiyaan fursad ku fulan oo ay ku aala miiteeyaan caruurta. Cilm- baariyaasha sameeyay daraasaddaan ayaa waxay baareen 56 daraasad, kuwaas oo ay ku jiraan bayaanaadka 18 dowladood oo ay ka mid yhiin UK,Mareykanka Shiinaha iyo Japan. Daraasaddaan ayaa waxay xoogga saareysaa saameynta ay ku yeelato caruurta koolkoolinta faraha badan oo ay u sameeyaan ayeeyayaashooda inta ay yaryaryihiin. Goobjoog News Source
  13. Daraasad ay sameysay mu’asasada Freedom House oo xarunteedu tahay dalka Mareykanka ayaa waxaa ay sheegtay in wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha Internetka ay saameeyeen doorashooyinka 18 dowladood. Daraasadda ayaa waxay diiradda saartay qaabka ay wararkaan u saameeyaan dowladaha iyo afkaarta dadweynaha, waxay tilmaanaty in lacago lagu bixiyo wararka been abuurka ah ee la isla dhexmaro baraha Internetka. Warbixin sanadeedka ay soo saartay mu’asasada Freedom House ayaa waxaa lagu sheegay in isku geynta 30 dowladood ay ka qeyb qaateen habka isticmaalka baraha bulshada ee lagu faadiyo wararka beenta ah si ay oga adkaadaan mucaaradka. Warbixinta waxay intaasi ku dartay in laga wacyi galiyo dadka isticmaalaya baraha bulshada in ay hoos u dhigaan wararka been abuurka ah iyo in lagu wacyi galiyo shirkadaha Teknoloojiyadda in ay siyaasad u dajiyaan shabakadahooda si loola dagaalamo wararka beenta ah. Goobjoog News Source
  14. Dr Maryan Qaasim Axmed oo Aheyd wasiirka Gargaar iyo Maareeynta Musiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkaasi ayaa si kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi isaga casishay. Maryan Qaasim oo si kooban u la hadashay Wariyaasha ayaa sheegtay in xilkaasi isaga tagtay isbar baryaac xaga shaqada ah sida ay sheegtay. ” Aniga oo ah Dr Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaarada Gar gaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Waxaan Rabaa in aan idiin Xaqiijiyo in aan iska casilay wasiirnimada oo aan u hayay xukuumada aniga oo ilaaheey uga baryaaya xukuumada Booskeeyga Qof aniga iga wanaagsan uu u buuxiyo in ay hesho” ayeey Tari Drs Maryan Qaasim Axmed Mar ay sii kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi uga tagtay ayaa markale waxa ay Tiri Drs Maryan Qaasim ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay waxaa igu adkaatay duruufta shaqo Aniga nidaamyo sidii looga shaqeeyo aan aqaanaa Waaxyo dhisan Ama wasaarad ha ahaato waa ka shaqeeyn karaa , laakiin shaqada markii ay is bar bar yaac tahay wax walba isku qasanyihiin waxba kala baxsaneeyn macnaha wareer ayaa laga qaadaayaa” ugu dambeeyntii waxa ay Drs Maryan Qaasim sheegtay in ay la shaqeeyn doonto Dowlada oo ayna mucaarad ku aheyn islamarkaasina iyada shaqsi ahaan ay ku adkaatay in ay dowlada la sii shaqeeyso. is casilaadaan ayaa imaaneeyso xili dowlada Soomaaliya ay dhistay guddiyo kala duwan oo ay ku shaqo laheyd Drs Maryan Qaasim Axmed. Hoos ka Dhageyso Codka Drs Maryan Qaasim http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Maryam-Qaasim.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Drs Maryan Qaasim” ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay is bar baryaac Shaqo oo aniga igu adkaatay” appeared first on Puntland Post.
  15. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Saraakiil ka socota Urur Goboleedka IGAD ayaa kulamo gaar gaar ah madaxda Maamullada Galmudug iyo Puntland kula qaatay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Waxaana ay ka wada hadleen ammaanka Magaalada Gaalkacyo, iyo sida looga hortagi karo Colaadaha soo laa laabtay ee ka taagan Magaaladaasi. Saraakiisha ka socoto IGAD ayaa 3 maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay ugu baaqeen labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo hormarka Magaaladaasi. Source: Shabelle.
  16. Hay,adda GRT ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatey shir ku saabsan isku xirka bulshadda iyo laamaha amniga, waxaana kasoo qayb galay Taliyaha iskuxirka Police-ka iyo bulshada,Gudiyada xaafadaha, Wasaarada haweenka,Barakacayaasha iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan. Abshir Yuusuf Maxamuud Madaxa Hay,adda GRT ayaa ugu horeyntii faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirka, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay isku xirka laamaha amniga iyo xaafadha magaalada Garowe,Isagoona xusay ka hay,add ahaan inay ka go,an tahay ciribtirka tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo caruurta. Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliyaha isku xirka Police-ka iyo bulshada Cabdirishiid Cadceed Geelle, wuxuuna sheegay in Police-ku ka hawlgalayaan tacadiyada loo gaysto haweenka iyo caruurta . Wuxuuna ku dhiirigaliyey bulshaddu inay warbixinada ay usoo gudbiyaan police-ka si looga hortago tacadiga ka dhanka ah caruurta iyo haweenka. Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xirtay Aamino Maxamuud Nuur oo ka socotay Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha qoyska,waxayna ka dalbatey kasoo qeybgalayaasha kulankaan inay xiriir yeesheen bulshada iyo laamaha Amniga si looga hortago tacadi walba oo loo geysto haweenka iyo caruurta, Iyadoona xustey deegaanada Puntland inay kusoo badanayaan falalka noocaan ah. CIID QARAN. PUNTLAND POST The post Hay,adda GRT oo shir u qabatay bulshada iyo Booliska Garowe. appeared first on Puntland Post.
  17. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta xilka iska casishay, waxayna goor dhow sheegtay sababta ay isku casishay. Wasiir Maryan ayaa xaqiijisay iney xilkaasi isaga casihay is-bar bar yaac ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo aysan macneyn waxa uu yahay. “Aniga hay’ad dhisan ha ahaato mid dowladeed iyo mid kaleba waa ka shaqeyn karaa, laakiin waa ay igu adag tahay inaan ka shaqeeyo meel isku dhex yaac uu ka jiro” ayay tiri Maryam Qaasim. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiir Maryan muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. Kheyre ayaa inta badan guddiyo u magacaaba wasaaradaha isaga oo aan la tashay wasiirada, taasi oo wasiiro badan ka careysiisay. Hoos ka daawo muuqaalka Maryam Qaasim Source: caasimada.net
  18. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee maanta iska casishay xilkaan ayaa Goobjoog News uga warbixisay sababta ku kalliftay iney is casisho. Waxay sheegtay Drs. Maryan in sababta ugu weyn ee ay isku casishay ay tahay ineysan ku shaqeyn karin is barbar yaac, sidaasi darteedna ay ka doorbiddey iney xafiiska baneyso. Sidoo kale waxay sheegtay wasiir Maryan in iyadu aanay ahayn mucaarad, ayna xukuumadda u rajeeneyso guul iyo horumar. “Aniga oo ah Maryam Qaasim Axmed, wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka, waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee aan u hayey xukuumadda, aniga oo ilaahay uga baryaya xukuumadda booskeega qof aniga iga wanaagsan oo u buuxiyana iney hesho, hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hay’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo” Maanta oo Arbaco ah ayeey Drs Maryan Qaasim Axmed waxay si rasmi ah u sheegtay iney iska casishay xilkii wasiirnimo ee ay ka haysay xukuumadda uu hoggaamiye Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Goobjoog News Source
  19. Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu gaaray Ra’silwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre. Wafdiga Ra’isilwasaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo Dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh oo halkaasi kaga sii horeeyay. Sidoo kale waxaa magaaladaasi Baraawe gaaray wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating. Dhanka kale Warar ay warbaahinta Puntland Post ka heleeyso Baraawe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe oo ay maamulaan AMISOM. Lama oga qasaaraha madaafiicdaasi ka dhashay hayeeshee Al-Shabaab ayaa ku soo beegay Madaafiicdooda xiligii ay soo dageen Wafdiga Ra’isilwasaare Kheyre. Faahin Faahin Dheeraad ah Dib ugala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Gaaray Baraawe iyo Al-Shabaab oo Madaafiic ku Garaacay Garoonka Baraawe appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore 15 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley qaar kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Puntland, hay’addahaas uu Madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxaa kamid ah Relief International, SCF, SSF iyo UNICEF. Kulamadaas uu Madaxweynaha Dawladda Puntland la qaatay hay’addahaasi oo ahaa kulamo gaar gaar ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabddullaahi Cumar Camey iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland Mudane. Burhaan Cilmi Xirsi. Kulankii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu la qaatay saraakiisha ka socotey Hay’addaha Relief International ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen kobcinta waxbarashada hablaha, taageeridda ciidamada Puntland iyo waxbarashadooda, dhismaha xarumo waxbarasho ee deegaanada fog-fog gaar ahaan gobolada Gardafuu, Sanaag, Cayn iyo Hayland, waxaana dhammaan qodobadaasi laysla meel dhigay in sida ugu dhakhsaha badan loo dardar geliyo wax kaqabashadooda, iyadoona ay sheegtay hay’addu in ay gelindoonaan mashaariicdaasi lacag gaadhaysa 1.5 Million. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xafiiskiisa kulan kula qaatay masuuliyiin ka socdey hay’adda SCF [Save Children Fund] oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska SCF Soomaaliya Mr. Timothy Bishop iyo madaxa Xafiiska SCF Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, waxaana kulanka lagaga wada hadlay mashriicda ay Puntland ka fuliyaan hay’addu, kuwaas oo ah Waxbarashada, taageeridda caruurta danyar ta ah, Caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafadda. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ay wehelinayaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socdey hay’adda SSF [ Somali Stability Fun], waxaana kamid ahaa saraakiisha ka socotey hay’addani madaxa xafiiska SSF Soomaaliya Vishalina Lowrance iyo madaxa Xafiiska SSF Puntland Abshir Maxamed, isla markaana waxaa kulanka looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin taakulaynta ciidamada Booliska Puntland, horumarinta dhalinyrada Puntland iyo biyo gelinta magaalooyinka waaweyn ee Puntland, Ugu danbayn, kulanka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ka kala socdey hay’addaha Relief International, SCF iyo SSF ayaa ahaa mid ku qotomay dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee hay’addahaasi ka fuliyaan guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland, =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulamo La Qaatay Qaar Kamid Ah Hay’addaha Caalamiga Ah Ee Ka Hawlgala Puntland. appeared first on Puntland Post.
  21. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa kusoo dhoweeyay Baraawe, madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, mas’uuliyiinta gobolkaasi iyo kan Baraawe. Waxa uu Ra’iisul wasaare Kheyre u guurgeli doonaa xaaladda guud ee Baraawe iyo arrinta ciidamada maadaama dowladda Federaalka ay dhowaan qaadi rabto dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab. Sidoo kale, waxaa magaalada Baraawe ku sugan Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera. Goobjoog News Source
  22. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay u ambabaxeen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararku waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha u kuurgalayo xaaladda ammaanka ee degmadaasi, arrimaha ciidamada maadaama ay dowladda Federaalka dhowaan qorsheynayso iney qaaddo dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed ayaa ku sugan degmada Baraawe, iyadoo ammaanka guud ee degmadaasi aad loo adkeeyay. Sidoo kale waxaa socota qaban qaabada lagu doonayo in lagu soo dhoweeyo Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  23. November 15, 2017 HARGEISA– Colonel Muse Bihi Projected Winner of Somaliland Presidential election. Muse Bihi Abdi, 69, will become the 5thPresident of Somaliland, GubanMedia projects, a landslide victory for him. Muse Bihi, the former military commander, will become the first Somaliland to win over 50% of the votes cast. GubanMedia is confident when all the electorate commission officially declares the result; he would win 53.5 percent of all votes cast. Muse Bihi won most of the major population centers of Somaliland, including Hargeisa, Gabiley area, Burao, Borama, Berbera, and Las Anod. He also received more votes than Silanyo did in 2010 election. Muse Bihi’s victory will most likely end the political career of then candidate Irro, who was the Speaker for 12 years three months ago. Now, President-elect Bihi faces the job of uniting the country after divisive and smear campaign conducted by Irro during the election. Colonel Muse Bihi, who is the first Somaliland President with military experience, campaigned for national security, and vowed to address the most pressing issues facing the nation: the crushing poverty in our society, our broken judicial system, providing basic services like water and electricity,healthcare, and youth unemployment.He also pledged to combat female genital mutilation, to increase women representation in politics, and to introduce compulsory national service for high and college graduates. Somaliland voters have spoken and voted for a change.They voted against Irro because he was not an agent for a change. And they are expecting from President-elect Bihi to put together a lean and competent cabinet with fresh faces. Jamal Hussein who has experience in finance and banking is expected to become finance secretary. While the reform minded Ahmed Samatar is favorite to run Education Department.Both men have campaigned tirelessly for Candidate Bihi. But, first, Muse Bihi must swear in as 5th President of Somaliland on inauguration day, December 16. Gubanmedia
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa goor dhow waxay iska casishay xilkaasi. Wasiir Maryan ayaa xaqiijisay iney xilkaasi iska casishay, waxaana ay sheegtay in daqiiqado kadib ay saxaafadda u faah faahin doonto sababaha ay xilkaasi uga tagtay. Drs. Maryan Qaasim ayaa mudadii ay xilkaan haysay waxbadan soo qabatay. Wasiir Maryan ayaa muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. Waxaa lagu wadaa inay saxaafadda faahfaahin ka siiso sababaha ay isu casishay, iyadoo ka mid ahayd xubnaha ugu dhow madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale