-
Content Count
214,877 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) _ La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca amniga ayaa kulan gaara la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Cisman Al Hammadi. Kulanka oo ay shaacisay Wakaalada Wararka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in Safiirka Imaaraadka uu la-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdi Saciid Ali ugu hambalyeeyay xilka dhowaan loo nagacaabay. Wakaalada ayaa so xigatay kulanka looga hadlay xiriirka labada dhinac siiba dhinaca ammaanka, wuxuuna la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo xarunta tababarka ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa imaanaya iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay xoojineyso xiirirka ay la leedahay Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Warbaahinta Imaaraadka oo faafisay kulan dhex maray La-taliyaha Madaxweynaha Somalia & Safiirka UAE appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntand, ayaa saakay waxaa ka dhacay Labo qarax oo ka dhacay xaafadda Al-Raxma ee Ku Taala Wadada Dheer ee Tagtay Madaxtooyada Boosaso. Lama Oga illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay Qaraxyadaan is xig-xigay, Waxaana kan labaad lala beegsaday Ciidamada Booliska oo halkaasi ujoogsaday howlgal amni. Dhinaca kale, faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa maleeshiyo hubeysan oo xalay weeraray saldhiga bartamaha ee magaalada Bosasaso, iyadoo weerarkaasi uu ka dhashay khasaare ciidanka amniga soo gaaray. Weerarka ayaa ahaa mid la isku adeegsaday qaraxyo iyo rasaas, waxaa jira dad dhaawac ka soo gaaray weerarka oo la geeyey isbitaalka magaalada Bosaso. Seddex askeri oo uu ka mid yahay Taliye ku xigeenkii saldhiga bartamaha Axmad Maxamad Cali (Sanweyne) ayey wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen weerarka. Masuuliyadda Weerarkii Xalay Waxaa Sheegtay kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aanu lawada socno waxaa muddo hal maalin ah ka harsan xiligii la doortay isla markaana la dhaariyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa sanad jirsan doona maalinta beri ah oo ku beegan 8-February, waxa ayna dowladu u dabaal-dageysaa munaasabada sanad guurada 1-aad. Madaxweyne Farmaajo oo maalinta beri ah dhameysan doona sanadka 1aad ayaa inta uu xilka hayo baxay 22 safar oo dalka dibadiisa ah, iyadoo safarada ugu badan uu ku kala bixiyay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, sida u diiwaan gishan Caasimada Online Caasimada Online, waxa ay sidoo kale diiwaan galisay Safaro kale uu Madaxweynuhu ku bixiyay Gobolada dalka, inkastoo aanu ku darin xisaabta Safarada u qoran Madaxweynaha. HOOS KA AKHRISO SAFARADA UU BAXAY MADAXWEYNAHA TAN IYO MARKII LA DOORTAY. 1- Safarkii koowaad:- February 23, 2017, waxa uu Madaxweynuhu u safray dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Riyadh. 2- Safarkii labaad:- March 22, 2017, waxa uu Madaxweyne Farmaajo aaday Dalka Kenya oo uu uga qeybgalaayay Shirka IGAD. 3-Safarkii Seddexaad:- March 28 , 2017 waxa uu Madaxweynuha u safray dalka Urdun ee Cammaan, halkaa oo uu uga qeybgalaayay shir. 4-Safarkii Afaraad:- Apr 9, 2017 waxa uu Madaxweynaha u Safray wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta. GOBOL:- April 23, 2017, Madaxweynaha dalka ayaa u safray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay. 5-Safarkii Shanaad:- April 25, 2017, waxa uu Madaxweynaha u safray dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbuul. 6-Safarkii Lixaad: May 3, 2017, waxa uu Madaxweynaha u safray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. GOBOL:- May 8, 2017, Madaxweynaha Somalia ayaa Safar shaqo ku gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. 7-Safarkii Todobaad: May 09,2017 waxa uu Madaxweynaha u safray Magaalada London oo lagu qabanaayay shirka Soomaalida. 8-Safarkii Sideedad: May 21, 2017 waxa uu Madaxweynaha u safray Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga halkaa oo uu uga qeybgalaayay shir. 9-Safarkii Sagaalaat: May 23, 2017, Madaxweynaha ayaa Safar shaqo ku gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. 10-Safarkii Tobanaad: May 24, 2017 Madaxweynaha ayaa Safar shaqo ku gaaray dalka Qadar oo uu ka helay Casuumaad. GOBOL:- May 29, 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Xarunta maamulka Galmudug. GOBOL:- June 06 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa safar ku aaday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. 11-Safarkii Koow iyo Tobanaad: Jun 21, 2017, waxa uu Madaxweynaha u safray Magaalada magaalada Kampala ee dalka Ugandha. 12-Safarkii Laba iyo Tobanaad: August 20, 2017, waxa uu Madaxweynaha u safray Magaalada Qaahira ee dalka Masar. 13-Safarkii Seddex iyo Tobanaad: September 26, 2017 Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudia. 14-Safarkii Afar iyo Tobanaad: October 22, 2017, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Ugandha. 15-Safarkii Shan iyo Tobanaad: October 23, 2017 Madaxweynaha dalka ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. 16-Safarkii Lix iyo Tobanaad: October 24, 2017 Madaxweynaha dalka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. 17-Safarkii Todobo iyo Tobanaad: November, 19, 2017 Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dubai ee xarunta dalka isutaga Imaaraadka Carabta. 18-Safarkii Sideed iyo Tobanaad: November 27, 2017 Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata. 19-Safarkii Sagaal iyo Tobanaad: November 29 2017, Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa u safray wadanka Ivory coast oo uu uga qeybgalay shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub. 20- Safarkii labaatanaad: December 7, 2017, Madaxweynaha JFS Maxamad C/llahi Farmaajo ayaa Safar ugu baxay dalka Masar oo uu kaga qeybgalaayay shirka Ganacsiga Afrika oo ka dhacaayay magaaladda Sharma Sheekh. 21- Safarkii labaatan iyo koowaad: December 11, 2017, Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Safar ugu ambabaxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga si uu uga qeybgalo shir looga soo horjeeday Go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Trump caasimada Israel uga dhigay magaalada Qudus. GOBOL:- January 7, 2018, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa socdaal ku gaaray magaalada Garoowe, waxa uuna booqashooyin kusii maray deegaano ay kamid tahay Qardho, Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb. 22- Safarkii labaatan iyo labaad: January, 27,2018, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa oo uu uga qeybgalaayay Shirka Madaxda Midowga Africa. Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo uu hakiyay Safaro dhowr ah oo uu ku aadi lahaa dalal ay kamid yihiin Talyaaniga iyo Ethiopia, waxa ayna kor u qaadi lahaayen cadadka Safarada uu baxay waa haddii uu bixi lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post AKHRISO: Tirada Safarada dibada ee uu baxay Farmaajo tan iyo markii xilka loo doortay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan xogta ku heleyno dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa loogu deeqay Hubka aadka u culus ee goobaha fogfog ka gumaada cadowga. Hubkaani oo lagu jiido gaadiidka dagaalka lagana isticmaalo jiidaha dagaalka ayaa waxaa la kala geeyay dhufeysyada ay ciidamada dowlada ku leeyihiin xuduudaha magaalada Muqdisho. Hubkaan oo qeybtiisa ugu horeysay la baroobeeyay Habbeenimadii xalay ayaa waxaa la dhigay xero ay ciidamada ku leeyihiin Deegaanka Ceelmacaan ee Duleedka Bari Magaalada Mogadishu. Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa sida Gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa Hubkaasi la sheegay inay baroobeeyen, iyadoo inta badan magaalada Muqdisho ay aheyd mid laga wada maqlaayay gugaca Hubkaasi. Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in Hubkaasi ay Dabrid ahaan u isticmaalayeen ciidamada, waxaana xusid mudan in inta badan dadka ku nool magaalada Muqdisho ay cabsi ka qaaden gugaca Hubka. Shacab farabadan oo ku nool degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir oo aan ka warheyn dabridka ay sameynayeen ciidamada Gaashaan ayaa sheegayay in uu dagaal socdo wallow markii dambe ay ogaadeen wixii halkasi ka jiray. Ciidamada Gaashaan oo ka mid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale Sanadkiiba mar waxa ay sameeyaan Dabrid. Dhinaca kale, qoryahaan oo lagu jiidaayo gaadiidka waaweyn ee dagaalka ayaa lagu arkayay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo kusii jeeday dhufeysyada duleedka magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DFS oo loogu deeqay Hubka meelaha fog wax ka gumaada & Duleedka Muqdisho oo lagu tijaabiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hambayo u dirtay Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar oo loo doortay Gudoomiyaha Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland. Qoraal ka soo Baxay Madaxtooyada oo la soo Dhigay Twitter-ka ayaa loogu hambalyeey Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar. Qoraalka ayaa lagu yiri ” Hambalyo abdiqawi Axmed Yusuf oo loo doortay Madaxweynaha ICJ Qareen Cabdiqawi waa Xirfadle kaasi oo ku dhashay Magaalada Eyl Kana mid ahaa maxkmada ilaa Feb 2009-kii Soo Noqday Madaxweyne ku Xigeenka ICJ 6 Feb 2015-ka ilaa 6- Feb 2018-ka loona doortay Madaxweynaha ICJ. Cabdiqawi Axmed Yuusuf Cumar ayaa noqonayo Muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee madaxweyne ka noqdo Maxkmada Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka (ICJ) sidoo kalena waxa uu noqonaya ninkii labaad oo Afrikaan ah oo Gudoomiye ka noqna Maxkamada Hague oo la asaasay sanadkii 1946. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post MD Farmaajo oo u Hambalyeey Cabdiqawi oo Loo Doortay Gudoomiyaha Hague appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa Galinka Dambe ee maanta lagu wadaa in Muqdisho lagu soo gaba gabeeyo shirkii Amniga qaranka oo ay madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxda dowlada ku leeyihiin Muqdisho. Shirkaan oo ah kii 6-aad oo ay madaxda isugu yimaadaan ayaa waxaa ka soo qeeybgalay Madaxda maamuk Goboleedyada iyo Madaxda dowlada iyo Beesha Caalamka. Shirkaan oo furmay shalay oo Talaado aheyd ayaa waxaa looga hadlay qorshooyinka amniga dalka Soomaaliya . Intuu socday shirka Madaxda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyadda ayaa ka hadlay xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed. ugu dambeeyntii Shirkaan ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro War-mutiyeed ay madaxda kaga hadlayaan waxyaabaha shirkaasi ka soo baxay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Shirkii Madasha Amniga oo la soo Gaba Gabeeynayo appeared first on Puntland Post.
-
British officials reacted angrily Monday to President Donald Trump's stark criticism of the U.K. health care system, which he said was breaking down. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa xalay howlgalo ka sameeyay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheeysnaa ayeey ciidamadu ka fuliyeen Waaxda Taleex ee degmadaasi Hodan ee Muqdisho. Ciidamada ayaa guri guri u galayay iyaga oo baaritaanana ku sameeynayay. Howlgalkaan ayaa waxaa Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Mohamed Tuulah iyo Giddoomiyaha Degmadda Hoddan Mohamed Ahmed Cantoobo. Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi isaga oo yiri “Waxaan u Mahadcelinayaa Ciidanka Amniga NISA ee Caawa Howlgalkani sameeyay, waxaan aad ugu riyaaqay runtii sida anshaxa iyo qadarinta badan oo aad ula dhaqanteyn bulshada, waxaana ay nagalisay rajo aad u weyn, howlgalkani waxaa uu ahaa mid lagu ugaarsanayay Cadowga Umaddaan kaas oo markasta shacabka ku dhax-dhuunta, waxaana caawa halkan aan u joogaan Xiligan, waa in aan xaqiijino Ambiga Caasimadda, taas oo ah mid naga go’an hadaanahay Maamulka iyo Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir. ayuu yiri Gudoomiyuhu Dhanka kale Shacabka ayuu ugu baaqay in ay Ha’adaha amaanka iyo Maamulka Gobolka ay gacan ku gacan siiyaan sugida amaanka”Shabacka Caasimadda waxaa ka rabnaa laba arrimood, In ay nagu caawiyaan soo qabasha iyo ugaarsiga Cadowga oo ay noo far-muqaan, iyo in ay noo dulqaataan inta aan ku jirno howlgalada Cadowga lagu baacsanayo” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Banaadir. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Amaanka oo Howlgal ka sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Security officials in the Somali town of Afgoye say they are not aware of the presence of pro-Islamic State militants in the town, despite a series of social media posts by the group claiming responsibility for attacks in the area. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Golaha amniga Qaranka oo maalintii Shalay aheyd ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo xiro manta. Shirka oo inta badan looga hadlay qodobadii la qorsheeyay ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho. Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada ayaa waxaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku xusan qodobadii lagu heshiiyay mudada uu socdo shirka. Qodobada Shirka looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah Dastuurka, dhismaha Ciidamada, Doorashada Soomaaliya ee 2020, iyo qodobo kale, qodobadaan ayaa soo taagnaa mudadii ay dhisnaayeen Golaha amniga Qaranka oo markii hore loogu yeeri jiray Madasha Qaranka xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka Gaashaanshigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shirkan faah faahinayay ayaa sheegay in warbixino laga dhageystay shalay Madaxda Maamul Goboleedyada, Talisyada Ciidamada, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga. Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen Mas’uuliyadda amniga ee dalka, oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasna meel wanaagsan ay mareyso. Geesta kale, Madaxda ka qayb galeysa Shirkaan ayaa lagu wadaa in ay Caawa ka qayb galaan xaflad loogu dabaal dagayo sanad guuradii ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku beegan maalinta biri ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shirka Golaha amniga Qaranka oo lasoo gaba-gabeynayo & war-murtiyeed laga soo saarayo appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya waxaa dalkaasi laga tarxiilay Siyaasi mucaarad ah oo waayadan ku xirnaa Xabsi ku yaalla magaalada Nairobi. Siyaasigaan oo u dhashay isla dalka Kenya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Miguna Miguna, waxa ayna saxaafadu sheegtay in loo tarxiilay dalka Canada. Miguna Miguna, ayaa heysta dhalasho Canadian ah waxaana uu kamid ahaa Siyaasiyiinta miisaanka Siyaasadeed ku dhex leh mucaaradka Kenya. Miguna Miguna, oo ku jiray Xabsi ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal qiyaano Qaran ah, waxaana sidoo kale loo heystaa inuu qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii ololaha dhaarasho ugu jiray hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga. Dacwada oo ka furneyd Maxkamada ku taala magaalada Nairobi ayey Booliska u wareejiyeen maxkamad ku taala magaalada Kajiado oo 80 km u jirta Nairobi, balse garsoorihii maxkamadda ayaa diiday in uu dhagaysto dacwadda. Ugu danbeyntii, Mr Miguna Miguna ayaa shalay laga musaafuriyay dalka Kenya, waxaana xusid mudan in gabi ahaan laga mamnuucay inuu kasoo dago Garoomada Kenya. The post Sawirro: Kenya oo musaafurisay Siyaasi caana & Garoomada dalkaas oo laga mamnuucay appeared first on Caasimada Online.
-
Bosaso-[Puntland Post]-Qarax Miino oo Ah Nooca Dhulka Lagu Aaso Ayaa Ku Qarxay Meel Udhow Shirkad Bulukeetiga Jarta oo ku Taala Xafada Cariga Bosaso. Ciidanka Booliska Ayaa Gaaray Goobta Waxayna Baritaan ugu Jiraan Qaabka wax Dheceen iyo Cidii ka Damaysay Miinadaan Sidii Ay Usoo Qaban Lahayeen. Ciidanka Booliska ee Bosaso oo warbaahinta Puntland Post ay La xiriiratay Ayaa xaqijiyey In Aanay jirin Wax Khasaare Nafeed ah Lakiin Ay Jiraan Baabuur Wadada Maraysay oo Jajab Yari Soo Gaaray. Hawlgalo culus ayaa ka socda magaalada Ciidamada amaanka ayaa lagu arkayaa xafadaha Bosaso ku waas oo sugaya Amaanka . Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili xalay weerar lagu qaadaya saldhiga bartamaha ee Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari halkaas oo ay ku dhaawac meen askar ka tirsan ciidamada Puntland . Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkii xalaya saldhiga Bartamaha ee Bosaso Bishii la dhaafay ee Janaayo ayey ahayd markii lagu weeraray qarax xarunta Ciidanka ilaalada wadooyinka Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. The post Hawlgalo Culus oo ka socda Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari. appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s minister for post, telecom and technology after meeting with his counterpart in Djibouti said his Ministry is organizing in Mogadishu a conference for the telecom operators of Somalia, Djibouti Telecom/Government in late March to discuss collaboration in the Djibouti African Regional Express (DARE) project. Source: Hiiraan Online
-
Authorities in the self-declared republic of Somaliland have issued a religious fatwa banning the practice of female genital mutilation and vowed to punish violators. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan goobaha lagu shaaho ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka laga hadal hayaa caqabada Siyaasadeed ee lasoo daresay dowlada Somalia tan iyo markii 8 February la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee sana jirsatay ayaa caqabadaha ugu badan kala kulantay fal celin ka dhalatay talaabooyinka ay qaaday. Waxaa talaabooyinka ay qaaday mudada ay jirto ka dhashay caqabado aan lasoo koobi Karin, waxaana xusid mudan in caqabadahaasi ay hakat galiyeen shaqooyinka qaar ee dowlada. Dowlada qudheeda waxa ay qaaday talaabooyin cirka ku shareeray caqabadaha jiray kuwaa oo u muuqday inay ku degdegtay iyadoo aan caga dhigan. Caqabadaha qaar ayey dadku saadaalinayeen in Somalia ay dib ugu laaban karto halkii ay labaatan iyo dhowr sano ka hor taagneyd Somalia. Xasuusaha waaweyn ee shacabku dib u milicsankaraan ayaa waxaa kamid ah: 1-Go’aanka ay Dowlada Somalia ka gaartay xiisada ka dhextaagneyd dowladaha Khaliijka ee lagu caburinaayay Qadar. 2-Dhiibista Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi Dhagax oo ay dowladu u gacan galisay Ethiopia. 3-Khilaafyo hareereeyay dowlada iyo maamul Goboleedyada sida HirShabelle iyo Galmudug oo gaaray heerkii ugu adkaa. 4-Xeer ilaaliyaha Qaranka oo soo jeediyay in xasaanada laga qaado laba Xildhibaan oo kala ah Xasan Macalin iyo Saabir. 5-Weerarkii lagu qaaday Hooyga Siyaasiga mucaaradka ee qunyar socodka ah C/raxmaan C/shakuur. 6-Weerarkii lagu qaaday Hooyga gudoomiyaha Gudiga Dastuurka labada Aqal ee baarlamanka Somalia Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Madaxweynaha Somalia ayaa goortii la doortay sheegay in dowladiisa ay xooga saari doonto Siyaasada iyo Amniga gudaha, hase ahaatee waxaa muuqaneysa inay ku dhex jiraan shaqsiyaad danqinaaya boogaha Siyaasadeed ee bogsiinada u baahan. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ee sanadka jirsatay ayaa looga fadhiyaa in sanadaha u harsan ay marba marka xigta dib u saxdo khaladaadka ka dhaca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: 6 dhacdo oo lagu xasuusan doono sanadka 1-aad oo ay jirsatay dowlada Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexaysa Imaaraadka iyo Qatar ayaa ayaamahan danbe cirka isku shareertay ka dib markii labada dhinac ay isku maandhaafeen duullimaadyo diyaarado Milateri. Arrintan ayaa khatar gelinaysa danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanku ka leeyahay Khaliijka, waxana dhici karta in ay Iran fursaddan ka faa’idaysato. Abu Dhabi waxa ay sheegtay in diyaaradaha ciidanka Cirka ee Qatar ay joojiyeen labo diyaaradood oo rayid ah oo Imaaraadka laga leeyahay, Dooxana waxa ay ku andacoonaysa in diyaarad Milateriga Imaaraadku leeyahay ay ku xadgudubtey hawadeeda. Labada waddan mid kasta waa uu iska fogeeyey eedaymahan. Sare u kaca ku yimi xiisadda u dhexaysa labada waddan ayaa walaac ku beeray Washington, 7 bilood ka dib kolkii Imaaraadka, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar ay cunaqabateeyeen Qatar iyaga oo ku eedaynaya inay taageerto isla markaana maalgeliso argagaxisada. Dibloomaasi reer galbeed ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa yiri “ Marka aad aragto diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Qatar oo ka agdhaw diyaarad rayid ah, waxa ay keeni kartaa shil sababi kara dhimasho dad, sidoo kalena horseedi kara xaalad aan hore looga arag waddamada Khalijka dhexdooda.” Xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane James Mattis, waxa uu sheegay in xiriirka xumaaday ee xulafadiisa Khaliijku uu caqabad ku yahay dagaalka uu Maraykanku kula jiro Dawdaladda Islaamiga ah iyo “ka hortagga fididda saamaynta sunta ah ee Iran”. Waddanka Iran waa uu cambaareeyey cunaqabataynta lagu soo rogey Qatar, waxa uuna ku baaqay in xiisadda lagu xalliyo wadahadal. Khaliijku, istaraatijiyad ahaan waa u muhiim Maraykanka maaddaama oo uu saldhigyo Milateri ku leeyahay Baxrayn iyo Qatarba. Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee fariisinka ku leh Qatar ayaa yiri “Maraykanku waxa uu Qatar iyo Imaaraadkaba u arkaa saaxiibbo muhiim ah oo uu gobolka ku leeyahay,” waxa uuna ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo iyada oo xal macquul ah la raadinayo. Saldhigga uu Maraykanku ku leeyahay Qatar waxa uu door muhiim ah ciyaarayaa haddii [Maraykanku] uu dagaal la galo waddanka Iran oo uu ku eedeeyo inuu taageero argagixisada, halisna ku yahay xasiloonida iyo danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe. Iran, had iyo goor, waa ay iska fogaysaa eedaymahan. Xifaaltan Gobolleed Sacuudiga, oo ah waddan u badan Sunni, ayaa sidoo kale Iran u arka waddan halis ku ah deganaanshaha iyo xasiloonida gobolka waxa uuna Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ee Shiicada u badan, u tixgeliyaa dalka ugu muhiimsan ee kula loolamaya gobolka. Imaaraadkuna waxa uu u muuqdaa mid meel adag ka taagan ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo ay Qatar gacan siiso marka waddamada qaar la joogo. Sidaasi awgeed, waxa uu damacsan yahay in uu Qatar ku ciqaabo taageeradeeda Ikhwaanul Muslimiinka iyo inay siyaasaddeedu ka madaxbannaan tahay waddamada kale ee Khaliijka. Halista xiisadda Khaliijka Xiisadda Khaliijku waxa ay halis ganacsi iyo mid amniba ku keeni kartaa reer Galbeedka. Dibloomaasi kale oo reer Galbeed ah ayaa xusay in waddamada Khaliijka iyo Maraykanku ay sannado badan ahaayeen saaxibbo ganacsi iyo amni, kala qaybsanaantooduna—oo sababi karta dagaal toos ah—ay dan u tahay Iran, Maraykankuna aannu ka dheefayn wax aan khasaare ahayn. Masuul Carab ah oo dalbaday inaan magaciisa la xusin ayaa hoosta ka xarriiqay in Imaaraadku, maaddaama oo ay Qatar ku loolamayaan gobolka, uu doonayo in cadaadis badan la saaro Qatar si loogu muujiyo in heshiis aan beryahan la gaarayn, cunaqabatayntuna aanay ciyaar ciyaar ku dhammaanayn. “Sacuudiga iyo xulafadiisa kale cabsi weyn kama qabaan in xiisaddani ay saamayso dhaqaalahooda, Qatar ayaase ku dhibban” ayaa masuulku yiri. Aragtida Trump ee xiisadda Khaliijka Trump waxa uu u muuqdaa in uu wax ka beddeley aragtidiisii ku aaddanayd Qatar. Markii hore waa uu bogaadiyey cunaqabataynta, isaga oo Dooxa ku eedeeyey inay si weyn u maalgeliso argagaxisada. Laakiin bishii September ee sannadkii hore ayaa uu dhexdhexaadin u fideyey labada dhinac, isla bishanna waxa uu teleefan ku wacay Amiirka Qadar, Sheekh Tamiim bin Xaamid Al-taani, si uu ugu mahadceliyo kuna ammaano dedaalladiisa argagaxiso la dirirka ah. Isbeddelkan aragtiyeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu waddanka Qatar beryahan danbe martigelinayey falanqeeyayaal garabka midigta ka tirsan oo ka agdhaw Trump si ay u dheellitirto galaangalka iyo saamaynta Imaaraadka ee Washington. Ugu danbayntii, xiisadda iyo khilaafka ka dhextaagan waddamada khaliijka wax dan ah uguma jirto Maraykanka, inay sii dheeraatana waxa ay fursad dahabi ah siinaysaa waddanka Iran oo uu Maraykanku u arko cadawgiisa. Iran, si degdeg ah ayay u cambaaraysay cunaqabataynta Qatar lala beegsaday, waxayna u soo gurmatey Qatar iyada oo diyaarado cunto sida u soo dirtay caasimadda Qatar. Wakhtigan la joogana, xiriir aan xumayn ayay la leedahay dalka Qatar. Isha ugu muhiimsan ee xogta: Reuters World & Goobjoog News The post Yey maslaxad ugu jirtaa xiisadda ka dhex taagan dowladaha Imaaradka iyo Qatar? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Onlin) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sana jirsaday kadib markii la gaaray xiligii uu hantay Kursiga Qranka ee doorashadeedu dhacday 8 February oo ay ka harsan tahay hal maalin. Madaxweynaha dalka ayaa mudada ay jirto dowladiisa qabtay shaqooyin badan oo uu ballanqaaday ka hor inta aan la dooran, waxaana sidoo kale jira shaqooyin u harsan oo uusan weli qaban. Waxaa jira Siyaasado badan oo ay saxday dowlada Farmaajo ee halka sana jirsatay, halka ay jiraan kuwo dhowr ah, oo ay u fulisay qaabab khaldan, balse la filaayo inay gadaal ka saxaan. Dowladu waxa ay sanadka koowaad ku dhameysatay caqabado Siyaasadeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in caqabadahaasi ay ka dhasheen khalalaaso Siyaasadeed oo hareereeyay dowlada. Hoos ka daawo muqaalka Farmaajo iyo siyaasada gudaha: maamulada, mucaaradka & Khilaafka carabta The post Daawo: Sanad kadib waxyaabaha u qabsoomay Farmaajo iyo waxyaabaha ka khaldamay dowladiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Waa suuragal inaad ku jahwareertay cinwaanka faaladda balse ugulama jeedo caqabado xilka qaadis oo hada heysta Raisulwasaare Xasan Cali kheyre laakiin waa baalki siyaasadeed uu daah qaatay. Xukumadda uu Wasiirka koowaad ka yahay Xasan Cali Kheyre ayaa ambaqaadkeeda waxa uu soo bilowday sanadii 2017-ki. Marxalado kala duwan oo ay soo martay xukumadda waxaa jiray arimo xeelad u baahnaa oo xoog lagu xamaasadeeyay. Kheyre oo markiisi hore soo magacaabay xubno wasiiro uu ku kalsoonaa waxaa muddo kadib wasiiradii ay qaarkood noqdeen kuwa iscasila, kuwa xilka laga qaado iyo kuwa ay cabsi hareysay. Xeendaabka siyaasadeed ee uu ootay kheyre ayaa siyaasiin badan u noqday qaraar kuwana la shaqeyntiisa ayey macaansadeen. Dad badan ayaa u arka ra’isul wasaare kheyre shaqsi hadalo kulul islamarkaana aan jecleen in hirarka siyaasadeed ee uu huwan yahay la hor istaago. Mas’uuliyiin xilal heysay oo ay isqilaafeen ra’isul-wasaare kheyre ayaa aragtidooda ku waayay xilal ay hayeen. Wasiiro gudanayo shaqooyinka loo igmada ayaa xiliyada qaar caqabado dahsoon kala kulma xubno ka socda xafiiska ra’isul wasaaraha waa arintii ay shaqada isaga tagtay Drs Maryan qaasim oo hore u baahisay in ay ka shaqeyn weysay isbarbaryaac shaqo iyo Faragelin. Wargelin la’aan Wasiirki hore arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo wasiirki hore wasaarada arrimaha gudaha C/faarax saciid juxa ayaa xilka qaadistooda kaga war helay meel aan aheyn xafiiska ra’isul-wasaaraha. Maalmihi Yuusuf iyo Juxa xilalka ay wareejinayeen kama uusan soo qeybgelin ra’isulwasaaraha waxaana taasi ay iftiimineysa in wargelin badan aysan ka jirin xaga xafiiska ra’isul wasaaraha. Wasiirada xilalka laga qaaday waxa ay arintooda cabsi badan gelisay madax kala duwan oo xilalka ka haya dowladda gaar ahaan kuwa ay haleeli karto seefta ra’isul wasaaraha. Kuwii Mahadcelinta waayay. Waxaa ku jiray xubnihi uu ra’isul wasaare kheyre xilalka ka qaaday kuwo mahdin mudnaa balse aan loo abaalcelin. Maxaabiista laga soo celiyay wadanka hindiya waxaa marna xukumada kheyre bidhaaminin doorki uu Yuusuf Garaad ku lahaa iyadoona amaan oo dhan ay wasiirka koowaad noqotay. Xalintii khilaafki xadka soomaaliya iyo Kenya ka jiray waxaa doorkoi ugu weynaa qaatay Cabdi Faarax Saacid(juxa) balse wasiirka koowaad ee xukumada ma mahadcelin mas’uulki abaalka lahaa. Tabtii thaabit ku baxay Waxaa mudo ka hor soo shaac baxay khilaaf dahsoonaa oo u dhaxeeyay Ra’isul wasaare kheyre iyo gudoomiyihii xilka laga qaaday Thaabit Cabdi Maxamed. Kheyre iyo thaabit ayaa isku qabtay maqaamka ay yeelan karto muqdisho iyo in dhaqaalaha gobolka uu helo in laga maamulo xafiiska ra’isul wasaaraha arintaa oo uu thaabit ka soo horjeestay ayaa u gogol xaartay xilka in laga qaado thaabit waxana wadada la soo maray ay aheyd awoodi madaxweynaha. Shaqo ka ceyrin shaqaalo Ra’yid ah Qofba waxa uu leeyahay himilo taageero mana ahan arin xun inaad taageero gaar ah u muujiso hogaamiyaha aad hanashadiisa siyaasadeed la dhacsan tahay. Xafiiska Ra’isul wasaare kheyre waxaa maalmo isxig xigay shaqada laga ceyriyay shaqsiyaad aqoontooda ku yimid balse howsha loo igmaday ku waayay abaal aysan awoodooda gudi Karin oo ay fikirkooda ku muujiyeen. Waxaa maalin cad shaqadi ay hayeen waayay wiilal iyo gabdho ka shaqeynayay xafiiska ra’isulwasaare kheyre kaliyah waxa ay boosaskooda ku waayeen in ay ka xumaayeen Talada lagu ceyriyay Thaabit shaqsiyaadka shaqada wayay waxaa kamid ahaa Nafisa Cali Abiikar oo la dhalatay Ku-xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Abiikar iyo Wiil dhallinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed. Ra’isul wasaare kheyre ayaa dowladihii dalka soo maray duudsiiyay adeegyadii baahsanaa ee ay bulshada u qabteen waxaan halheys uu ra’isulwasaaraha qudbad waliba kaga dhigtaa 27-sano kadib xukuumada hada jirta. Taasi oo u muuqan karta in wixii dowladihii hore soo qabteen ay ahaayeen kuwa aan xulasho laheyn. Dad badan ayaa aaminsan in Ra’isul wasaare kheyre awooda baaxada leh ee uu ka heysto Madaxweyne Farmaajo ay ku dhalineyso in wax walba hada ay yihiin. Waxaan soo gunaanadaa Faalladeeda oo aan ujeed ahaan kalahaa waa markeyga miyeysan habooneen in fikirka iyo talada la wadaago si guusha dowladnimo halkeeda ugu sii socoto. W/Q: Nuur Ismail Sheikh Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Faallo: Ra’isul wasaare Kheyre waa markiisa! appeared first on Caasimada Online.
-
Hobyo waa degmo xeebeed qadiimi ah oo ka tirsan Mudug (Galgaduud), dhanka barina kaga beegan magaalada Gaalkacyo, magaalo, deegaan bulsho iyo dekad ahaanba waxaa saameyn ku yeeshay dagaalladii ka dhacay. Dadka ku nool magaalada noloshooda waxa ay ku tiirsantahay Kalluumaysiga, waxa ayna leedahay xeeb iyo dekad taariikh leh, taasi oo aan hadda qaban shaqadii looga fadhiyey burburka owgiisa. Dekadda Hobyo, February 2016-kii, waxaa dhagax-dhigay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed isaga oo ugu baaqay markaasi in ganacsatada Soomaaliyeed ay maal-gashadaan dekadani isaga oo yiri “Dekadda Hobyo waa ay furantahay,waxaa ayna u furantahay in ay shaqeyso, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed oo aan u soo jeedinayaa in doomahooda iyo shixnadahooda ganacsi ay dekadda Hobyo keeni karaan”. Labo sano kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale dhagax-dhigay dekadda kadib socdaal uu ku tagay gobollada dhexe, waxaana hadda socda dadaallo lagu horumarinayo. Dekadda Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, waxaana nooga waramaya Taariikhda dekadani Cabdi salaam Xaaji Axmed waxa uuna yiri “Dekaddan Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, Talyaani marka uu soo galay dalka Hobyo kaliya ayuu dekad ka dhisay, waxaas oo dhan waa ay burbureen xataa waddadeeda waa ay la burburtay”. Hadaba dhagax dhigga 2aad ee dhismaha dekadda Hobyo maxuu ka badali karaa dhaqaalaha gobollada dhexe waxaa ka jawaabaya Ismaaciil Maxamed Ismaaciil oo ka faalooda dhaqaalaha waxa uuna yiri : “Inay dekad yeeshaan saddexdaas gobol waagii hore dhibaato badan ayey u mari jireen in waxay u baahanyihiin looga keeno Boosaaso ama Muqdisho, dhaqaalo ahaan waxbadan ayey badaleysaa waxaana ka mida in dhaqaalo ahaan ay u baaqdaan qarashkii lagu soo rari jiray badeecadaha laga keeno boosaaso iyo muqdisho”. Isniintii, Dowladda federaalka ah ayaa wafdi wasiirro, xildhibaan iyo ajaanib isugu jira u dirtay dekadda Hobyo ee Galmudug si loo qiimeeyo. Wasiiru dowladaha howlaha guud ee federaalka Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in, ujeedka safarkana uu yahay dhismaha dekadda Hobyo, isaga oo intaasi raaciyay in ay la socdaan shirkado iyo Injineerro shiinees ah oo qiimeyn guud iyo cabir ku sameynaya dekadda Hobyo. Dhismaha dekadda Hobyo waxaa ay ahmiyad gaar ah u leedahay gobollada bartamaha Soomaaliya, waxaana ka faa’ideysan kara bulsho malaayiin ah, oo haddii uu hirgalo dhisamaha dekadda Hobyo waxa ay wax ka badali doontaa dhaqaalaha gobollada dhexe . Daawo: Muuqaal Uu Diyaariyay Cali Aadan Muumin The post Video: Muhiimadda dekadda Hobyo u leedahay bulshada iyo deegaanka appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa caawa weerar khasaaro kala duwan geystay ku qaaday Saldhiga Booliska ee Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Wararku waxa ay sheegayaan in weerarka uu ahaa mid la isku adeegsaday qaraxyo iyo rasaas xoogan, waxaa jira dad dhaawac ka soo gaaray weerarka oo la geeyey isbitaalka magaalada Bosaso. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha dhaawac ee ilaa iyo hadda la ogyahay uu soo gaaray Seddex askari oo uu ka mid yahay Taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha. Maleeshiyaadka soo weeraray saldhiga ayaa isku dayey in ay gudaha u galaan saldhiga , balse waxa ay iska caabin kala kulmeen askartii ku sugnayd saldhiga, sidaa waxaa warbaahinta gudaha u sheegay goob jooge ku sugnaa goobta uu weerarka ka dhacay. Saldhiga bartamaha Bosaso waxaa ku xiran dad ku eedeysan kiisas kale duwan sida ka mid ahaanshaha kooxaha Shabaab iyo Daacish. Masuuliyadda weerarkan, ayaa waxaa sheegtay maleeshiyada Al Shabaab, sida ay baahisayba Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha. Dhinaca kale, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Maamulka Gobolka Bari, ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Weerar Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
