-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay nin kale oo ka mida maleeshiyadii kooxdaasi ee habeenkii Jimcaha ee 23-ka Bishan weerarka ku qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Wareysi lala yeeshay ninkan oo lagu magacabo Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi oo (Anas) ayaa lagu sheeay inuu ahaa ninkii waday gaarigii siday askartii Alshabaab ee weerartay xarunta madaxtooyada, isagoo la sheegay inuu sidii loogu talogalay u fuliyey howshiisii, kadibna ka qeyb galay weerarka. Ninkan Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi ayay Alshabaab ku sheegtay inuu ksoo jeedo Beesha Raxanweyn, gaar ahaan jufada Boqol hore ee degta gobollada Bay iyo Bakool, waxaana ninkii labaad ee Alshabaab shaaciso, kaasoo qeyb ka ahaa weerarradii Muqdisho ruxay habeenkii jimcaha ee la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Alshabaab oo shaacisay magaca & Beesha Darawalkii waday askartii weerartay Xarunta Madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.
-
The modern scramble for Africa is intensifying. A sharp uptick in the expansion of foreign militaries in the Horn of Africa accompanied the growth of economic competition in the region in 2017. China, Turkey, and the United Arab Emirates have opened military bases throughout the area in the past two years. The region is strategically important to these states for various reasons: securing shipping routes in the Bab al Mandab Strait, proximity to the ongoing conflict in Yemen, and the desire to array forces in the region alongside rivals including the United States. Source: Hiiraan Online
-
Somalis have always regarded poetry as the pinnacle of their literary heritage but the elegance of the poetic expression came through singing in folklore dances. Before the arrival of the Arabian oud, the ears of the Somali people were trained to the beat of the African drum. Known as 'the Nation of Bards', the people found expression through rhythm and rhyme in dance and singing. Source: Hiiraan Online
-
After years of civil war and upheaval, Somalia is struggling to its feet, and the U.S. is back in with boots on the ground and drones in the skies. Special correspondent Jane Ferguson and videographer Alessandro Pavone report on the ways the U.S. and other African partner nations are helping Somali forces fight al-Shabab militants on a very complex battlefield. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka fiirsan doono Hanaanka ay Madaxda Hay’adaha amaanka ku maamulaan Saraakiisha iyo Ciidamada. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu aad u dhaliilsan yahay hanaanka ay Madaxda ku magacaaban Hay’adaha amniga u maareeyaan xuquuqda Saraakiisha iyo ciidamada ka hooseysa. Madaxweyne Farmaajo oo ah Taliyaha ugu sareeya ciidamada Qalabka Sida ayaa ballanqaaday inuu wakhti badan siin doono dabagalka Madaxda ugu sareysa Hay’adaha amaanka oo iyagu lagu eedeeyo inay musuqaan xuquuqda ciidamada xaqiijin lahaa amniga. Madaxweynuhu waxa uu arrintaan la kaashan doonaa Khubaro dhanka amaanka iyo la-taliyayaashiisa dhanka amaanka, waxaana lagu wadaa in lasoo saari doono ciladaha heysta Hay’adaha amniga. Madaxweynuhu waxa uu si aad ah u dhaliilsan yahay laba qodob oo kala ah: 1-Hanaanka loo maareeyo xuquuqda ciidamada sugi lahaa amniga dalka. 2-Kala saarida nin jecleysiga iyo in Saraakiisha Hay’adaha amaanka lagu kala sareysiiyo aqoonta, halka iminka lagu kala sareeysiiyo nin jecleysi. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Seddexda sano ee uga harsan xilkiisa uu xooga saari doono la dagaalanka Musuqa lagu hayo xuquuqda ciidamada, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ku dhow dhow Madaxweynaha. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili ay jiraan Kiisas musuq ah oo lagu hayo Taliyayaal, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale oo xilal haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo ka fiirsanaaya 2 arrin oo dhaqan u noqotay Shaqsiyaadka ku magacaaban Hay’adaha amniga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khilaaf meel xun gaaray oo u dhexeeya Madaxda ugu sareysa maamulka HirShabelle iyo Xildhibaanada baarlamaanka maamulka. Khilaafka oo meel xun gaarsiisan ayaa waxa uu ka dhashay Wareegto uu Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ku magacaabay Taliyayaal ciidan. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa magacaabida Taliyayaasha ku sheegay mid aan loo marin waddo sax ah, isla markaana Hoggaamiye Waare ugu baaqay inuu wax kabedelo hanaanka magacaabida. Xildhibaanada oo ku adkeysanaaya Mowqifkooda ku aadan wax kabedelka hanaanka loo maray magacaabida ayaa Hoggaamiyaha ku wargaliyay inuu wajihi doono xil ka qaadis, waa haddii uu maareyn waayo hanaanka magacaabida. Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ah baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa sheegay in Hoggaamiye Waare uu xilkiisa ku xiran yahay hadba qaabka uu u maareeyo Khilaafka ka taagan magacaabida Taliyayaasha. Waxa uu Xildhibaanka yiri ‘’ Waare waxa ay badbaadada xilkiisa ku jirtaa kalaabashada Wareegtada uu ku magacaabay Taliyayaasha, haddii ay dhici weyso waxba kama duwanaan doono Cosoble, waayo xiligaan diyaar uma nihin shaqsi Jecleysi’’ Sidoo kale, waxa uu Xildhibaanka sheegay inay diyaar u yihiin isla xisaabtan, iyadoo la maraayo waxa uu qabo Dastuurka maamulka. Dhinaca kale, waxa uu ka digay in Madaxda ugu sareysa maamulka ay maciin bidaan nin jecleysi iyo inay u kala eexdaan Umadda u siman maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waare oo badbaadada xilkiisa lagu xiray kalaabashada Wareegto uu soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Boqorka dalka Sacuudiga ayaa waxaa xil ka qaadis loogu sameeyay dhammaan Taliyeyaasha ugu sareeya ee ciidamada Sacuudiga. Wareegtada Boqorka ayaa waxaa lagu qeexay in xil ka qaadista ay tahay mid lagu doonaayo isbedel dhanka amaanka ah, iyo in Hay’adaha ay sii maamulaan wajiyo cusub. Wareegtada Boqorka ayaa soo baxday xalay saqdii dhexe waxaana xil ka qaadista lagu sheegay mid la xiriirta fashil dhanka amni oo ku dhacay Taliyayaasha xilalkooda waayay. Taliyayaasha Militeriga ee xilalkooda waayay ayaa lagu eedeeyay inay ka hoos dhaceen heerkii laga filaayay inay ku tirtiraan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen, halka kuwa khuseeya Amniga gudaha ay si bareera ugu fashilmeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta ku sugan gudaha. Sidoo kale, Boqorka ayaa lagu dhaliilay sida degdega leh ee uu xilka uga qaaday Taliyeyaasha Hay’adaha amaanka, xili ay Xuuthiyiintu ay qorsheynayaan weeraro gudaha ah. Geesta kale, Talada xil ka qaadista Taliyeyaasha ayaa la xaqiijiyay inay lahaayen qoyska Boqorka oo iyagu u muuqda kuwo boholo kusii wada dalka Barakeysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Boqorka Sacuudiga oo mar qura xilalka ka xayuubiyay Taliyayaasha ugu sareeya ciidamada appeared first on Caasimada Online.
-
Gobolka Garada Fuu waa gobolkii ugu dambeeyay ee gobolada Puntland labixiyay ,waxaana uu kulmiyaa sadaxda badood ee kala Ah bada INDIA, Gulf of Aden, iyo Arabian sea . Gobolka Garada Fuu waxaa mara 10 dhabo oo ay isticmaalaan Diyaaradaha ukala goosha Afrika iyo Asia. Gobolkan waxaa daris la ah wadamo ay ka midyihiin Cuman, Imaaraadka Carabta ,iyo dalka Yaman. khayraadka uuleeyahay gobolka Garada Fuu ayaa waxaa ka mid ah, 1-khayraadka kaluunka 2- khayraadka Xabkaha iyo Maydiga, 3-khayraadka Dhuxul dhagaxda iyo khayraadka dalxiiska . Hadaba gobolka intaas oo khayraad ah uu ku jiro oo aan ka soo sheekeenay ayaan lahayn Wadooyin loo maro oo ay dadku kaga faa iidaystaan khayraadka uu Eebe ku manaystay gobolkan,waxaana looyaqaana gobolada gaariwaaga ah ,waana gobolada laamiga ka baxsan oo aysan dowladdi hii Puntland soomaray aysan gaarsiin adeegyadii bulshada ay ubaahnaayeen . Waxaa haatan socda dadaalo lagu dhisayo wado dherer keeda uu yahay 650 kiiloo mtr oo isku xiri doonta Caluula iyo kala beer iyo Deked ay wax kala soo dagaan dadka deegaankaasi . Hadaba Taariiqda gobolkan iyo khayraadkiisa waxaa Puntlandi uga waramay Wasiir kuxigeenka wasaarada Arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee Puntland C/laahi Xaashi Qoob deero. Halkan ka dhagayso . Wasir Qoob deero
-
KAMPALA – Uganda’s President Yoweri Museveni will on March 2 convene a Summit of Troop Contributing Countries (TCCs) of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) in Kampala. Leaders from the AMISOM contributing countries and and the Federal Republic of Somalia are expected to participate at the highest level. The Summit is being convened within the framework of conclusions of a September 2017 meeting hosted in New York by President Museveni on the margins of the United Nations General Assembly. The New York Summit was called to exchange views on the situation in Somalia and the future of AMISOM following the adoption of the UN Security Council Resolution 2372 (2017), whose main thrust was the phased reduction and draw-down of AMISOM troops; and the gradual handover of security responsibilities to Somali National Security Forces(SNSF). The March 2nd Summit in Kampala, will therefore provide an opportunity to further discuss the current situation in Somalia. Focus will be on the continued role of the TCCs/AMISOM in Somalia, a mechanism for sustainable and predictable funding for AMISOM plus inputs to the AMISOM transition plan. Representatives of the African Union Commission, UN Secretariat, the European Union Commission, Regional and Sub-Regional organizations, and representatives of the Five Permanent Members of the UN Security Council. The Summit and will be preceded by a Meeting of Experts and Senior Officials on Tuesday March 27, a meeting of Chiefs of Defense Forces on Wednesday , a Meeting of Ministers of Foreign Affairs and Defence on March 1, 2018 . There will also be a Meeting between TCCs and Partners on the same day. Uganda was the first country to deploy troops under AMISOM into Somalia in March 2007. So far, Uganda has provided six AMISOM Force Commanders. Uganda’s Lt Gen Jim Owoyesigire is the current commander. The Ugandan contingent remains the largest contingent in AMISOM with over 6,000 troops based in Sector 1 which comprises of Banadir (Mogadishu), Middle and Lower Shabelle regions. Source: Independent The post Uganda to host AMISOM leaders in key Somalia summit appeared first on Caasimada Online.
-
STANBUL: Turkish President Recep Tayyip Erdogan on Monday embarked on a five-day tour of west Africa in a bid to ramp up Turkey’s growing influence throughout the continent. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug. Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo wafdiga madaxweyne Xaaf ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Xaaf ayaa kulamo la qaadan doono Madaxa xukuumada Gal-Mudug Sh Maxamed Shaakir iyo xubnaha maamulka ee ku sugan Dhuusamareeb. Dhowaan waxaa isku biiray oo heshiiyay dhinacyada Gal-Mudug iyo Ahlusunno oo ku midoobay magaca Gal-Mudug waxaana iminka la sii dhameeystirayaa waxyaabihii lagu heshiiyay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Xaaf oo ku wajahan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Could Tupac be living in Somalia? That's the opinion of some, who reckon they've seen the famous rapper some 20 years on from his death. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in 13 ka tirsanaa Carruurtii al-Shabaab ee lagu qabtey dagaaladii ka dhacay Puntland ay ka baxsadeen xabsiga. Carruurtaan ka tirsaneyd al-Shabaab ee xabsiga ka baxsatay ayaa lagu kala qabtay deegaanada Suuj, Garmaal iyo weliba Garacad. Carruurtaan baxsatay ayaa la sheegay in xilliga la qabanaayey ay dagaalka kula jireen ciidamada difaaca maamulka Puntland, waxaana Xabsiga loogu samaynayey wax loogu yeeray dhaqan-calin. Wararku waxay intaas ku darayaan in mid kamid ah Carruurta dib loo qabtey, halka 12 kii kale aan gacan lagu dhigin lamana oga in ay ku jiraan gudaha magaalada Garoowe iyo in ay ka baxsadeen. Sidoo kale, Sarkaal u hadlay Ciidanka Puntland ayaa wuxuu sheegay inuusan kala cadayn karin in carruurtaas Shabaabka ahaa si ula kac ah ooda looga qaaday ama inay iyagu baxsadeen, waxaase uu cadeeyay inay hayaan hal qof oo looga shakisan yahay inuu ka mid ahaa Maxaabiista oo ciidamadu soo qabteen. Xaruntan ay ku xareysanaayeen ayaa waxaa amnigeeda u xilsaaranaa Ciidanka Asluubta Puntland, lamana oga sababaha keenay baxsashadooda. Dhinaca kale, al-Shabaab-ka ka baxsadey halkii amnigooda lagu sugayey ayaa weji gabax ku ah maamulka Puntland waxaana la is weydiinayaa khatarta ay keeni karto arrintan. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com The post Tirro al-Shabaab ah oo ka baxsadey Xabsi lagu hayey oo ku yaalay magaalada Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda wadda qorshe kale oo ay ku dooneyso in Muqdisho laga soo galo oo kaliya Labo meel oo kala ah Balcad iyo Afgooye, inta kale ee waddooyin ahna la xiro. Waxaa xirmi doona waddooyin badan oo Labada Shabelle looga soo geli jiray Muqdisho, waxaana sidoo kale la xiri doonaan kuwo qarda jeexyo ah oo magaalada imaanayey. Ulajeedka ayaa ah sida la sheegayo in la adkeeyo ammaanka magaalada Muqdisho, wallow shacabka Muqdisho ay arrintaan u arkaan caqabad weyn oo soo kordhi doonto.
-
Jabuuti -(Caasimadda Online)- Madaxweyne Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dhawaan go’aan uu qaatay ku laalay heshiiska maalgashi ee uu dalkiisu kula jiray shirkada DP-World ee dalka Imaaraatka Carabta laga leeyahay ayaa wada hadal qadka taleefanka ah kula yeeshay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, isagoona siiyay talo waayeelnimo oo ku saabsan wax loogu yeeray khataraha iyo halista ku dahaahan heshiisyada Imaaraatku lagalo wadamada caalamka, gaar ahaan dalalka dhaqaalahooda hooseeyo. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo si hoose uu ugu soo bandhigay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wakhtigii uu safarka ku tagay Jabuuti ee xilka Madaxweynaha Somaliland loo dhaariyay ayaa sida la sheegay si hoose farta ugu fiiqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu si qoto dheer u darso heshiiska maalgashi ee ay Xukuumaddiis hore la gashay Shirkada Dp-World islamarkaana uu aad uga foojignaado wax loogu yeeray dabinada iyo xarkaha soohan ee ay wadamo badan oo Geeska Africa ku yaala kala kulmeen heshiisyada maalgashi ee dalka Imaaraatka Caraba iyo Shirkadda Dp-World. Warar aan la hubin balse laga helay illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Muuse Biixi soo dhaweeyey taladaasi waayeelnimo ee uu u soo guntay Madaxweyne Geelle islamarkaana ay hadda ka muuqato taladaasi talaabooyinka hor dhaca ah ee uu hadda qaaday ee uu ku hurgafayo heshiiskaasi Dp-World, waxaanu durba bilaabay oo uu hor dhigay arimo layaab leh masuuliyiinta Shirkada Dp-World isagoo shuruud kaga dhigay inay ugu horayn dhamaystiraan oo ay bilaabaan mashaariicdii ay balan qaadeen ee kale ee ay ka midka ahaayeen Berbera Corridor iyo dhismaha Deked cusub. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in durba masuuliyiinta Dp-World ka cudur daarteen lacag ay hore u balan qaadeen oo 240-Milyan ahayd oo lagu dhisayay jidka laamiga ah ee Berbera ilaa Wajaale iyagoo sheegay inay bixin karaan oo qudha 80-Milyan arintaasi oo isfaham waa ka dhex abuuri karta Xukuumadda cusub iyo Shirkada Dp-World. Waxa jira xaalado tuhun leh oo ku gadaaman Shirkada Dp-World ee ay Xukuumaddii hore ku wareejisay Dekedda Berbera oo ah isha keli ah ee Dhaqaale ahaan waraabin jirtay Qaranka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com The post Xog: Ismaaciil Cumar Geelle oo digniin iyo talo ku aadan halista shirkadda DP World siiyay madaxweynaha Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Goobweyn (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Beker iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay booqdeen deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubada Hoose. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wafdigan ka socday Turkiga ku casuumay Goobweyn oo ah dhul barwaaqo ah, ahna dhul loo dalxiis tagi karo. Waxaa la socday Olgan Beker ganacsato Turki ah oo doonaya inay maalgashi ku sameystaan deegaanka Goobweyn. Dowladda Turkiga ayaa maalmaha soo aaddan waxay mashaariic horumarineed ka sameyn doontaa magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo Jubbaland ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com The post Turkiga oo maalgashanaya deegaanka Goobweyn ee Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
-
KAMPALA - Uganda’s President Yoweri Museveni will on March 2 convene a Summit of Troop Contributing Countries (TCCs) of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) in Kampala. Source: Hiiraan Online
-
HARGEISA–The Norwegian envoy to Kenya, Mr. Vabjorn Heines is visiting Somaliland at the moment. The Energy & Mineral Minister, Hon. Jama Mohamud Egal flanked by the director general, Saed Ahmed Jibril on Monday met with the Norway Envoy to Kenya. The minister and the envoy discussed on electricity project which the Norwegian govt is funding it. NIS Foundation has undertaken to implement the electricity projects to remote eastern regions in Somaliland where residents do not have access to electricity will benefit from it. They also talked about other development projects that Norway is carrying out in Somaliland.