-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Somaliland authorities should release two journalists, Ahmed Sa’ed and Abdirahman Mohamed Ege, the Committee to Protect Journalists said today. Police on December 18 arrested the Somali journalists on allegations of publishing false news about the mayor of Berbera, a port city in the semi-autonomous region of Somaliland, according to Guleid Ahmed Jama, chairperson of the advocacy group Human Rights Center, and Yahye Mohamed, the Somaliland Journalists Association executive director. Their arrests came after Messrs. Abdirahman and Ahmed ran separate television stories both alleging the mayor, Abdishakur Mahmoud Hassan, misused public property, according to Messrs. Yahye and Guleid. “Somaliland authorities must immediately release Ahmed Sa’ed and Abdirahman Mohamed, and permit reporters to operate without fear of arrest,” Angela Quintal, CPJ Africa program coordinator, said from Durban, South Africa. “Somaliland’s new president, Muse Bihi Abdi, should seize the opportunity to end such blatant attempts to intimidate journalists and make press freedom a priority for his administration.” Mayor Hassan did not answer a call and text message from CPJ. Following the journalists’ arrest, Berbera authorities brought Ahmed, who works for the privately owned Saab TV, and Abdirahman, who works for the privately owned Eryal TV, to a local court, which remanded them for seven days pending further investigation, Guleid told CPJ. The detentions of Abdirahman and Ahmed follow the arrest on December 5 ofAbdirisak Dayib Alil. His arrest came after CPJ conducted its most recent prison census, which indicated that on December 1 Somalia was jailing one journalist, Mohamed Adan Dirir. Somaliland’s police commissioner, Abdullahi Fadal Iman, did not respond to phone calls and text messages for comment from CPJ. Reached yesterday, the recently appointed information minister, Abdurrahman Abdullahi Farah asked CPJ to contact him today. CPJ was unable to reach the minister today: the phone connection was poor and the spokesperson did not immediately return a text message seeking comment. CPJ
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa Maanta ku dhawaaqay inaan wax dambi ah lagu heyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo sheegay inaan xeer ilaalinta laga helin caddeymo ku filan kiiskaas. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, kaddib markii uu akhriyay dhamaan waraaqadihii loo keeno iyo qodobo ka mid ahaa xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in aan wax dambi ah loo heysan. Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan qaabkii loo maray go’aanka Maxkamadeynta Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Heshiis Siyaasadeed: Sida aan xogta ku helnay Odayaasha, Siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka iyo waxgaradka Beesha Hawiye ayaa dowladda Soomaaliya kala hadlay in kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu dhameeyo qaab siyaasadeed isla markaasna aan lagu deg degin in maxkamad lasoo saaro, iyadoo laga fogaanayo inay arrintaas dhaliso xasarad Beeleed. Dowladda Soomaaliya oo cadaadis badan kala kulantay Beesha Hawiye ayaa ugu dambeyntii ku qancisay in Kiiska maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur la marsiin doono Process maxkamadeed oo fudud isla markaasna uu go’aankeeda noqon doono mid aan dambi lagu helin Siyaasigaan, maadaama ay xaaladda gaartay meel aad u sareyso. Iyadoo arrintaas laga duulayo dowladda Soomaaliya ayaa kiiskaan u xil saartay guddi ka kooban xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, Qaar ka tirsan Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo odayaal kale, waxaana lagu heshiiyey in kiiskaan sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjaro si loo damiyo xasaradda ka dhalatay oo isku badali rabtay mid Beeleed. Guddigga ay dowladda u saartay arrintaas oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu heshiiyey in meesha looga saaro dacwadda ay waddo xeer ilaalinta isla markaasna Cabdiraxmaan Cabdishakuur laga bari yeelo eedeemaha lagu soo oogay. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo fulinayo heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Beelaha Hawiye ayaa xeer ilaalinta Qaranka ku adkeeyey keenista Caddeymo iyadoo loo qabtay waqti aan ku filneyn isla markaasna wax kasta laga soo dhigay mid kadis ah. Dambiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lugaha la galay Siyaasiyiin badan Dambiga Qaran dumisnimada ah ee lagu soo eedeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lugaha la galay Siyaasiyiin badan iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxayna Odaayasha Hawiye codsadeen in dhammaatood lasoo taago Maxkamadda ama la joojiyo kiiskaan. Dowladda Soomaaliya oo aysan u saamixi karin inay Xildhibaano xasaanadda ka qaado waqtigaan isla markaasna ay siyaasiyiin badan soo taagto Maxkamad ayaa go’aansatay in kiiskaan gebi ahaanba dariishada laga saaro, maadaama Soomaaliya aysan hadda ku jirin xaalad qofka dambiilaha ah lasoo taago maxkamad sida ay ku dooday dowladda. Mid kamid ah Xubnaha heshiiskaan daaha gadaashiisa ah fuliyey oo Caasimadda Online la hadlay ayaa noo xaqiijiyey in kiiskaan loo maray hab siyaasadeed isla markaasna laga shaqeeyey in go’aanka maxkamadda lasoo dadajiyo isla markaasna aan wax dambi ah la saarin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, maadaama ay sidaas ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo xubno sar sare oo ka tirsan Beesha Hawiye oo xarigaan si weyn uga carooday. ” Waxaan idiin xaqiijinayaa in maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur loo maray hab siyaasadeed kadib markii ay sidaas ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo Beesha Hawiye, si loo damiyo xasaradda ka dhalatay xarigaan” ayuu yiri Xubin kamid ah guddiga loo xilsaaray oo la hadlay Caasimadda isla markaasna diiday in magaciisa loo adeegsaday warbaahinta. Dadka Kiiskaan lugaha uu lasoo galay ayaa waxaa kamid ah XIldhibaan ay isku heyb yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasoo adkeysay in kiiskaan lagu kala baxo maxkamad caddaalad ah, waxaana laga cabsaday inay dhaliso xasarad kale oo middaan ka weyn sida uu Caasimadda u xaqijiyey Shakhsigaas diiday inaan magaciisa baahino. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog Culus: Go’aanka Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo cuksaday heshiis Siyaasadeed appeared first on Caasimada Online.
-
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta maxkmada Gobolka Banaadir wax dambi ah ku weeysay ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu horeeyn u mahad ciliyay dhamaan cid kasta oo sii deeyntiisa ka qeeyb qaadatay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dalkaaan uu ka soo gudbay xiligii qoray caaradiisa la isku maamulayay. “Waxaan rabaa in aan madaxda sare dalka u sheego Dalkaan waa laga gudbay xiligii quri caaradiisa lagu muquuninayay Dalkaan Xili Dib loo Ciliyo ma Joogo Dastuurka ayaa ka Taliya Dalka.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay kula xisaabtamaan madaxda dalka jabinta dastuurka dalka u yaalo oo uu sheegay in madaxda sare ee dalka ay jabiyeen. Hoos ak Dhageyso Codka Cabdiraxmaan Cabdishakuur.. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur” ”Wuu Dhamaaday Xiligii Qoriga Dadka Loogu Hanjabi Jiray “ appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ku tilmaamay inuu yaha Xayn Ilaaliya, isagoo hadalkaas ula jeedo inuu kooxda dowladda kaliya ilaaliyo. Axmed Macalin Fiqi oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal xasaasi ah ayaa sheegay inuu Axmed Cali Daahir ku ceeboobay Maxkamadda horteeda isla markaasna uu mar labaad ku ceeboobi rabo Guddoomiyaha Baarlamaanka hortiisa. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay: Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maantay u yeeray Axmed Cali Daahir oo si sharciga baalmarsan hawada u mariyey eedaymo laba xildhibaan oo ka mid ah golaha shacabka kuwaasoo uu soo codsaday in xasaanadda laga qaado. Axmed Cali Daahir ayaa golaha joogtada ah hortooda lagu weydiiyey caddyamaha uu u hayo arrinta xildhibaanada labada ah, waxeyna ugu danbeyn arrintiisii ku soo dhamaatay Afsoomaali, aan wax caddeyn soo hordhigin guddiga joogtada ah hortooda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa arrinta ugu danbeyn la wareegay asagoo sheegay inuusan qaadan karin in lagu gafo sharafta xildhibaanada iyo golaha shacabka. Axmed Cali Daahir wuxuu ku hor fadeexoobay maanta maxkamadda kiiskii C/raxmaan C/shukuur, haddana wuxuu ku hor fadeexoobi doonaa mar kale golaha shacabka. Xeer Ilaaliya sida magaciisa ka muuqata wuxuu ilaaliyaa xeerka iyo shuruucda dalka laakin Axmed Cali Daahir wuxuu u muuqdaa “Xayn Ilaaliye” ku milmay siyaasadda dalka, noqdayna gacan loo adeegsado siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka aragtida duwan madaxda dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Fiqi ” Axmed Cali Daahir wuxuu u muuqdaa “Xayn Ilaaliye” laguma tilmaami karo Xeer Ilaaliya” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ku siideysay Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Xeer ilaalinta ay Racfaan qaateen islamarkaana Maxkamadda isku ogaayeen hayeeshee uu go’aanka Maxkamadda ka dambeeyay. Maxkamadda Gobolka ayaa sheegtay in xeer ilaalinta ay ku fashilantay in ay keento caddeyn ku filan dacwadda C/raxmaan C/shakuur Warsame,waxaana ay fasaxday siyaasiga iyada oo go’aankeeda raacisay in uusan jirin racfaan laga qaadan karo xukunka. C/raxmaan ayaa siideyntiisii kaddib waxaa uu sheegay in Maxkamadda qeybteeda 2-aad ay dhimantahay siideyntiisana ay ahayd qeybta 1-aad. Waxaa uu sheegay in gar darro lagu weeraray Gurigiisa, Hantidiisa lagu baabi’iyay sidoo kalena lagu laayay ilaaladiisa,waxaana uu xildhibaannada labada gole ugu baaqay in ay sharciga ilaaliyaan. Hoos ka dhageyso hadalka xeer ilaaliyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/COD-SHIRKA-JARAAID-EE-XEER-ILAALIYAHA.mp3The post Dhageyso: Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka horyimid go’aankii lagu sii daayey CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, Sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale. Ugu horeyn, golaha wasiirada ayaa waxey warbixin amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican mareyso, lana dardargelin doono iyadoo uu ka codsaday in shacabka ay kaalin weyn ka qaataan sugida amniga iyo nabadeynta dalka. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ay arbush ku sameeyeen ciidanka oo marayey Balidoogle, hase yeeshee la baacsaday oo xirfadkooda lagu raad joogo. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha u soo bandhigtay warbixin ku aadan Daraasad ay sameeyeen oo lagu qiimeynayey diyaar garowga ciidanka. Guddi ka kooban 25 ayaa daraasadan ka soo sameeyey gobollada dalka oo ay ku jireen khubaro ka socday Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka. Daraasadan ayaa lagu qiimeynayey agabyada ciidanka heysto, caqabadaha jira, tababarka ay heystaan iyo diyaar garowgooda. Daraasada ayaa soo bandhigtay inay jiraan gaadiid ciidanka XDS oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, tanoo ka soo horjeeda nidaamka sharciga. Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u codeeyey in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey nooca matalaad ee doorasho ee 2020 oo uu sheegay in guddi ka kooban hay’adaha ay khuseyso ay muddo wadeen daraasad iyagoo isku barbardhigayey doorashooyinka caalamka iyo kuwii Soomaaliya ay soo mareen oo ay ku jiraan kuwa Somaliland. Daraasad dheer ka dib waxaa weli socda wadatashi ballaaran oo laga yeelanayo nooca doorasho, iyadoo la isku raacsanyahay in doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qaban doono 2020ka. Noocyada matalaad doorasho oo laga tashanayo ayaa waxaa ka mid ah mid isku dheelitiran oo dhammaan qeybaha bulshada laga wada qeybgelinayo, mid doorasho furan oo xisbiyada dadka matalaya ay doorasho ka raadsanayaan deegaanada, ama mid xiran oo xisbiga la dooranayo ka dibna uu soo xulanayo xildhibaanada matalaya. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi ballaaran la sameyanayo inta aan la go’aamin nooca matalaad ee doorasho. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey dardargelinta heshiiskii GalMudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in xiriiriyo uu ka yahay Wasiirkii hore Abdisamad Macalin Maxamud, wasaaradana ay wado qorsheyashii loo dhaqangelin laaa heshiiskaas taariikhiga ah ee muhiimka ah. Wasiirka Shaqada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Adeega Rayidka ah oo usbuuca danbe loo ballamay si looga doodo oo loo ansaxiyo. Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ah ayaa golaha siisey warbixin la xiriirta dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ah oo guddigii loo xilsaaray oo ka koobnaa 19ka xubnood oo ka kala yimid dhammaan gobollada ay soo gaartay 600 araaji, oo markii la xulay laga soo reebay 74 oo la marsiiyey imtixaan, ka dibna laga soo reebey 45 u soo gudubtay xog-wareysi (interview) oo lagu ballamay in usbuuca danbe golaha wasiirada ka doodaan. —DHAMMAAD—- Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo saxaafadda la hadlay kadib markii ay dambi ku weysay maxkamada gobolka Banaadir ayaa si kooban uga hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horreyn wuxuu u mahadceliyey cid walbo oo ka dhiidhisay xariggii ay dowladda kula kacday, isaga oo sheegay iney guuleysatay cadaaladdii. Waxa uu tilmaamay in hadda ay soo dhammaatay oo kaliya qeybta hore ee dacwadda balse qeybta dambe ay furmi doonto uuna ku raadsanayo xaqii uu lahaa. Sidoo kale, waxa uu Mr. Shakuur u sheegay madaxda sare ee dowladda in laga gudbay waqtii wax lagu maquuninaayey waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka kale, C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu baaqay Labada aqal Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya in lala xisaabtamo cid walbo oo mas’uuliyaddeeda gabtay. “Dacwada qeybteeda hore ayaa dhamaatay, qeybtii dambena wey furmi doontaa oo aniga xaqii aan lahaa ciddii igu soo been abuuratayna beenteedii waa la cadeeyay, waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka haysata, waa laga gudbay xilligii qori caaradiis wax lagu maquuninaayey, dalkaan xilli dib loo celiyo ma joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, Labada guddoon ee baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in sharciga ay la tiigsadaan cid walbo oo sharciga ka weynaato, xildhibaannada baarlamaankana waxaan ugu baaqayaa dalkaan waxa lagu wada joogi karo waa sharci, cidii gabtay mas’uuliyadeeda iney kula xisaabtamaan Labada aqal dhexdooda” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta sheegtay in wax dambi ah aanu lahayn siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur, waxaana sidoo kale ay tilmaantay maxkamaddu inaanu racfaan ka furneyn kiiskan. The post CC Shakuur “Waa laga gudbay xilligii qori caaradiis wax lagu maquuninaayey” appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadii maanta iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo farxsan hereerahana ay ka fadhiyaan tolkiis oo kala ah Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare mudane Abshir Bukhaari, Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka ee Aqalka Sare Mudane Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Mahad Salaad. Muqaalkana waa Cabdiraxmaan Dabcasar oo Diyaarad saaran, kadib marka maanta Maamulka Hargeisa sababo bini’aadanimo darteed maanta ku sii daayey, kadibna ku masaafuriyey. Dabcasar ayaa ka waayey wax gargaar iyo waxtar ah Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa ee ku nool Dalka gudihiisa iyo Dibadiisa, sidoo kale waxaa ka dhuuntay hogaankii kooxda Khaatumo ee ku biirtay Somaliland ee ku sugan Hargeysa.Waxaa la waayey wax ku dhaca oo Somaliland ku yiraahada waar ninka Hotelka ku weererteen iska sii daaya( Carkee yaa ku dhaca ) Su’aasha markba maskxadaada ku soo dhaceysa ayaa ah tolow haddii ay Puntland Dabacasar xiri laheyd maxaa dhici lahaa, wallee qaylo iyo hanjabaad baa nafta looga jari lahaa
-
Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 21 December 2017 safar shaqo ku tegey magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Buurtinle kusoo dhoweeyey maamulka degmada Buurtinle, nabadoono waxgarad, aqoon-yahano iyo shacabka magaalada Buurtinle oo aan u kala hadhin ka qayb qaadashada soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa. Madaxweynaha dawladda Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal ay ka socoto mashaariic horumarineed kuwaas oo ay dawladdu ka hirgelisey. “Aad ayaanu ugu faraxsan-nahay inaan maanta magaalada Buurtinle ku nimaadno safar shaqo, waana wax lagu farxo mashaariicda waaweyn ee magaalada sida dhabta ah uga socota, waa magaalo weynaatay oo ay degen yihiin dad badani tuulooyin badannina ay ku xeeran yihiin markaa waa lagama maarmaan inay heshaa adeeg fiican” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. ” Waxaan idiin rajaynayaa guul iyo inay mashaariicdaasi si dhab u hirgalaan haday noqoto saldhigyada Booliiska, nalalka magaalada [Solar System], biyo gelinta, iyo xaruntii degmada Buurtinle waaxa la rabaa dhammaan mashaariicdaasi inay u hirgalaan sidii lo qorsheeyey Insha Allaahu, sidoo kale waxaa iyana halkan ka socda mashruucii dhismaha waddada isku xidhaysey Garoowe iyo Gaalkacayo” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadalay shaqaaqada dhexmartay dadka walaalaha ah ee reer Puntlaand, waxaana uu baaq u diray Madaxweynahu dadka shacab ka ah ee ay dhexmartay xurguftu, isla markaana waxa uu ku booreyey inay joo jiyaan dagaalka nabad iyo waaan-waanna kusoo dabaalan xaaladda hadda jirta. ” Waxaa sidoo kale nagu soo siyaaday shaqaaqada ka socota Hawdka oo runtii aan aad uga xunnahay dadkaa Soomaaliyeed ee dhintay. intii dhimatay Alle haw-naxariisto, inta dhaawaca ahna waxaan rajaynayaa in Alle u booga-dhayo, ka Puntland ahaanna waajib nasaaran weeye shacab kayaga markay dhibi gaadhto inaanu u nimaadno wixii shiddo iyo shar wadana aanu ka qabano, bulshadaa wada degan ee walaalaha ahna waxaan ugu baaqaynaa inay wanaag, ehelnimo, walaaltinimo ay kuwada deganaadaan, nabad kuwada noolaadaan nabad kuwada daaqaan “ ayuu Yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. ” Waxaan ugu baaqayaa isimada, cuqaasha, nabadoonada, waxgaradka, culuma awdiinka reer Puntland meel kastay joogaanba inay u istaagaan xaaladdaa iyada ah deminteeda iyo dadkaa walaalaha ah isu soo dhowaan shahooda iyo dhibtaasi dhacday furdaaminteeda in loo istaago ayaan ku baaqayaa, waxaan kaloo ku baaqayaa in la joojiyo colaadda iyo xasaradda labada dhinacba inay joojiyaan, wixii dhib ah oo dhacayna ay intaa ku ekaadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweyne Gaas:- “waxaan ugu baaqayaa shacabka Puntland inay nabad kuwada noolaadaan nabadna kuwada daaqaan” appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadu waxay maanta cadeysay in dambiga lagusoo oogay Cabdiraxmaan Cabdiskuur uu yahay Waxba kama jiraan laakiin Maxkamadu kama hadlin cida qaadaneysa Masuuliyada Weerarkii lagu qaadey gurigiisa iyo Maalmuhuu xabsiga ku jiray. Dhinaca kalena Cabdiraxmaan qudhiisu wali kama uusan hadal waxa xiga siideyntiisa iyo inuu Maxkamadu lasoo fuuli doono cida masuulka ka ah xarigiisa iyo dilkii loo geystey ilaaladiisa. Wasiirka Amniga, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Afhayeenka Wasaarada Ambigu waxay saxaafada ka sheegeen in Malaayiin Dollar lagasoo ururshay guriga Eedeysane Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa say Hadalka u yiraahdeene, LAAKIIN waxaa maanta la cadeeyey in guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur aan wax lacag ah lagusoo qaban, Waxay kaloo Maxkamadu cadeysay in Dhamaan dambiyadii ay Dowladu kusoo eedeysy aysan Waxba ka jirin. Hadaba su’aasha hada taal WAA Yaa ka dambeeyey Xariga Ina Cabdishakuur iyo eedeymaha lagusoo eedeyey, Sharciga ay Xukuumada iyo Xeer illaaliyuhu u adeegsadeen Xarigiisase Ma yahay mid qabanaya Cida masuulka ka ah Xarigiisa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa 18 bishaan Decembar waxaa xiray Dowlada Federaalka oo ku eedeysay Qaran Dumas, Waxaa Xalay Xabsiga kasoo daayey Odoyasha Beeshiisa iyo Odoyassha Beesha Wasiirka Amniga, lamana oga Heshiis hoosaadka ay Labadaan Berlins kusoo daayeen Soyaasiga. Saaka ayaa Maxkamadayntiisii la sugayay ay Maxkamadu cadeysay in uu dambi laawe uu yahay oo isagu dhibane yahay dhib loo geystay. Puntlandi Muqdisho
-
21 December 2017 – Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, Sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale. Ugu horeyn, golaha wasiirada ayaa waxey warbixin amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican mareyso, lana dardargelin doono iyadoo uu ka codsaday in shacabka ay kaalin weyn ka qaataan sugida amniga iyo nabadeynta dalka. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ay arbush ku sameeyeen ciidanka oo marayey Balidoogle, hase yeeshee la baacsaday oo xirfadkooda lagu raad joogo. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha u soo bandhigtay warbixin ku aadan Daraasad ay sameeyeen oo lagu qiimeynayey diyaar garowga ciidanka. Guddi ka kooban 25 ayaa daraasadan ka soo sameeyey gobollada dalka oo ay ku jireen khubaro ka socday Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka. Daraasadan ayaa lagu qiimeynayey agabyada ciidanka heysto, caqabadaha jira, tababarka ay heystaan iyo diyaar garowgooda. Daraasada ayaa soo bandhigtay inay jiraan gaadiid ciidanka XDS oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, tanoo ka soo horjeeda nidaamka sharciga. Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u codeeyey in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey nooca matalaad ee doorasho ee 2020 oo uu sheegay in guddi ka kooban hay’adaha ay khuseyso ay muddo wadeen daraasad iyagoo isku barbardhigayey doorashooyinka caalamka iyo kuwii Soomaaliya ay soo mareen oo ay ku jiraan kuwa Somaliland. Daraasad dheer ka dib waxaa weli socda wadatashi ballaaran oo laga yeelanayo nooca doorasho, iyadoo la isku raacsanyahay in doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qaban doono 2020ka. Noocyada matalaad doorasho oo laga tashanayo ayaa waxaa ka mid ah mid isku dheelitiran oo dhammaan qeybaha bulshada laga wada qeybgelinayo, mid doorasho furan oo xisbiyada dadka matalaya ay doorasho ka raadsanayaan deegaanada, ama mid xiran oo xisbiga la dooranayo ka dibna uu soo xulanayo xildhibaanada matalaya. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi ballaaran la sameyanayo inta aan la go’aamin nooca matalaad ee doorasho. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey dardargelinta heshiiskii GalMudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in xiriiriyo uu ka yahay Wasiirkii hore Abdisamad Macalin Maxamud, wasaaradana ay wado qorsheyashii loo dhaqangelin laaa heshiiskaas taariikhiga ah ee muhiimka ah. Wasiirka Shaqada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Adeega Rayidka ah oo usbuuca danbe loo ballamay si looga doodo oo loo ansaxiyo. Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ah ayaa golaha siisey warbixin la xiriirta dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ah oo guddigii loo xilsaaray oo ka koobnaa 19ka xubnood oo ka kala yimid dhammaan gobollada ay soo gaartay 600 araaji, oo markii la xulay laga soo reebay 74 oo la marsiiyey imtixaan, ka dibna laga soo reebey 45 u soo gudubtay xog-wareysi (interview) oo lagu ballamay in usbuuca danbe golaha wasiirada ka doodaan. The post Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxay deeq dawo ah gaarsiisay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka. Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiya Abiikar Nuur iyo wafdi ay hoggaamineysay ayaa gaaray B/weyne, waxaana dawada la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaaladaasi. Wasiir Fowsiya ayaa kormeertay goobaha lagu daweynayo dadka uu soo ritey cudurkaasi, waxaana goobahaasi kamid ah Isbitaalka guud ee B/weyne. Mar ay si kooban wasiir Fowsiya ula hadashay saxaafadda waxay sheegtay in dowladda ay garab taagan tahay dadka la xanuunsanaya Shuban biyoodka, islamarkaana kaalin ka qaadan doonto daweyntooda. Goobjoog News Source
-
Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo saxaafadda la hadlay kadib markii ay dambi ku weysay maxkamada gobolka Banaadir ayaa si kooban uga hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horreyn wuxuu u mahadceliyey cid walbo oo ka dhiidhisay xariggii ay dowladda kula kacday, isaga oo sheegay iney guuleysatay cadaaladdii. Waxa uu tilmaamay in hadda ay soo dhammaatay oo kaliya qeybta hore ee dacwadda balse qeybta dambe ay furmi doonto uuna ku raadsanayo xaqii uu lahaa. Sidoo kale, waxa uu Mr. Shakuur u sheegay madaxda sare ee dowladda in laga gudbay waqtii wax lagu maquuninaayey waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka kale, C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu baaqay Labada aqal Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya in lala xisaabtamo cid walbo oo mas’uuliyaddeeda gabtay. “Dacwada qeybteeda hore ayaa dhamaatay, qeybtii dambena wey furmi doontaa oo aniga xaqii aan lahaa ciddii igu soo been abuuratayna beenteedii waa la cadeeyay, waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka haysata, waa laga gudbay xilligii qori caaradiis wax lagu maquuninaayey, dalkaan xilli dib loo celiyo ma joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, Labada guddoon ee baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in sharciga ay la tiigsadaan cid walbo oo sharciga ka weynaato, xildhibaannada baarlamaankana waxaan ugu baaqayaa dalkaan waxa lagu wada joogi karo waa sharci, cidii gabtay mas’uuliyadeeda iney kula xisaabtamaan Labada aqal dhexdooda” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta sheegtay in wax dambi ah aanu lahayn siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur, waxaana sidoo kale ay tilmaantay maxkamaddu inaanu racfaan ka furneyn kiiskan. Goobjoog News Source
-
Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dalka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa Goordhow Shir Jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho waxa uu ka soo horjeeystay Go’aankii maxkmada Gobolka Banaadir ay kus ii deeysay cabdiraxmaan Cabdishakuur. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Sharci Daro ay tahay in loo diido racfaanka Xee ilaalinta isaga oo sheegay in ay xaq u leeyihiin in racfaan ay helaan xir ilaalinta. Maanta ayaa Maxkmada Gobolka Banaadir sheegtay in wax dambi ah lagu waayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyada oo sii deeysay. Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Mudane Aweys Shiiq Cabdilaahi Ayaa sheegay in xeer ilaalinta dalka aan wax racfaan ah u furneeyn. Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke The post Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka Soo Horjeeystay Xukunkii lagu Sii Daayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopia, Somaliland are enjoying a period of having good bilateral ties according to SL representative to Ethiopia, Ali Hussein Ismail aka “Ali Shoombe”. The envoy told Geeska Afrika, local paper published in Hargeisa and said that the deals signed between the two countries will be carried out by Musa Bihi’s new administration. Hon. Shoombe has declared that the road linking Somaliland to Ethiopia particularly Wajale road will commence soon as the technical committees from both sides are in action. The envoy to Ethiopia further stated that the Ethiopian transport minister who spoke to BBC Somali services admitted the relation between Somaliland and Ethiopia remains good and strong.Speaking on Somaliland consulate in Ethiopia, the envoy said that their mission is to bring the two nations closer together.
-
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xoriyadiisa dib uguoo celisay Siyaasiga Cabdiraxmaan C/shakuur, kaddib ay markii shaacisay in wax dambi ah lagu waaayay. Maxkamadu waxay cadeysay Xeer Ilaalintu inay caddeymo rasmi ah ku keeni weyday muddo 24 saac oo loo siiyay. Waxay kaloo sheegtay inaan markii horeba sifo sharci ah lagusoo xirin siyaasiga. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, kaddib markii uu akhriyay dhamaan waraaqadihii loo keeno iyo qodobo ka mid ahaa xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in aan wax dambi ah loo heysan. Puntlandi.com
-
Somalia is continually plagued by numerous problems, despite growing support for its central government. Other pressing challenges include famine and disease. After years of enduring a protracted civil war, Somalia continues to face a set of intractable challenges with security foremost among them. In October, more than 500 people were killed in a double bombing attack in the Somali capital of Mogadishu. Others challenges include violence, famine and disease. TRT World’s Andrew Hopkins reports.
-
Booliska maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga kasii daayay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xaaji oo ku magac dheer Sheekh Dabcasar kaddib markii ay dhawaan kasoo xireen hotel uu ka deganaa magaalada Hargeysa. Laanta socdaalka ee Somaliland ayaa isla maanta la geeyay Dabcasar, waxaana lagu amray inuu si degdeg ah uga baxo magaalada Hargeysa iyo guud ahaan gobolada Somaliland. Waxaa sidoo kale laga mamnuucay inuu mar dambe Live kasoo galo Facebook-giisa oo uu ka hadlo arrimaha Somaliland iyo qadiyadeeda, inta uu Hargeysa ku sugan yahay. Dabcasar ayaa dhowaan jirdil loogu geysto Hargeysa kadib markii uu ka hadlay arrimo la xiriira Soomali weyn, arrintaas oo Somaliland ay si weyn uga carootay, waxaana kadib lagu tuuray xabsi. Puntlandi.com
-
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay dacwaddii loo haystay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay dowladda ku eedeysay qiyaano qaran. Waxay maanta maxkamadda dhageysatay dacwaddii loo haystay Shakuur, waxaana halkaasi goob joog ka ahaa siyaasiyiin, xildhibaanno ka tirsan Labada aqal, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale. Maxkamadda ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin. Warkaan oo faah faasan goor dhow la soco. Goobjoog News Source
-
Waxaa Goordhow Maxkmada Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqday Go’aankii kama dambeeysta ahaa ee ku saabsanaa kiiskii lagu eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay in wax dambi ah lagu waayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaana Gudoomiyaha uu amray in si buuxda xuriyadiisa loo siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Gudoomiyaha Maxkmada ayaa sheegay in Xeer ilaalinta aanay u furneeyn wax racfaan ah. Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Xeer ilaalintu ay maxkmada horkeeni weeysay cadeeymo la xariira dambiga uu galay islamarkaasina lagu soo eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xasan Maxamed samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Maxkmada Gobolka Banaadir oo wax dambi ah ku weeysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur siina deeysay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u fasaxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in wax caddeyn ah lagu waayey. Guddoomiyaha Maxkamadda Awey ayaa sheegay inay xeer ilaalinta keensan weysay wax caddeyn ah oo lagu xiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu sheegay in markii horeba qalad lagu soo xiray iyadoo aan wax fasax ah laga heysan Maxkamadda Gobolka Banaadir. Xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadanayaan go’aankaan, guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa ka dhaga adeegay, wuxuuna tilmaamay inaysan jirin wax racfaan ah. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa tilmaamay inay xeer ilaalinta Maxkamadda horteeda la imaan weysay wax caddeyn ku filan kiiskaas. “Maadaama aan markii hore lagu soo qaban ogolaansho Maxkamadeed, ayaa waxay amartay Xafiiska Xeer Ilaalinta inay keento muddo 24 saac caddeymo, xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku guuldareystay inuu keeno caddeymo dhameystiran, Maxkamadda waxay xoriyadiisa u soo celisay C/raxmaan C/shakuur”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo intaa ku daray in aan wax racfaan laga qaadan karin Intaas kaddib ayaa waxaa goobta is qabsaday sawaxan iyo sacab, dadkii goobta ku sugnaa ay mar qura isla heleen, waxaana loogu hambalyeynayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur xoriyadii ay dib ugu soo celisay Maxkamadda. Arrintaan ayaa dhabarjab ku noqotay xeer ilaalinta oo Siyaasigaan habeen madow kusoo weerartay gurigiisa. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Halkaan ka daawo go’aanka Maxkamadda The post Deg deg: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la fasaxay iyo racfaan laga qaatay oo la diiday appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka Warbaahinta Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa ay xabsiga ka sii daayeen Cabdiraxmaan Cabduullaahi Xaaji oo Magac Dheeree Dabcasar. Sheekh Dabcasar ayaa dhowaan ciidamada amaanka waxa ay ka ka xeeysteen Hoteel ku yaala Magaalada Hargeysa halkaasi oo ciidamada amaanka ay xoog ku galeen kadibna ay u dhaadhiciyeen xabsiga Hargeysa. Ciidamada ayaa u geeystay jirdil aad u xoogan waxaana la dhigay isbitaal ku yaala Hargeysa Todobaadkii la soo dhaafay inkastoo markii dambana xabsiga dib loogu ciliyay. Dabcsar oo Jirdil Ay u geeysteen Ciidamada Soomaaliland isbitaal koo Jiifiyayugu dambeeyntii Soomaaliland ayaa sii deeysay Sheikh Dabcasar oo ah nin caan ka ah aaladaha Social Media . Dhanka kale isla maanta waxaa la geeyay laanta socdaalka Soomaaliya si Dabcasar iyada oo dibna loogu ciliyay dalka Mareykanka oo markii hore uu ka yimid. Dabcasar ayaa lagu eedeeyay in uu Aflagaado u geeystay madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Maamulka Soomaaliland oo sheegtay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca tacadiyo ka dhan Xuquuqda aadanaha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Soomaaliand oo Sii Deeysay Dabcasar Kana Musaafurisay Soomaaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil. Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay. “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta. “codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.” Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay. Qaraarkan qabyada ah ma xusayo Maraykan balse wuxuu leeyahay go’aankaste oo Qudus ku saabsan waa in meesha laga saaro. Bishan horraanteedii ayay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley uga digtay dalalka xubnaha ka ah in madaxweyne Trump uu waydiistay in ay la soo wadaagto dalalka aan codkooda siinin Khamiista. Diidmada oogu daran waxay si aan qaadansho waa lahayn uga imanaysaa dalalka Maraykanka ka soo horjeeda. Dhanka kalana dalal xulafo la ah Maraykanka ayaa goodinta Maraykanka ku tilmaamay hanjabaad maran ama aan meelna gaarsiisnayn. Dublamaasi sare ayaana ii sheegay in ay caddahay in Maraykanka ay ka go’antahay in uu Israa’iil ku garab istaago Qaramada Midoobay, laakiin uu ka shakisan yahay in Washington ay gargaarka ka jari doonto Masar oo soo dhigtay qaraarkii Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhicisoobay kaas oo ku qotama midkan Golaha loo dhan yahayna. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Trump” Ciddii Ka Soo Horjeesata Go’aanka Qudus Waxaan Ka Jari Doonaa Gargaarka” appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Aminiga Puntland (PSF) oo maalmahan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka waday Buuraleyda deegaanada madarshoon, Karin Xagarood iyo Mariidleee Buuraha CalMadow oo saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan ay ku leeyihiin Al Shabaab, ayaa waxay ciidanka PSF ku dileen hawlgalladan in ka badan 20 ka tirsan argagixisada Al Shabaab. Dhanka kale, ciidanka PSF waxay ka tacsiyeynayaan geerida laba sarkaal oo ciidanka PSF kaga shahiiday miino shalay kula kacday waddada u dhexaysa Madarshoon iyo Galgala iyaga oo ku jira waajib qaran oo ay ku difaacayeen diintooda, dalkooda iyo dadkooda,waxayna Ilaahay uga baryeen labadaas sarkaal ee ciidanka PSF ka shahiiday in Allah uu ka aqbalo shahaadada kana waraabiyo jannatul firdowsa qoyskoodii, qaraabadoodii, ciidankoodii ,dawladda iyo shacabka Puntland na samir iyo iimaan ka siiyo. Hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ciidamada PSF wadaan ayay sheegeen inay sii socon doonaan ilaa cadowga laga soo afjarayo lagana xoraynayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah waraaqihii damiinta ahaa ee lagusii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sida ka muuqato Saxiixaha Waraaqaha waxaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinta: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxeynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Seddexdaas mas’uul ayaa damiintay, waxayna waraaqdaan xeer ilaalinta guud ku caddeysay inay aqbashaday codsigaas isla markasna ay sidaas kusii deystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Muqdisho ka socoto, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo laga soo saaro natiijo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda damiinta The post Akhriso Waraaqihii damiinta ahaa ee lagu sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.