Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A teenager who was murdered in the UK after moving from Somalia was “just collateral damage” to a drug dealing gang, a senior police officer says. Suhaib Mohammed, 19, was shot through an open window at a house in Milton Keynes, in September 2016. Two men were jailed for life in March after being convicted of his murder. Speaking ahead of a TV documentary about the case, Det Ch Insp Mike Lynch said Mr Mohammed had been “groomed into a life he knew nothing about.” “This was the tragic case of a 19-year-old brought from Somalia to the UK by his family to make a better life for themselves but, ultimately, he was vulnerable,” he said. “He was was just collateral damage in the world of organised crime and became wrapped up in something he had no control over.” A teenager who was murdered in the UK after moving from Somalia was “just collateral damage” to a drug dealing gang, a senior police officer says. Suhaib Mohammed, 19, was shot through an open window at a house in Milton Keynes, in September 2016. Two men were jailed for life in March after being convicted of his murder. Speaking ahead of a TV documentary about the case, Det Ch Insp Mike Lynch said Mr Mohammed had been “groomed into a life he knew nothing about.” “This was the tragic case of a 19-year-old brought from Somalia to the UK by his family to make a better life for themselves but, ultimately, he was vulnerable,” he said. “He was was just collateral damage in the world of organised crime and became wrapped up in something he had no control over.” Mohamed Noor, 33, and Albert Prempeh, 35, both of Milton Keynes, were sentenced to a minimum of 30 years, following a trial at Luton Crown Court. Noor, of Radworthy, fired the revolver after Prempeh, from Langland Road, had led him to the house in Osprey Close, Eagleston. The court heard the pair went to the address to exact revenge on a man known as Hypes, who had robbed Noor earlier and believed to have been involved in a £4,000 bookmaker robbery the previous day. Prempeh said he had been forced at gunpoint by Noor to go to the house, an accusation Noor denied. Mr Lynch said: “That was the difficulty of the case – it seemed straightforward. “But we looked at CCTV and found footage of Prempeh leading Noor to the scene and certainly not under duress”. The case has been featured in Channel 4 documentary Catching a Killer, to be shown on Thursday, 7 December. Mr Lynch – who has since retired from policing – said he took part in the programme to show how “emotionally challenging” cases like this are for police staff. “They have to support families who have lost someone but they have to be impartial and seek the truth, which sometimes causes tension,” he said. “And there is always a sense of a hollow victory in that no sentence can ever bring someone back” Source: BBC The post Murdered Suhaib Mohammed ‘collateral damage’ to drug dealers appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Shaakir, ayaa shaaca ka qaaday in Ahlusuna ay badbaado u aheyd maamul Goboleedyada ka jira dalka iyo Dowlada Ethiopia. Shaakir waxa uu sheegay in Ahlusuna ay dhabar jabisay Al-Shabaabkii u kala gooshi lahaa Gobolada dalka iyo Ethiopia oo uu sheegay inay meel uga soo baxeen xili ay wadnaha farta ku hayeen maamulada iyo dowlada Ethiopia oo ka cabsi qabay Alshabaab. Waxa uu tilmaamay in Ahlusuna ay dowr weyn ka qaadatay Jabka Al-shabaab waxa uuna cadeeyay in mudnaantaas ay u laabaneyso maamulka iyo ciidamada Ahlusuna. Waxa uu cadeeyay in amniga ka jira deegaanada maamulka ay sabab u tahay dhiiga ciidamada Ahlusuna ee qubtay, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaysan qarsooneyn kaalinta Ahlusuna. Waxa uu sheegay in dadka ku nool Gobolada Dhexe gaar ahaan deegaanada Ahlusuna aan waqtigaan laga helin cid ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Waxaan maanta idiin sheegayaa in Gobolada iyo Maamulada ku tiirsan deegaanada Gobolada dhexe iyo dowladda Ethiopia hadii aysan jiri laheyn Ahlusuna in ay Al-Shabaab geli lahaayeen balse aan ka difaacnay’’ ‘’Qorshaha Alshabaab waxa uu ahaa inay isaga gudbaan deegaanadeena iyo Ethiopia waxaa alle mahadii ah inaan dhabar jab gaarsiinay oo aan ku celinay godadkii ay kasoo baxeen’’ Haddalka Sheekh Shaakir ayaa imaanaya xili maamulka Ahlusuna ay cashiro adag u dhigeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee duur jooga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sheekh Shaakir oo si aan looga baran ugu faanay Dowlada Ethiopia & Maamul Goboleedyada ka jira dalka (Muxuu yiri) appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi ‘’Farmaajo’’ ayaa ka hadlay heshiiska ay wada galeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo ka dhacay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa heshiiska uga mahad celiyay Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Ahlusuna oo uu sheegay inay adkeysi u muujiyeen heshiiska la gaaray. Waxa uu labada Hogaamiye ku ammaanay halka ay soo gaarsiiyen wadahadalkooda, wuxuuna ugu baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska la gaaray. Waxa uu Farmaajo sheegay inay caqabad noqon karto haddii aan la dhaqan galin heshiiska la kala saxiixday, waxa uuna cadeeyay in DFS ay ahmiyad gaara siin doonto la socodka waxa ka dhaqan galay heshiiska. Waxa uu soo hadalqaaday in dhibaatooyinka ka dhalankara burburka heshiiska la kala saxiixday uu noqonkaro in dib look ala gurto oorta oo uu ula jeedo in lagu laabto halkii laga soo bilaabay xalka. ‘’Waxaan idinku boorinayaa in laga dhabeeyo dhaqangalka heshiiska dhacay, dowladu waxa ay diyaar u tahay inay qeyb ka noqoto xal waliba oo laga gaarikaro khilaafyada Galmudug’’ Madaxweynaha JFS ayaa Golaha Wasiirada Galmudug, Xildhibaanada iyo shacabka Gobolada Dhexa ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan sidii horey loogu sii socon lahaa, si looga baxo dhibaatooyinka hada ka jira Gobolada Dhexe. ‘’Labada Gole iyo shacabka Galmudug waxaan ugu baaqeynaa inay is garabtaagan maamulka oo ay ka shaqeeyan sida xalka looga gari lahaa dhibaatooyinka dhaca’’ Waxa uu ka dalbaday Shacabka iyo madaxdaba in ay isku tanaasulaan isla markaana ay noqdaan kuwo waxwalba wada qeybsada sida uu hadalka u dhigay. Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Madaxda iyo Shacabka deegaanada Galmudug ay noqdaan kuwo u hoggaansamo hehsiiskaas isla markaana dhaqan geliya. Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa shalay gelinkii dambe heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday madaxtooyadda Soomaaliya iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne Maxamed (Farmaajo) iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee dowladda Federaalka. Docda kale, Heshiiskan ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka. The post Farmaajo oo heshiiska Galmudug & Ahlusuna kadib kadigay hal arrin oo suuragal ah appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxtooyada Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegtay in uu iskugu yeerayo hogaamiyeyaasha dowladaha ururka Iskaashiga Islaamka si loo qabto shir madaxeed degdeg ah oo ka dhacaya magaalada Istanbul kuna saabsan go’aanka Mareykanka ee arrimaha Qudus. Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Irbrahim Golen oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shir madaxeedkaan looga doodi doono qorsha Mareykanka ee ku saabsan inuu shaaciyey Qudus inay tahay Caasimadda Isra’iil. Ibraahim Golen ayaa yiri “ Mgaalada Qudus waa karaamada Umadda Islaamka waana arrin kawada dhaxeysa, waana qad Cagaaran marka loo eego Turkiga, waxaan ugu baaqayaa Washinton inay Sidegdeg ah ay uga laabato qaladka ah in Qudus ay tahay Caasimadda Isra’iil”. Madaxweynaha Turkiga ayaa arrintaasi isaga oo ka duulayo ayaa waxaa uu la xiriiri qaar ka mida hogaamiyayaasha dunida Islaamka waxaana ka mida wadamada uu la xiriiray Malaysia, Tunisia, Saudi Arabia,Qatar,Iran Pakistan iyo Indonesia si arrinta Trump looga hadlo go’aanna looga gaaro. Goobjoog News Source
  5. Fanaanadda Shamis Abokor Ismaaciil “Gudoodo Carwo” ayaa ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee Somaliland sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee gobolka. Guduudo Carwo waa fanaanaddii ugu horeysay ee Afsomali ku heestaylaga ee laga maqlo Idaacadda 1950-yeedii. Wararkan oo Faah-faahsan, Kala soco Goobjoog Goobjoog News Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa deegaanada maamulka Puntland ka socda shirar lagu dhameystiraayo waanwaan la doonayo in lagu xaliyo khilaaf ka dhextaagan maamulka dekadda iyo Ganacsatada kaa oo ka dhashay kordhinta canshuurta laga qaado badeecada kasoo degta Dekadda Bosaso. Shir u dhexeeyay Isimada Puntland oo ka dhacay Hotel Gacayte ee magaaladda Bosaso ayaa waxaa lagu soo bandhigay go’aan lagu xalinayo khilaafka ka dhashay kordhinta canshuurta. Isimada Puntland ayaa qodobada ay soo bandhigeen ku doonaaya in loo adeegsado xal ka gaarista khilaafka Dekadda waxa ayna kulamo kala duwan la qaadanayaan maamulka iyo Ganacsatada diidan kordhinta qiimaha ay Dekadda kala soo dagaan badeecada. Shirarka isimada ee xalka looga gaarayo khilaafka Dekadda ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Dekeda iyo Gaadiidka badda Puntland, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha gobolka bari, Duqa degmada Bosaso, Culuma’udiinka, Ganacsatada, aqoonayahanada, Nabadoono iyo qaar kamid ah haweenka ganacsatada ee Bosaso. Go’aanka qodobeysan oo ay soo saaren Isimada ee xalka loogu raadinaayo Khilaafka Maamulka iyo Ganacsatada ayaa ahaa: 1-In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf. 2-In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay. 3-In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso. Isimadu waxa ay sheegen in ujeedka Go’aankaasi uu yahay mid leysugu soo dhaweynaayo labada dhinac oo khilaafkooda uu saameeyay ganacsiga. Sidoo kale, Ganacsatada ayaa ogolaaday qaybo ka mid ah kordhinta tireefada canshuuraha iyo khidmadaha. Tariifada cusub ayaa muddo 5 bilood shaqayn doonta. Geesta kale, Dekadda Boosaaso ayaa asbuucyadan aheyd mid ku shaqeyneysay si gaabis ah, waxaana ugu wacan khilaafka Ganacsatada kala dhexeysa maamulka Dekadda la wareegay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kala soctaa qodobada laga soo saaray shirka xalka loogu raadinaayo khilaafka Dekada Bosaso (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Xalay 07 December 2017 Magaalada Muqdisho kaga qayb galay xafladda saxiixa heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlusunna. Xafladda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweynaha DFS Mudane. Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda DFS iyo xubno ka socdey beesha caalamka. Madaxweynaha dawladda Puntland oo ku hadlaya magaca Madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna yahay mid ka qayb qaadanaya geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, dib usoo celinta sharaftii, karaamadii iyo dawladdanimadii Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskani ay ka muuqato isu tanaasul iyo garasho xeeldheer, waxaana uu ku bogaadiyey Madaxweynaha maamulka Galmudug sida waaya aragnimadu ku jirto ee uu uga shaqeeyey midawga shacabka reer Galmudug. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Ahlusunna ay markasta u taagnaayeen difaacidda dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana waxa uu tilmaamay Madaxweynuhu in heshiiskani Soomaali oo dhan guul u yahay, isla markaana uu si gaara u taabanayo Puntland iyo Hirshabeelle. ” Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna wuxuu guul u yahay Soomaaliya oo dhan si-gaarana wuxuu wanaag u yahay Puntland iyo Hirshabeelle, waxaannu nahay xigto, waxaannu nahay deris, si gaara ayuu noo-khuseeyaa si gaara ayuu noo-taabanayaa si gaara ayuuna nabadgelyadayada iyo wada jir kayaga uga qayb qaadanayaa saamaynna ugu yeelanayaa. Insha Alla dhamaystirka heshiiskana waan kawada qayb qaadandoonnaa” ayuu yiri Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland “Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna wuxuu Dib usoo Celinayaa sharaftii, Karaamadii iyo Dawladdnimadii Soomaaliyeed” appeared first on Puntland Post.
  8. Waxaa xalay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ku geeriyootay Fanaanadii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee noqota heesaa. Shamis ismaaciil abuukar oo aheyd haweyneedii ugu horeysay oo ka heesta goob masrax ah waxeyna sidoo kale aheyd quf maama ah oo da,ah waxeyna Mudooyinkii danbe ku xanuunsaneysay Magalaada hargeysa ee Caasimada Somalilland. Guduudo Carwo oo waxay fanka ku soo biirtay xilli aan Soomaalida sidaa u aqoon fanka casriga ah, waxayna ahayd gabadhii ugu horeysay ee ku dhiiratay inay masrax korto hees-na ka qaado, iyadoo markaas kadib ay fanka u biireen hablo fara badan. Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Hargeysa oo qabanqaabo weyn ay ka socoto. Waxaan u tacsiyadeeyay Shacab Soomaaliyeed iyo gaar ahaan bahda Fanka oo shaqsi qaali ah uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Fanaanadii Ugu horeysay oo heesaa ka Noqota Soomaaliya oo Geeriyootay appeared first on Puntland Post.
  9. Go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu arbacadii ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Isra’iil waxaa uu kiciyey fali-cellino caro leh oo ka yimid beesha caalamka iyo dunida Carabta kaasi oo lagu diidayo go’aankaani. Hogaamiyayaasha dunida Islaamka iyo kuwo kale oo ka mida beesha caalamka ayaa isla markiiba cambaareryay talaabada uu Trump ku dhaqaaqay waxayna ka digeen in arintaasi ay keento xadgudubyo dhiig ku taato. Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan degdeg ah oo lagu gorfeynayo go’aanka Trump ee ah inuu u aqoonsaday Qudus caasimadda Isra’iil. Dhanka kale Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump uu cadeynayo in Mareykanka uu ka laabtay kaalintii dhexdhexaadnimada aheyd oo in muddo ah uu ka waday Isra’iil iyo Falastiin. Mr. Cabaas ayaa intaas ku daray aqoonsiga Qudus ee caasimadda Isra’iil ay meesha ka saareyo ama ay burburineyso fursad ay xal ku gaaraan Isra’iil iyo Falastiin. Wadaadka Iran Cali Khamini waxaa uu go’aankaasi ku sheegay mid horseedi-doona kacdoon ka dhaca caalamka halka Qaramada Midoobey ay leedahay arrinta waa in lagu xalliyo wada hadal. Masar, Sacuudiga iyo dalalka Carabta waxaa ay si adag u cambaareeyeen go’aanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il. Dalalka Faransiiska, Shiinaha, Ruushka ayaa muujiyay in go’aanka Trump uu horseedi karo in xaaladda bariga dhexe faraha ka baxdo. Donald Trump ayaa sheegay in horay uu ugu dhawaaqay Mareykanka in Qudus ay tahay caasimadda Isra’iil ayna tahay tallaabo aad looga daahay, isaga oo dhawaan u rari-doona safaaradda Mareykanka. Goobjoog News Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qoreen warbaahinta Yemen dowlada Imaaraadka Carabta ayaa wada qorsho ay wiilka Cali Cabdalla Saalax ugu adeegsaneyso duulaanka ka dhanka ah Xuutiyiinta ee ka socda Yemen. Wararka laga helayo magaalada Abu Dhabi ayaa sheegaya in dowlada Imaaraatka ay dagaalkaasi ku gacan siineyso wiilka uu dhalay Cali Cabdallah Saalax Madaxweynihii hore ee Yemen, sidii uu dib ugu noqon lahaa Yemen. Dowlada Imaaraadka ayaa dhaqaale xoogan ku bixineysa wiilkan oo kamid ah Saraakiisha ugu sareysa, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in Xuutiyiinta laga saaro Yemen. Axmed Cali Cabdallah Saalax oo horey u ahaan jiray Taliyihii Ciidamada Jamhuuriga ee Yemen ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay xabsi guri ku jiray dalkaasi Imaaraatka oo uu ku noolaa. Axmed Cali, wuxuu ku goodiyey inuu u aargudi doono aabihiisa oo Isniintii lagu dilay dagaalo ka dhacay magaalada Sanca ee caasimada Yemen, isagoo garab ka helaaya dowladaha Xulafada Sacuudiga ee dhibaatada kawada Yemen. Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in wiilka Cali Cabdalla uu kamid noqdo shaqsiyaadka la filayo in ay hogaanka u qabtaan Xisbigii Saalax ee GPC. ‘’Dhiiga aabaheyd waxa uu halaag hor leh u abuuri doonaa Xuutiyiinta iyo kuwa adoonsanaaya ee la yiraahdo Iran, waxa uu noqon doonaa mid kasii shanqari doona dhagaha Xuutiyiinta’’ Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa la sheegay inay sidoo kale dileen Tariq Maxamed Cabdullahi Saalax oo uu adeer u ahaa Cali Cabdullahi Saalax ahaana ninkii hogaaminayey maleeshiyaadkiisa. Sidoo kale, warbaahinta Yemen ayaa sheegtay in dowlada Imaaraadka ay shirqool u maleegeyso Axmed Cali, si lamid ah shirqoolkii ay u dhigtay aabihii oo gudaha asbuucan ku baxay gacanta Xuutiyiinta. Qaarkood ayaa qoraaya in dilka Madaxweynihii hore ee Yemen uu ahaa mid loogu tallo galay isla markaana looga aargoosanaayay khilaaf hore oo marxuumka kala dhexeeyay Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa uuna markii ugu danbeysay Yemen ku laabtay isagoo garab ka helaaya Imaaraadka. Geesta kale, Magaalada Sanca ayey weli ka jirtaa xiisad weyn iyadoo ay weli qeybo kamid ah magaalada ka socdaan dagaalo, waxaana sii xoogeystay duqeynta ay diyaaradaha Sacuudiga ku wadaan magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Imaaraadka oo mar kale shirqool u dhigaaya wiilka uu dhalay Cali Cabdalla Saalax (Maxaa cusub) appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka. Shirka, waxaana ka soo qeybgalay guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxwehnayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha dastuurka ee labada aqal ayaa caawa ka shacay Villa Somalia. Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada. Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad hawlaha Lagu dhameystiro Dastuurka. Goobjoog News Source
  12. Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaan ay maamulaan Al-shabaab. Diyaaradaha ayaa duqeeyay deegaanka Ilimey oo qiyaastii 130 km (80 miles) kaga beegan dhanka Koonfurta Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya. Deegaanka la duqeeyay waxaa maamula dagaalyaanadda Al-shabaab. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradaha ay bartilmaameedsadaeen gaari dagaal oo waday qalab lagu diyaarinay qaraxyo. Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose ee Dowladda Soomaliya Ali Nuur ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in diyaaradaha ay duqeeyeen gaari ay la socdeen Al-shabaab, balse uusan sheegi karin khasaaraha ka dhashay. Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose ee Al-shabaab Mohamed Abu Usama ayaa beeniyay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyaan gaari ay lahaayeen, Al-shabaab, taasi badalkeeda ayuu sheegay in la waxyeeleeyay dad shacab ahaa oo xoolo dhaqato u badnaa. Waa duqeyntii 29-aad ee laga fuliyo gudaha Soomaliya, iyadoo Dowladda Mareykanka ay inta badan war kasoo saarto duqeymaha lagu qaado saldhigyadda dagaalyahanadda Daacish iyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka. PUNTLAND POST The post Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose appeared first on Puntland Post.
  13. An image of Ali Omar Ader is projected on a screen at RCMP headquarters during a press conference about his arrest for the kidnapping of Canadian journalist Amanda Lindhout, in Ottawa on June 12, 2015. An emotional Amanda Lindhout recounted the horrors of being kidnapped at gunpoint in Somalia as the trial of one of her alleged hostage-takers got underway. THE CANADIAN PRESS/ PATRICK DOYLE OTTAWA — Ali Omar Ader has been found guilty in the kidnapping of Amanda Lindhout in Somalia. The verdict was handed down in a packed courtroom Wednesday by Ontario Superior Court Justice Robert Smith, who presided over Ader’s 10-day trial. In his lengthy reasons for the decision, Smith said Ader was a “willing participant” in the hostage-taking. Smith found much of Ader’s testimony was unbelievable and did not support his claim that he was forced into serving as a negotiator and translator on behalf of a gang who threatened to harm him and his family. Ader, a 40-year-old Somalian national, betrayed little emotion as the verdict was announced. Amanda Lindhout is photographed in Toronto on Monday, October 16 , 2017, as she helps promote her mother Lorinda Stewart’s book “One Day Closer.” THE CANADIAN PRESS/CHRIS YOUNG Lindhout was a freelance journalist from Red Deer, Alta., when she and Australian photographer Nigel Brennan were seized by armed men near Mogadishu in August 2008, the beginning of 15 months in captivity. They were released upon payment of a ransom. But the saga then entered a new phase: a complex, multi-year police investigation involving a scheme to elicit a confession from Ader, the man suspected of making ransom-demand calls. Ader, who speaks some English, developed a business relationship through phone calls and emails with a man who promised to help publish his book about Somalia. They met face-to-face in 2013 on the island of Mauritius, where the business agent — actually an undercover Mountie — says Ader freely spoke of helping the hostage-takers in return for US$10,000 in ransom money. Lorinda Stewart (right) and her daughter Amanda Lindhout are photographed in Toronto on Monday, October 16, 2017, as they promote Stewart’s book “One Day Closer.” The book is Stewart’s account of her quest to bring her daughter, Amanda Lindhout, home after she was kidnapped in Somalia in 2008. THE CANADIAN PRESS/CHRIS YOUNG A book contract signing came two years later in Ottawa with the officer and a supposed publisher, all secretly captured on a police video. Again, Ader tells the RCMP he was paid to assist the kidnappers. He was arrested the next day. As the lone defence witness, Ader told the court that he, too, was abducted by the gang and forced to be a negotiator and interpreter. Ader described being held by the gunmen in an apartment for several months, as well as getting orders from the gang about what to say during calls to Lindhout’s mother, Lorinda Stewart. He told of being beaten, escaping and later surrendering when the hostage-takers made serious threats against his family. Ader said that in Mauritius, he tried to tell the man he believed to be his business agent that he was coerced into helping the kidnappers. But the man wasn’t interested, so he told him what he wanted to hear. Prosecutor Croft Michaelson said Ader’s testimony was “riddled with inconsistencies” and should be rejected. Ader told the true story of his role in the kidnapping in Mauritius, not in the courtroom, Michaelson said. The prosecutor suggested it simply wouldn’t make sense for Ader to confess to something he did not do. Trevor Brown, one of Ader’s lawyers, said it was important to remember the Somalia of 2009 was a chaotic country with no sense of order or security, a place where those with weapons wielded power. The gang members who kidnapped Lindhout and Brennan were cruel and unpredictable people “eminently capable” of ordering Ader to help them, Brown told the court. In the judgment Wednesday, Smith noted that Ader never mentioned in emails or phone calls that he or his family had been threatened if he did not help the hostage-takers, a claim that only surfaced during the trial. “If he had assisted the hostage-takers due to threats, this would have reduced his culpability for the hostage-taking and assisted him in obtaining the book contract,” Smith said. “It does not make sense to lie about his involvement to make his conduct appear worse to the publisher and the public who he hoped would buy his book.” Canadian Press
  14. Suhaib Mohammed died two hours after being shot in the chest A teenager who was murdered in the UK after moving from Somalia was “just collateral damage” to a drug dealing gang, a senior police officer says. Suhaib Mohammed, 19, was shot through an open window at a house in Milton Keynes, in September 2016. Two men were jailed for life in March after being convicted of his murder. Speaking ahead of a TV documentary about the case, Det Ch Insp Mike Lynch said Mr Mohammed had been “groomed into a life he knew nothing about.” “This was the tragic case of a 19-year-old brought from Somalia to the UK by his family to make a better life for themselves but, ultimately, he was vulnerable,” he said. “He was was just collateral damage in the world of organised crime and became wrapped up in something he had no control over.” Image copyrightSBNAImage captionMohammed Noor (left) and Albert Prempeh should serve a minimum of 30 years, the judge saidMohamed Noor, 33, and Albert Prempeh, 35, both of Milton Keynes, were sentenced to a minimum of 30 years, following a trial at Luton Crown Court. Noor, of Radworthy, fired the revolver after Prempeh, from Langland Road, had led him to the house in Osprey Close, Eagleston. The court heard the pair went to the address to exact revenge on a man known as Hypes, who had robbed Noor earlier and believed to have been involved in a £4,000 bookmaker robbery the previous day. Prempeh said he had been forced at gunpoint by Noor to go to the house, an accusation Noor denied. Mr Lynch said: “That was the difficulty of the case – it seemed straightforward. “But we looked at CCTV and found footage of Prempeh leading Noor to the scene and certainly not under duress”. The case has been featured in Channel 4 documentary Catching a Killer, to be shown on Thursday, 7 December. Image copyrightCHANNEL 4Image captionThe teenager was shot in the chest through a ground floor window in Osprey Close, EaglestoneMr Lynch – who has since retired from policing – said he took part in the programme to show how “emotionally challenging” cases like this are for police staff. “They have to support families who have lost someone but they have to be impartial and seek the truth, which sometimes causes tension,” he said. “And there is always a sense of a hollow victory in that no sentence can ever bring someone back”. BBC
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay madaxda ugu sareeya kooxda Al-Shabaab, taasoo sababtay in amiirka kooxda Axmed Diiriye uu u baxsado Gobalka Gedo, ilo-wareedyo ayaa sidaas sheegay. Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in Axmed Diiriye oo ugu sareeya Al-Shabaab ay isku dhaceen Horjooge la yiraahdo Fiidow oo inta badan Shabaab u qaabilsan Koonfurta Soomaaliya. Fiidow ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya Al-Shabaab, waana shaqsiyada ay ka go’do talada kooxda marka laga soo tago Axmed Diiriye. Fiidow waa shaqsi Galaagal xoog badan ku dhex leh Al-Shabaab, taasoo keentay inuu Axmed Diiriye Gobalka uu muddooyin badan ku noolaa ka cararo. Taliyaha ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan sababaha keenay Khilaafka madaxda Al-Shabaab, waxaana ka mid ah, ka dib markii ay kordheen Hawgalada Dhulka iyo Cirka oo ciidamada xoogga dalka iyo Beesha Caalamka ay ku ciribtirayaan Maleeshiyada Al shabaab. taasi oo kala dhex gelisay kala shaki dhexdooda ah. Ka dib markii uu dhacay Qaraxii Isgoyska Soobe 14-kii bishii Octoober ee sanadkan, waxaa dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Al-Shabaab ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, walwal iyo cabsi xoogan oo soo wajahday Maleeshiyada ayaa sidoo kale sababay Khilaafkooda oo gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana ay isku mari la’yihiin deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan oo qaarkood ay cabsi ka qabaan in ay is shirqoolaan waana wax lagu yaqaano Maleeshiyada inay is dilaan. Taliye ayaa dhinaca kale sheegay in waayihii ugu dambeeyay uu jiray khilaafkan wuxuuna kaliya ku koobnaa Awooda iyo Dhaqaalaha, iyadoo madaxda Al shabaab ay isku fahmi waayeen sida loo maareynayo dhaqaalaha baada ah oo shacabka ay ka qaadaan iyo cida looga dambeynayo Talada, waxaana Fiidow iyo Rag kale oo Maleeshiyada galaangal ku leh ku jira damac ah inay talada kala wareegaan Axmed Diiriye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Amiirka Al-Shabaab oo baxsaday iyo khilaaf soo kala dhex galay kooxda appeared first on Caasimada Online.
  16. Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa qaadacay heshiiska Villa Somalia ku dhexmaray Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaafa iyo kan Ahlusunna Sheekh Shaakir. Xildhibaanada oo heshiiska dhexmaray labada dhinac kadib shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in Heshiiska Xaaf iyo Shaakir uu yahay mid lagu burburinaayo Galmudug. Xildhibaanadu waxa ay sheegen inaanu waxba ka jirin Heshiiskaasi isla markaana Xaaf uu yahay Hogaamiye aan xiligaani gali Karin Heshiis lagu matalaayo maamulka, sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaanadu waxa ay cadeeyen in burburka Galmudug ay mas’uul ka noqon doonto Villa Somalia, oo ay ku eedeeyen inay durbaanka u tumeyso dhabihii lagu burburin lahaa maamulka, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay Xildhibaanadu cudur daar ka dhigteen inay aheyd in Heshiiska ka hor inta aan la saxiixin la horkeeno baarlamaanka, hase yeeshee uu noqday mid u dhexeeyay laba shaqsi oo keliya. Waxa ay sheegeen in heshiiskaan ay galeen Koox yar oo mucaarad ku ah Maamulka Galmuudg sida ay hadalka u dhigeen iyo Xaaf oo baxsad u ah Ahlusunna. Sidoo kale, waxa ay sheegeen in Galmudug ay galeyso doorasho lagu dooran doono Hogaamiye Cusub oo bedeli doona Xaaf, sida ay haddalka u dhigeen taa oo dhici doonta 15 bishaan. Talaabadan ayaa imaaneysa xili Hogaamiyaha Galmudug iyo Sheekh Shaakir ay wada galeen Heshiis dhigaaya in hogaamiyaha Ahlu Sunna uu noqonayo Madaxa Xukuumada Maamul goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Heshiiska Xaaf iyo Shaakir oo la diiday (War culus oo kasoo baxay Cadaado) appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad “Indho Cadde” uu ku hingoobay rajadiisii ku aadaneyd xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee Somalia. Ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaan kasoo xiganay in dowladu ay Indha Cadde raali galin ka siisay in loo magacaabo xilkaasi sababo la xiriira awood qeybsiga iyo heerka uu gaarsiisan yahay Khibrada shaqsiga loo magacaabayo xilka. Codsiyada Indha Cadde oo muddo laba asbuuc ka badan yaala Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa raali galin ka bixiyay Ra’isul wasaare Kheyre oo isagu kaalin weyn ku leh xulista Taliyayaasha Hay’adaha amaanka miiska u saran Farmaajo. Xilkan oo iminka banaana ayaa waxaa ku loolamaaya ilaa Siddeed Musharax oo ay ku jiraan kuwo horay usoo fashilmay iyo kuwo soo hayay Garsoorka dalka oo xilalkoodii hore ku waayay Musuq, wallow ay iminka isku soo hareen ilaa laba musharax oo mid ay wadato Villa Somalia, sida aan xogta ku helnay. Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ayaa ka fiirsanaaya shaqsiga ay u magacaabi doonaan xilka Taliyayaasha NISA iyo Booliska oo iminka la shaqeyn la’ Taliyayaal la’aan. Ma cadda sida uu arrinku noqon doono waxaase soo baxaaya in shaqsiyaadka loo magacaabayo xilalkaasi ay baaritaano badan mari doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Indha Cadde oo ku hungoobay xil uu muddo ka raadinayey dowladda Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  18. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay ka baxday heshiis ay Sanadkii 2015kii kala saxiixdeen dowladda Jabuuti kaas oo qorayay in Itoobiya ay dhisto dhuun shidaalka qaadda oo Dalka Itoobiya geysa noocyada kala duwan ee shidaalka. Masaafada Dhuunta shidaalka ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 550KM, waxaana dowladda Itoobiya sheegeysaa in ay u joojisay dhaqaale xumo darteed. the Reporter. oo ka soo baxa Dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu wareystay sarkaal ka tirsan Dowladda Itoobiya una sheegay in dowladda aysan bixin karin lacag ka badan $1.5 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah. Sarkaalkaas oo aan maaciisa la shaacin ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay dhameystirtay dhismaha Waddada Tareenka ee Jabuuti iyo Itoobiya,waxaana ay sheegtay in beddelka kaalinka shidaalka ay Tareenka adeegsan doonto. Dhismaha Waddada Tareenka ayuu sheegay in ay ku baxday $4 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,kaas oo badeecadaha kala duwan ka soo qaadaya dekadaha dalka Jabuuti geynayana Itoobiya. Tareenkan ayaa waxaa uu qaadi doonaa shidaalka kala duwan sida diesel, gasoline iyo shidaalka diyaaradaha,waxaana uu xusay in dowladda Itoobiya go’aansatay kordhinta adeegsiga Tareenka. Shidaalka Itoobiya ay dibadda ka dhoofsato ayaa gaaraya 3.8 Milyan Mitirik tan,waxaana uu sanad kasta sare u kacayaa 10%,sida ay sheegtay warbixinta The Reporter. Xilligan ka hor Itoobiya Shidaalka ay adeegsato waxaa ay Jabuuti kaga soo qaadanjirtay Gawaarida waaweyn,ilaa bartamaha Itoobiya waxaana ku bixi jiray qarash aad u farabadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ethiopia oo heshiis muhiim ahaa uga baxday Jabuuti iyo xaalka oo ku xun appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Militeriga dalka Ugandha ayaa digniin culus kasoo saaray khatarta ay maleeshiyaadka al-Shabaab la damacsan yihiin goobaha ay ka taliso dowlada Federaalka ah ee Somalia. Taliska waxa uu sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay maleegayaan khataro hor leh oo ay ku aar-goosanayaan maleeshiyaadka looga dilay duqeymaha ka socda Gobolada Somalia. Major Gen. Peter Elwelu oo ka tirsan mas’uuliyiinta ugu sareysa Taliska qeybta ciidamada lugta ayaa cadeeyay inay jiraan macluumaad rasmi ah oo muujinaaya in al-Shabaab ay ku howlan yihiin weeraro argagixiso oo ay ka geysan doonaan goobo muhiim ah. Major Gen. Peter Elwelu, waxa uu carab dhabay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weli khatar weyn ku yihiin ammaanka Somalia oo ay ka wadaan weerar khasaaro geysta. Isagoo ka hadlaayey xero ciidan oo ku taala Uganda laguna kala badalayay ciidamo ka tirsan Uganda oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidamada cusub ee la geynayo Somalia ay ka feejignaadaan halista al-Shabaab. Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Uganda ay u diyaarsanyihiin ka hortagista iyo howlgalada ka dhanka ah al-Shabaab. Sidoo kale, ciidamada Ugandha uga sugan jiida dagaalka ee Somalia ayuu ugu baaqay inay ka feejignaadan weeraro kaga imaada al-Shabaab. Haddalka Major Gen. Peter Elwelu ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaadka al-Shabaab ay dhabar jab xoogan kala kulmeen weerarada ay diyaaradaha Mareykanka ka geysanayaan Gobolada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ugandha oo digniin kasoo saartay arrin khatar ah oo Shabaab ay soo waddo appeared first on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qado sharaf Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Ciyaartooyda Xulka kubada Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabanayo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal iyo masuuliyiin kale ayaa munaasabadan ka qayb galay. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in Xulka kubada Cagta Jubbaland ay ku guulaystaan koobka Dowlad Goboleedyada dalka isla markana ay muujiyaan niyad wanaag iyo habdhaqan wanaagsan marka ay garoonka ku jiraan. Madaxweynahu wuxuu Ciyaartooyda ku booriyay in ay soo celiyaan tariikhdii Jubbaland ay caanka ku ahayd isla markana ay koobka keenan Caasimada KMG ah ee Kismaayo. Isagoo ka hadlayay sida ay uga go’an tahay in Ciyaaraha la hormariyo ayuu Madaxweynahu sheegay in ay sababta ugu weyn ee Kismaayo loogu qaban waayay Ciyaaraha ay tahay in la doonayo in qaab casri ah oo Ciyaaraha waa weyn lagu qaban karo loo habeeyo garoonka kubada Cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo isla markana la hormarin doono xirfadaha kala duwan ee Ciyaaraha Madaxweynahu waxaa kale oo uu balan qaaday in la abaal marin doono Ciyaartooyada Jubbaland isla markana iyaga laga bilaabayo hanaanka shaqo abuurka dhalinyarada oo ay dhawaan meel marinayaan golaha Wasirada Jubbaland. Xildhibaano Wasiiro iyo masuuliyiin kala duwan oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland ayaa balan qaaday in si wanaagsan uga qayb qaadan doonaan muuraal siinta Xulka kubada Cagta Jubbaland. Puntlandi.com
  21. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 December 2017 cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar kamid ah ciidanka Madaxtooyada oo dhaawac soo gaadhay dhowaan iyagoo ku guda jira difaaca dalkooda. Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ciidanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshayta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kulan laqaatay maamulka cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho suu uga warayso xaaladda caafimaad ee saraakiisha, waxaana ay u xaqiijiyeen Madaxweynaha in guud ahaan ciidanka ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay maalinba maalinta ka danbaysa kasoo raynayaan. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u qooqday saraakiisha dhowaan dhaawacu ka soo gaadhay qarax ay labeegsadeen sharwada yaasha tamarta yar, iyagoo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu si naxaariis iyo masuuliyadu ku jirto ula-dareemay xaaladda ay ku jiraan, isla markaana waxa uu Alle uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka ay waxyeeladani soo gaadhay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, waxaana ay kamid ahaayeen saraakiishani illaalada khaaska ah ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Puntlandi.com
  22. Madaxweynaha maraykanka Donald Trump oo hadal ka jeediyey Aqalka Cad ayaa ku dhawaaaqay in uu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil,sidaasi darteedna uu waaxda Arrimaha debadda dalkiisa amar ku siiyey in Safaaradda Maraykanka loo raro halkaasi. Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in uusan ka laaban hadafkii ahaa nabad ka dhalata Israa’iil iyo Falastiin oo ku salaysnaa xal laba dowladood,si looga gudbo khilaafka mudada dheer ee dhulka ay ku muransan yihiin. Trump oo go’aankaan shaacinaya ayaa yiri“waxaan go’aansaday in ay tahay wakhtigii si rasmi ah Qudus loogu aqoonsan lahaa caasimadda Israa’iil”,wuxuuna raaciyey”iyadoo maadxdii hore ee Maraykanku ay ol-olahooda ugu weyn ee doorashada ku geli jireen ballanqaadkaan ayna ku fashilmeen ayaan maanta ka dhabeeyey”. Wuxuu sheegay in tallaabadaan ay marar badan daahday,islamarkaana Israa’iil tahay dowlad madax-bannaan oo xaq u leh in ay”go’aamiso caasimadeeda“,isagoo caddeeyey in uu amar siiyey Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka in safaaradda dalka loo raro maagaalada Qudus”hawshu si deg deg ah ayey u bilaaaban doontaa,enjineerada ayaa ka shaqeyn doona dhismaha safaaradda cusub”. Trump ayaa hadalkiisa raaciyey in madaxweyne ku xigeenkiisa Mike Pence uu maalmaha soo socda safar ku tegi doono gobolka Bariga dhexe si uu bah-wadaagta Maraykanka ugu xaqiijiyo”in Maraykanka ay ka go’antahay dagaalka xagjirka halista ku ah jiilasha mustaqbalka”. Go’aanka Trump ayaa ku soo beegmay xilli dunida muslimka iyo caalamkaba si weyn looga horjeestay in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil,islamarkaana baaqyo loo jeediyey in uu go’aankaas ka laabto. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aankaan ku tilmaamay“mid taariikh ah oo caddaalad ah“,laakiin inta badan dunida ayaa laga cambaareeyey qararka Trump. Sidoo kale gudaha Falastiin ayaa waxaa ka bilowaday kacdoon xooggan iyo rabshado. Madaxweynaha falastiniyiinta Mahmud Abbas ayaa sheegay in go’aanka Trum soo xiray xalkii nabadda labada dhinac(Israa’il iyo falastiin),halka Ururka Hamas uu tilmaamay in qaraarka” uu albaabada jaxiima ku furayo danihii Maraykanka ee gobolka Bariga dhexe”. Dhammaan dhinacyada Falasiiniyiinta ayaa maalinta berri ah ku dhawaaqay kacdoon weyn oo looga horjeedo Israa’iil iyo Maraykanka,iyadoo caawo dadka reer Falastiin ay u tahay habeen murugo badan oo ay waddooyinka safan yihiin,iyagoo sita boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ka dhan ah Trump. ,Qaramada Midoobay, Midowga Yurub,iyo Jaamacadda Carabta,ayaa durbadiiba ka hadlay go’aankan waxayna sheegeen in ay si weyn uga walaacsan yihiin. Dalka Turkiga ayaa mas’uuliyadda darro ku tilmaamay qaraarkaas,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha debadda waddankaas. Madaxweynaha Faransiiska oo shir jaraa’id qabtay wax yar kadib go’aanka Trump ayaa yiri”ma taageersanin qaraarkan aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah,waana mid laga qoomameeyo”. Dhinaca kale Idaacadaha Israa’iil ayaa sheegay in goor horeba dowladda Philippine ay ku dhawaaqday in ay safaaraddeeda u wareejinayso magaalada Qudus,inkasto aan weli la xaqiijin karin warkaasi. Ammaanka Safaaradaha Maraykanka ee dalalka debadda ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo laga cabsi qabo weerarro in lagu qaado sida ay soo werisay warbaahinta Maraykanka. Cabdiraxmaan Ciise Cumar PUNTLAND POST The post Trump oo Qudus u aqoonsaday Caasimadda Israa’iil iyo Caalamka oo ka falceliyey. appeared first on Puntland Post.
  23. HARGEISA— The Somaliland currency, the Shilling, has slid to all time low against the dollar on Wednesday traders said. Some currency dealers in the street of Hargeisa have said that there is a need to introduce measures aimed at halting the decline of Somaliland currency and the country’s economy is at low ebb. Some financial institutions exchange a dollar for 1 million Shillings while other business people exchange at the rate of over 1 million Shilings for a dollar.The chairman of currency dealers in Hargeisa has given an interview to Somali Channel and said that tackling inflation and exchange rate hike is for the President elect to deal with urgently. The chairman has called on President-Elect to hold an emergency meeting with them so that they will discuss the best remedy on this economical crisis. The currency dealers have blamed for the outgoing Silanyo’s administration which failed to implement the measures which were agreed to solve the current problem. They have said that the president elect must come up swift decisions aimed at tackling the skyrocketing and high stand of living in Somaliland. The current economic dilemma poses a real risk to poor families in Somaliland. Somaliland’s currency has declined over the years. Somaliland is a broke away state that unilaterally seceded from Somalia in 1991 but it has not been recognized.
  24. Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmajo in Moghadishu, Somalia on 16 February 2017 [Sadak Mohamed/Anadolu] December 5, 2017 at 10:48 am Somali President Mohamed Abdullahi “Farmajo” Mohamed has refused to meet Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu during a visit to Kenya. Farmajo was in Kenya to attend an African Heads of State meeting in Nairobi. Hamas praised the leader’s move in standing in the face of the oppressor and refusing to meet him. Senior Hamas member, Mousa Abu Marzouq, said: “With the example of these leaders, attitudes have value and meaning, and their country has respect and appreciation, and their people have dignity.” Hamas’ Izzat Al-Rishq also thanked the Somali president’s position which he said “reflects the authenticity of the brotherly Republic of Somalia in standing with Palestine and rejecting any normalisation with an entity which occupies land and holy places.”