-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qorshihii xildhibaanada mucaaradka Soomaaliya ay doonayeen inay mooshin xil qaadis uga keenaan madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo wajahay dib u dhac kadib markii xildhibaanada abaarlamanka fasax dheer la geliyey. Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa xildhibaanada fasaxay muddo laba bilood ah, ayaga oo soo laaba doona bisha Febraayo, taasi oo ka dhigan in raadintii saxiixayaasha mooshinka ay hakad galeyso. Mooshinkan ayaa waxaa si wada jir ah u wada kooxda Damu-Jadiid, oo hadda sidoo kale loo yaqaan Qabyo, iyo koox ku xiran Imaaraadka Carabta oo lacag badan soo qaatay, islamarkaana uu hoggaamiyo Cumar Cabdirashiid. Mooshinka ayaa markii horeba dhaqaaqi waayey, kadib markii saxiixayaal badan loo waayey, islamarkaana qaar saxiixay ay lacagtii ay qaaten ula goosteen Nairobi, waxaana fasaxan uu dib usii dhigaya in mooshinka uu dhaqaaqo. Wararka Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in kaliya 40 xildhibaan ay horey ugu saxiixeen mooshinka, qaarna ay kadib ka laabteen. Madaxweynaha ayaa xilka looga qaadi kara saddex meelood laba meel xildhibaaada haddii ay ka codeeyaan, taasi oo aan sahlaneyn. Caasimadda.net
-
Muqdisho (Caasimada Onlinen) – Sida aynu la wada socono waxaa dhacday in Raysul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu soo saaray wareegto qeexaysa in dhammaan Agaasimaha Guud iyo Xoghayaasha Joogtada ah loo galo tartan, wuxuuna magacaabay guddi heer Wasiirro ah iyo guddi farsamo oo ka tirsan xafiiskiisa. Waxaa dad badan iswaydiinayaan arrintaan danta laga leeyahay, xog dheeraad ah markii aan raadinay waxaa noo soo baxay arrimaha hoos ku xusan: 1.Waa arrin khilaafsan sharciga shaqaalaha Rayidka oo qeexaya in guddiga shaqaalaha Rayidka kaliya uu qori karo shaqaalaha Dawladda. Waa arrin sharciga khilaafsan in xafiiskiisa R/W uu fuliyo arrin la xiriirta shaqaalaysiin. 2. Waxaa jirta in qayb ka mid ah Agaasimayaasha guud ama xoghayayaasha Joogtada ah ay haystaan Dikreeto madaxweyne, taas macneheedu yahay inaan R/W ka qaadi karin shaqada 3. Waxaa jira tuhun weyn oo ah in dadkii shaqada la siin lahaa horay loo qoray oo la yaqaan arrintaana ay tahay raad gafasho Shaqo loogu abuurayo saaxiibo siyaasadeed 4. Haddii ay Arrintu tahay kobcinta tayada shaqaalaha Rayidka ah waxaa tartanka lagu dari lahaa labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Raysul Wasaaraha, sida ku cad qoraalka lagu xayeesiiyey labadaas xafiis waa laga reebay 5. Arrintaan waxay qayb ka noqonaysaa is barbaryaacii xukuumadda waayo haddii Wasiirro awalba horay shaqadooda iyo khibradooda loo dhaliilsanaa haddana la shaqaalaysiiyo Agaasime shaqada ku cusub, waxay la macne tahay curyaamin shaqadii Dawladda abuuray iyo wiiqid hawl-wadeenadii lafdhabarta u ahaa Wasaaradaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post 5 qodob oo sharci darro ka dhigaya habka xulista agaasimeyaasha ee uu wado Kheyre appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in ay u baahan tahay illaa $3 billion oo Dollar 4ta sano ee soo socota si ay barnaamijyo uga fuliso gudaha Soomaaliya. Hadalka waxaa uu imaanayaa kadib heshiis dhanka horumarka ku saabsan oo talaadadii ay kala saxiixdeen, heshiiska waxaa uu socon-doonaa 4ta sano ee soo socota. Ergeyga xogheyaha guud ee Soomaaliya Michael Keating waxaa uu sheegay in lacagtaas lagu qarash-gareyn-doono barnaamijyada ay wadaan 23 hey’adood oo Q.M mudada 4ta sano ee soo socota. Michael Keating waxaa uu sidoo kale intaasi ku daray in tani ay keeneyso in la mideeyo dadaallada iyo istaraatiijiyadda lagu xoojinayo sharciga, arrimaha doorashooyinka iyo hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in hey’addan ay u baahan tahay $2.88 billion inta u dhaxeysa 2017-2020, taas oo la soo marsiinayo sanduuqa mashaariicda ee UNSF. Lacagta waxaa hadda la hayaa 40% halka ay 60% raadin u baahan tahay. Heshiiskan dhanka dowladda waxaa u saxiixay ra’siul wasaare Xasan Kheyre iyo wasiirkiisa qorsheyna Jamaal Xasan, waxaana la sheegay in wax looga qaban-doono 5 meel sida: Fedelism-ka, nabadda, cadaaladda iyo amniga, xoojinta hey’adaha madaniga ah iyo bulshada rayidka ah iyo in kor loo qaado heerka dhaqaale iyo fursadaha qofka. Waxaa xusid mudan in saxiixa Kheyre uu ka dhigan yahay inuu Keating u xalaaleeyey in magaca Soomaaliya uu saddex bilyan oo dollar ku dhaco. Kooxda QM ee Soomaaliya, marnaba wax la taaban karo oo ay u qabato umadda Soomaaliyeed ma jiraan, waxaana qarash kasta oo Soomaaliya ay kusoo qaadato uusan dhaafin xafiiskooda. Waa ayaan darro in Soomaaliya qeyb ka noqoto mahsruuca kooxda Keating ee ku taajirka magaca umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Keating oo magaca Somalia ku cunaya $3 bilyan iyo Kheyre oo u saxiixay appeared first on Caasimada Online.
-
Qudus waxay kamid tahay Magaalooyinka ugu qadiimsan Caalamka. Wuxuu Cumrigeeda ku dhowayahay 5-Kun oo Sano waxayna Saldhig usoo noqotay Diimaha Islaamka, Kirishtanka iyo Yuhuudda. Qudus, Jerusalem, Yabuus, Kaaptooliya, Sahyuun, iiliyaa iyo Baytul-Maqdas waa Magacyo kala duwan oo wada tilmaamayo halkaan Magaalo waxana kusoo magacaabay Ummadihii kala duwanaa ee soo maray. Qudus oo Micnaheedu yahay Magaalo Barakeysay waxaa Magaceeda lagu xusay Kutubka Toowtaarka 680-Jeer. Markii ugu horeysay Taariikhda, 2500 oo Sano Miilaadiyada kahor Magaalada Qudus waxaa degay Reer Kancaan oo ah Qabiilo Carbeed. Miiladiyada kahor 1600 oo Sano, Qudus waxa ka talinayay Masaarida uu Fircoon hogaaminayay, waxana talada uga dambeeyay Yuhuudda oo Qudus ka talineysay 73-Sanadood. Miilaadiyada 977-Sano kahor, waxaa Magaalada Gacanta ku dhigay Nabi Suleyman Caleyhi-Salaam oo ka talinayay 40-Sano, waxana uga dambeyay Wiilkiisii Suleymaan ahaa Caleyhi-Salaam oo isaguna gacanta ku hayay 33-Sano. Nabi Suleymaan kadib Qudus waxa kasoo taliyay Boqortooyoyinkii Baabilyoon, Beershiya, iyo Roomaaniya, waxayna ku jirtay Gacanta Roomaanka ilaa Islaamku kala wareegay. Sanadkii 621-dii Miilaadiyada Qudus waxay Marti-Gelisay Booqashadii Nabi Muxamed Sallallaahi Calayhi Wasallam oo laga dheelmiyay Kacbada Barakeysan loona dheelmiyay Masjidul-Aqsa. Khilaafadii Cumar Binu Khaddaab, Magaalada Qudus oo loo aqoon jiray iiliyaa waxaa furtay Muslimiinta oo uu hogaaminyay Abaa-Cubdeydah Caamir Binu-Jarraax, wuxuna Cumar Magaceeda u bedelay Qudus, waxana uga dambeeyay Dowladihii Amawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxayna saldhig u aheed Islaamka iyo Dhaqanka Carabeed Qarni iyo Bar kadib Magaaladu waxaa ku loolamay Dowlado yaryar oo Muslimiin ah waxayna ugu dambeyn gacanta u gashay Dowladdii Salaajiqada Sanadkii 1071-dii. Qudus waxay markale marti-gelisay loolan u dhexeeyay Dowladihii Salaajiqada iyo Faadimiyiinta, waxaana xurguftaas ka faa’ideestay Kirishtanka oo Magaalada qabsaday kuna dilay in ka badan 70-Kun oo Muslimiin ah Sanadkii 1099-kii. Sanadkii 1187-dii Miilaadiyada ayuu Salaaxu-Diin Al-Ayuubii Magaalada kusoo celiyay Gacanta Musliminta, kadib Dagaalkii Xidiin ee uu Kirishtanka la galay, wuxuna dib u dhis ku sameeyay Magaalada. Markuu Salaaxu-Diin dhintay ayay Kirishtanku mar kale dib u qabsaden waxayna heesten 11-sano waxana kasoo celiyay Najmu-Diin Ayuub Sanadkii 1244-tii. Sanadkii 1516-dii Falasdiin waxay Gacanta u gashay Dowladdii Cusmaaniyiinta oo heeystay ilaa iyo Dagaalkii Koobaad ee Adduunka oo lagu jebiyay Dolwaddii Cusmaaniyiinta. Dagaalkii Koobaad kadib Falasdiin waxaa qabsay Ingiriiska wuxuna u sameeyay Ismaamul Gudaha ah oo uu Caasimad uga dhigay Magaalada Qudus, waxayna Qaramada-Midoobay Qudus u aqoonsaden Caasimadda Falasdiin Sanadkii 1947-dii, waxaana Qudus xiliyadaas kusoo qulqulayay Muhaajiriin Yuhuud ah. Sanadkii 1948-dii Ingiriisku wuxuu iclaamiyay inuu isaga baxayo Falasdiin oo aan laheyn Ciidan iyo Siyaasad dhisan, waxana jaaniskaas ka faa’ideestay Yuhuudda oo ku dhaqaawday Dowlad cusub oo Caasimaddeedu tahay Qudusta-Galbeed halka Qudusta-Barina ay Gacanta ugu jirtay Dowladda Urdun, waxana Qudus si toos ah ula wareegay Yuhuudda kadib Dagaalkii Lixda Maalmood socday ee dhex-maray Yuhuudda iyo Cabarta Bishii Juun ee Sanadkii 1967-dii. Tirakoob la sameeyay 1948-dii Falastiiniyiintu waxay Magaalada ka deganaayeen 88.5%, halka Yuhuuduna ka deganed 11.5% kaliya. Wixii xiligaa ka dambeyay Yuhuuddu waxay kusii fidayeen Magaalada ilaa xalayto Mareykanku u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda. Qudus waa Magaalo Muslimiin, ha yeeshee Diimaha kala duwan waxay uga dhigantahay meel Barakeysan oo mudan in la hanto. Sooyaalka Taariikhdeduna wuxuu ku tusayaa inay markaste Gacanta ugu jirtay Qolada markaas Gacan-Sareysa. Magacaabisteduna ma ahan Qadiyad Siyaasadeed ee waa Loolan Diimeed oo soo jireen ah. Shalay Qudus waxay Gacanta Muslimiinta uga baxday Qoray-Caaraddii, Maanta isla Dariiqaas ayay kusoo Laaban kartaa, kumanasoo celin karno Posts Calaacal ah iyo Comments aan Feysbuug iyo Twitter ka dhex sameeynay. Qalinkii Eng. Hussain Sabrie Email: Husseinsabrie@gmamil.com Faceboook: Hussain Sabrie The post Wax badan ka ogoow taariikhda magaalada Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Amniga Puntland PSF ayaa hawlgal ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyey Buuraleyda deegaanka Harweyne ee Buuraha Calmadow. Hawlgalkan ayay ciidanku ku soo qabteen 3 nin oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland, Raggaan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidanka Amniga Puntland si loo mariyo baaritaano. Ciidanka Amniga Puntland waxaa ka go’an in ay Puntland nabad ka dhigaan kana ciribtiraan kooxaha cadowga ah ee ku soo duulay.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu magaalada barakaysan Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya oo lagu baahiyey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa Maraykanka loogu baaqay in uu si dhab ah uga fiirsado“halista go’aankaan ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka”. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dalalka Carabta,Islaamka iyo guud ahaan Caalamka ugu baaqday in ay laba-laabaan dadaalka xal u helista Qadiyadda Falastiin“si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka”. Qoraalka ayaa lagu sheegay in jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay taageerada iyo garab is-taagga shacabka Falastiin sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay go’aanka Maraykanka ee Qudus. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Warsaxaafadeed arrintan ku aadan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, hoos ka aqriso. Warsaxaafadeed Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil. Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka. Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka. Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo. Dhammaad The post DF oo jawaab ka bixisay go’aankii uu Trump Qudus ugu aqoosaday caasimadda Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ka hortimid go’aanka madaxweynaha Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il, Soomaaliya waxaa ay go’aankaasi Trump ku tilmaantay mid halis ah. Qoraalka waxaa uu u qornaa sidan: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil. Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka. Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka. Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo. Dhammaad Goobjoog News Source
-
Waxaa Galabta magaalada Garoowe lagu soo xiray Shirweynaha La-dagaallanka Musuq Maasuqa ee heer qaran oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa ee puntland,sidoo kalena ay gacansiisay hay’ada UNDP,kaasoo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socday dowlad goboleedyada dalka iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya,saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ,ururrada bulshada rayidka ah,isimo culimaa’udiin iyo mart sharaf kale. shirka oo muddo laba maalmood ah ka socday Xarunta Nabadda iyo Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ayaa diiradda lagu saaray cirib-tirka musuq maasuqa iyo dhismaha maamul wanaagga,waxaana gebo-gabadii laga soo saaray War-murtiyeed 7 qodob ka kooban. Halkaan hoose ka daawo War-murtiyeedka. Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa puntland,Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ugu horrayn munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in shirkaani yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo Soomaalida guud ahaan loo qabto,isagoo ku tilmaamay”bog cusub oo u furmay la-dagaallanka musuqa Soomaaliya iyo baahinta maamul wanaagga”. Dhammaan mas’uuliyiinti ka soo qayb galay shirka ayaa soo dhoweeyey guud ahaan qodobadii looga hadlay iyo war-murtiyeedkii laga soo saaray shirka,iyagoo bodaadiyey dowladda Puntland oo ay ku ammaaneen siyaasadda cad ee ay ka leedahay la-dagaallanka musuqa. Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Abukaate Xassan Xuseen Xaaji oo shirka soo xiray ayaa ku dheeraaday ahmiyadda la-dagaallanka musuq maasuqa,wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la hirgeliyo shuruucdii qaban lahayd qofkii lagu helo dhaca hantida umadda. Sawiradda Shirka. PUNTLAND POST The post Daawo: Shirweynaha La-dagaallanka Musuq maasuqa heer qaran oo Garoowe ku soo xirmay. appeared first on Puntland Post.
-
The people of Somaliland have in recent past elected Muse Bihi Abdi, who was Kulmiye party’s Presidential aspirant as President of Somaliland for the next five year term in a landslide victory – as he will be succeeding his longtime friend and political mentor, the sitting President, who is in his dying days in office HE Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo – once he takes the oath of office on December 13th, 2017 While he had been on the campaign trail, Kulmiye Presidential hopeful reiterated that he would address a barrage of pressing issues: Corruption and embezzlement which have been institutionalized by the incumbent dispensation, rule of law which, per se, is nonexistent ,and the injustice that has also become a commonplace in the Siilaanyo administration. Having heard this from the candidate of the ruling party, the people of Somaliland have embarked on pinning their hope on him, and this is the reason why the overwhelming majority of the Somaliland electorate voted him to power. And there is no illusion that the people of this country were staunchly disillusioned with the Siilaanyo administration, and that every Somaliland citizen was giving his eyeteeth to a strong leadership with vision and integrity, and who could at least address the problematic issues which astronomically bedevilled the agencies of the present government for a very long time. There is no a shadow of doubt that the ruling party has done some sort of commendable tasks during its seven years in office – but the critics of Siilaanyo administration argue that the government bureaucrats siphoned off the state fund in a boldfaced fashion and stashed away in private bank accounts. And moreover, they ran the entire country as their private domain. The irony has it that the seven years Siilaanyo administration has been at the helm there was a complete absence of accountability and transparency, and the state apparatuses were in a state of disorganization-something the Siilaanyo administration while in the opposition used to criticize for the erstwhile Rayale administration; the corruption and mismanagement were taking place right under the nose of the outgoing President for he was in a state of poor healthy. Following his election, President Elect of Somaliland Muse Bihi Abdi has held a host of meetings with the elites hailing from diverse quarters of the society, and made it very clear that he is determined to deliver his campaign promises as he is voted to power on an anti- corruption ticket; he is to alleviate the corruption which is militating against the development of Somaliland as it dented the country’s image as an independent democratic country, which is yearning for an international recognition in order to be part and parcel of the community of nations. In the wake of his victory, the President elect made a deluge of statements which went down with the electorate; weeding out of nepotism, cronyism and the pervasive misappropriation of the state fund that plagued the government institutions are some of the urgent issues on the top of his agenda. People started discussing the upcoming government be formed in the coming week or so by the President elect. However, the President elect has left the people of Somaliland on the tenterhooks about the formation of his government – those he might include or exclude in his forthcoming dispensation. In his most recent speeches in the aftermath of his victory, he implied that he would institute some sort of government which will be answerable to him, and that of the people of Somaliland as he is bent on rooting out the rampant embezzlement coupled with inefficiency that took hold in the incumbent authority spearheaded by the outgoing octogenarian President Ahmed Mohamed Mohamoud alias Siilaanyo. Prominent personalities in the outgoing Siilaanyo administration be eliminated from the incoming government of Muse Bihi Abdi is doing the rounds. News on the authority be installed by the President elect will largely be composed of new personalities, is also making the rounds at the venues inwhich the politics of Somaliland is discussed. President elect of Somaliland Muse Bihi Abdi is unlike other Somaliland politicians, he is a jingoist by the very nature, who puts the national interest above everything else; he is one of the very few surviving high ranking officers, who toppled the military junta of Siyad Barre, which finally saw the rebirth of Republic of Somaliland as an independent country, which is seeking for international recognition. He is known for his boldness while taking decisions even his close associates are highly unlikely to have an iota of influence on his decision making regarding how he would run this country. He is a man of word who does what he believes, and that his integrity and trustworthy is unquestionably at the best, henceforth his likes is very difficult to come by in Somaliland. However, there is growing consensus that Muse Bihi Abdi the President elect will be setting up a small government its personalities are untainted , and who are highly competent as he has always held the idea of having a small government with competent members whose track record is at the best. If, however, President elect backtracked from nominating a small dispensation with its competent members whose integrity is questionable then the people of Somaliland would be completely disappointed and lose faith in him. But given his track record President elect will keep his word and deliver his promises while on the campaign trail, and era of Somaliland politics of belly will be a thing of the past. Mukhtar Mohamed Abby Hargeisa, Somaliland
-
Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Dawladda Federaalka yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirweynaha Culumada, ansixinta Istraatejiyada Amniga iyo arrimo kale. Ugu horreyn, Wasiiru Dawlaha Amniga Mudane Xasan Macalin ayaa ka warbixiyey xaaladda amniga dalka, isagoo sheegay in howlgallada xasilinta ay si xowli ah u socdaan oo degmada Afgooye lagu soo qabtay labo ka tirsan Al-shabaab oo shacab dil u geystay. Sidoo kale degmada Diinsoor waxaa isu soo dhiibey gaari Cabdi Bile ah iyo maleeshiyadii la socotay, iyagoo ka faa’iideysanya cafiskii Madaxweyne Farmaajo. Wasiir ku xigeenka Amniga Abdinasir ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey Istraatejiyada Amniga Gudaha ee 2017 – 2022 tanoo ka tarjumeysa siyaasada amniga, saldhigna looga dhigay Qorshaha Horumarinta Qaranka. Ujeedada Istraatejiyada ayaa ah in muwaadin walba loo abuuro jawi amni ah oo la isku haleyn karo. Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadija Maxamed Diiriye ayaa golaha warbixin buuxa ka siisey qorshaha hirgelinta tartanka cayaaraha kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo G/Benaadir oo maanta lagu daahfurayo Muqdisho. Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in hirgelinta tartankan uu ku yimid wadatashi muddo socday oo gobollada qaarkood ay booqdeen. Hirgelinta tartankan ayaa waxey dhiirigelineysaa is-dhexgalka bulshada iyo nabadda. Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Weheliye ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta Heshiiskii taariikhiga ahaa ee 6dii December 2017 ay GalMudug iyo Ahlu Sunna ku heshiiyeeen inay dhistaan maamul loo dhanyahay. Wasiirada ayaa sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo markii la doortay Sheikh Shaakir ku casuumay Caleemasaarkii oo tan iyo markaasina ay Dawlada Federaalka ay ku howlaneed sidii heshiiskan taariikhiga ah loo gaari lahaa. Heshiiskan ayaa dhigaya in Madaxda GalMudug ay sidooda ahaanayaan, hase yeeshee lagu soo kordhinayo jagada Madaxa Xukuumada oo Sheikh Shaakir uu noqonayo, waxuuna shir-guddoomin doonaa golaha wasiirada GalMudug. Heshiiska ayaa lagu sii dhameystiri doonaa Dhuusamareeb usbuucyada soo socda. Golaha ayaa waxaa looga warbixiyey shirarkii 3da, 4ta iyo 5ta December 2017 ka dhacay Muqdisho oo kala ahaa Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo ay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada qeyb ka ahaayeen, Shirkii Amniga ee 4ta December iyo kii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee 5tii December. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirarkaas ay muhiim u ahaayeen geedi socodka Soomaaliya caddaalad iyo sharci ku dhisan, iyadoo lagu soo bandhigay waxqabadkii Dawladda ee dhanka siyaasada, dib-u-eegista dastuurka, dib-u-heshiisiinta, federaaleynta, doorashooyinka, maamulka iyo maareynta maaliyada iyo sugida amniga. Golaha ayaa ammaanay doorka dadkii soo qabanqaabiyey ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sida Hay’ada isku-xirka Deeqaha (ACU). Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa ka warbixiyey maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Seychelles oo uu xabsiga ku booqday, isla markaasna Dawladda Seychelles la soo saxiixday heshiis maxaabiista loogu soo celinayo dalkooda. Sidoo kale Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirkii Afrika iyo Yurub oo ka dhacay Abidjan ee diiradda lagu saarayey xoojinta xiriirka Afrika iyo Yurub isla markaasna lagu lafa-gurey shaqo abuurka dhalinyarada Afrika. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulan la soo qaatay Wasiirka Romania oo aad u daneynaya Soomaaliya iyo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la soo saxiixday dalka Lithuania. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Diinta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmi doona 16ka December 2017, kaasoo looga dan leeyahay in la xoojiyo doorka culumada Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah bulshada iyo in Culumada ay hormuud ka noqdaan soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah. Source
-
Shamis Abokor, nick named “Guduudo Carwo” was born in 1935 and was the first to sing live at Hargeisa Radio in 1953. She sang her first “Heello” song in August of that year, becoming the first female recording vocalist in Somaliland. According to Johnson (1996), ‘Arwo encountered criticism for this. At the height of her popularity, Guduuda ‘Arwo performed love songs to audiences of thousands of fans in the 60s, 70s, and 80s. 70 years ago, Gurroon Jire, one of the first Somali singers in Somaliland sang for her “Guduudo Carwooy, gugii la arkaba, allow yaa gashaanti kaa dhiga” which roughly translates to “Ohh Guduudo Arwo, may you be younger every year”, although both sang for each other and people always talk about how the two love each other but nothing was going on between them. When people realized this, it has been circulated a widely known phrase in Somali which says “Gurroon Jire iyo Guduudo Carwo maxay isu guursan waayeen?”which means “Why Gurroon Jire and Guduudo Carwo are not getting married?”. Guduudo Arwo maintained her status as one of the best singers and remained to be icon in the Somali art. She died in Hargeisa today leaving behind a huge legacy in the Somali art and literature. Here is one of her first and famous classic songs with Gurroon Jire at Radio Hargeisa
-
Tadesse Kersmo spent months at a terrorist training camp and possessed files useful for terrorism AN ETHIOPIAN asylum seeker flew to east Africa where he spent months at a terrorist training camp, a court heard yesterday. University lecturer Tadesse Kersmo, 51, was also caught with documents giving details about knife fighting techniques and US Navy Seal sniper training, it was claimed. He downloaded information on hitting moving targets, shooting at night and a manual described as “a modern day Terrorism for Dummies.” Kersmo lived in Ethiopia until 2009 when, as a critic of its government, he fled to the UK, Snaresbrook Crown Court in east London heard. He was a lecturer in business and economics at Greenwich University, south-east London, where he seemed to be a “peaceable academic” interested in Ethiopian politics. Mr Kersmo was a lecturer in business and economics at Greenwich University There was more than one side to this lecturer in economics Barnaby Jameson But Barnaby Jameson, prosecuting, said: “There was more than one side to this lecturer in economics.” Kersmo, of Finsbury Park, north London, made three trips to a training camp in Eritrea in 2015 and 2016, the court heard. He denies seven counts of possession of documents useful for terrorism and one count of attending a place used for terrorist training. The trial continues. Express
-
Sharm El Sheikh (Caasimadda Online) – Warbaahinada qaar ee Soomaalida ayaa faafiyey warar been abuur ah oo sheegayey inuusan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax khudbad ah ka jeedin doonin Shirka businessforafricaforum ee ka dhici doono Magaaladda Sharm El Sheikh ee dalka Masar. Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay Liiska Madaxda khudbadaha ka jeedin doono berri shirka Ganacsiga Africa ee ka furmayo dalka Masar. Madaxweynahayaasha khudbadaha ka jeedin doono ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo inuu halkaas ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneyso. Haddaba Halkaan hoose ka akhriso Liiska oo dhameystiran: Sidoo kale waxaa khudbado ka jeedin doono madax aad u badan oo aan inta lagu soo koobi karin. Hadaad u baahan tahay inaad arrintaan xaqiiqdeeda hesho fadlan Linkiga hoose ku dhufo kadibna waxaad tagi doontaa Website official-ka ah ee shirka Ganacsiga. 2017 Speakers The post Maxaa ka jiro inuusan Madaxweyne Farmaajo Berri khudbad ku laheyn shirka Ganacsiga Afrika? appeared first on Caasimada Online.
-
Rarely a week goes by without more depressing news concerning the Middle East. This week has witnessed two especially dramatic events, the first the killing by Houthi rebels of the Former Yemeni President Ali Abdullah Saleh as he sought to flee Sana’a, and secondly President Trump’s announcement that the United States of America had decided to recognise Jerusalem as the capital of the State of Israel. Both events were greeted with alarm and outrage in many quarters. Clearly each event will have consequences, some of which will be far reaching. Those who are concerned with the causes of conflict will pour endlessly over the details and seek to draw conclusions much in the same way that those who engaged in haruspicy did in ancient times. For most there is little sign of hope in the region at present. Opinions are so polarised that rational discussion is rare, and signs of promise such that Classical scholars might recall the words – cum mula peperit – when a mule gives birth – a rare event indeed. Yet in all the apparent gloom there is a surprising light, albeit a small one, in the form of the Sultanate of Al Mahra and Socotra, a place that for many is a terra incognita. Though relatively poor and underdeveloped in economic terms , the local traditions and family ties have ensured a collective spirit of well-being and self-dependence that has helped the Sultanate survive against the odds. The Mahri people know something of what it is to be put upon, and yet have held fast to their identity. They are a proud and noble people, who whilst stoical in some respects, seek to protect all that they hold dear. Their indomitable spirit has helped them to survive whilst much of Yemen has imploded. Theirs is a small yet significant voice, one that deserves to be heard in a region where others only speak the language of revenge and destruction. In the quest for peace Sultan Abdullah Issa Al Afrar has been in London this last week working assiduously to articulate the concerns of the Sultanate and his people. Amongst others he met with representatives of the Foreign & Commonwealth Office, DFID, Royal United Services Institute, the Arab League, the Council for Arab-British Understanding and the House of Commons. For some this was the first time to hear about the Sultanate, its aspirations, hopes and fears. Others too need to hear this story, and ensure that lessons are learned, and every effort made to help the Sultanate maintain its remarkable, if fragile peace. Whilst terrorism and the much of the horrors of war have been kept at bay, life for local residents has become increasingly difficult, a matter made worse by the fact that the usual channels of possible international assistance have been closed due to the conflict in Yemen. The Sultanate has taken in many refugees, and is itself now in desperate need of aid. Gulf Cooperation Council countries need to be particularly sensitive of this delicate situation. It is imperative that the Emiratis and the Saudis do not seek to interfere with the veritable cordon sanitaire that is the Sultanate of Al Mahra and Socotra. Currently the Sultanate is a remarkable haven of peace, and should external forces seek a presence in this region they will almost certainly bring trouble in their wake. Thus far the Sultanate of Al Mahra and Socotra has proved an important buffer that has helped firewall Oman from the incendiary events taking place in much of Yemen. It is rightly anxious to preserve its integrity, cultural identity and its status as a haven for all those locally who seek peaceful coexistence. At least here in some respects is some positive news in an otherwise gloomy week. Mark T. Jones Consultant Futurist Twitter: @marktjones500
-
Madaxweyne Farmaajo oo u kictamay magaalada Sharm El Sheikh
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa u kictamay dalka Masar oo ay kaga qeybgali doonaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo magaaladda Sharm El Sheikh. Madaxweynaha ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaayey mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, waxaa shirkan uu socon doonaa muddo saddex casho ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Khudbad ka jeedin doona shirka waxa uuna diirada ku saari doonaa Ganacsiga Somalia. Shirkaan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa horumarka ganacsiga qaaradda Afrika, waxaana la filayaa in fursad weyn ay u noqoto Somalia oo qani ku ah kheyraadka. Mudada uu Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay Sharm El Sheikh, ayaa lagu wadaa in kulamo gaar gaar ahi uu kula yeesho Madaxda Afrika. Geesta kale, Safarkaan ayaa noqonaaya kii labaad oo Madaxweynaha JFS uu ku taggo dalkaasi. Bishii August ayayna ahayd markii ugu horeysay oo uu taggo Magaalada Qaahira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo u kictamay magaalada Sharm El Sheikh appeared first on Caasimada Online. -
Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada, ansixinta Istraatejiyada Amniga iyo arrimo kale. Ugu horreyn, Wasiiru Dowlaha Amniga Mudane Xasan Macalin ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka, isagoo sheegay in howlgalada xasilinta ay si xowli ah u socdaan oo degmada Afgooye lagu soo qabtay labo maleeshiyada Al-Shabaab ka tirsan oo shacab dil u geystay. Sidoo kale degmada Diinsoor waxaa isu soo dhiibey gaari Cabdi Bile ah iyo maleeshiyadii la socotay iyagoo ka faa’iideysanya cafiskii Madaxweyne Farmaajo. Wasiir ku xigeenka Amniga Abdinasir ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey Istraatejiyada Amniga Gudaha ee 2017 – 2022 tanoo ka tarjumeysa siyaasada amniga, saldhigna looga dhigay Qorshaha Horumarinta Qaranka. Ujeedada Istraatejiyada ayaa ah in muwaadin walba loo abuuro jawi amni ah oo la isku haleyn karo. Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadija Maxamed Diiriye ayaa golaha warbixin buuxa ka siisyey qorshaha hirgelinta tartanka cayaaraha kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo G/Benaadir oo maanta lagu daahfurayo Muqdisho. Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in hirgelinta tartankan uu ku yimid wadatashi muddo socday oo gobollada qaarkood ay booqdeen. Hirgelinta tartankan ayaa waxey dhiirigelineysaa is-dhexgalka bulshada. Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo Wasiiru Dowlaha Weheliye ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta Heshiiskii taariikhiga ahaa ee 6dii December 2017 ay GalMudug iyo Ahlu Sunna ku heshiiyeeen inay dhistaan maamul loo dhanyahay. Wasiirada ayaa sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo markii la doortay Sheikh Shaakir ku casuumay Caleemasaarkii oo tan iyo markaas Dowlada Federaalka ay ku howlaneed sidii heshiiskan taariikhiga ah loo gaari lahaa. Heshiiskan ayaa dhigaya in Madaxda GalMudug ay sidooda ahaanayaan, hase yeeshee lagu soo kordhinayo jagada Madaxa Xukuumada oo Sheikh Shaakir uu noqonayo, waxuuna shir-guddoomin doonaa golaha wasiirada GalMudug. Heshiiska ayaa lagu sii dhameystiri doonaa Dhuusamareeb usbuucyada soo socda. Golaha ayaa waxaa looga warbixiyey shirarkii 3da, 4ta iyo 5ta December 2017 ka dhacay Muqdisho oo kala ahaa Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo ay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada qeyb ka ahaayeen, Shirkii Amniga ee 4ta December iyo kii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee 5tii December. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirarkaas ay muhiim u ahaayeen geedi socodka Soomaaliyada cusub iyadoo lagu soo bandhigay waxqabadkii Dowladda ee dhanka siyaasada, dib u eegista dastuurka, dib-u-heshiisiinta, federaaleynta, doorashooyinka, maamulka iyo maareynta maaliyada iyo sugida amniga. Golaha ayaa ammaanay doorka dadkii soo qabanqaabiyey ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sida Hay’ada isku-xirka Deeqaha (ACU). Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa ka warbixiyey maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Seychelles oo uu xabsiga ku booqday, isla markaasna Dowladda Seychelles la soo saxiixday heshiis maxaabiista loogu soo celinayo dalka. Sidoo kale Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirkii Afrika iyo Yurub oo ka dhacan Abidjan oo diirada lagu saarayey xoojinta xiriirka Afrika iyo Yurub isla markaasna diirada lagu saaray shaqo abuurka dhalinyarada Afrika. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulan la soo qaatay Wasiirka Romania oo aad u daneynaya Soomaaliya iyo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la soo saxiixday dalka Lithuania. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Diinta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmi doona 16ka December 2017, kaasoo looga dan leeyahay in la xoojiyo doorka culumada Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah bulshada iyo in Culumada ay hormuud ka noqdaan soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah. Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii Hooyada Fanka Soomaaliyeed Shamis Abokar Guduudo-Carwo oo arroortii maanta ku geeriyootay Hargeisa. Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Guduudo-Carwo ay door muhiim ah ka soo qaadatay Fanka & Suugaanta Soomaaliya, sheegeyna in shaqsi sumcad weyn ku dhex leh bulshada uu ka baxday bahda fanka iyo suugaanta. Golaha ayaa EEBBE uga baryey inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskii iyo ehelkii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Amniga iyo arrimo kale appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland’s newly elected president Muse Bihi Abdi accompanied by the vice President Abdurahman Abdullahi Ismail (Zayli) and somaliland’s foreign minister Dr. Sa’ad Ali Shire met with three different delegations from United nations led by Mr. Jeffrey Sims head of political office in somaliland and somalia, European union led by EU representative to somaliland Mr. Alberto Fiat and Turkey government led by Turkey representative to somaliland Mr. Ali Noyan Coskun The elected president had a meeting with the three delegations separately During the meeting the delegations congratulate the newly elected president Muse Bihi Abdi and point that elections held November 13 2017 were free and fair and will open somaliland a new gateway to the world and will positively add value to Somaliland’s future targets. MOFA
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Karkaar ee maamulka Puntlnd ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Degmada Xaafuun oo ka tirsan isla Gobolka uu toogasho ku dilay Gudoomiye ku-xigeenkii Degmadaas. Gudoomiye ku-xigeenkii degmada Xaafuun Maxamed Muuse Bahaleey, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu ku furay Taliyaha Saldhiga Booliiska degmadaasi. Taliyaha dilka geystay iyo Gudoomiye ku-xigeenka la dilay ayaa waxaa ka dhexeeyay muran soo jiitamaayay muddo dheer, waxa uuna ugu danbeyntii Taliyaha dhowr xabadood ku dhuftay Gudoomiye ku-xigeenka. Gudoomiye ku-xigeenka la dilay Maxamed Muuse Bahaleey, ayaa u dhintay dhaawac uu la jiifay Isbitaalka Boosaaso, kadib markii uu darsaday. Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa saxaafada u xaqiijiyay geerida Gudoomiye ku-xigeenka la dilay, waxa uuna tilmaamay in dilkiisa uu yimid kadib markii uu soo kala dhex galay muran. Guddoomiyaha waxa uu intaa ku daray inay wadaan baaritaano lagu xaqiijinaayo qaabka uu u dhacay dilka, isagoo sheegay in wixii faahfaahin ah uu la wadaagi doono saxaafada. Dilka Gudoomiye ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaaya xili muddo dhowr jeer ah muranka labada mas’uul loo gudbiyay maamulka Sare ee Puntland, hase ahaatee uusan wax u qaadan muranka sababay geerida Gudoomiye ku-xigeenka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Taliye Saldhig oo toogasho ku dilay Gudoomiye ku-xigeen xili uu muran adag dhexmaray (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
An air strike hit a village south of Somalia’s capital Mogadishu on Wednesday and a local official said the attack targeted Islamist al Shabaab militants fighting to topple the country’s central government. It was not immediately clear who had carried out the air strike but the United States frequently conducts such attacks to bolster Somalia’s army in its fight against al Shabaab. A local government official told Reuters the strike occurred in Ilimey village, about 130 km (80 miles) southwest of Mogadishu. The area is mostly controlled by al Shabaab. “The strike hit a makeshift tea shop and thus killed 7 civilians and injured three others” The target, he said, was a car used by the militants to transport supplies to a squad preparing bombs. “The strike hit the car … but we do not know details of casualties,” Ali Nur, deputy governor of Somalia’s lower Shabelle region told Reuters. But Mohamed Abu Usama, al Shabaab’s governor for the same region, denied that al Shabaab personnel had been attacked and instead said the strike had killed civilians. “The strike hit a makeshift tea shop and thus killed 7 civilians and injured three others,” he said. Somalia has been trapped in chaos and lawlessness since 1991 when dictator Siad Barre was toppled. Al Shabaab wants to topple the Western-backed central government and establish its own rule based on its strict interpretation of Islam’s sharia law. An African Union peace keeping force AMISOM pushed the group from Mogadishu and other former strongholds. But the Islamists remain a formidable force, carrying out frequent bombings and other assaults on AMISOM, Somali army and civilian targets. In October over 500 people died in one of Somalia’s deadliest bombings when a truck bomb exploded outside a busy hotel at Mogadishu’s K5 intersection lined with government offices, restaurants and kiosks. A second blast struck Medina district two hours later. Source: – Africa News The post Air strike targets Al Shaabab militants near Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
-
Veteran Somali musician, Shamis Abokar Ismail on Thursday died in Hargeisa of the breakaway Somaliland. Ismail, aka “Gudodo Arwo” who was living in Hargeisa recent years, was among the few surviving musicians who joint the platform before Somalia’s independence. She was the first modern Somali musician heard on Radio Hargeisa in 1950s. The post BREAKING: Veteran singer dies in Hargeisa, northern Somali appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa DFS ku wareejisay dawo la sheegay in loogu tallo galay in gargaar caafimaad loogu fidiyo ciidamada dowlada iyo dadka shacabka ah ee u tabaaleysan helida gargaar caafimaad. Deeqdan dawo ayaa waxaa dowlada Somalia ku wareejiyay Saraakiil ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Sacuudiga, waxaana la sheegay in deeqdaasi ay daba socto dalab ay dhawaan dowlada Federaalka weydiisatay Sacuudiga. Diyaarada siday dawada ayaa waxaa saarnaa qaar kamid ah dhaawacyadii dhawaan loo qaaday dalka Sacuudiga ee ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Dhaawacyada la socday diyaarada siday deeqda Dawo ayaa waxaa sidoo kale saarnaa dhaawacyo ku waxyeeloobmay Qaraxyo dhowr bil ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho. Dowlada Somalia ayaa uga mahadcelisay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya. The post Sawirro: Sacuudiga oo Muqdisho kasoo dajiyay diyaarad sida dhaawacyo & Dawo farabadan appeared first on Caasimada Online.