-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Aadan barre Ducaale oo ah Hogaamiyaha Aqlabiyada dalka Kenya ayaa hadlay darbiga Dowlada Kenya ay ka dhiseeyso xadka Soomaaliya iyo kenya. Xildhibaan Ducaale oo La hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in darbigaasi Kenya ay ku qasabtay in ay dhistaan Al-Shabaab. Waxa uu Sheegay in qatar Amni ay ka imaaneeyso Al-Shabaab islamarkaasina Kenya ay Amaankeeda adkeeneeyso. Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in haddii laga adkaado Al-Shabaab in dowlada Kenya ay joojin doonto dhismaha darbigaasi. Dowlada Kenya ayaa wado dhismaha darbi ay ka dhiseeyso xadka Soomaaliya iyo kenya waxaana dowlada Kenya lagu eedeeyay in ay soo xad gudubtay Xadka Soomaaliya. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/Aadan-Barre-Ducaale.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ducaale:-“Al-shabaab ayaa Nagu Qasbay Dhismaha Derbiga Xuduudka Soomaliya iyo Kenya” appeared first on Puntland Post.
-
Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah odayaashii 135-ta ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre u bedalay Saddex kamid ahaa golahiisa wasiirada. Waxa uu sheegay in is bedalka muhiim uu yahay, balse aanay ku fekerin qaabka hadda loo maray waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale boqorka ayaa sheegay in xubnaha cusub ee lasoo magacaabay uu ku jiro shaqsi uu sheegay in gabood fallo geystay xilligii dowladdii uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud, welina aan wax cadaaladda ah la horgeyn. “Waxaan ka xumahay sidey wax u dhaceen, isbedal waa uu wanaagsanaa, laakiinse isbedalka sida loo sameeyay looma baahneyn, waxaa wasiirada ku jira shaqsi gabood fal sameeyay, waliba aniga si gaar ah iigu sameeyay oo meeshii cadaaladda la geyn lahaa lagu abaalmariyey xil” ayuu yiri Boqor Maxamed. Ugu dambeyn, Boqor Maxamed Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre laga doonayey in waxgaradka ay kala tashtaan shaqsiyaadka ay soo magacaabayaan waxgaradkooda, kahor inta aanay xilka u dhiiban. Goobjoog News Source
-
Calls for Somali authorities to release detained journalist
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - The Committee to Protect Journalists (CPJ) has called on Somali authorities to immediately release Abdishakur Abdullahi Ahmed, also known as Shaasha, who was arrested on charges of airing false news. Source: Hiiraan Online -
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee Puntland ay saakay howlgal ballaaran ka wadaan xaafadaha magaaladaasi. Waxay ciidamada daba socdaan shaqsiyaad dil u geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaaliya dekadda Boosaaso. Sarkaalka la diley ayaa lagu magacaabaa Xasan Xiireey, waxaana raggii diley oo ku hubeysnaa Bistoolado ay isaga baxsadeen goobtaasi. Dad ka badan 20 ayaa howlgalkaan lagu soo qabtay, kuwaasi oo lagu baarayo saldhigga Boosaaso. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan weli wax faah faahin ah saxaafadda kama anaay siin howlgalkaan socda. Amniga Boosaaso ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo badanayey dilalka iyo qaraxyada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
It may soon be a criminal offense to be an atheist in Egypt. Source: Hiiraan Online
-
Koox Hubeeysan ayaa Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho ku dishay Labo Nin oo Dhalinyaro ahaa. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Koodka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho. Kooxdaan hubeeysan ayaa waxa ay toogteen Labo wiil oo dhalinyaro ahaa oo la sheegay in ay ahaayeen ilmo adeer. Labadaan Wiil ee dhalinyarada ahaa ee xalay la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cismaan Siidow iyo Cumar Maxamed Axmed Caafi. Waxaa Masuuliyada dilkaasi Sheegtay Al-Shabaab oo warar ay ku baahiyeen warbaahintooda ku sheegay in ay katirsanaayeen Ciidamada NISA dhalinyaradaasi iyagana ayu dileen. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo masuuliyadooda ay sheegtay Kooxda Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Koox Hubeeysan oo Labo Wiil oo Walaalo ahaa ku Dishay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Miraa transporters change route over threat from Al-Shabaab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Transporters have changed the route they use to ferry miraa from Nyambene Hills in Meru County to North-Eastern and southern Somalia due to fear of Al-Shabaab attacks. Source: Hiiraan Online -
Ruushka ayaa cambaareeyay Mareykanka oo doonaya inuu ku qanciyo golaha ammaanka ee raacsan qaramada midoobay arrinta ku saabsan dibad-baxyada ka socda gudaha Iran. Fasiili Neybizia oo ah wakiilka Ruushka u fadhiya qaramada midoobay ayaa sheegay in faro-gelinta lagu hayo gudaha golaha ammaanka uu xumeyn doono qaramada midoobay. Wakiila Mareykanka u fadhiya qaramada midoobay Nikki Haley, ayaa ammaantay daqiiqado ka hor dibad-baxyada ka socda Iran waxayna ku tilmaanatay soo bandhigidda awood shacab oo geesi ah. Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Iran ayaa sheegay in Mareykanka uu xumeynayo golaha amaanka uuna awoodiisa uu u adeegsanayo six un. Arbacadii ayey ahyed markii Iran ay u gudbisay golaha ammaanka ee qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah Mareykanka taasi oo ku saabsaneydd inuu ku hayo farogalin qaawan. Goobjoog News Source
-
Two airliners collided on the ground at Toronto's Pearson International Airport on Friday night, causing a small fire on one and an emergency evacuation of the other. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa u sheegay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, in aaney jirin hadda Fursad uu Turkiga ugu soo biro midowga Yurub. Shir jaraa’di oo si wadajir ah ay ugu qabteen magaalada Paris ayuu Macron ku sheegay inay jirto cabsi ku aadan dhanka xuquuqul insaanka tan iyo markii Turkiga uu bilaabay olole lagu sifeynayo dadkii ka dambeeyay afgambigii fashilmay 2016 kii. Dhankiisa madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu daalay sida uu ugu qeylinayey Yurub si uu ugu biro Midowga Reer Yurub. Edogan ayaa ku eedeynaya Midowga Yurub dhagar iyo inay Turkiga waqtiga ka lumiyaan. Macron ayaa dhankiisa tilaamay inay muhiim tahay in Faransiiska uu ilaaliyo xariirka dhow ee uu laleeyahay dhiggiisa Ankara,waxayna labada madaxweyne ay hoosta ka xariiqeen inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ururka Daacish. Goobjoog News Source
-
Qabiil iyo qabyaalad waa laba erey oo siyaasiyiin badani rumeysan yihiin in macne ahaan la isku beddelan karo. Kan hore waa dad isku oday ku abtirsada – ha noqdo mid dhab ah ama mid male-awaal ku salaysan. Qabyaaladdu waa u adeegsiga awoodda siyaasadeed si sharci-darro ah si xaqa qof ama dad loo duudsiiyo ama si qof loogu eexdo siyaasad ama dhaqaale ahaan. Dadka qabiilka ka tirsani wax may ka wada dheefaan qabyaaladda hase ahaatee badankood iyaga oo aan is ogayn way suurtowdaa inay adeegsiga qabyaalad taageeraan. Maxaa ku qasba qofka inuu taageero adeegsiga qabyaalad uu dhibbane u yahay? Source: Hiiraan Online
-
Late last year, the Turkish authorities opened their largest military base abroad in the Somali capital Mogadishu as a step towards consolidating ties with Somalia and establishing a presence in East Africa. Since then they have been seeking a military base in Sudan as the second Turkish base in Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dawladaha dunidu waxey ku kala sareeyaan saameynta; siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed, ciidan iyo hogaamineed. Waxaana loo kala qeybiyaa; A-Dawlad-daleed; waa dawlada saameynteedu ku koobantahay dalkeeda kaliya sida; inta badan dawladaha xubnaha ka ah UN. B-Dawlad-gabaleed; waa dawlad saameyn ku leh dawladaha Gobalkeeda ama kuwa ay diin iyo dano wadaag yihiin sida; Masar, Turkey, Saudi Arabia, Nigeria, Iiran, South Afica iwm. C-Dawlad-duniyeed; waa dawladaha saameynta ku leh dawladaha dunida oo dhan ama badankood sida; dawladaha xubnaha joogtada ka ah Golaha Amaanka, Jarmal, Japan iwm. Masar iyo Turkey waa laba dawlad-gobaleed oo Magac iyo Taariikh dheer ku leh dunida iyo dawladaha Islaamka, waxeyna leeyihiin dadka ugu aqoonta iyo ilbax-nimada badan dunida, waxey saameyn muuqata iyo mid qasoon ku lahaan jireen wadamada Islaamka gaar ahaan wadamada Carabta iyo difaaca Muqadaaska Islaamka, waxaana mar kasta ka dhaxeeyey xafiiltan iyo tartan. Balse maanta waxaa kala reebay Hogaanka iyo Waqtiga, waxaana cad in dawkaduhu aysan ku kala hor marin; dad, dhaqaale iyo ciidan badan, lkn ay ku kala hormaraan; Hogaan, Maamul hufan, Xorriyad, Dimoqoraadiyad iyo wada lahaansho dawladeed. Masar iyo Turkey hadii aan Tusaale usoo qaadano waxaa soo baxeysa jawaabtan; 1-Masar Sh. Kishki AUN ayaa ku tilmaamay “Halkaan ayaa laga dhoofiyaa sharta iyo khayrka labadaba” Masar waxey bartay dunida Carabta iyo Africa Inqilaabaadka Ciidanka 1950 ilaa 2000, Boqortooyo iyo adoonsi Fircoon ilaa Faaruuq, Xabsi iyo Daldalaat ilaa Qur’aanku uu isku xiro Masar iyo Xabsi inta jeer oo ay Qur’aanka kusoo aroortay kalimada “Sijni” oo ah Xabsi, waxaana lagu tilmaamaa halka aduunka ugu Xabsi iyo Daldalaat badan gaar ahaan; Culimada, Aqoon-yahanka, Siyaasiyiinta iyo Mufakiriinta. Waxaana la dhihi karaa waxaa facood ka reebay Inqilaabyo Ciidan iyo Xorriyad la’aan; Jamaal ilaa SiiSii. Dhanka saameynta Gobalka waxey kala marayaan Masar iyo Turkey: A-Masar: Somaliya xilligii M. Jamaal Cabdinasir iyo M. Saadaad waxey aheed dawlada koowaad ee Siyaasada, Amniga, Aqoonta iyo Istaraatiijiyada Masar ugu horeysa, lkn xilligii M. Xusni Mubaarak gacanta ayuu ka taagay markii uu u dhaafay Ethopia, uuna yiri “waa fahamsanahay sababta ay Ethopia u gashay Somaliya 2006, amnigeeda ayey ilaashaneysaa” iyo 2011 markii Turkey kasoo gurmatay xuduuda Yurub iyo Asia Masarna ku mashquulsaneed kacdoonkii Carabta iyo Sarkaal ka qaad ee Sarkaak u dhiib! Suuriya iyo Yemen oo Jamaal Cabdinasir xukumijiray oo maanta waxba aan laga weydiinayn Masar! Qatar oo sanadkii hore markii ay ka baqday in Masar iyo Saudi Inqilaabaan u yeeratay Turkey, Saldhigna siisay si ay u difaacdo! Sudan oo Amniga Masar ku xiranyahay markii ay baqday waxey u yeeratay Turkey oo ay siisay Saldhig Ciidan! Liibiya oo ku jirta Caloosha Masar oo ay taladeeda u dhaaftay Imaaraat iyo reer Galbeed! Falastiin iyo Qudus oo markii ay khatar galeen kana quusteen Masar iyo dawrkeedii Carabta u carareen Turkey! Ciraaq iyo Libnan oo hoos galay Iiran! Urdun oo markii ay u dhaarteen Israel iyo Americo u carartay Turkey! Kadibna waxaa soo baxday markii Carabta iyo Masaajida barakeysan khatar galeen; “Buur ahaw ama Buur ku tiirsanaw” ayaa Turkey soo celiyey Saldhigyadii laga difaaci jiray Xarameynka Qarni ka hor ee SAWAKIN & ZAYLAC. B-Turkey mudo ku dhaw hal Qarni ayey dib u dhaceen Inqilaabyo iyo xukun Ciidab. 20 sano ka hor ayey ka caafimaadeen Inqilaab iyo xukun Ciidan iyaga oo xilligaas gaaray dadka ugu liita aduunka xaga nolosha, xorriyada iyo saameynta Gobalka, Yurubna ka faanto, dawladaha Islaamkuna ku faraxsanyihiin in ay iska xureeyeen Boqortooyadii Turkey, dadkoodii aqoonta lahaana u kala Qaxeen Bari iyo Galbeed, ayuu yimid Xizbiga AK Party, maantana waxey marayaan heer ay ka faanaan Yurub iyo ku biiristeeda, heer ay ka mid noqdaan 20 ka dal ee aduunka ugu dhaqaala iyo ciidamada badan uguna saameynta badan dunida Islaamka iyo Carabta, heer ay u gurmadaan Al-Aqsaa iyo Muslimiinta Ruhinga, dadkooduna diiday in ay ku laabtaan Inqilaab Ciidan danbe sida ay u diideen in ay caloosha hooyadood ku laabtaan lkn Masar waxey aqbaleen in ay Inqilaab dib ugu laabtaan sanad Xorriyad iyo Doosha ah kadib. Hadaba Masar iyo Turkey kuma kala sara marin Batrool, Khayraat dhul, Aqoon, Ciidan, Ilbaxnimo, dhul weyn iyo dad badan! Kaliya waxaa lagu kala hormaray; Xurriyad, Hogaamin, Maamul hufan, Dimoqoraadiyad, Qab iyo Himilo. W/Q. Maxamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog iyo Gorfeyn: Maxay ku kala sareeyan dowladaha Turkiga & Masar? appeared first on Caasimada Online.
-
Quraankeena Suuban waxaa ku jirto in aan la raacin Hawadaad. Khayre iyo xasanaad Alle ha siiyee Mashaa’ikhdii Soomaliyeed si fiican bay inoogu sheegeen oo ah in Quraanka iyo ku dayashada Rasulk oo kaliye lala magangashado Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in maanta si weyn oo aan loo kala harin ay beesha Hawiye garoonka Dayaaradaha ee Aden Cade ugu soo dhaweyeen Wasiirka Cusub ee loo magacaabay Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye. Soo dhaweynta Wasiirka oo caadifad weyn iyo jibo qabiil ka muuqtay, ayaa waxaa horboodayey oo ka qeyb galay, khudbado xamaasadeedsana ka jeediyey xubno ka tirasan golaha Wasiirada Dawlada Federaalka Somaaliyeed, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan labda gole, Siyaasiin hore, Oday dhaqameedyo iyo xubno ka socday ururada bulshada. Soo dhaweynta Wasiirka ayaa u muuqtay dhoolotus siyaasadeed oo beesha Hawiye ku muujinayso sida ay ugu farxsan yihiin, ee ay u afduubeen taladii dalka, isla markaana ay mar kale u hantiyeen xilka iyo masuuliyada Wasaarada Arimaha Gudaha, oo ay mudo sannad ku dhow ay ku taamayeen, halgana adagna u galeen sidii ay gacantooda ugu soo noqon laheyd,xilkan oo ay beeshu haysay mudadii 27 sano ee ina soo dhaaftay. Waxaa yaab laheyd oo soo dhaweynta qabiil ee Wasiirku mideysay oo isu keentay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka ah iyo Xubno lagu ogaa in ay ka mid ahaayeen ururada argagixisada ah ee Xisbul Islaam iyo Shabaab oo uu ka mid ahaa Ugaas Cabdi Daahir. Isku soo wada duub waxay soo dhaweynta Wasiirku marada ka feyday, oo ay banaanka soo dhigtay tuhunkii shacbiga Somaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba qabeen ee aheyd in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu go’doon siyaasadeed ku yahay guriga Madaxtooyada ee Villa Somalia. Halkan ka daawo jibada soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Arimaha Gudaha.
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Maanta soo kormeeray Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu dhammaaday. Garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe oo loo dhisay qaab casri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo daah-furo 8 bishaan Jen,waxaana furitaankiisa ka soo qeyb galaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo,sid qorshuhu yahay. Madaxweynaha Puntland oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka socotay labada Gole ee dowladda iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa Maanta kormeeray dhammaan qeybaha uu ka koobanyahay Garoonka cusub,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada oo Warbaahinta loo qeybiyey. Mudane. Gaas ayaa xaqiijiyay in Garoonka loo dhisay sidii loogu talo galay,islamarkaana uu noqon doona mid u shaqeeya sida garoomada Adduunka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo sheegay in Garoonka diyaaradaha Garoowe uu noqon doono sida garoomada Adduunka. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu tahay 06 January 2018 soo kormeeray Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay. Kormeerka ayaa waxaa Madaxwaynaha ku wehelinayay Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada ee dawladda Puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maamulka gobolka nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin isugu jiray wasiiro, xildhibaano, saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda puntland, iyo masuuliyiin kale. Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxwaynuhu dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay garoonka cusub, madaxwaynaha, ayaa xog waraystay shaqaalaha kashaqeeya dhismahaasi, sidoo kale Madaxwaynaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta wasaarada duulista iyo hawda ee puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqadii loo igmaday, isla markaana waxaa uu Madaxwaynuhu xaqiijiyay in garoonka loo dhisay sidii uu qorshuhu ahaa ee loogu tala galay, madaxwaynaha dawlada puntland ayaa sheegay in dhismaha cusub ee garoonka xadhiga laga jari doono 08 january 2018. Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa xaqiijiyay in dhismaha garoonku uu marayo wejigii ugu danbeeyay, isla mar ahaantaana uu garoonku noqon doono mid u shaqeeya sida garoomada aduunka. Ugu danbayn Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daar may hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ilaa inta lagala wareegayo dhismaha cusub in ay sii wadaan shaqadooda. Puntlandi.com
-
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Banii’aadanimada,Mark Lokoc ayaa ka digay in haddii aan wax laga qaban xaaladda dalka Yemen ay ka dhacayso musiibadii ugu xumeyd muddo ku siman 50 sano. Mr.Lokoc oo wareysi siinayey Aljazeera ayaa ku tilmaamay xaaladda haatan ee waddanka Yemen in ay u muuqato meel Qiyaamihii ka dhacay,wuxuuna sheegay in Sanduuq gaar ah laga sameyn doono Qaramada Midoobay,si loogu taageero gargaarka deg degga ah,sanduuqaas oo noqon doona kii ugu weynaa ee gargaar ah taariikhda Qaramada Midoobay. Hadalkiis ayaa ku soo beegmay xilli Xafiiska Isku dubbarida Arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray warbixin ku baaqaysa in gurmad deg deg ah lala gaaro waddanka Yemen bilowga sannadkaan 2018,iyadoo ay ka sii darayso colaadda dalkaasi. In ka badan 22 malyan oo ruux ayaa u baahan ilaalin iyo gargaar banii’aadannimo,kuwaasoo in ka badan 11 malyan oo kamid ah ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah,sida warbixinta lagu xusay. Sidoo kale dadka rayidka ah ayaa wajahaya khatar weyn oo uga imaanaysa dhinacyada dagaallamaya,waxaana ilaa iyo haatan dhimashadu gaaraysa in ka badan 8000(Sideed kun),halka saddex malyan oo kalena ay ka carareen guryahooda. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 18 malyan oo ruux aanay haysan cunto nadiif ah,halka 16 malyan oo kalena ay harraad u dhimanayaan. Hay’adaha gargaarka ayaa Is-bahaysiga Sacuudiga ka dalbanaya in ay go’doonka ka qaadaan dalka yemen,si gurmad loo gaarsiiyo. Xigasho: Aljazeera Arabic PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Qaramada Midoobay oo dalka Yemen ku tilmaantay meel Qiyaamihii ka dhacay. appeared first on Puntland Post.