-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Koox hubeeysan ayaa dil iyo dhaawac waxa ay Magaalada Muqdisho ugu geeysteen masuuliyiin katirsan Maamulka Degmada Xamar Weyne ee Muqdisho. Kooxdaan Hubeeysnaa ayaa rasaas ku furay Maxamuud Macalin Xasan Fagaase oo ahaa Gudoomiye waaxaad iyo Xasan Buux oo isagana ahaa Gudoomiye Tabeeleed. Labadaasi masuul ayaa isla socday xiliga uu falkaasi dhacayay waxaana geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum Maxamuud Macalin Xasan Fagaase waxaana halkaasi dhaawac ka soo Gaaray Gudoomiye Xasan Buux oo ah gudoomiye laameed Degmada Xamarweyne. Kooxdii dilka geeystay ayaa isaga baxsaday goobta ay falkaasi ka geeysteen waxaana soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaasi iyga oo sheegay in ay dileen masuuliyiin katirsan Gobolka Banaadir. Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa ka dhaca falal isugu jiro dil iyo dhaawac loogu geeysto masuuliyiin dowlada katirsan Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Masuuliyiin dil iyo dhaawac loogu geeystay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye Jawaari, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsanaa in lagu khasbay inuu iscasilayo kahor inta aan mooshinka codka loo qaadin, si loosoo afmeero khilaaf siyaasadeed ee ka dhex taagan golaha barlamaanka Soomaaliya. Kadib markii Jawaari, warkaasi dhegahiisa ay soo gaareen, ayuu qoraal kooban oo degdeg ah kasoo saaray xafiiskiisa. isagoo beeniyay warkaaasi inuusan waxba ka jirin. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka. Puntlandi.com
-
Xaashi Cumar Xasan oo ah Soomaali Sanado badan danbi la’aan ugu xirnaa xabsi ku yaalo dalka Talyaaniga ayaa iska diiday Lacago magdhaw ahaan ay usiisay Dowladda Talyaaniga, Maadaama eedihii loo heystay ay waxba kama jiraan noqdeen. Dowladda Talyaaniga ayaa u xukuntay magdhaw dhan 3 Milyan oo Euro, Ninka lagu magacaabo Xaashi Cumar Xasan oo ah Soomaali 17 sano ku xirnaa dalka Talyaaniga. Xaashi oo haatan ku sugan Dalka Holand ayaa sheegay inuu dib ugu laabanayo Wadanka Talyaaniga si uu Xaqiisa usoo dhacsado, Waxa uu sheegay inuu horay ukexeysanayo Geelle oo uu ku sheegay inuu ahaa Qareenkiisa intii ay socota Dacwada isaga ka dhanka eheyd. Xaashi ayaa Rome loogu xiray in uu Muqdisho ku dilay Gabar Wariye ah iyo Kaamiriiste u dhashay dalka Talyaaniga sanadkii 1994-tii. Ilaria Alpi iyo Kaamiriiste Milan Hrovatin,ayaa u shaqeynaayay Warbaahinta RAI ee Italy waxaana 1994-tii lagu dilay Magaalada Muqdisho. Waxa uu Warbaahinta Goordhow usheegay iney aad uga yartahay Lacagaha la siiyay ee 3 Milyan oo Euro maadaama buu yiri, Mudo ku dhow 20 Sano uu danbi la’aan ku xirnaa xabsiyo loogu talagalay Dadka Maafiyada ah. Maxkamadda Magaalada Rome ayaa dambi ku waysay Xaashi Cumar Xasan waxaana ay u xukuntay 3.181 Milyan oo lacagta Europe ah, October 2016-kii ayaa Xaashi laga sii daayay Italy kaddib markii Qareennadii u doodayay ay ku guuleysteen in dambi lagu waayo. Alpi, oo 32 jir ahayd iyo Hrovatin, oo 45 jir ahaa ayaa Gaari ay wateen waxaa weerar ku qaaday Malleeshiyo hubeysan March 20, 1994,bartamaha Magaalada Muqdisho. Markii hore waxaa loo maleynaayay in Gabadha Wariyaha ah loo dilay aargoosi kaddib markii ay Muqdisho ku dagaallameen Ciidamadii Nabad Illaalinta Talyaaniga iyo mid ka mid ah Malleeshiyada hoggaamiye kooxeed ka mid ahaa kuwii ka talin jiray Muqdisho. Si Kastaba Muwaadinka Somaliyed ayaa ku doodaya in haatan loo xisaabiyay oo kaliya Maalmihii uu xirnaa balse ay ka maqanyihiin Xuquuqaad kale oo uu ku leeyahay Dowladda Talyaaniga.
-
Xildhibaanada Jawaari oo ku ururay 3 hoteel iyo olole socda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda ololo lagu doonaayo in lagu qaboojiyo khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan Guddoonka baarlamaanka iyo Xildhibaanada. Ololaha lagu qaboojinaayo Khilaafka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xildhibaano la sheegay inay banaan jog ka yihiin khilaafka taagan. Ololaha lagu qaboojinaayo khilaafka ayaa waxaa la sheegay inuu ka socdo Seddex Hoteel oo magalaada Muqdisho ay ka degan yihiin Xildhibaanada garabka u ah Guddoomiye Jawaari kuwaa oo lagu sii diyaariyay Hoteelada ku dhow dhow Villa Somalia iyo Xarunta baarlamaanka. Hoteelada ay kusoo uruureen garabka Jawaari ayaa waxaa kamid ah Hoteel S.Y.L, Sayidka iyo Dayax oo dhammaantooda ku dhow Madaxtooyada iyo Xarunta baarlamaanka. Qorshaha laga leeyahay ololaha xalinta Khilaafka ayaa la sheegay inuu yahay in labada garab ee baarlamaanka la kala dhex dhigo Heshiis si loo helo wakhti leysku waafaqo in la qabankaro codeynta Mooshinka. Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa la xaqiijiyay inay aqbaleen in Mooshinka loo sameeyo wakhti ay raali ka yihiin garabka taabacsan Jawaari si loo helo jawi loogu codeynkaro Jawaari. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta ku guda jirta qaboojinta Khilaafka ayaa rajo ka muujinaaya in xal laga gaaro wakhtiga muranka dhaliyay ee qaadista codka Mooshinka, waxaana la filayaa in la sameeyo wakhti kale oo lagu mideysan yahay in dhinac loo tuuro Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi (Farmaajo), ayaa sheegay in kaalin weyn uu ka qaadan doono xal u helida Khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan baarlamaanka Somalia. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dowladiisa ay u taagan tahay keliya inay xal ku dhameyso wixii Isfahan ah, waxa uuna ballanqaaday inuu qaadan doono kaalintiisa. Waxa uu Farmaajo tilmaamay inuu garwaaqsan yahay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka, balse ay sidoo kale muhiim tahay in laga fogaado wax waliba oo dhib ku ah sharciga dalka. Guddoonka baarlamaanka iyo Xildhibaanada ayuu sheegay inuu kala shaqeyn doono sida ay isaga soo dhawaan lahaayen halka ay iminka kala taagan yihiin. Waxa uu intaa raaciyay inuu soo dhaweyn doono isbedelka ku imaankara Xildhibaanada ku kala aragtida duwan mooshinka, waxa uuna carab ***** in wakhti badan uu siin doono xalinta Khilaafka. Talaabadan ayaa imaaneysa xili qeyla dhaan laga muujiyay khilaafka Guddoonka baarlamaanka iyo Xildhibaanada oo gaaray heer digniino laga muujiyay gacan ka hadal ka dhasha khilaafka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xafiiska Berbera waxaan uga baahday qof ila shaqeeya. Shuruudaha kaalinta shaqo ma badnayn. Waxay ahaayeen in uu qofku haysto ugu yaraan shahaaddo Dugsi Sare, ku hadlo qori karana Soomaali iyo Ingiriis, isla markaasna uu adeegsan yaqaan Computer. Haddii aanuu aqoon adeegsiga computer-ka waa in uu yaqaan sida teeb wax loogu qoro, dhakhsana u baran karo computer. Waxaa kale oo looga baahnaa in uu dadweyne isu soo baxay la hadli karo, isla markaasna farsamada ku wanaagsan yahay oo mishiinka filimka daara sahal lagu bari karo. Hadduu gaari wadi yaqaan ruqsadna u haysto ka sii wanaagsan. Waxaan filayay wiil ama gabar dhallinyaro ah oo reer Berbera ah in uu fursaddaa ka faa’iideysan doono. Dad dhowr ah markii aan weydiiyay qof shuruudahaas ka bixi kara oo Berbera jooga waxaa la ii sheegay nin Jaamici ah oo howshan gudan kara. Waa nin ka soo baxay Kulliyadda Macallimiinta Lafoole. Dagaalka ka hor wuxuu ahaa Macallin Dugsi Sare. Af Ingiriiskiisu aad buu u wanaagsan yahay. Waa nin mas’uul ah oo wax kala garanaya. Hargeysa markii laga qaxay ma hubo in uu ku go’doomay iyo in uu isagu doorbiday in uu joogo. Waxaase la ii sheegay in Sarkaal uu xiriir kala dhaxeeyay uu magangeliyay oo uu gurigiisa ku hayay. Sababta uu hadda Berbera ugu sugan yahay waxaa la ii sheegay in ay tahay in uu sarkaalkii halkan keenay si uu u socdo, hawa u qaato oo uu uga raysto guriga uu dhex fadhiyay muddo sannad ka badan. Xafiiska ayaan ugu yeeray. Waa nin la ayni ah Macallimiinteydii Dugsiga Sare. Markiiba shaki igama gelin in aan shaqaaleyno. Tijaabo kooban ka dib Xafiiska ayuu ku soo biiray. Aqoontiisa ka sokow, macallinkani waa nin sannad ka badan ku jiray magangelin u dhiganta nooc xabsi guri oo kale ah. Neecaw wanaagsan, qorrax, socod iyo xorriyad midna ma haysan. Arrintaasi waxay u saameysay jir ahaan iyo sidaan is iri maskax ahaanba siiba xagga kalsoonida. Taasi waxay ra’yi iga siisay sida ay u nool yihiin Ragga tirada yar ee aan ka qaxin Hargeysa. Ruqsad Waxaan goostay in aan Muqdisho u geeyo tababbar shaqada uu qaban doono, barashada Madaxda hey’adda iyo weliba bal in uu ku soo yara nasto oo jawigan colaadda iyo cabsida ah uu ayaan ka soo nasto. Markaan goostay in aan ku dhaqaaqo tallaabadan ayaan ka warhelay in aanan oggolaasho la’aanteed aanan Muqdisho geyn karin muwaaddinkan Soomaaliyeed. Waxaa la ii sheegay in loo baahan yahay oggolaashaha Taliyaha Militeriga. Ma jirin amar qoraal ah ama sharci sidaa dalbaya. Haddii aan Taliyuhu idinka warqabin waxaa dhici karta, ayaa la igu yiri, in ciidanka Airporka joogaa uu Macallinka u diido in uu safro. Waa marka ay ugu yar tahay. Haddii kale waxaaba dhici karta in ciidanku kaxeysto. Macallinka aan shaqaaleysiiyay waxaan weydiiyay in uu wax ka qabo in aan magaciisa hor dhigo Taliyaha militeriga oo aan u sheego in uu Muqdisho u tegayo tababbar. Wuxuu ii sheegay in isaga iyo Taliyaha militerigu ay is yaqaannaan. Carruurtiisa ayaan Macallin u ahaan jiray inta aan dagaalku qarxin 1988, ayuu yiri. Si aan ugu tegi karo ayaan jirin, laakiin haddii aad adigu i hor geyn karto, waan hubaa in aanuu maya i odhan doonin, ayuu raaciyay. Ma xusuusto labada midda aan yeelnay laakiin Taliyaha waan ka soo helnay oggolaashaha in Macallinka aan isu raacno Muqdisho. Tababbarkii wuu qaatay. Madaxda iyo shaqaalaha hey’addaba waa ay is barteen. Qaraabo badan ayuu la kulmay. Saaxiibbo ayuu la caweeyay. Walaalkii ayaa ahaa Madaxa ama ka mid ah Madaxda ugu sarreysa Wakaaladda Batroolka, fadhigiisuna wuxuu ahaa Muqdisho. Markii uu Muqdisho ayaan joogay, Macallinkii wuu is beddelay muuqaal ahaan iyo niyad ahaanba. Baqdin waxaan ka qabay in uu diido in uu ku laabto Berbera. Taas oo aniga ii abuuri lahayd dhib in aan ku laabto Berbera. Nasiib wanaag diyaar ayuu u ahaa in uu shaqadiisa billaabo. Berbera ayaan ku soo wada laabannay halkaas oo aan wadajir uga howlgalnay. Macallinkaas ila shaqeeyay magaciisu waa Farxaan Mooge. W/Q Yuusuf Garaad
-
W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Maalintii talaadada ahayd ee March 27, 2018, markii ay golaha Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) ee dalka Itoobiya ay ku dhawaaqeen Abiy Axmed Cali Cumar DHera inay u doorteen gudoomiyaha xizbiga iyo waliba inuu yahay ra’iisal wazaaraha dalka ayaa mar keliya magaallada Addis Ababa xiisadihii mudaaharaadka ee ka aloosnaa waxay isu bedeleen heeso, qoob-ka-cayaar, iyo jidadka laysugu hambalyeeyo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu baarlamanka dalkaas codkiisa siiyo si aan shaki ku jirin. Sida muuqata Abiy Axmed ayaa in la soo magacaabo waxaa sabab u ahaa bannaan baxyo muddo 3 sano dalka ka socday oo ay qoomiyadda Oromada ah kaga cabanaysay in si bareer ah looga faquuqay wax ku lahaanshaha talada dalka, banaan baxyadaas ayaa dowladda Itoobiya ku qasbay inay labo jeer ku xaalad degdeg inuu dalka ku jiro. Abiy ayaa ka soo baxay kulano adkaa oo socday muddo bil iyo labo toddobaad ah ka dib markuu si lama filaan ah isu casilay ra’iisal wazaarihii hore ee dalkaas Hailemariam Desalegn. Guusha Abiy ayaa timid ka dib markii uu tartanka ka haray Demeke Mekonnen oo isagu ka soo jeeday DHaqdhaqaaqa Wadaniga Diimuqraadiga ee Amxaarad, waxaa asguna uu noqday guddoomiye ku xigeenka, isla markaasna tanaazulka uu sameeyay ayaa lagu macnayn karaa inuu horseedayo inuu samaysmo is-bahaysi dhex mara labada qabiil ee ugu waaweeyn dalkaas ee Amxaarada iyo Oromada. Sida laga war qabo, Abiy ayaa ah ninkii ugu horeeyay ee Oromo ama Muslim ah ee taariikhda casriga hoggaamiya dalka Itoobiya, waxaana talada u dhiibay xizbiga EPRDF ee talada dalka ka qaaday nidaamkii Derge ahaa ee Mengistu Xaylemariam, xizbigan ayaa waxaa isugu tegay oo ku midoobay Oromada 34.4% tirada dadka Itoobiya, Amxaarrada 27%, Tigray 6.1%, iyo qabiilo ilaa 40 qabiil gaaraya oo laysku yiraahdo Qaarumaha Koonfurta, iyoWadaniyiinta Dadka ee Gobolka (The Southern Nations, Nationalities and People’s Region) oo uu ku jiro qabiilka Wolayta oo uu u dhashay ra’iisal wazaarihii hore Hailemariam Desalegn, waxaa isna sidaas oo kale qaarumaha konfurta ka soo jeeda Waziirka Gaashaan-DHigga dalkaas Siraj Fegesa. Abiy Axmed; waa Obamaha Itoobiya!!…. Marka ay timaado arrimaha iyo xaaladaha guud ee uu dalka Itoobiya ku suganyahay xagga siyaasadda ma jiraan wax weyn oo la filayo inuu bedelo Abiy Axmed siiba dhanka arrimaha dibadda, hasa yeeshee siyaasadda gudaha iyo inuu dejiyo xiisadaha dalka ka jiray oo ah sababta u weyn ee loo doortay ayaa laga sugayaa inuu si degdeg ah wax uga qabto, waxaana in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay indhaha ku hayaan waxa uu ka yeelo ama go’aanka uu ka qaato maxaabiis badan oo dhinaca siyaasadda ugu xiran dalkaas. Waxaa kaloo iyadana laga sugayaa wax ka qabashada xiisadda ka dhex aloosan qoomiyadaha Soomaalida iyo Oramada, iyadoo waliba shacabka is-maamulka Soomaalida Itoobiya si weyn u soo dhoweeyeen doorashada Abiy Axmed una haysta inuu yahay nin sumcad wanaagsan leh oo kasban kara kalsoonida labada shacab. DHanka kale ra’iisal wazaaraha cusub in kasta oo loo doortay guddoomiyaha xizbigiisa EPRDF-ta isla markaasna uu yahay ra’iisal wazaaraha dalka hadana waxay dad badan rumaysanyihiin in arrimaha amniga iyo ciidammada ay adkaanayso inuu si buuxdo u maamulo. In kastoo uu Abiy leeyahay waayo aragnimo xagga ciidanka la xiriirta oo uu gaaray darajada Gaashaanle DHexe (Lieutenant colonel ) haddana si dhib yar oo uu u madax bannaanyahay uma hanan doono arrimaha amniga iyo ciidammada, waxaana laga sugayaa siduu wax uga bedeli lahaa siyaasadda 30 jirka ku dhow ee xukuumaddii Tigreega laga dhaxlay, waxaana intaas u dheer oo aysan dad badan rumaysnayn inuu wax badan ka qaban karo tabashada faraha badan ee Qoomiyadda Oromada ah ee uu ka soo jeedo isaga laf ahaantiisa, kuwaasoo tabanaya dulmi dhinac kasta ah oo sida mararka qaarkood la sheego la bilowday taariikhda dheer ee dalka iyo dowladnimmada Itoobiya, waana sababta ugu muhiimsanayd ee uu ku salaynaa kacdoonkii seddexda sano socday ee uu isku cazilay ra’iisal wazaarihii hore ee Xaylemaryama Deseliin (Hailemariam Desalegn). Siyaasaddiisa Soomaaliya! Fursadda uu ku soo baxay Abiy Axmed ee uu ku noqday ra’iisal wazaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu tilmaami karaa inay tahay fursad ku timid in laysku badbaadiyo oo keliya, waxaana muuqday oo xizbiga EPRDF-ta u muuqday inay arrimuhu ku sii siqiyaan dhanka halista, sidaas daraadeedna tallaabada keliya ee furana ay tahay in maanta Abiy Axmed la qaato, taasi waxay ku tusaysaa dirqiga ay fursadani ku suuro gashay iyo sida ay u yartahay inay mar labaad soo noqoto!….waxaana guud ahaan dabeecadda uu ku soo baxay ra’iisal wazaare Abiy Axmed ay shabbahdaa middii uu ku soo baxay madax-weynihii hore ee dalka Maraykanka Brack Obama ama uu ku soo bixi kar qofka African American-ka ah si madax-weyne uga noqdo dalka Maraykanka! Abiy Axmed ayaa sidoo kale lagu tilmaamay nin siyaasad qabow oo deggan ku hoggaamin doona siyaasadda dalka. Abiy Axmed, lagama filiyo inuu wax ka bedelo siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan dalka Soomaaliya gaar ahaan waxyaabihii horay u soo socday ee xukuumaddii ka horeysay ay waday, sida heshiiska dekedda Berbera ee ay wada saxiixdeen shirkadda DP World ee Midowga Immaardaha Carabta!….Waxaana arrimaha Soomaaliya fahamka uu ka qabo mar kasta uu ku xirnaanayaa hadba sida ay ugu qeexaan dalalka ay markii horaba Itoobiya taladooda ku soo gashay Soomaaliya, waxaana sidaasoo kale qayb badan oo saamayn ah ku yeelanaya dalalka Gacanka Carabta, iyo dalaka kale ee dan wadaagat ay ku yihiin arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso dowladda Kenya.
-
When Guled Muhumed boarded his flight from San Antonio to El Paso, Texas, on Monday, he noticed something unusual. The 32-year-old Somali national and longtime U.S. resident was en route to his 10th immigrant detention facility since Immigration and Customs Enforcement officers arrested him on the streets of Rochester, Minnesota, on September 29, 2017, as he drove his 17-month-old daughter to day care. Source: Hiiraan Online
-
The Lower House sitting scheduled for Saturday has been called off the following intervention by Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo, officials said. The proponents of the motion against the Speaker of Lower House, Mohamed Osman Jawari have been planned to hold a session to oust the speaker today. Abdinur Mohamed Ahmed, the director of Villa Somalia who confirmed the postponement of the session said President Farmajo convinced the sides to cancel the meeting pave the way for further deliberations on the issue. Sources say the cancellation was intended to pre-empt possible confrontation by the House members during the session. The opposing factions of the Lower House members have been holding parallel meetings for last 48 hours in different hotels in the city amid looming political tensions. On Friday, Speaker Jawari vowed to chair Saturday’s session with the main agenda being the Bula Hawa border issue. Contrary to Jawari’s position, the 1st Deputy Speaker, Abdiweli Sheikh Muday reiterated that the motion against Jawari would be tabled before the parliament.
-
Militariga Soomaaliya ayaa sheegaya in 120 ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen hawlgallo in ka badan laba todobaad ka socday gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo xiganaysa taliyaha guutada 52 aad ee militariga Soomaaliya,Gen. Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegtay in hawgallada oo bilowday 14 bishaan Maarso lagu dilay 120 ka tirsan malaysiyaadka Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare,qaar kalena nolosha lagu qabtay. Sarkaalkan ay xiganayso SONNA ayaa sidoo kale sheegay in militariga Soomaaliya oo kaashanaya ciimada AMISOM ka socda dalka DJibouti ay la wareegeen degaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, tan iyo bilowgii hawlgalladan,isagoo ku hanjabay in ay sii wadayaan dagaalka Al-shabaab looga saarayo guud ahaan gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan 120 ka tirsan Al-shabaab oo sheegay in lagu dilay gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Jubbaland State has started registration of over five thousand militia of the Darwish militia in Jubbaland state who will be integrated into the state security forces. Officials from Jubbaland state collaborating with African Union Mission in Somalia (AMISOM) are enlisting militias from Gedo, Lower and Middle Jubba regions, through biometric registration. newinside“This is in line with AMISOM and UN programme aimed at developing the force into a police force in Jubbaland that will be mandated to keep law, order and security in the state,” Martin Abili, the AMISOM Police Coordinator in Kismayo explained. The biometric registration entails collection of key personal data including photographs and fingerprints of each member of the group. The Jubbaland Force Commander Brigadier Gen. Adan Mohamud Ibrahim has welcomed the process which kicks of on Friday called the exercise as “critical” for the region. “We are ready to enlist all the fighters everywhere so that they will be registered,” he said. He called on AMISOM, the UN and other partners to continue supporting Somali Forces in the completion of the Operational Readiness Assessments, which is an essential component for ‘right-sizing’ and reforming the Somalia National Army (SNA) and the Somali Police Force. Mr. Adan Yusuf Sala, the Director General of Jubbaland’s Ministry of Security lauded the cooperation between AMISOM and Jubbaland state in the realization of this milestone. The exercise, which supports the development and strengthening of Somalia’s national security institutions, is part of the security sector reform, which is viewed as a central priority for the Federal Government of Somalia and its partners, as set out in the landmark political agreement by Somali leaders on the National Security Architecture in April 2017, and the launch of the Security Pact at the London Somalia Conference on 11 May 2017. Source: Hol
-
The “suspicious” death of a man killed by a fire involving a motorbike on the stairwell of a block of flats is to be reviewed by police 10 years on. Somali national Abdi Liban, 32, died in the fire at Balfour Close, Northampton, on 31 March 2008. At the time police said it was likely the fire started on or near the motorbike, causing its petrol tank to fail, which helped feed the fire. Police said they “never forget” those who “have had their lives taken away”. Mr Liban’s body was found at the bottom of the stairwell of the flats in the Kingsthorpe area of the town, having died through the effects of the fire and smoke inhalation. Police said a “full and comprehensive investigation” into the circumstances of his death was completed in 2008. However, the case is being treated as a suspicious death investigation and will now be reviewed. Det Insp Phil Mills said: “All unsolved cases remain open and are reviewed regularly to establish if there are any fresh opportunities for us to investigate. “We will never forget those people who have had their lives taken away and remain committed to seeking justice in those cases that remain unsolved.” Source: – BBC
-
In the next two decades, Somalis will have overtaken the top three largest communities in Kenya to be the most populous group if the current population trends remain. The latest Household Survey shows that Somalis’ families are at least one and a half times bigger than the average household in Kenya, and twice as much as the families in Nyeri, Nairobi, Mombasa and Kiambu counties. Wajir, Mandera and Garissa counties, which are home to most Kenyan Somalis, have between six and seven children on average, according to the Kenya Integrated Household Budget Survey (KIHBS), 2015/16. Wajir has the biggest families at 6.6 children per household, followed by Mandera 6.4 and Garissa 5.5 members per household. Other counties with bigger households are Tana River and West Pokot which have 5.4 people, on average, in every household. The survey was released by the Kenya National Bureau of Statistics (KNBS). “Relatively high average household sizes were recorded in arid and semi-arid counties (ASAL) of Wajir, Garissa and Mandera,” Mr Zachary Mwangi, the KNBS Director General said. Whereas some households in North Eastern have about seven members on average, households in Kiambu, Nairobi, Nyeri and Murang’a appear to be shrinking in sizes, helped by increased use of contraceptives, having more educated populations and the impact of urbanisation. “Those numbers are very factual and represent what is actually happening on the ground,” Aden Duale, leader of majority in National Assembly and the region’s top ranking Government official, told the Saturday Standard yesterday. Duale said that the North Eastern is largely dominated by Muslims and both their religion and culture prohibit family planning. “In 2009, people thought the numbers given were not genuine and even went to court. But this new report being released a year before the next census confirms that the numbers were correct,” Duale said. The survey ranks Nyeri County as having the smallest sizes of households in the country at 2.9 people on average per home. Nairobi and Mombasa counties have an average of three people each per home – that is a father, mother and one child, or one parent and two children. Largest community Kiambu, Kirinyaga and Murang’a counties, where most of Kenya’s largest community, the Kikuyu, come from, are also ranked among the six counties with the smallest households. “The average household size in rural areas was higher, at 4.5 members compared to 3.3 members in urban areas. Wajir, Mandera and Garissa counties recorded high average household sizes of 6.6, 6.4 and 5.5 members, respectively,” the report notes. All these are below the national average of 4 people per household. The KIHBS survey defines a household size as the number of persons living together in a household. “Nationally, the average household size was estimated at 4 members in 2015/16 KIHBS, which was a decline from 5.1 members reported in 2005/06 KIHBS,” the report notes in part. “Households with 1 to 2 members accounted for 31.6 per cent of all households,” the report adds. The findings support a previous report that ranked Central Kenya as the top county in usage of family planning, while the north Eastern region was hardly using any contraceptives. According to the Kenya Demographic and Health Survey 2014, the penetration of contraceptives in Central Kenya, which is home to Kiambu, Nyeri and Kirinyaga counties was at 73 per cent. This means that 7 in every 10 women in Central were using some form of family planning. On the contrary, in North Eastern region, only 3 per cent of their population, or 3 in every 100 people were using contraceptives. In the last census, population growth in North Eastern Kenya rose almost three-fold, from 962,143 in 1999 to 2.3 million in 2009. In Mandera, where the population boom was most pronounced, the numbers had quadrupled in a decade. Current projections show that Kenya has about 50 million people within its borders. The explosion of the Somali population caused tension in the 2009 census. Some of the results of the census especially that covered North Eastern region were partially cancelled by the then Planning Minister Wycliffe Oparanya, who is the current governor of Kakamega County. But the matter landed in court and was reversed. “The numbers from North Eastern region did not fit the normal population trends and that is why I rejected them,” Oparanya said. This is after it emerged that the population growth rates in the region deviated significantly from patterns noted in the rest of the country and in the respective neighbouring districts. The population in the north seemed to be growing fastest compared with other regions despite the fact that the area had fewer women. “My understanding at the time was that the region inflated their numbers to benefit from increased allocation of resources after devolution. Areas with bigger populations were to benefit from increased allocation,” Oparanya said. Since independence, Kenya’s biggest community has been the Kikuyu, which is now 17 per cent of the population or 6.8 million people as per the 2009 census. According to the National Cohesion and Integration Commission (NCIC), the second biggest group is the Luhya, which stands at 14 per cent of the population, at about 5.4 million people. The Kalenjin come third, making up 11 per cent of the population. Given that voters cast their ballots along these ethnic blocs, the larger communities have always had an advantage over the smaller ones whenever there is competition for power. “There are more than 42 ethnic communities in Kenya. Language and cultural background are the main criteria for ethnic identification in Kenya,” NCIC says in its report. The other big ethnic groups by size are Luo at 10.8 per cent and Kamba at 10 per cent. The Kenyan Somalis are now at position six and if they grow at the same pace as they have done in the last two decades, they will be in the top four. In the last census, population growth in North Eastern Kenya rose almost three-fold, from 962,143 in 1999 to 2.3 million in 2009. Source: – The Standard
-
Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi, ayaa soo jeediyay dhowr talo oo xal u noqon kara xiisada siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho. Taabit ayaa sheegay in dagaalka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho inuusan jirin siyaasi ku faa’iidi doona, wuxuu u mahad celiyay madaxweyne Farmaajo ,madaxdii hore iyo beesha Caalamka kuwaas oo dowr ka qaatay in la baajiyo kulankii maanta ee Baarlmanka Somalia. Qoraal uu gudoomiye Taabit soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook ayaa u qornaa sidan… Marka hore, Rabbi ayaa ku mahadsan inuu baajiyay rajabeelkii maanta loo saadaalinayay Baarlamankeena, marka xiga waxaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uga mahadcelinayaa talaabada muhiimka ah ee uu ku baajiyay kulankii maanta. Runtii dhamaanteen waxaan qabnay walaac badan, waxaan ku dadaalnay in qaranka wax loo hambeeyo, waxaan la hadlay xildhibaanada labada dhinac, waxaan ka codsaday inaan shacabka la niyad jabin iyo inaan sumadda Qaranka (Baarlamanka) la karaama tirin. Sidoo kale waxaa xusid mudan sida ay arrintaan uga walaaceen Madaxdii hore iyo Beesha Caalamka oo dareensan dhibka laga soo maray in dalkaan lagu soo celiyo hanaankii dowladnimada. Inkastoo kulankii maanta lagu guuleystay in la baajiyo, hadana wali arrintu ma bisla, siyaasiyiintii aragtida isku khilaafayna la iskuma keenin heshiisna ma dhicin, sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa. Dalku wuxuu maraya xili adag oo uu qof walba u baahan yahay, sidaa darteed waa inuu qof walba qaata masuuliyadiisa. Xildhibaanada waxaan ku boorinaya in wax walba laga hormariyo danta guud, oo la dhowro amaanada shacabka. Dagaalkan siyaasadeed sida uu u socdo iyo xilliga uu kusoo aaday marka la eego, ma jiro qof ku macaashi kara, sidaa darteed isu tanaasulku waa daawada muranka. Madaxda sare waa in ay ogaadaan inuu waqtigu eryanayo, waxaan ula jeedaa xiliga dhiman iyo howsha na hortaala oo aad u badan. Waxaan soo jeedinaya inaan la toogan rajadda shacabka, oo la muujiyo masuuliyad, oo laga gudbo isu awood sheegad iyo is tijaabin, taasoo hadii ay dhacdo hoos u dhigi karta rajada caalamku naga qabo iyo in la gaari waayo halkii lagu balamay. Hay’addaha amniga waxaan ugu baaqayaa in wadooyinka loo furo Muqdishaawiyiinta oo laga qaado culeysyada heystay usbuucyadii la soo dhaafay. Ogaada, amni-darrada waxaa looga bixikaraa shacabka oo lagu kalsoonaado, waana shacab dulqaad badan, dowladnimadana jecel. Shacabka waxaan lee yahay niyad-wanaag muujiya, khilaafku waa dhamaadaa laakiin Qaranku mar walba waa jiraa. Mahadbadan Mdne: Thabit Cabdi Maxamed
-
Magaalada Gaaroow waxaa maanta lagu soo bandhigay Cilmi baaris laga sameeyay Horumarinta iyo ka faa,iidaysiga Tamarta oo laga sameeyay Gobolo kamid ah Puntland. Barnaamijkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xarunta Wasarada Qorshaynta ee dowladda Puntland , waxaana ka soo qayb galay Hay,adaha Caalamiga ah , Madaxda Wasaarada Qorshaynta ee Puntland iyo marti sharaf kale. Magaalooyinka Cilmi baarita laga sameeyay ayaa waxaa kamid ah ,Garoowe, Bosaaso , Galdogob iyo Eyl. Cilmi baaristan ayaa waxaa ka qayb qaatay oo xogtan soo uruuriyay ilaa 800 oo qof oo ku kala sugan Magaalooyinkaasi Cilmi baarista laga sameeyay. Madaxa xafiiska Hay,ada Horumarinta Qaramada Midobay ee Puntland oo kulanka kahadlay ayaa qiray in Maamulada ka tirsan dowladda Fadaraalka Somaaliya ay tahay Puntland maamulkii ugu horeeyay ee Cilmi baarista noocan ookale ah sameeyay. Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland ayaa sheegay in ay arintan Puntland Muhiimad gaar ah ay u leedahay , wuxuuna intaasi kudray in uusan dalna horumar gaarikarin hadii uusan tamarta uu haysto uusan ka faaiidaysan . Halkan ka dhagayso . warbixinta kulanka wasaarada Qorshaynta
-
In the next two decades, Somalis will have overtaken the top three largest communities in Kenya to be the most populous group if the current population trends remain. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu dilay Abdi Fagaase oo ahaa gudoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Xamarweyne. Guddoomiye Waaxeed Fagaase, ayaa waxaa toogasho ku dilay laba maleeshiyo oo la sheegay inay ku hubeysnaayen bastoolado kuwaa oo qeybaha sare ee jirka uga dhuftay dhowr xabadood. Dilka Fagaase, ayaa ka dhacay afaafka hore ee waaxda, waxaana dilka kadib halkaa ka baxsaday maleeshiyada dilka geysatay. Guddoomiye Marxuum Fagaase oo aad looga wada garanaayay Degmada Xamarweyne ayaa waxaa lala toogtay wiil dhalinyaro ah oo ay wada socdeen. Wiilka lala dilay Fagaase ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed, waxaana la sheegay in isna laga toogtay qeybaha sare ee jirka. Dilka gudoomiye Fagaase iyo Axmed ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay kusii kordhayaan dilalka iyo Qaraxyada loo adeegsanaaya ismiidaaminta iyo kuwa gaadiidka lagu xiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi oo maanta Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay Cunaqabateen ku hayso maamulkiisa . Muuse biixi ayaa ku cataabay in Xukuumada Soomaaliya ay hortaagan tahay Heshiiskii Shirkada DP World ee lagu wareejiyay maamulka dekada Berbera. Waxa uu sheegay in Soomaaliland ay udacwoon doonto beesha caalamka ayna yihiin dal kamadax banaan Soomaaliya waa sida uu hadlka udhigay . Halkan kadaawo.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwadii dowladda Federalka ah ee Somalia u gudbisay QM kaas oo ku aadanaa heshiiskii Shirkada DP World ay Somaliland kula gashay Dekada Magaalada Berbera. Biixi, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Somalia aysan dacweyn DP World hase ahaatee dacwada ay aheyd mid gabi ahaan kusoo uruurtay Somaliland. Muuse Biixi, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Somaliland lagu yiraahdo maxaad heshiiskaas ula gasheyn Shirkada DP World. Madaxweyne Biixi ayaa meesha ka saaray suurta galnimada Dacwadaas, isagoona sheegay inaan waxba ka soo naasa cadaaneynin Dacwada loo gudbiyay Qaramada Midoobey. Muuse Biixi, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ka badin la’ dahay teeda isla markaana haatan yihiin kuwo u kala qeybsan Baydhabo, Garoowe, Banaadir, Dhuusamareeb, isla markaana ay shaaciyan in Somaliland ay dusha ka xukumaan. Waxaa uu sheegay in Somaliland 20 sano ee lasoo dhaafay ku jirtay horumar, islamarkaana aysan suurtagal aheyn ay hoos fadhiisato dowlada Soomaaliya oo wali burbursan. Intaa kadib Muuse Biixi, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka dhamaan la’ dahay Khilaaf iyo Mooshin aan mirro dhal laheyn waxa uuna tilmaamay in xiligaan baarlamaanka Somalia uu Khilaafka xoogan udhexeeyo, kaasoo ka dhashay Mooshinkii Jawaari laga keenay 14-Kii Bishan. Biixi ayaa sheegay in Xildhibaanada ku sigteen iney isu gacan qaadan Mooshinka maadaama uu Khilaaf soo Kala dhex galay. Sidoo kale, Wadahadaladii udhexeeyay Somaliand iyo Somaliya, ayuu sheegay iney hakad ugu jiraan weerar qaawan oo uu sheegay in dhankooda lagu soo qaaday, Isagoona talo ahaan soo jeediyay in Dowladda Dhexe ka waantowdo faragalinta ay ku heyso Somalialnd. Haddalka Biixi, ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu Xalay xili danbe ku baxay xal uhelista Khilaafka Golaha Shacabka, Wuxuuna ka dhaadhiciyo Gudoonka Baarlamaanka iney maanta Baajiyaan Kulankii Golaha Shacabka oo laba ajende kala watay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay Liiska Xildhibaanada saxiixay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pro. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari Xildhibaanadaan ayaa guud ahaan marka tiradooda la isku geeyo noqonao ilaa 193 Xildhibaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiskooda oo dhameystiran:
-
Muqdisho-(Caasimadda Online) – Isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Xaafad ku taala degmada deyniile ee gobalka Banaadir waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor imaadkan uu yimid khilaaf ku saabsan dhul hore ay u lahayeen ciidamada xoogga dalka oo haatan ay dad deegaan ka dhigteen. Dagaalka ayaa waxa uu kadhacay halka looyaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile waxa uuna dagaalka uu salka ku haayaa is qab qabsi dhuleed oo ka taagan Gudaha Xerada. Iska hor imaadka ayaa la sheegay in ay ku dhintaan dad shacab iyo weliba qaar ka mid ah ciidamada dagaalamay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad rayid ah rasaas wiifto ah ugu tagtay xaafado fog fog . Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada iyada oo ay soo noqnoqdeen iskahorimaadyada u dhexeeya ciidamada dowlada kuwaasoo sababa in ay dad rayid ah wax ku noqdaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay fara-gelin iyo weerar qaawan ku qaadday Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ku saabsanaa in aan la siyaasadayn mashaariicda horumarineed,islamarkaana ay cuna-qabatayn saartay, guud ahaan mashaariicdi caalamku ka fulinjiray Somaliland,kuwaasoo uu sheegay in loo wareejiyay magaalada Muqdisho. Biixi ayaa sidoo sheegay in heshiisyada dowladda Federaalka Soomaliya ay ka baxday uu ku jiro heshiis dhigayey”in hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Nairobi,dhaqaalaha ka soo baxana Somaliland barkeeda la siiyo”,isagoo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay la wareegtay hawadii labada dhinac ka dhexaysay,islamarkaana ay leexsatay dhammaan dhaqaalihii ka soo bixi jiray. Muuse Biixi ayaa hadalkiisa raaciyay in Somaliland ay Qaramada Midoobay u gudbinayso dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan maamulka hawada sare ee dalka Soomaaliya. Halkaan ka daawo Biixi oo ka jawaabaya su’aal arrintaasi laga weydiiyay. PUNTLAND POST The post Somaliland oo xukuumadda Soomaaliya ku eedaysay in ay cuna-qabatayn ku soo rogtay appeared first on Puntland Post.