-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay yeeshaan maanta cod ugu qaaday kiiska weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee Imaaraadku tababarray ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Arrintan ayaa doodeeda ku bilaabatay iyadoo Cabdi C/qaybdiid hadal u jeedyay xildhibaanadda Aqalka Sare, isagoo u sheegay in macluumaadkii gurigiisa lagu weeraray ay ahaayeen kuwo khaldan oo ay bixisay hay’adda NISA, kadib markii ciidankii Imaaraadka ee weerarka gurigiisa fuliyay loo sheegay xog ku saabsan in guriga uu ku sugnaa ninkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Wuxuu Qeybdiid sheegay baaritaanka dhacdadii lagu weeraray gurigiisa aanan laga haynin natiijo sax ah, isaguna aany ku qanacsaneyn Guddigii Dowladda uxil saartay arrintaasi. Guddoonka Aqalka Sare ayaa golaja hor keenay in loo codeeyo laba qodob oo kala ah: 1- In Guddi cusub oo ka kooban labada Gole ee Baarlamanka loo saaro arrinta weerarkii Guriga Cabdi Qeydiid 2- Iyo In loo yeero Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo wax laga weydiiyo kiiska. Codkii la qaaday ayaa natiijadiisu noqotay in xildhibaannada Aqalka Sare ee shirka maanta ku sugnaa oo dhan 28 ay 23 ka mida u codeeyeen in Guddi loo saaro arrinta, halka 4 xubnood ay u codeeyeen in loo yeero Ra’iisal wasaaraha, halka hal senator uu ka aamusay. Dhinaca kale Xildhibaanada Aqalka sare ayaa xilligan shir ka leh arrinta Dekeda Berbera iyo shirkadda DP World oo shalay xeer uu soo saaray Golaha Shacabka dalka looga mamnuicay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Aqalka Sare oo Go’aan ka soo saaray Weerarkii ciidamo uu tababarray Imaaraadku ku qaadeen Guriga Cabdi Qeybdiid appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/casiis Cali Ibraahim oo ku magac-dheer Xildhibaan ayaa uga digay ganacsatada, gaar ahaan kuwa Muqdiso inay qaataan amarada kooxda Al-shabaab. Mudane C/casiis Xildhibaan oo maanta war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay la socdaan ganacsatada qaar oo Al-shabaab siiya lacago uu ku tilmamaya kuwo baad ah. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay inay hayaan liiska ganacsato uu sheegay inay lacago siiyaan kooxda Al-shabaab oo uu ugu yeeray argagxiso, isagoo ugu hanjabay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan. Afhayeenka ayaa faray milkiilayaasha garoomada yar-yar ee lagu cayaaro kubadda cagta inaysan amarka Al-shabaab ku xiri karin garoomadooda, isla markaana ay tahay inay furaan si ay bulshadu uga faa’iideysato. “Waxaan ugu baaqaynaa milkiilayaasha garoomada salaxa inaysan amarka Al-shabaab ku xiri karin garoomada, Al-shabaab kama taliso Xamar,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.. Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo kooxda Al-shabaab ay dhawaan amarro kusoo rogay garoomada Salaxa ah ee ku yaalla qaybo ka mid ah Muqdisho, waxaana la sheegay in qaarkood ay fuliyeen amarka, isla markaana xireen. Ugu dambeyn, Ganacsatada Muqdisho ayaa ku jah-wareersan amarrada iska soo hor-jeeda ee Dowladda Somalia iyo Kooxda Al-shabaab ku soo rogaan, iyadoo ay jiraan ganacsato looga yeero deegaanka Tooratoorow oo la siiyo amarro la xiriira bixinta lacagaha loo yaqaano Zakada. PUNTLAND POST The post Wasaarada Amniga oo ganacsatada ku war-gelisay inaysan qaadan Amarada Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Hargaysa waxay kaga hadlayn go’aankii ay Shalay Shirkada DP World ka qaatay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo dalka looga mamnuucay DPWorld. Baarlamaanka Soomaaliland ayaa soo saaray Lix qodob oo ay kaga hadlayaan xiisadda siyaasadeed ka taagan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa taas oo salka ku haysa heshiiskii Dekadda magaalada Bar-Bara ee Soomaaliland. Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyay go’aanka uu shalay golaha shacabka Soomaaliya ka soo saaray dekadda Berbera. Golaha wakiillada Somaliland ayaa ayiday maalgeshiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijo kobac dhaqaale Golaha waxaa uu taageeray heshiiska maalgeshiga Berbera. Golaha waxaa uu go’aamiyay in cid walba oo ka qeyb qaadata ama taageerta ama si uun gacan u siisa xukuumadda Soomaaliya dhaq-dhaqaayada lidka ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland loo aqoonsado cadaw qaran Golaha wuxuu ururka qaramada midoobey, midowga Afrika, Jaamacadda carabta, IGAD ka taageera horumarka iyo dimoqoraadiyadda u caddeynayaa in dhaq-dhaaqyada Soomaaliya ka waddo geeska Afrika in ay yihiin kuwa keenni kara xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed. Golaha waxaa uu ku baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland inay si buuxda isu garabtaagaan golayaasha qaranka iyo ciidamada dalka ilaalinta madaxbannaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee jamhuuriyadda Somaliland. Hadalada iska soo hor jeeda ee ka soo baxaya Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa sii hurinaya Xiisadda siyaasadeed ka dhalatay heshiiskii Dekadda magaalada Ber Bera ee Soomaaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Golaha Wakiilada Soomaaliland oo ka soo horjeestay go’aankii Golaha Shacabka ka qaatayn Shirkadda DP World. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay mid kamid ah waraaqihii ay dowladda Soomaaliya lacagaha ugu aruurin jirtay dowladaha Carabta 1975 kuwaas oo xilligaas ku jiray xaalado aad u adag. Waraaqdaan ayaa ah mid lacag looga qaaday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Caawiye. Sida ku cad waraaqda muwaadinkaan ayaa laga qaaday lacag gaareyso ilaa 20 Shilin oo Soomaali ah. Sababta looga qaaday ayaa ah sida waraaqda ka muuqato deeq loo aruurinayo Dowladaha Carabta. Muwaadinka lacagta laga qaaday ayaa daganaa Ceel Jaale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose waxaana waraaqdaan ku saxiixan Abshir Shiikh Xasan oo ahaa qasnajigii Gobolka Shabeelada Hoose u qaabilsanaa Ceel Jaalle. Dowladda Soomaaliya ayaa deeqo lacageed u aruurin jiray dowladaha Carabta kuwaas oo xilligaas ku jiray abaar iyo Gaajo aad u daran, waxaana hadda muuqato inay adduunyada is badashay maadaama ay dowladaha Carabta ka shaqeenayaan sidii loo burburin lahaa dalka Soomaaliya halka ay Soomaaliya 1975-tii ka shaqeeneysay sidii dowladaha Carabta loo badbaadin lahaa. Dowladaha Carabta oo ay ugu horeyso dowladda Imaaraadka Carabta ayaa faragelin ku heyso madax banaanida Soomaaliya waxayna iska hor keeneysaa Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe kadib heshiisyo aan sharci aheyn oo ay kula wareegeyso Dekaddo ku yaalo Gobolada Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso waraaqdaas: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso mid kamid ah waraaqihii ay Soomaaliya lacagaha deeqaha ah ugu aruurin jirtay dowladaha Carabta 1975 appeared first on Caasimada Online.
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Adis ababa ayaa sheegaya in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wadahadleen muranka ka taagan heshiiska dekadda Berbera ee ay Itoobiya ka mid noqotay saamileyda dekaddaasi. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xiriir toos ah la sameeyay dhigiisa dalka Itoobiya Workneh Gebeyehu iyagoo ka wadahadlay xaalada dekadda Berbera iyo heshiiska ay Itoobiya ay qeybta ka noqotay ee ka dhacay dalka Imaaradka Carabta. Xogta ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay u gudbisay cabasho ku saabsan heshiiskaasi oo dowladda Itoobiya ay si sharci darro ah uga mid noqtay, heshiiskaasina uu xadgudub ku yahay qaranimada Soomaaliya. Itoobiya ayaa la sheegay inay arrintaasi u aragtay mid ganacsi oo aan shaqo ku lahayn wax siyaasad ah, isla markaana waxay balanqaad ku siisay dowladda Soomaaliya inay ku taagan tahay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Lama oga inay dowladda Soomaaliya ku qanacday faahfaahinta dowladda Itoobiya ka bixisay heshiiska dekadda Berbera oo ay saami dhan 19% ku yeelatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wadahadlay heshiiska Dekadda Berbera iyo hal arrin oo la isku fahmay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha wakiiladda Maamulka Somali-land oo maanta kulan ku yeeshay magaaladda Hargeysa ayaa taageeray heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee Dekadda Magaaladda berbera maamulka Somali-land, Shirkadda DP World ee dalka imaaraadka Carabta, iyo Dowladda Ethopia. Wakiiladu waxa ay canbaareeyeen xeerkii ay shalay soo saareen Xildhibaanadda Golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaliya, kaasi oo lagu joojiyay heshiiska, sidoo kalana dalka loogu mamnuucay shirkadda Dekaddaha DP World. PUNTLAND POST The post Golaha Wakiilada Soomaaliland oo si kulul ugu jawaabay Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Puntlandi) Barlamaanka maamulka Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah soo saaray go’aan uu ku taageeerayo heshiiska maamulkooda la galay shirkada DP-World, heshiiskaas oo ku saabsan maamulka dekeda Berbera. Waxaa kale oo ay barlamaanka Somaliland kasoo horjeesteen go’aankii shalay kasoo baxay barlamaanka Soomaaliya ee lagu mamnuucay shirkaas iyo dhammaan heshiisyada aysan dowladda federalka Soomaaliya waxna ka ogayn. Halkaan hoose ka akhriso.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa qarxiyey weerarkii lagu qaaday Gurigiisa ee ay ka dambeeyeen ciidamada uu tababarray Imaaraadka ee Muqdisho, wuxuuna dalbaday in baaritaanka kiiskaasi loo soo bandhigo shacabka. Isagoo ka hadlayay goor dhoweyd fadhiga aqalka sare ee Baarlamaanka oo iminka ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gurigiisa loo weerarray tuhun ah inuu ku jiray ninkii ka danbeeyay weerarkii 14-ka Oktoobar ee Isgoyska Soope. “Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka gurigeyga waa in lala wadaagaa baarlamaanka iyo shacabka..” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid oo dhinaca kale sheegay in 60 maalmood kadib weerarkii lagu qaaday gurigiisa aan wax tallaabo ah laga qaadin dadkii ka damnbeeyay weerarkaasi. Cabdi Qeybdiid oo warbixinta weerarkii lagu qaaday Gurigiisa 30-kii Disembar 2017 ka jeediyay Aqalka sare ayaa Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isla markaana lasoo bandhigo baaritaankii lagu sameeyay weerarka. Kulanka koowaad ee kalfadhiga 3aad ee Aqalka sare ayaa maanta ka furmay magaalada Muqidsho iyadoo looga hadlo weerarkii lagu qaaday guriga Senator Qeybdiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Cabdi Qeybdiid oo Kashifay sababtii Ciidamada Imaaraadku tababarray u weeraray Gurigiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasmadda Online) – Golaha Fulinta Madatasha Talo-wadaag oo shir isugu yimid kuna falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalka ayaa ka soo saaray warmurtiyeedkan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay Talo Wadaag Tr.(02/MTW/2018) Warmurtiyeed Xaaladda dalku jiro (Muqdisho: 13/03/2018) Golaha Fulinta Madatasha Talo-wadaag oo shir isugu yimid kuna falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalka ayaa ka soo saaray warmurtiyeedkan. Madasha Talo-wadaag oo u taagan sareynta sharciga, ilaalinta dastuurka qaranka iyo hanashada umadda soomaaliyeed ee horumar la taaban karo waxay u aragtaa in faragalinta dalalka shisheeye ku hayaan umadda soomaaliyeed aan la aqbali karın taasoo ay ka mid tahay heshiisyada sharci darrada ah ee la saxiixay iyadoon loo marin dariiqii saxda ahaa. Madashu waxay bogaadinaysaa soona dhawaynaysaa goaankii taariikhiga ahaa ee uu gaadhay baarlamaanka federaalka soomaaliyeed ee cinwaankiisu ahaa gobanimada iyo geyiga soomaaliyed. Madashu waxay soo dhawaynaysaa waxkasta oo ku saabsan horumarka dalka iyo dadka soomaaliyeed. Madashu waxay ugu baaqaysaa Madaxda qaranka oo ugu horreeyo madaxwaynuhu in la hirgaliyo goaankii ay qaateen barlamaanku, xukuumadana lagula xisaabtamo meelmeerinta goaankaasi. Madashu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan in ay u istaagaan ilaalinta Qaranimada Soomaaliya, si taas loo xaqiijiyana waa in laga shaqeeyo dib heshiisiinta iyo isku duubnaanta shacabkaa soomaaliyeed. Madashu waxay ku boorinaysaa dhamaan dadka soomaaliyeed in wixii khilaafaad ah ee jira dhexdooda lagu xalliyo wada-hadal iyo isfaham. Dhamaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madasha Talo-Wadaag oo soo saartay Warmurtiyeed ku saabsan Xaaladda dalku jiro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markasta caddeeya Mowqifkiisa ku aadan sidii looga taqalusi lahaa Kooxda Shabaab ayaa ciddii lasocotay khudbaddii uu 10-kii Maarso 2018 ka jeediiyey Furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka waxa uu dhowr jeer ku celiyey sida ay muhiimka u tahay in dowladdu ay ka guuleysato Argagixisada. Maalin kadib Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaaday talaabo muhiim u ah arrintaas oo ah in uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Seexda Wasaaradda Wasaaradda Gaashaandhiga 27 kadib, isaga oo xiran Tuutaha Ciidanka arrintaas oo timid kadib markii uu shaaciyey in hawlmaalmeedkiisa uu u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhiga. Waxaan rabaa in aan ku xasuusiyo wax aad ogtahay oo ku saabsan taariikhda aan wada aragnay ee Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha hadda talada haya waxaa ka mid ah taariikhda ay Shacabka Soomaaliyeed ku xasuustaan in isaga oo ra’iisul wasaare ka ah dalka uu hoggaan ka noqday in Alshabaab laga saaro Magaaladda Muqdisho, iyaga oo xilligaas heystay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, marka aan tusaalahaas ku qalin qabsado dad badan oo aan ka mid ahay ayaa rumeysan in Madaxweyne Farmaajo uu ku guuleysan karo nabadeynta guud ahaan dalka. Sawir noocee ah ayey bixineysaa in Madaxweynuhu uu ku hoydo Wasaaradda Gaashaandhiga? Dadka dowladnimada jecel ee laga yaabo in ay qabeen aragti ah in Madaxda dalku aysan daacad ka ahayn dagaalka lagula jiro argagixisada waxa ay u tahay jawaab cad oo ay ku qanci karaa haddiiba Madaxweynihii dalku waqtigiisa iyo shaqadiisaba usoo wareejiyey meesha ugu sarreysa ee Ciidanka Xooga laga maamulo, dhinaca kale waxa ay muujineysaa in ay adag tahay in ay sii jiraan Alshabaab oo waxa ay u egtahay in dowladdu ay isticmaaleyso awoodeedii ugu dambeysay oo ay u taqaluseyso. Madaxweyne Farmaajo in uu ku hoydo Wasaaradda Gaashaandhiga waxa uu dheer dadaal badan oo ku bixinayo dib u hagaajinta Ciidanka Xooga dalka iyada oo Dowladda dhexe arrintaas la kaashaneyso Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, marka la fiiriyo dadaaladaan oo dhan waxa ay muujinayaan in Soomaaliya ay gashay soo kabasho fiican oo dhinaca ammaanka ah. Madaxweyne Farmaajo oo si Alshabaab loo soo afjaro sameeyey talaabo uu uga duwan yahay Madaxweynayaashii ka horreeyey oo ah in uu 27 sano kadib ku hoyday, hawlmaalmeedkiisana u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo si Alshabaab loo soo afjaro sameeyey talaabo uu uga duwan yahay Madaxweynayaashii ka horreeyey!!! appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Gobolka Nugaal ayaa Maanta Soo Saaray wareegto lagu mrayo in dhamaan Ururadda dhalinyaradda iyo kuwa NGOs ee Ka jira Gobolka Nugaal, kuwaas oo aan haysan warqadda Ruqsada Diiwaan galinta ay yimaadaan Gobolka Sidoo Kalana Qaataan Ruqsada. Maamulka gobolka Nugaal ayaa sidoo kale sheegay inay hubinayaan shaqada ay qabtaan ururada dhalinyarada, kuwaas oo horey qaarkood loogu eedeeyay inay ku shaqeynayaan fikrado kasoo horjeeda siyaasada dowladda Puntland iyo in dano siyaasadeed looga faa’idaysanayo. Halkaan hoose ka akhriso go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka. Puntlandi.com
-
Kenya catering for 2000 Ethiopians who fled Moyale killings
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenyan authorities are receiving Ethiopians fleeing violence back home after security forces killed nine people and wounded a dozen others in a mistaken anti-terrorism fight. Source: Hiiraan Online -
Egyptian Foreign Minister Sameh Shukry has met South Sudanese President Salva Kiir to discuss Juba's request to join the Cairo-based Arab League, according to a foreign ministry statement. Source: Hiiraan Online
-
UK Prime Minister Theresa May is braced to take "extensive measures" against Russia should it not offer a credible explanation of how an ex-spy and his daughter were poisoned on British soil with a military-grade nerve agent. Source: Hiiraan Online
-
Women leaders and activists in Garissa county yesterday discussed strategies to fight FGM. Ninety-eight per cent of women in Garissa undergo the illegal mutilation, despite the ban. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah ayaa markii ugu horreeysay la filaya si wadajir ah inay uga faa’ideystan dakhliga ka soo xaroodda bixinta rukhsadaha Kalluumaysiga, bangiga dhexe ayay lacagta ku soo dhacaysa iyadoo kaddibna ay dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada si afgarad ah ku qeybsan doonan, sida u xaqiijiyay wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya, Cabdiraxman Maxamed Cali Xaashi oo VOA-da la hadlay. 10 February ayaa shir ka dhacay Muqdisho waxaa ku heshiiyay qeybsiga dakhliga ka soo xaroodda bixinta rukhsadaha Kalluumaysiga dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana go’aan lugu gaaray dhaqaalaha halka ka soo xoroonnaya in wax looga qabto amniga iyo in dhaqaalaha waddanka lugu kabo. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa haysata kheyraadka ugu badan xagga badda, maadaama ay leedahay dhul xeebeedka ugu balaaran Soomaaliya, taasoo haddii si wanaagsan looga faa’idaysto wax badan ka tari karta horumarka Puntland. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerar ku qaaden Saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobolka. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerarka kasoo qaaday dhowr jiho, waxaana la sheegay in weerarka uu isugu jiray Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah. Maleeshiyada ayaa weerarka ku qaaday Saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan deegaanka Golweyn. Weerarka ayaa dhacay saqdii dhexe ee Xalay xili ay ciidamada AMISOM ku guda jireen tamashleyn, waxaana lasoo sheegayaa in weerarka uu ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac ah. Maleeshiyada ayaa weerar kaa lamid ah ku qaaday Saldhiga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ambareeso ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana sidoo kale la sheegayaa in weerarkaas uu ka dhashay khasaaro xoogan. Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa Qarax miino ka geysatay Degmada Qoryooley, gaar ahaan goob ay isugu yimaadaan ciidamada, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare ugu yaraan, hal askari ayaa halkaasi ku dhintay. Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi oo soo gaaray ciidamada AMISOM ee Saldhigaasi lagu weeraray. Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan ka hadal khasaaraha ka dhashay weerarka waxaana lasoo warinayaa in saaka Saldhiga la weeraray diyaarado looga guraayo dhaawacyo iyo Meydad dhowr ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerar isugu jira Qaraxyo & mid toosa oo lagu qaaday Saldhig ay AMISOM ku leeyihiin G/Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
-
Millennials of color are going to be a major force in shaping Columbus and other American cities over the next few decades. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaabo ah uu magaalada Muqdisho ka furmo Kalfadhiga 3aad kulankiisa koobaad ee Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamanka Somalia. Kulanka maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr ajande waxaana ugu weyn Xeerka dhowridda Gobonimada iyo Madaxbanaanida Geyiga Soomaaliya. Xildhibaanada baarlamaanka Aqalka sare ee Somalia ayaa doodooda xooga ku saari doona qodobka Gobonimada iyo Madaxbanaanida Somalia, waxa ayna go’aan ka gaari doonaan xeerkii dalka looga mamnuucayay DP World . Kaa oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka meel mariyeen islamarkana dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Dood badan ka dib ayaa mudanayaasha Aqalka sare laga sugaya in ay ansixiyaan si markaasi uu u saxixo Madxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo. Si kastaba ha ahaatee, Xubnaha Aqalka sare ayaa daba gal ku sameyndoona weerarkii bishii December ee sanadkii 2017-kii lagu qaaday guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada Aqalka Sare oo go’aan cad ka qaadan doona Shirkada DP Worlad & Farmaajo oo laga sugaayo inuu saxiixo appeared first on Caasimada Online.