Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 21 December 2017 safar shaqo ku tegey magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Buurtinle kusoo dhoweeyey maamulka degmada Buurtinle, nabadoono waxgarad, aqoon-yahano iyo shacabka magaalada Buurtinle oo aan u kala hadhin ka qayb qaadashada soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa. Madaxweynaha dawladda Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal ay ka socoto mashaariic horumarineed kuwaas oo ay dawladdu ka hirgelisey. “Aad ayaanu ugu faraxsan-nahay inaan maanta magaalada Buurtinle ku nimaadno safar shaqo, waana wax lagu farxo mashaariicda waaweyn ee magaalada sida dhabta ah uga socota, waa magaalo weynaatay oo ay degen yihiin dad badani tuulooyin badannina ay ku xeeran yihiin markaa waa lagama maarmaan inay heshaa adeeg fiican” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. ” Waxaan idiin rajaynayaa guul iyo inay mashaariicdaasi si dhab u hirgalaan haday noqoto saldhigyada Booliiska, nalalka magaalada [Solar System], biyo gelinta, iyo xaruntii degmada Buurtinle waaxa la rabaa dhammaan mashaariicdaasi inay u hirgalaan sidii lo qorsheeyey Insha Allaahu, sidoo kale waxaa iyana halkan ka socda mashruucii dhismaha waddada isku xidhaysey Garoowe iyo Gaalkacayo” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadalay shaqaaqada dhexmartay dadka walaalaha ah ee reer Puntlaand, waxaana uu baaq u diray Madaxweynahu dadka shacab ka ah ee ay dhexmartay xurguftu, isla markaana waxa uu ku booreyey inay joo jiyaan dagaalka nabad iyo waaan-waanna kusoo dabaalan xaaladda hadda jirta. ” Waxaa sidoo kale nagu soo siyaaday shaqaaqada ka socota Hawdka oo runtii aan aad uga xunnahay dadkaa Soomaaliyeed ee dhintay. intii dhimatay Alle haw-naxariisto, inta dhaawaca ahna waxaan rajaynayaa in Alle u booga-dhayo, ka Puntland ahaanna waajib nasaaran weeye shacab kayaga markay dhibi gaadhto inaanu u nimaadno wixii shiddo iyo shar wadana aanu ka qabano, bulshadaa wada degan ee walaalaha ahna waxaan ugu baaqaynaa inay wanaag, ehelnimo, walaaltinimo ay kuwada deganaadaan, nabad kuwada noolaadaan nabad kuwada daaqaan “ ayuu Yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. ” Waxaan ugu baaqayaa isimada, cuqaasha, nabadoonada, waxgaradka, culuma awdiinka reer Puntland meel kastay joogaanba inay u istaagaan xaaladdaa iyada ah deminteeda iyo dadkaa walaalaha ah isu soo dhowaan shahooda iyo dhibtaasi dhacday furdaaminteeda in loo istaago ayaan ku baaqayaa, waxaan kaloo ku baaqayaa in la joojiyo colaadda iyo xasaradda labada dhinacba inay joojiyaan, wixii dhib ah oo dhacayna ay intaa ku ekaadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweyne Gaas:- “waxaan ugu baaqayaa shacabka Puntland inay nabad kuwada noolaadaan nabadna kuwada daaqaan” appeared first on Puntland Post.
  2. Maxkamadu waxay maanta cadeysay in dambiga lagusoo oogay Cabdiraxmaan Cabdiskuur uu yahay Waxba kama jiraan laakiin Maxkamadu kama hadlin cida qaadaneysa Masuuliyada Weerarkii lagu qaadey gurigiisa iyo Maalmuhuu xabsiga ku jiray. Dhinaca kalena Cabdiraxmaan qudhiisu wali kama uusan hadal waxa xiga siideyntiisa iyo inuu Maxkamadu lasoo fuuli doono cida masuulka ka ah xarigiisa iyo dilkii loo geystey ilaaladiisa. Wasiirka Amniga, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Afhayeenka Wasaarada Ambigu waxay saxaafada ka sheegeen in Malaayiin Dollar lagasoo ururshay guriga Eedeysane Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa say Hadalka u yiraahdeene, LAAKIIN waxaa maanta la cadeeyey in guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur aan wax lacag ah lagusoo qaban, Waxay kaloo Maxkamadu cadeysay in Dhamaan dambiyadii ay Dowladu kusoo eedeysy aysan Waxba ka jirin. Hadaba su’aasha hada taal WAA Yaa ka dambeeyey Xariga Ina Cabdishakuur iyo eedeymaha lagusoo eedeyey, Sharciga ay Xukuumada iyo Xeer illaaliyuhu u adeegsadeen Xarigiisase Ma yahay mid qabanaya Cida masuulka ka ah Xarigiisa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa 18 bishaan Decembar waxaa xiray Dowlada Federaalka oo ku eedeysay Qaran Dumas, Waxaa Xalay Xabsiga kasoo daayey Odoyasha Beeshiisa iyo Odoyassha Beesha Wasiirka Amniga, lamana oga Heshiis hoosaadka ay Labadaan Berlins kusoo daayeen Soyaasiga. Saaka ayaa Maxkamadayntiisii la sugayay ay Maxkamadu cadeysay in uu dambi laawe uu yahay oo isagu dhibane yahay dhib loo geystay. Puntlandi Muqdisho
  3. 21 December 2017 – Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, Sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale. Ugu horeyn, golaha wasiirada ayaa waxey warbixin amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican mareyso, lana dardargelin doono iyadoo uu ka codsaday in shacabka ay kaalin weyn ka qaataan sugida amniga iyo nabadeynta dalka. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ay arbush ku sameeyeen ciidanka oo marayey Balidoogle, hase yeeshee la baacsaday oo xirfadkooda lagu raad joogo. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha u soo bandhigtay warbixin ku aadan Daraasad ay sameeyeen oo lagu qiimeynayey diyaar garowga ciidanka. Guddi ka kooban 25 ayaa daraasadan ka soo sameeyey gobollada dalka oo ay ku jireen khubaro ka socday Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka. Daraasadan ayaa lagu qiimeynayey agabyada ciidanka heysto, caqabadaha jira, tababarka ay heystaan iyo diyaar garowgooda. Daraasada ayaa soo bandhigtay inay jiraan gaadiid ciidanka XDS oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, tanoo ka soo horjeeda nidaamka sharciga. Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u codeeyey in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey nooca matalaad ee doorasho ee 2020 oo uu sheegay in guddi ka kooban hay’adaha ay khuseyso ay muddo wadeen daraasad iyagoo isku barbardhigayey doorashooyinka caalamka iyo kuwii Soomaaliya ay soo mareen oo ay ku jiraan kuwa Somaliland. Daraasad dheer ka dib waxaa weli socda wadatashi ballaaran oo laga yeelanayo nooca doorasho, iyadoo la isku raacsanyahay in doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qaban doono 2020ka. Noocyada matalaad doorasho oo laga tashanayo ayaa waxaa ka mid ah mid isku dheelitiran oo dhammaan qeybaha bulshada laga wada qeybgelinayo, mid doorasho furan oo xisbiyada dadka matalaya ay doorasho ka raadsanayaan deegaanada, ama mid xiran oo xisbiga la dooranayo ka dibna uu soo xulanayo xildhibaanada matalaya. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi ballaaran la sameyanayo inta aan la go’aamin nooca matalaad ee doorasho. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey dardargelinta heshiiskii GalMudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in xiriiriyo uu ka yahay Wasiirkii hore Abdisamad Macalin Maxamud, wasaaradana ay wado qorsheyashii loo dhaqangelin laaa heshiiskaas taariikhiga ah ee muhiimka ah. Wasiirka Shaqada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Adeega Rayidka ah oo usbuuca danbe loo ballamay si looga doodo oo loo ansaxiyo. Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ah ayaa golaha siisey warbixin la xiriirta dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ah oo guddigii loo xilsaaray oo ka koobnaa 19ka xubnood oo ka kala yimid dhammaan gobollada ay soo gaartay 600 araaji, oo markii la xulay laga soo reebay 74 oo la marsiiyey imtixaan, ka dibna laga soo reebey 45 u soo gudubtay xog-wareysi (interview) oo lagu ballamay in usbuuca danbe golaha wasiirada ka doodaan. The post Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale appeared first on Puntland Post.
  4. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxay deeq dawo ah gaarsiisay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka. Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiya Abiikar Nuur iyo wafdi ay hoggaamineysay ayaa gaaray B/weyne, waxaana dawada la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaaladaasi. Wasiir Fowsiya ayaa kormeertay goobaha lagu daweynayo dadka uu soo ritey cudurkaasi, waxaana goobahaasi kamid ah Isbitaalka guud ee B/weyne. Mar ay si kooban wasiir Fowsiya ula hadashay saxaafadda waxay sheegtay in dowladda ay garab taagan tahay dadka la xanuunsanaya Shuban biyoodka, islamarkaana kaalin ka qaadan doonto daweyntooda. Goobjoog News Source
  5. Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo saxaafadda la hadlay kadib markii ay dambi ku weysay maxkamada gobolka Banaadir ayaa si kooban uga hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horreyn wuxuu u mahadceliyey cid walbo oo ka dhiidhisay xariggii ay dowladda kula kacday, isaga oo sheegay iney guuleysatay cadaaladdii. Waxa uu tilmaamay in hadda ay soo dhammaatay oo kaliya qeybta hore ee dacwadda balse qeybta dambe ay furmi doonto uuna ku raadsanayo xaqii uu lahaa. Sidoo kale, waxa uu Mr. Shakuur u sheegay madaxda sare ee dowladda in laga gudbay waqtii wax lagu maquuninaayey waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka kale, C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu baaqay Labada aqal Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya in lala xisaabtamo cid walbo oo mas’uuliyaddeeda gabtay. “Dacwada qeybteeda hore ayaa dhamaatay, qeybtii dambena wey furmi doontaa oo aniga xaqii aan lahaa ciddii igu soo been abuuratayna beenteedii waa la cadeeyay, waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka haysata, waa laga gudbay xilligii qori caaradiis wax lagu maquuninaayey, dalkaan xilli dib loo celiyo ma joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, Labada guddoon ee baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in sharciga ay la tiigsadaan cid walbo oo sharciga ka weynaato, xildhibaannada baarlamaankana waxaan ugu baaqayaa dalkaan waxa lagu wada joogi karo waa sharci, cidii gabtay mas’uuliyadeeda iney kula xisaabtamaan Labada aqal dhexdooda” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta sheegtay in wax dambi ah aanu lahayn siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur, waxaana sidoo kale ay tilmaantay maxkamaddu inaanu racfaan ka furneyn kiiskan. Goobjoog News Source
  6. Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dalka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa Goordhow Shir Jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho waxa uu ka soo horjeeystay Go’aankii maxkmada Gobolka Banaadir ay kus ii deeysay cabdiraxmaan Cabdishakuur. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Sharci Daro ay tahay in loo diido racfaanka Xee ilaalinta isaga oo sheegay in ay xaq u leeyihiin in racfaan ay helaan xir ilaalinta. Maanta ayaa Maxkmada Gobolka Banaadir sheegtay in wax dambi ah lagu waayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyada oo sii deeysay. Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Mudane Aweys Shiiq Cabdilaahi Ayaa sheegay in xeer ilaalinta dalka aan wax racfaan ah u furneeyn. Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke The post Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka Soo Horjeeystay Xukunkii lagu Sii Daayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.
  7. Ethiopia, Somaliland are enjoying a period of having good bilateral ties according to SL representative to Ethiopia, Ali Hussein Ismail aka “Ali Shoombe”. The envoy told Geeska Afrika, local paper published in Hargeisa and said that the deals signed between the two countries will be carried out by Musa Bihi’s new administration. Hon. Shoombe has declared that the road linking Somaliland to Ethiopia particularly Wajale road will commence soon as the technical committees from both sides are in action. The envoy to Ethiopia further stated that the Ethiopian transport minister who spoke to BBC Somali services admitted the relation between Somaliland and Ethiopia remains good and strong.Speaking on Somaliland consulate in Ethiopia, the envoy said that their mission is to bring the two nations closer together.
  8. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xoriyadiisa dib uguoo celisay Siyaasiga Cabdiraxmaan C/shakuur, kaddib ay markii shaacisay in wax dambi ah lagu waaayay. Maxkamadu waxay cadeysay Xeer Ilaalintu inay caddeymo rasmi ah ku keeni weyday muddo 24 saac oo loo siiyay. Waxay kaloo sheegtay inaan markii horeba sifo sharci ah lagusoo xirin siyaasiga. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, kaddib markii uu akhriyay dhamaan waraaqadihii loo keeno iyo qodobo ka mid ahaa xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in aan wax dambi ah loo heysan. Puntlandi.com
  9. Somalia is continually plagued by numerous problems, despite growing support for its central government. Other pressing challenges include famine and disease. After years of enduring a protracted civil war, Somalia continues to face a set of intractable challenges with security foremost among them. In October, more than 500 people were killed in a double bombing attack in the Somali capital of Mogadishu. Others challenges include violence, famine and disease. TRT World’s Andrew Hopkins reports.
  10. Booliska maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga kasii daayay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xaaji oo ku magac dheer Sheekh Dabcasar kaddib markii ay dhawaan kasoo xireen hotel uu ka deganaa magaalada Hargeysa. Laanta socdaalka ee Somaliland ayaa isla maanta la geeyay Dabcasar, waxaana lagu amray inuu si degdeg ah uga baxo magaalada Hargeysa iyo guud ahaan gobolada Somaliland. Waxaa sidoo kale laga mamnuucay inuu mar dambe Live kasoo galo Facebook-giisa oo uu ka hadlo arrimaha Somaliland iyo qadiyadeeda, inta uu Hargeysa ku sugan yahay. Dabcasar ayaa dhowaan jirdil loogu geysto Hargeysa kadib markii uu ka hadlay arrimo la xiriira Soomali weyn, arrintaas oo Somaliland ay si weyn uga carootay, waxaana kadib lagu tuuray xabsi. Puntlandi.com
  11. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay dacwaddii loo haystay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay dowladda ku eedeysay qiyaano qaran. Waxay maanta maxkamadda dhageysatay dacwaddii loo haystay Shakuur, waxaana halkaasi goob joog ka ahaa siyaasiyiin, xildhibaanno ka tirsan Labada aqal, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale. Maxkamadda ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin. Warkaan oo faah faasan goor dhow la soco. Goobjoog News Source
  12. Waxaa Goordhow Maxkmada Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqday Go’aankii kama dambeeysta ahaa ee ku saabsanaa kiiskii lagu eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay in wax dambi ah lagu waayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaana Gudoomiyaha uu amray in si buuxda xuriyadiisa loo siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Gudoomiyaha Maxkmada ayaa sheegay in Xeer ilaalinta aanay u furneeyn wax racfaan ah. Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Xeer ilaalintu ay maxkmada horkeeni weeysay cadeeymo la xariira dambiga uu galay islamarkaasina lagu soo eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xasan Maxamed samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Maxkmada Gobolka Banaadir oo wax dambi ah ku weeysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur siina deeysay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u fasaxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in wax caddeyn ah lagu waayey. Guddoomiyaha Maxkamadda Awey ayaa sheegay inay xeer ilaalinta keensan weysay wax caddeyn ah oo lagu xiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu sheegay in markii horeba qalad lagu soo xiray iyadoo aan wax fasax ah laga heysan Maxkamadda Gobolka Banaadir. Xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadanayaan go’aankaan, guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa ka dhaga adeegay, wuxuuna tilmaamay inaysan jirin wax racfaan ah. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa tilmaamay inay xeer ilaalinta Maxkamadda horteeda la imaan weysay wax caddeyn ku filan kiiskaas. “Maadaama aan markii hore lagu soo qaban ogolaansho Maxkamadeed, ayaa waxay amartay Xafiiska Xeer Ilaalinta inay keento muddo 24 saac caddeymo, xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku guuldareystay inuu keeno caddeymo dhameystiran, Maxkamadda waxay xoriyadiisa u soo celisay C/raxmaan C/shakuur”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo intaa ku daray in aan wax racfaan laga qaadan karin Intaas kaddib ayaa waxaa goobta is qabsaday sawaxan iyo sacab, dadkii goobta ku sugnaa ay mar qura isla heleen, waxaana loogu hambalyeynayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur xoriyadii ay dib ugu soo celisay Maxkamadda. Arrintaan ayaa dhabarjab ku noqotay xeer ilaalinta oo Siyaasigaan habeen madow kusoo weerartay gurigiisa. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Halkaan ka daawo go’aanka Maxkamadda The post Deg deg: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la fasaxay iyo racfaan laga qaatay oo la diiday appeared first on Caasimada Online.
  14. Wararka Warbaahinta Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa ay xabsiga ka sii daayeen Cabdiraxmaan Cabduullaahi Xaaji oo Magac Dheeree Dabcasar. Sheekh Dabcasar ayaa dhowaan ciidamada amaanka waxa ay ka ka xeeysteen Hoteel ku yaala Magaalada Hargeysa halkaasi oo ciidamada amaanka ay xoog ku galeen kadibna ay u dhaadhiciyeen xabsiga Hargeysa. Ciidamada ayaa u geeystay jirdil aad u xoogan waxaana la dhigay isbitaal ku yaala Hargeysa Todobaadkii la soo dhaafay inkastoo markii dambana xabsiga dib loogu ciliyay. Dabcsar oo Jirdil Ay u geeysteen Ciidamada Soomaaliland isbitaal koo Jiifiyayugu dambeeyntii Soomaaliland ayaa sii deeysay Sheikh Dabcasar oo ah nin caan ka ah aaladaha Social Media . Dhanka kale isla maanta waxaa la geeyay laanta socdaalka Soomaaliya si Dabcasar iyada oo dibna loogu ciliyay dalka Mareykanka oo markii hore uu ka yimid. Dabcasar ayaa lagu eedeeyay in uu Aflagaado u geeystay madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Maamulka Soomaaliland oo sheegtay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca tacadiyo ka dhan Xuquuqda aadanaha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Soomaaliand oo Sii Deeysay Dabcasar Kana Musaafurisay Soomaaliland appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil. Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay. “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta. “codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.” Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay. Qaraarkan qabyada ah ma xusayo Maraykan balse wuxuu leeyahay go’aankaste oo Qudus ku saabsan waa in meesha laga saaro. Bishan horraanteedii ayay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley uga digtay dalalka xubnaha ka ah in madaxweyne Trump uu waydiistay in ay la soo wadaagto dalalka aan codkooda siinin Khamiista. Diidmada oogu daran waxay si aan qaadansho waa lahayn uga imanaysaa dalalka Maraykanka ka soo horjeeda. Dhanka kalana dalal xulafo la ah Maraykanka ayaa goodinta Maraykanka ku tilmaamay hanjabaad maran ama aan meelna gaarsiisnayn. Dublamaasi sare ayaana ii sheegay in ay caddahay in Maraykanka ay ka go’antahay in uu Israa’iil ku garab istaago Qaramada Midoobay, laakiin uu ka shakisan yahay in Washington ay gargaarka ka jari doonto Masar oo soo dhigtay qaraarkii Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhicisoobay kaas oo ku qotama midkan Golaha loo dhan yahayna. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Trump” Ciddii Ka Soo Horjeesata Go’aanka Qudus Waxaan Ka Jari Doonaa Gargaarka” appeared first on Puntland Post.
  16. Ciidanka Aminiga Puntland (PSF) oo maalmahan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka waday Buuraleyda deegaanada madarshoon, Karin Xagarood iyo Mariidleee Buuraha CalMadow oo saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan ay ku leeyihiin Al Shabaab, ayaa waxay ciidanka PSF ku dileen hawlgalladan in ka badan 20 ka tirsan argagixisada Al Shabaab. Dhanka kale, ciidanka PSF waxay ka tacsiyeynayaan geerida laba sarkaal oo ciidanka PSF kaga shahiiday miino shalay kula kacday waddada u dhexaysa Madarshoon iyo Galgala iyaga oo ku jira waajib qaran oo ay ku difaacayeen diintooda, dalkooda iyo dadkooda,waxayna Ilaahay uga baryeen labadaas sarkaal ee ciidanka PSF ka shahiiday in Allah uu ka aqbalo shahaadada kana waraabiyo jannatul firdowsa qoyskoodii, qaraabadoodii, ciidankoodii ,dawladda iyo shacabka Puntland na samir iyo iimaan ka siiyo. Hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ciidamada PSF wadaan ayay sheegeen inay sii socon doonaan ilaa cadowga laga soo afjarayo lagana xoraynayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba. Puntlandi.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah waraaqihii damiinta ahaa ee lagusii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sida ka muuqato Saxiixaha Waraaqaha waxaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinta: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxeynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Seddexdaas mas’uul ayaa damiintay, waxayna waraaqdaan xeer ilaalinta guud ku caddeysay inay aqbashaday codsigaas isla markasna ay sidaas kusii deystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Muqdisho ka socoto, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo laga soo saaro natiijo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda damiinta The post Akhriso Waraaqihii damiinta ahaa ee lagu sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
  18. Golaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa war ka soo saaray xariggii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo xalay dowladda damiin ku sii deysay iyo xaaladihii ka dhashay xarigiisa, kaddib howl gal dhiig u daatay oo habeenkii Axadii Ciidamo ka tirsan NISA ku qaadeen guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo maanta mar kale maxkamad la soo taagayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya caddeymaha loo hayo denbiyada lagu soo oogay. Xogta la helayo ayaa qeexeysa in xeer ilaalinta ay u gacan galeen macluumaad ku saabsan qorshihii afgembiga siyaasadeed ee ay ku howlanaayeen xubno ku xiran Imaaraadka oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, xidhibaanno iyo madax hore. Caddeynaha ugu muhiiimsan waxaa ka mida: 1 – Codad muujinaya abaabulka ridista dowladda oo ku saabsan dhaqaale la bixinayo iyo kharash dibadda looga helay in lagu laaluusho xildhibaannada. 2- Marqaati iyo caddeyn xildhibaanno lacag lagu siiyay inay saxiixaan mooshin lagu ridayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. 3- Qoraallo iyo dokuments la xiriira mooshin oo ku taxan yihiin liiska xildhibaanno lacag la siiyay. 4- Wadahadal codad ku saabsan tirada lacagta la siinayo xildhibaannada oo dhex maraya laba xildhibaan oo xeer ilaalinta soo eedeysay iyo C/raxmmaan C/shakuur. Lama oga in Xeer ilaalinta ay adeegsan doono caddeymahan oo dhan iyo in qaarkeed ay soo bandhigi doonto, inkastoo xildhibaannada kiiskan ku jira ay weli xasaanad heystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog culus: Akhriso caddeymaha Xeer ilaalinta u heysato kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo xildhibaanno la shaqeeya appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka AMniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa raalli gelin ka bixiyay weerarkii 17kii Bishan Ciidamada dowladda ay ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame. Wasiir Islow oo ka hadlayay madashii xalay lagu siideynayay C/Raxmaan C/Shakuur ayaa yiri “Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana bixineynaa”. Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa weerar ay ku dhinteen 5; Qof ku qaaday Guriga Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo xalay la sii daayay. Maanta ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u fariisaneysaa kiiska C/Raxmaan iyada oo Xarunta Maxkamadda ay ku wada suganyihiin Xeer ilaalinta dowladda iyo Qareennada Difaacaya C/Raxmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirka Amniga ” Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana ka bixineynaa weerarkii..”. appeared first on Caasimada Online.
  21. Booliiska Magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in ugu yaraan 15 ruux ku dhaawacantay gaari dad ku der-deray isgooys mashquul badan oo ku yaalla bartamaha magaaladaasi. Booliiska ayaa intaasi ku daray in xabsiga la dhigay dareewalkii gaariga iyo nin kale oo la socday,islamarkaana baaritaan ku socdo,balse faahfaahin dheeri ah ma bixin. Mas’uuliyiinta gawaarida gurmadka deg degga ah ee gobolka Victoria ayaa sheegay in ay isbitaalka geeyeen 13 ruux oo dhaawac ah,kuwaasoo ay ku jiraan carruur aad u da’yar. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ay arkayeen dadweyne kala cararay iyo dhaawacyo dhulka yaalla ,kadib markii gaariga oo xawli ku socdaa isgoyska soo galay. Ilaa iyo hadda ma cadda in weerarkaan ahaa mid argagixiso iyo in kale. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost.net The post Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhaawacmay gaari la jiirsiiyey. appeared first on Puntland Post.
  22. Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay Maanta war ka soo saaray xasaradda ka dhalatay xarigga siyaasi cabdiraxmaan cabdishakuur oo xabeenkii Axadda Ciidanka Nabad Sugidda Qaranku ay soo qabteen,kadib weerar dhiig ku daatay oo lagu qaaday hoygiisa magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Madasha ay ku midaysan yihiin Dowlad Goboleedyada ayaa ugu horrayn tacsi loogu diray dhamaan intii wax ku noqotay weerarkaas,sidoo kale golaha ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay weerarka,taasoo haddii aan si deg deg deg ah loo xallin saamayn xooggan ku yeelan karta deganaanshaha iyo xasiloonida. Golaha ayaa ka digay in denbi laga dhigo ra’yiga siyaasiyiinta iyo in awoood ciidan loo adeegsado dadka afkaartooda u cabbiraya sida Dastuurku qabo,wuxuuna si gaar ah uga digay in Ciidamada Nabad Sugidda iyo Militariga loo adeegsado arrimaha madaniga ah. Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhamaystiran. The post Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyda oo war ka soo saaray Xiisadda ka dhalatay xarigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maxkamadda Gobalka Banaadir goor-dhaw ka furmay Maxkamadeynta Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xalay si Damaanad ah lagu sii daayay. Xeer ilaalinta ama Dacwad ogayaasha C/raxmaan ayaa maanta laga sugayaa in ay Maxkamadda hor keenaan Cadeymo la xariiro Dacwada C/raxmaan waxaana Goobta ku sugan Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Barlaamanka Soomaaliya. Sawirada laga soo qaaday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muujinayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay garabkiisa fadhiyaan xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ku heybta ah. Warar aan la hubin ayaa sheegayo inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur diiday qaab xeer jajab ah oo la doonayay in kiiskiisa lagu xaliyo, iyadoo aan Maxkamad la aadin, balse waxaa uu ku adkeystay in Maxkamad lagu kala baxo. Odayaal, siyaasiyiin, Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa dadaal u galay sidii loo sii deyn lahaa, kaddib is afagarad laga gaaray xaaladihii ku wareegsanaa eedeyntiisa. Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa kuu biirtay Safaaradda dalka Ingiriiska ee Magaalada Muqdisho, waxaana maxkamadda Gobolka Banaadir soo gaaray xubno kamid ah Safaaradaas. Qarreenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay Maxkamadda ay furantay maantana ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay dhinac u dhacdo dooda taagan. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah The post MaxkamadeyntaC/raxmaan C/shakuur oo bilaabatay iyo Safaaradda Ingiriiska oo Maxkamadda…. appeared first on Caasimada Online.
  24. Waxaa Goordhow xarunta Maxkmada Gobolka Banaadir soo gaaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sugaya go’aankii u dambeeyay ee maxkamadeeyntiisa. Xuranta waxaa sidoo kale ku sugan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Siyaasiin. Xarunta Maxkmada waxaa ku sugan hadda Gudoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari iyo Mahad Maxamed Salaad oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa hadda la sugayaa in ay soo xaadiraan dhamaan qareenada iyo dadka dhageeysanaya xukunka Maxkmada Abdiraxmaan Abdishakuur. Go’aankaan ayaa noqon doono kii ugu dambeeyay oo ay soo saareeyso maxkmada iyada oo la wada sugayo go’aanka maxkamada. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Go’aankii ugu Dambeeyay ee Maxkmada Abdiraxmaan Abdishakuur oo Goordhow Bilaabaneeysa appeared first on Puntland Post.
  25. Qoraal uu maanta soo saaray Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) ayaa lagu soo dhoweeyay sii-deynta shuruudeysneyd ee la sii daayey Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur Warsame iyaga oo dhinaca kale ka dhigay in la bartilmaameedsado siyaasiyiinta lagu tuhmo in ay mucaarad. Ugu horeyn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) wuxuu tacsi u dirayaa elehelkii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday hawlgalkii bishan 18keedii ka dhacay Guriga Siyaasiga Abdirahman Abdishakuur Warsame, intii ku dhimatayna waxaan ilaahay uga baryeynaa in u naxariisto. Sidoo kale waxan ilaayah uga baryayaan in intii ku dhaawacantayna cafimaad degdega siiyo Amiin. Labadii bari ee la soo dhaafey, Goluhu waxuu si dhow isha ugu hayey xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatey Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho kuwaas oo hadii aan xal siyaasadeed oo degdega laga gaarin saameyn xoogan ku yeelan kara deganaanshaha iyo xasiloonida dalka, sidaas darteed Goluhu waxuu: Soo dhoweynayaa sii deyntii shuruudeysneyd ee la sii daayey Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur Warsame, ka dib dadaalo ay u galeen Golaha Iskaashiga (GIDG), Wasiirro, Xildhibaanno, Duubab, Odoyaal, iyo Xubno kale oo bulshada ka tirsan. Waxaan ku baaqynaa in arrimaha weli dhimana lagu dhameeyo si degdega oo waafaqsan sharciga, lana dhowro xasiloonida guud, amniga, iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta.. Ka digayaa in dambi laga dhigo khilaafyada siyaasadeed ee mar walba jiri kara, lana bartilmaameedsado siyaasiyiinta lagu tuhmo in ay mucaaradaan siyaasada dowladda, madaama oo sharicigu u ogolyahay in mucaarad iyo muxaafidba ay ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed ee ku aadan hadba xaalada siyaasadeed ee taagan si waafaqsan dastruurka, kaas oo ogol xoriyaadda kulanka iyo qowlka. Soo jeedinyaa in laga foojignaado in dariiqa loo marayo xalinta kala duwanaashaha xaga afkaarta siyaasadeed ee lakala qabi karo loo adeegsado awood ciidan iyadoo wadanku wali ku jiro marxalad aad u nugul oo lagama maar maan ka dhigaysa in wax walba lagu gaaro dib u heshiisiin iyo is qancin, hadii la waayana ay tani sababi karto kala qaybsanaan hor leh iyo in dib loogu noqdo meel fog oo laga yimid. Mar labaad sidii horey la isugu raacay aan ciidamada nabad sugida iyo xooga dalka midkoodna loo isticmaalin arrimaha madaniga ah oo boolisku leeyahay. Qoraalka Oo Dhameystiran halkan Ka Akhri: Source