-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb-galaya shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ( OIC ). Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in safarkan uu salka ku hayo arrimaha ka soo kordhay magaalada barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkan. “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka qeyb-galayaa shirka Qudus oo 6dii bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.” Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. “Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.” Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.
-
Qarax lagu soo xiray Gaari ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kaa oo la sheegay in loogu xiray mid kamid ah Weriyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lasoo warinayaa in Gaariga loogu xiray Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka tirsanaa Wariyeyaasha ka howlgala Tv-ga Kalsan. Xiliga Qaraxa Wariyaha ayaa maraayay Suuqa Kaluunka ee Degmada Wadajir, waxa uuna u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray Qaraxa. Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in marxuumka ay xiliga Qaraxa uu wehlinaayay Weriye kale oo lagu magacaabo C/fitaax Bidaar iyo laba canug oo uu dhalay Wariyaha marxuumka ah. Wariyaha iyo labada Carruur ee la socday allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Gaabow ayaa ka badbaaday Qaraxa, keliya waxa uuna saameeyay goobta uu marxuumka ka fadhiyay Gaariga. Sidoo kale, Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray qeybta dambe ee Kursiga Darawalka waxayna taasi ay sababtay in qaraxa uu ka haleelo qeybaha sare iyo qeybaha dhexe ee jirkiisa, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu kala go’ay Marxuumka dhintay.
-
The Ethiopian government says its embassy will continue to be in the known Israeli capital, Tel Aviv despite United States president opting to recognise Jerusalem as the capital. At a media conference late last week, Foreign Ministry spokesperson Meles Alem told reporters that Trump’s move applied to the U.S. alone. “We, as part of the African Union, endorse the two-state solution,” he added. Last Wednesday, December 6, 2017; Trump officially announced that the U.S. formally recognised the contested city of Jerusalem as Israel’s capital and that plans were afoot for their embassy be moved. The Chairperson of the Commission reiterates the solidarity of the African Union with the Palestinian people and its support to their legitimate quest for an independent and sovereign State with East Jerusalem as its capital….. Source: – Bernama The post Ethiopia Backs AU Stance On Jerusalem, Says No Plans To Relocate Embassy appeared first on Caasimada Online.
-
Up to 6,000 Africans who fought for the Islamic State (IS) jihadist group in Iraq and Syria could return home, the African Union’s top security official warned Sunday, calling on countries to prepare for the threat. Smail Chergui, the AU’s commissioner for peace and security, said African nations would need to work closely with each other and share intelligence to counter returning militants. “There are reports of 6,000 African fighters among the 30,000 foreign elements who joined this terrorist group in the Middle East,” Chergui told a meeting in Algiers, according to the Algeria Press Service news agency. “The return of these elements to Africa poses a serious threat to our national security and stability and requires specific treatment and intense cooperation between African countries,” he said. Tens of thousands of foreign fighters joined the Sunni extremist group after it seized vast swathes of Iraq and Syria and declared a caliphate in 2014. But the group has suffered a host of losses to both its territory and military capabilities in the last year. Backed by a US-led coalition, Iraqi forces gradually retook control of all territory lost to the jihadists, declaring on Saturday that the country was now liberated from its control. In Syria, the group faces western-backed Syrian rebels, jihadist rivals and government forces that are supported by Russia and Iran. But the losses have sparked fears that IS’s remaining foreign fighters may now relocate, bringing their extremist ideology and violence with them. Source: AFP The post 6,000 IS jihadists could return to Africa, AU warns appeared first on Caasimada Online.
-
President Vladimir Putin has ordered the partial withdrawal of Russian troops from Syria, during an unannounced visit there on Monday. Mr Putin was met by Syrian President Bashar al-Assad as he arrived at the Russian Hmeimim airbase, near Latakia. Russian military support has been crucial in turning the tide of Syria’s civil war in Mr Assad’s favour. Mr Putin made a similar withdrawal announcement last year, but Russian military operations continued. “I order the defence minister and the chief of the general staff to start withdrawing the Russian group of troops to their permanent bases,” Mr Putin said on Tuesday, according to the Russian RIA Novosti news agency. “I have taken a decision: a significant part of the Russian troop contingent located in Syria is returning home to Russia,” he added. Mr Putin said that if “terrorists raise their heads again”, Russia would “carry out such strikes on them which they have never seen”. “We will never forget the victims and losses suffered in the fight against terror both here in Syria and also in Russia,” he said. He told President Assad that Russia wanted to work with Iran, the government’s other key ally, and Turkey, which backs the opposition, to help bring peace to Syria. Last week, Mr Putin announced the “total rout” of jihadist militants from so-called Islamic State (IS) along the Euphrates river valley in eastern Syria. Russia launched an air campaign in Syria in September 2015 with the aim of “stabilising” Mr Assad’s government after a series of defeats. Officials in Moscow stressed that it would target only “terrorists”, but activists said its strikes mainly hit mainstream rebel fighters and civilians. The campaign has allowed pro-government forces to break the deadlock on several key battlefronts, most notably in Aleppo. The Syrian and Russian air forces carried out daily air strikes on the rebel-held east of the city before it fell in December 2016, killing hundreds of people and destroying hospitals, schools and markets, according to UN human rights investigators. Moscow has consistently denied that its air strikes have caused any civilian deaths. However, the Syrian Observatory for Human Rights reported on Sunday that Russian air strikes had killed 6,328 civilians , including 1,537 children. The UK-based monitoring group has documented the deaths of 346,612 people in total since the start of the uprising against Mr Assad in 2011. Source: BBC The post Russia’s Putin visits Syria airbase and orders start of pullout appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Istanbuul ee cariga dalka Turkiga u ambabaxay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminaayay. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa in magaalada Istanbuul ay uga qeybgalaan shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyay OIC. Shirkan ka furmaaya magaalada Istanbuul oo xiisa gaara leh ayaa waxaa looga arrinsanayaa Go’aanka uu magaalada Qudus Madaxweynaha Mareykanka Trump ugu wareejiyay caasimada Israel. Shirkan ayay dowladaha Muslimka ah go’aan kaga gaari doonaan Mowqifka uu Trump Qudus ugu hibeeyay magaalad Qudus oo ay leeyihiin falastiiniyiinta. Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa shirkan ku dhawaaqay 6dii bishaan si ay Madaxda wadamada Muslimiinta ah isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil. Sidoo kale, qorshaha shirkaan ayaa ah inuu bilaabto maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Dhinaca kale, Madaxda dalalkan ayaa la filayaa in shirkooda ay kasoo saran Mowqif mideysan oo lid ku noqon doona Madaxweyne Trump iyo Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo & Wafdi uu hogaaminaayo oo shir degdeg ah uga qeybgalaaya dalka Turkiga appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa halis ku tilmaamay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Trump ee arrinta Qudus. Qoraal uu Jawaari ka hor akhriyay golaha shacabka, waxaa uu soo qaatay qaraarada uu derbiga ku dhuftay Trump ee ka soo baxay golaha ammaanka. Qoraalka waxaa uu qornaa sidan: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxuu 6 Desember 2017 magaalada Qudus u aqoonsaday magaalo madaxda Israa’iil, go’aankiisaas oo qalaamorogay go’aanadii wadar ogolka caalamku isku raacay oo muddo konton sano soo jiry 1967-2017. Magaalada Jerusalem, kala barked waxaa xoog hubeysan ku qabsatay Israa’iil dagaalkii 1967. Sanadkii 1980 Israa’iil waxay ansixsatay sharci ay ku caadeysay in magaaladaas ay gebi ahaanteed ka mid tahay dalkeeda taas oo xadgudub toos ah ku ah qawaaniinta caalamiga ah . haseyeeshee shacbiga Falastiin waxay aaminsan yihiin Bariga magaalada Jerusalem in tahay magaalo madaxda dowladooda tan iyo 1967 qaraaro fara badan oo uu u abaaran xallinta iyo badbaadinta xaaladaha murugsan ee magaalada ay QM iyo hay’adaheedaba ka soo saareen . Qaraarada Golaha Ammaanka QM: Qaar Lr .242: 22 November Resolution 1967 Golaha ammanku wuxuu qaraarkan wadar oggol ku go’aamiyey in Israa’iil ciidamadeeda Qalabka sida kala baxdo dhulka Falastiin ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967. Qaraar Lr. 250 Abriil 1968, wuxuu Golaha ammaanka ku go’aamiyey in Israa’iil aanay dhoollatus ku qaban magaalada Jerusalem, Qaraar Lr: 2 Maajo 1968 golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dhoolatuska ay ku qabatay magaalada Jerusalem, taas oo ay ku xadgudubtay qaraarka golaha ammaanka. Qaraar Lr. 252: Maajo 1968 goluhu wuxuu Israa’iil ka codsaday in ay joojiso hawlgallada ay ka wado Jerusalem,, wuxuu kaloo Goluhu cambaareeyay kana soo horjeedaa dhulka kasta oo ay xoog hubeysan iyo gadgudub ku beeleysato, Goluhu wuxuu Israa’iil faray in ay ka joogsato oo aanay qaadin taallabo dambe oo wax ka bedel kara maqaamka magaalada. Qaraar Lr. 267: Luulyo 1969, wuxuu Goluhu dib u ayiday qaraarka Lr 252, wuxuuna ku adkeystay in aan marna la oggolaan Karin in la yeesho dhul lagu qabsaday xoog milatari. Qaraar Lr 271 : Seteember 1969, golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dabkii qabsaday masjidka aqsa as-shariifka khasaarooyinka geystay , dhismahaas oo ay israa’iil xoog ku haysato . waxaa la faray in israa’iil ay ilaaliso axkaamta ku xusan cahdigii Geneva oo aysan horistaagin gacan ku haynta iyo hawlahood dayacatiridda. golaha sare ee muslimiinta Jerusalem, oo qorshooyinka hawlahooda ka mid yihiin gacan ku haynta iyo dayactiridda dhismooyinka muqaddaska u ah magaalada ku yaal. Qaraar Lr. 298: Semtember 1971, wuxuu si cad oo aan caad saaraneyn u qeexay in uu sharcidarro yahay wax ka badelka milkiilayadeed kasta oo ay ku sameeyso Jerusalem, oo ka mid yihiin dhulka boob lagu milkiyad guuristo. Qaraar Lr 465 maarso 1980, wuxuu goluhu faray Israa’iil inay joojiso qorshah ay ku wado dhismooyinka beeleysiga ah ay ku degaameyneyso dhulkii ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967 oo magaalada Jerusalem, ka mid tahay, goluhu wuxuu kaloo ka codsaday in ay dhismooyinka ay deegaamadaas ka dhistayna ka dudumiso. Qaraar Lr 30 juun 1980, Golaha ammaanka QM wuxuu dib u ayiday in loo baahanyahay in waxa laga qabto joojinta beeleysiga dheeraaday oo ay Israa’iil xoogga ku haysato dhululka carabta tan iyo 1967 wuxuuna goluhu dib ugu adkaysatay fal kasta oo wax ka bedel milkiyadeeda lagu sameeyay magaalada Juresalem waa wax kama –jiraan waana in dib loogu noqdaa. Qaraar Lr478: Agoosto 1980, Golaha Amniga wuxuu si adag u cambaareeyay sharciga Israa’iil anisixisatay kaas oo wax ka bedel ku sameeyay maqaamka Jerusalem. Qaraarka wuxuu dhammaan dowladaha Safaarado ama xarumo diblomaasi ku leh Juresalem uu ugu baaqay in ay safaaradahooda kala baxaan magaaladaas. Qaraar 672 : October 1990, Goluhu wuxuu cod dheer u sheegay dareenkiisa ku saabsan adeegisga cunfiga ah gacan ka hadalka ee sababay in ay ku geeriyoodaan in ka badan 20 qof oo falastiiniyiin ah. Qaraarka waxaa kaloo lagu cambaareeyay falal dambiyeedka cunfiga ah ee ay ku kacaan ciidamada amniga israa’iil wuxuuna Israa’iil ku tilmaamay in ay tahay mid dhulka xoog sharcidarro ah ku haysato. Qaraar Lr 1073 Semtember 1996, golahu wuxuu welwel ka muujiyey arrimaha la xiira israa’iil oo furtay xaluulad dhulka hoostiisa ah ee u dhow masjidul Aqsa oo dad badan oo rayid ah ku dhinteen, wuxuuna ku baaqay in la xaqiijiyo ilaalinta amniga badbaadinta muwaadiniinta falastiiniga ah rayidk ah. Qaraar Lr 1322 7 October 2000, wuxuu si xoog le u cambaareeyay booqashada hoggaaamiyaha mucaaradka Ariel Sharon ku tagay masjidul Aqsa iyo qalalaasihii cunfiga wehliyey ee halkaas iyo meelo kaloo muqaddas ah ka dhacay sababayna dhimasho in ka badan 80 qof oo falastiini ah. Qaraar Lr2334: December 2006, wuxuu goluhu cambaareeyay dhismooyinka beeleedka israa’iil ku deegaameysaneyso dhulalkii ay xoogga ku qabsatay 1967 oo ay bariga Jerusalem ka lid tahay. Golaha amniga QM waxay hoosta ka xariiqday in aysan aqoonsanayn wax ka bedel kastoo lagu sameeyo jiidamihii sooh-dimadii hore oo jiray dagaalkii 1967 ka hor, wuxuuna si cad u sheegay in joojinta dhammaan hawlgalka Israa’iil ka waddo dhismooyinka deegaameysiga waxay dan lagama maarmaan u tahay badbaadinta jirsiinta xalka dhismaha dowladdooda. Qaramada 1397: Maarso Goluhu wuxuu Hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israa’iil ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan geedisocodka nabadda iyo kuwada xaajoodka u abbaaran xal raadin siyaasadeed Goobjoog News Source
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare oo Xoogga dalka ah,ayaa Maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland. taliyaha iyo Wefdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere),hoggaanka ciidamada Daraawiishta iyo saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee degaannada puntland. Labada taliye ayaa si wadjir ah saxaafadda ula hadlay,waxaana hadalka ku hormaray gen.Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere) oo sheegay in Puntland tahay halka ugu ballaaran Soomaaliya”oo nabadda iyo xasiloonida iyo is-difaaca nafsiga ah ka jiro“,taasoo ay ku gaartay”isku-tashi iyadu leedahay Ilaahay ka sokoow”,sida uu hadalka u dhigay. Siciid Dheere ayaa tilmaamay in uu maqsuud ka yahay imaanshaha taliye Gorod,islamarkaaana ay si gaar ah ugu qiimeyn donaan taarikhda in uu markii la magacaabay durbadiiba Puntland soo booqday. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey,wuxuuna sheegay in isaga iyo wefdigiisu Puntlnad u yimaadeen sidii ay ula kulmi lahaayeen ciidan gaaraya 2400 askari oo dhowaan Puntland ku wareejisay dowladda Soomaaliya,kana mid noqday Ciidanka Xoogga dalka. Taliye Gorod sidoo kale sheegay in uu la kulmi doono madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,islamarkaana uga sii gudbayo dhinaca gobolka Mudug ee colaaddu ka jirto. Dhimaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabullaahi Xaaji Cumar(Cameey) oo saaka hadal u jeediyey ciidankii dhowaan lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya ee ku sugan xerada 54 aad ee duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe,ayaa u sheegay in ay yihiin ciidan qaran oo Soomaali oo dhan u dhexeeya,sidaasi darteedna ay mas’uuliyad ballaaran iska saaraan difaaca dalkooda hooyo. Xerada 54 aad ee ciidankaan ku jiraan aya waxaa saaka booqday saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay,kuwaasoo kulan halkaasi kula qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo saraakiisha ciidanka. Talaadada berri ah ayaa la filayaa in uu xeradaas booqdaan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) iyo wefdigiisa,iyagoo soo kormeeri doona ciidanka. Halkaan ka daawo Muuqaalka. Sawirro. PUNTLAND POST The post Daawo:Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo Maanta Garoowe soo gaaray. appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimadda Online) – Qarax ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka gaar ahaan Busteejada laga raaco Basadka. Ciidama Booliska ayaa xaqijiyey in qaraxaas loo qabtay hal qof kaasoo ah nin u dhashay dalka Bangladeshi, waxaana da’idiisa lagu sheegay inay tahay 27 sano jir. Qaraxaas ayaa la sheegay inay fulisay Kooxda ISIS waxaana waxyaabaha qaraxa lagu arkay Calaamad muujineyso magacooda, waxayna Booliska sheegeen inuu yahay Qarax Argagixiso. Waxaa la sheegay inay Qaraxaas ku dhaawacmeyn ilaa 4 qof oo uu ku jiro ninka laga shakinsan yahay, waxaana la xaqiijiyey dhammaan inay dhaawacyada yihiin kuwa aan cusleyn. Qaraxaan ayaa kusoo aadayo afar berri ka dib go’aankii kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda dalka Israa’iil. Ugu dambeyntii Dalka Bangladesh ayaa wuxuu kamid yahay wadamadii ay ka dhaceyn banaanbaxyadii ugu weynaa ee looga soo horjeeday go’aanka Trump, waxaana macquul ah inuu qaraxaan jawaab u yahay go’aankaas. The post Sawiro: Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Garoowe waxaa ka socda olole lagu ciribtirayo qashinka xaafadaha Garoowe oo ay samaynayso dowladda hoose ee Garoowe oo kaashanaysa xaafadaha iyo dhalinta yarada Magaalada. Ololahaan ayaa waxaa hormuud ka ah Masuuliyiinta dowladda Hoose ee Garoowe iyo xildhibaanada golaha deegaanka waxaana qashinka laga Nadiifinayaa dhamaan xaafadaha magaalada Garoowe. Xoghayaha Dowladda Hoose ee Garoowe Maxamuud Cali Gurey iyo Duqa degmada Xasan Maxamed Ciise goodir ayaa shacabka kala qaybqaatay ololahaan Nadaafadeed iyagoo gacantoo wax uga guray. Xoghayaha Dowladda Hoose Maxamuud Cali Gurey ayaa sheegay in hal ku dhiga dowladda hoose uu yahay Caasimad Nadiif ah oo lamid ah caasimadaha aduunka. Xoghaya Waxaa uu fariin u diray shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee Magaalada Garoowe waxaana uu ka codsaday inay ka qaybqaataan ololahaan Nadaafadeed ee lagu ciribtirayo qashinka. Halkaan ka daawo Sawirradda. The post Olole lagu ciribtirayo qashinka oo ka socda Garoowe+Sawirro. appeared first on Puntland Post.
-
Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed isla markaasna horey uga tirsanaa Madaxdii Midowgii Maxamakadaha Islaamiga ee mar la wareegay gacan ku heynta Soomaaliya ayaa ka hadlay xalaadda dalka Soomaaliya iyo halka ay mareyso siyaasadda. Sheekha oo wareysi siiyey Radio Dalsan waxa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Amniga, Dhaqaalaha, Musuq maasuqa iyo Go’aankii Mareykanka ee Trump uu Magaalada Barakeysan ee Quddus ugu aqoonsaday Caasiimadda Yuhuuda. Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa ku sheegay inay yihiin kuwa ku shaqeeyo fikradaha dowladda Itoobiya, wuxuuna hadalkaan sheegay mar uu ka hadlayey xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Waddooyinka Muqdisho ay ka jiraan dhibatooyin badan oo ka dhashay Ciidamada joogo Kontaroolada Magaalada, wuxuuna tilmaamay in baaritaanadaas lagu qabo dhibaato badan, wuxuuna si gaar ah usoo hadal qaaday dhibaatada ay shacabka ku qabaan marka la xiro jidadka Muqdisho. Ugu dambeyntii Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa codsaday in lasii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Xabsi Guri ku jira tan iyo Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo dhawr jeer diiday inuu wax ka badalo fikradiisa iyo waxa uu ka aamisan yahay dowladda Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Sheekha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/CODKA-XAAJI-ABUKAR-CUMAR-CADAAN-sax-ah.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Abuukar Cumar Cadaan “Maamul Goboleedyada Itoobiya ayey u shaqeeyaan Dowladdana waa inay Xasan Daahir Aweys…. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay Tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Trump ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda israa’iil. Hadal uu Jawaari ka jeediyay kulan ay maanta Xildhibaannadu ku yeesheen Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta Caalamka ku nool aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Magaalada Qudus. “Somalia iyo Muslimiinta marna gorgortan kama geli doonaan lahaanshaha magaalada barakeysan ee Qudus. Waayo magaaladan waa magaalo ku taalla dhulka Falastiin, waana magaalo ay leeyihiin Muslimiinta oo dhan – mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus,” ayuu yiri Jawaari. Sidoo kale, Wuxuu hadalkiisa ku daray in Qudus ay soo martay waayihii ugu adkaa, isagoo xusay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay aheyd mid aad u khaldan, dhib kasta oo ka dhashana ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan. Guddoomiye Jawaari ayaa Guddiga Arrimaha Dibadda ee baarlamanka faray inay qaraar kasoo diyaariyaan arrinta Qudus, markaas kaddibna qaraarka la horkeeno Baarlamaanka, si ay aragti uga qaataan. Dhanka kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in sumacada Mareykanka ay hoos u dhacday, isagoo ugu baaqay Trump inuu ka laabto go’aankiisan oo uu ku sheegay mid aan macquul ahayn oo xaqiiqada ka fog. Ugu dabmeyn, Muslimiinta iyo waddamo ka tirsan caalamka ayaa Tallaabada Trump uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimada Israa’iil si kulul uga soo horjeestay, waxaana go’aankan ka dhashay dibadbaxyo waaweyn. PUNTLAND POST The post JAWAARI: Soomaaliya iyo Muslimiintu Gor-gortan kama galayaan Lahaanshaha Qudus appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ayaa maanta ka hadashay qorshaha iyo sida ay u aragto doorashada 2021-ka. Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) , waxaa ay ugu horeyn ka hadashay in qorashaha uu yahay mid talaabo talaabo loo qaadayo“Micnaheeda waxaa ay tahay maanta wixii ka dambeeya doorasho haddii aan ku shaqeneyno, waxaa saldhig noo ah qorshahaasi aan degsanay oo aan tallaabo tallaabo ugu shaqeneyno, muhiim waxaa ay u tahay umadda Soomaaliyeed, si gaar ayey muhiim ugu tahay xisbiyada oo la rabo in ay tilaabo, tilaabo ula socdaan, waa wax la imtixaami karo oo la dhihi meeshan waa qaladeen, waxaan ma aadan qaban, waa midda aan rabno in dowladda commitment aan ka helno oo qorshaha ka qeyb-qaadato, waxaa nala fadhiyo wasiirka qorsheynta, hade qorshe isagaa mas’uul ka ah, qorshihii inagana waan soo diyaarinay, gobolka Banaadir sidii aan ula shaqeyn laheyn iyadana waa muhiim”. Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) , waxaa ay soo jeedisay in ahmiyadda la siiyo xarun ay ku shaqeeyaan“Howlo badan dowladda waa ka saaran tahay mas’uul oo ay ugu horeyso xaruntii aan ku shaqeyn laheyn, ama anaga aan isku tashano, oo aan ka helno dowladeena ama gacan ha weydiistaano dowladaha”. Dhinaca kale waxaa ay Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey ka hadashay wada tashi ay la sameyn-doonaan dadweynaha Soomaaliyeed“Waxaan idiin sheegaa go’aankii maalin dhaweyd ka soo baxay dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada in guddiga doorashada uu soo sameeyo wada tashi, oo wax alaale dhibaatooyinka ka jira doorashooyinka ama ka hor imaankaro iyo sida looga gudbi karo in dadweynaha meel kasta oo ay joogaan kala soo tashano, waxaa aadi-doonaa gobollada, dowlad goboleed kasta waxaan tagi-doonaa 4 degmo oo aad u waaweyn, oo dadkooda wada tashi la soo sameyn-doono, waxaa ugu horeyn-doono gobolka Banaadir, waxaan wada tashi kala sameyn-doonaa doorasho hal qof iyo hal cod ah, guddoomiyaha gobolka waa nala fadhiyaa, siyaasiyiinta waa nala fadhiyaan, dowladana waa naga dambeysaa, inteenaas ayaa la rabaa in aan xal u helno doorashada, ” Ugu dambeyntii, waxaa ay Xaliimo Yarey soo jeedisay in cid walba kaalinteeda ka qaadato sidii Soomaaliya doorashada uga dhici laheyd 2021-ka “Waxaan rabnaa 2018-ka in maalin aaney naga lumin, dowladda oo aan ka sugeyno taageero dhaqaale, hey’adaha caalamiga ah oo aan ka sugeyno kaalmaga dhaqaale in aaney maalin ka lumin, xisbiyada iyo siyaasiyiinta in ay isku soo diyaariyaan sidii doorashadaasi uga qeyb-gali lahaayeen, haddii aysan iyaga isa soo diyaarin doorashada ma jireyso iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan”. Goobjoog News Source
-
Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa goordhaweyd ka dhacay isku Aadka Wareega 16-ka tartanka kooxaha horyaalada QaaradaYurub ee UEFA Champions League-ga. Kooxda difaacanaysa tartankan ee Real Madrid ayaa wajihi doonta kooxda lacagta badan lagu kharash gareeyay ee Paris Saint-Germain, halka Kooxda Chelsea ay markeedii Lixaad wareega16-ka ee tartankan la ciyaari doonto kooxda Barcelona. Sidoo kooxda Juventust ayaa wajihi doonta kooxda reer Egland Tottenham, Manchester United ay iyana wajihi doonto kooxda reer Spain ee Sevilla. Isku Aadka Wareega 16-ka ee tartanka Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League ayaa la Ciyaari doonaa 13-ka ilaa iyo 14-ka bisha February 2018-ka. Hoos ka akhriso isku Aadka Wareega 16- ee UEFA Champions League-ga oo dhameystiran. Juventus iyo Tottenham Basel iyo Manchester City Porto iyo Liverpool Sevilla iyo Manchester United Real Madrid iyo Paris Saint-Germain Skahtar Donestk iyo AS Roma Chelsea iyo Barcelona Bayern Munich iyo Besiktas PUNTLAND POST The post Isku Aadka Wareega 16-ka ee Champions League-ga oo la sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Qudus (PP) ─ Ra’iisul wasaraaha Israa’iil ayaa sheegay in ay waajib tahay in Falastiiniyiintu “ay u daadagaan” xaqiiqada ah in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil si loogu dhaqaaqo dhanka geeddi socodka nabadda. Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale. Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil. Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii. Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco. Isaga oo ka hadlaya magaalada Paris oo uu ku weheliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu Netanyahu sheegay in ay “arrin fool xun” tahay in la diido isla xiriirinta dadka Yuhuudda ah iyo magaalada Qudus. “Waxaad ka akhrin kartaa kitaabka wanaagsan – ee Baybolka la dhoho,” ayuu yiri “waxaad ka akhrin kartaa Baybolka ka dib. Waxaadna ka heli kartaa taariikhda dadka Yuhuudda ah ee qurbajoogta ah, waa tuma meesha aan Qudus ahayn ee Israa’iil caasimadda u ahayd? “Sida ugu dhakhso badan ee Falastiiniyiintu xaqiiqada ugu soo dhawaan karaan ayaa ah sida ugu dhakhsoha badan ee aan dhanka nabadda ugu dhaqaaqi karno”. ayuu intaas ku daray. Dhanka kalana afhayeen u hadlay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa si wayn u dhaliilay maamulka Falastiiniyiinta, isaga oo sheegay “in ay nasiib darro tahay” in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas uu diido in uu la kulmo Pence, marka uu dhawaan booqasho ku tago gobolka. Masarna, masuuliyiinta ugu sarreeya diinta Muslimka iyo midda Masiixiyiinta ayaa baajiyay kulan ay la qaadan lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo horay loo sii qorsheeyay, iyaga oo ka biyo diidan go’aanka Maraykanka. ‘Dibadbaxyo tiro badan’ Waxaa jira cambaarayn tiro badan oo loo soo jeediyay go’aankii uu qaatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo uu kaga laabtay dhexdhexaadnimadii Maraykanka ee lahaanshaha magaalada Qudus taas oo ah wadnaha khilaadka dhexyaalla Israa’iil iyo Falastiiniyiinta. Maagaaladan ayaa ah goob ay barakaystaan diimaha waawayn sida Islaamka, Yuhuudda iyo Masiixiyiinta gaar ahaan waliba dhanka bari ee magaalada Qudus. Israa’iil ayaa waligeed u aragta Qudus caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintuna ay ka sheegtaan Bariga Qudus oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaal sannadkii 1967dii in ay tahay caasimadda mustaqbalka ee xukuumadda ay Falastiin yeelan doonto. Axaddii waxaa sii socday mudaaharaadyo lagu diidan yahay go’aanka Maraykanka: Booliiska mudaaharaadyada ka hortaga ayaa boqolaal ruux oo magaalada Bayruut ku mudaaharaaday ku ganay qiiqa dadka ka ilmaysiiya iyo biyo kulul si ay uga hor istaagaan in ay gaaraaan safaaradda Maraykanka. Mudaaharaadyo dheeri ah oo kalana waxay ka dhaceen magaalooyinka Qaahira iyo Rabat oo ah caasimadda Marooko. Dhulka Falastiiniyiintana mudaaharaadyo ayaa ka sii socday, halka ay Israa’iilna ka sheegtay in ay qarxisay marin dhulka hoostiisa ku yaalla oo magaala Qaza ku yaalla, kaas oo ay sheegtay in loo qoday si weerar milatari loogu adeegsado. Kumannaan ruux oo kalana waxay mudaaharaad ka dhigeen bannaanka safaaradda Maraykanka ee ku taalla caasimadda Indonosea ee Jakarta, dadkaas qaar ka mid ahna waxay warfinayeen boorar ay ku qoran yihiin “Falastiin wadnahanaga ayay ku taallaa”. Waxyaabo holcayana waxaa lagu tuuray macbad ay Yuhuuddu ku leedahay magaalada Gothenburg ee Sweden Sabtidii, booliiskuna waxay ku tilmaameen in uu ahaa isku day dab lagu qabadsiinayay oo dhici soobay. ‘Hadallo kulkul oo ay is waydaarsadeen labo masuul’ Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dad badan oo isugu soo baxay magaalada Istanbul u sheegay in uusan Qudus ooga haraynin xukuumad “carruurta laysa”. Netanyahu-na wuxuu sheegay in hogaamiyaha Turkigu “uu weeraray Israa’iil”, isagoo yiri. “Hadal kama dhagaysto hogaamiye uu damiirkiisu siiyay in uu duqeeya tuulooyinka Kurdiyiinta ee ay dagan yihiin dadka asal ahaan Turkida ah, kaas oo xira saxafiyiinta, Iiraanna ka caawiya in ay jabiso cunoqabataynnada caalamiga ah, kaas oo caawiya argagixisada ay ku jiraan kuwa Qaza ee laaya dadka aan waxba galabsanin, ayuuna sii raaciyay. Erdogan ayaa Qaza ku tilmaamay “khad cas” oo arrimaha Muslimka ah wuxuuna ka digay in Turkigu ay soo afjari doonaan calaaqaadkii dublamaasi ee ay la lahaayeen Israa’iil arrinta Qudus awgeed. Turkiga iyo Israa’iil ayaa calaaqaadkooda dublamaasi soo celiyay sannadkii hore uun lix sano ka dib markii uu Ruushku Turkigu calaaqaadka u jaray, iyadoo uu Turkigu ka mudaaharaadayay sagaal ruux oo Turki ah oo Falastiiniyiinta taageersanaa kuwaas oo ay isku dhaceen kumaandoosta Israa’iil iyaga oo saaran Markab oo isku dayaya in ay jabiyaan go’doomin lagu hayay Qaza. Isha: BBC PUNTLAND POTS The post Madaxweynaha Recep Erdogan iyo Netanyahu oo is-weydaarsaday Hadallo aad u kulul appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda maareynta musiibooyinka dabiiciga ee Puntland (HADMA) ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan looga hadlayo wadatashiga iyo meelmarinta qorshaha ka jawaabida abaaraha iyo unug laanta. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay daraasad ay hay,addu ka samaysay 37 degmo iyo 69 tuulo oo ka tirsan deegaanada Puntland, waxaana ka qeybqaatey daraasada 160 qof oo hay’addu dirtay, Iyadoona lagu eegayay daraasadda sababaha mar kasta soo celceliya abaarta. Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah qorshaha wax ka qabashada isbedelka cimilladda. Daawo Sawiradda Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garowe:-HADMA oo qabatay kulan ku saabsan wadatashiga iyo ka jawaabida abaaraha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda Magaalada Qudus. Xildhibaanada ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado tilaabadii Madaxweyne Trump ee Qudus kaga dhigay Caasimadda Is’raaiil. Waxa ay sidoo kale tilmaamay in ay soo saari doonaan Go’aan Mid ah oo ka dhan ah hadalka Trump. Dhanka kale Xildhibaanada Golaha SHacabka ayaa doodaya ka miisaaniyadda Dowladda ee 2018,maadaama ay muhiim u tahay howlaha Dowladda. Miisaniyadda Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaareysay 274 Milyen oo Dollar,taasi oo ka badan miisaaniyadii 2017,ilaa 14 Milyen,waxaana horey u soo ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya. Sida uu qabo shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha SHacabka,marka la ansixinayo hindise sharciyeed kasta amma miisaaniyad kasta waxaa la marsiiyaa aqrinta koowaad iyo tan labaada iyadoo kadib loo gudbo ansixinta oo inta badan u dhacda qaab gacan taag ah. Khudbad uu Guddoomiyaha ka jeediyay kulankii Xildhibaanada ee maanta ayuu sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Qudus. “Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gor gortan ka gali meyso lahaanshiyaha Qudus, Qudus waa magaalo ku taalo dhulka falastiin waana magaalo ay leeyihiin muslimiinta oo dhan mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xaaladda Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda horumarinta talyaaniga ayaa maanta waxay wasaaradda caafimaadka iyo UNFPA ku wareejisay lacag dhan €3 milyan oo Yuuro. Lacagtaan ayaa loogu talogalay in lagu hormariyo hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in badbaado loo helo dhallaanka iyo hooyada Soomaaliyeed. Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Fowsiya Abiikar oo munaasabadda lacagtaan lagu wareejinayey hadal ka jeedisay ayaa sheegtay iney soo dhoweynayaan lacagtaan ay ku deeqday hay’adda horumarinta Talyaaniga. Waxay sheegtay wasiir Fowsiya iney jirtay daraasaad lagu sameeyay xarumaha caafimaadka sida dhismaha, adeegyada caafimaadka iyo shaqaalaha, taasi oo soo socotay sanadihii 2014-2015 iyo 2016, iyadoo tilmaamay in lacagtaan lagu deeqay tahay mid wax badan qaban doonto. Dhanka kale, mas’uuliyiinta isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa dhowr jeer oo horey waxay cabasho ka muujiyeen dhibaatooyin ay sheegeen iney ku qabaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka iyaga oo sheegay ineysan xilligaasi jirin cid garab istaagta marka laga tago dawooyin kaga yimaada hay’ado hoostaga Qaramada Midoobay oo isbitaalkaasi siiya dawooyin aan ku filneen. Lacagtan lagu wareejiyey Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa la filayaa in waxbadan ay ka bedasho baahiyaha ka jira daryeelka hooyada iyo dhallaanka. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dagaallameen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhaawac u badan, iyadoo ciidamadan la sheegay iney isku haystaan arrimo dhul la xiriira. Shacabkii ku dhaqnaa nawaaxiga halka ay ku dagaallameen ciidamadan ayaa la sheegay in xaafadahooda ay ka barakaceen si aanay dagaalkaasi u saameyn. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in sidoo kale halka lagu dagaallamay ay gaareen ciidamo kale oo dowladda ah, kuwaasi ka qeybqaadanayey daminta dagaalkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku Dagaallamay Degmada Kaaraan ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale. Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil. Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii. Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco. Isaga oo ka hadlaya magaalada Paris oo uu ku weheliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu Netanyahu sheegay in ay “arrin fool xun” tahay in la diido isla xiriirinta dadka Yuhuudda ah iyo magaalada Qudus. “Waxaad ka akhrin kartaa kitaabka wanaagsan – ee Baybolka la dhoho,” ayuu yiri “waxaad ka akhrin kartaa Baybolka ka dib. Waxaadna ka heli kartaa taariikhda dadka Yuhuudda ah ee qurbajoogta ah, waa tuma meesha aan Qudus ahayn ee Israa’iil caasimadda u ahayd? “Sida ugu dhakhso badan ee Falastiiniyiintu xaqiiqada ugu soo dhawaan karaan ayaa ah sida ugu dhakhsoha badan ee aan dhanka nabadda ugu dhaqaaqi karno”. ayuu intaas ku daray. Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in falastiiniyiinta haday aqbalaan Qudus inay caasimadd u tahay Irael waxay soo dadajineysaa arrintaas nabadgalyada. Hadalkaani ayuu yiri ka dib markii kulan uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaa uuna Netanyahu uu ku booriyay Macron in tallaabooyin geesinimo leh laga qaato falastiin. Dhankiisa madaxweyanha Faransiiska ayaa sheegay in nabadgelyada Qudus ay ku jirto gacmaha hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israel aysana ku jirin gacanta Mareykanka. Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump ayuu yahay mid aan la aqbali karin. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dad badan oo isugu soo baxay magaalada Istanbul u sheegay in uusan Qudus ooga haraynin xukuumad “carruurta laysa”. Netanyahu-na wuxuu sheegay in hogaamiyaha Turkigu “uu weeraray Israa’iil”. “Hadal kama dhagaysto hogaamiye uu damiirkiisu siiyay in uu duqeeya tuulooyinka Kurdiyiinta ee ay dagan yihiin dadka asal ahaan Turkida ah, kaas oo xira saxafiyiinta, Iiraanna ka caawiya in ay jabiso cunoqabataynnada caalamiga ah, kaas oo caawiya argagixisada ay ku jiraan kuwa Qaza ee laaya dadka aan waxba galabsanin, ayuuna sii raaciyay. Erdogan ayaa Qaza ku tilmaamay “khad cas” oo arrimaha Muslimka ah wuxuuna ka digay in Turkigu ay soo afjari doonaan calaaqaadkii dublamaasi ee ay la lahaayeen Israa’iil arrinta Qudus awgeed. Turkiga iyo Israa’iil ayaa calaaqaadkooda dublamaasi soo celiyay sannadkii hore uun lix sano ka dib markii uu Ruushku Turkigu calaaqaadka u jaray, iyadoo uu Turkigu ka mudaaharaadayay sagaal ruux oo Turki ah oo Falastiiniyiinta taageersanaa kuwaas oo ay isku dhaceen kumaandoosta Israa’iil iyaga oo saaran Markab oo isku dayaya in ay jabiyaan go’doomin lagu hayay Qaza. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdogan iyo Netanyahu oo hadallo kulul is waydaarsaday iyo xaaladda oo meel xun mareyso appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dagaallameen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhaawac u badan, iyadoo ciidamadan la sheegay iney isku haystaan arrimo dhul la xiriira. Shacabkii ku dhaqnaa nawaaxiga halka ay ku dagaallameen ciidamadan ayaa la sheegay in xaafadahooda ay ka barakaceen si aanay dagaalkaasi u saameyn. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in sidoo kale halka lagu dagaallamay ay gaareen ciidamo kale oo dowladda ah, kuwaasi ka qeybqaadanayey daminta dagaalkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Wararka naga soo gaaraya garoonka kubadda cagta Banaadir ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa miino baarista ay ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin lagu aasay afafka hore ee garoonka. Wararka ayaa sheegaya in miinooyinka lagu aasay albaabka weyn ee garoonka banaadir,waxaana lagu guuleystay in laga soo saaro iyadoo aan qarxin. Dhanka kale ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka soomaliya iyo kuwa amisom ayaa howgal kawada gudaha garoonka koonis. Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili galabta ay wada balansan yihiin ciyaartoyda kala matalaysa Galmudug iyo gobolka banaadir. Sidoo kale xiriirka kubada cagta soomaaliyeed ma shaacin in dib loo dhigay ciyaartaas. PUNTLAND POST The post Miinooyin Laga Soo Saaray Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Puntlandi) Hay’adda maareynta masiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan looga hadlayey wadatashiga iyo meel marinta qorshaha ka jawaabida abaaraha iyo unuglaanta. Kulankaan ayaa hay’addu waxay kusoo bandhigtay daraasad ay ka sameysay 37 degmo iyo 69 tuulo oo katirsan Puntland, iyadoo ay daraasadaan ay ka qeyb qaataan 160 qof oo hay’addu dirtay. Waxaana daraasadaan lagu eegayay sababaha soo cel celiya abaaraha. Barnaamijkaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay qorhshaha wax ka qabashada isbeddelka cimilada. DAAWO SAWIRRADA.