Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Homeless mother-of-three, Nimo, fled to Indonesia from Somalia after Islamists killed her family, but with prostitution as the only way to survive, she tearily says her life in Jakarta is "much harder" than her war-torn homeland. Source: Hiiraan Online
  2. Escaping unimaginable atrocities in their home country, the refugees face poverty, hunger and homelessness in Jakarta Source: Hiiraan Online
  3. The “highly significant” oil and deep gas resource is thought to dwarf the Gulf kingdom’s current reserves, according to an official announcement on Sunday. It is located in the Khaleej al-Bahrain basin, located off the country’s west coast. Source: Hiiraan Online
  4. Dowladda federaalka ah ayaa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee loo yaqaano UNSOM ee uu hoggaamiyo Michael Keating ku eedeysay in uu dab ku shidayo ama hurinnayo siyaasadda dalka, waxaa kale oo Muqdisho sheegtay in xafiiskan uu hoggaamiyo Michael Keating uu sawir iyo warbixinno marin-habaabin ah ka gudbiyo Soomaaliya. Ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abukar Cusman ayaa todobaadkii hore golaha ammaanka u sheegay in dadaallada dib-u soo kabashada ee Soomaaliya ka socday ay waajib tahay in ay gar-wadeen ka noqdaan Soomaalida, loona arkaa in Soomaalida waddo. “Waxaan walwal ka qabnaa saraakiisha sare ee xafiiska UNSOM, kuwaas oo warbixinno ka soo saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka”, sidaasi waxaa yiri Cusmaan. Safiirka Soomaaliya ee Qaramada midoobey ayaa intaasi raaciyay “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaanka UNSOM in ay waajibkooda u gutaan sida awoodahooda ku xusan, isla markaana ay ka fogaadaan dab ku shididda iyo qaska la xiriira arrimaha siyaasadda, taasi oo dhibaateyn karta dadaallada ay waddo xukuumadda ee soo celinta nabadda iyo xasiloonidda siyaasadeed.
  5. Waxaan maqlay in aad beryahaan is haysataan oo waqti u helin in aad la socotaan Nabad iyo Nolol wixii Afrika ka dhacay usbuucyadii la soo dhaafay. Marka waan idiin soo uruuriyay maadama aad isku yara mashquusheen beryahaan. Sadex shirkadood oo Itoobiyaan ah (Alfoz Plc, Rimon General Trading iyo Beal Livestock Exports) ayaa heshiis ay kala saxiideen dawlada Masar in ay u dhoofshaan 354,000 oo xoolo nool ah lacagtooduna tahay 2.4 billion lacagta birta ee Itoobiyaanka. Shirkado kelinka Soomaaliyeed kuma arag liiska in kastoo gobolkooda xoolaha laga soo aruurin doono. Dalalka geeska Africa ee (Kenya, Tanzania, Uganda iyo Rwanda) waxaa ay canshuurtii ka dhaafeen soo dejinta calaf ka xoolaha la siiyo iyo waxyaabaha laga sameeyo ama lagu daro daaqa ama calafka xoolaha. Taa oo raqiis ka dhigi doonta hilibka, digaaga ukuntiisa iyo caanaha dalalkan. Ma laga yaabaa in ay xoolohoodu calaf raqiiska ah ee ay helayaan ay suuqa nagu cariirshaan taas oo wax u dhimi karta Nabadda iyo Nolosha Soomaaliyeed? Kenya waxaa ay gashay kaalinta 9aad, halka ay Itoobiya ka gashan kaalinta 10aad dalalka soo jiidashada maalgashiga qaaradda Afrika taa oo ay soo saartay Shirkada Quantum Global reboortigeeda ugu danbeeyey ee African Investment Index 2018. Is qabqabsigiina siyaasadda iyo la dhaqanka shirkadaha ajnabiga ma laga yaabaa inuu Somalia ka sii durkiyo higsashada dawladaha deriska xaga soo jiidashada lacagaha maalgashiga dunida? Bangiga Maalgashiga ee Europe (The European Investment Bank) (EIB) wuxuu ku dhawaaqay inuu ku bixin doono korontada Solarka (Qoraxda) lacag dhan 25 milyan oo European doolaar ah dalalka Ethiopia, Kenya, Nigeria, Tanzania iyo Uganda. Soomaaliya kuma aanan arag liiska, ma laga yaabaa raggii raadin lahaa soo jiidashada lacagtaas inay xoogaa luf lufa u doonteen dawladaha Carrabta ee deriska nala ah? Waxaa isugu tagay dalka Ivory Coast magaala madaxdiisa Abidjan in ka badan 1600 madaxda shirkadaha ugu waaweyn Afrika iyo Dunidda kuwaas oo matalayey dalal ka badan 60 dawladood. Waxaa looga hadlay la iskuna weydaarsaday fursadaha ganacsiga eek a jira Afrika iyo sidii looga faa iideysan lahaa. Halkaa ma maqal nin madax ka ah shirkad Soomaaliyeed ama ka socda dawlada oo ka qayb galay. Ma laga yaabaa madaxdii shirkadihii Soomaalida sida uu mid walba u leeyahay canshuurta wasiir Beyle u diid, una raadso baarlamaaniyiin kuu xusul duubta in ay dhaaftay fursadii ganacsiga ugu weyneyd ee tobankan sano ee soo socda? Waxaa heshiis dhexmaray Madaxweyne Filipe Nyusi ee Mozambique iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay iska kaashadaan xaga ganacsiga macdanta, xoolaha, dalxiiska iyo khayraadka beeraha. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu heshiis kula soo galay magaalada Havana ee dalka Cuba, dhigiisa Raul Castro inuu dhaqaatiir u soo diro si loo tayeeyo caafimaadka dalka Kenya. Waxaa igu maqaal ah in Cuba ay kaga horeyso xaga caafimaadka dalka Canada iyo Mareykanka marka meeshaas xikmad ayaa igala muuqata. Dawlada Tanzania waxaa ay siisay 500 milyan doolaar ah shirkad Turkish ah lana yiraahdo Yapi Merkezi iyo Boortaqiis mid ah oo la yiraahdo Mota-Engil wadooyin isku xiri doona magaalooyinka Dar es Salaam ilaaa Morogoro (205km) iyo Morogoro ilaa Dodoma (422km). Waxaan maqlay in ay lacagtaan ka timid canshuurta laga qaaday ganacsata iyo shicibka Tanzania isla markaana aan la xadin. Ma laga yaabaa in Al Shabab ay weli dekeda liinta ka dhoofta canshuur ka qaataan? Ganacsatadeenuna maba diideen in ay wax bixiyaan? Isku taga yurub (The European Union) (EU) wuxuu u soo daayey boqolkiiba 30 ka mid ah €1.4 malyuun dawlada Tanzania si ay u horumariso soo saarka saliida geedka gabaldayaha (Sunflower Oil). Waxaa igu maqaalo ah in ay dawlada Tanzani tahay mid ka fogaatay musuqmaasuqa isla markaana dunidu ay aad iyo aad u taageerto beryahaan. Hadaba inta aad mudane Jawaari iyo mudane Khayre iyo dhamaan kooxaha kala raacsan ay u soo jeesanayaan hawshii aan u soo dooranay, ugana han weyneyn, waxaan goostay in aan idiin soo dulmaro meesha ay wax marayaan geeska Afrika. Ragaas sidii aan u higsan lahayn weli idinka ayaa shacabku idinkaga fadhiyaa. Waa mahadsantihiin. Waxaa qoray Cali Cusmaan Cilmi ccusmaan@gmail.com oo jeclaanlahaa in madaxdiisu ku mashquusho Nabad iyo Nolol isla markaana isla shaqeeyaan.
  6. Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee PSF ayaa weerar qorshaysan ku dilay 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF. Hawlgalkaan ayaa maanta laga fuliyay degaannada Booj iyo Dhagax-dhaabur oo hoostaga buuraleyda Calmadoow ee gobolka Bari,waxaana sidoo kale halkaasi laga saaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay weerarro gaadmo ah ku qaadan ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan tuulooyinka Galgala iyo Sugurre. Qoraalka ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in ciidanku ay sii wadayaan hawlgallada noocan oo kale ah,si loo xaqiijiyo amniga shacabka Puntland,islamarkaana loo soo af-jaro malayshiyaadka degaannadaas jooga ee ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Puntland oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si wadajir ah u qaabilay guddiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u qaabilsan dhaqaale u raadinta ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya. Farmaajo ayaa la wadaagay masuuliyantan ahmiyadda ay leedahay in lasii dar-dar-geliyo wada-shaqeynta AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Somalia, dadaallada lagu xaqiijinayo sidii kooxaha nabad diidka ah looga sifeyn lahaa dalka iyo in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyo qaabkii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga guud ee dalka. Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa bogaadiyey qorshaha uu Madaxweynaha hormuudka ka yahay ee lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona muujiyeey sida Beesha Caalamka uga go’antahay garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wakiillada ayaa isla soo qaaday in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqaale u raadinta Ciidamada Soomaaliyeed. Madaxweynaha DF oo dhawrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku shaqeynayay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ahmiyad sare siinaya dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida. Ugu dambeyn, Wafdigan waxaa hoggaaminayey Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo madax u ah Guddiga Dhaqaale u raadinta Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Danjireyaasha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya Michael Keating iyo Francisco Madeira. Dhanka Dowladda Federaalka Waxaa kulankan ku wehlinayay La-taliyaha Amniga Qaranka Mudane Cabdi Saciid Muuse. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiillada QM iyo Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa siwadajir ah ula kulamay masuuliyiin ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay kala hogaaminayeen Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo loo xilsaaray ka shaqeynta arimaha dhaqaalo u raadinta Howlgalka Amisom ee somaliya. Masuuliyiintan ka socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo dadaalada dib u heshiisnta uu dalka ka wado, iyagoo soo dhaweeyey talaabadii uu qaaday xalinta qilaafka Baarlamanka Soomaaliya, waxaana ay muujyeen sida ay beesha caalamka uga go’antahay garab istaaga Soomaaliya. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen danjirayaasah gaarka ee Qaramada Midoobay iyo Midowaga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya M.Keting iyo Francisco Madeira ayuu Madaxweyne Farmaajo wuxuu kaga hadlay ahmiyada Dhismaha Ciidanka u leeyihiin Dowladda uu hogaaminayo oo uu sheegay madaxweynuhu inuu gacanta ku hayo dib u habeynta Ciidamada qalabka sida oo uu xusay Madaxweyne Farmaajo inuu ku rajo weynyahay inay ku filnaan doonaan Amniga dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom ee ay wada jirka uga shaqeenayaan Midowaga afrika iyo Qaramada Midoobay lagu daro in si la mid ah ay ciidanka Soomaaliya loogu helo dhaqaalo u suuragaliya inay ku filnaada masuuliyada Amniga dalkooda. Kulanka oo sidoo kale looga hadlay arimaha dib u heshiisnata,tayeenta ciidanka iyo ladagaalanka Arga gaxisada ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa ka hadlay qorshaha ay dowlada soomaliya e ku aadan la dagaalanka aragaxisada ayada oo markasta laga fakaryo yareenta qatar soo gaari karta dadka rayidka ah. Kulanka Madaxweyneha Soomaaliya iyo Masuuliyiintan ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya iyadoo Madaxweynaha Farmaajo uu horaanta Bishii hore u dagay Wasaarada Gashaandhiga si uu waqti badan u galiyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga taas oo muujineysa ka go’naashaha Dowlada Soomaaliya dib u dhiska Ciidamadeeda.
  9. Hargeysa (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa magacaabay 24 mas’uul oo qeyb ka noqon doonta maamulka cusub ee Somaliland. Xilalka uu magacaabay Hoggaamiye Biixi ayaa isugu jira Agaasimayaal, Safiiro iyo Gudoomiyayaal Gobol, waxaana ku jira wajiyo ku cusub Siyaasada maamulka. Hoggaamiye Muuse Biixi, ayaa horay u sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis dhowr ah, waxaana xusid mudan in maamulka Biixi ay ku jiraan dhalinyaro ku cusub Siyaasada.
  10. MOGADISHU, Somalia — Somalia’s al-Shabab Islamic extremists on Sunday launched an attack on a base for African Union troops in country’s south, killing four Ugandan peacekeepers, said Ugandan army spokesman Brig. Richard Karemire. Four others Ugandans were injured, Karemire told The Associated Press. At least 22 of the attackers were killed and the rest were repelled, he said. The attack started in the morning when two suicide car bombs exploded at the entrance to the heavily fortified base in Bulo-Marer, an agricultural town in Somalia’s Lower Shabelle region, said Somali army Col. Ahmed Hassan. Nearly 100 fighters firing propelled grenades and machine guns attacked the base occupied by the Ugandan soldiers. “That attack was repulsed but several soldiers have lost their lives to the bomb,” said Hassan. Residents reported explosions and sustained gunfire, sending hundreds of terrified villagers to the bush. “We had a frightening day but the situation is calm now,” said Nur Yusuf, a local elder by phone saying that African Union and Somali troops were patrolling the town in the evening. Somalia’s Islamic extremist group, al-Shabab, claimed responsibility for the attack. Al-Shabab, which is fighting to impose Shariah law across Somalia, was pushed out of the capital, Mogadishu, and other major urban cities more than two years ago, but the group still carries out suicide attacks across Somalia. Source: – AP
  11. Al-Shabaab militants in Mogadishu have killed two district officials on Sunday evening, hours after a major assault on an AMISOM base in southern Somalia, according to a statement on Al-Shabaab affiliated media outlets. Hassan Indha-Dhuh and Mohamud Moallim Hassan Fagasse were gunned down in Mogadishu. Both of the victims were senior district administrators in Hamarweyne District of the Banadir regional administration. The perpetrators were not apprehended and Somali police, who have confirmed the killing, has said that an investigation is underway. The murders come hours after an attack on an AMISOM base in Bullamarer town which located 125km south of Somalia was confirmed by official and witnesses. The militants claimed to have killed 59 Ugandan soldiers and destroyed several armoured vehicles in the attack. AMISOM has not yet commented on the attack on its soldiers.
  12. Kenya, Uganda, Ethiopia, Djibouti and Yemen — the five countries hosting Somali refugees — have been asked to speed up legislation to allow free movement, education and employment for the refugees. That was the decision by the Inter-Governmental Authority on Development (Igad) ministers in charge of internal security who met in Kenya last week to take stock of the implementation of the Nairobi Action Plan on durable solutions for Somali refugees, developed in March last year. The Nairobi Action Plan requires host countries to improve access to education for both refugees and host communities, promote self-reliance among refugees by creating opportunities for business in refugee hosting areas for the benefit of host communities. So far, the Kenya government has a draft National Action Plan for refugees that has been shared with stakeholders for their input, while at the same time pursuing an appeal against a court order that last year declared the intention to close the Dadaab camp as unconstitutional and discriminative. According to the Kenyan Chief Administrative Secretary in the ministry of interior, Patrick Ole Ntutu, the action plan will specify the required policy changes, investments and resources that are required to meet Kenya’s commitments to the Nairobi Action Plan. “We will also align it with the country’s development plans including our Vision 2030 and the sustainable development goals. But for our objectives to come to fruition, financial support is crucial and the international community should also honour their pledges in the spirit of responsibility sharing,” said Mr Ntutu. Despite efforts by the Somalia government to create a conducive environment for voluntary return supported by the international donors, the security situation has not improved forcing these countries to accommodate considerable number of returnees. Source: – The East African
  13. MOGADISHU, Somalia — Somalia’s al-Shabab Islamic extremists on Sunday launched an attack on a base for African Union troops in country’s south, killing four Ugandan peacekeepers, said Ugandan army spokesman Brig. Richard Karemire. Source: Hiiraan Online
  14. Several soldiers of AMISOM are feared to have been killed on Sunday after heavily armed Al-Shabaab militants stormed AU military base manned by Ugandan soldiers in Bulamarer town. The attack in Bullamarer town which located 125km south of Somalia was confirmed by official and witnesses. The assault was started with two car bombs which breached the defence at the Forward Operating Front Base (FOB) in Bulamarer town of Lower Shabelle region followed by heavy fighting. Witnesses who spoke to the media said the militants entered the town after forcing their way through the checkpoints of the town. The deputy governor of Lower Shabelle region, Ali Nur Mohamed who confirmed the attack said the militants were defeated by AMISOM troops. Mohamed also confirmed casualties on both sides but said the exact figure was not immediately available. The militants claimed to have killed 59 Ugandan soldiers and destroyed several armoured vehicles in the attack. “At least 59 soldiers of Ugandan were killed in a well-executed attack by the mujahideen fighters, full information of the attack will be raised later,” said the militants in a statement posted on Pro-Alshabab media. AMISOM has not yet commented on the attack on its soldiers. The attack would be the third assault on Uganda’s military bases in Lower Shabelle region since the East African nation sent its troop to Somalia in 2007.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Qaraxyo loo adeegsaday oo lagu qaaday Saldhiga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose. Weerarka ayaa ku bilowday Qaraxyada laba gaari iyo dagaal toos ah oo ay maleeshiyada al-Shabaab la gashay ciidamada AMISOM ee ku sugnaa Saldhiga. Gaadiidka qaraxyada loo adeegsaday ayaa kala ah gaari Dyna ah iyo gaari caasi ah oo laba nin oo Shabaab ka tirsan ay wadeen, kadibna waxaa xigay dagaal culus oo halkaasi ka bilowday. Intaa kadib maleeshiyada al-Shabaab ayaa gudaha u gashay Saldhiga waxaana la xaqiijiyay inay geysteen dilka ciidamo farabadan oo ka tirsan AMISOM. Maleeshiyada ayaa gudaha Xerada ku gubtay ku dhawaad Shan Gaari nooca dagaalka ah, halka ay goobta ku dishay ciidamo dhan 64. Galabnimadii maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho, soo gaaray diyaarado Helicopter ah kuwaa oo siyada Meydka iyo dhaawacyada ciidamada AMISOM. Diyaaradaha oo dhamaa Seddex ayaa waday Meydadka iyo dhaawacyada 78 oo 64 kamid ah ay ahaayen Meydadka ciidamada, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka howlgala Garoonka Aadan Cadde. Sidoo kale, Muxudiin Khaliif Caliyow oo ah ka mid ah mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Buulo Mareer, ayaa sheegay dagaalka inuu ahaa mid culus, balse uu ka horeeyay laba qarax oo waaweyn, kuwaasi oo gaadiid loo adeegsaday. Dhinaca kale, weerarkaan ayaa kusoo beegmaaya xili ay ciidamada AMISOM isku diyaarinayaan inay ka baxaan Somalia, waxa ayna weeraradaan is xigxiga muujinayaan inaan laga maarmi doonin in wakhtiga loo kordhiyo AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay 59-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ku dileen weerar culus oo ay maanta ku qaadeen saldhig ay Ciidanka AMISOM ku lahayd deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose. Kooxda ayaa sheegtay in dhankooda ay uga dhinteen weerarkan 14 ka mid ah xoogagooda, balse ma sheegin dhaawacyada soo gaaray iyo mid ay u geysteen ciidamadii ay la dagaalameen. Shacabka deegaanka Buulo-mareer ayaa sheegay in dagaal culus uu qarxay kaddib markii Al-shabaab ay qaraxyo culus ku weerartay saldhigga AMISOM ee deegaankooda, balse waxay sheegeen inaysan ogaan Karin khasaaraha labadan dhinac kasoo gaaray dagaalkaas. “Weerarkan waxaan u dilnay 59 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee ku leh saldhigga deegaanka Buulo-mareer,” ayuu yiri afhayeenka hawl-gallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-muscab. Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in weerarro kale ay la beegsadeen illaa shan saldhig oo kale oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Shabeellada Hoose, balse ma jiraan ilo wareedyo madax-bannaan oo warkan xaqiijinaya. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo iyana la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaaday saldhigga AMISOM ee Buulo-mareer, balse la iska caabiyay, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkan. Taliska AMISOM – ayaan weli ka haldin weerarka Al-shabaab ay maanta la beegsatay saldhigga ciidamadooda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab weerarro kuwan oo kale ah ay la beegsato saldhigyada AMISOM ay ku leedahay dalka, iyagoo weerarro hore oo ay qaadeen ku dilay tiro badan oo ciidanka AMISOM ah. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay inay Askar badan oo AMISOM ah ku dishay Weerarkii Buulo-mareer appeared first on Puntland Post.
  17. Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa weerar xalay Saqdii dhexe ee habeenimo lagu dilay Afar qof oo reer guuraa ah laguna dhaawacay labo qof oo kale. Weerarkan ayaa waxaa gaystay dablay hubaysnayd oo tacshiirad ooda kaga qaaday Gaari booyada ah oo ay wateen dadkii reer Guuraaga ahaa oo ka dhaasnayay Ceel biyood ku yaalay deegaankaasi. Gudoomiyaha Degmada Bandar Bayla Siciid Anteeno ayaa Puntlandi waxa uu u sheegay in meedadka Afarta qof lagu Aasay meel udhaw Tuulada dhuudo. Gudoomiya ayaa sheegay in aysan ilaa iyo haatan ogayn cida falkan gaysatay. Halkan ka Dhagayso Gudoomiye anteeno
  18. Kenya, Uganda, Ethiopia, Djibouti and Yemen — the five countries hosting Somali refugees — have been asked to speed up legislation to allow free movement, education and employment for the refugees. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - Al-Shabaab militants in Mogadishu have killed two district officials on Sunday evening, hours after a major assault on an AMISOM base in southern Somalia, according to a statement on Al-Shabaab affiliated media outlets. Source: Hiiraan Online
  20. Tiro xildhibaano ah oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa dhibatada ka taagan 10kii sanno ee lasoo dhaafay Gobolka Bokool ee Soomaaliya. Gobolka Bokool waxa u ka mid yahay Gobollada uu ka arrimiyo Maamulka Koonfur Galbed ee Soomaaliya, waana Gobolka ugu liita Gobolada ay dagto Soomaliya dhan waliba ee nolasha. Haddii ay ahaan laheyd Waxbarshada, Ganacsiga iyo Hormarrada kale. Taasna waxaa sabab u ah masuuliyiinta kaso jeedo Gobolka Bokool oo aan qaarkood waligod booqan xaaladda ay ku nool yihiin reer Bakool. Waa xaaladdii ugu xumeyd abid oo ay soo maraan taariikhda inta la xasuusto, maxaa yeelay Bakool waxa ka jirto nolol adag, waxaana xiran dhammaan waddo waliba oo gasha Gobolka Bakool. Mana jirto isku socod dhanka dhulka ah, kaliya waxaa u faran dhanka hawada oo ay ku adag tahay in dadka qaar ay isticmaalan. Taasi waxa usii dheer colaado ragaadiyey gobolka wuxuuna isku badalay mid Nabadda ka caagan. waxa uuna noqday furimo dagaal. Eedda ugu badan waxaa leh Xildhibaannada ka gaabiyey shaqadii loo igmaday waxaana si gaar ah farta loogu fiiqi karaa: Aadan Maxamad Nuur Aadan Madoobe Sareedo Maxamad Cabadalla Senator Xuseen Shiikh Maxamad Haruun Imaan C/llaahi Cali Maxamuud Maxamad Boonoow Xildhibaannadaan kor ku xusan ayaa u dhaartay inay dadkooda wax u qaban doonaan balse taas ma dhicin oo waxa ay ka raacdeen danahooda u gaarka ah. runtii waa ayaan-darro in xildhibaanno tiraas leh ay hilmaamaan dadkii ay ku matalayeen Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya. Waxa kale oo jiro in mid ka mid ah Golaha Wasiirdda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, laguna magacaabo C/laahi Black oo aan marnaba isku dayin inuu wax u qabto dadkiisa ku dhibateysan Gobalka Bakool, shacabkaasoo maalinkasta u dhimanaya abaaraha ka jira Gobalka. BAAQ Waxaan ku baaqi lahaa in masuuliyiinta ay quseyso sheekadaani ay wax u qabtaan dadkooda ku dhiban Bakool. Waxaa kale oo muhiim ah in Xafiis laga furo xarunta Gobolka ee Xudur, maadaama ay taasi keeni karto in dhammaan hayadaha samafalku ay gobolka yimaadaan dadkana wax u qabtaan. Qormadii: Aadan Zeytuuni
  21. Muqdisho, 1 Abriil 2018–Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Aqalka D/Hoose ayaa maanta lagu furay codsiyo ku saabsanaa Qandaraas dayactir ee xafiisyo loogu adeegi doono dadweynaha ku nool ilaa 6 degmo oo kala ah; (Xamarweyne, Shangani, Shibis, Bondhere, Wartanabadda iyo Cabdicasiis). Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha G/Benaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow), Ku xigeenka Duqa Magaalada ee dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyaaasha Degmooyinka ka faa’iideysanaya dhismahaan, Wakiilada shirkadaha ku tartamaya qandaraaska iyo qaar ka mid ah Agaasima waaxyada D/Hoose. Barnaamijkan ayaa u jeedkiisa yahay in lagu daadajiyo adeegyada ay bixiso dawladda hoose sida Shatiyada Ganacsiga, Shahaadooyinka Dhalashada, Fasaxa dhismooyinka iyo qaadista canshuuraha guryaya IWM ee Degmooyinka Gobolka. Waxa uu u sahli doonaa mashruucaani muwaadiniinta in ay si fudud oo dhawaasha leh ay ku helaan adeegyadaasi sidoo kalane ay meesha ka baxaan caqabadihii ka imaan jiray waqtiga iyo hanaanka lagu helo adeegyada dadweyanha. Duqa Muqdisho Eng. Yarisow oo si rasmi ah u furay munaasabadda ayaa amaanay hanaanka daahfurnaanta iyo xirfadda leh ee uu u soo bilaawday tartanka isagoo hoosta ka xariiqay in Dawladda hoose ay mar walba ka goántahay daadajinta adeegyada loona yeelo tayo dakuna ay si cadaalad leh u wada helaan adeegyadaaasi. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Dawladda hoose ay si xoog leh ula dagaalayso dhaqanada xun-xun ee dhanka shaqada sida wax isadaba marinta ka dhalan karta bixinta adeegyada dadweynaha. Waxa uu intaa raaciyay in Dawladda Hoose ay talaab sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walaba oo ka mid ah shaqaalaha ee ku kacda falal sharciga iyo habraacyada shaqada ka soo horjeeda iyo sidoo kale cid walba oo gacan ku siisa howlahaasi. Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa u saari doonto guddi gaara ah ee ka shaqeeya howsha qiimaynta iyo goáan ka gaarista qandaraaslaha ku guuleesta tartankaani sida ay cadeeysay D/Hoose iyadoo lagu soo gababgabayn doono ilaa dhamaadka usbuucaani taasoo ku aadan 6 da April, 2018. —DHAMMAAD— The post Dawladda Hoose ee Muqdisho oo maanta furtay tartan Qandaraas oo lagu dayactiraayo ilaa 6 xafiisyo ee Degmooyinka G/Benaadir. appeared first on Puntland Post.
  22. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Abshir Awyuusuf Ciise iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Dr Maxamed Cali Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay shaaciyeen Jadwalka Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo laga soo hormariyey waqtigiisii caadiga ahaa. Imtixaanka ayaa qorshuhu ahaa in la qabto 19/5/2018 waxaana la soo horumariyey hal usbuuc iyadoo loo asteeyey inuu qabsoomo 12-5/2018 sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland. Arintaan ayaa wasaaradu ku sababaysay kadib markii ardayda iyo macalimiinta dugsiyada ku yaala xeebaha bari ee Puntland ay cabasho ku muujiyeen kulayl daran iyo bisha ramadaan oo fooda nagu soo haysa. Halkaan Ka Dhegeyso Shirka Jaraa,id. Z0000066 - My Recording Daawo Sawirro. Puntlandi.com
  23. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta kana mid ah Ciidamada Dowladda ayaa Maanta qof Shacab ah waxa uu ku dilay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho. Dilka ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah Gawaarida Bii’elka ee loo yaqaano Homeyda uu istaagay Xarun Ciidamadu ku leeyihiin Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad,isla markaana uu Askari rasaaseyay taas oo keentay in mid ka mid ah Shacabkii Gaariga saarnaa ay haleesho halkaasna uu ku geeriyoodo. Askariga dilka geystay ayaa isku dayay in uu baxsado laakiin Ciidamada Xooga ayaa gacanta ku dhigay Askarigii waxaana hadda ay ku sugan yihiin Askarigii dilka geystay iyo meydka qofkii Shacbka ahaa Xarunta dambi baarista ee CID-da. Dilalka ay geysanayaan Ciidamada ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa joogto kanoqdat gudaha magaaladda Muqdisho . Saraakiisha Ciidamada amaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadaan, iyadoona maalmahaan dambe uu soo badanayay dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciidamada ka tirsan Dowlada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Somaliland ayaa guddoomiye u soo magacowday gobolka Cayn oo ka tirsan sagaalka gobol ee dowladda Puntland,sida lagu xusay Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi cabdi. Mustafe Cabdi Muuse Nuur oo ka tirsanaa sirdoonka qarsoon ee Somaliland u soo wiideeya (jaajuusa) hubka yaalla magaalada Buuhoodle,ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub,waxaana lagu amray in uu lacago badan halkaas geeyo,taasoo lagu kala qeybinayo bulshada reer Puntland ee gobolka Cayn. Mid kamid ah siyaasiyiinta gobolkaasi oo PUNTLAND POST la soo xiriiray isagoo ku sugan degmada Buuhoodle, ayaa sheegay in dadweynaha gobolku ay si weyn uga digtoon yihiin shirqoolka Muuse Biixi ka soo maleegayo magaalada Hargeysa iyo u jeedka loo magacaabay ninkaan. “Waxaa isoo gaadhay in Mustafe Cabdi Muuse loo soo dhiibay lacago badan islamarkaana malayshiyaad loogu soo taba-baray magaalada Hargeysa,taasna way fahamsan yihiin guud ahaan bulshada gobolka,waana ka digtoonyihiin hagar-daamada SNM”,ayuu yiri siyaasigan. Siyaasigaan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa intaas raaciyay in shakhsiga la magacaabay uu ka tirsanaa koox ka soo jeeda gobolka Cayn oo qaab sirdoon ahaana Somaliland ugu gudbin jiray xogta ciidanka iyo hubka degmada Buuhoodle,si ay xil iyo xoolaba uga helaan Somaliland. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi guddoomiye u soo magacaabay gobol Cayn. appeared first on Puntland Post.
  25. Mahadaay-(Caasaimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan ciidanka Burundi ay isaga baxeen deegaanka Cali Fool-dheere oo saldhig ku lahaayeen. Ciidamada AMISOM ayaa soo faarujiyay deegaanka Cali Fooldheere oo qiyaastii 20KM u jirta Mahadaay Goob-joogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa sheegay in ciidamada ka soo ruuqaansadeen Cali Fooldheere, kuna soo wajahan yihiin Mahadaay, iyadoo la maqlayay madaafiic lagu ridayay dhanka howdka oo ahaa mid ciidamada jidka loogu furayay. ciidamadaan ayaa lasheegay in bariyii danbe ay kacabanayeen biyo la aan soo foodsaartay waxaana jirtay in mararbadan wadada loogay qasaarana kasoo gaartay. Saraakiisha Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in roob xoog leh habeenadii la soo dhaafay uu ka da’ayay Shabeelaha Dhexe kaas oo biya dhigay gobalka, balse sidoo kale saameyn balaaran ku yeeshay Gaadiidka AMISOM kadib markii uu biya dhigay Wadooyinkii ay Isticmaali jirayn Ciidamada AMISOM. Lama oga sababta ka dambeysa Guuritaanka Ciidamada AMISOM ee deegaanka Cali Fool-dheere, waxaana wararka ay intaas ku darayaan in ay degayn degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelaha dhexe Ciidamadii ka soo baxay Cali Fool-dheere. Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Cali Fooldheere, waxaana la soo sheegayaa in xaalada deegaanka ay tahay mid degan, Shabaabkana ay ku sugan yihiin saldhiggii ay baneeyeen Ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com