-
Content Count
214,979 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
War Deg Deg ah oo hadda naga soo gaaraya Gobollka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qarax Miino oo ka dhacay Duleedka Degmada Wanla weeyn ee Goobolka Sh/Hoose ay ku dhinteen wasiir iyo Labo Xildhibaan. Qaraxaan Miino ayaa waxa uu haleelay Gaari ay wateen Masuuliyiintaan oo ka amba baxay Degmada Wanla Weeyn ee Gobolka Sh/hoose. Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali Baraf Sidoo kalena ahaa Xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax oo isna katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle. Labadaasi masuul ayaa ahaa isku beel sida wararku ay sheegayaan kuwaasi oo socdaal ku marayay Gobolka Sh/hoose. Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada weerarakaasi iyaga oo sheegay in ay qaarijiyeen masuuliyiin xilal ka hayay Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir Shabelle. Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir iyo Xildhibaano ku Geeriyooday Qarax Miino Duleedka Wanlaweyn appeared first on Puntland Post.
-
Balli-doogle. (Caasimadda Online) – Sida ay sheegtay idaacadda Goobjoog News labo xildhibaan oo ka kala tirsan maamullada Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ay ku dhinteen qarax miino oo dhacay agagaarka Balli-doogle. Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeyso Qarax haleelay Gaari ay la socdeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Maamullada Hirshabelle iyo K/Galbeed oo ka dhacay maanta agagaarka Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Sh/hoose. Qaraxan ayaa la sheegau inuu anaa miino wadadda la dhigay oo ku qaraxday Gaari ay saarnaayeen labada mas’uul oo lagu kala magacaabo xildhibaan Axmed Cabdi Faarax (Kabaweyne) oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Xildhibaan C/ qaadir Cabdiraxmaan (Baraf) oo kale ahaa wasiiru dowlaha Amniga maamulka K/Galbeed. Warar kala duwan ayaa kasoo baxay qaraxan qabsaday labada xildhibaan oo la sheegay inay saaxiibo ahaayeen kana soo kala jeedaan maamullada Hirshabeelle iyo K/Galbeed, iyadoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan laba Xildhibaan oo lagu dilay Qarax miino lala eegtay gaarigooda appeared first on Caasimada Online.
-
In the context of a worsening human rights situation and repression of journalists and their independent union in Somalia, combined with lack of accountability for serious human rights violations and abuses, the International Federation of Journalists (IFJ) and its Somalia affiliate, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), held a meeting on Somalia on side lines of the 37th session of the United Nations Human Rights Council on 6 March in Geneva. Held under the theme “Human Rights Violations and Abuses in Somalia: the fight against impunity goes on”, the panellists at the side event highlighted the scourge of impunity for violence targeting journalists in Somalia, describing it as the biggest hindrance to freedom of expression and otherfundamental human rights. “Unforgiving attacks against journalists and their fundamental rights of freedom of expression and freedom of association including trade union rights have become entrenched and systematic where perpetrators are no longer concerned that they are committing egregious human rights abuses,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. NUSOJ attested that the climate of impunity, not only enables the perpetrators to evade prosecution for flagrant violations and abuses of freedoms of expression and association and other crimes against journalists, but also fosters a culture of continued and escalating repression. “Even when rights violations were reported there was no action. Instead, our union suffered reprisals and was threatened,” Osman added. “Until our government tackles the system of impunity anddecides to really deliver justice to victims of human rights abuses, especially those persecuted or wronged for exercising their rights to freedom of expression and association, the human rights record of Somalia will continue to be blighted by many ills. We urge President Farmaajo and Prime Minister Hassan Ali Khaire to eradicate the culture of impunity that they inherited, otherwise their commitment to human rights and justice will remain an empty rhetoric.” Speaking at the event, Joel Odigie, coordinator of Human and Trade Union Rights of ITUC Africa underscored the contribution of media towards peace and security, especially in crisis situations such as in Somalia. But he denounced the journalists’ working conditions in the country. “The working and living conditions in Somalia are dire and getting worse and more precarious for Somali journalists who are among the vanguards of democracy and civil liberties. Yet, they are paying a heavy price and are under attack from multiple fronts.” “The violations of journalists’ and trade union rights are frequently reported in Somalia but our affiliated federation FESTU and its unions, such as NUSOJ have shown total resilience and staying power in defending their freedoms. And as organised labour, we have elected to stand with them andcounter these attacks and resolved to demand accountability so as to free and improve the working environment of journalists and media workers,” Odigie added. The IFJ said the event was organised during the 37th Session of the UN Human Rights Council to remind the world community that attacks on media professionals are a threat to democracy and the rule of law in Somalia which UN Member States have a collective obligation to support. “The state’s institutions in Somalia are still fragile and need international support to serve their purpose in the interest of the population,” said Ernest Sagaga, IFJ Head of Human Rights and Safety who moderated the event. “Member States in the Human Rights Council have an obligation to help address the situation in Somalia where journalists and trade unions are ruthlessly targeted.” Speakers at the event condemned continued restrictions to freedoms of expression, association and peaceful assembly in Somalia, urging the Somali President and Prime Minister to immediately stop ongoing harassments against journalists and trade unions who are abused solely for peacefully exercising their rights to freedom of expression, assembly and association. IFJ, NUSOJ and ITUC-Africa also called upon the Somali government to implement ILO decisions to ensure thorough, independent, judicial and impartial investigations into the unlawful attacks against journalists and trade unions. In the event of the government’s failure to carry out credible investigations into these attacks, the panel said that ILO should take the matter and set up an International Commission of Inquiry – the organisation’s highest investigating authority. IFJ
-
Magaalada Bosaaso waxaa ku taala xarun wax lagu baro laguna dhaqan celiyo Caruurta darbi jiifka ah ee aan waalidka lahan . Xaruntan ayaa lagu magacaabo Macadka Ismaaliga ah ee Tarbiyada Caruurta (ISLAMIC ORPHAN COLLEGE) Xaalada caruurta ku xaraysan xarunta dhaqan celinta ee Ciyaalka Darbi jiifka ah ee Magaalada Bosaaso ayaa la ga soo deerinayaa, ka dib markii ay soo wajahday daroofo nololeed , waxaana Caruurtan caawin jiray Culimada Magaalada iyo qaar ka mid aha ganacsatada Bosaaso .,balse maalinba maalinta ka dambaysa waxaa soo kor dhaya caruuta darbi jiifka ah ee xeradan lagu soo xareeyo ,taas oo keentay in ay Culimadii gacanta ku haysay xaruntan ay dabooli kari waayaan baahida ka jirta Xaruntan. Macadka ayaa waxaa la Aasaasay sanadkii 2009 kii ,waxaana Mudadii uu jiray ka qalin jabiyay dhalinyaro gaaraysa ku dhawaad 600 oo qof.kuwaas oo qaar kood shaqooyin ka helay Hay,adaha dalka ka shaqeeya. Macalimiinti wax ka dhigi jirtay ayaa isaga tagtay Xaruntan ka dib Markii ay waayeen mudo wax Mushahar ah . Sharmaarke Cabdi Cali waxa uu bare ka yahay Macadkan , waxa uu kamid ahaa Ardaydii lagu Aasaasay 2009 kii , mudadasi wixii ka dambeeyay Sharmaarke Noloshiisa waxbadan ayaa iskabadalay maadama uu uu kamid ahaa Caruurta darbi jiif ahayd . Sharmaarke hada waa nin heer jaamici ah kana dhisan dhanka diinta iyo maadiga labadaba waxa uu kawaramaya xaalada Caruutan ay ku sugan yihiin iyo baahida ka jirta Xarunta uu baraha ka yahay . Halkan ka dhagayso . kala xiriir hadii aad doonayso in aad caawiso Caruurtan Tel-+252 907722623 ama +252 907346819. DR0000_0175.mp3 Halkan ka daalaco Sawirrada.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa maanta markii ugu horraysay sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qabanayo wakhtiga loogu tala-galay,isagoo beeniyay warar soo baxay oo tibaaxayay in uu mudda-kororsi samayn doono. Madaxweyne Gaas oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa caddeeyay in doorashada madaxtinimada lagu qaban doono wakhtigeeda oo ah 8 bisha Jennaayo ee sannadka 2019,wuxuuna gebi ahaanba beeniyay hadallo dhowaan ka soo yeeray niman siyaasiyiin ah oo madaxweyne Gaas ku eedeeyay in uu muddo kororsi raadinayo. Siyaasiyiin la baxay”Puntland Focus Group” oo qaarkood ay xilal ka soo qabteen xukuumadihii Puntland soo maray ayaa horay u sheegay in madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali uu qorshaynayo mudda-kororsi,waxayna uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta,haddii arrintaasi dhacdo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo sheegay in doorashada Puntland xilligeeda la qabandoono appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimadda Online) – BBC-da waxa ay heshay emailo qarsoodi ah oo lasoo dusiyay, kuwaas oo muujinaya isku day dowladda Imaaraatka Carabta ay ku doonaysay in ay ku farogaliso arrimaha Maraykanka. Waxaa ka mid ah email muujinaya in Imaaraatka ay Trump ka doonayeen in uu shaqada ka eryo wasiirka arrimaha dibedda Rex Tillerson, kaas oo ay u arkeen in uu u dabacsanyahay dowladda Qatar oo ay iyaga is hayaan. Ninka Trump maalgaliya ee lagu magacaabo Elliot Broidy ayaa la kulmay madaxweyne Trump, kalana hadlay in uu Tillerson xilka ka diro. Ninkani ayaa dalka Imaaraatka ka heysta qandaraasyo malaayiin doolar ku kacaya oo ganacsi ah. Broidy ayaa emailada la heley ku eedeeyey in ay ka jabsatay dowladda Qatar sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedeyntaas. Sida emailada la heley ku cad, Broidy waxa uu u ololeeyay in Maraykanka uu si buuxda u taageero Imaaraatka iyo Qatar, isaga oo xitaa Trump balan uga qabtay in uu la kulmo dhaxal sugaha Imaaraatka Maxamed Bin Sayid Al Nahyaan, balantaas oo uu Trump ogolaaday. Tillerson ayaa horey u dhaleeceeyay go’doominta dowladaha carbeed ay saareen dalka Qatar. Wasiirka ayaa sanadkii hore la kulmay cadaadis badan, iyada oo ay xitaa soo baxeen warar sheegaya in shaqada laga eryayo, taas oo ku qasabtay wasaaradda in ay shir jaraa’id qabato, islamarkaasna beeniso arrinkaas. Waxa uu Broidy emailada u diray nin lagu magacaabo George Nader oo ah ganacsade asal ahaan kasoo jeeda dalka Lubnaan, balse Ameerikaan ah, kaas oo muddo aad u dheer u kala dab-qaadi jiray Maraykanka iyo dowladaha Bariga Dhexe. Sida ay sheegayaan illo ku dhowdhow baaritaanka Robert Mueller ee fadeexada farogalinta Ruushka, Nader ayaa su’aalo laga weeydiiyay waxa uu ka ogyahay arrimaha Ruushka. Horey waxaa u jiray in sir shaac ah ay tahay in safiirka Imaaraatka ee Washington Yuusuf Al-Cuteyba iyo wiilka uu Trump sodoga u yahay ay yihiin saaxiibo isu dhow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Imaaraatka oo faragalin ku haya Maraykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Qatar ayaa ka sheegtay shirkii caalamiga ahaa ee looga hadlay abaaraha Somalia ee shalay lagu qabtay magaalada London, waxaana shirkan ay ka sheegeen xubnihii ka socday wadanka Qatar inaysan kala joojin doonin taageerada ay siiyaan walaalahooda Soomaaliyeed. Wafdiga Qatar uga qaybgalay shirkan ayaa waxaa hoggaaminayay madaxa waaxda xiriirka caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Tariq al-Ansari, isagoo xusya inay qayb libaax ka qaadan doonaan caawinta dadka Soomaaliyeed ee laga cabsi-qabo inay abaaruhu saameyn ku yeeshaan. “Somalia waxaan ku taageernay laga soo billaabo 2011-kii illaa 2018-kan lacag gaaraysa 385-Milyan oo Doollar iyo 200-Milyan oo doollar oo aanu u ballan-qaadnay dhammaadkii sannadkii hore ee 2017-ka,” ayuu shirka ka sheegay al-Ansari. Agaasimuhu wuxuu xusay inaysan jirin cid ay taageerada ay siinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya u sii marsiiyaan, wuxuuna sheegay inaysan kaalmo u sii marsiin Somalia hay’adaha Qaramada Midoobay, sida UNSOM iyo kuwa kale ee Soomaaliya ka shaqeeya. “Waxaa jira iskaashi labada waddan u dhexeeya, kaasoo aan Xukuumadda Somalia kaga caawinayno dib u habeynta ammaanka, sidoo kalena waxaa jira taageero 30-bas ah oo aan ku caawinayno waaxda gaadiidka dowladda Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Tariq al-Ansari. Dhanka kale, wuxuu xusay inay muhiim tahay in caalamku taageero xoogan la garab-istaago hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], taasoo uu ku tilmaamay inuu yahay hawlgal qayb ka qaadanaya sugidda amniga guud ee Soomaaliya, si gargaarka bani’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka u baahan. Al-Ansari ayaa ugu baaqay dalalka deeqaha siiya Somalia inay sidoo kale ka geystaan gacan sidii loo xoojin lahaa hay’adaha kala duwan ee Dowladda si ay awood ugu yeelato xukuumadda jirta inay bulshadeeda u qabato hawlaha ay ka sugayaan. Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaan shirka kaga dhawaaqin wax dhaqaale ah oo ay Qatar ugu deeqayso dadaalka la doonayo in looga hortago Abaaraha laga baqdin qabo inay Somalia ku dhuftaan, kuwaasoo la sheegay in haddii aan laga hor-tegin ay sababi karaan macluul. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Qatar oo sheegtay inay xoojinayso taageerada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Puntlandi) Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si cad u sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland ku dhicidoonto 8-da January, isagoo meeshana ka saaray wax muddo kororsi ah. Madaxweyne Gaas ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da, isagoo ka jawaabayay hadal haynta ku saabsan muddo kororsi labo sanno ah, balse madaxweynuhu ma cadaynin nuuca ay noqonayso doorashada 2019. Gaas waxaa uu sheegay inuusan awood u lahayn inuu waqtiga kororsado, islamarkaana ay la yaab ku noqotay inay arrintaas bulshada dhagaheeda ku badatay. Sidoo kale, madaxweyne Gaas waxaa uu ka gaabsaday inuu cadeeyo in doorashada soo socota uu mar kale iskuso sharixidoono xilka madaxtinimada Puntland, inkastooo uu hadda ka hor sheegay inuusan 2019 isisoo sharixindoonin. Hadalka madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo uu jiray shaki weyn oo ku saabsanaa inuu diyaarsanayo qorshe uu waqtiga kusii kororsanayo. Halkaan ka dhegayso codka madaxweynaha. Codka Gaas - My Recording Puntlandi.com
-
Isimo iyo Cuqaal ku Baxday Beelo ku dagaalamay Gobolka Cayn
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Isimada dhaqanka , Nabadoonada iyo Cuqaasha ku dhaqan Degmada Buuhoode lee Gobolka Cayn ayaa maanta ku baxay beelo ku dagaalamay shalay iyo maanta galinkii hore deegaano ay ka mid yihiin Gocandhaale, iyo Horufadhi oo ka wada tirsan Gobolkaasi Cayn. Dagaalkii dhexmaray labadaasi Beelood ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay ilaa iyo Afar qof, ayna ku dhaawacmeen sadax qof oo kale oo labada dhinac ka wada tirsan . Isimada dhaqanka iyo waxgaradka ku baxay halkaasi ayaa waxa ay ku howlan yihiin daminta colaadaasi dib uga soo cuboonaatay deegaankaasi , iyagoona ku guulaysaty odayaasha in Malayshiyadii isku horfadhiday Gocondhaale iyo Horufadhi ay kala qaadaan. intabadan dagaal Beeleedyada dhexmara Soomaalida ayaa waxa ay salka ku hayaan Aanooyin Qabiil , Xoolo lakala dhaco ,iyo dhul daaq simeed laysku qabsado , taas oo keenta in ay dad badan ay ku dhintaan . Daba yaaqadii sanadkii 2017 kii ayay ahayd markii Beelahan haatan ku dagaalamay deegaankaasi lagu heshiisiiyay ,lamana oga sababta soo cusboo naysisay colaadan . -
Around 30,000 families living in six drought-stricken districts of Somaliland are not able to get relief aid due to a protracted dispute over political administration. People living in the deprived districts of Hayaabley, Ellahelay, El-Sheekh, Abdi-Gedi, Bildhaaley and Saleysay they need urgent water, food and medical services. These areas include some that were declared to be in a state of emergency in January due to the drought. These districts have been contested by North-western region and Awdal region for 20 years. There are no local or international aid groups working there. “We don’t know where to get help from, the people are confused!” Hassan Osman Hersi, the chief of Abdi-Gedi, told Radio Ergo. “Our neighbouring area receive aid but the aid workers and their vehicles are not able to reach us. This dispute has affected the lives of the people and no one seems to be concerned about it.” Lughaya, 45 km from Abdi-Gedi, received aid and water deliveries last month. The Somaliland administration receives aid from international organizations and transfers it to the regional governments. The regional governments send aid to the districts for distribution to families. However, as these six districts do not fall under any region, they do not get their share of aid in most cases. Chief Hassan told Radio Ergo that the people desperately need food aid, water and health services. Families are helping their relatives and neighbours who are needy to get one meal a day. Some places have been hit by diseases including diarrhoea and there are no health services. There has been no rainfall here in the last three years. There is water and food scarcity and high numbers of livestock have died. Busaad Riyaale, a single mother of five, was displaced from the rural areas to Bildhaaley district. She had 120 goats, but only seven survived the drought. Since she moved six months ago she has been taking her goats to the market but cannot find any buyers. “We are not expecting anything from anyone, we don’t know where to go to,” Busaad said over the telephone line. The nearest two hospitals these people could get to are in Borama, 80 km away, and Hargeisa 90 km away. Guled Ahmed Jama, head of the Human Rights Centre in Somaliland in Hargeisa, told Radio Ergo the conflict showed the lack of basic human rights for people in such hard times. “Geographically, there is a dispute over which administration these districts fall under, each of the two regions claim they fall under their administration. So if the food comes from Hargeisa, the other region complains; if the aid comes from Hargeisa, Awdal complains,” Guiled said. “The people need to be united and agree on which region to join. This issue should not be politicized, it is the future of the people.” Guled believes the central government should take over the delivery of critical food and other aid at the highest level until the conflict is resolved. Some people are exchanging their livestock for food. Arte Mohamed Obsiiye and his family of six have been using a 50 kg bag of rice for the last two months. They traded two goats for the rice. Arte said every three days his two boys, aged 14 and 15, alternate walking 20 km to get 20 litres of water for their domestic use. “If this situation persists people and other living things will perish and will not survive the tough times and this conflict,” he said. He had 130 goats before the drought and 40 goats survived, which he keeps in Bildhaaley. Radio Ergo
-
Tahriibta ayaa ah aafo qaran taas oo ay naftooda ku waayaan dhalinyaro fabadan oo Soomaaliyeed oo dalka ka tahriibay ,kuwaas oo qaar kood dalka ku dhamaystay wax barashadooda Jaamacadeed mudadii dalka uu ku jiray bur burka . Qoysas fara badan oo Soomaaliyeed ayaa ubadkooda ku waayay Tahriibta, ku waas oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya liibiya iyo Talyaaniga , halka qaar koodna ay gacanta ugu jiraan magafaha liibiya oo u haysta lacago madax furasho ah . Qaar ka mid ah dhalinyaradaasi dalka ayay dib ugu soo laabteen ka dib markii wali diintooda ay ku soo furteen lacago farabadan oo sababtay in ay u gadaan waalidiintaasi ubadkooda guryihii ay degenaayeen. Hadaba Maxay tahay dhibaatada keenta? ama sababta in ay dhaliyarada Aqoonta leh iyo kuwa dalka shaqooyinka ku haysta ay u hanqal taagaan wadamo shi sheeye , naftoodana ay ugaliyaan halista ka jirta wadada loo maro Yurub? Su,aalahaasi iyo kuwo kale ayaan waxa ay Warbaahinta Puntlandi hor dhigtay Barqad Cartan Gurxan oo ka tirsan Hay,ada MRC oo ka sahaqaysa Arimaha ladagaalanka Tahriibta. Barqad
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay wararka sheegaya in Alshabab ay qaar ka mida degmooyinka Muqdisho mamnuuceen ciyaarta kubadda Cagta. Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inaysan horumarinta isboortiga u joojin doonin hadalka Al-shabab iyo amarrada ay ku soo rogayaan goobaha lagu ciyaaro, isla markaana aanay waxba ka qaadi karin dadka Muqddsho. Milkiilayaasha Garoomada sallaxa ah ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa Alshabab ay ku amreen in la joojiyo ciyaaraha kubadda Cagta. Wasiirka Dhalinyarrada iyo isbootiga Khadiijo Maxame Diiriye ayaa sheegay in Alshabaab aysan awood u lahayn inay amarro ka fuliso Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowladda Soomaaliya oo Jawaab ka bixisay Amarkii Al-shabab ku soo rogtay Garoomada Ciyaaraha Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Guddi ka kooban Cuqaal,Nabadoonno,iyo Waxgarad oo ka baxay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa duhurnimadii maanta ku guulaystay in ay joojiyaan dagaal kooban mar kale ka qarxay degaannadii ay shalay dirirtu ku dhexmartay labada beelood. Dagaalkii shalay ayaa wararku sheegayan in ay ku dhinteen saddex ruux oo labada dhinacba ah,islamarkaana ay ku dhaawacmeen laba ruux,sida ay xaqiijiyeen dadka degaannada Gocondhaale iyo Horufadhi ee lagu dagaallamay oo PUNTLAND POST xiriir la samaysay. Dhinaca kale dagaal kooban ayaa maanta halkaasi ka dhacay,kaasoo aan weli si faahfaahsan xog looga hayn,inkastoo dadka degaanku ay soo weriyeen in mid kamid ah ragga hogaaminya malayshiya-beeleedka uu dhaawac ka culus soo gaaray. Nabadoonnada iyo Waxgaradka Puntland ee ku sugan gobolka Cayn ayaa sheegaya in uu socdo dadaal ballaaran oo lagu doonayo in heshiis nabadeed looga dhex dhaliyo labada beelood ee ku dagaallamay degaannada Gocondhaale iyo Horufadhi oo ka tirsan gobolka Cayn ee Puntland. PUNTLAND POST The post Waxgaradka Buuhoodle oo dadaal xooggan ugu jira joojinta colaadda Gocondhaale iyo Horufadhi. appeared first on Puntland Post.
-
Duqa cusub ee kumeel gaarka ah ee degmada Bosaaso C/salaan Bashiir C/salaan ayaa sheegay in mudada kooban ee uu joogo ay u qoon daysan tahay in sida ugu dhaqsaha badan uu ku soo dhisi doono gole deegaan oo ka duwan gole yaashii hore, laguna soo xuli doono aqoon iyo cadaalad . Waxa uu sheegay Wasiir C/salaan oo ah Duqa degmada Bosaaso in cid ala ciidii u diyaar ah in ay ka mid noqoto golaha deegaanka ay soo dha weynayaan . Waxa uu sheegay in ay qaban doonaan doorasho xor ah oo xalal ah oo aan lahayn wax musuq maasuq ah, odayaasha soo xulaya xubnaha golaha deegaanka ayuu ku war galiyay Duqa in aysan ka yeeli doonin in cid aan uqalmin ay soo saaran oo laga dhigo gole deegaan. Waxa uu sheegay in cidkasta oo soo saxiixda xubin ka mid ah golaha deegaanka oo aan uqalmi shacabka Bosaaso ay san ka yeeli doonin . Waxa uu sheegay in cid kasta oo lagu qabto Musuq maasuq oo ka tirsan dowladda hoose ee Bosaaso banaanka looga saari doono iyadoo aan cidna lagala tashan doonin. Duqa Cusub ee Bosaaso C/salaan Bashiir ayaa mudo 24 saac gudaheed ugu baaqay in ay ku keento cid kasta oo gacanta ku haysa hadntida dowladda ,hadii kale talaabo shriciga waafaqsan laga qaadi doono. Hadalkan ayuu ka sheegay munaasibad uu xilka kula wareegay Maalinimadii shalay . Halkan ka dhagayso Duqa Cusub ee Bosaaso ahna Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland C/salaan Bashiir. Duqa Cusub ee Bosaaso
-
Hay’adda Maaraynta masiibooyinka Puntland ee HADMA, ayaa maanta Garowe kusoo bandhigtay warbixin ku saabsan xaalada Abaareed ee ka jirta Puntland, taasoo muujinaysay baaxada abaartu leedahay iyo cabsida laga qabo saameynta ka dhalan karta. Maeerayaha hay’adda HADMA, Cabdulaahi Axmed Ceyrow, oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in hal milyan iyo 600 qof oo ku nool Puntland ay Abaartu saameyn ku yeelatay, sidoo kale wuxuu sheegay in 224 degmo ay ubaahan yihiin gar-gaar deg-deg ah. Maareeyaha waxaa sidoo kale uu sheega guud ahaan qoysaska ay Abaartu saameysay inay garayaan in ka badan boqol kun oo qoys, kadib marki hay’addu. Puntlandi.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay wefdi ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks. Wefdiga hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan hay’adda ICRC oo ay ka mid ahaayeen isu duwaha hay’adda ICRC Soomaaliya Peter Lick Iyo Madaxa hay’adda ICRC xafiiskeeda Garowe Abdifatah Fandhaal,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Kulanka madaxweynaha iyo hay’adda ICRC oo ka dhacay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka banii’ aadaminimo iyo hawl gallada kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa ku boorriyey in ay dar-dar geliyaan hawlaha shaqo ee ay hay’addu ka waddo Puntland isla markaana ay xoogga saaran hirgelinta ceelasha biyaha iyo dib u dayactirka ceelasha hawl-gabka noqday sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in fiira gaara la siiyo lagana war qabo dadka shacabka ah ee dagan buuraha Gal-Gala oo ay saameeyeen dagaalada kooxha arga gixisada ah ee Al-Shabaab,sida ku xusan qoraalka Madaxtooyada. Sidoo kale Madaxa Hay’ada ICRC Soomaaliya Simon Brooks ayaa Dawladda Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland islamar ahaantana sheegay in dawladda Puntland iyo Hay’adda ICRC ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan, sidoo kalena waxaa uu sheegay inuu arko isbadal la taaban karo oo ah dhinaca horumarka Puntland, isbedelkaas oo si baaxad leh umuuqda in afartii sano ee lasoo dhaafay hore loo kacay, ka Hay’ad ahaana ay ka shaqeenayaan u adeegida iyo taakulaynta dadka iyo duunyda Puntland. Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey Hay’adda ICRC iney kor u qaadaan adeegyadooda maadaama ay jiraan abaaro soo noq-noqdey oo mar welba saameeya nolosha reer guuraaga ah iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland islamar ahaantana waxaa uu madaxweynuhu sheegey in ay muhiim tahay in la helo ceel biyoodyo, biyo xireeno dheeriya si looga hortago xaalufka iyo abaaraha. War-saxafadeedka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxa hay’adda ICRC Soomaaliya ayaa isku afgartay dhammaan arimiihii ay ka wada hadleen, iyadoo uu ballan-qaaday Madaxa Hay’adda ICRC in ay dar-dar gelin doonaan guud ahaan mashaariicda ay ka wadaan Puntland isla markaana dhowaan hirgelin doonaan barnaamijyo kale oo la xiriira kor uqaadista tayada caafimaadka, ceelal biyoodyo iyo biyo xireenada laga hirgelin doono dhulka miyiga ah ee Puntland. Halkaan ka eeg sawirrada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo kulan la yeeshay madaxa hay’adda ICRC ee Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
An establishment that was purely driven by injustice and groundless legal framework has been in action in this was war-torn country. The Federal Somali Parliament operates in Mogadishu, with very busy schedules, notably the “the motion sessions”. The purpose is to save the country and lead to a stability and indeed prosperity. Needless to say that most of the parliament motions remain stillborn. When a motion is being deliberated and debated the parliament hall changes into a dancing stomp and an auction market. Highly educated individuals are among the parliament assembly, some remain reticent during those famous sessions and others are absent at all times. A motion passed represents a great milestone for the Parliament legion but inexistent in front of the Somali society. Shidanaaba Shidan!!. Over the last two-months the state of parliament hallucinations has been somehow stable because the attention was largely absorbed by the worsening security. A week or so without security shake up stimulates the assembly to go into the cycle of hallucinations, characterized by launching motions. There is no official umpire to supervise the rules within which the various motions are proposed and submitted. The so-called upper house does not even have clear roles in the assembly affairs, yet at times zealous to play a greater role in the nation’s politics. Many question the legitimacy as well the need for having such a dangling bureaucratic structure. The torpid parliamentarians remain accountable to their clans and clannish chiefs. Big achievements are usually labelled with the number of motions or arguments he or she has made over the last quarter. Among the “Xildhiban’s”, the connoisseur is the one who talks frequently to the media to show how serious he or she is working for the people but more importantly for his or her own clan. Many clairvoyants in the parliament play an interesting role in connecting to the President and the Prime Minister entertaining with baseless forecasting for their positions. “Ceynaanka waad heyneysaan oo waa lanoo iftiimiyey”. The speaker of the Parliament is well known for obfuscating issues and parliamentary tasks so that the house will operate in an obstreperous mode. The more noisy session the parliament engaged the day is commonly translated the most successful piece of work the house produced. Life outside the Parliament is a different one, people are struggling their livelihood but with warm faces and without expressing any sadness. Meanwhile, security incidents and killing sessions continue to dominate the overall morbidity as well mortality inside and outside the Capital. The Capital development sounds like a busy termite anchoring its skyline while monsoons rains are constantly washing out those new structures. A new dawn is celebrated everyday but a remorseful dusk follows. A Parliamentarian motion on tackling the vicious cycle has never and will never be proposed. Such a motion for instance could have been articulated as follows: Will the Somali people engage all out of war against the trouble makers or will it engage a constructive dialogue?. The first part is the motion while the later clause is against the motion. Notwithstanding with the ongoing social strife, the hunting house woke up again and have heard a sound that could help them formulate a “Motion”. What was that sound which brought them together to brainstorm…Just another milestone? It is about two other neighboring countries unfortunately and these are Somaliland and Ethiopia. The house voted to submit a motion against the Somaliland trade agreement with UAE and Ethiopia vis-à-vis Berbera port. It shows the hallucination symptoms have deteriorated given the evolving underlying factors. While the Turks continue to through the essential package the situation will always be underfunded and therefore the calculus of house will be changing. The current “Motion” against the three coalition governments is a naked, miscalculated, suicidal, and ill-fated move that will eventually undermine the international support to this war-ravaged country. The Motion against Berbera has misled many as it sounds like the real Berbera port but it is not. It is another Berbera snapped by mostly hallucinated psychic and it will keep busy the honorable members of the Parliament for quite some time and will shortly be forgotten forever. Many on the streets are discussing this multidimensional issue—a face linked to jealousy is out there and people continue to ask why this neighbor is critical about the trade agreement. The Motion of the intellectuals is unconditionally supported by the hungry upper house and will advise the lower house to ostentatiously design the biggest Motion in 2018. It is expected that this Motion will temporarily pacify the relationship between the two houses which have been at odds for some time. Many Somalis consider the Motion as a mere snide to their fellow brothers, they see no reason whatsoever that could trigger such a malicious ongoing debate on the subject. Others believe it as futile and a waste of time. Others believe that when such a high issue arises legally or illegally the President must speak up and talk to the people. The trilateral partnership will continue to grow and will proposer the people in these nations and beyond!! Askar O. Amir Email: skaramir72@yahoo.com
-
Joint Press release MOGADISHU 7 March 2018 – The German Federal Ministry for Economic Cooperation and Development (BMZ) has committed €50 million for a joint United Nations World Food Programme (WFP) and UNICEF programme to tackle women and children’s nutrition in nine districts in Banadir and six districts in Gedo region in the south of Somalia. Over a million children in Somalia are expected to be acutely malnourished in the next 12 months, including 232,000 who will be severely malnourished and in need of life-saving assistance. The ongoing drought and other shocks have left communities with little to no resources to fall back on- hence the importance of investing in resilience. The three-year grant (€24.5 million for UNICEF and €25.5 million for WFP) will be managed by the German Development Bank (KfW). This will help put families and communities in a better position to cope with shocks and crises that often hit Somalia. UNICEF and WFP will work closely with the Government at Local, State and Federal levels. Key Ministries include the Federal Ministry of Health and Human Services, the Ministry of Education and the Ministry of Energy and Water Resources. Coordination and oversight of this programme will be conducted by the Ministry of Planning, Investment and Economic Development (MOPIED). “The Ministry of Planning, Investment and Economic Development recognizes the importance of this initiative by WFP and UNICEF which contributes to the overall resilience agenda of the National Development Plan by putting an urgent focus on improving the resilience of women, children and their communities to recurrent shocks, and we look forward working and engaging with you all,” said Abdalla Hajji Ali, Minister of State for Planning, Investment and Economic Development. The programme will take a multi-sectorial approach to addressing malnutrition and building resilience through health, nutrition water and sanitation as well as hygiene interventions. This year, it targets nearly 206,000 children under the age of five, along with over 109,000 pregnant and nursing mothers who will receive health and nutrition support for the treatment and prevention of various forms of malnutrition at the facility and community levels. In addition, over 8,000 children in Gedo will benefit from water and sanitation facilities in their schools. There will be similar numbers of people benefitting from the programme in the following two years. “We must look to long-term community solutions to break the cycle of persistent droughts and humanitarian crisis in Somalia,” said Jutta Frasch the German Ambassador to Somalia. “We are confident that, through the collaboration between the German Government, UNICEF, WFP, the Federal Government, the Government of Jubaland, the Banadir Regional Administration and other key authorities, we can make this happen.” To ensure the long-term impact and sustainability of the programme, WFP and UNICEF are placing a significant focus on strengthening the capabilities of government, communities and families to withstand shocks and crises and to recover from them quickly. The services are being delivered through health centers run by partners together with the Federal Ministry of Health and Jubaland authorities. There is also a package of community level interventions delivered through community workers. “Germany has provided important support not only to Somalia’s humanitarian efforts but also to work towards rebuilding its government and institutions and strengthening its systems,” said UNICEF Somalia Representative Steven Lauwerier. “While we continue our scaled up operations to combat the drought, we need to plan ahead and ensure that communities are resilient and able to withstand future droughts, floods and other extreme events.” “WFP is proud to be part of this programme with UNICEF and the Government of Germany that allows us to bring our expertise together and work closely with the Government of Somalia and the people of Banadir and Gedo regions,” said WFP Deputy Country Director Edith Heines. The programme is being launched today by the German Ambassador, UNICEF and WFP representatives and senior representatives of the Federal Government of Somalia at a ceremony in Mogadishu.
-
Duqii hore ee degmada Bosaaso injineer Yaasiin Mire ayaa shaaca ka qaaday sababta keentay in ay iska hor yimaadaan isaga iyo Golihii deegaanka ee degmada Bosaaso oo markii dambe uu Madaxweynaha kala diray . Yaasiin Mire ayaa sheegay in caqabadii ugu horaysay ee ka hortimid mudadii labada sano ahayd ee uu xilka hayay ay ahayd 31 kii xil dhibaan ee laka ladiray oo ay soo wada shaqeeyeen , kuwaas oo uu ku sheegay in lagu soo xulay baahi ka jirtay guryaha ay ka soo toosaan , balse aan lagu soo xulin dareen iyo wadaniyad ay ugu adeegaan shacabka Bosaaso. Yaasiin Mire aya yiri”Duq walba oo yimaada oo gole deegaan ah Xafiiska markii uu tago subixii waxaa hor yaala warqad shidaal ah mid guno Caafimaad ah, iyo adeegyo kale hadii uu diidana waa af salax ku dhag, hadii uu aamusana dawcwad iyo dood kama marna meesha ayuu yiri Yaasiin Mire. Waxa uu ku baaqay gaba gabadii in Xildhibaanada dambe ee iman doona laga fiirsado xubnaha la soo xulayo ee matalaya golaha deegaanka ee degmada Bosaaso. Magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacyo ayaa ah Magaalooyinka ugu badan ee uu khilaafaad ka soo kala dhex galo Duqa iyo Golayaasha deegaanka taas oo keenta in uu dib udhac ku yimaado Mashaariicdii hor umarineed ee degmooyinkaasi ka socday. Hadalkan ayuu ka sheegay xili shalay uu si toos ah uu xilkii ugu wareejiyay Duqa cusub ee ku meel gaarka ah . Halkan ka dhagayso hadalka Yaasiin Mire Duqii hore ee Bosaaso. Yaasiin Mire Duqii hore ee Bosaaso
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wixii ka dambeeyay heshiiskii saddex Geesoodka ahaa ee ka dhacay 1-dii Bishaan March magaalada Abuu Dubai Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Soomaaliya Waxaa ka taagan hadal heyn siyaasadeed iyo kulamo arintaan ku saabsan. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa 4-tii maalmood ee la soo dhaafay Waxaa ka soconaya kulamo wada tashi ah oo ku saabsan heshiiska Berbara ee xiisadda Siyaasadeed ka dhax abuurtay Soomaaliya Itoobiya iyo Imaaraadka. Kulamadaan ayaa u dhaxeeya hogaanka Dalka sida hay’adaha fulinta, Sharci dejinta Hanti-dhowrka iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in kulamadaan saacadihii la dhaafay ka socday Madaxtooyada iyo Guriga Ra’iisal Wasaaraha looga arinsanayay Nuuca Jawaabta uu dalkaan ka bixin doono wax lagu tilmaamay Weerar Siyaasadeed oo lagu soo qaaday Madaxbanaanida Soomaaliya. Dad ka mid ah xubnihii ka qayb galay Shirarkii dhacay ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in la isku soo hadal qaaday qodob midkood looga fal celiyo Faragelinta Imaaraadka ee Arimaha Soomaaliya. Qodobada la isku soo hadal qaaday oo aan wali midna la isku raacin ayaa Waxaa ka mid ah In la Cayriyo Safiirada Imaaraadka iyo itoobiya ee Soomaaliya. In Xariirka loo jaro Dalka Imaaraadka Carabta oo ay Soomaaliya ka qabto Tabasho kale. In Dacwad ka dhan heshiiska Bar-bara loo Gudbiyo IGAD, AU, Jaamacadda Carabta iyo Q.M. Iyo in Arinta Bar-bara laga aamuso oo looga haro hadalkii Xukumadda ee ku sheegtay in uu ahaa sharci darro. Dalalka Jabuuti, Qatar iyo Turkiga ayaa la sheegay in ay sidoo kale dabada ka riixayaan in Dowladda ay qaadato go’aan adag oo jawaab u noqon kara Faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya oo sii xoogeysatay. Sidoo kale Wararka la helay ayaa sheegaya in qubaro Caalami ah ay ka qayb qaadanayaan talooyin ku saabsan sidii laga yeeli lahaa faragelinta Imaaraadka carabta ee Soomaaliya. Wararka ugu badan ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay in laga Gudbiyo Dacad Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka, taas oo loo gudbin doono, IGAD, AU, Jaamacadda Carabta iyo Q.M. Maalmaha soo socda ayaa laga yaabaa in ay Dowladda Soomaaliya soo saarto go’aankeeda ku aadan Arinta Berbara kaas oo ka badal hadalkii Xukumadda ee ahaa in heshiiskaas uu sharci darro ahaa. Sidoo kale Waxaa suurta gal ah in ay Dowladda Soomaaliya ay sidaas uga aamusto muranka Berbara Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa saameyn Balaaran ku leh Siyaasadda iyo amaanka Soomaaliya waana arinta u sahlaysaa in ay faragelin nuucaan oo kale ah ay saameyaan Balse falanqeeyaasha Arimaha amaanka iyo siyaasada ayaa ka digaya in dhibka uu intaan ka badnaado hadii laga aamuso arinta Berbara. Xigasho: Radio Kulmiye Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxtooyada Soomaaliya oo ka fekareysa go’aanka ay ka qaadan lahayd heshiiskii Berbara iyo 4 arrin midkood oo dhici karta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray 13 ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee ku xir xirnaa Dalka Liibiya,halkaas oo ay gacanta ugu jireen Magafayaasha dalkaasi. Mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhallinyaradan ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Dhallinyaradan soo celintooda waxaa fududeysay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM,taas oo dhallinyarada ka sooq aadday Liibiya. Waa qaybtii labaad dhalinyaro dowladda Somaliya ay dib uga soo celisay dalka Libya, kuwaasi oo u dulqaadan waayay dhibaatooyinka kala duwan ee ay kala kulmaan xabsiyada dalka Libya. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada ku jira xabsiyada dalka Libya ayaa iska diiday inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, waxayna sheegeen inay ka miro dhalinayaan hadafka tahriibkooda. Dowladda Soomaaliya ayaa u saartay wafddi uu hoggaaminayo danjiraha Soomaaliya ee Yurub Cali Siciid Fiqi in inta oggol maxaabiista Soomaalida ah ee ku maqan Liibiya dalka dib loogu soo celiyo. The post Sawiro: Maxaabiis laga keenay dalka Libya oo Muqdisho la soo gaarsiiyay iyo dowladda Farmaajo oo.. appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal ayaa markale goor dhoweyd dib uga qarxay degaannadii shalay beeluhu ku dagaallameen ee Horufadhi iyo Gocondhaale oo u dhexeeya magaaloyinka Buuhoodle iyo Caynab ee Puntland. Dagaalka haatan socda oo aan weli faahhaahin dhammaystiran laga hayn,ayaa wararku sheegayan in uu dhaawac culus ka soo gaaray mid kamid ah ragga hoggaaminaya malayshiyaadka beelaha ee ku dagaallamay halkaasi. Nabadoonno,Cuqaal, iyo Waxgarad ka baxay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa iminka ku sii jeeda degaannada mashaqadu ka socoto,si ay uga qeyb qaataan joojinta dagaalka,islamarkaana u kala dhexgalaan beelaha walaalah ah ee dagaallamaya. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland Post The post Dagaal mar kale maanta ka qarxay degaannada Horufadhi iyo Gocondhaale Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Aadan cade Waxaa lafilayaa in ay ka soo dagaan maanta 13 qof oo ah Maxaabiis ku xirneed Xab siyada Taruja iyo Ziika, ee dalka Libya. Waxaa sidoo la sheegay in 48 kale oo Maxaa biistaasi ah lafilayo in maalmaha soo socda laga soo daayo Xab sigaasi. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo lahadlay Puntlandi ayaa sheegay in maanta ay ku soo wajahan yihiin Maxaabiistaasi Magaalada Muqdisho . Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Xab siyada dalkaasi Libiay ka soo daysay Maxaabiis gaaraysa 76 qof. Halkan ka dhagayso Fiqi. 120129_001 - My Recording
-
Muqdisho (Caasimadda Online) _ Taliyaha howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo Africom Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa shalay guddiga arrimaha ciidamada ee Aqalka Wakiilada ee Mareykanka uga warbixiyay howlgallada ka dhanka ah-Al Shabaab ee uu taliskiisu ka wado Soomaaliya. Thomas D. Waldhauser wax uu sheegay in howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya uu qeyb ka yahay dadaalada Caalamiga ah ee lagu caawinayo Soomaaliya sibuu yiri ay dadka Soomaaliyeed u dhameystirtaan dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya. Taliyaha ayaa si gaar ah waxaa wax looga weydiiyay Howlgalka ay kawadaan Soomaaliya waxa uu sheegay Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya uu mid ka yahay dadaalada caalamiga ah oo lagu caawinayo Soomaaliya. General Thomas ayaa soo hadal qaaday intii su`aalaha la weydiinayay Duqeymo ay ka fuliyeen Gobolada Jubooyinka iyo Sh/Hoose, iyo dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuuna sheegay duqeymii ay ka fuliyeen Goboladaasi ay dhamaan ay la bartilmaameesadeen Xubno sar sare iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab. Wuxuu sidoo kale uu ku nuux nuux saday in wali ay taagan tahay Awooda dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuu tusaale u soo qaatay Weeradii Al-shabaab ay ka fuliyeen Isgoyska Zoobe ee dhacay sanadkii tagay 2017-da, iyo qaraxyo kale oo ka dambeeyay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM General Thomas Waldhauser ayaa dhanka kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Duqeymahaasi ay ku taageerayaan Dowlada Soomaaliya sidii ay ugu adkaan laheed Al-shabaab iyo sidii ay u dhisan laheed Ciidamo sugo amaanka Dalka Soomaaliya. Taliska AFRICOM ee Mareykanka u qaabilsan Howgalada Qaarada Afrika ayaa kordhiyay sanadkii tagay iyo sanadkaanba Duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya. Taliska Mareykanka ee ka howlgalla Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayaa ka taageera Ciidamada dowladda Soomaaliya dhinacyada tababarka iyo tasiilada,waxaa kaloo ay iska kaashadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka fuliyaan Gudaha dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo sheegay in wali ay taagan tahay Awooda Al-shabaab iyo duqeymaha oo la sheegay inay… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Puntlandi) Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay 3 nin oo lagu eedeeyay inay magaalada Hargeysa ku sameyn jireen Baasaboorka Soomaaliya. Raggaan ayaa loo haystaa inay u shaqeynayeen saaraakiil hay’adda socdaalka Soomaaliya usoo magacowday waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee fadhigeedu yahay Hargeysa. Inkastoo saddexdan nin la xiray maalmo kahor hadana aqbaartooda waxaa la helay maalintii shalay kadib markii booliisku ay sheegeen inay hayaan rag Muqdisho lacago lagasoo siiyay si ay Hargeysa uga fuliyaan howlo qarsoodi ah oo uu kamid yahay sameynta Baasaboorka Soomaaliya. Warbaahinta Hargeysa waxay qorayaan in sarkaalka loosoo magacaabay inuu barnaamijkaan ka shaqeeyo ay qaraabo dhow yihiin madaxweyne Muuse Bixi Cabdi. Waxaa kaloo dadka la xiray ku jira rag u shaqeynayay shakhsiyaad u shaqeynayay shirkadaha duulimaadka. Puntlandi.com
